Durba waxa muuqata inay Somaliland kurbanayso oo Soomaaliya ugaba horraynaysa wada hadalka, sugina kari laadahay. Gudidan uu sida dhakhsaha ah u magacaabay madaxweynuhu iyo shirar hoosaadka badan ee belaha Isaaq dhexdooda uga Socda Somaliland waxay muujinayaan ifafaalo an fiicnayn oo salka ku haysa siyaasad jawhwareersan.
Soomaaliya iyo Soomaaliland oo loo shiro waxay marka horaba ku xidhan tahay in dhinac walba beelihuuse tashadaan, iyagoo isu af ah oo wada jirana laysa soo hor fadhiisto. Dhinaca Soomaaliya wali taasi ma taagna oo dagaalo iyo colaado muddo dheer soo taxnaa ayaa lagu jiraa iyo dawlad ku meel gaadh ah oo aanay cidina ku dooran diimuqraaddiyad.
Dhinaca Somaliland, xaaladaha gobolka bari ma sal dhigin, dhammaanba beelaha darifyadu kuma niyad sama saamiqaybsiga iyo kaalinta ay kaga jiraan Somaliland. Dawlad si diimuqraaddiyad leh lagu soo doortay ayaa ka talisa, bale waxay tahay awr dhinac ka raran oo dheeliyaaya. Hadaba su’aalaha xusidda mudan ee lays weydiin karaayo waxa ka mid ah
- Halkeebay ku socotaa Somaliland?,
- Isaaq halkeebuu nagu wadaa?,
- Beelaha kale halkeebay ku hadheen?.
Categories: Faalada Warka (News Analysis)
Daawo Madaxweynihii Ugu Horreeyay Somaliland: Marxuum Cabdiraxamaan Axmad Cali(AUN) Iyo Shirkii Awdal Ee Xilka Uu Iskaga Wareejiyay 1993
LUGHAYA Yay Ka Ooydaa, Ayayse Ku Ooydaa?: Abaar iyo Amni Darro
Hadday Dhalashadu Dhab Tahay, Ninkii Dhiigloow Dhaqaaq.
Maxay Sideen Doonyaha Reer Saylac Ee Budhacd Badeeda Djibouti Qafaasheen?
Badhasaabka Salal Ayaa Ka Danbeeya Dagaalka Socda, Dawladda Dhexena Way La Ogtahay
Saraakiishii Ugu Sarraysay Samaroon Wakhtigii Taliskii Siyaad Barre Iyo Siday U Arkayeen SNM Iyo Salka Khilaafka Samaroon Iyo Isaaq Iyo Sidoo Kale Saadaasha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Salaan sare dhamaan,
Hadaan qiyaaso waxa Madaxwayne goboleedka Somaliland ugu kululyahay shirka Somaliwayn aay tahay in aay dowladi Somaliland fashilantay.
Waxay ku fashilantay in aay dagaal qabiil la gashay shacbiga Laascanod, waxay ku fashilantay in aay wax walbo oo dunida macaawino laga siiyo uu qabiil gooni ah hibaysto, waxay ku fashilantay in aay shacabka ka gadooday dilalka qorshaysan ee Awdal aay qancin wayaan oo dambile yaashu ciidanka dowlad jabhadeedka iska dhex jogaan.
Ma ogtihiin in dhacdooyinka kala duwan ee aduunka dad shuqul ku leh in aay soo bandhigaan jiraan. Una geeya sheekadu siday u dhacayso. UN, Navo, Jamacada carabta, Igad, USE, Ruushka, Chinaha, Latin America, Australia. Iyo hay adaha xuquuqul insaanka.
War hadaadan ila dhaqaale lahayn oo aad shacabka dil ugu dhaqaaqdo duniduna qatiyaan ka tagantahay economic injection ka aay kugu samaynayaan. Sow kaama jojinayaan waxay ku siinayaan?.
Hadaba Dowlada isku magacawday Somaliland sidi naalo sibir ku dhacday ayeey noqotay kolki ilihi dhaqaale badankood dunida aay ka joojisay cadib dacwo ka soo gaartay isla jufooyin isla yaala Waqooyiga Somalia. Sida Gabooyaha, Dhulbahantahay iyo Samaroonta oo baroor af labadii yeeray. Shaacana ka qaaday in wixi dunida bixisaahi dhuunta Isaaq maran oon cid kale oo dhadhansiin. Hubna ku iibsadan wixi u soo hara.
hani maanta maalin somaliland ka dhaqaalo badan tahay ma jirto mana soo marin taariikhda maalin ay xaga siyaasada kaga horumarsanrahay mama kaga wacan tahay ,
gudidana mujaahidku magacaabayna waa mid caalamka uun la tusayo in laantu ay xageeda ka diyaar tahee reerka ama reeraha goaankoodu waa kii 21 sano ka hor lagu gaadhay burco,iyo boorama cid bedeli kartaana ma jirto waa siilaanyo walaa saylici
Salaan ka dib, murtidii waxa dhamaysay Hani Muufo.
wayna ku mahdsan tahay, waxaanan Illahay ka rajaynayaa in uu reer Awdal tuso dariiqa toosan.
waxaan intaa badan ka maqalaa medienka in dhalin yarta is qarxiya ee al shaabab taageera ay isticmaalan wax yaabo sanka loo marsho oo ay wada sixran yihiin run iyo been aniga ha i waydiinaan laakiin waa war suuqa lala meero.
Sidoo kale dadkan reer boorama maxaa lala baal maray? bal waa yaaba maxaa ka khuseeya somaliland iyo wax dadkii samaystaba ay ka samreen, ma aragteen cid aan reer boorama ahayn oo afti iyo aragtii laga waydin, kolkaan sidaa u baadhay soomaali waxaa ugu fiican in la hoggansho waa Gedabuursi war duulku janaysanaa cajaaab kkkkkkkkk.
Anuu waxaan kusoo koobayaa waa nin waalan oo diyaarad kaxee la yidhi
Hani muufo wad mahadsantahay manta waxa loo kala orday in muqdisho la iska xadirsho waxa fartu u tagantahay Abuu kulmiye Silaanyo waa ogyahay xaqiqada jirta wana ka qancay aqoon radis lagu dalay marka shirka london waa midki lagu midobayay manta ma jiro wax qaran somaliland la dhahaa wanan soo dhawaynaynaa shirka midnimida London kuwo halkan wax ku qora ayaa wali khiyali isku mawelinaya walalayal dadkina dhinac ka raac
HanniMuufo……..waa maxay mahadkan siyaasada ee aad meesha ka furtay ee waliba bilaashka aad ku bixinaysaa……Waxbaa kaa guuxaya
Asalaamu Calaykum
Horta maanta su’aalahan halkan ku qoran in la is weeydiiyo 20 sano ka hore ayey ahayd maantase mid taal ma’aha sababtoo ah qofwal oo Ilaah aqli iyo aqoonsiiyay wuu arkayay halka uu xaal ku danbeey iyo madasha ciyaartu sida aay ku dhamaandoonto, waxayna ku haboonaan lahayd in laga hortago intaa xeedho iyo fandhaal kala dhicin hadase waa caano daatay sidii loo qaban lahaa ee maahaa in su’aalahan jawaabaheeda la raadsho waayo sanka ayay inaga wada saarantahay jawaabahaas oo idil haddii aynu is yeel’yeeleen.
Haddii aan u soo noqdo hadalka nuxurkiisa oon isku dayo in mid walba sideeda uga jawaabo anoo ku horeeynaya halka ay somaliland ku socoto waa halkii loogu talagalay ee la ogaa in aayna siba uga gu’ikareeyn oo ah asalkii hore Soomaali halkii aay ku wada midobeen lixdankii markii dadka caafimaadka qaabaa talinjireen ee qirayay garanayayna micnaha Soomaalinimada iyo waajibaadka dalka iyo dadkoodaba ka saaran iyagoo naftooda iyo ta ubadkoodaba ka xoreeynayay gumeeysi, waxase nasiib daro ah in gumeeysigii aay iska xoreeynayeen in uu maanta ka maadsanayo oo dhoolatus ku sameynayo sida aay diciifka u yihiin isagoo u muujinaya in uu badbaadinayo si casriyeeysana ugu taliyay uguna qasbay in aay meel ka soo wada jeestaan meeshaas oo ah one Somaliya no two what an embarassement to all of us! Taas oo Ex-Somaliland ku noqotay sandule in aay ku raacaan kuna maraan halkii loogu taliyay. Laba talo ayaa la’haboonaa hadii aay waxgarad yihiin nimanka hogaanka haya labadiina weey seegeen, mida hore 21 sano ee aay Somaali kala kaxaynayeen in aay ka shaqeeyaan isku soo dhaweeynta umada ayay ahay maneyna dhicin, in qaaybta yar ee aay ka taliyaan inta dagan cadaalad ku dhaqaan nabadgalyadooda iyo nolashooda simaan beey ahayd taasina meey dhicin, in walaahooda Soomaliyeed ee koonfur ku dadadaalaan aduunkana uga horeeyaan kala badbaadintooda iyo xasiloodintooda oo aay noqdaan umadii aduunka ugu xigtay cidwalbana uga soo horeeyaan beey ahayd taasina meeydhicin, halka qudha ee dhul Soomaaliyeed marka laga reebo Jabuuti ka deganeeyd maamulna ka jiray sidu doonaba ha ahaadee beey ahayd waxaana saarna masuu’liyado farabadan iyo fursado qaaliya ooy seegeen waxaana kamid ahaa fursada ugu qaalisan ee aay hantiyi kariwaayeen in aay noqdaan mustaqablkii Soomaaliyeed meesha ugu caafimaad badan ee loogu gogol-xaadhi karo nabadeenta umada iyo dajinta dalka dagaalku u noqday sumada oo kuwii horseed kana noqon lahaa mustaqbalka cusub ee Soomali dib ugu midoobi lahay ugana hortagi lahaayeen cadawga Soomaali ee kaga faa’idaystay kala daadsanaata iyo coolaada dhexdooda ah, caalamkana aay ku tusi lahaayeen in Soomali weli nooshahay laguna ixtiraami lahaa taasina weey seegeen oo meey dhicin.
Waxaa qaladaad aay galeena nimankii hogaaminayay Ex-Somalailand Isaaq gaar umaha ee dhamaan dusha ayay kawada saraantahay inta halkaa wada dagta ha ugu horeeyo Gadabuursi iyo Daarood. Daarood iyagu intaaba weey ka dagaalami jireen oo daganaasho iyagaba wuu ku yaraa ee Gadabuursi kaalintii in uu ka qaato ahayd wuu ka gaabiyay cilmigii iyo aqoontiina Isaaq ayay damaanad qaad yidhaahdeen oo furihii masuuliyada u dhiibeen markaa Isaaq halkii Gadabuursi dhigay ayuu idinku wadaa halkaas oo mooyaan ah iyo wareer ee Gadabuursiyoow idinku halkeed umada Soomaaliyeed ku wadaan idinkaa ahaa hooyadii qaranka haddi aay Somaliland tahay iyo Somaliyaba? Maxaad gacamaha u laabateen OOPS!!!!!!!!!!! Ma u madaxbanaanadiin miyaa oo horaa walaadadii iskaga wareejiseen? Raali ahaada waan ilowsanaa jawaabtaa riqiiska ah. Isaaq waa qabiil qabiilna qaran ma noqdo haddiise aad faraha waxa walba kaga rideen dee iyagaaba danbi laga galay waayo wax ka xoog badan ayaa loo dhiibay ee dhinaca u liicaan miisaanku u bato u la’dhaca waa sidaad garateene!!!!!!!!!
Ninkii og wuu ogyahay kaan ogaaynow imikaba ogow intaan fiintu kuu ciyin Soomaali xaalkeedii wuxuu ku danbeeyay markii aay tashan kari waayeen adduunkiina khaatiyaan baryadoodii ka joogsaday in loo taliyo sidii caruur qalqaaliya silsilad lugta lagaga xidhu aayna isku dhaq-dhaqaajinkarin meelna lagu wada hayo meeshaa oo Somaliya ah markaa gobol wal iyo qabil waliba is diyaarin ayuu ku jiraa sidii ayahooda ugu meeleeyn lahaayeen ulana jaanqaadi lahaayeen waayahan cusub maalmuuhu ka hadhay ee Gadabuursow idinku caaqligii iyo aqoontii masuuliyadihii aay wateen waad wreejiseen ee halka la’idinlatagaba ogolbaad ka tihiin Isaaq danbe hadalkooda daaya wuu idiin dhaamaa oo waa kuwaa gar iyo garadaraba gacmaha isku haysta iyagoon is jecleeyn hadana dantooda guud ku mideeysan idinkuna waadinkaa is arkaya xaalkiinu sida uu yahay meeydin garan waayin inaad isku tashataane waxaadse ka door bideen inaad is quwad jabisaan weydinkaa lugaha iskaga marane kii kacana la kufinayu markaa intaad sidaa tihiin halkii uu Isaaq iyo cid kaliba idiin jaheeyso waa aayahiin ee ogolaada hadii aad tashan weeydeen sidaa caalamku Soomaali oo dhan ugu taliyay ayaa idinkana Soomaali idiinku talin oo mooyaanka aad ku biiri doontaan ee inta goori-goortahay is gar-gaara garaadkiinu ha garto waxa idin horyaal.
Talada Toosan ninkii lahoow garo
HaniMuufo Bravo, horaybaan u sheegayn in gabadhaas meel fog laga dooni doono, hadii imikaba aanay Al-shabaab iska qaban…kkkkkkkkkk
Jawaabta ugu horreysay ee maskaxdayda kusoo dhacday waa middan ay Hani ka dhawaajisay, oo meesha dhaqaale ayaa laga urinayaa. Guddiyadaas uu soo magacaabay madaxweyne Siilaanyo iyo hawshaas uu ku jiro ma aha mid si bilaash ah iyo soomaali jacayl ah ku timid.
Lacagbaa meesha laga urinayaa, sidii loo heli lahaa lacagtaasna waxa loogu wada jiraa orod xawaare dheer woqooyi iyo koonfurba, Reer Awdalse maxaa kasoo gaadhi doona maalkaas loo ordayo?. Halkay kaga jiraan ‘Policy Makers-ka’?.
Iga daa maanta uma jawaabi karo Cali Durkiye. Inta badan iyo baaqigaa hadhi ayaan isu maawelinaa…kkkkkkk
gudidaas la doortay.
waxa ay soo go’aamiyaan waa wax umad somaliland o dhan qancin doona.
reer awdalna pro.faarax geedoole ayaa ku jira, oo ah nin aqoonyahan oo oday buuxa, sal fudadyn lahayn.
waxn rajayanyaa in ay ku qanci doonaan waxa uu pro. u soo qaado.
wax kalena meesha ma yalaan somali midoobaysa ama dawlad wayn loo samaynayaana waa xashaaa, waayo dee markii horeba ajandihii loo burburiayay somali ka tagin reer galbeed.
balse waxay rabaan in ay ka dhigaan saddex ama afar waaxood oo ethopia ama keny amaamusho./
waa intaa waxa loo socdaa, dhaqaale yarna shirkan somaliland way ka soo helaysaa, wxa ugu muhiimsan ee goaankeed la gaadhi doonaan awaa qoloda buuhoodle, dhinaca ay raaci doonto, oo lagu khasbi doono dhinac.
gadabursi tiisu dee cid ka dawlad jecel ma jirto, waanay u hogansanaan doonaan dawladooda,
Maamulka ka jira woqooyiga Somalia waxuu gacanta ugu jiraa koox budh cad ah oo ku heshiisay inay ilaha dhaqaalaha ka qabsadaan cid kasta oo aan ayaga ahayn,maamulkaasi wuu fashilmay mar baanay ugu dhawayd inuu helo aqoonsi caalami ah waa markii uu xakunka la wareegay Axmed Sillaanyo ee uu dawladii dhanayd ka dhigay SNM haduu markaa maamulka isku dheeli tiri lahaa waxuun baa laga yaaba inay beesha caalamku la qaban lahayd inta maamulka gacanta ku haysana waa dad haraadan oo aan shacab iyo wadan toona rabin waa dad aan cidna u joojinayn waxayna cagta saareen dariiqa faashilka,Dhamaan haydaha samalka ee wadanka joogaa taqriiro ayay ka qoraan wadanka dhanka amaanka,dhaqaalaha,waxbarashada iyo la dagaalanka argagixisada intaaba way ku fashilmeen kooxdan wadanka haysataa mana ahaa dad aqoon u leh maamulka.
Isaaq waxay ku socdaan meel fiican oo ayaga u dan ah lkn aynay ky jirin dan beel kale Isaaq way tashadeen waxayna ka gaadhsiinayaan inta aynay iman dawlad la aqoonsanyahay oo way kasii tabaabulshaysanayaan si aan loo xisaabin taasina way heshiiyeen dhexdooda inay boobaan waxii hanti ah ee ka dhaxaysa ayaga iyo beelaha kale ee Somaliyeed ee degan woqooyiga Somalia ayagoo ku maaweelinaaya wax la yidhaa Somaliland ayay boobayaan hantidii ka dhaxaysay dadka ay wada degaan Isaaq way is ogyihiin in aanay waxan ay soconaynin lkn waxay doonayaan kaliya in ay Samaroonka iska reebaan oo ay ayagu dhexdooda horumar gaadhaan si aan hadhaw loo hawaysan intaana ay Samaroon ku bursadaan wax la yidhaa dawlad baa jirta.
Beelihii kale Samaroon qayrkii ayuu ka hadhay dawlad aan jirin ayaa loo sheegay faraqyadana way buuxsadeen SNM Samaroona wali way ka indha cas yihiin xaqoodii ayagii ayaa la isku jeediyay kii dhiig lahaa waxaa laga horkeenay coon aan cad iyo caano lahayn ayaa u bootaynaaya Samaroon waxaa la yidhi dawlad ayaa jirta’e shaqeeyuun waxii ay shaqeeyaana hortooda ayaa lagu qaybsadaa wayna arkayaan ma hadli karaan way is dhiibeen xaalkooda ma fiicna.
Samaroon waa lagu maystaa,Samaroon si dadban iyo si toos ahba waa looga adkaaday way is dhiibeen ma hadli karaan xaqooda ma doonan karaan waa la iska hagaajay madaxa ayaa la isku galiyay intooda dhiiga lehna habeenkii ayaa la mirtaa maxastooda oo shirqoolo iyo dilal qorshaysan ayaa loo gaystaa inta maangaabka ah ee la adeegsadona waxaa la yidhaa madaxbaadtihiine aamusa oo kiinii hadlana noosoo sheega anagaa ka shaqayne khalaas way u dhamaatay Samaroon oo hadal lasii hadal hayaa wax faaiido ah inooma leh hadaan maanta dhan ka sheekayno xalada Samaroonka hadii koonfur la tago oo Somali midnimadeed la helona Samaroon wax ba yahay weeyaan intaan sidan nahay hadii aan loo helin si sidan dhaanta,
Dhulbahante markay arkeen sida wax yahay way is ururiyeen wayna ka horyimaadeen waxana way dedifeyeen waxay qabsadeen shirrar is daba joog ah waa kuwaa ilaa maanta ka dagaalamayaa xaqoodana way helayaan
Horta calankan yar ee meelkasta reer sh. isaxaaq, kolay ilmo afartan baxaya tahayna kameraada u dhigayaani, waa waxay Ciise ku qoonsadeen. Na’ aqoonsada naftii nooga saareen 20 kii sano ee lasoo dhaafay ee nagadaaya raga aan kanasanee kkkkkkkkkkk
sahal.
inaabti idinkuba sowdinka calanka leh, maxaa kooga tawxiidka leh ugu diidi.
ta labaad sowdinkii la soo dagalmay ee aad u wada shihiideen calanka maanta, waxay ahayd in aad idinku ugu horeyn ku faantaan ood uga dheerasyaan gadabuursi.
dee idinkaa dad ugu xigee na aqoonsada miyaanay ahayn. hawiye muqdisha jooga ka isaaq uunbaa kaa xiga.
hadanse runta u soo daadego soomali macalaa jabouti ku jirto awood ay wax ku aqoonsadaan malahin ilaa wax lo yeediyo mooyaane.
Wan soo dhawaynayna kuwan ma qustayasha ee wali sacabka u tumaya mamulka jabhada SNM ee gobolada waqoyi galbeed wasiradan la magacabey waa kuwa ka talinaya awood qaybsi loo samaynayo somalida wasiradan waxay la kulmayan koox wasiro ah oo ka soo jeda waqoyi galbeed u oo sheekh shariif magacabi dono todobad yada fooda nagu soo haya marka hada waxa bilabay burburka waxa lagu magacabo somaliland
WARARKA lAGA HELAYO MADAXTOYADA SOMALILAND AYA SHEGAYA IN MADAXWAYNA SOMALILANd KU DHACAY XANUUNKA DADKA KA QADA XASUUSTA WARKA AYA INTA KU DARAYA INAY XASUSTU KA TAGATAY TODOBADKAN GUDAHISA WAXAN RAJAYNAYNAA INA HELNO XOG KU SAABSAN XALADA SILAANYO
@jicimbir
saxib maxaad soo dhawyn adigaabaa qurbomeera oon waxba hayn yaanay dhaxantu kugu dilain qurbahee ku soo dhawoww dhulkaaga anagaa kugu sooo dhawaynayna. wasiirada dee nin reer awdal ah ayaa hogaaminaya la soco wuxu lagu soo heshiiyana isaga ayaa inoo keenaya. saaxiib waaad iska wareerteen ee cid idiin naxda oo idin soo xero galisa ayaad laadihiin.
ha noolaato umada jecel awdal somaliland shuush dadka la kala dhex dhigaa wuu soconwayay.
qurbo meer idinka ayaa ugu liita waxa dawladu yaryar lagu dhwaaqay, kow aqoonsi la idiin diid, laba dhulkiina kama talin kartaan waayo dee afar qof oo saado cali ku shaqaysato ayaad noqoteen tiina reer awdal ayaa idiin diiday.
sorry dhibta ragu waa kii u dulqaata ee ducushada aad kolba meel la idiinka bahanyn aad ku ducaynaysaan iska joojiya
jicimbir
sxb ma kukuyadii kenya ayaa habarka ku baray waa sidee sawdigan muuqa qof wayna lahaa ee somaliland ku tasbiixsan jiray markii aan nairobi wada joognay waa yaabe dee habaarkaa dee aduun baan kuu rajeeyay lkn ilaaqda iyo kaftanku waa ku banaan lkn habaaar inaga yara daaya meeshana dee siyaasada baa laga hadlayaa lkn samaroonka qaar sida dumarka u tirsanaya oo xitaa qoraalada duamrka uun sidaa u eeganaya baa badan
ceeble
inadeer qaar baa magaca iniga dilee siminaar wada sii oo tirsiga haweenka joojiya dheh
Okay, farxiya, too long but I was able to finish and it was definetly worth it…..briliantly developed and passionately executed piece of knowledge……thank you……Maanta hablahayagii way ka daadaanaysaa, walaahi….
Sorry inadeer, I had to do it but I hope your neck is ok after that!
Ceebla,
inabti waa runtaa ragan anagaa da ugu xigna, waa runtaa waan la soo dagaalanay lkn maxaan dagaalka ugu raacnay ayaa haboon in la’iswadiiyo. Dagaalka waxan ku galay markii raga reerahoogii miyi iyo magaalab lagu gubay. waar yaan la
dhashay markay gaadhay dee meel uu Ciise ku fadhiyo majirin. Maantase ayagaa wax dulmaaya. Xisaabtana ku darsoo koonfur xasuuq ba’ an ayay ka gaysteen, waa marka loo fikiro siday ku andacoodaan” walaweyn iyo Siyaad baa na xasuuqay”. Amiirka Al-shabaab bal Siyad ku badal , maleeshiyada Al-shabaabna ciidankii XDS kkkkkkkkk
Fathia Omar aad oo wayn aan u qoslay markaad tiri Isaaq waa victim waayo masuuliyad uusan qadi karin ayaa loo dhibay. Tasina waa runta iyo qoralkadoo dhan aad baan ula dhacay.
Asxaabta kale ee ku qanacsan qoralkayga waa mahadsantihiin brothers and sisters.
fadxiya.
qoraalka runtii sidaad u qortay akhristayaashu way ka heleen.
sida aad u qortay inkasta oo aa dwaxoogaa dheeraysay.
midse hadaan kaaga jwaabo qoraalkaaga isaaq cida u dhiibtay furaha gobolka awdal waa cida maanta awdalstate samaysay markaa dee bal furaha ha ka jabiyaan.
lakiin reer awdalka kale way ogaayeen in ay sid afiinta uga qayliyeen, lakiin xoogii snm ayaa loo isticmaalay.
ragii maanlintaa ka diiday waa la ogaa wixii gaadhay, maantna taariikhu iyadaa is qorta tii tedii ayaa dib aan u arkaynaa. maantana kuwii shalay snm watay ayaa leh waan diidnay.
waa riwaayad gadabuursi.
waxase ka horeysa aynu isku nimaadno aan tashano aan wax iswaydiino taas ayaa ugu horeysa cidi qalad hore gashay qirato.
markaa cidii taas ka bodaa, shan state uunba awdal laga fili.
iyo isaaq u kal badin.
Horta aniga waxa maskaxdayda ka dhammaan la’ sida Madaxweyne ku xigeenkii dhammaa ee Qaranka an loogala tashan arrimaha qaranka guud quseeya, kuwaasi oo dhawr wiil oo yaryar meesha walaaqaan.
Haddii madaxweyne ku xigeenka dhan laga qarsado siraha qaranka, dee yaa kale oo Samaroon ah oo wax ka ogaan kara ajendayaasha reer Sh Isaxaaq.
Aniga waxay ila tahay in sida ugu dhaskhso badan dhamaan waxgaradka iyo aqoonyahanka Awdal isugu tagaan Boorama, oo isla qaadaa-dhigaan halka aynu kaga qoranahay qaaradan geeska afrika.
Hiildan
Hadii aan aqoonyahanada Somaliland oo jufo walbo ee degta dhulkaa ah kicin oo aanay ka hadal arinta Silaanyo wado ee huguri doonka ah. Dhibaato cusub ayaa dilaci doonta aanan la garanayn intey la egtahay. Madama uu fashilmay hogaanki waa in aad sara kacdaan. Oo aanad ku dayn in dowlad fashilani qaban qaabiso mustaqbalka Somaliland. Taasina inigay inii taal. Hadii kale af laba hays iyo sideebey ku dhacday ayaad uun tagnan doontaan.
hiildan
dee qarada awdal baad ku leedahay taasna cid kuu diidi mayso bilaahi caleek mida kale sidee sir looga qarsan karaa ninka qaranka haga ee saylici ibnu wadani ibu fulaa ilaa qasaali war waa ninka wadanka maamula inamdan yarna dhagta ayuu kuwada dhufan karaa ee taas la soco
Hiildanaw xaalka wad arkaysaaye habar xusen uuna magac xumo idinka raacine kursigii somaroon ugu sareeyay idinka maanta ku fadhiya wataa laga qarsanaaye nimanka isaaq lama aamini karo iyadoon waxba la hayn waa kuwaa hoos ka dusay
bisinka.
hiildan waa maxay nusqaantaa aad ku hadashay.
saylici waa madaxweynaha dalka, isagu waxaanu ogayn cidi ma dhaqaajin karto ee la soco.
kuwan yaryar ee sheegi, madaxweye aya keenay isagaan eryi kara, lakiin saylici waa madaxweyne codka shacabka uyuu ku fadhiyaa markaa maahin in la is barbrdhigo.
saylici waagar ahaan madaxweynahaa awdal, qasriga madaxtooyaduna waa ka saylici, isga ayaanay wada hoos jogaan talo iyo tusaalena ka qaataan.
xaasidnimad yar e cayntaynka ah run yaa loo qaadan.
dadkuna mar mar waa ay iska hor iman kraan waana biliaadam shaqana way ka dhaxaysaa.
dadbaase shaqo ka dhigtay wax aanjirin.intii awalba durmaanak xaasidka la daba taagnayd.
saylici ha noolaado cimrigiina ha jiro. aabo saylici abidkaaba noo hay.
Waa sax ceebla Saylici ha noolaado…. Doorkii dhaweyd ee uu yidhi arrimaha qarankaba cidi igalama tashato ayaan wali daba joogaa. Taasi ayuunbaan ka hadlayaa mid cusub ma aha.
ragu mar mar way is qabtaan, lakiin taasi way dhamaatay, miyaand oagayn in rayaale iyo axmed yasiin. feedh isku daran doorin jireen kkkk.
OK ceebla.!!!!. Saylicina waa inuu doorka danbe feedh isticmaalo, hadii mar danbe gardarro loola noqdo. Taasaa noo ballan ah..
Hada kahor waxaan bartay inan Wacan Galbeed la yiraahdo. Mustaqbalkeeda oo dhan waxuu ahaa in aay nin aay isku jufo yihiin duuliso. Meeshuu galo way ka daba geli jirtay. Haduu argagixisada ku biiro argagixiso ayeey ahan jirtay haduu dowlada ku biiro dowlad bay ahan jirtay haduu ahlu suna ku biirana ahlu suna ayeey ahan jirtay. Maalin ayaan waydiiye Wacaneey abaayo anagu dowlad baan u cararaynaye adiga maxaa A. Madoobe duulintiisa kaa soo geli wajiguu kaa cebeye oo meel walbo oo xil leh uun buu u carari adna waad ka daba carari. Inanti ooyin baay af labadii yeertay oo waxay garwaaqsatay in aay uun nin shaqsiya duulinayso oonayy mustaqbal lahayn. Malinta kadibna in aan ka wada doodno Horumarka umada Somaliyeed ayaan go´aan ku gaarnay. Layskuna sacab jiiday. Marka Ceebla iyo Hiildan ana waxaan idinka rabaa waxa aad ka faideysaan duulin shaqsi. Iyadoo arimihiiba xaga laga hayaamay iyo xeelida naga wada yalaan!.
Hani maalin dhaweyd ayaan damcay inaan qoraaladaydii oo dhan bal an tiriyo kuwaasi oo nooc walba leh ama qormo dheer ha naqoto, ama qormo gaaban, ama mid maad iyo murti leh iwm. Madaxaa igu xanuunay markii tiradu sii dhaafayso dhawr kun.. Markaa haddii imika an hadalka heli waayo, kolley horaybaan u idhiye, sidaa ula soco.
Anyway, waxan uga socdaa intaas oo qormo kuma yarayn kuwa an ku xusay midnimda Soomaaliyeed ama calankii soomaaliyeed ku ladhnaa. Inta an la qyabsaday urugada walaalahayga koonfureed way badnayd.
Shaqsi in la saacido marbay bannaantahay, shacbi in la saacidina marbay sidoo kale bannaantahay.Shaqsigu marka uu sharaf ku leeyahay ummaddiisa, hogaankana u hayo ee iyagu rabaan dee markaasi in la saacido xaqbuu u leeyahay. Shacbiguna markay la yimaadaan xurmo iyo is qadarin dhexdooda ah oo nabad ku wada noolaasho, cadaalad iyo sinaan isu haneeyaan iyaguna markaa in la saacido xaqbay u leeyihiin. Sidaasi daraadeed ayay Saylici iyo Somaliland kala yihiin..!
Samaroonka Somaliland taageeraa su’aal aan bari hore waydiiyay oo ay ka gabadeen ayaan dib uso dhigayaa…
Idoor haduu damco inu Somalia ku biiro o wadahadal bilaabo,, adigu mawqifkaagu muxuu noqon? makudhacdaa inaad diidid? hadaad diididna miyaa lagaa yeeli? mise sidii lagugu qasbay inaad Somaliland taageertid ayaa hadana lagugu qasbi inaad Somalia ula raacdid? nimanyahow goorta aad ogaan doontiin in aa tihiin shilin jeeb lagu sido waa goorma?!!
Guul AwdalState.
Cali Siciid, arki jiray maqli jiray waxaas oo su’aalo ah, Balse, waxan ogahay in Samarron gob yahay, garaadna leeyahay, somaliland iyo somaliweynna ku leeyihiin mudnaan iyo maamuus badan.
Samaroon gob weeye shiki malaha… laakiin kuwan SL hoos fadhiya waxaan u arkaa dad gumaysi jecel.
Hiildan,
Waad ku mahadsantahay sida hufan eed iigu jawabtay. Cidina uma diidana in Samaroon gobti geeda xareed tahay hehe. Waa amaanta ugu wayn eed qof Mudulood ah ka sugto. (gobti geeda xareed).
Sowdiga arkaya in aan idiin waashay oon amaan, kala qabasho, iyo political secret ki aan hayay iniigu hibeeyey. Teeda kale anigu waxaan jecelahay markaad Somalia u naxariisanayso ood dooneyso in aay hagaagto. Saylici hadaan u soo noqdo waxaan ku waydiiyey ma political agende ha uu wataad ku jeclatay mase in uu Maxaad case yahay?.
Aniga Jufadeyda siyaasiyiintooda ma jecli in aan tageero. Waayo waxaan ka dhedhemin in aay xigto ii yihiin Siyasadina waxay noqoneysa mid aan opjective ahayn. Kaba Soo qabo farxadi iyo yididiiladi aan kala dul dhacay Dowladi Cabdulahi Yusuf AUN kalama dul dhicin waanan ka naxayba kolki Shiikh Shariif madaxwayne loo soo magacabay.
Sababtoo ah aniga siyasadaydu waa secular sheekhna waxaan u ogolahay in uu relief shaqo ah sameeyo uusan ku soo saqajaamin siyaasada. Marka anigu ma tagersani Siyaasada ku dhisan diinta. Hadaba waxaan sugi ilaa aay wadanka u soo baxaan Democratic, Secular, Vederal, iyo Liberal political part. Inta ka sokaysa dhexdhexaad ayaan ahay waxaana tagerayaa dowlad nimo waxana sugayaa malintayda. Every dog has a day.