Ma Taqaaniin Abwaan ‘Af-gudhiye’ ?: Libaax Nimaan Aqoonbaa Lax Ka Rida

Waa abwaankii abwaanada Jabuuti ee wakhitgan xaadirka ah, waa abwaankii soo saaray Xasan Wado, riwaayado badan iyo heeso badana kusoo kordhiyay fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waa abwaankii sameeyay heesta waa Rag. Waa abwaan, fannaan, maadeeyee, macallin, musishan..  AXMAD AF-GUDHIYE.

About these ads

Categories: Warka (News)

33 replies »

  1. Waa abwaan bahabar celi ah

  2. @Hiildan yare ninku waa ciise la galeen dee kkkkkkkkkkk
    bal yar faahfaahi markaasaan qaadaa dhigaynaaye.

    • kkkkkkkkkk waar dhamaan samaroon waxaa laga biliya djibouti adna waad ogtahay sxb ee kaligii maaha abwaanka waxaa babur ubaxaysa boorama ee katagtay djibouti waxaa ay qaaden waa lacag ay bixiiyeen dumarka uu qabo ciise

  3. masha allaaaaah waa abwaan samaroon oo waliba awdalstate ah ha noolado abwaankeena,,,waxan ku daryaa in yar oo news ah boorama maanta cashuur lagama qaadin dadkii no more lacag loo geeyo idoorta reer borama yidhi bal hada dadkii ku tageerayey tuuga kursiga dadka haka qadan cashuur danbe waw galadu waxay ku manmahan ”chicken coming home to roost”walee dad badan baa macaluul u dhiman doona

  4. walee cida macaluul u dhiman, waa cida 20 sano ku noolayd xoolaha umada ama cashuurta umada, ee ka quusan la ee habeen iyo maalin ooyaya ilayn waa dad u bartay xaaraan iyo wax aanay soo shaqaysane.
    cashuurta cidna laga baryi maayo cidii diidaa boorama ayay ka guuri. waa ta laamiyada iyo horuamrka lagu sameeyo waa ta deganaashaha iyo nabada lagu sameeyay.
    lakiin dadkii ku mamay hantidii dadwayanah waa kuwaa wali cabaad wada ee kolba dhinac u ceeryoomaya. halkay macasha ku barteen in ay macaluul igu dhantaan ayaan ka baqi.
    dadka kale waa dad xoogooga aaminsan oon 20 sano xaq dawladeed cunin. lakiin dadka ku mamay xaaraanta waa kuwaa marna awdalstate marba dhinac u dulalmaya.
    alaa maxaa dhib gaadhay ileyn xoolo aana lahayn ood isk cunaysay kam quusankartid kkkk.
    ilaahay ha soo hadeeyo.

  5. kolba oday tv ha soo fadhiisiyaan ooyaya.ilayn biilkii ayaa k go’ee.
    aan ooye albabka ii xidh ayaa ku xigi.

  6. Fadlan kolba mawduuca cinwaanku yahay ka hadla ha soo dhex galinina mawduuc kale… cashuuraha topic kale ayaad kaga hadli doontaan oo cinwaankiisa la idiin soo galin doonaa.. laakiin dadku ha ku eekaadaan mawduuca la soo dhigay in laga hadlo…
    Abwaanka ku hadla… anigu waan aqaan Abwan Axmed siciid (af gudhiye) si fiican waana af miishaar, abwaan, majaajilayste, mulaxamiste…

  7. Hiildan, ninkani maaha nin barasho dadka uga baahan balse waa nin djibouti na dad badan ku lahaa laakiin dayacnaan kaga noolaa koox duu ku jirayna wajigiisa iyo afkiisay ka muuqataa in aanu waxba ku haysan. Hildaanow dhibaatada abwaankaa afkiisa ka muuqata adaa bada so dhigee ama ninkaas oo ilko loo sameeyaa la gaaga fadhiyaa ama weel kii loogu baahaynayey halagaa helo oo account u fur.

  8. Marunbaa, aad baad iila dareentay diifta ka muuqata Abwaanka. Waanan ku dadaalaynaa Isnha Allah inaan sida dhakhso badan ula xidhiidhno. Runtii markii aragiisa iigu danbaysay waxay ahayd dhawr iyo labaatan sanadood ha hor, dee nin iska qorqoran wuu ahaaye, laakiin wuu ilko qabay…kkkkk

    Abwaanku wuxu ka yimiday Itoobiya oo waa reer Harawa State, halkaasuu ku dhashay kuna barbaaray, af-xabashiga wuu yaqaanaa. Markii uu Soomaaliya yimiday waxay ahay horraantii sideetaneeyadii, fankiisa wuxu ka bilaabay kooxdii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee la odhan jiray ‘Jeneral Daa’uud’. Halkaasna waxa ku gacan qabtay Cabdi Kaami Cawaale-Naftii-hure(AUN) iyo Cabdiraxmaan dheere.

    Isla badhtamihi siddeetaneeyadii wuxu Af-gudhiye tagay Muqdisho halkaasna suugaan qarowoweyn ayuu kusoo bandhigay. Wuxu mar ka qayb-galay tartan suugaaneed ama gabayo lagu aamanayo Hooyooyiinka. Abwaano badan oo caan ah ayaa tartankaa kaqayb galay. Isgaa kaalinta koowaad ahaa, balse nin la yaqaanay ma ahayn, oo waxa kaalintii koowaad lagu qoray Abwaan C/Qaadir Xirsi yam-ayam oo ahaa abwaan caan ah oo la yaqaanay. Af-gudhiye waxa lagu riixay kaalinta labaad.

    Dagaaladii sokeeye waxay ugu dhaceen Muqdisho, markaasi ayaa warkiisa iigu danbaysay. Hadana sagaashanadii ayaan ku mqalay inuu soo galayJabuuti. Halkaasi ayuu Af-gudhiye kasii watay xirfadihiisii suugaaneed.Jabuuti waa laga soo masaafuriyay ayaan filayaa kadib markii uu dhawr gabay oo mucaaradnimo ku jirto tiriyay, kuwaasi Oo Ismaaciil Cumar Geelle dhibsaday. Waxa ka mid ahaa gabay la odhan jiray ‘Wankayga Cadoow Ha Naaxin’. Gabaygaas oo uu kula hadlayo wan isagoo ku odhanaya wankayga cadoow ha naaxin, haddii ad naaxdo waalagu qalan. Gabay aad u qaraweyn ayuu ahaa ‘Waan soo heli doonaa Insha Allah’

    Hadal iyo dhammaantii, suugaanta af-gudhiye waa badweyn, buugag laga qori karo, waxa inta u dheer sheekooyin badan oo Af-gudhiye curiyay oo iyagunu u baahan in laysku soo duba rido. Wuu heesaa oo codkiisu aadbuu u macaanaa markii igu danbaysay.

    • Ninkan Axmed Siciid diiriye haduu yahay anagaa Kooxdii DANAN muqdisho ka wada tirsanayn , Tarkankaana anigaa galay Kaalinta 3,aad, kalainta koowaad waxaa galay cabdi bashiir indho buur, kaalinta labaad maxamed cali kaariye kaalinta sadexaadna anigaygan idinla hadlaya, Ninkan oo oo aanu u naqaanay Axmed TACAB waxa walaashii qabay Mahdi Geedi qayaad isaguna wuxuu ahaa Maxamed case , saaxiib baanu ahayn. laakiin hal mar baan wada hadalay ka dibna telefoonkii uu ii qoray baa iga lumay. waan jecelahay inaad ila soo xidhiidhisaan.

      Ninkii wuu is bedelay muuqiisii ma macaan baa ku dhacay, berigaa nin cas oo xoog weyn buu ahaa , ma sidan baa u danbaysay. waaban garan waayey imika waxaan garanayaa oo keliya siduu gacanta bidix afka u saari jiray iyo kaftankiisii.

      halkan kala baxa tartankaas gabayadii laga tiriyey oo aan magaciisa ku xusayo.

      http://www.saraarnews.com/?p=7100

      Mahadsanid

      EX qawdhan DANAN mogadisho.

  9. Ninkan waa fanaan qaaliya oo ruwaayado badan ka sameeyay Djabouti waana run waa ninka soo saaray Fananka Xasan Wado oo isna ah fanaan qaaliya heeso badan iyo ruwaayado qosol badan ayuu u sameeyay fanaaniintii laodhan jiray Ex Deegaan oo ay kamid ahaayeen Xasan Wado iyo Gaafane AUN waa Abwaan ,Fanaan, Comedy intaaba wuu isku darsaday waan nin qaliya ee Zeiylici ha farsameeyo.

  10. Xoolahaa barqanayiyo, inanyahay barwaaqada buurtii Libaaxlay….. Heesta Boorama, waa erayadii iyo laxankii Abwaan Af-gudhiye.

    Thanks Darbi

    Saylici imikaan la hadlaynaa inuu Abwaankaas meel dhigo

  11. Riyaawadda Biyo Hoostood Jacayl Lagu Beer, iyadna waxay ka mid ahayd riwaayadahii Abwaan Af-gudhiye

  12. heesihii siciidsablaalana cidkale masiiseen waayaab

    ceebla waxa ilaahay iyo umadiiba kaceeboobay danbina kagalay aakhirana laga goyn ifkana cidi aaminayn waa ninka xoolo dadwayne cunay mana uu dafirine markii tvyadu waraysanayeey wuxuu yidhi anigu kaligay waxmasexeexin oo danbiga waa la ila qabaa taasaana keentay in kursiga qasab haku fadhiyo layidhaahdo. mase u malaynaysaa inaa cashuurdanbe loodhiibi
    waasidee reer abtigay tuug iyo tuug gargaarbaad noqoteene.

  13. Aisha, waa kuma Siciid Sablaale?, bal warka noo bal-ballaadhi

  14. Fanaankii Djibouti fiqiirnimo maxaa badaa horay loo yidhi oo ay edaday Nimco ka firixday, aar Hiildanoow ninka wax kale ma awoodidee afka uun u dabool.

  15. Ceebla

    Ceeblaay tolka caydiisa ha jaman haddaad dayn kariwaydana ha ku dheeraan, Caqliga fayoow ee samaroon wuxuu ina farayaa in haddii la is qoonsado Hoos loo wado hadlo,oo aan la isticmaalin cod baahiyeyaal,Kooxdii wax cuni jirtay 1 ayaan ka ahaa,kuwan hadda joogana waan la cunaa iyaguna way nala cuni jireen, markaa afkeenii aan kuwada hadalno ee suuqdiga inaga daa.

    Yaa Ceebla balanteenu waa,……………………….

  16. ina caateye siciid waa abwaan b/celiya waana ninkii heestii uguhoraysay xasanwado udhiibay waana tan adninka kalesiisay ee buurtiilibaaxley.

  17. Aisha, anuu waligay ma maqal Siciid Sablaale oo abwaan ah, ninka heestan sameeyay waa Axmad Siciid(Af-gudhiye). Fadlan bal naga soo dhargi taariikhda abwaankaa ad ka dhawaajisay. Haddii u jiro, dee magaciisu ha jiree waan la jirnaaye, soo daa warkiisa.

  18. deewaad isyeel yeelaysaa siciid bari dhawayd booramaa lagu waraystay media walbana wuu kujiray xataa xasanwado waraysi uu salelnews siiyey mardhexdii ahayd wuukuxusay inuu siciid heestuu kusoobaxay usameeye siciid waxay walloyihiin xaga hooyo kayihiin bayle ninlayidhaan oon umalay naayo inuu reermaxad yahay waana reer djabuuti siciid somaliyuu waxkubartay djabuutuu xaaskiisudeganyahay isaguse marna carabuhuu kashaqaystaa marna jabuuti.

  19. Waa war fiican Aisha, runtii isma yeel-yeelayo, hadduu Siciid heestaas sameeyay ‘Af-dhacay’ ayaan leeyahay. Kolleyse Abwaan Af-gudhiye, murti wuu dhammeeyay oo waa macalinka macalimiinta.

  20. siciid magaciisa oo sadexan anaa kuusooraadin waa abwaan wayn hadafirin xaqiisana cidkale hasiin

  21. Hiildan gabaygan “wankayga waynoow ha naaxin…..etc” oon kolay anigu hees ahaan uun u maqlay waata Xasan Wadana barafka gaysay.

  22. Mahadsanid SAHAL, fadlan iisoo raadi gabaygii ama heestii ‘wankaygoow ha naaxin’.

  23. Heesta Hassan Wado lagu qaniinay waxaan u malayn in ay tahay;baruurtu wadkaaga weyee markay heesta soo baxday iyay Hassan caraddii Djibouti ku yaraatay ka dibna wuxuu u qaxay dhulkii u dhashay ee awdal isha IOG ayaa laga daba geeyeey Boorama iyo Hargeysa intuba way qarin kari waayeen wuxuunu usii dhaafay xaga iyo Boosaasoo reer Puntlandna waxay heesta u qaateen in loola jeeday in Cabdi Rashid oo baruuri guustay cala kuli xaal Hassan wado waxaa dhibay Sahal kkkkkkkk.

  24. videoga daawo isoojawaab

  25. waa bwaan qaliya af gudhiye waxan ku xasusta ruwayadii sinaani maxay sida iyo koxdi deqaan

  26. Mahadsanid Xasan, waa runtaa waa inay akhristayaashu kolba mawduuca laga hadlayo ku koobnaadaan.

    Insha Allah boggan waxaynu ku kaydin doonnaa taarikhdii Abwaan Af-gudhiye.

  27. Asc, waxan jecelahay inaan wax ka iraahdo arinta Abwaan Afgudhiye iyo diiifta ka muuqata iyo afkiisa ilka beelay, Horta Abwaanku wuxuu yeeshay macaan kaasaa sobob unoqday ilkihii oo ka daadshay muuqaalkana waa isla macaanka oo aad ugu xun, lagama warl,a , djib waa kasoo wareegay oo ismaaciil ayaa kala noqday sharcigiisii kadibna caro darteed ayuu kasoo huleelay djib 2006 dii dibna uguma noqon oo xaaskiisa oo Boon degen ayuu iska joogaa

  28. sc abwaan siciid sablaale magaciisa waxaa la yidhaa oooo sedexan ,, siciid muumin yaabanee,, waa madaxwayne ku xigeenka awdalstate inaadeerkii ruma sidaa ula socda hadaad doontaan taariikhdiisa oo tafaftiran ayaan soo qori doonaa maalin kale ,,,,,

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: