Qalinkii: Cumar Xaaji Faarax
Waxa isweydiin mudan, maxay awoodda koox-diineedyada xagjirka ah iyo shakhisiyaadka qabiilka ku adeegtaa ay ugu sii badanayaan deegaanka soomaalidu degto gaar ahaan Soamaaliya, iyadoo la wada ogyahay xumaanta iyo cawaaqib xumada ay leeyihiin? Aaway fidradii suubanayd ee uu Allah dadka ku abuuray? Maxay fidradaasi dadka xumaanta iyo hallawga ay uga dhawri weyday?
Sirta ama cudurka ku dhex qarsoon kooxahaa iyo shakhsiyaadkaasi, waxa weeyi iyaga oo aaminsan kuna dhaqma mabda’a: hadafku wuxuu jideeyaa dariiq loo marayo (end justifies the means) in kasta oo aanay si saaraxad leh u cadaysan ama u qiran!
Tusaale ahaan kuwaa xagjirku waxay aaminsanyihiin: in dad aan waxba galabsan oo Muslim ah la dilo waxa jideynaya “gaalo iyo murtad baa lala dagaalamayaa”; kuwa qabyaaladda adeegsadaana waxay aaminsanyihiin: in qabiil kale xaqooda la duudsiyo waxa jidaynaya “xaqii qabiilkoodaa ayaa la soo dhicinayaa”; in qabiil kale fidmo la dhex-dhigo waxa jideynaya si qabiilku “horumar” ugu talaabsado; in qof khalad galay qabiil ahaan loo difaaco waxa jideynaysa kuwa qabiilada kaleba khaladkaa lagu difaacaa; iwm. Labada kooxoodna waxa shiishkoodu (target) yahay da’yarta ama ubadka soo koraya ee gaar ahaan diintooda iyo dadkooda jecel. Aakhirkase, cidda ku faa’idaysanaysaa waa wadaadka xagjirka iyo kaabo-qabiilka, cidda khasaruhu gaadhaysaana waa ubadka soo koraya iyo ummadda inteeda kale.
Madaxda kooxahaasi, ama shakhsiyaadka qabiilka adeegsadaa, wey garawsanyihiin in aanu hab-dhaqankoodaasi ku salaysnayn fidrada saliimka aha Allah. Sidaa darteed, xarfadda iyo sirta ka dambaysa jiritaankoodu waxa weeyi: (1) is-ceebayn (ama is-naqdin) ay kooxiba kooxda kale hadafkooda ceebaynayso, iyadoo koox waliba ay sheeganayso isla hadafkaa laftiisa, iyo (2) iyadoo kooxdaasi ama kaabo-qabiiladaasi ay ku dhaqmaan mabda’a ah in qofku intuu yaryahay laga dhaadhiciyo hab-dhaqan la soo dhaxlay, iyo in da’yarta lagu khasbo fikraddo iyo hab-dhaqamo soo jiray oo diin ama dhaqan fiican looga dhigo, ka hor inta aanu qofkaasi yeelan awood iyo xaq uu su’aalo ka keeni karo, waana arrin aanay weligood nebiyada Allah samaynin!
Bal aan isweydiinee, rusuulada ama nebiyada Allah ma waxay la hadli jireen oo ay ugaadhsan jireen carruurta yar yar marka ay dacwada fidinayeen, mise kuwa la faca ah ama ka da’da weyn ee xaqa u lahaa in ay ogolaadaan, amase awoodda u lahaa in ay diidaan diinta aanay yaraantoodii maqal ee loogu yeedhayo, kuwaas oo ay qaarkood – ka dib – diintii u noqdeen tiirar iyo hogaano adag?
Waxa jirta sheeko caan ku ah taariikhda muslimiintii hore oo ku saabsan wiil yar oo bannayn-waayey jidkii uu nin amiir ahaa soo marayey oo ay askartiisii isku dayeen in wiilkaa yar ay ka cabsiiyaan oo ay ku amreen in uu jidka si degdeg ah u banneeyo; balse uu wiilkii yaraa ka biyo-diiday oo uu ku yidhi: “wax khalad ma aanan samayn oo aan ku cabsoodo, jidkuna cadhiidhi ma aha heer aanu amiirku mari karin ilaa aan meel u banneeyo!”
Hadaba ilmahaa yari, sidaa cabsi-la’aanta ah ee ay fidradiisu u tilmaamtay, ma u dhaqmi lahaa haddii la faragelin lahaa oo laga wasakhayn lahaa fidradaa suuban oo loogu hanjebi lahaa naar uu galo ama loogu beerlaxawsan lahaa janno, oo lagu abuuri lahaa fikirka weynaynta dadka waaweyn – uma jeedo sharfinta ama ixtiraamka– ka hor inta aanu gaadhin da’dii uu wuxuu sameeyo lagu ciqaabi lahaa ama uu ajar ku heli lahaa?
Midda kale, ilmahaasi sidaa ma u dhaqmi lahaa, haddii hore loogu laqini lahaa (laga dhaadhicin lahaa) in aanu qiimihiisu istaahilin ciiddaa uu ku dul socdo amiirkaasi, sida qaar ka mid ah wadaadada casrigani ay kaga khudbadeeyaan minbarada iyo munaasabadaha, ama qaarkood ku baraan dugsiyada hoose?!!!
Jawaabaha, arkhistayaasha shrafta leh ayaan u dhaafay.
Waxaanse ognahay, nebiyadu intooda badan in lagu soo saaray da’da 40 jirka ama wax ka dambeeyey, waxaanay dhamaan ku soo noolaayeen oo ku soo barbaareen deegaan laga dhaqmo hab-dhaqankii markaa jiray oo ka hor-imaanayey risaaladahan hadda loo soo dhiibay. Hase ahaatee, waxaanay dhamaantood ku soo koreen xoriyad ka turjumaysa fidradooda, oo aan lagu sandullayn jirin markay yaraayeen in ay qaataan diin ama dhaqan-qabyaaladeed aanay rabin.
Waxa laga yaabaa in dadka qaar yidhaahdaan, iyagu rasoollo ayey ahayeen oo yaraantoodii malaa’igbaa tababartay! Lakiinse dabcan ma jirto wax ay ku cadayn karaan arrintaasi, waana arrin lagaga baxsanayo xaqiiqada meesha taala; waayo haddii ay nebiyadu ku soo koreen gacmaha malaa’igta ama camaliyaddo loo sameyey lagaga saaray xumaan oo dhan, waa maxay dembiga ay leeyihiin dadka caadiga ah ee yaraantoodii lagu anqariyey ama lagu beeray xumaanta, iska daa in laga tirtiro eh? Miyaanay arrintaasi noqon karin xadgudub loo gaysanyo cadaaladda Allaah? Amase sidee buu Allaah nebi Muxamad (csws) ugu amaanay in uu ku dhaqmo akhlaaq fiican: “wa innaka la calaa khuluqin cadiim”; ee aanu u odhan waxaan kuu yeelay akhlaaq fiican!” Muuxse meel kale Allaah innoogu shhegay: “qul innamaa ana bashurun mislukum yuuxaa illaya..” oo ah “waxad ku tidhaahdaa, anigu waxaan ahay bashar idinla mid ah balse kaliya loo soo waxyooday..”.
Hadaba, miyaanay haboonayn, in waalidka iyo waxgaradka Soomaliyeed ay ka foojignaadaa oo ay ka hor tagaan xeeladaha foosha xun ee ay kooxaha iyo wadaadooda xagjirka ah iyo weliba siyaasiinta ku adeegta kala qaybinta dadka iyo qabyaaladdu u adeegsadaan da’yarta Soomaaliyeed, , si aynnu uga badbaadinno in ubadkeenna lagu harawsado arrimahaa kor ku xusan, oo aanay u fahmin in ay kooxahaasi wanaag la rabaan balse ay runtii dantooda gaar ah oo kaliya ku fushanayaan oo aanay diin iyo qabiil midna dan ka lahayn.
Qalinkii: Cumar Xaaji Faarax
Categories: Warka (News)
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)