Hambalyo Dahir Rayaloow UDUB Reer Awdal Baa Iska Leh Hadaad Cid Kale Ka iibiso Waa Maraqaaga.

Hambalyo ayaan u dirayaa madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin si sharciga waafaqsan ay maxkamadu ugu xakuntay dariiq cadna lagu riday Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Jamaal Cali Xuseen oo Xisbiga ka urinaayay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AUN ayagoo doonaaya inay isbaaro u dhigtaan.Xaakinkaarintaasi ka taliyayna waan hambalyaynayaa ee sida cadaalad ah u kalareebay ragaasi xisbiga sahayan gaadhay runtiina gari laba nin kamawada qosliso……

Ex: Madaweynehii Somaliland Dahir Rayale Kahin waad ogtahay in xisgbiga UDUB aynay reer Awdal ka helin wax faaiido ah taageeradii ay kuula garab taagnaayeen 8 sano wax lagugu xasuusto ugamaad tagin Samaroon wax kamaad qaban 8 sano ee aad haysay maamulka dhib iyo dhagar qorshaysan ayaa nagasoo gaashay sida dagaalkii Ceelbardaale markaad Gabiley ugu dhawaaqday gobol ee aad indhaha u furtay ayay dagaal noogu abaal gudeen,jidgooy iyo dilal qorshaysan ayaan ka faaiidnay iska daa lacago iyo wax qabad kale oo aan ka helay ma jirto habayaraatee markaa waa in aad Xisbiga ku wareejiso Wsiir Garaad oo ah siyaasi weyn.
Tuhunkii ay beesha dhexe tuhmaysay in Samaroon ka faro qabsaday madaxtinimadaada ee aan jirin waa inaad abaal gud uga dhigtaa Xisbiga UDUB oo aad kusoo wareejiso sida Axmed Siillanyo ugu dhiibay Muuse Biixi Xisbiga Kulmiye waa inaad adna si fiican ugu wareejisaa ninkasi aan kuu sheegay waad ogtahay oo xitaa musqul umaad dhisin Schoolada gobolka Awdal sidaasi ayaan hadana kugu jecelahay oo aan kugu qadarinaynaa,waad ogeyd sidii laguugusoo dhaweeyay Awdal markaad xilka dhiibtay hadaba si aan kuugu xasuusano waa inaad Xisbiga UDUB ku wareejiso Wasiir Garaad oo ah ruug cadaa siyaasi ah oo kaalasoo shaqeeyay midaynta iyo dimuqraadiyada Somaliland sidoo kale xisbiga UDUB waa midhahii ay reer Awdal dadaalkooda ku caleema saareen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal shirkii Borama ee uu sida fiican xilka ugala wareegay AUN Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland yeelato oo Borama shir uga socday wax garadka Somaliland oo dhan taasina waa mid aan ku garnaqsanayno hadaan nahay Reer Awdal ee hana dhafin mudane xisbiga UDUB ku wareeji Reer Awdal.
Xisbiga UDUB waxuu ka dhashay taageeradii uu Samaroon u fidiyay caleema saarkii Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal AUN loogu hiiliyay shirkii Borama 1993 ee lagu caleema saaray Samaroon xuduntiisa oo ah Awdal ayadoo halkaasi lagusoo aasaasay dawladnimo Somaliland oo la jaan qaada beesha caalamka waxaana halkaasi ku shiray ruug cadaadi waaweyn oo ay Samaroon soo qaban qaabiyeen lana casuumay beesha dhexe si halkaa  ijiinka loogu xidho ayaan loo ogeyn maanta beeshaasi u dhalatay gobolada galbeedka Somaliland oo ah aabaha Somaliland anuu odhan maayo hooyada Somalinde sida Samaroonka qaarkii ay yidhaahdaan waxaan ka jecelahay in aan aabaha Somaliland baan nahay idhaa sidaa darteed maanta Xisbiga UDUB waxaa u sharaxan oo gudoomiye ka noqon doona Wasiir Garaad oo kasoo jeeda beesha Dila waxuuna ka midyahay ragii dhidibada u taagay Somaliland isagoo kasoo shaqeeyay hub ka dhigista beelaha iyo hogaan fiican oo aan yeelano bari ilaa galbeed.
Dahir Rayale waxaan kula talin lahaa inuu xisbigaasi gudoomiyeha ku wareejiyo Wasiir Garaad oo noqondoona musharaxa xisbigaasi UDUB kaasi oo noqon doona madaxweynaha mustaqbalka shanta sano ee soo socota dawlada Kulmiye marka ay dhamaysato waqtigeeda ee yaanay ku seegin Dahiroow.
Mahammed Abdirahman Sharif
 
About these ads

Categories: Warka (News)

44 replies »

  1. Mujaahid Darbiyow xisbi nin degta ku sitaa gool ma dhaliyo, dawlad ma keeno waxaan kala daadasho is daba yaac iyo dibindaabyo ahayn. Ku taamilo qaado xisbigii UCID ee Faysal Cali Waraabe degta ku sitay halkuu ku danbeeyay?

  2. Waxaan rajaynayaa in uu Madaxwayne Rayaale talada Mujaahidka qaato.. si uu xisbiga u badbaadiyo

  3. Kkkkkkkkkkk Aduu show afti iyo raganimo malihid aad xisbi ku
    yagleelato?.

    Hadaba anaa mid kuu soo alifiye iska qaado xitaa. SLFM

    Micnaheeduna waa Somaliland Federal Movement.

    Uraadso dad kugu raacsan iskuna day in aad dadka naacim u ahaato oodan isku dirin aflagaadana ku kala gayn oo aadan kala qo qobin. Waad u bahantahay in aad cid walbo wanajiso hadaad siyaasi tahay. Laakin waan fahmi karaa in aad ruux iska liito oo meel dhow wax ka arko tahay. Waana sababta kugu kaliftay in aad u niikiso dynest of ather man. Xitaa hadaad sidaa jeceshay waxaan boosto kuu soo dhigi toobka ama cambuurka calool ka ciyaarka loo xidho oo shalam shalam leeya marka aad teendhada Siilaanyo ka ciyaarayo. Qoobabkana kii lagu xiranaye ee sanuuda ka samaynaa xitaa waan kuu heli.

  4. Daahir Rayaale waa Aabaha Dimuqraadiyadda Somaliland..Taariikhda Afrika oo dhana baal dahaba kaga jiraa..
    Marka aad akhrido warbixinada Wikileaks ee ku saabsan kulamadii aan la shaacin ee uu la yeeshay diblomaasiyiinta wadamada shisheeyana waxaa kuu cadaanaysa in yaqiintiisa qaranimada Somaliland ay ahayd mid qalbigiisa ku xardhan oo lama taabtaan ah..
    Kaliya waxa ka xumaatay xulashadisii golaha wasiirada oo u badnaa qawlaysato bilaa anfaca.. oo gabagabadii xisbigiisa galaaftay..
    se isagu waxa uu ahaa nin hal-adag, dulqaad badan oo wata ciyaar siyaasadeed oo degan oy ku dheehan tahay ruug cadaanimo.

  5. Isagoo kaligii shirar ay albaabadu u xidhan yihiin – oonay cidi ogaateen waligeed -kula jira diblomaasiyiin maraykan ah.. ayaa isagoon cidna iska dhaadhicinayn uu ku lahaa “Somaliland waxay u joogtaa inay jirto, diyaarna waanu u nahay inaanu u dhimano qaranimadayada ilaa uu ilmaha ugu danbeeyaa naga dhimanayo”..

    Sida ay soo faqday Wikileaks

    I salute you Mr. Former Presdient

  6. Eeboow is deji ilmahaagana ka qari sharta. Hadaad qaran noqoneyso cid aadane ah oo kaa hor tagan maleh. Lakin calamka horay u maray waxaa laga yabaa in aaysan weli idinka arag u biseel dowlad nimo. Inkastood si aad oo weyn u gu xiiqdeen tusida indhaha caalamka waxaad gashaan iyo waxaad gudaan.

    Aqli gaalo iyo indho quraanshoba lama arko. Wexy idinku arkeen ani iyo anigaba ma ogin. Waa idiin jedaa in aad dadalaysaan idinkana waa is ogtihiin lakin amuuraha ilahay ha idiin fududeeyo.

  7. AWDAL WAXAY DHAB U LEEDAHAY OOY ISKEED UGU DHAWAAQDAY WAA AWDALSTATE KAA BAYNU KU DHIMAN INYAR SUGA WAA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON

  8. WAXAD MAQASHAAN DHALINYARAA CALAN LAGU XIDHXIDHAY LAWGAA DADKA LAGU DHIBAA QIIQBAA BAXAAYA AWDALA MARXALAD CUSUB BAY GELAYSAAYE HURDOOW SHOCK YEYNA KUGU NOOQON BE ATTENTION ALLAHAYOW NIN II DARAN MAXAAN DAAFTA HORE SEEXSHAY MA DEGDEGE EH XAAJADA MAXAAN DULU U QAADYEESHAY ISAGOON DAREEMAYN MAXAAN GAGA DAYAANSHIIYEY

  9. hanimuufo

    anigu somalida naga soo horjeeda waxaan ugu jecelahay kuwa si dhaba u aaminsan in hargiesa tahay caasimada labaad ee somalia diyaarna u ah inay dhiig ku bixiyaan xoraynta hargiesa laga xoraynayo xukunka siilaanyo.

    waxaan ugu necebahay mid ku leh ma go,i kartaan oo oo melez baan idin rabin ama mahiga sidaa yidhi, kaasi waa weak malaha hamiga uu hargiesa ku hawaysan karo,

    somaliland way go,aysaa yadoon loo eegayn halkanbay samaroon degtaa iyo halkan daaroodbaa leh, qofka somalilanderka ah waxa ka go,an inuu dhiig ku bixiyo difaaca laascaanood isagoo ka yimi borama, laakiin qof koonfur ka yimi diyaar uma aha inuu dhiig ku bixyo xoraynta laascaanod ama hargiesa thats is the difference who is nationalisty ?

    anagu ma nidhaahno somalidu faraha hanaga qaadaan waayo mahiga yidhi dhulka idinku maamula ama melesbaa raali ka ah, horaanu kaadiyada ugu soo cabnay ruushka xooga leh ayaan is hortaagi karin somaliland idina mahiiga iyo hillary clintonbaa yidhi somalia ma kala go,i karto ayaad nala hortaagintiinh. hillary hooydeed dalka malaha ee idinkay hawshu idiin taal are you ready to die for your country?

  10. ex derbi samaroon ( derbi somaliland inaad magaca ku bedelato armay kula qumanatahay oo aad jifida hoose kor uga soo kacdo, i mean kor kor kor)

    muhiimadu waa in riyaale xukunha ciduun ku wareejiyo ciday doonaan ha ahaato xitaa haduu huda barkhad u dhiibo waa la aqbali karaa laakiin isaga ma jirto fursad kale oo dastuuku u ogolyahay inuu mar labaad isa soo sharafo alreaday dalka 15 years ayuu ka talinayey mar uu madaxweyne ahaa iyo markuu ku xigeen ahaaba, dhiig cusub ayuu xisbigu u baahanyahay hadii aan si degdega loogu shubin xisbigu shaki la,aan wuu HADHAYAA,

  11. huuno anuu reer hebel baa yahay maaha, ila’
    udub huuno inaga iska leh maaha, ila’
    huuno shalay muxaafid baan ahaa maaha, ila’
    imika saylici uun baan nacaynaa maaha, ila’
    next year waan ku so noqonaya maaha, ila’

  12. KULUC OO ISKU DHEX YAACAY QOSL maxaatiri silaanyaan kaga xoraynayaa dhiig waxanan jecelahay dadka casimada labaad jeceli hayla xoreeyaan sxb maxaad cabtay makii kululaaa kkkkkkkk hadana waxad leedahay sland way go aysaa bal kuu jawaabi mayee hadaladada dib ugu noqo

  13. HANI maanta hadal kaagu waa macaan WELCOME SLAND WAA GURI SOMALIYEED cidi kamalaha SOMALIIYO SLAND JABUUTI DDS NFD INTABA INAGAA ISKALEH maan sha laah

  14. Isaq Boy

    Ururka UDUB max ba ma noqonaayo oo wuu badbaadayaa hadii nin reer Awdal ah loo dhiibo sida Wasiir Garaad oo kale lkn hadii Ina Warancade ama Jamaal Cali Xuseen si qabyaaladaysan ay u dhaxlaan xisbigu wuu baaba’ayaa waanu saqiiri oo saaxada dib dambe uga maqli maysid UDUB waxaa kaliya oo badbaadin kara waa reer Awdal oo faraha looga qaado sida ay aniga ila tahay,Jamaal Cali Xuseen lacagtiisa waan u celinaynaa dhulkaa Buugii Diwaanka qosolka ha iska wato oo xafladaha dadka haka qosqosliyo Ina Warancdena hada xaalad xun ayaa lasoo gudboonaatay oo isag reer tolkii Isaxaaq iyo dawladii ayaa isku hub urursanaysa xaalka xisbigii dhidibada u taagay Somaliland hadaan Reer Nuur loo dayn waa halis.

  15. Kuluc

    Magacan DarbiSamaroon maaha mid bilaash aan ula baxay DarbiSomaliland na waan ahay lkn dhinaca Samaroon Bariga Borama ilaa Durya ilaa Lughaya ayaan gaadh ka hayaa oo cid kale oo Samaroon ah oo hubaysani ma jirto markaa miyaanan DarbiSamaroon ahayn halka beelihii Samaroon ay hubkoodii idinku salimeen iniga,Anagu waan diidnay in aan qori qudha oo RR leeyahay u dhiibno Isaaq waa ma dhacdo oo dee waxaa suurtagal ah in mar la is jiidho ma anaa shiid tami kara oo dhagax tuuri kara sida Falastiiniyiinta,Jibriir Yoonis iyo Habar Cafaan ayagu hubkoodii way idiin dhiibeen ayagoo isku kiin macaanaynaya markaa DarbiSamaroon mustaqbalka ayuu ka fekerayaa.

    Isaq Boy

    Ninkan waa ninkii laayay ciidanka Qaranka Somaliland ee soo weraray xeradii kabista waa in si deg deg ah loosoo qabto bal dhagayso siduu u hadlaayo isagoo jooga Hargeiysa.

  16. derbi

    hortan ninkan aad meesha soo dhigtay maaha ninka dhulka lagu dagaalamay sheeganaya, waa probagando ay ka danbeeyaan khaatiyaan state, hadii aad rabto xaqiiqda waxaad ka garan kartaa websitekeebaad kasoo qaaday videogan haduu yahay website la yaqaan oo habaryoonis leedahay waa wax la rumaysan karo hadii kale waa false.

    hadiiba aadan garanayn websiteka waxaad eegtaa USERNAME ka videoga soo geliyey, maxaa kuu baxay ma haysaa videoska uu hore usoo gelin jiray qofkaasi ? maxay ku saabsanyihiin? hadii aad aragto khaatumo iyo vidoes cali khaliif khudbadiisa THEN HE IS KHAATIYAAN STATE MEMBER NOT HABARYOONIS.

  17. s lander.

    you miss the point, xoogaa misunderstanding ayaa dhacay waxaan ujeedaydu keliya waa inaan iftiimiyo in aniga xagayga qofka aaminsan in hergisa tahay qayb ka mida dhulka somalia ee isla markaasna diyaar u ah inuu dhiig ku bixiyo uu aad iigala qiimo badanyahay mid niicdaa inaga daba haya dagaalna wax inoo qaadayn waxa keliya ee uu ku doodayaana tahay wadan hebel ayaa yidhi somaliland lama ictiraafo.

    fiiro gaara.

    markaan leeyahay xukunka siilaanyo dabcan ugama jeedo siilaanyo laftiisa oo isaga mucaarid kuma ihi weliba xisbigana xubinbaan ka ahay la soco, ee waxaan u jeedaa somaliland gebi ahaanteedba ma jiraa qof reer koonfura oo aamisan in xoog lagu muqaauniyo somaliland laftigeeda oo xoog calnka somalia looga lulo hargiea somalland markaas daaqada ka saara . hadii aany jrin dawlad soomaaliyeed oo sidaa yeeli kartaa miyaanayn markaas kula ahayn inay iska quustaan oo ictiraafka inoogu shubaan ? waxaan filyaa inaad i fahantay kkkkkk

  18. Looooooooooool@ Haboon.I swear waad iga qoslisey laakiin Haboon 1 Question aan ku weydiiyo ama 1 Su aal why aad kalmada Huuno ugu soo celcelisaa marka aan meel aan ogahay aad canjilayso waxa aan kaa sugayaa jawaab laakiin wala U funny eheehe.

  19. SIFIICAN BAAN KUU FAHMAY KULUC BRO anagu waxanu leenahay MR DARBI BOINT buu kahadlay xibigaa reer awdal ayaanu dhafin waliba siyaasiga hada reer awdal ugu cad cad a mr garad wasiirka

  20. Maaha propoganda ee waa reality. Ninkani shaqaaqadii New Hargisa ka hadlayaa wuxu ka mid yahey dadka dhulka iska leh inta ilaahey ka soceysa. Finiinbaa la yiraayoo waa Isaaq jufo layiraahdo oo degta Hargisa barigeeda wuxu haystaa oo udiyaara 700 oo askari. Murdada iyo hadalada uu tuurayaa waa xaqiiqooyinka ka jira maanta W.Soomaaliya hadii aad isdiidsiisaana horey udhacdoo Gadabursi Dawladii dhexe ee Soomaaliya oo burburteybey suuqyada waxku kala iibsanayeen. Xisbi iyo Xeelado aan loo jooginbuu ka sheekeynayaa. Ina Reyaala lahaa kulaa sowta la ogyahey inuu marxuum Cigaal sameyeeye dabadeedna Reyaale gadhwadeen looga dhigey si caalamka loo tuso iney meeshu beel aheyn. Shan iyo toban shaadh hadaad uxidhaan, boqolaal erayoo been iyo buunbuurina hadaa shaashadaha soo galisana meeshani Isaaqbaa isku haystee ingu kala dareeriya.

    Meel Tooriile utaliyey kii tala kasugoow adigaa cirka roobku og waxaba la sheegayaa inuu tooriile shabaabta dahsoon yahey.

  21. >>> Caraale waad mahadsan tahay, anuu samaroon baan yahay maaha….

    >>> Tallman maxaan kaaga jawaaba, sow reer huuno ma nihin, dee gacantii ayaa baratay, wax kale qor markaan is idhaah uun baan arkaya anoo huuno ka buuxiyay, ilaa caruurti baa yaaban baryahan markay hooyo yidhaahdan uun baan hee huuno leeyahay bal adba…

  22. WARDEGDEG AH WAA WAR FARXAD LEH MADAXWEYNAHA AWDAL STATE GARYAQAAN RASHIID OO SI DEGDEGA LOOGU CASUUMAY ISTAMBUUL RAYIISARWASAARAHA TURKIGUNA UU SOO DHAWEEYEY SAACADANA KU SUGAN HOOLKA WEYN EE SHIRKA SOMALIA UGU SOCDA AAYA KA TALISKA SOOMALIYA IYO DHAMAYSTIRKA DISTOORKA QABYOQORAALKA AH SOMAALIYA.MARKUU SOO GALAY WEFDIGII AWDAL WAXA MADASHA KA BAXAY SADEXDII WASIIR EE ISAAQ ARINTUNA WAXAAY ISA SAWWBIYAAN TII 1956KII SHAN NIN OO ISAAQHI IGLAN LAGAGA SOO CAYDHIYEY EE LA YIDHI REER AWDAL MEE IYO HESHIISKII ADALTREATY EE SAYLAC MAANTA TII BAY MARAYSAA.AWDALSTAE LAMA AASIKARO WAXA LAGU QAYBINAYAA 350 MILLION DOOLLAR OO HOR DHACA MAAMULADA LOO SAXEEXAYO MASHAA ALLAH KANAXOOW NAFTA WAA NACABKOW KU SAMIR VIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIV A AWDALSTATE GUUL MIDNIMO IYO GOBANIMO SAMAROON.

  23. Walee Daahir Nuuriye hadal waa noo dhameeyey. Nin aan run sheegine been baa u laban.

  24. Udub habar-awal ayaa iska leh warya. No more talk.

  25. MUSTAFE sxb iskadaa baroota iyo tola aayda hadii aanad qaran ka SLND aand amin sanay dee ciidi aadoonayso aad jiritaanka iyo midnimad sland waaMUQDIS OOY AMA MUUSANOW oohinta raga waaloga fiican yahay

  26. Madhabbaa guusha awdalstate gaadhay ma 4ta xildhibaan baa ee 4.5 ? Waa subeer ii dalacsii xaalkaagu miskiin…. maad HiilQaran iska taageertid ….

  27. Madhabaa……..Dadka lagu casumay shirka ee ka qayb galay waa kuwan iyo kuwa sheeganyaaba waa kuwan:

    1)Professor Ahmed Samater( Hiil Qaran/ Macalster College). Bahabar Abokor/ Maxaad Case.

    2)Professor Hussein Warsame ( Hiil Qaran/ University of Calgary), Habar yeesif, Habar Cafaan

    3) Professor Abdiwahid Sheikh Osman ( Hiilqaran/ Univeristy of Minnesota) habar yeesif, Habar Cafaan

    4) Professor Abdirashid Mohamed Elmi( Hiilqaran/ Univeristy of Kuweit) Muusafiin, Habarcafaan

    5) Cabdixakiim Cige Guleed ( Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka), Habar yeesif, Habar cafaan ( Hiilqaran)

    Odaydhaqameedyada ka qaybgalay magaacdooda mahayo:

    1) Reer axamad, Jibril Yonis, Makaahiil ( hiilqaran)
    2) Reer Mohamed, Maxaad Case(Hiilqaran)
    3) Bahabar Abokor, Maxaad case( Hiilqaran)
    4) Faroole, Habar cafaan ( Hiilqaran)

    Dadka Sheeganaya in lagu casuumay lakiin ayna waxba ka jirin:

    Abdirashid Xirsi ( Awdal State, Garabka basementka Ottawa lagu Sameeyey), Reer Nuur, Makaahiil,

    Abdisamad Nageeye ( Awdal State Garabka basemenka London lagu sameeyey) Habaryeesif, Habar Cafaan

    Laba arrimood baa halkaa iiga muuqata. Inay habar yessif xaga siyaasada sannadkan damacyo weyni ku jiraan, iyo dee inay gadabursi oo dhami hiilqaran yihiin.

  28. correction:

    Liiska ka qaybgalayaasha shirka waxan ka ilaaway:

    Professor Mohamed Hussein Cige ( Hiilqaran, EELO American University, Borma), Ma hubo cid uu ka yahay maxaad case, Maxaad Case.

  29. Salaan sare Timacade,

    Garaad yadi tacliintuba haday Somaliwayn aaminsanyihiin waan ku faraxsanahay. Viva HiilQaran.

  30. HanniMuufo …waan ku salaamay…….Makhahiil markuu kasoo noqdo, walida awdal State, Hiilqaran baa isbaaro u dhiganaysa oo inta ay runta ka tahay somaliweyntu kala soo dhex baxaysa, inta kalena, shabaabka ayaan u dhiibaynaa. Maxaad case, hormoodkoodii gacanta ayuu ugu jiraa Hiilqaran oo dee Samater baaba hogaaminaya, inta Saylici daraadii ugu jirta somalilandna waxan u sheegaynaa in Saylici laftiisu uu xaggan usoo socdo. Habarcafaan iyaga awalba Somaliweyn bay ahaayeen, inta yar ee hadda ku waalatay somalilandna, hadday toobad keeni waayaan, iyagana shabaab baa loo dhiibi….kkkkk. Isaaqa iyaga ” joint Venture” baa lasoo galin oo waxa lagu sasabi madaxweyne ayaad somalia ka noqonaysaa………..Maanta ” complete plan” ayaan hayaaye soow ma aragtid….Huuno, ila……..kkkkkkkkkk

  31. HiilQaran iyo Awdal State midna ma socon doonaan Rashiid Aw Nuur waa la hadlaynaa dhamaan Reer Nuur waa Somaliland idinkaan idiin daynay Samaroonoow idinkuna ka waantooba oo soo raaca Somaliland.

  32. Derbi,

    Aduu maba xishootide kawaran. War ninyohow degeyso aqoonyahanada rugcadaaga ah ee Somaliyeed. Waa raga uu kuusoo tiriye Mudane Timacade. Ku daba fayl HiilQaran Reer Nuurna aniga ayaayba ii casuumanyihiine u sheega. Anaa dhex dhexadinaya iyaga iyo HiilQaran wana awodaa in aan political negotiation between Samaroon. Hana igu oran aduu Hawiyaa tehee taada ka bax. Waxaas waa laga waantoobay oo manta waxay tagantahay. Yaa awoodo in uu isbedel iyo wax wada qabsi abuuro.

  33. Timacadoow waxaan is waydiiyey war sideen ku cawinaa ninkaan Derbiya ee dharaarwalba ku soo toosa in uu corrupt politics ku celceliyo. War derbiyoow maxaa ku daba dhigay waxaan duxi kaa soo garayn?. Dhanka kale sow uma jeedid in Somaliland jabhado u kala burburtay mid walbaa leh Somalia ha noolaato. Sowdiga xitaa filimka soo geliye Warlord ka xerada ciidamada Somaliland la jaarka ah kkkkkkkk. Derbiyoo labo uun baad mid tahay Doqon ama Nacab. Aduun kala dooro.

  34. kkkkkkkkkkkk Meshaan tan ka dhacday ila arka Somaliyeey. Ninkaan Netherland u dhashay siduu wilashaan uga raayey!. Asagoo af Somali hal xiraale yaal ah waydiinaayo. In af Somaligu qani yahay xitaa dunida ayaa laga ogaaday.

  35. Hani taasi waan daawaday, aadna waan ula yaabay inuu nin caddaan ahi afkii hooyo kaga badiyo kuwa ku dhashay qurbaha…kkkkkkkkkkkk

  36. Hiildaan…..Ilama aha inuu Darbi fahansanyahay waxa meesha ka socda, waxanan u malaynayaa inay dad been u sheegayaan, waayo dee sabab uu iskugu dhextuuro meel dhib weyni ka socoto anigu waan fahmi waayey oo aan waali ahayn.

  37. dee huuno anuu ciisahaan iska raacayaa maxaa iga galay samaroon beri hore saacadu ka dhacday maaha, ila…

  38. Mahadsanid garyaqaan Timacade, waxan tuhmayaa inaad tahay la taliye sharci dadweyne. Aniga laftarkaygu waxan ahay Community Development Leader, oo kala taliya dhinacyada sarciyada Caydha, guryaynta, qooysaska, qaadhaan ururinta(Fund raising) iyo arrimaha socdaalka (Immigration issues).

    Sharcibaa u yaalla dalkayayga UK ku takhalusa cayda shaqsiyaadka oo loo yaqaan ‘Law of Defamation’. Sharcigaasi dan kama laha haddii ad caydo qoomiyad ballaadhan, tusaale haddii ad tidhaahdo ‘dumarka ama ragga Ingiriisku waa wada tuug’.

    Balse sharcigaasi wuxu ku ciqaabayaa haddii ad hal qof kala soo dhex baxdo mujtamaca oo ad indhaha bulshada kusoo jeediso adigoo odhnaya tusaale, gabadhaasi ama ninkaasi waa waxaa iyo waxaa adiga oo an caddayn buuxda 100/% la hor iman karin maxkamada sharciga.

    ‘Law of Defamation’ ma ogola inaad shaqsi binu aadam ah ku bahdisho dadka kale hortiisa, oo ad sharaftiisa iyo martabadiisa iyo karaamadiisa iyo haybadiisa Ilaahay siiyay ku tumato. Waxa lagu mutaystaa ciqaab xadhig.

    Soomaalida qurbaha ku nooli sharcigaas intooda badani waxba kama oga, waxayba u haystaan in qofka qabiil caaya uu ka ciqaab badan yahay qofka caaya qof kaliya. Oo iyaga xagooda qabiilka ama qooyska ayaa muhiimad ballaadhan ugu fadhiya.

    Sida sharcigaas (Law of Defamation) dhigayo, Qabiil ad caydo waxba kama qaadi kartid, qoowmiyad ad caydo waxba kama qaadi kartid, bulsho ad caydo waxba kama qaadi kartid, koox ad caydo waxba kama qaadi kartid, oo intaasiba waa badweyn adiga ku muquuniya. Balse hal qof oo ad mujtamaca kala soo dhex baxdo,oo ad indhaha dadka tusto waxad ku mutaysan kartaa, xadhig, xaal iyo xitaa xasuuq.
    BEAWARE..!!

  39. Hiildan…..Hadal waad dhamaysay. Sharcigaas mid la mid ah oo defamation law la yidhaa buu leeyahay. Civil courtka ayaad maalin walba taagnaan oo waxa aad lacag iyo hanti leedahay waxay ku dhamaanayaan, lawyar iyo fees iyo frustration ka bixi maysid haddii aad internetka ama meel kaleba aad qof “diginty giisa aad ku waxyeelayso. Kaaga darana marka aad dhibane tahay, waxad helaysaa, lawyers free case kaaga ku qaadanaya ( pro bono). Maraykan hadii lagugu caayo internetka, waxad dacwad ka aloosi kartaa meesha aad joogto. Qofka aad dacaweysay meeshuu doono ha joogo ee waa inuu yimaadaa magaalada aad joogto si uu isku difaaco.

    Protection of indivituals dignity is paramount in the america judicial system. Cidina xaq uma laha inay karaamadaada meel kaga dhacdo. Qofka meel kaaga dhacaana wuu eedaya. Waana sida aad u sheegtay oo waa indivitual ka waxa ” protected” ka ahi, maaha jufooyinka iyo qolooyinka iyo nations ka. Unfortunately, markaan la taliyey Darbi, waxuu u qaatay inaan la kaftamayo, but I was dead serious.

  40. Salaan sare Hiildan,

    Idhegeyso Hiilka anuu mar hore ayaan Derbi sida fiinta uga qaylshay dhegna jalaq iimadan siine. Ma imikuu ku tusay uur adaygiisa ee uu hablaha Gadabuursi fadeexada lagu samaynaya uu u riyaaqay yaa waagu kuu baryay kkkkk. Digil iyo Mirifluhu waxay ku ahmahaan (Garuunki Walashaa liki Dhifto Gumadshee Kiinyaalee). Kkkkkkkkkk. Arintu si kastaba ha ahatee waan ku faraxsanahay in aad nala aragtay.

    Heestaad iga dalbatayna waatan:

  41. Timacade…..Anuu aniga ila tali kuma odhan sidoo kale ii faan kumaan odhan shaqadaada waala ogyahay waxaad ka shaqayso ee faanka iska yaree nin is faanshay waa ri is nuugtay sida ay Somalidu hore u tidhi,Inaad Fardaha maraykanka u cadaydo waa la ogyahay anuu waxaan kuugusoo gaabshay hadal reer tolkaaga sans pays-ga ah la tali anuu waan tashaday dumarna ma caayin cid kalena ma caayin lkn Hiildanyare ayaan ka waanshay musqusha uu ku sheegay Harowo.com waana ceeb in qalad qalad lagu saxo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: