Masiibadii qabsatay Markabkii weynaa ee loogu magac daray ‘Ma-degaha Titanic’(The Unsinkable Titanic), Oo Boqol Sano Guuradii Kasoo Wareegtay Maanta La Xusay.

Maanta oo kale(15/04/2012) boqol sanadood ka hor(15/04/1912) waxa indhaha caalamka argagax ku riday qarqoonkii ku dhacay markab quwad iyo qalaba loo dhammeeyay oo loogu magac daray  madagaha Titanic (The Unsinkable Titanic). Markabkaasi oo ahaa maraakiibta shicibka ee badaha ka goosha, midkii wakhtigaasi ugu mugga iyo muruqa iyo muuqaalkaba weynaa uguna casrisanaa, ee lagu sameeyay dalka UK, gaar ahaan Ireland.

Markabkaasi oo ay saarnaayeen dad aad u tiro badan oo ka badan laba kun, mararka qaarkoodna lagu sheego saddex kun oo qof  ayaa wuxu dabadeeto si lama filaan ah ugu qarqoomay uguna degay xeebta kadib markii uu duqeeyay baraf buureed aad u weyn. Isla markiiba ma uu dagin oo muddo dheer ayay ku qaadatay inay quwaddii biyaha ee dabiiciga  ama Rabbaaniga ahayd ay ka quwad weynaato qalbakii dad sameega ahaa markabka.

Naxdin iyo amakaag ayay ku noqotay adduunyadii wakhtigaasi markii ay maqleen masiibada ku habsatay TITANIC oo marnaba an filaynin inuu markabkaasi degi karo, oo badda gudaheeda hoos gali karo. Dadkii markabkaas saarnaa oo badidoou dhinteen, waxa jira qaar ilaa iyo wakhtigan xaadirka ah la haynin raqdoodii iyo ruuxdoodiiba. Wax yar ayaa ka badbaaday oo nolol lagu soo gaadhay, kuwaasi oo sheekooyin badan oo markabkaas la xidhiidha laga soo qoray, filimana laga sameeyay.

Titanic wuxu ahaa sida magaalo badweyn dul saaran oo  ay u dhammays tiran yihiin wax kasta oo looga baahnaa adegii bulshada oo dhammi, sida dhakhtaro, farmasiyo, huteelo, guryo, meel lagu dabbaasho, maktabado, tukaano iwm.  Dadyoow noocyo badan, oo isugu jira  madax, maal qabeeno,  meel dhexdhexaad iyo maato ayaa saarnaa markabkaas isaga ah.

Markay taariikhdu ahayd 10/04/1912 ayuu ka ambabaxay xeebta Southampton ee dalka UK isagoo usii jeeda magaalada NewYork City ee dalka USA, kana sii gooshaya xeebaha France. Balse 14kii isla bishaas ayuu Titanic duqeeyay baraf-bureed isla maalin kadibna dhaawicii kasoo gaadhay duqayntaas ayuu ku dagay kuna halligmay . Halkaasna waxa ku dhammaaday magaca iyo muuqii Markabkaas loogu magac daray ‘Ma-degihii Titanic’(The Unsinkable Titanic).

Waxaynu xusaynina waa boqol guuradii kasoo wareegtay  Muruq Aadmi iyo Mucjiso Rabaani ah:

About these ads

Categories: Warka (News)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: