Sida qaalibka ah taariikhda Hooyadu way dheertahay oo waa cilmi ballaadhan oo la baran karo, gaar ahaan marka lagu dabbaqo suugaanta Soomaliyeed, waxay noqotaa badweyn aanu ruuxna kalidii k murti ku wada dabooli karin. Taasi oo macnaheedu yahay in qof waliba qayb yar uun kasoo gali karo badweynta suugaaneed ee taariikh nololeedka Hooyada.
Hadaba iyada oo taasi maskaxda ku haysa ayaa buraanburkan hoos ku xusan waxa tirisay Allaha u naxariistee marxuumad Mako Shirdoon Sugaal, oo ku eegaysa jaranjarta nolosha ee Hooyadu lasoo marto Ilmaheeda, marka laga bilaabo inta caloosha ay kusido, ilaa iyo inta iyada noloshadeeda ka hadhay Waxa buraanburkan iyo sawirka la socdaba inooga soo minguurisay buug laga qoray Mako Shirdoon, inanteeda Faadumo-Nakruuma oo ku sugan Jabuuti
HOOYO
Taariikhda Hooyo Dheeroo
Ma dhammayn karaayee
Balse dhawr hal an ka sheego
Xaga dhaqankiyo ilmahee
Wuxu Rabigay u dhiibay
Masuuliyad dhumuc weynoo
Dhankooda la saaraye
Sagaal bilooo dhabnuu
Ilmuhu ku dhereranyahay
Uuurka Hooyo dhexdiisoo
Weliba dhawran oo
Dhinac iskuma legdaane
Weliba dhaqdhaqaaqa
Noleshay dhegeystaan
Marka ay dhalaana
Dhabtay soo dhigaanoo
Horaadkay u dhiibtaa
Ku dheefisaaye
Dhismahaa noloshiisa
Iyo dhuunigey bartaaye
Dhareerkey ka duugtaa
Dhabankey u toosisaaye
Kolkuu soo dhaafo
Fadhigey dhiidhii bisaaye
Kolku soo dhaafo
Scodkey lugta u dhigtaayee
Inuu dhan uu ciiro iyo
Dheelligey nacdaaye
Afkisii hooyo iyo
Hedhe dhedey bartaaye
Afkiisii hooyo iyo
Hobeydey bartaye
Kolku soo dhaafo labiskey
Dharka u xidhdhaaye
Tacliintey kula dhegtaa
Oo ey la dhinac gashaayee
Illa ey dhimanayso
Dundhunkuun bey heysataaye
Dhammayn kari mayo
Tarikhda hooyo dheere
Intaasaan idiin dhigay
Kuna dhaafayaaye
Categories: Suugaan(Somali Literature), Warka (News)

Khudbaddii Taariikhiga Ahayd ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane C/Raxmaan Saylici Ka Jeediyay Fagaaraha 18-ka May ee London
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
waw wa buraanbur aad u ficaan illahay janadi fardusa haa ka warawiyo amin amin inaantedana haa nolato ayaan lehay
ilaahay ha u naxariisto amiin, inanteeda iyo inagaba alaah ha dhowro…
Hooyooy macaan…nice song
Masha allah ilaahay haku barakeeyo walaal.
Hooyo abaalkeed yaa gudi kara,ninbaa dhawr jeer lug ku geeyay xashka, dabadeed waxa uu waydiiyay, ma guday xaqeedii? waxa la yidhi garayska oo yar dabcay inta ay naxday ma dhana.
Hooyooyinka oo dhan wixii dhintay alla ha u naxariisto inta noolna alla ha u dambi dhaafo. AAAAAAAAAAAAAAAAAMMMMMMMMMMMMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN