Hadday Dumarkiiba Is Qarxiyeen, Halkee Dib Loogu Noqonayaa..?

Majaajilada HiilDan: DaNana waxay baryahan danbe ku mashquushay dib isugu soo noqoshada labadii dal ee Soomaaliyeed (Woqooyi iyo Koonfur),  oo iyada ka dhab iyo daacad ah. DanYare isaga xagggiisa waxay uga dhigan tahay inuu warkaasi yahay dhalanteed iyo dhallaan habaabis wakhtiga laysku dhaafinayo. Waxa dhex martay sheekadan:


DanYare:   Dananaay warka soo daa

DaNana:    Dibaa loo noqonayaa

DanYare:  Halkee dib loogu noqonayaa?

DaNana:   Dalkiibaa dib loogu noqonayaa

DanYare:  Ma dibadbaynu ka nimidnay, soow dalka ma joogno?

DaNana:   Dalweynihii soomaliyeedbaa dib loogu noqonayaa

DanYare:  Ma halkaynu kasoo durugnay 21 sanadood horteed ayaa dib loogu noqonayaa?

DaNana:   Intaa aynu soo durkaynay iyaguna waynagu soo durkayeen, dee dibaa laysugu durkayaa

DanYare: Ma Hargeysaa dib loo celinayaa, mise Xamarbaa horey loosoo rarayaa?

DaNana:  Xaaji hadalka haygu daaline warka duuduub u qaado, dibaa laysugu wada noqonayaa

DanYare:  Xaajiyo waad deg-degaysaaye,  dunida waxba kama ogid, koonfur way daalantahoo, way daalaa dhacaysaa, darxumo an hore soomaali loogu aragiyo  dagaal foolxunbaa ka jira, ragbaa dirir lagu ogyaaye, dumarkiibaa soo galay, daldalaaya naftoodoo, dadkii wada qarxinaya.

Docda kale woqooyi waa dahab, dood wadaagbaa lagu dhisanyahay, dawladbaynu leenahay, diimuqraadibaynu nahay,  mamar deelqaaf yimaadiyo dogob yar waa la arkaa, ragbaase difaaciyo u dadaala nabadoo, durba waa la afjaraa, dumarna hawsha la gudbooniyo , dawgooda waa yaqaanaan.

Hadaba laysku doorsanmaayo, dibna laysuma celin karoo, laysku dari kari maayo labadaas oo waa Alleylkii xalay dumaye.  DaNanaay waxad yeeshaa, docdaadu haku deeqdoo, daaskaagana ku ekoow,  doodaana ha ii celin, haddii kale Digaashee..!.

DaNana:  Bal duqani dhagaysta, doodaa ha ii celin ku lahaa, hadii kale  digaashee kuye….! . Aniguuba igu dirayaa inaan isaga isu  qarxiyo, oo an lafihiisa duqoobay, hawadaas ku dubto. Dulucda warkaygu  waxay tahay, Hargeysa dibbay u guran, Xamarna horybay u durki, dibaa loo noqonayaa, waa la noqonayaa,  dalkiibaa lagu noqonayaa

DanYare( heesaya)

Doc kastoo la eegaba

Nolosha  dunidu

Waa Dumarkee

Hadday dumarkiiba is qarxiyeen

Halkee dib  dib loogu noqonayaa?..!!!!

DaNana: (Waxay ku jawaabaysaa)

Waa Su’aal daaman weynoo

Mijahana duuduubane

Wuxuu dumarku isu qarxiyay

Al-Shabaabaa lagu dacweyn

Dibaase loo noqonayaa..!!!!

About these ads

Categories: Majaajillo

31 replies »

  1. Salaan sare dhamaan,

    Majaajiladan waxaay u egtahay Hiildan oo Jeneral Gudooneey u dayrinaayo iyo Gudooneey oo ugu hanjabi meeshu ku dambayndoona haduu hadalkeeda diido kkkkkkkkkkkkk.

  2. horta ilaahay umada soomaaliyeed ha u gargaaro dhamanteed.
    marka xigta soomaali dad ayaa u haysta in ay soo noqonayso lakiin bohol dheer ayay ku sii socotaa.
    waxa ka kow noqonaya in soomaali loo diyaariayay gumaysi dadban kaas oo noqon doono africa ada madow. western kuna ku dul maamuli doonan.
    saas ooy tahay hirdan kale ayaa ku dulsocda oo qolowaliba ay danheega siyaasadeed ka wadato. waxaana ugu muhiimsan arimaha aan lo rabin soomali dawlad noqota oo midowda ethopia ayaa kow ka ah oo la ilalinayaa sida isreal oo kale.
    markaa wali fari kama qodna
    xaga ilaahayse isagaa loo noqon.

  3. kkkkkkkkkkkkkkk araa araa ma taasbaad keentay oo maadan maanta ogayn in alaha u naxariistee abwaan xasan sheekh muumin , la xusayey mise imikaad na odhan erayadii xasan aniga alifay , intood si kale ka dhigtay kkkkkkkkkkkkkk

    hiildan araa araa waan ku salaamay

    ex rooble afdeeb

  4. Guuleedoow, Horta reer Faarax Yoonis waligood ma yeesheen qof u waasha?.. Reerka an qof u waalan, murti iyo maadba way ka madhan yihiin…kkkkkkkk.

    Arrinta ku saabsan Abwaan Xasan Sh Muumin aad baan usoo dhaweynayaa. Waa guulaha kacaanka KULMIYE iyo madaxweyne SAYLICI in imika la xuso. Dawladdii UDUB waxay odhan jireen Museum ayaan u dhisaynaa, garoonkaan dhisaynaa, maktabado ayaan ugu magac daraynaa..iwm..

    Anyway, Docda Soomaali inay xitaa dib isu aaminto oo dumar danbe kala guursato ayaaba halis ku jirta, in laysku soo noqdo ayaad ka sheekaynaysiine. Maadaama ay imika dumarkii Soomaaliyeed qaarkood noqonayaan ‘suicidal bombers’. Waa taariikh lagu xusi doono xanuun badan?.

  5. hiildan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk reer faarax yoonis cidi ma ka waalatay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk haa sxb idinkuun idinkama waalan dad waxaa ka waashay xasan farxaan, oo yidhi DALA DAAHIR HALASOOW ADUUN WEYD DABA JOOGE, markaa waa sidaase la soco, mida kale dee saylici iyo kacaankan kulmiyeed shaagayso ma umadan xustay ayay ogyihiin walee inaanu saylici waxba ogaynee niyow adeerkaa waa kuwan xataa ku xegeen afraad ianay ka qaadaan doonaye ku ooyaya ee leh waar gudoomiye afraad halay daayo dee sxb iska taageer umadu waa og tahay ahlkuu arinkiisu marayee , imikaad na odhanaysaan saylici baa lagu xumaynayee m/casoow durbaanka garaaca ee naga dhaaf waxaa waala soo dhaafay imika dadku waa soo jeedaane xataa doqontii odhan jirtay inaga laynagu xumaynayaa wey toostee kkkkkkkkkkkkkkk

  6. kkkkkkkkkk, ‘Dala Daahir Halasoow, Adduun waa is daba jooge’.. murtidaa waxa yidhi ‘Reer Faarax’ sida an ku maqlay.

    Laakiin sidaasi waaba mudaharaade, haddii reer Faarax leeyihiin dhawr qof oo u wajaqay, Reer Maxamuud Yoonis iyaguna ha keensadaan qof u waasha…kkkkkkkkkk.

    Midda kale, Saylici inuu ka kaco xilka uu KULMIYE ka hayo waa qalad. Wali waa nin da’a yar, inuu mar kale isa soo sharaxana laga rabo. Sidaa daraadeed waa inuu jagadaas adkaysto, mar kalana isa soo sharxo.

  7. kkkkkkkkkkkkkkkkkk oo hadaad garanaysay maxaad ii weydiiaysay, reer maxamuudna waa lee yihiin nin la odhan jiray gabayooo, oo odhan jiray intuu saylac tegay sanadii 1989kii ayuu arkay magaaladii saylac oo dharaar cad lays raqayo markaasuu sidaas u eegay uu yidhi bahasha la yidhaahdo WAADAX EE DUHURKA CAD LAYSKU WAABINAYO IYO WAREERKA LAHAYAA KALA WEYNAA KKKKKKKKKK

    mida kale saylci afraadbaa loo riixaye halkuu iska soo sharaxayaa danbaabi maynee ilaahay baa og eee waatan meesha lagu kala yaacayo maahin

  8. Adigu waxad tidhi ‘Xasan Farxaan ayaa tiriyay murtida Dala Daahir Halasoo’. Laakiin anigu Xasan Farxaan kuma maqale, waxan ku maqlay Reer Faarax.

    Saylici markii horaba isagoo ahaa guddoomiyaha afraad ayuu hadana isu soo taagay madaxweyne ku xigeen, imikana wuxu isu soo taagi karaa madaxweyne ku xigeen iyo xitaa madaxweyne hadduu rabo. Balse saadaasha KULMIYE ma fiicna haddii H/Jeclo ku adkaysato inay madaxa isu soo sharxaan.

  9. haa dee ada i weydiiye reer faarax yoonis inay dad waalan lee yihiin ana waxaan ku idhi xsan farxanbay lahaayeeen adiguse reer faaraxa aad sheegi ma reer faarax nuurbaa ,

    waar niyoow reerkan iidoor cidba ma ogola imika ina kaahin ayay la rabaan baan maqlay oo kii jabhadka ahaa ee ina biixi ayay hawda ku cuneen meesha wax yaalaa ma jiraane haynagu wareerine anigu awdal state ayaan goboladii ka hawl galinayaaye kililka shanaadna waan dhisayaaye adiguna dadka intaad saylici ku meeraysanayso waxii reerka m/case aad aragtid xeeb soo dhisa dheh haani gunbay ka tolantaaye oo sheekadan iidoorlan halaga baxo,
    hiildanoow habeen dhaweynto ayaan ka daawanaye ye tsomaliland

  10. iiidoorlan tv xeebtii oo ay wariye ciise ah dhigteen oo geerisa la dhisayo reerkiinan m/casena xafiiltan hoose ayaad ku jirtaan waar rag iska dhiga nimanyahow oo dhulkii dega oo dadka u sheega afka uun haka sheeganine iga walee in lala wareegay intaad dhagaxan boorama ee waxba lahayn soo eegaysaane dhulkii dadka u soo ban dhiga waxa ka socda taassina waa talo walaalnimo

    • Walaahi sxb anigu waxan Geerisa iigu horraysay iiguna danbaysay mar halkaas lanoo geeyay Tiro Koob oo an filayo inay ahayd 1986. Meesha waxa iska shidan jiray Gadabuursi, gaar ahaan laba nin oo walaalo ah oo lakala odhan jiray Jaamac iyo Faarax Lo’doon ayaa gabigeedaba iska haystay, kuwaasi oo midkoodna ahaa duqa magaalada mid kalana ahaa taliyaha police-ka.

      Ciisuhu baadiyaha ayay ka iman jireen, markaasay ka dacwoon jireen maamulka. Waxan xusuustaa maalin ay anaga nagu dacwoodeen oo nagu yidhaahdeen, dee dhulkan anaga waxba lanoogama ogola.

      Imikana waxan maqlayaa Geerisa oo is badal weyni ku yimidday. Dee ma ciisihiibaa baadiyihii kasoo guuray oo magaalada yar degay, mise maxadcasihii ayaa dhulka ka guuray, oo meelo kale u guuray.?

      Hadal iyo dhammaan, in dadku wadajiraan iyagoo isu niyadsami waa wax fiican, oo Samaroon, Ciise, Isaaq, gacmaha is qabsadaan. Haddiise ujeedadu tahay in dad uun la aaso, oo la qariyo, dee waa in la tooso, nin walibana u tashado tuuladii uu ka yimid.

  11. sxb la xidhiidh dadkii wadanka joogay iyaga kuu sheegi halka ay dadki deganaa qabteene anigu waligay umaan haysan inay ciise xeeb sidaa ugu badan yihiin laakiin maanta waxaan arkayaa inaan la taraxin oo ay dhulkii la wareegeen ee umadan u sheeg oo hoga tusaalee si ay indho dheer ugu lahaadaan , midan aad tidhi samaroon iyo ciise iyo isaaq gacmaha hays qabsadaan dee waxaaa gacmaha lays qabsan markay igyagu dhaafaan ku qabsadan aya wadaan oo ay umada amaan siiyaan degaankoodana ay aaminaan lakiin inatay dhul balaadhsi ku jiraan ee ay waliba dawlada anagaa leh hayaan waxab walaalnimo ma jirtee ninkastaaba dhulkiisa haw tashado nin kale yaanu dhulkiisa isku dayin inuu ka taliyo farahaana laysaga gubanayaa mar dhaw haday kibirka joojin waayaan iga walee inuu iidoor xarshin ka ssokaynayn adigu ciyaar ciyaarbaad haysaaye

  12. OK. I hope inay dhinaceena galbeedka ka dhici doonin dumar is qarxiya…!

    Bye for now

  13. Hiildan& Guuleed,

    Wixii aad qooshanaysaan iska qooshtaa laakiin caradda iyo ciidda ciise madoobe in aad ku rafataan laga qurux badan waa hadaad rag tag iyo tilmaan leh tihiin.

  14. Horta dhaqanka Soomaalida waa lagu arki jiray qof dumar ah oo nafteeda disha, sida qaar isguba, qaar is xidha iyo wixii la mid ah. Ujeedooyinkuna kuma salaysnayn diin, ee tusaale waxay ahayd marka haweenku ay waxbarashadu ku xumaato, ama lagu daro nin aanay rabin iyo wixii la mid ah.

    Balse waxa maskaxdayda ka weynaatay su’aasha ah: Maxaa ku kallifi kara in haweenay qurux badan oo ah soomaali soomaali dhalay ay nafteeda halligto isla markaana galaafato nafaha dad kale oo badan Soomaaliyeed, kuwaasi oo an waxba galabsan, iyadoo ujeedadu ku salaysantahay Diin iyo siyaasad.?

  15. UGAAS GULEED:

    Hadana waxa qaaday boqornimada inakiisii Ugaas Guleed Ugaas Samatar wuxuuna dhashay meel ku dhaw Boorame,wuxuuna Boqornimadiisa qaaday 1812dii miiladiga waxaana lagi boqray Bagi,boqornimadiisana waa loo dhamaa,hooyadiina waxay ahayd Xamaro Geeleh,wuxuuna ahaa nin dheer oo maariin ah ,indho cas,oo indha ku leh ilmo badan,wuxuu ahaa nin luga yar yar oo gacma dheer wuxuuna ahaa nin deeqsi ah oo neceb bakhaylnimada wuxuuna jeclaa fardo fuulka iyo ugaadhsiga wuxuuna ahaa nin dagaal jecel,mudadii yaraa boqranaa dhawr dagaal ayaa ka dhex dhacay Gadabuursi iyo Daaroodka,waqtigiisii bay gaashaan qaadeen ee la odhan jiray geediyada,mudadii yarayd ee uu noolaa Gadabuursiga wax dhib ahi ma soo gaadhin,waxan loo sheegay in loo faaliyay ayaan ayaamaha ka mid ah oo la yidhi abeeso ayaa ku cunaysa ee faraska ha ka deign,kolkaa maalin oo idil faraska ayuu fuushanaa goor casar gaaban aha ayaa kaadi qabatay kolkuu kaashay ayaa wuxuu arkay jidhif meel taal oo uu damcay inuu kaadida isaga bi’iyo ilayn jidhiftuba aabeeso ayaa ku labnayd waana ay qaniintay sababta ayuuna ku dhintay,aad ayaa looga muragooday arintaas,wuxuuna dhinatay kolakay taariikhdu ahayd 1817kii miiladiga waxaana lagu aasay meesha la yidhaa weerar.

    10-UGAAS ROOBlE:

    Hadana waxa boqornimada qaaday walaalkii oo la odhan jiray Ugaas Rooble Ugaas Samatar,wuxuuna ku dhashay Harawa,waxana lagu caleema saaray Bagi,boqornimadisana waa loo dhamaa waxana uu boqornimada qaaday 1817kii miiladiga oo ahayd markii walaalkii dhinatay,hooyadiina waxa ahayd Xamaro Geeleh,wuxuuna aahaa nin dheer oo aad u cad oo aad u qurux badnaa,wuxuuna ahaa nin haybad badan oo laga haybadaysto oo tolkii hadalkiisa maqlo oo aa iyo aad loo jecel yahay wuxuuna nin gacmo-dhaadheer oo deeq badan,geesina ah waqtiga dagaalka oo faseexo badan oo qoor dheer leh,dulqaad badan leh,wuxuuna ahaa nin dadka soo jiita oo qosol badan,wuxuuna nin aan waligii cadhoon oo ciyaar badan,oo dhaliyarada kala qayb gala olalaha,oo farafuulka jecel iyo ugaadhsiga,wuxuuna ahaa nin xarago badan oo aan seexana,ahaana nin gabyaa oo gabayga xafida wuxuuna ahaa nin hadal yaqaan oo aan hadalka daalin,waxaana la sheegay kol haduu bilaabo inuuna ka daali jirin,oo uu hadli karo ilaa afar saacadood,wuxuuna had jeer ilaalin jiray dadka taagta daran iyo agoonta,waxaana la sheegay in miskiin ah uu yidhi xaas baan leehay ee wax i siiya uu siiyay 200 neef oo adhi ah,waxa la la sheegay inuu Habeen kaliya u gawracay 50 dibi,wuxuuna ahaa boqaradii oo dhan ninka ugu deeqsisanaa.

    Waxa kale oo uu ahaa nin nasiib badan,nasiib badnidiisana waxa ka mid ahayd in ragii aabihii Ugaas Samatar ku ducaystay ee uu yidhi”Ilaahayoow waxan ku baryayBoqol nin oo kunciila”ragas ayaa isaga la barbaaray nasiib wanaagiisa oo fardaha la fuulay ragana magic yadooda waxa ka mid ahaa:sidan hoos ku qoran

    1- Geedi Bahdoon (Geedi Malable)

    2-Geedi Faarax (Geedi Daba-cade)

    3-Cali Cumar (Cali Aar)

    4-Boon Cumar (Boon-Jilib yar)

    5-Geedi Maydan

    6-Waarabe cade

    7-Rooble Afdeeb

    8-Boqore Same-dudub (Boqore-Gadhlaawe)

    9-WaaDubad Geedi

    Like this:
    LikeBe the first to like this post. Filed under: Uncategorized
    « Aadan Tarabi oo burco jooga ayaa dhawaan ugaas C/rashiid Ugaas-Rooble Ugaas-Doodi Gabay Amaan ah u soo tiriyay. Taariikhda Ugaasyada Gadabuursi ; Qaybtii 3aad »Leave a Reply Cancel reply
    Enter your comment here…

    Fill in your details below or click an icon to log in:
    Email (required) (Address never made public) Name (required) Website You are commenting using your WordPress.com account. ( Log Out / Change )
    You are commenting using your Twitter account. ( Log Out / Change )
    You are commenting using your Facebook account. ( Log Out / Change )
    CancelConnecting to %s

    Notify me of follow-up comments via email.

    Soo dhawayntii Ugaaska

    Borama

    Qulujeed

    Dilla
    Blog at WordPress.com. Theme: Digg 3 Column by WP Designer.
    Follow
    Follow “Samaroon’s Weblog”
    Get every new post delivered to your Inbox.

    Powered by WordPress.com

  16. Hiildaan.

    oday Dahir Halas u tiriyey Gabaygu waxa uu ahaa reer faarax
    magaciisana waxa la odhan jiray Sheekh Faarax. sidaa uma sii waalnayn wuu iska amuusnaa cidna ma dhibataayn jirin.

  17. Hiildanoow,

    waxaa meesha ka dhacay maahin wax qof dumar ah ka dambeeyay ee raga isku sheega in ay yihiin dawlad ku meel gaadh ayaa laga dhex kaluumaystay qofka dumar ah ee la sheegi in ay qaraxaa fulisay waxba kama jiraan Al shaabab weeye cidda leh awood iyo xeelad ay meelo si gaar loo adkeeyeey aamaankeega waxay doonaan ka fulin karaa si gaar ah waxay xidhidhi ula leeyihiin sirdoonta dawlada, xildhibaanada, askarda,oo ah dhamaantood dad kala ujeeda ah wax yar oo laaluush ah ayaa kaa xiga in aad xamar waxaa doonto ka samaysan karto.

  18. Waraabe cade iyo Rooble Afdeeb magacyadaad sidataan halkaad ka qaadateen ma fahamteen waa nimankii geesiyada waawaynaa waqtigii Ugaas Rooblihii 1aad uu ku ducaystay ilaahayoow i sii boqol nin oo midkiiba u dhigmo boqol nin
    waqti badan ha ku luminina jawaabo ila aqrista kaliya waa milicsiga sooyaalka taariikhda Gadabuursi.

  19. Qodan,

    BAGI xagay ku taalaa mise Saylac baad u jeeday kkkkkkkkkkkkkk mise waa afdhacay

    Dee Hiildan tan xeebtan dhulkaba waan iskaga dhoofnee sownigii nasoo xasuusiyay. Nostalgic ayaa nagu dhacay iminka oo ku qabso dambe ma’ soconaysee oo waabad aragtaa xataa in kornayladii meesha kulul ka yimid dhulkii dib ugu noqonayaan ee Afkaaga eerso Abti. Maad iska aamustid Ciise wuxuu ku dhawaa in uu Djibouti iska wada xaadiriyee sowkan Durkiye Ciise soo wada celiyey. Aniga kolay dhib iguma ahaateenoo dee kolay Gadabuursi la iga garanmaayee ee raga Ciise ha inagu soo celinina inta hadday kkkkkkkkkkk

  20. Sahal Ugaas hadaad maqashaba waad soo boodaa ninyow is tiiri adna wax naga bar yarkaad Saylac noogu keenteen meeshuu ka soo jeedo aan is baranee kkkkkkk.

  21. inabti waxka baro reer abtigaa uunbaan islahaayee waa sidee , haddan xagay ku taalo oo xaqiiqadii jahil aan ka ahay haddan warsaday maxaan dhimay kkkkkkkkkkkk
    Annars hur mar du efter det daliga vädret, jag är ledsen att jag orsakade att du bytte namn, men jag är reda att gottgöra detta kkkkkkkkkkkkkk

  22. Waxba ha i war wareejin inaabti soo soco yarka aan bartee warkiisa i soo sii aabayaashii boqoro ma ahaayeen mise waa saldano cusub kkkkkk mida kale ninkii waan ka raystay sidanaa ii fiican/.

  23. inabti waakee yarkan aa rabtid inaad baratid? Ma’ dhaamaa odayadii Ciise iyo gadabuursi kkkkkkkkkkk ee aad magaciiba uga guurtay.

  24. Sahal labada nin hays garab dhigin kiinaa fiicnaa believe me kkkkkkk adigase nooga sheekee markaada boqorada Ciise cadde.

  25. inabti adeerkaabaa abtigaa ka fiican wax nin rag ahi ku farxo maheee kkkkkkkkkkk Aado Ciise iyo Ugaaskiisa maxaan kaaga sheega, wali ma’ waxad moodi in aan kugu dhaamo haddaan laga tagina dee youtube inoo gal oo raadi markuu Cowke lahaa ” waa tee, tiidee, teedee …..etc

  26. hadaan fahmay wax qoraalo lama hayo waan ogaa inaan ahayn dad waligood wax qori jiray hadaan nahay Samaroon intaan soo wadaa ka badane ila akhriso./

  27. Waa run inabti amba waan kula ogaa inaad haysiin buugag tiro badan, dadkase la tusi karin ……….. waataa, waatan baa dhaanta kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  28. Kuwaygu waa waatan ha sugi waayin waan soo wadaa kkkkkk,

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: