Maadeeye Reer Jabuuti Ah, Oo KaTarjumaya Dhallinta Maanta Iyo Mirqaanka Djibouti..!


About these ads

Categories: Warka (News)

22 replies »

  1. KKKKKKKKKK Aad baad u mahadsantahay Hiildan caawaad iga qoslisay waligay intaan halkan ku jiray yarkan waan maqlay ayadoo laga sheekaynaayo lkn caawaa caawaa iigus horeysa walaahi caawa Very Funny Comedy kkkkkk waa yar cajib ah Gaafane ayuu badalay allaha u naxariisto Gaafane ayaa isna ahaa nin cajiib ah.

  2. Rashid Nuur waa nin cajiib ah aniga waxaa iga qosliya sidaa u uu matalo lahjadaha gobolada soomaalida siiba tan reer Hargeysa markay joonyad jaadka ah liqaan.

  3. In badanbaan sugaynay inay dhalinayrada reer Jabuuti wax ka bartaan maadeeyayaashii waynaa ee Jabuuti ugu horreeyay sida ‘Bulaalle Boorama’ (AUN), oo ahaa ninkii ugu horreeyay ee Jabuuti iyo geeska afrikaba ka noqda ‘Stand UP Comedian’, ee xitaa kalidii Riwaayad dhiga.Wali yaryarkani masoo gaadhin halkii uu bullaale kaga tagay fanka iyo suugaanta Jabuuti, Insha Allah way gaadhi doonaan haddii ay sidaasi kusii wadaan.

    Yarkani Rashiid, wuxu ku tasayaa muuqaal dhab ah oo an maskaxdada ka go’ayn, sida ‘meydka Ambulance-ka la saarayo ee hadana xawareeyay xaraaro-qaad daraadeed, dabadeed maydkiina tuuray, qaadkiina waayay’ kkkkkkkk..!!!

  4. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Mahadsanid hiildanyare.
    rashiid wuxuu i xasuusiyey arin ka dhacday Oslo, waxay yara shabahday ninka qaadka loog diray Q2 ,waxay dhacday in wiil reer djibouti ah uu aad u qayilo isagoo fadhiyey makhaayad ku taala center ka Oslo oo soomaali leedahay, markii uu qaadkii dhameeyey ayuu Taxi wacday, isla markii uu taxiga wacayba wuu soo degay oo dibada ayuu usoo baxay, waxyar kadib waxa soo joogsaday gaari Polis, waa nin maqan oo mirqaansane intuu dhaqaaqay ayuu gaarigii poliska daaqada dirawalka ka dambaysa iska furay, wuu fariistay wuxuu lasoo booday adresskii gurigiisa, yaab poliskii, maxad ahayd? wuxuu yidhi waa ninkii marka dhaweyto idinsoo wacay , magaciisuu dhiibay, fajac poliskii, laydhka gudahaa loo daaray waa dirays madow iyo koofiyad weyn, albabku faray, hadegin sxb ee joog waa poliskii, yaab!! wadnaha lulmay, warran maxad samaysay? runtuu sheegay, waan barjeeyey oo warba iskumaan hayn, Taxi ayaan wacday oo waan idinku qaldamay. intii lawadahadlayey Taxigii imay piip piip, iyo weydiin soomaalidii meesha joogtay hebel hebel mee waa taxisiilihii, murti sheekadaasi weydheerayda wiilkii poliskaa qaaday oo gurigiisii geeyey, digniin adagna lasii, maan jeclayn inaan ka sheekeeyo sxbkay ee yarkaa Rashiid baan iga keenay

  5. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wallee waa qiso yaab iyo qosol badan, illeyn maadda ayaaba nooga fiican politics. War bal soo daaya qof waloowba wixii sheeko qosol badan ad taqaano

  6. rachid adan waa gaanafe 2 ala u naxariisto waa nin funny qosol badan waa ninka gaanafe badalay hildan qaar kale hadad haysid keen

  7. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk dee hiildan sxb aad baad u mahad san tahya walaahi dee qosal baan dhiman gaadhay ragii reer bariga ah ee ila daawanayay luqada uu ku hadlayay fahmi waayeen oo war wuxu ma faransiis buu ku hadlayaay bay lahaayeen kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk lkn reer galbeedka iyo yaakhiduba si wacan bay u fahmeen

  8. walay iga tahay kabo kamaan fahmin waxan uu sheegayo mayd uunaab ka fahmay idina qosolbaad la dhacdeen yaa yidhi somalidu waa isku af ?

  9. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Waar yarku waaba Verry Funny walaahi
    Sheeko Boorama la iiga soo sheekayay sanadkii hore mar aan fasax ku tagay ayuu i xusuusiyay Muqayilka uu ka waramayo,waxa la iisheegay in ku yar oo kamid ah ciyaalka BOORAMA uu aad u qayili jiray,sxbna lahaa gabadh yar oo iyana ciyaalka magaalada ka mid ah.
    Markaa waxa dhacday habeen habeenada ka mida in yarkii gabadha sxbka la ahaa uu jaadka goor dambe ka kacay oo aaabo 1 kowdii habeenimo ah isla wakhtigaana uu beegsaday gurigii sxbadii daganayd,deetana uu albaabkii ayuu garaacay waxaana ka furtay inanta hooyadeed markaasuu ku yidhi Heblaayo ma joogtaa,markaasay hooyadeed ugu jawaabtay haa lkn way seexatay,Intuu cabaar yar fikiray yarkii ayuu ku yidhi islaantii Maxaan yeelnaa ? kkkkkkkkkkkkkkkkk Halkiibuuna cay iyo aflagaado kula kulmay yarkii.

    Waa halkii reer Xamarka’e Mirqaan kaas ha kaa ahaado ama Hakaa hamaahsado.

  10. Yaab sheko qosol badan oo ka dhacday jabuti oo aan goob joog u ah ma jecli inaan shego magaca qofka Oday lixdan jira oo hawlgab ka galay cidamada milatariga jabuuti ayaa soo qatay JAADKA LAGU KEENO TARENKA LONA YAQAAN CASARJOGA AMA LOTAREE AMA BAAMTA odaygi aya jilbaha u astay mirqaan ilaa toban saac oo xirir ah waxa u mirqama waxa u dhamaystay jaadki kadib waxa isku diyariyay inu jaadka ka kaco musqusha ama suliga ama kanifka ama kabenayga qofwalba sida u yaqano ayuu biyahi u ku qubaysan lahaa geliyay kadib Odaygi waa qubeystay nasib daro Odaygi macawisti waxa uga soo tagay Musqusha isaga oo qawan cadayna sita ayu soo faristay Albaabka gurigisa kadib cadayga ayuu bilabay dadki jidka marayay iyo dariski waxa ka soo haray yaab ninkan odayga ee qawan hadan cadayanaya dadki waxay ku wareren siday wax ugu sheegi lahayen kadib Gabdho dariska ah ayaa ku dhahay Adeer maxa kugu dhacay Odaygi waa ku xanaqay gabdhahi ayuu eryada kadib marku ku soo noqday goobti u fadhiyay ayuu ogaday Odaygi inuu qawan yahay kadib orod ayu ku galay gurigisa isaga mudo todobada u shidnaa film yaab marka mirqanka Jibouti waa qisoyin badan yahay

  11. Khuruujkii waakan…kkkkkkkkkkkkkk

  12. Mirqaanku marna waa waalay dahsoo,marna sankaraad iyo qudhbax lugeyn, waana bilaa xuduud yar iyo weyn dhidig iyo labood midna ma yaqaan.

    wali ma aragteeen odey wayn oo reer Hargeysa ah, ahaan jireyna jabhaddi snm oo Djibouti ku soo booqday qaar ka mid ah qaraabadiisa ka dibna ay jaad soo wada iibsadeen qol ama makhsin aad u kululna isku qufulay si ay uga bogtaan sheegooyinkii dagaaladdii faqashta iyo snm ta markay arrintu marayso meel dhexee oo ay dadkii wada jibooteen xamaasaddi dagaalka awgeed ayuu odeygiina kululaadday markaasu damcay in u shaatigii iska saaro, marku iska saaray ayaa wuxuu doon-doonay meel u shaatiga soo sudho wuxuu arkay bar madoow wuxuu u qaatay musbaar wuxuu is yidhi sudh shaatiga laakiin wuxuu maahin musbaar ee wuxuu ahaa DIQSI marku ku soo dhawaadaba diqsigii u sii hor duulay oo meel kale ayuu fadhaystay odeygina wuu daba wareega isago leh; nacallaa faqash ku yaal oo sidii wax waalan makhsinkii ku dhex maray dagaal aan ka laalaadin kii faqashta.

  13. Waa Qisadii Oslo ka dhacday oo kale, nin iska dhex fadhiistay baabuurka Police-kakkkkkkkkkkk

  14. kkkkkkkkkkkkkkk walaahi walaahi sidaasay u hadle Oromadu walee kani waa funny

  15. Jabba wuxuu kuu yahay
    Markaad Jinaw u yeedhee
    Jaalley ugu dhawaaqdee
    Aanay Odhan dhageey Jalaq…!

    Waa hees gabay oo kale ah oo falsafad weyn ku fadhida
    -Cirku wuxu jeclaadaa……..?
    - Dhulku wuxu jeclaadaa….?
    - Dhirtu waxay jeclaataa….?
    - Ana waxan jeclaadaa……?

  16. Bal akhyaar yahay ila fiirsha sawiradan qarniyada iyo dheeraadka jira kana dhiibta faalo iyo aragtidiina siduu Ali Aref Bourhan Bey ku sheegtay Canfar!!!!!!!

    http://fr-fr.facebook.com/pages/Ali-Aref-Bourhan-Bey/106216702782899?sk=photos

  17. asc dhamaantiin,

    Horta yarkani, waa aragtidaydee, waa mucjiso yaab iyo qosolba igu reebtay. Ninkani wuxuu wax u jileyaa sidaa qosliyayaashi reer galbeedka, isaga iyo Gaafanana la’ isma ag-dhigi karo sobobtoo ah siday wax u jilayaanba aniga way ila laka duwantahay. Rashiid wax cusub ayuu ku soo kordhiyey majaajilada soomaalida.

    Walee haddaad dhagaysataan markuu matalayey sadexda nin(mid reer xamar ah, mid reer jabuuti ah iyo reer hargeisa kkkkkk taloow muxuu reer Boorama uga tegay)
    ee Paris tagtay ee uu booliisku qabtay kkkkkkkkkkkkkk

  18. Kuluc,

    Soomaliddu waa isku af, lahjaduse waa halkeeda. Adiguse sideed ninkan u fahmi wayday, mise kolay fahmi maysid uun baad isku qonfishay?
    Mise waxadna leedahy ISAAQU isku af-maaha? Wali anagaa wax aragnay….

  19. waatan qaybtii aan sheegaayey

  20. Hiildan,

    sawiradii aan ka soo min guurshay bogga facebook ee Ali Aref Bourhan iyo tafiirtiisi maxaad uga gaabsateen mise toloow dadku qabyaalada iyo digdigtay ku nafisaan.

  21. ninkaan aad ayaan ugu boga waxyaabaha ma jaajulaadka ah ee dhabta ah ee uu ka hadlo walahi waad ka yaabaysaa sida qosalka bada ee uu dhalinta u maaweeliyo ilahay ha daaye waa nin dhalinyara ah oo wanagsan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: