Xulka Heesaha iyo Heestii Indho Deeralay..!


About these ads

Categories: Suugaan(Somali Literature)

92 replies »

  1. Heestan waxa an u soo xulay gabadh an jeclahay, oo ku jirta forumka HiilDan………..toloow waa tuma taasi..? !

  2. waa hees xasuus weyn leh iyo waayo- waayo laakiin meesha waxaa ka muuqda ee la aamaani maaha deero ee waa garanuug kkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  3. Durkuye kkkkkkkkkkk adigaaba kala garanaya garanuug iyo deero, dee waa intaad labada gu’ iga weyn tahay. Anuu wali maskaxda ayaan kasoo saari laahay sida ay u kala duwan yihiin Deero iyo Garanuug.!

  4. Hiildan kkkkkkkkkkkkkkkkkk walaahi maalin ayaan arkay wiil reeer Ali-sabiix ah oo qurbaha ku daalay sidaada oo kale xitaa anaa kkkkkkkkkk markaasu rabay in caruurtiisa kala baro xayawaanka wuxuu buug ka soo amaahday meelaha buugaagta laga soo qaado oo sawiro u badan markaasu doonaayay in u af soomaaali ku baro waxa lagu yidhaah biciid waxaa u sheegina waa cawl bal aduu kala garo cawl iyo biciid alla maaxan qoslay maalintaa adna maanta keentay garanuug iyo deero

    • Dee sxb walaahi waa iga dhab, adna haygu qosline maxaa lagu kala gartaa deero iyo garanuug iyo waliba biciid iyo cawl?. Ma lab iyo dheddig ayaa loo kala saarayaa, mise muuqaal, mise jimidh?. Runtii waa laygaga fiicanyahay aqoonta duur joogta.

  5. Haboonay odeyga soo caawi adigaa seeraha Boorama adhiga ku raacee.

    hiildan waa la isku qaldi karaa qaar ka mid tuur joogta laakiin kuwaa dhulkeena ku nool aanu si fiicanban u kala aqaan hadaad u baahato waxaad si dhib yar uga baran kartaa Zooga ku yaal magaaladaada anba waan soo booqda mararka qaarkood.

  6. ali

    biciid ma ka geesaha sida geedka u eeg baa ? aniguba ma kala aqaan

  7. Hortaa duur joogta dhulkeena uun han ku joogno marka biciid waxaa afka qaalad lagu yidha waa antilope.

    laakiin maadaamu dhlkeeno hodan ku yahay ugaadha waxay u kala baxan dhowr nuuc oo kala ah ;biciid,garanuug,cawl,adeer goodir,deero,sagaaro, wa isku famili laakiin way kala waawayn yihiin biciidka iyo goodirkaana ugu wayn waxaana ugu yar sagaarada iyo deerada oo isku dhaw muuqaal ahaan cawsha iyo garanuugtana lama kala garan karo mararka qaarkood.

  8. ali,

    sacaadiin sawir uunba ku arkay, ee sow kama qurux badna île mousha, île mascali, laakin j’ai vu sable blanc iyo mousha…awdal meel aan idhaahdo waxay u eegtahay forêt de day ma garanayo hadaad igu dhaantin ii sheeg aado…

  9. inaan dadka uugu faano ayaan rabayee ileen waan dhisanayaaye, awdal waan dhisayaa, adigana dhagaxa kulul ee caareey iska dul fadhi…….

  10. Haboon waa runtaa waan ku dhisayna Awdal ila daawo quruxda xeebta Lughaya kkkkkkk .

  11. Salaan sare dhamaan,

    Kkkkkkkkk walee wada reer magaal gaboobay baa tihiin. Durgiye un baa yaqaan. Anuu Sagaaro uun baan waligay life u arkay. Inta kale waa uun dhagta ka maqal. Sagaradana malin anoo Afgooye u qaxay ayeey wabi agtiisa iiga hor timi. Ani iyo iyadiba midig iyo bidix ayaan u kala cararnay kkkkkkk. Anoo neef tuuraya ayaan ku soo noqday mudulki aan martida ku ahaa. Saa waxa lay waydiiyay biyihi aan doonay. Ana waxaan iri bahal aan soo arkay. Bahalki kolkii tilmaam la i yirina deero ayaa ka soo baxday tilmaamti. Umadi dhan ayaa igu qososhay oo i tiri ma naagta Sagaarada ka soo carartay!. Waxaanba moodnay in aad yaxaas soo aragtay saad u neef tuurayso.

  12. Hannimuufo salaan dad rer baladan ehen ani waxan arkay le dabacadeye iyo diidiin fasaxyada Jawhar snai piazza aadi jirnay meeshasna korow a joogay i jeerta wabiga jiinkiisa yaxaasna waa ka cabsan jiray waatii gabdhaha loo so diri jiray ,beryahan meesha waa ku badan tahay firaaqa tahan u malena .

  13. Godan salaan la mid ah. Maalmahan shaqada waan iska yareeye. Half day ayaan dhaqeeya. snai piazza waa lagu yaqaan iyo sheekadi baxaarka iyo yaxaaskiisa kkkkkkk. Alla maxaan ka baqi jirnay in baxaarka naloo geeyo. Horta sheekada baxaarka run maay ahayd mase hablaha lagu cabsiin jiray?.

    Maalmahan shaqadi waan iska yareeye waxaan is lahaa cadceed baa soo bixi ciiloow way. Winter ki ayaan aad u shaqeeyn jiray. Waxaan islahaa April yara qoraxda ku raaxayso. Qoraxdina diidayba in aay Holland soo marto waa noo gooysay roob iyo dabaylo kkkkkk.

    Online ayaan iska ahay qalab Somalia layga soo dalbaday ayaan google ka ugaarsadaa. Markaan iri waan soo socda ayaa dalabaad is daba yaal ah ka helay reerihi. Ma macanic baan ahay maxaan biro ka aqaan Godaneey. Wakaa reerahaana ruuxi dhaq dhaqaqayaba waxay ka dhigaan multifunctional. Lambaro iyo sawiro ayaan isku eeg eegi manta dhan. Hadana gorgortan la gal dadki qalabka iibinaye. Waa tacab. Ugu dambayn sidaan dekeda Rotterdam ku gayn lahaana iimaba cada weli kkkkkkkkkkkk. Warqado uun baan dhanwalbo qabadsiiyay aloow amuuraha sahal.

  14. Ugaas nuur ugaas rooble oo aan hore uga sheekaynay ayaa iska leh maansadan taariikhiga ah.
    Maansadani waxay xambaarsantahay dhacdooyin taariikhi ah oo aad u balaadhan hadana aan ka sheekayn doono.
    Sida aynu la socono soomalidu waligeed waxay ahayd umad beelo ka kooban, oo beelaha soomaliyeed waxa kaliya oo siyaasad u ahayd qabiil, waxa ay u dagaalami jireena waxay ahayduun danaha beesha.
    Beelaha soomaaliyeed ee Isaaq Daarood iyo Ciise iyo sidoo kale Qoomiyada xabashida ayaa Beelwaynta Gadabuursi ay la tahay dagaan wadaag amase ay wadaagaan xuduud. Beelahaa soomaaliyeedna xiliyada gugana colaaad baa dhex taalay jiilaalkana heshiis.
    Sidii caadada ahaydna waxa dhex mari jirtay mashaqooyin iyo colaado ku salaysan damac hal dhinac ka yimaada, damacaas oo ay keeni jirtay dhul jacayl, xoolo jacayl amase isriixid iyo barabixin.
    Hadaba xiligaa Ugaas Nuur Ugaas Rooble uu ka hadlayaa waxa ay ahayd xilli ay beesha Ciise duulaan ku soo qaad Qabiil waynaha Gadabuursi oo uu dhex maray dagaal aad u cuslaa. Ugu dambayntii ayaa xoogagii Beelaha Ciise meesha loo yaqaan kabaalka nagi. Ugaasku isagoo cabiraya dhacdadaas sidoo kalana sheegaya dhacdooyin hore oo isla dagaankaas ka dhacay sida duulaan ay beelaha dariska ay leeyihiin ku soo qaadeen xusaya ayuu tiriyay maansadan.

    Ugaas nuur wuxuu yidhi

    Kabaalka nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga
    kumbuska iyo labalaw hadaad kaw ka leedahaye
    Kalidii labaan ahay kun ciil uunka kala geeyay
    Ee waligeedba ninkii nagu kam’a kibirna noo keeno
    Kabbo dhiig ah iyo waan siin jirnay kalax dhunkaaleede
    Iidoor wuxuu kibir lahaa iyo keenadaan galiyay
    Kabalax Daarood halkuu kabo la’aan yaacay
    Kutaaniyo amxaar wuxuu faras lahaa dixdan isugu keenay
    Dixdii la iigu kulmee layga kari waayay
    Waar malaha ciise wuu soo Kama’e waa kas aadamiye

    Maansada iyo sheekadaba waxaan ku adeegsaday xusuus shaqsi ah, cidii wax aan khalday ogi fadlan ha ila soo xidhiidha .

    Xergeeye@gmail.com

    Like this:
    LikeBe the first to like this post. Filed under: Suugaan Tagged: | Gabay, Kabaalka nagi, ugaas nuur ugaas rooble
    « Waxaan La Hureyn Horaa Loo Yeelaa. Reer Nuur waa rimay geel »10 Responses
    maxmud yasin, on July 21, 2011 at 10:33 pm said:
    GABAYGII UGAASK NUUR UGAAS ROOBLE UGAAS SAMATAR
    Gabaygan oo ku abtirsada Xarafka ‘’K’’ waxa lasheegay in tarikhda somalida ama Qabaa ilaka somalida gabayga K ay ka gabyeen xilgaas sadex nin oo kaliya markaa hadaan soo qadano gabaygan ugaska maxa ka kenay in uu ka gabayo xaraf madi ah oo inta badan aan lagu baran taarikhda ama suuganta somalida uu ka gabyo Ugaaska Nuur oo ahaa ugaskii 13 aad ee talada hoganka dhaqanka ee QAbiilka Gadabuursiga . hadaan inyar ka iftiimiyo ugaaska waxa ka keenay wuxuu ahaa qiso layaab badnayd oo uu kala kulmay ugaas kale oo dhigiisa ahaa waliba ay qarabo ahaayeen oo uu kala kulmay wax aanu ka filayn sida aad ka dhadhasan doonto erayada uu isticmaalay Ugaasku .kadib marki uu ugaaska ciise kuso kacshay col tiradiisa lagu qiyasay kumanan ugaas Nuur wuxu udiray ergo inuu colka ka joojiyo kalkan ama sanadan laakin kibirka,qooqa iyo isla waynaanta ku jirtay ugaask Ciise wuxu ku yidhi ugaska Gadabuursi soo xidho googarad iyo ganbo 25 gabdhood na keen oo lagu qabo bilaa meher sida adoonta ee dadkaaga ah intaas hadaad samayso uubaan colka kaa joojin ugaaskuna wuxu ugu ceshay walaal ka joog waayo waxay ahaayeen Habra wadaag . hadaba maxaa dhacay waxa dhacay in colkii laga dhigo haad iyo waraabe mid ay ka dhargeen iskadaa ninkii kibirkii wuxuu uhorkacay halaag in isagii nolol lagu qabto oo ugaaskii shalay uu laha kuul soo xidho ay ku keentay in isaga oo mayda uukudul akhriyo gabaygan taariikhda ku xardhan .
    Gabayguna wuxuu udhignaa sidan.
    Kidkidshaha kibaarka iyo kalalax kayrka
    Kudka kulul kaminta iyo hadabu way ku ciyane
    Kubkuu kaa jabshaa kaabigii kula karaaraaye
    Toban guuto kaydkiyo hubkaad lahasho kooraysay
    Karkaarada wadkii halaag kugula kaynaan
    Kancaan iyo nabruud buu hortaa kibirku dandeshay
    Korma qooqay oo laqan kara baarqab karan mood
    Karaahida kajoog maalintaan kuula imid
    Kalkooshada karamada lahayd kabad lagaa saarye
    Kohaanta aad kasoo faashatay iyo sixirka kuskusan
    Kolmoodkii iyo dibu kooshadkii kugu kawan rogay
    Kolkaad tidhi anaa kuul kuu xidhi kani adaygaaga
    Kalmadaad ku dooday geeribay kuu horkacaysaye
    Dixdii uumiyuhu kulmee la iiga kari wayay
    Iidoor wuxuu kibir laha sidaan kenada ugaliyay
    Kablalaxu dhamaantii dixduu kaba la’aan yaacay
    Kuunkunyo waxay faras lahayd halkan meel iskugugeyay
    Keenay odaygu inuu nagu kama’o waa kas Aadame’e
    Kabo subaga oo kurus geel kujiro ninki lagu karameyey
    Inuu aayar kimistiisa cuno wuu ka kaafuraye
    Abidkiiba ninkii nagu kama kibirna noo keeno
    Kabo dhiiga waan siinjirniyo kalax dhunkulede
    Adigaba kaskaba ku dhigay karinka jiifede
    Kac waysayso dhaha wadigii kibirka waalnaye.

    Reply
    c/qani xerogeel, on May 20, 2011 at 12:55 pm said:
    ugaas nuur ugaas rooble ilahay janadii fardowsaad hakawarabiyo idilkodba waxay ahayeen rag halgamayala oo usoo halgamay dhulkoda hooyo xusidna way mudanyihin boqoradasiye han idinkudaro hadaba gabeygan kale alahayow nin iidaran maxaan daafta hore seexshey nin iidaqsanayana maxaan dafida ukariyey jidhku nimanu dooneyn maxaan hadalka deeqsiiyey ma deg degee xajada maxaan ugu dulqad yeeshay waji dabacsan daymaan dareen galin dubaaqiisa debna furan dabuub unakadidin deexashiyo muuso qosol dibada yaal oon ka iman dhuunta dacalkeeda kanaan degey kanaan doorka bidey kani danbaan moodey waxaan dood kaftan ah sheekada udaleeyaba dabinkaan udhigo maalintuu dagalka soo saaro intiiyoon dawarka urogoon xeelada udaadsho isagoon dareen qabin maxaan kaga dayaan siiyey

    Reply
    khalid, on August 16, 2010 at 1:57 pm said:
    he is my great grandfather I DERVE THE THRONE

    Reply
    BionBeste, on December 12, 2009 at 12:50 am said:
    Wow enjoyed reading this blogpost. I submitted your rss to my blogreader!

    Reply
    abdulkadir hussien, on November 26, 2009 at 8:30 pm said:
    Ugaas Nuur Ugaas Rooble was my great grand father
    ILAAHAY janadii farduusa haka waraabiyee wuxuu ahaa boqorkii ugu taariikhda dheeraa ugu xikmada badnaa uguna cadaalisanaa ee soomara dadka soomaliyeed gabi ahaantoodba

    Reply
    m x.c/raxmaan farax [xabashi], on August 9, 2009 at 5:51 am said:
    scw
    waxan wax ka taabanayaa gabayga
    kabaal negi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga
    kunbuskiyo kublaalaw hadaad kawka leedahaye
    iidoor wuxuu kibir lahaa keenadaan galiyay
    kablalaxu halkuu gabi ahaan kabo la,aan yaacay
    koomade kadeedkaan marshiyo koortaan ku dhawaajay
    kobtoor iyo dixdii laykulmee layga kari waayay
    malah ciise wuu soo kama,ee waa kas aadama,e
    kidkidshaha kibaarkiyo kurbada kololoh kayrkayrkakorka damaca kaarkiyo hamiga kaalufkiyo gaydha
    kadiskiyo kadaaligakaclila weerka kadalooba
    kudka kulul kamiinto haduba way ku kiciyaane
    kuman guuto kaydkiyo hubkaad lahasha kooraysay
    karkaarada wadkaagiyo halaag kugula kaynaaye
    kubkuu kaa jabshaa aabigii kula karaaraaye
    karaahida ka joog maalintaa kuula imid kaalka
    kohashadii karaamada lahayd kabad lagaa saarye
    korme qooqay oo laqan koraa baarqab koron moodye
    kalidii labe kunciil uunka kala geeyay
    kancaan iyo nabruudbay hortaa kudo ka tuureene
    karti iyo garaad keenadiid lagu karaameeyay
    kolkaad tidhi anaa kuul ku xidhi kani adaygaaga
    kalyihiyo laxaadkii ku hoday laqankii kaa keenay
    halkaad kuudadiyo geeriday kuu horkacayeene
    kuhaankaad kasoo faashatiyo sixirka kuuskuusan
    kumudkiyo dibuu kowshadkii kuu tafaafulaye
    kabuudshaha hankaagu kasbaday waxan ku soo koobay
    abidkayaba ninkii nagu kibree nagu kama ee kaadso laga waayo
    kaba dhiiga waan siinjiriyo kalax dhunkaaleede
    kiriirtaa wakaa kabad iyo koronkor maydkiiyoo
    kobci nabada oo masiibada ha koolkoolin kuwaan toobi waydoo lagaa maadin kariwaaye
    adigaba kaskaa baa ku dhigay karinkan jiifeede
    kacoo waysayso waadigii kibir la,waalaaye
    fadlan kusoo kordhiyo hadii aad haysaan intaa wax ka siyaadsan wabilaahi tawfiiq

    Reply
    hagi, on March 11, 2009 at 1:17 pm said:
    walaal gabayga noo fasir maan fahmin erayada waxa loola jeedo

    Reply
    nimco uuu, on November 18, 2008 at 12:52 am said:
    hjkhkjkjk

    Reply
    yassir osman, on November 18, 2008 at 12:27 am said:
    he is my grreat grandfather
    wuxuu ahaa geesi rugcada ah oo tarikhda Engriska ta somalia ta ethiopia iyo Egypt ay tarikhdisu talo oo ku dabacan musuemyada oo tarikhdisa la soo koobi karin oo lagu dhigto schoolada somalia iyo somalialnd aniga awowgay wuxuu aha Ugas dodi Ugas Roble ilahay ha uuwada naxariisto

    Reply
    ibrahim mohamed ibrahim ugaas noor ugaas rooble, on November 2, 2008 at 4:23 pm said:
    he is my great grand father

    Reply
    Leave a Reply Cancel reply
    Enter your comment here…

    Fill in your details below or click an icon to log in:
    Email (required) (Address never made public) Name (required) Website You are commenting using your WordPress.com account. ( Log Out / Change )
    You are commenting using your Twitter account. ( Log Out / Change )
    You are commenting using your Facebook account. ( Log Out / Change )
    CancelConnecting to %s

    Notify me of follow-up comments via email.

    Soo dhawayntii Ugaaska

    Borama

    Qulujeed

    Dilla
    Blog at WordPress.com. Theme: Digg 3 Column by WP Designer.
    Follow
    Follow “Samaroon’s Weblog”
    Get every new post delivered to your Inbox.

    Powered by WordPress.com

  15. kkkkkkkkkk waa kuwaa reer abtigay mar waxay wada sheegayaan Buurta Sow iyo seeraha Boorama, mar Salal, Saylac iyo Sacaadiin dabadeedna Duur joog ma’ naqaan ayay isla soo taagayaan kkkkkkkkk Il y a longtemps que j’ ai compris qu’ ils snt tous du Q.5.

  16. I can not believe that you guys do not know the origins of garanuk. waar bal eega Websters dictionary or any dictionary. Garanuug, or gerenuk is the only animal spicy named by somalis. The animal is exclusively foung only in Somalia

    pluralgerenukorgerenuks

    Definition of GERENUK

    : a large-eyed antelope (Litocranius walleri) of eastern Africa with a long neck and limbs

    Illustration of GERENUK

    Origin of GERENUK

    Somali gáránúug
    First Known Use: 1895

  17. Sheekadu waa Alla goormey Orgidiina naaso la maalo yeesheen kkk. Dadku waa wada magaalo ilaa qarniyaalba. Inta badan dadka baadiyaha ilaahey ku hibeeyey wanaaga, dhaqan ka suuban ee Soomaaliyeed baa la galiyey iney ka faanaan markaasey magaalo lawada noqdey.

    Sheeka dhacdeybaa jirta: waxa la jiri gaban soomaaliyeed oo timuhu sooxan yihiin kuna jilaaban garey cad. Wajigeeduna yahey mid faraxsan quruxna ilaahey ugu deeqey. Waxey tagtey qaraabadeeda oo magaalo ku nool aanse wax hantiya oo balaadhan ku heyn. Waxey ka noqotey jaariyad. Laba sandood ka dib waxey fasax gaaban ugu baxdey reerkoodii oo baadiyihii degan. Xili roob da’aayo hooyadeed baa ka codsatey iney riyaha soo maasho. Halkii ay rida ka qabsan laheyd waxey gacanta ku dagiigtey Orgi. Markaasaa hooyadeed tidhi naa ka daa kaasi waa orgi oo caano laga maalee. Gabadhii baa lasoo boodey oo goormey orgidiina naaso yeesheen kkk. Xaalka soomaalida qaarkood waa nuuxaad. mida kale 80 sanadod ka hor soomaalida badidoodu waxey ku noolaayeen baadiye sidaa daraadeed dhaqanka in la yasaa waa doqoniimo iyo daciifnimo. Hadii awawgaa 7 dobaad ku noolaa baadiye waa inaad ku faantaa.

    Uma baahnid inaad indhaha saarto ugaadha siyaaba kalaad ku kala baran kartaa. Intaadka taqaano inaad la bakheyshaa waa badow tinimo.Ugaadha hada waxa ka hadhey sagaarada iyo inyar oon Banka giriyaad kusoo marey. Sida dadku sheegeen Garanuugtu waxey gali jirtey duleedka Borama meesha hada loo yaqaano Baleyga Cara-Garanuug. Waxase xayawaankaasi nabaad guuriyey qori-ugaadhsi, dadkii oo batey, xaalufka dhirta, nidaam xumadii dawladii Soomaaliye ee dhacdey iyo kuwan beesha SNM ee maanta.

  18. Timacade plz copyga iga khaldamaye qoraalka sare ma soo koobi karta qaybta u horaysa daa thank you…..

  19. Ugaas nuur ugaas rooble oo aan hore uga sheekaynay ayaa iska leh maansadan taariikhiga ah.
    Maansadani waxay xambaarsantahay dhacdooyin taariikhi ah oo aad u balaadhan hadana aan ka sheekayn doono.
    Sida aynu la socono soomalidu waligeed waxay ahayd umad beelo ka kooban, oo beelaha soomaliyeed waxa kaliya oo siyaasad u ahayd qabiil, waxa ay u dagaalami jireena waxay ahayduun danaha beesha.
    Beelaha soomaaliyeed ee Isaaq Daarood iyo Ciise iyo sidoo kale Qoomiyada xabashida ayaa Beelwaynta Gadabuursi ay la tahay dagaan wadaag amase ay wadaagaan xuduud. Beelahaa soomaaliyeedna xiliyada gugana colaaad baa dhex taalay jiilaalkana heshiis.
    Sidii caadada ahaydna waxa dhex mari jirtay mashaqooyin iyo colaado ku salaysan damac hal dhinac ka yimaada, damacaas oo ay keeni jirtay dhul jacayl, xoolo jacayl amase isriixid iyo barabixin.
    Hadaba xiligaa Ugaas Nuur Ugaas Rooble uu ka hadlayaa waxa ay ahayd xilli ay beesha Ciise duulaan ku soo qaad Qabiil waynaha Gadabuursi oo uu dhex maray dagaal aad u cuslaa. Ugu dambayntii ayaa xoogagii Beelaha Ciise meesha loo yaqaan kabaalka nagi. Ugaasku isagoo cabiraya dhacdadaas sidoo kalana sheegaya dhacdooyin hore oo isla dagaankaas ka dhacay sida duulaan ay beelaha dariska ay leeyihiin ku soo qaadeen xusaya ayuu tiriyay maansadan.

    Ugaas nuur wuxuu yidhi

    Kabaalka nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga
    kumbuska iyo labalaw hadaad kaw ka leedahaye
    Kalidii labaan ahay kun ciil uunka kala geeyay
    Ee waligeedba ninkii nagu kam’a kibirna noo keeno
    Kabbo dhiig ah iyo waan siin jirnay kalax dhunkaaleede
    Iidoor wuxuu kibir lahaa iyo keenadaan galiyay
    Kabalax Daarood halkuu kabo la’aan yaacay
    Kutaaniyo amxaar wuxuu faras lahaa dixdan isugu keenay
    Dixdii la iigu kulmee layga kari waayay
    Waar malaha ciise wuu soo Kama’e waa kas aadamiye

    Maansada iyo sheekadaba waxaan ku adeegsaday xusuus shaqsi ah, cidii wax aan khalday ogi fadlan ha ila soo xidhiidha

  20. Sorry Godan, it didn’t work for me either.

  21. waxan idiin soo gudbin doonaa casharo aad ka faaiidaysan doontaan oo ku sabsan barbaarinta caruurta da’doosu u dhaxayso birth ilaa 18 jir.
    waxa ku jiri doona
    feedin ama quudinta.
    daiper chage
    waa casharka hore intaas.
    faahfaahinta iga suga inshalah

  22. timacade salan wlc back how u doing?marmar na soo boqo dee heestan jaceylka waanba ka helay lakin siyaasda ka jeclahay heesaha lol ,,,god bless my awdalstate

  23. Doing well thanks Gudoon.Waxan laga yabaa inaan wigii mar ama laba jeer soo gali karo. Dee gudoon yartii musafiin ee ceebla bal usoo faali adigaa reer axamad ehe, malaha waxbaa ka khaldan oo waatan rabta inay diaber change nooga sheekaysee. dee yaa raba inay diaber change story dhegaystaan anagu waan soo dhaafnay waqtigaase, mise waa xeelad kale oo waxay rabta inay tirakoob samayso dadka inta geriatric ah iyo inta weli caruur dhalka kujira………kkkkkkkkkkkk

    Heestani tarrikh dheer ayey boorama ku leedahay lakiin waxa laga yaaba inay adiga waqtigaagii ka horaysay lakiin waxa loogu heesi jiray gabadha aad u qurux badnayd oo samroon. xaafadihii down townka ku dhawaa. Dee anigu hadda markaa dib u eegay gabdhihii qurxda badnaa ee borama wada Jibril yonis bay ahayeen, lakiin tani ma ahayn Jibril yonis. Adigoon magaca sheegin miyaad garanysaa qofka aan ka hadlayo.

    • timacade thanks heestan wan maqlay lakiin cida loo heesay iyo inay xataa reer borama aheed ma maqal ,lakiin hiildan gabadh uu jecel yahay buu usoo xulee de isaga ha inoo sheego tolow ma ceebla iyagaa isku siyaasdee lol just kidding,,,

    • Waan ku salamaay inadeer Timacadow waa laguu baahanyahay ha ka bixin forumka adaa taraafikada kala joojiyee inkastoo maanta aay roontahay weey isku wada dhaceen ayaamahane C/qanina wuu ku kaliyeeystay bal dib u soo laabo farsamo casriyeesana keen waxooga cilmiga soo yar afuuf. Waxaan u maleeyn gabadhaa aad weeydiisay gudoon in aan maqlay oon garan sheeg-sheegeense hadhan………

  24. timacade waa daiperku wa qayb ka mida socdaalka nolosha aan u soo galno. lakiin ha ii faalinina ee heestan kaga nasta

  25. samadaa dusheey ku socotaa soona noqon mayso somaliland.

  26. ceebla cidna cid ma sandulayn karto aduunka hada horuu u maray shacabka aduunka wad aragtaa iyagoon xabad ridin baa cidii cid sandulaysa suuqa dhexdiisa kolba dhag la goosan karaa marka haduu idoor iska dhaadhiciye wuxuu isaga ka dagalamay inu dad kale ku khasbo kama soconayso ee sidaa ugu sheeg your masters good bye and god bless awdalstate

  27. @aad ayaan kuu salaamayaa inadeer C/qani bagaad jaceeyl nagaga joojisay jahawareerkii gadabuursi.

    Thanks,

  28. FathiaOmar

    Ina Adeer waad salaamantahay adiguna waqti jaceyl iyo baashaal ma joogno maadaama dadkeena habeen iyo dharaar la xasuuqaayo calool jilicsanidaa waliba waxaa timid naxdin kale oo waxaan maqlay in xoolo badan la sumeeyay todobaadkii inaga tagay taasi oo ay sabab u tahay sunta hargaha warshad hargeysa ku taal ayaa suntii laga miiray lagusoo daadiyay dixaha gobolka Awdal taasi la doonaayo in sidii Red Indians la inooga dabar gooyo Awdal State waana cadaawad fogaatay xoolihii ka cabay biyihii la sumeeyay ee algu shubay goracawl iyo abuqays ayaa keentay in xoolahii ka dhamaadaan dadkii.

    HaniMuufo

    Akhri warbixintan sida loola dhaqmo tolkaa Hawiye ee jooga Hargeysa waa warbixin xasaasi ah.

    http://www.waagacusub.com/news/27.04.12.Nacasland.htm?v=sRAvJrPSlhg&feature=youtu.be

  29. Aadbaan idiin salaamayaa axsaabta, gaar ahaan Dhool, Ftxiya Shankaroon, oo iyagu maalmo badan inaga maqnaa, waxa kale oo an salaamayaa timacadde oo soo noqday, HaniMuufo daraadeed…!

    Intaa ka sokow haddii an usoo noqdo mawduuca Ugaadha Soomaaliyeed. Anuu waxan si fiican u garnayaa Sakaarada, oo an Boon ku eryan jirnay. Deero iyo Garanuug inay labduba jireen Boon ayaan filayaa laakiin ilaa imika waan kala saari laahay muuqooda.

    Mar an degmada Lughaya u tagnay tirokoob 1986, waxan jidka kusii aragnay ugaadh badan oo raxan-raxan ah. Dadka qaaar waxay lahaayeen waa Deero, qaarna waa Garanuug.

    Xaqiiqatan, qofka an ugaadha kala garnayn runtii waa badow, badawnimaduna ceeb ma aha, oo qof waliba waxuunbuu badaw ama jaahil ka yahay.

    Anyway, Ugaadhu waxay ka mid tahay quruxda dabiiciga ah ee dalkeena in la wada barto, oo iskuulada lagu barto waa talo fiican. Aniguna imikaaban baadhayaa, oo an halkan maalin walba mid kusoo dhajin doonaa…Insha Allah.

  30. Hiilka kkkkkkk,

    Waabad i amaantay hadaanba Timacade soo celiyey. Laakin xalay waxan ka fekeraye Timacade waa kee? In aan baritaan sameeyo ayaan rabaa oon Aqoonyahankan Samaroon daaha ka rido kkkkkkkkkk. Ileen waa caadadi HaniMuufo oo ondercover natural ahayd.

    Mar baan aad u qoslay kalideey anoo alabadii wax lagu cunay mashiin ku gurayo oo waxaan is iri Toloow Timacade ma Samatarka la shegaa?. Hadana ninki Americanka ahaa ee uu sheegay in uu u egyahay ayaa ii soo sawirmay oon iri maya ma ahan ee waa kee ninkanu. Wuuna iga diiday. Hadana wadooyinki Muqdishaan flashback ku sameeyey in aan waligeey Timacade ku arkay iyo inkale. Wali waxaan ku mashquulsanahay in aan kis kis yar wadooyinki dhadheraa iyo basaski maskaxda ugu soo celcelsho. Si aan u soo xusuusto in aan garanayo iyo in kale. Ileen malinwalbo wagaan yaraa wadooyinkaa un baan ku socon jiray ama lug ama gadiidba. Gubadleey ilaa Booliqaran. Xusuus wacan ayaan runti ku jiraa. Wadaba wado luuqba luuq xaafadba xaafad xusuustu way isu kaay dhiidhiibeysaa oo Hypnotize ayaan ku jiraa. Ileen HaniMuufo wax walbo ka filo Hiildan kkkkkkkk.

    Aad baanan ugu mahadcelinayaa Timacade hadaan ku soo helona Because you appreciate your privacy remains my only thought, third party will not hear from my source. Provided that their own research to find you.

  31. Derbi,

    Hehe Mawaanan ogayn waxa aay sameyeen reerkan aan Irirka isku nahay. Waxaan inika inii duulinayaa meesha ku jira. Laakin waad gaabisaan runti. In aan meel sare idin geeyo ayaan doonayaa oo wadada Adiss ka soo baxdaahi Ceelgaab timaado kkkkkkkk. Idoorna Darood Ismaciil doqon ma dhale ayaa ii soo dacayeynayo haduu ani war iga diiday oo xigtadiisa ah. Albabadi buu intuu ka soo xirxiray hadana yiri irirka kale ani ii soo mar kkkkkkkkkkkk. Walee waa arin cajiib ah. Waana ku qasbanahay in marlabaad Darood na gaardi siiyo inagoo wada jir ah sankadule. Ileen dad is wadi karo isuna naxayo ma nihine maxaan ku diidaynaa walalkeen Darood in uu mar kale inoo kala turjumo siduu abadba yeeli jiray. Xogaana indhaha furno oon si kale shaxda u ciyaarno ileen isma huntaan nehee.

  32. @Hiildan
    qofku marku kuffaayo indhaha raga kale ma leh arladii aad ku rafaan jirtay hadaad dhirteeda dhagaxdeeda,ciiddeeda,cawskeega,haba joogaane aad jaahil raad weyn ka noqotay ugaadhi Ali-Durgiye ku arki jiray banka Giriyaad iyo Buurta Libaaxlay halka nagu kala reeb aado.

    sagaaro iyo deero way isku eegyihiin deerada yara weyn.

    Cawsha iyo Garanuugtuna way isku muuqal eegyihiin laakiin garanuuga yara cas buurtayna inta badan garanuugtu ku nooshahay halka cawshu banka daaqdo.

    Biciidka iyo goodirkuna way isku dhaw yihiin laakiin waqooyika somalia way ka dhamaanteen oo wali Ethiopia wey jiraan.

    • Timacade waa qof aad u aqoon badan Siduu hadalka u dhigayo ayaa laga garan karaa mashaallh,bal xayawanada aan kaga yara nasano siyaasada gadabuursi ee ina dashatay.Hiildaan waan kaa qaaday inader.Hani adna diyaargarow wanaagsan Muqdisho Cadey ayaad isku diyaarinaysaa sis ilaahay hakuu fududeeyo

  33. Mahadsanid Dhooley.

  34. @ Fathia, thanks sister, sidaan horeba u idhi, idinkama maqni ee waxa laga yaabaa inaanan helin waqtigii aan hore u haystay. Waanse dadaali. Waa laga yaaba inaad garanyso gabadha weliba hadaad North America joogto. Maaha JY or HC or MC or RR.

    @Hiildan, Dee ninyahow jacayladaadii hore soo dhig badada anagu u sheegi mayno xaaska e, afkayagu waa mum..kkkkkkk

    @Dee hannimuufo, inay sida magnet ka isoo jiidato miyaaban qarsadaa. hold your horses, waan ogahay inay xaas tahay ee waxan jeclehay siday multifunctional u tahay iyo resourceful. Walaahi caadi maaha, waayo iyada oo aan gadabursi ahayn ayey sometime ka xogogaalsantahay qaar badan oo naga mid ah. She sees the big pictures, dee waana dagaalyahanad, allaha daayo…..

    @Dhool mahadsanid huuno. waan dadaali inaan participate gareeyo dooda inteeda xaragada leh.

    @Darbi……oo dee hadaad Liyuu polis iyo xagaa ethiopia u qaxdo xageed ka mari reer faarax nuurkii awalba Awdal kugu daandaansanyey….kkkkkk. Walee waxaagu waa schitzoid. Waar niyahaow darood waa darood, canteyn uma ogola gadabursi oo waxay rabaan inay dhulka gadabursiga qaataan, adiguna kuwii xorayn lahaa baad leedahay aan hoos geyno ogadeen. Strategy my friend, Strategy, ………Somalida horn of Africa waa Irir iyo Darood oo waliba Irir caara dheeryahay! Attend one of Hannimuufo’s Strategic sessions and you too shall see the picture.

    @Ali Dugiye………garanuk iyo deero way isku dhawyihiin lakiin garanuugtu way ka qoor dheer tahay wayna indha waaweyntahay, waxana laga helaa oo kaliya dhulka somalidu degto. Meel kale oo ay aduunka garanuugi ku nooshahay ma jirto. waxayna ku jira ” the very Endangered Species”

  35. Timacade

    Daarood ma leh DDS Ogaadeena ma leh ONLF waataa duurka sida xayawaan duur joogta ah aan ku xidhnay,Samaroonka Ethiopiana waa dad is jecel oo maanta hadaan tago anuu dhulka ayaa la iga qaadi si fiicna waa la iisoo dhawayn doonaa waanan hubaa,Markaa waxaa fiican in aan wax isku darsano oo aan cilaaqaad adag ula yeelano DDS sida Djabouti ay ula leedahay Ethiopia waad ogtahay in Ciise nacay Somali oo xabashi daawaysteen oo ay walalo ka dhigteen inaguna hadii Somali nimo la waayo waa in aan ka kirayno Lughaya iyo Zeiylac oo aan xoolaha Samaroonka Ethiopia ka dhiifino halkaa kuwa Ogaadeenka,Absamaha ilaa kuwa Oromada inaguna aan cashuurta iyo waxkasta oo dhaqaale ah aan iska yeelano ka waran…?

    Samaroon iyo Ciise way inoo heshiiyeen, waxayna ku heshiiyeen inay labada dhinac inagasoo cunaan oo siday innoogusoo sinqayaan ay dhexda iskugu yimaadaan, ana taasi u joogi maayo doqona ma ihi ee DDS ayaan ku darsan Awdal ilaa Arabsiyo to Bulaxaar.

    Waar nimanyahow sida Yahuuda aan u fikirno sida USA aan u dagaalano sida Fransiiska aan u hanjabno markaasi ayaan guul gaadhaynaa intaadse masaakiintihiin hareerahaa la idnka cuno dhexdaana la iskugu imandoonaa.

    DDS hanoolaato

  36. Correction

    Isaaq iyo Ciise way inoo heshiiyeen

  37. Timacade this song is specially selected for you.

  38. Tima cade,

    Gabadhu miyay nooshahay mise way geeriyootay,
    laba gabdhood ayaa Borama heesaha loo qaadi jiray
    beryihii hore anigu sidaan ogahay. mid downt townka Borama ayay deganayd mida kalena xaga bari. inkastooy magaaladu aad u yarayd berigaa.

  39. Waayo waayo yar yarkan danbe garan maayaan aaheeey wa sida

  40. Okey Darbi……maanta ninyahow saaxi baad tahaye bal aan ka faaidaysto inta aanay shaydaamadii kugu kicin…kkkkkkkkkkkk……waayahay,

    Waa runtaa oo gadabursi cudud weyn ayuu ku leeyahay ethiopia, lakiin bal u fiirso fundementalska siyaasadeed ee hoose ee meesha ka socda waxaana kuu cadaan inay Awdal ay tahay meesha kaliya ee uu gadabursi ka duuli karo hadday iyagu is ogolyihiin. Awdal waxa ku wareegsan ciise iyo Isaaq, labaduba waxay aad ugu hawlanyihiin siday lugahu ugu joojin lahayeen dhulak ay ugu yeedhaan Djibouti iyo Somaliland. Ismaciil cumar Geele kuma dhaco, awood siyaasadeedna uma laha inuu samaroonka Awdal jooga siyaasadooda aad ugu dheeraado, waayo dee waa nin dawlad haysta oo ” he will lose alot” haddii ay arrimuhu qadhaadhaadaan. Dhinaca kale, Isaaq, struggle adag baa usoo socda oo wixii ay labaatan sano kasoo shaqaynayeen ayaaba hadda khatar ku jiro oo iyaga laftoodu awood uma laha ay reer awdal siyaasadooda ay isgu dhextuuraan. Labada qolo ee aan kor kusoo sheegayba si dadban mooyee sii xoog sheegasho ah uma faragalin karaan siyaasada awdal, waliba anigu waxan isleeyahay, reer Awdal baaba laga baqayaa, waayo dee ” they have nothing to loose” oo dawlad ay leeyihiin oo ka carqaladoobaysaa ma jirto.

    lakiin qoladan Kilinka Shanaad, marka hore maaha qolo iyaga laftoodu u madax banaan siyaasadooda o ethiopia oo 80 milyan ah ayaa dusha ka hadhaynaysa, oo ” micro-manage garaysa” waxay samaynayaan. Waxa intaa u dheer Ilay iyo kooxdissu waa jabhad oo dee maaha dawlad consensus ku dhisan oo odhanysa aan gadabursi xaqooda siino. Haddii uu gadabursi isku waalona, waxay adeegsanyaan cududa axmaarada oo hawada ku raacinaysa minute gudahood. Waxa intaa kasii daran Gadabursiga ethiopia, maaha sida kuwa somalia oo ma wacyi gashana siyaasad ahaan, sida aan ogsoonahayna, way ku yaryiin dad siyaasiyiin ah oo cad cad oo damac sheegan kara. bal ii sheeg waayo siyaasiga la yaqaan ee gadabursi ee Ethiopia jooga….ilayn waynu is naqaane. Marka saxiib kuwaasi waa kuwa u baahan in la xoreeyo, meesha kaliya ee laga xorayn karo ee gadabursi cudud ku leeyahay waa Awdal.

    Bal u fiirso darbiyow doodaadu sida ay ” parellel” ula tahay doodii odayada gadabursi ee 1990 sexeexay in Somaliland la sameeyo. Sidaada oo kale kuwaasina waxay is lahaayeen halkanaan nabad ku helaynaa oo Isaaq inooga roonaan darood. Dee doodaasi midhaheedii maanta waan arkaynaa. History is repeating itself in an awful way, marka adiga oo ka taagan generationkii cusbaa aad ku celiso khaladkii uu aaabahaa sameeyey ( uma jeedo adiga darbi ah). Please do not even think about Ethiopia oo port laga siiyo Awdal. Waa baaba’a gadabursi waana wax Definition ka somalinimada lidi ku ah.

    Xaqiiqda aw aabeheen garan waayey ee maantana aniga iyo adiga na baal marsani waa inaan aragto ” the force within” Quwada Siyaasadeed ee Samaroon waxay talaa inaad aaminto walaakaa ee ma aha inaad ka raadis ogadenia, hargeisa iyo mogadisho toona.

  41. Fariid,

    Xagga Bariga dhown townka wayna nooshahay. Iyada heesta looma tirin laakiin waa loo qaadi jiray. Hadaan intaa ka badan idhaahdo waa la wada garan.

  42. Shamisey ka seexan waaye
    kaa shaqaysan waaye

  43. Timacade, waan gartay qurbaha ayay ku nooshahay halkaa ku jooji. walee inaad asalkii Borama tahay. af gooniya oo ay isu fahmaan ayaa jira

  44. Darbi iyo Timacade

    Ku darsada lixda bilood oo soo socda Saomaliya wax weyn ayaa iska badalaya gobolkastina dantiisa gaarka ah ayuu
    ka hor marinayaa Somalida.
    markaa waa kuma Siyaasiga Samaroon ee Koonfur ama darood, Hawiye iyo raxanwayn la sheekaysan kara ama Gadabuursiga cad uga soo goyn kara Somalia?
    mida kale hadii ay Isaaqu xamar ina geeyaan inagoo salad ku jirna way inoo dhamaatay.

    Anigu nin aad u qaylo badan ayaan ahay fadhi ku dirirka
    sida Somalida ama qabiilada ayaan 10 kaadh oo kala duwan tolkay Samaroon u soo saraa inkastooy Samaroonka intaan aqaano ay is yar gaabiyaan marka ay Somalida kale dhex joogaan. lkn markay dhexdeena noqoto wada libaax nahay.
    markaa inta ay wax dhawyihiin Samaroon Borama ha isugu yimaado ha lagu tashado mustaqbalkeena hadii kale.

  45. Galabta ilma aderaday way ii wada qabteen sowtaan is saamaxnay kkkkkkk waan idin xiisay ha lays cafiyo

  46. Hannimuufo………Thanks sister and like wise. The Queen of Soul, the one and the only ” Aretha Franklin” I love her music and the melodic roar of her beautiful voice.

    Maanta yarkii darbi ma dosage kii baad u kordhisay, si buu ” calm” u yahaye…….kkkkkkkkkkkkkkk. Kaftan.com

  47. Maxaa sidan laygu galaya kkkkkkk

  48. Darbi

    Xili jaceyl lama jooga kkkkkk, waar runtaa. Xoolo la sumeeyey waa saleelo ee waxa ka xunbaa dadka Awdal lagu sameyn doonaa hadii aaney tashanin. Bariga Afrika waa wadamo isku wada baahan dhinac dhaqaale iyo waliba siyaasadeed. Itoobiya inkastoo cadaawadi ka dhaxeysey Soomaaliya maanta iyo shaleyba dadka Soomaalida kolba inta garab ka heshaa inta kale cagahooda hoos galisa. Qaran Soomaaliyaa dhismaaya kaansa wali awoodoodu way xadidantahey oo waa African waxa wali awooda hayaa.

    Hadaladii Cali Khaliif(khaatumo state) ee ahaa hadii shaley itoobiyo beelo kali ahi uga xirfad badnaayeen kuwa kale maanta arintaasi la isku soo gaadh. Mida kale Soomaaliya meelkasta Itoobiya wey gali kartaa bixi kartaa sidaad daraadeed beelaha Samaroon waa lagama maarmaan iney itoobiya sida dhulbahante danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale kala sheekeysaan. Hal erey oo Malaska itoobiyo ku yiraahdo SNM daqiiqado ayey Awdal kaga baxayaan inagoon dagaal galin, dhiiq daadan,xoolo la inaga sumeynin. Itoobiya iyadoo loo siimaraayo maamulka Jigjiga waa in lala galo gorgortan dhaqaale sida lughaya port. Siyaasada maantu maaha tii 1970s kii ee waa 2012 oo itoobiya tahey ta kaliye ee xalin karta ama laaqi karta Soomaaliya.

  49. Mustafe…..you are so wrong brother….Ethiopia Strategically waa lagaga adkaaday Somalia, oo hawiye oo kaliya ayaa ka adkaaday……dhaqadhaqaaqa ethiopia ee aad arkaysa waa ” tactical” waxuuna kaliya effect ku leeyahay xuduudaha ethiopia.

    Cali khaliif hadalkiisa Ethiopia waa been ee xaqiiqdu waxa weeyi nin darood oo isticmaalaya dawlada darood ee kilinka shanaad. Ethiopiada aad ka hadalysaa waa Pre-Mogadisho invasion. The Invasion of Mogadisho by the Ethiopians has changes the regional political and militery dynamics. Ethiopia strategically somalia way ka adkaatay, lakiin dad badani sidaa uma fahsani, gadabursi baana u badan kuwa aan fahansanayn ee la soco. Dagaalkii shaly maanta ha dagaalamin, saxiib , marba salaadii la joogaa la tukadaye……….

  50. Taladaan la ruugin waa lagu rafaada..

    Huuno Timacade kuwan waad ku hinraagi, samaroon waa dad rafaad jecel, kolba sheeko ha keenaan, car bal nin leh arag waar han tashano oo meel iskugu keen keena,

    waa shekadii Dhiba timo xamar…

  51. Waa runta mustafa waa la dhisaya dakada lughaya waanay socota arintaasi ilayn sidasa itoobiya loogu xidhna beryahan danbe caawan fahmay waxa jira mustafa thanks inader guul

  52. Darbi
    Ciise ka orodbaa islahaydee sowdigan yarkan reer Geedi ah Ogaadeenka ciyaarsiinaaya soo qaataay kkkkkkkkkkk

    Timacade iyo Darbi sxb yaal strategy kasta oo la degayaa waa inay ku fadhido reality haddii kale hadhow wax aanad ku xisaabtamin ayaa kugu iman kara. Qorshe kasta oo siyaasadeed oo aad darsitaan ama qorshaysaani wuxu noqonayaa hal bacaad lagu lisay intaad ku riyoonaysaan una haysataan inaad Bada-cas ee waqooyiga soomaaliaya talo wayn si gooni ah ugu leedihiin. Xaqiiqda dhulka iyo degaanka taala ayaa waxay tahay in Gadabuursi Bada meel qudha, oo uuna waliba gooni ku hayn, ka soo gaadho waana Lugahaya oo jilib yar oo Gadabuursi ahi dego. Xisaabtana ku darsoo Ciise lugahayan xaga Bari ee Bulaxaar ayuu ka degaa xaga xadka Djiboutina cid taraxdaaba way yartahay.

    Tan tuhunka aha ee hadh iyo habeen inigu taagan ee ah Isaaq iyo Ciisaa noo tashadayna anigu ma’ aaminsani inay wax ka jiraan sobobtoo ah Isaaq iyo Ciise laba mowquf oo kala fog ayay ka joogaan xalaka Somaliland iyo ka Soomaaliyaba ee bacda iska yara fura abtiyaal kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  53. Sahal raganimada waan kugu ogaa Lughayana waa balad ciise waad ogtay anigu kuuma diidani laakiin aan dhawrno jawaabaha soo socda waan jeclay dadka is dhisa waxna dhisa

  54. Baladka ciisaha maxaad ka soo booqanayseen ? Sowtaad imika lahayd dhagax baan soo dhignay oo waan dhisaynaa …Ciise iyagaaba dawlad ehe, waxaad ciisaha uugu dhisaysid maad tolkaa dila uugu dhistid…

  55. Waa maan guracan iyo garasho jaan….

  56. Waxaan ka helaa siduu yarka Sahal u han wayn yahay isaga iyo caliba Ciise waa dawlad waanay kaga rumayn doonaan sheegashada lughaya inaguna ma dhaafno boorama anaa kaaga soo horeeyay

  57. By the way I am from Harawo miyaad ilowday Habon sowtaan isku dheerayn not Dilla

  58. Godan,

    horta habaryar haddii raggaa Gadbuursi warma igu garacaan oo ay halbowlaha igooyaan adigu kolay hooyaad tahoo iga adkaysan mayside ee meesha iskaga fogow intaanad iga dul ooyin.
    Sahal iyo Lughaya oo la isku diidayna waa Hiildan iyo Boon oo la isku diiday ee xaqiiqda haddiidin inabti. Haddii kale camera video inoo soo qaad oo ina mari aan runta ku soo taabsiiyee, dee waa haddaad bilcan tahay kkkkkkkkkkkkkk

  59. Sahal

    Aniga dhoobayda waan kala aqaan sida Afgooye Jawhar shalambood daafeed janaale Lughaya waxan u daynayna Habon iyada xeebaha sheegate laakiin ugaaskayaga maqaam saraa lagu soo dhaweeyay ana halkaasan ka qiyaas qaatay oo waxan is idhi waa dhul samaron meeshu

  60. godan inadeer dhulkena ciise ha inaga sinina inyar oon badnayn oo ciise ah baa inala daga lakiin dhulka from loyacado to gabilay waa gobolka awdal awdal cid leh cidwalba way ogtahay markaa ma ogili aniga in caaro dhulka samaroon ka mida cid kale la siiyo ok

  61. Sahal,

    Saxiib dee ma waxaad rabtaa inay gadabursigu apology ka bixiyaan inay absolute majority yihiin awdal, waa sidee shekadu, waayo dee taasi waa xaqiiq, sida ay hada xaqiiq u tahay inuu cisse jabouti majority ka yahay oo uu isaaq majority ka yahay hargeisa. Hadiisa aad leedahy strategiyada Awdal ciisaha awdal degaa waa inuu ku jiraa dee taa ma hadal baaba ka jiri kara. Xaqiiqdu waxa weeyi gadabursi hadda cid ay threat ku yihiin baaba iska yar inta ay iyagu sidii tom and jerry isku eryanayaan. lakiin haddi aad reer lughaya tahay dee adiguba dhibanyaasha ayuunbaad ku jirtaaye maxaa tala ah. Meeshan siyaasad baa taal mana arkayo dadkii dhulka deganaa oo si fiican u articulate garaynaya, walaa ciise walaa gadabursi walaa cid kale. Gobolkan waxbaa ka maqan, waana la wada ogyahay waxa ka maqan ee cid baan u maqnayn…….

  62. Sahal gabayga dusha ee ugaas nuur ila akhri waa qarnigan bilawgiisii waqtigu tiriyaylabada qayboodba isku day inaad akhrido waan ka wada sheekaysan doonaa markaas siduu idiin baabiiyay iyo maanta sidaad meel walba noogu sheeganaysaan ugaaskii ciise intuu diluu ka dul gabyay oo yidhi kacoo waysayso waadigii kibirka waalaaaye markaa aduunku wuu wareega waa maalintiinii sharaf iyo karaamay lahayeen reerkani markaan dhex joognay maantana waadiga arkaya inay inankii dheiman3223@hotmail.co.ukx joogaye ugaaska sidaa u xajiimaynayan wuxu waa dad gumeed inaad boobi kartaan booba waa doqmo e

  63. Sahal,

    Waan kugu raacsanahay ma jirto siyaasad isaaq iyo ciise oo u midaysan Gadabursi. Waa ruwaayaddaha ay Gadabursigu dhexdooda isku dhigaan ayey ka mid tahay.

  64. @timacadde

    jawaabta sahalbaa iska leh waxaan qirayaa in aad tahay ninkii ugu horeeyey ee gedabuursi een arkay una muuqda nin wax goosan kara waxna ku go,y karaan inkastoon qurba joognahay waxana ay gacanta nuugu jirin hadana waa suurtagal in ay maalin uun ciise iyo gedabuursi si niyad sami ah geed hoosti ku wada arrinsan doonaan oo la isku kitaab furan doono waxna la soo qufi doono wixii archive ah ee gaalo iyo muslinba laga dhaxlay ee ku saabsan awdal iyo sidii loo kala deganaana miiska la soo dul saari doono xaga ciisana waa diyaar arrintaasi.

    Markab baan fuulay iyo saanbaan wax ku saxeexnay iyo boqortooyaan ahan jirnay waxay u baahan doontaa marag iyo markhaati.

    hurdo wanaagsan.

  65. saantii wax lagu saxeexay waa la hayaa hayaa dhulkan waa dhul samroon

  66. timcade well done sida wax u fahansii duulkan dhul anay laheen ku wareeray. guul awdalstate

  67. mashalah.
    maanta ayuu gadabuursi ugu dood quruxbadanyahay, waa in ta sare laga hadlaa maahin bahasha hoose, taas waxba lagu gaadhi maayo.
    ta geeska africa in laga ciyaaraa way fiicantahay.
    well done

  68. ceebla

    huuno waa arin fiican, laakiin ciise ma ogol yahay in la isla xisaabtamo, haday ogol yihiin waa in laga soo bilaaba jabuuti,

    cali, hadu yidhi hala iska dhaafo saan la saxeexay, waa yahaye 77 ilaa imika maxaad ii ogolayd, maxaan ka dheefay xornimadii aan kula galay ?

    Saylac hadaad doorasho kaga soo baxday arin maaha ,dee aniguba waa taan jabuuti doorasho kaga soo baxee ee gaalku kuu hiliyay calanka hortii,

  69. Timacade,

    Doodu waxay macne samaynaysaa markaan isla fahano horta waxan ka wada doodayno waan ta Gadabuursiga meeshan ku
    dooda aan ka waynay ilaa inay ku cayaan ama iyagu iscaayaan maahee dee ceebtaana kolay anigu waan la wadaagaa oo alaa reerkan Gadabuursi iga beeray haddaan diido iyo haddaan doonaba.
    kalmada Awdal horta wixii aan soo qoray laga dhex helimaayo, Awdal markii tunka intoo lagu qaaday Boorama la geeyayna waa meeshay xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee gacal iyo xigtada ku dhisnaa ee Ciise iyo Gadabuursi ku dumay. Waxba ayaan SNM iyo Isaaq baa isku keen diray lagu meeraysan.

    waana dood dheer oo ka duwan tii aan qoraalkaygii hore kaga hadlay.
    Qoraalkayga waxan ku iftiimiyey oo qudha in uuna Gadabuursi xeebta Bada-Cas wax degaan aha uuna ku lahayn marka laga reebo Lughaya oo jilib yar oo Gadabuurtsi ahi dego xisaabtana ku darso in uu Ciise isba dego tuulada Cali-Xaydh, miyigeeda iyo magaaladaba, meesha aad kakeentay su’aashaada minority iyo majority garan maayo, Gadabuursi inuu dhulka tiro ahaan ku badan yahay doodi kama taagna lkn waa halkee!! Dhulkan xeebaha waan u dhashay dhowrkan sanadood ee dambana waan ka war hayaa. kolkaas waaqica aan ka wada haddalo iyo sidaad degaan mugleh ugu lahayn xeebta Bada-Cas, halkaana aan ka duulo si doodeenu wax uga soo baxaan.

    Siyaasad ahaana waxan aaminsanahay in ay dani iskugu jirto Ciise iyo Gadabuursi inay wax wada qabsadaan arima dhowr ah daraadeed:
    1. degaano badan iyo tuulooyin farabadan ayay wada degaan
    2. dhaqanka iyo is-fahanka oon u arko inay dadka kale iskaga dhow yihiin
    3. Waxa jirta cid labdoodaba inay xeebaha ka rarto ama ka

    fogayso damacsan taana waxay ku soo fooleedahay Lugahaya oo iniku dekedbaan ka dhisanaynaa ku aloosidiin, Ciisana Port baad sheegiye riigbay kaa diideen inaad KARUURE KEENTO.

    Isqab-qabsigaana maalinbaan ka wada ooyaynaa ee ma’ wada tashanaa mise dhulku waa dhul Samaroon ayaad waligiin ku dhaga adkaysanaysiin?

  70. Sahal,

    Horta raali ka ahay my belated response. Meela badan oo Somali forums ayaan soo maray, qaarna wali ka qayb qaataa, lakiin hadda ayaa iigu horayso, meel exclusively gadabursi leeyahay ama u badanyihiin. Waxa iigu horeeyey ee aan arkayno nimankii reer tolkay waa laga dood wanaagsanyahay, adiga iyo cali durgiyana haddi gar aan dhiganayno, I hope inayna gadabursi meteling dadka qaar aan halkan ku bartay waayo dee waa lanaga badin. Dadka meeshan wax kusoo qoraa mid waliba talent buu leeyahay oo they have fire inthie belly, lakiin doodu ma focus garaysna mana akhriyaan qofka ay u jawaabayaani waxa uu qoray. haddaba anigu ma wax iseega oo aqoon li’i daraadeed igu seega, way buuxaan, lakiin inta badan dadku waxay qoraan si mug leh baan u akhriyaa oo ma dul maro. Waan akhriyey qoraalkaaga waanan fahmay inaad xeebta ka hadlaysid ee aniga ayaanan qoralkayga elaborate garyn waxa aan u jeeday. Bal markaa waan isku dayi inaan mar labaad is sharxo:

    Awdal waxa weeyi contiguous political district sida ay jabouti u tahay contiguos political district. In Somalia, gobol walba dadka majorityga ah ayaa inta badan taladiisa la weydiiyaa, maraa dee ciise talada gobolka wax way ku leeyihiin sida gadbursiga jabouti degaa ay talada jabouti wax ugu leeyihiin, lakiin dee Awdal maaha dhul daaqsimeed ee waa dhul siyaasadeed, therefore, sida uu hadda sharciga somalidu yahay, gadabursi ayaa taladiisa inta badan iska leh. Haddii ay somalia ku heshiiso in la bedelo sharciyada degaanada oo la ogolaado a de-centralized system dee markaa taladu way furfursi oo su; allo kale ayaa iman. Lakiin inadeerow, haddii de-centralized sytstem la sameeyo cida u horaysa ee kasoo hor jeesanaysaa waa adeerkeen ismaaciil cumar geele waayo tashwiish cusub oo aanu diyaar u ahayn ayey arrintaasi ku furi.

    Malcom X ayaa waa laga hayaa, ” we did not land on plymouth rock, plymouth rock landed on us” waa sheeko ku saabsan pilgrims kii u horeeyey europeankii maraykanka soo degay iyo magaaladii u horaysay ee ay kasoo degaan. Gadabursi qaybyaalada loo kala degay soomalia isagu muu samayn dee lakiin haddii nin waliba goof samaystay dee meeshan yari gadabursi bay u xidhantahay saxiib, waaba hadday iyagu ku heshiiyaan. maalinta ay Somalidu gobolaysiga qabyaalada ku dhisan joojiso ee ay ogolaato in qof kast oo somali ah uu ” indivitually xaqiisu suganyahay meesha uu doonan degi karo, franchise kiisan ku ” express” garayn karo allaha ina gaadhsiiyo. Lakiin dee siduu xaalku u egyahay adiga haday gadabursi ku dhaleen, xaalkaagu waaba laba canlayne maxaaba kaa maqan. Mar waad u dhalatay meesha, marna waad ka dhalatay reeka majooritiga ah,,,,,,,,kkkkkkk

    gabagabadii, ninkii meel ka dega Awdal dee right iyo resposibility labaduba way saaranyihiin , lakiin dee meeshan reer abigaaba ku magac qaadaye, allaha soo ururiyo ee usoo ducee….walaahi duco ayey u baahanyihiin…….seriously

    Mahadsanid dooda qurxoon.

  71. Salaan sare Dhamaan Timacade mid kal iyo laab ah,

    Sahal,

    Hadii deked Lughaya laga sameeyo waa economic challenge. In aad ku faraxdo ood ku dhiiri geliso ayeey ahayd lakin waa nasiib daro in aad u aragto si kale.

    Anoo kula kaftamayo Ciisaha xeebta jooga ee Geela dhaqda badaas ilahay ku maneystay kama faiideysto oo sheeko looga toocsanayo oo film ah ayaan daawaday. Nin ciise ah oo geel jire ah oo kaluunki badu soo tuftay ku celinayo oo leh allah meshan anaabe ku rafaadsane muxuu ka soo doonay. kkkkkkkk, ,marka Shekada Somali waaba riibi geedo ma daaqo lagamana daaqo kkkkkkkkkk. Kalunkaas badu soo tufayso africa meelo badan ayeey ka dhacdaa dadkuna xeebta ayeey ku sugaan si aay u gurtaan qayraadkaas. Sida wadanka Moretania. Gaar ayaaba bada laga qabtaa si malmahaas looga faiidaysto.

  72. LooooooooooooooL hannimuufo. Ma maqal sheekadan, lakiin dee reerkan tolkay ee ciise we have a lot of jokes at their expense but politically they usually have the last laugh…….

  73. cali durgiye boqortooyadu way jirtay saantana anaa haya kkkkkk gabayga dushana ila akhriso waan ka wada sheekaysan doonaaa adaan kuugu tala galaykuuna soo galiyay

  74. sahal adna hoos ka tuurkii sowdiga iga badiyay maxaad tidhi hadaad bilcan tahay kkkkk waxaan sheego garan maayo ciise iyo gadabursi horaan ugu khasaaraykkkkk

  75. Timacade,

    Waan ku salaamay marka hore, marka xigta aan yara xasuusano meeshii aan dooda adiga iyo Darbi dhex maraysay aan inigala qaaday. Waxay ahayd waar qorshaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dejinaysaan talada ku darsada in ayna Gadabuursi bad lahayn oo riyada ka baxa haddaan la tegina waxan sheegay meesha aad biyaha bada lugaha ka gelisaan halkaana degaan ahaan waa la iniiga badan yahay.
    Sadex jawaabood midkood, Timacadow, waan filanayey:
    1. In aad tidhaahdiin waar bad waan leenahay oo halkaa iyo halkaa ayaan ka degnaa.
    2.Waa runtaa oo bad malihin ee waan ku xisaabtamaynaa.
    3. Jawaabtii caadiga ahayd ee min Lowyacade ilaa Bulaxaar( bal u fiirso Isaaq Bulaxaar looma dhaafo kkkkkk), xeebtaas dheer ayuu Gadabuursi leeyahay.

    Timacade waxaa kaa timid jawaab cusub oo cilmiyaysan aanse macno ahaan ka fogayn jawaabtii 3 aad ee aan filanayay. Waxaad tidhi Awdal dhul daaqsin maaha ee waa dhul siyaasadeed. Horta dhulka aan ka hadlaynaa waa dhul Soomaaliyeed, soomaaliduna gumaysigii ka hor daaqsin ayuun bay taqaanay, reerba inta uu geeliisu daaqo ayuu lahaa, daaqsinina ma’ dhamaan. Waana ta ay kula duwan yihiin Ciisaha xeebta bada cas iyo Gadabuursiga reer Djibouti. Gadabuursiga reer Djibouti waxay la macno yihiin kuwa Hargeysa ama xamar degan taas macnaheedu maaha talada Djibouti wax kuma laha.

    Dhinaca laba canlayntana, kolay nin tol iyo abti kala duwan lihi wuu ka jaanis badan yahay sida Ciise ciise dhalay ama Gadabuursi Gadabuursi dhalay, hadday dhacdo in aan kaftanka kaa badiyana waxaan shaki ku jirin inay sobobtu tahay mutawalad kaan ahay kkkk haddiise la laba canlaynaayo raga xeebaha degani waa sahal oo miidhan, waa iska wada dhal.

    Haddal iyo murtidii, Timacadow, anigu waxan qabaa, in uu Dhulku yahay mid daaqsin iyo mid siyaasadeedba oo ninba intuu Eebe daaqsin u siiyay uu taladeeda siyaasadeedna neelayahay, waana sida xaalka Salal iyo Awdal yahay maanta ee Gudoomiye iyo Gudoomiye ku-xigeen is-waydaar ah loo kal haysto.

  76. Godan,
    inabti horta wax fiican iyo wax xun wixii aan leeyahayba adaa igu dhalay dee hooska tuurka kolay kuma gaadho wax yar oo hiddo raac ahse la’ iga waayi maayo kkkkkk
    Bilcantana huuno dee ma’ ina-abtiday oo xaas ah ayaan xeebahaa Bada Cas la xaash-xaashi karaa kkkkkkkk

  77. Hani,

    Salaan sare, waa nasiib darada soomaalida ku wada dhacday in xataa haddaad ja no u sido ay ku yidhaahdaan reer hebelbaa waxaa wata, dee Ciisuhuna dadkaas ayuunbay wax la qabaan. aniga oon aabo iyo hooyoisku dayay in aana u kal eexan, haddana waxan khalad badan arintan ka saarayaa sida ay Gadabuursigu u siyaasadeeyeen Port kan Lughaya ee la’ sheeg-sheego. Arintanina dadkii jaahilka ahaa ee wada degenaa wys isku sii dirtay. xataa waxay gaadhay in dad la dhaawaco ayadoo la iskugu mar-marsoonaayo dhacdooyin yar-yar oon macno lahayn.

    Malaygu in uu nirgaha iskala ciyaarana anaa markhaati kaaga ahkkkkkkkkk gaajada meesha taalana erey laguma sawiri karo.

    Hani, adaaban meesha tolnimo iyo Abgaalnimo kaa filayee waa sidee, mise tolnimo ma’ jirto kol hadduu Timacade tuurkaa kuu taagan yahay oo taageeradaada iskagaa iska leh kkkkkkkk

  78. Sahal,

    Nin yohow walaaltinimo iyo jacaylka walaltinimo oon kuu qabo ayaan kuula taliye. Hadaad ogtahayna Abgaalka koonfureed waxa aay ku badbadaan waa dekedaha iyo airportiyada kala duwan aay leyihiin. Marar badan ayaa laysku daye in la tir tiro oo shaarar badan loo soo xirtay. Waxay ku baxsadeen wixi aay marhore tabcadeen iyo wajiyadi aay marhore ka dhigteen umadaha dunida iyo tan Somaliyeedba. Albaabadeenu cid walbay u furanyihiin. Waxaana ubadkeena kula talinaa. How dhaaran dhulka eebeheey waa kaa dhalin badanyehee. Dhulka in uu Eebe nagu abuuray ayaa nalagu barbaarshay oo aanan ka xigsan dadka oo aan soo dhawayno. Iyo in aan dhulka aad wax uga soo saarno si anaga iyo inta aay soo gaartaba aan ku manafacaadsano. Marka aad oo waayn aan u naxay ulana yaabay dadka gacankaa waqooyi dega dhaqanka qalafsan iyo dhulka laysku xagxaganayo oon haba yaraate wax soo saar saa u buuranina ka muuqan!. Iyo xigtada iyo ehelka is aflagadaynayo dharaar walba. Bal fadlan tag meel Abgaal ku shekeysanayo oo ka maqal iyagoo jufo jufo isu cunayo. Hadaad sheekadaa ula timaado gabigood ayaa sidi shini indhaha kaala baxaya oo werar dhan walba kaa siinaya. Cadawgeenu wuu badanyahay lakin waxaa nalaku barbariye. Xaasidkaadu haduu bato xiskadaa la kulmiya.
    Wax naga barta waa hadaad is jeceshihiin oo wax yara si idinka yihiin kkkkkkkkkkkkkk.

    Intaasi waa iga waano.

  79. Hani cadey,

    Talo iyo tusaale aado wixii aad i siiso waad ku mahadsantahay inkastoon Hawiye talo iyo kala dambayni ka muuqan kkkkkkkk Maxaase adiga Hawiye kaa galay, Allahayoow dad lama caasiyee deris ABGAAL baa leh kkkkkkkkkk

    Abgaal waa dadka aan ugu asxaabta badanahay soomaalida koon-furta, lkn waxan ku waydiiyey waa aya dadkan jilib jilibka isku haysta eed sheegaysid mise Ciise iyo Gadabuursigaba 2 jilib oo walaalo ah ayaad u haysataa? Huuno halkan reer qudha uunbaa isku rifee bal haddalka ii jilci waan kunfahmi waayaye.

  80. Sahal,

    Samaroon iyo Ciise hadaan qiyaasay waa sidi Abgaal iyo Morosade hadeey is rifaan tacsidi meesha ka dhacdaahi labadoodi waay ka soo qayb gelayaan, hadii maal layska dhaco labadooduba waay qadayaan, hadii gentaal laysku tuurana, labadoodiiba dhawacoodu cisbitaalka wuu isla imaanayaa. Laakin Abgaalku wuxuu ku mahmahaa dad soow isu xigaa alah isugu dhibay kkkkkkkkkkkkkk.

  81. Hani,

    Horta maalin horaan fahmay in aad ku dhibantahay sidaa ku kala garan lahayd aniga iyo ragan Gadabuursi kkkkkkkkk lkn waxa jira Gadabuursi aan cid kale lagu khaldi karin iyo Ciise aan cidkale lagu khaldi karin. Hadday Sahal, Hiildan, Haboon, Cali, Timacade, Tallman, ceebla iyo Godan kugu soo wada baxaan goor barqo ah oo aad is-tidhaahdid kuwan is-baaro u dhigo balse horta kale saar, waxay ila tahay inaad sidan u kala saari lahayd:
    1. Ciise: Cali
    2.Gadabuursi: Timacade,Tallman, Ceebla, Godan(iska jir waa haddayna lahjadda badilan kkkk)
    3.jini aan la kala garan: Hiildan, Sahal, Haboon

    Haddal iyo murti, soomaali warkeeda odhaahdaa Abgaal baa dhamaysay ee Abgaalku waa laba ee miyaana wanaagooda la wadaagin kol haddaan magac la wadaago.

  82. Hannimuufo…………hadalkaa aad kaga yeedhisay siduu run u yahay anaa kuu og. dadkii aan xamar ku aqaanay ee aan u haystay inay abgaal ahayeen ayuunbaan hadda markaan qurbaha nimid yidhi murursade ayaan nahay. Ciisaha somalia iyo jabouti degana way adagtahay sidaad ukala saarto, lahjadooda iyo xitaa ” mannerism” kood iyo body language kooda. Walee lakiin anigu abgaalkii aan somalia ku aqaanay umada ka deeqsi san oo ka fiican oo somali ah ma arag . Lakiin hadda waxa la i leeyahay nimankii way bahaloobeen oo ilyartii reer mududg baa irbad sun ah ku muday………kkkkkkkkkkk

  83. SAHAl,

    Horta hadaad Abgaalka koonfureed dhaqan wadaagto. Reer abtiyashaa lama doodeene waad u naxariisanlahayd. Kuwa Talman oo kalaa ee afka adag tusaale Derbi iyo Talman waad ka dhuumalaysan lahayd oo waxad ka baqi lahayd in aad dood adag la marto oo meshaana cuqubo abti kaa soo gaadho. Kuwa sidi Timacade iyo Cabdiqani ahna amaan iyo xushmad baad ku daroorin lahayd. Abti gaa un baad guri lahayd. Hadiyadana sida warqado iyo hantina waad is dhaafsan lahaydeen. Habaryaradana xitaa haday kab kula dhaqaan waxaad dhihi lahayd habaryar iska keey kabee.

    Laakin nin Abtigii dialog kulul la mara ma u badna Abgaalka konfureed oo marka aad baby tahay ayaaba lagugu abaabin lahaa in aadan abti iyo habaryar ba aadan ku soo hadal celin kkkkk. Aabaha Abgaalka koonfureed reerkuu gabadha ka guursaday ayuu u nacamleyaa. Wuxuuna aminsanyahay in ducadu dhanka iyo gabadhuu guursaday ka timaado ugu barako badantahay kkkkkkkkkkkk. Ani waxaan xusuustaa Aabahay oo hadiyado kala nooc nooc ah uun dhankaa iyo familka hooyadaay u sii wado ama xitaa gawaari xamuul ah ilaa afaaro dowladii hore laga soo dhameeyo. kkkkkkk.

    Hooyaday iyo Aabahay horta aad baay isu xigaan. Hadana afaraha familkeedu miiska dhanka ugu sokeeya ayeey soo saari jirtay wuuna ogolaay oo arinta ugu horaysa ee uu xalin jiray waxay ahayd tan dhanka Hooyadaay ka socota.

    Arintu si kastaba ha ahatee Wiil Abgaal gabartuu guursado iyaduu madaxa u saraa Crown oo uu yirahdaa nayahee i hogaame.

    Inanta Abgaalna waa mid reerkeda u cararta oo meelwalba arimaha uga soo xalisa wax walbaba haku qataane. Abgaalka konfureed gabdhuhuu jecelyahay oo gabadhiisa meel aay u joogto ragba uma dirto oo Calaseey iyadaa arinta soo dhamaynaysa kkkkkkkkkkkk.

    Timacade hadaan u soo laabto. Timacadoow heedhe Sinji waa maguraan suulashaba hakaa galee. Abgaal will remaind always Abgaal. Si walboo loo nasaqo wuxuu soo xusuusan wixi fac ka fac lagusoo abaabiye. Laakin colaadu umada waay nasaqdaa oo waxaad ka garan kartaa ciidamada Maraykanka markay guluf colaadeed qadaan wax yaabo fool xun ayeey sameyaan. Afhayeenkuna kolkuu ka jawabayo folxumadi ee uu xal u radinayo wuxuu ku andacodaa. dagaal wax walbo ka filo.

    Abgaalka koonfureed marka la cakiro inteey dib isugu noqdaan baay yirahdaan qaniinyo qaniinyaa kaa fujiso. kkkkk wixi lagu dhigay wax ka sii naxdin badan ayeey sameyaan si umada ku dhegani uga fuqdo.

  84. Oh wow waxaan si aad iyo aad ah u jecelahay dhaqankayga iyo hidahayga kaas oo ah dhaqanka iyo xeerka aadka ugu qaalisan xeerasha soomaalida kaas oo ah xeerka iyo dhapanka ciisaha iyaga oo walibana leh ismaqal iyo kala dambayn

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: