Siyaad Iyo Guuleed(AUN Labadaba): Somaaliya Iyo Jabuuti Caafimaadbaa U Dhaxeeya(1986 IGAD)


About these ads

Categories: Warka (News)

29 replies »

  1. Wallee wakhtigaasi waxan joogay Jabuuti markii shirkii IGAD furmay ee madaxda afrikada bari yimaadeen Jabuuti waxan caleemo qoyan la taagnaa wadada dheer ee leer oo an filayo in loo yaqaano Rue De Gaulle. Duhur cadbay ahayd oo milicdu kululayd, Laakiin waxa iigu qosol badnaa waxan sugayay odayo dadka kale ka madax waaweyn, maadaama lagu sheegay madaxweyneyaal.!!!.

    Khudbado badan ayuu Jaalle Siyaad Barre (AUN) halkaas ka jeediyay, aakhrikiina wuxu jabuuti kaga baxay Lug baabuur isagoo socodkiisa ka bilaabay Lawyacaddo kuna gaadhay ilaa Hargeysa isagooku nastay Awdal(Baki iyo Boorama). Ciidankii ilaalinayayna waxa hogaaminayay Col Cumar Shimbir. Markuu Hargeysa gaadhay waabay u sujuudeen oo reerkii la lahaa way dili doonaan Siyaad barre, waabay jidboodeen oo waxay ku digriyeen ..‘Anagaa qaldanayne, adigaa qummanaa’..kkkkkk

    Aadbaan u xusuustaa taariikhdaas, laygamana sheekayn karo.

  2. aanu maalintaa waxaan joogay Boulevard de Gaule dhakhtarkii Faraax Haad iyo xero kubadda inta u dhaxaysa waxayna ahayd maalin taarrikh mudan nin aan ilma adeer ahayn oo iga wayna ayaan wada soconay waxaa isna maalinta xasuus wayn u ahayd booqashaddi kale 1976kii u marxuun Siyaad ku yimid Djibouti laakiin aanu bariiska waan kala yaraynaayey waagaa ahayeeshee ma xasuusto in u Siyaad dalka yimid iyo in kale.

    Hiildan adduu ma waxaad ku jirtay kuwii labiska hindida lahaa ee sidaa tarbiicada leh surwaalka ugu xaragoon jiray ee aan odhan jirnay reer RDS ayaad ku jirtay?

    Alla maxaan dhagax ka soo goyne kuwaa reer somalia ahaa, bahashuna waxay xalad iyo xiise lahayd bari samaadkii laba dal uun loo xafiiltami jiray ee qabyaadba la aqoon.

  3. Durgiye ma reer jabuutibaad is moodday mise camalkaagaa kugu daray?..

  4. Hiildan,

    ka soo qaad in aan is mooday laakiin booqashadda laba marxuun waxaa ka dhalatay xurguf ila maanta aan isku maadhaafsan nahay labadeenu.

    si aad u fahanto dhegeyso labadii qodbadood ee ay ka kala jeediyeen markii Xamar u Guuleed booqday iyo markii Siyaad Djibouti yimid.

  5. Horta saaxib haddii ad khadkaa iisoo heli karto ana waan soo galin doonaa. Waxanse maqlay in markii uu Guuleed tagay Muqdisho isaga oo ay la socdaan odayo Samaroon ahi, Uu Siyaad Barre mooday in Ciise oo kali ahi meesha joogo. Kadibna wuxu ku yidhibaa la yidhi, ‘Reerka Gadabuursi la yidhaahdo cagta ku hay oo yaanay kaa hoos bixin’…kkkkkkk

    Ma intaasaa mise waa wax kale, Taasi gadabuursi badan ayaa ka cadhooday.

  6. hiildan
    sxb siyaad waxan badnay cid walba waa og tahay lkn sujuudaa ilaahay uun baa loo sujuudaa ee gafka naga daa hadii kale ana dee gaf uun iga filo mida kale kacaanka jabiiti ilaa xamar baa laga soo dhaweeyee kkkkkkkkkkkkk looz hadal intuu afkaaga ku jiro waa amaanadaadee mise jilic samaroon baa ku qabad siiyay

  7. Booqashadii Guuleed ee Soomaaliya

  8. Maya saxiib khadka ma hayo laakiin isla khadkan waad ka heli kartaa hadaad si fiican u baadho.

    Arrintu hortaa way ka horeesay booqashadda oo waxay ka bilaabantay markii u Siyaad dilka ku xukuumay Guuleed ina abtigii oo ahaa nin adeer ku ahaa oo la odhan jiray marxun Djibril waa hadaan saxsanaahay, halkan gedabuursi uga ficiltamaynay ayaad habeen madoow u guura baalayseen Siyaad waana waagi ay soo baxday Zubayr noo dalacsi xurguftuna waxay sii xumaatay ku dhawaaqidii gobolka awdal soo raadi adbaa.

    • Ok Sxb. Jibriil Aamin Allaha u naxariisto, dee waxa lagu dilay Xisaabi Xil ma leh wixii la odhan jiray baa lagu sheegaa. Balse taasi way ka mug weynayd oo waxay ahayd sida la sheegay hinaase ku dhacay nimankii daarood, oo Siyaad Barre ugu horreeyo. Kuwaasi Oo Jibriil uga cabsooday dumarkooda, maadaama uu ahaa nin qurux badan oo dumarku ka daba dhacaan..

      Waxay ahayd arrin xasaasiya, Xasan Guuleed waftibuu u diray, iyagoo wafigii joogaan ayaa la dilay Jibriil Aamin. Qaar ka mid ah carruurtiisa ayaa UK jooga. Allaha u naxariisto marxuumkaas.

  9. Arrintaa marxunka xassan Guuleed aadbuu uga cadhooday wuxuu isku dayay in u badbaadiyo laakiin Siyad oo aad madax adkaa waa ka diiday xitaa waxaan maqlay in u Hassan Aaden samatar hees ka sameeyay la yidhahdo Guuleed ma jooga laakiin wax aan huba maaha.

    siday doonto ha ahaatee Guuleed iyo Siyad way isaseegeen baryihii dambee xitaa ma xasuusataa in ay dawlada somalia sheegtay in ay Djibouti soo gashay xuduuda saylac isla maalintaa waxaa magaalada xamar ka hadlay mucaarad reer Djibouti ah oo sheegtay in ay Djibouti soo weerari doonaan waxaana hoggaamin jiray nin ahaa askari ciisa Hooroone ahaa.

  10. Horta Caliyoow taariikhda Jibriil Aamiin(AUN) waxa iiga sheekeeyay IDIRIS XASAN DIIRIYE,. Hinaase ayaa ugu weynaa waxa lagu dilay oo wuxu ahaa nin quruxsan oo dumar jecel dumarkuna jecelyihiin xisaabta qarankana masuul ka ah ayuu ahaa oo lacagi soo galaysay. Dumarkii daaroodka ayaa looga taag waayay oo qaarkood madaxtooyada soo gaalan, sida reer Siyaad Barre.

    Qodobka xisaabi xil ma leh isaga daraadii ayaa loo sharciyeeyay kadib markii la dilayna waaba la laalay, oo qof danbe laguma dilin.

    Xasan Guuleed(AUN) ‘credit’ ayuu ku leeyahay inuu Inaabtigii Jibriil Aamin u dhiidhiyo.Xaqiiqduse waxay tahay marka uu grumaday waxay ahayd ‘too late’. Dee Gadabuursi jacayl uma gurman ee qaraabo ixtiraam ayay runtii ka ahayd.

    Balse waxa la sheegay inuu Xasan Guuleed ka codsaday Siyaad Barre inuu degaanka Saylac uga kaco Jabuuti. Siyaad Barrana wuu ku diiday oo wuxu ku yidhibaa la yidhi, ‘hal taako oo xuduudka Soomaaliya ah,kuma dari karo Jabuuti’. Taasina wuu ka cadhooday Guuleed.

    Ku dhawaaqidii gobolka Awdal isna wuu ka cadhooday Ciise iyo Guuleed. WHY..?

  11. Ma saacaddiiba la gaadhay loo xaraaroon jiray in marxuumiinta iilka laga soo kiciyo.Siyaad Barre iyo Xasan Guuledba waqtigoodii way laasteen, wayna hoydeen.

    Idinku maxaad talo iyo arrinba haysaan? Mise arrinkinu wuxuu isugu soo biyo shubtay, haasaawe, sidiri-gum iyo ardaa fadhi-weyn.

  12. Hiildan…..Anigu Siyaad waan la kulmay tiroba laba jeer anigoo yar. Caruurtiisa ayaan qaar isku class ahayn. Markaan weynaadayna taariikhdiisa waan akhriyey, waxanan u arkaa in haddii aanu taariikhda somalia soo gali lahayn ay somalia wadan ka duwan ka ay maant tahay ahaan lahaa. Waxuu ahaa, incompitent, Jaahil ah in yar oo wadaninimo ahina kuma ay jirin….I hope he is rotting in hell, Ilaahayna uma naxariisto (IUN). Xasan Guleed tarrikhdisa waxa igaga filan inuu somali kala go’da isagu bilaabay markuu oui oui yidhi xornimo naaqus ah oo cafar ay nala qaybsato dhul ay somaliyi taarrikh u lahayd abid.

  13. Adigu maxaad talo haysaa Caraale?, taariikhda adduunka ayaa ku tiirsan in marxuumiintii tagay iilka laga soo faqee, maxaad ku darsanaysaa. Inaan ciisaha nool runta taabsiiyo ayaan ku dhawaaye, adoo miidhan ayaa i jabinaya..imikana waaban seexday ee nabad galyo..!

  14. Hortaa cida ka cadhootay maaha Siyad Barre ee waa ciise sababto ah sidaan aan maantaba kula hor joogo uunba maalintaana taagnay,war garaad dhaamana meesha la kaalay madaxweyne dalkiisa amaah u baxsha addunka ma jiro.

    mar horaa waxaan ku idhi qodbadahaa si fiican u dhageyso markay joogeen Xamar Siyaad Barre u hadlay oo wuxuu Guuleed ka codsaday in xuduudaha labadal la isku furo oo ay dadku bilaa vise iskugu kala gudbaan Guuleedna jawaabtu ka bixiyay way duuban tahay wanaa is maandhaaf muuqday.

  15. hiildan,

    ina jibriil waa baan uugu tagay hargeysa gurigii reer galbeedi alaah hau naxariiste iyada joogta intu noola jigjiga yar, anagoo borame joogna ayaa na loo soo diray baabuur, dhawr cishaan soo joognay, maalinbay ina jibriil i tidhi kaalay aan xafiisyada sld hargeysa ku soo daawasiiye, waxaan uugu tagay miis iyo kursi qolkaste yaaley, inta kale faaruq waan yaabay ma waxana xafisyadooda…jidadku xataa ma dhisnayn waaga, maaliintii kale ayay ina kaluunle walaalkeed nagu dartay,

    walee ina jibril waxay ahayd qof reer magaal oo funy ah….

  16. Waxaan idinku darsanayaa labada marxuum ee la la kala: yidhaa Siyaad Barre iyo Xasan Guuleed ayaa gacmahooga ku toogtay Soomaaliweyn. Maydkii Soomaaliweynna iyagaa gacmahooga ku dhigay iilkaa.Kadibna ilmada yaxaaska ay la botorinayaan siyaasi-ku- sheega badan ee soomaaliyeed la meeraystaan, iyagaa macalimiin u ahaa oo baray.

    Dadku waxay taariikhda u aakhristaan inay ka faa’iidaystaan, oo qaladkii hore u dhacay aan dib loogu noqon. Balse waxaan arkaa Soomaaliyi inay taas ka faro madhantahay. Kuwii shalay daluunta ku riday riyadii soomaaliyeed ayaa ragna maanta mareegaha ku sharraxday, oo macalinkii umadda iyo erayo ka aradan milgaha taarikhda lagu dul wadhwadhay.

    Hadalka baadin maayo, waxay ila tahay in murtidii aan odhan lahaa intaa ku dhanthay.

  17. Alaha u naxaristo jaale maxamed siyaad bare iyo xasan guleed abtidoon allaha u naxaristo wax wanagsan ayay ka tagen qofka marka u dhinto waxa lagu xasusta waxa u qabtay markaa allaha u naxariisto

  18. Waa maalintii ay ina shieqooleen ururka IGAD waa maalintii inooga horeysay burburka Somalia waa maalin loo qayilay dawladii adkayd ee Somaliyeed aad baan uga xumahay waan xasuustaa oo Djabouti ayaan joogay in kasta oo aan cariir ahaa waxaan joogay afaadka hore ee madaarka xeradii jeenaaga agteeda maalin xun ayay ahayd.

  19. Kollay Xasan Guuleed uma tegin dan Ummadeed Xamar wax Aan ka ahayn Damac ka hayay dhulka Samaroon Ee Ciise ilaa maanta daba ordayo,Siyaadna taas ka diiday,waxa kaloo jirtay inay xataa Gaani Morgan iyo Bile Rafleba Laaluush kala daaleen si ay dhulkaa u siiyaan,waligay maan arag dhul dad leeyahay Nin cid kale Oon iyadna lahayn waydiisanaya lacagna lagaga gurayo Uun ilaa maantana tabahii bay wadaan ay hore ugu daaleen,Riyaale ayaa lacag kaga gurtay imikana Siilaanyo,ragga yaa dhaha dhulka u jabhadeeya Oo qarashka Aad shaqsiyaadka kale siinaysaan ku bixiya Ciidan idiin xoreeya waydinkaa dawlad sheeganaya e,Lawyacaddo arki amysaan inta wiil Samaroon ihi ifka ku nool-yahay,Buuni ilkoole iyo Afarta Odax-gob Een Abtiga u ahayna awood uma laha ay dalka idinku soo dejiyaan,Ciidanka AAd Xamar u dirteenna farriintii Waftigii Guuleed Xamar geeyay wax Aan ahayn ma sidaan rag baase ka jooga Gadabuursina ma aha kii shalay Soomaaliyi way wada taqaan,jibuutina abaal umay galin Soomaali !

  20. salal,

    Wali, ragan maxaa ku diray magac ayna lahayn kkkkkkkkk Salal maalindhawayd waxan maqlayey Gadabuursi leh Ciisaa SALAL baad nagaga qaada iyo wax la mid ah, ee siday qaylo dhaankaa iyo warkaagani isku qabanayaan? wixiinu ma’ dhinac walba u rid uunbaa kkkkkkkkkkkkkk

  21. Sahal cidiba may odhan Ninkaas Derbi-Samaroon sheegtana maalinba waa si waxa hayana waa cuqdad Samaroon Ee adeer Salal oday Abrayn ah buu ahaaye yaad u qaadatay,iga walla Aanan hadal kugu qasaarinayn,bal waa kaase xabbad ka rid,yaa yidhi Ciisaa baad igaga qaada,hadday Derbi tahay waa kii inanta shalay ku lahaa F”"”"”k Y”"”"”"”"”u!kkkkkkk
    Nin laawga ku dhashaan ahay Sahal,Saylac Nimaan bahabar celi ahayni kama taliyo aduuse waxad ka mid tahay uun afarta odax-gob Een Abtiga ahay Ee Aashaa hadal war ma hayside

  22. waxan kuugu yeedho anigu garanmaayee ee bal ragan ila dhagayso, kana ma DARBI baa kkkkkkkkkkkkk

  23. Horta abti, dhaqad SALAL, haddaad salal waa oday Abrayn ah laguugu sheegay waa lagu khalday, Salal waa dix ka mid ah 12 dixood eeXEERKA Ciisah ku suntan. Waana sobobta Ciise gobolkan ugula baxay. Haddad u badheedhayna tee doodan horaan ugu soo daalee iska sido kkkkkk haddad doontana Ciise waraabe la bax.

    Odox-gob aad igu sheegtayna dee xeer Ciiseba maaha in aan rag kale oo Ciise ah fogeeyo ama magacooda ka xajiimoodo ee sidaas uun u hayso. markaan doonaya gadabuursi san-jeexistii uun laga iloobay baan iska ahaykkkkkkkkk

    • wax salal la yiraahda ma jiro ,, magacaa ina rayaale baa bixiyey ina rayaalana maaha dowlad la aqoonsan yahay saylac waa gobolka awdal cid taa badali kartaana ma jirto dowlada jabuuti xadka somalia ma soo faro galin karto ciise waxooga baa nala daga way iska daganan karaan lakiin ma sheegan karaan dhulka samaroon 19 ugaas bay saylac ku abtirstaa oo wada samaaroon ah markaa cidii sheeganaysay ka quuso dagaalkii rooble afdeb oo kale baa ka dhici haday cidna shegato caro samaroon ee ciisow la soco,,,,god bless awdalstatge of somalia

  24. Sahal

    Sahal salaan gobeed iga gudoon waxaa la yidhi si xun wax u sheeg sixir ka daran Salal waan ogahay inaad dhagaha qarxiso haduu bujuu ka dhexyidhaa Zeiylac magacan iska dhigna waan ku kari waayay,Sahal Dahir Rayale u dhisa Taalo isagoo nool kan sita magaca Salal dhirbaaxo dhagaha qarxi haduu kaa hagaagi waayo oo uu si walaaltinimo leh kuula noolaan waayo Ciise waa walaalaheen oo SNM ayaa isku keen dirtay 1989 maantana walaaltinimadeenii ayaa inoosoo noqotay alxamdu lilaah,Sahal dhagaha katun waxii si xun u socda anigana SNM igu daa awoowo sidaasi ayaan isku ognahay iyo walaaltinimo iyo Dirnimo.

  25. Awoow nwaan ku salaamay dee haddan dhagta yar jiido, anoon wax wayn gaysan, soow Durkiye hadhoow abtigii dile i odhan maayo kkkkkkkkkkk Iga daa wuxuu doono ha sheegtee yaanan Cali Durkiye u jabine.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: