Nin Buka Boqol U Tali, Soomaali Way Gumoowday.!


About these ads

Categories: Warka (News)

13 replies »

  1. illahayow u gaargaar somaliya side ahayd waa layaqan alleh aa u gaargaaro amin illahayow sidedi horay ku soo celi baan lehahay

  2. Soomaali waa dhiig baxday

  3. libaax yadii gadhka dhaadheeraa ee hablaha suuqa ku karbaashi jiray, gabadh kiiniyaan ahi degta ma ku qaaday. Content was the word Samatar used when he was touring in my city a year ago. Gunimo somali haday u bilaabantee Hiildanoow sheekada dhamaad kama dhawa. And imagine the coming million years to come as well. Let Hanimuufo enjoy as my land is free of foreigner active occupation.

  4. Marunbaa,

    Aniga sarbeebtaada ma fahmin lakin oo waxwalbo ma fahmo. Laakin su’aal burburka Somalia iyo waxa burburinayo waa miis ladhuuyo badan saranyihiin. Aniga ladhuuga aan gacanta ku haysto waa wax walbo oo dowlad isku magacaabo in aan u niikiyo iyagoo insturment ka ah waxa dhacaayo oo gacanta ka hadlaayo. Anuu ladhuugaaga waxaan u fahmay in uu Alshabaab yahay aad miiska ku cayaarayso. Arintu si kastaba ha ahaatee adna waa ku jirtaa waxa burburka abahii ah. Ana kaba sii daran. Kkkkkkkkkkk Anuu waan ogahay in aanan wax land la yiraahdaba hayn oo dhul maran oo diig ku dadanaya dharaar walba iraahdo waan qabsaday!. Anuu in aan cebeysanahay waan ku jiifaaye aduuna bal iisheeg?.

  5. somaliya kolay waa iskawda faqash ilaahay howgar gaaro sland ictiraaf laha siiyo HANIMOOFAAD KAGARATAA FAQSHNIMDA

  6. GEEL QAAD,

    Kkkkk HabarYoonis ayaan ahay ka waaran. Mar dhawna faqashtaad shegeysaan ku biiraynaa. Aduu la duul Somaliland ga aad sheegeyso.

  7. Gabadhan yar caqligeegaan ka helaay caadi maaha. Waxay ka hadlaysaa wajaqada dunidan ka taagan in aay cid walbaa samaysay.

  8. Waa naxdin walaahi…

    Inay Kenyaati, Burundi, Ruwaandiis, Ugaandhiis, Tigreey iyo intii khalqiga ilaahay ugu liidatay oo toodi la wada taag daran maanta Soomaali guumaystaan…

    Talo wayn bay u baahan yihiin reer koonfureedku…
    Xalkuna iyaga kaligood buu gacantooda ku jiraaa..
    Cidina ku guumaysan kari mayso, kuna adeegsan kari mayso si ay dano ay kaa leedahay kuugu gaadho Haddii aanad u ogalaan adigu..

    Waa inay sameeyaan kacdoon baahsan oo balaadhan oo ay burburiyaan sanabyadan
    ay caabudayeen ee qayrood ka reebay..

    Waa inay qayliyaaaan Enough is Enough!!!
    Intaa in kabadan xamili kari mayno…
    Noqon mayno “Garoon” kubadda ay ku ciyaaraan quwado is haystaaa..

    Waa inay ambabaraan sidii nin isagoo hurda laga nixiyay oo biyo lagu shubay oo ay
    mar kaliya boodaan si ay u wada qubaan dhamaan mooryaantan siyaasiyiinta sheeganaysa. iyo kuwan afka xidhan ee diinta ku gabanaya… iyo koofiyad baclayaashan marna xabashidu u yeedhinayso waxay rabto marna turkidu diyaaradaha xamuulka ku qaadanayso si ay ugu soo saxeexaan ajendayaal gaar ah iyo isticmaar afrikaankaba…

    Adaa isku haya xalka…
    Xal ay cid kale kuu gaadho kaga quuso boqolaalkii shir ee ay shisheeyuhu hore kuugu qabteen

    Hadii ay se kolba mid af duuban ama mooryaan suudh xidhan u hoos yacaan oo qoriga ugu ilaaliyaan isku raas baanu nahay.. Waraabe waliba wuu soo hawaysan doonaa kana bixi maayaan waligood jaah wareerka iyagoo iska saara mooyaane…

    “Truly, Allah does not change the condition of a people until they change what is in themselves.” (Quran 13:11)

    Ilaahay ha u gargaaro Soomaalida Koonfureeeeed iyo anaga iyo Muslim oo dhan ba…

  9. Ilaahay ha u gargaaro ummadiisa huuno,waxanse la yaaba dadka xagaa inagu wada .

  10. Qaybtii 7aad.

    A visit to Gadabursi land 1903.

    Dhame Ingiriisa oo loo soo diray si u khaladkooda u tuso ayaa ku isticmaalay inuu ku muquuniyo xoog milateri,isagoo dadkiina ka laayay,geelashii iyo adhyahiina ka dhacay.Wuxuu ahaa nin fiican oo mudakar a,marka hadderto way iska cafiyeen.Anaguna sidoo kale rag fiican ayaan noqonaywaxayna noo saamixi karayaan imaanshaha dhulkooda.Qaylo dhaanta dhiilada waa geeraar colaadeedka Gadabursiga e waxay ahayd mid dhiif kulul oo aan cadawgoodu marna xamili karin.

    Siigada uurada leh kor uga gadhoodhay kaynta dhexdeeda ayaan ka qiyaas qaadanayay inta ay noo soo jiraan gulufka baaxada lihi,inyar dabadeedna waxaba kayntii ka soo mudh yidhi dagaalyahano Gadabursi ah oo safaf dhaadheer oo garbo siman ah uga soo baxay banaankii.Muuqaalkaasi mid la ilaawi karo maahayn,iyadoo gadaashooda aad looga arkayay dhirtii cagaarnayd ee ay ka soo dhex baxeen.

    Dagaalyahanku waxay kaynaan dhaqaaq ugu soo socdeen bankii iyagoo kor u taagayay warmo bir ah oo walalaclaynaya,Labiskoodu wuxuu u badna maryo cad cad waxayna guntanayen tobsiyo gunti xidhkooda laga bidhaansanayay midabo dhowr ah ayna dhexda ku giijisten,taasoo astaan u ahayd inay yihiin rag xoog wax ku muquunin kara cid kasta oo dhagar ka gasha.

    qaabkani wuxu ahaa xeer ay dajisay dawlada Ingiriisku una ogolayd inay sameeyaan,balse aanay dhiig daadasho danbe ku kicin,iyaguna si weyn bay u soo dhaweeyeen xeerkan.Mar kastoo hadal dheer la soo gunaanadaba waxay dadku ku dhawaaqayen ereyga moot oo ahayd eray dhaqameed soo dhawayn ah oo isla markaana fardahooda ku rogaal celinaya bartii ay ka soo karaar qaadanayen hadana mar kale xawaare sare ku soo eryayeen,Mar sadexaadkii intay ka soo dageen oo kooraha ka dhigeen dhamaanba fardahii ayay mar qudha dadkii fagaaraha joogay kala dareeren meeshay tagayeena nooma adeen lahayn.

    Waxaan meel fog ka maqalay bulxaan,gurxan iyo or ay ka dhex yeedhayso jiib macaan oo marba marka ka danbaysa nagu soo dhawaanaysa iyadoo dananka luuqda hobolka lagu xoojinayay jiib iyo jaan wada socota waxa kale oo xusid mudan kooxo hobolo ah ayaa kaga rogayay cod guux iyo reen,jiib iyo jaan wada socda.Wixiiba waxa isku fuuqsaday cirka buluuga ah ee bilaa saxalka ah,waxa mar qudha dareenkii dadka soo jiitay majaajilada maaweelada legdinta iyo qalaamarogodka ay soo bandhigayeen dhowr shaqsi oo ragii ugu horeeyay ahaa kuwaso ahaa horyaalada qoobka ciyaarka ahna hobolada guud ee ciyaar dhaqameedka.

    Safkii dhamaanti wuxu u soo siqayay xagayaga si ay hadaba jiibta iyo jaanta iskula helaan waxay bilaabeen codkii iyo cagtii oo kiciyay uuro boodh ah,markay nagu soo dhawaaden hobaladii waxay xoojiyeen ciyaartii iyagoo si jibo ah isku ruxaya,dhinacayadana u bood boodaya isla markaana cod qaylo ah raacinaya ayay hawada isku shareereen,looltan adagina si tudhis la,aana uga dhex socday,mararka qaarkoodna warmahooda haadhaya ee halista ah ayay nagula soo jeesanayeen way gilgilanayeen madaxana wada ruxayeen,iyagoo timahoodii raamaysna hadba dhinac rax uga siinaya.

    Dabadeed lama ka mida ayaa dagaal iskula soo baxay gegidii,midkood ayaa intu golxadkiisii la soo baxay ku weeraray kii kale sidii inuu dilayo oo madaxa ka jarayo,anigu waaban r yaaboo waxan rumaysan waayay dil maba dhicin ee ilayn sidann halista ahi waaba gedooda.

    WAA SOCOTAA.

  11. Waryaaa Godan wali ma is adkaynaysaa?Aar Mustafaad tahay soo bax Oo Ilaahay ka yaaab,haddaad diidaysana dhaar mar wax yaw Awr heeryadiisa cunaad tahaye

  12. Salal runtii waan ka fikirayay xagaad ka dhacday kkkkk ,Gadabuusina waan ka guuree ogow reerku niicdaasay hayaan iyagaa kala dhamaan la,maxay igu soo kordhinayaan waa waxba,maxaadse adigu caawa igu maagtay??

  13. gabay iyo suugaan ay soomaali wada ilooday in aan Tigree duufle u jabnay waa nasiib daro.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: