Waxa nasiib darro ah in gudoomiyaha gobolka Awdal oo ku noolaa muddo dheer wadamada dimuqraadiyada runta ah lagag dhaqmaa (United Kingdom) uu fahmi kari waayey go’aanka ay xildhibaanada Golaha degaanka ee degmadu xilkii kaga xayuubiyeen duqa (mayor) degmada Borama, kadib markuu Hantidhawrka guud ku eedeeyey inuu lunsaday lacago tiro badan (380 milyuun oo shilinka Somaliland ah) oo uu u samaystay warqado lacagta lagu qabto (vouchers) oo bug ah.
Cid kasta oo daawatay muuqaaladii laga soo duubay shirkii jaraa’id ee uu gudoomiyaha gobolku xafiiskiisa ku qabtay waxay is weydiinayaan ayaan-darrada ku habsatay gobolkan Awdal iyo sida gudoomiyuhu uga madhan yahay maqaamka xafiiska uu fadhiyo. Gudoomiyuhu waxa ka muuqatay musuuliyad darro iyo aflagaado aan ku haboonayn jagada uu hayo, xataa waxa ka muuqatay cajalada isagoo masuul kale (xoghaya degmada) oo goobta fadhiyey ugu yeedhaya askari meesha taagnaa xafiiska looga saaro.
Masuulka runta ah waxa la kala ogaadaa maalinta arrimuhu dhabqaan (in times of crisis) ee arrintu cidhiidhi gasho. Waxan shaki ku jirin in gudoomiye Ahmed Sidci ku fashilmay shirkii jaraa’id ee uu qabtay, qolf weynna halkaa kaga dhacday. Ugu yaraan waxay ahayd inuu saxaafadda debada isaga saaro hadduu dhooqadan intaa le-eg dhex-fadhiisanayo.
Miyaanu ogeyn in sharciga dawladaha hoose jideeyey in xildhibaanada golaha degaanku maddax-bannaani buuxda u haystaan kanna xayuubin karaan xilka duqa demada goorta ay doonaan haddii ay helaan cod buuxa ooh hal-dheeri ah, iyadoon cid kale ku soo faragelin? Miyaanu ogeyn in dacwad culusi dul-hogaynayso mayor-ka, sharciguna dhigayo in masuul kasta oo lagu soo eedeeyo fal-dambiyeed noocan ah shaqada laga joojiyo illaa inta lagu soo cadaynayo eedaha loo soo jeediyey? Sidee suurto-gal u noqon kartaa masuul xatooyo xoolo dadweyne lagu soo eedeeyey in haddana la yidhaahdo iska sii wado shaqadaadii inta sifo sharciga waafaqsan laguu ridayo? Meel sharci caynkan oo kale ah lagaga dhaqmaa aduunyadu ma jirto, Borama-na jiri mayso Gudoomiye.
Miyaanu ogeyn in xataa wasiirka arrimaha guduha laftaasiia aanu xaq u lahayn inuu fara-geliya hawlaha ay qabanayaan mudanayaasha la soo doortay, waaba isagoo la soo magacaabaye? Miyaanu ogeyn gudoomiyuhu in si fudud loo eryi karo, halka xildhibaanadan uu aflagaadaynayo doorasho keliya lagu ridi karo? Qodobka kaliya ee gudoomiyaha daliishanayaa waa “maxaa la iigu soo sheegi waayey in golaha degaanku shirayo”? Waa qodob macquul ah, laakiin gudoomiyuhu waa inuu isku miisaamo baaxada dacwada meesha taallaa leedahay iyo procedure-ka la baal-maaray. Ma af wax-cunnay xishoobaa oo gudoomiyaha waxbaa ku maqan? Cajiib!
Waxa muran-ma-doonto ah in gudoomiyuhu shirkan jaraa’id u dhaqmay sidii diktaatooriyiin (dictatorship) ama saajin tuula jooga oo kale, isagoo cid kasta ganafka ku dhuftay war-fidiyeenada goobta dhoobanaana su’aalahooda si indho-la’aan uga muuqartay.
Waxa intaa ka darran isagoo dhawr jeer ku celceliyey in sifo sharciga waafaqsan wax lagu bedeli karo, balse aan mar keliya sheegin sharcigaasi waxa uu yahay. Ma aqoon darro sharciga dawladaha hoose ayey ka ahayd? Sharciga uu sheegayaa miyaanu ahayn kan isaga laftiisu ku tumanayo?
Ma Xeer Illaaliyaha, xildhibaanada dawladda hoose, hanti-dhawrka guud, dadweynaha iyo saxaafadda ayaa dhammaantood qaldan oo isagaa sax ah? Waar ma aniga waalan mise Cadan baa laga heesayaa? Aflagaadada uu gudoomiyuhu goobta maanta ka geystay iyo cayda uu dhinac walba u tuuray ee uu xildhibaanada Golaha degaanka ku tilmaamay Goolegoole waa mid u qalanta (warrants) in isaga laftiisa xilka laga xayuubiyo, maxaa yeelay gudoomiye sidan u dhaqmayaa ma istaahillo inuu xafiis dadweyne (public office) sii joogo. Gudoomiye Xaddi hadduu dameer damqada leeyahay waa inuu dhegaystaa dareenka guud ee dadweynaha degmada Borama ka bixiyeen xil-ka-qaadisti mayor-kii hore ee Borama. Masuul kastaa waa inuu dhegaystaa isla markaana dhawraa rabitaanka dadweynaha.
Gun iyo gebagebo, dawladda dhexe haddii ay lexejeclo ka hayso gobolka Awdal, gaar ahaan degmada Borama, waa in albaabka la tusaa gudoomiyaha gobolka Awdal si loo soo afjaro khilaafka dabada dheeraaday ee ku aadan gobolkan, maxaa yeelay wuu ku fashilmay shaqaddii loo igmaday. Waxay ahayn inuu la safto mudanayaasha lo soo doortay. Faanoole fari kama qodna.
Mohamed F. Yabarag
Email Myabarag@yahoo.co.uk
Source: Harawo
Categories: Dood (Debate)
Sidii Samaroon Looga Qaaday Djibouti, Si La Mid Ah Ma Looga Qaadi Karaa Saylac?
Siyaasi Maxmad Jaamac Abgaal Vs Cali Aareeye
Burco Waxa Meeyar Cusub Ka Noqday Habar Jeclo, Saylacna Waxa Meeyar Ka Noqday Habar Xuseen: Miyayna Taasi Ahayn Isbadalkii KULMIYE Doonayay?
SNM: Qaranimaan Qaadanaye, Qabuurihii Hanagu Celinina..!
Maxmad Yaabaragoow salaan kadib, timirtii horaba dab loo waa sxb. Guddoomiyihii degmada ayaaba laysku haystaaye, ma imikaan Badhasaabkii gobolkana ku darnaa…? Dee sharciyada dalkan uu Ugaas Xaddi ka yimid iyo midka Somaliland way kala duwanyihiin.
Haddii London go’aanka golaha degaanku qaato iyaga u gaar tyihiin oo dawladda dhexe iyo meeyarka London aanay soo faro galin karin iyada oo arrin qaranka saamayn ku yeelan karta ah mooyiye, halkaasi sharcigu wuu ka dwuan yahay, oo wuxu dhigayaa in haddi la badalyo guddoomiyha degaanka lagu war galiyo meeyarka gobolka, kadibna miiska lasoo wada fadhiisto.
Sida ay sheegeen xildhibaanada golaha degaanka ee xilka ka xayuubiyay Cabdi Shide dhawr jeer oo hore ayay isu dayeen inay maamuus ka xayuubin sameeyaan, waxana is hor taagay dawladda dhexe. Imikana waxay u egtahay inay ku guulaysanayaan maadaama ay meesha xeer ilaalintii iyo hantidhawrkii u wada siman yihiin. Oo sidaasi Cabdi Shide, meesha uu uga shubo. Lamase hubo af-gambiga danbe ee ay ku kici doonaan mar haddii ay furteen waddo halaq mareen ah
Balse Meeyarka Awdal Xaddi, waxa lagu dhaliiili karaa xilligan abaaraha lagu jiro iyo sida uu uga gaabsaday waxa gobolka ka socda, una soo faro galiyay golaha degaanka. Wax kala laguma dhaliili karo, oo wuxu sheegay in nidaamkii la baal maray, isagana laga dul booday oo la quudhsaday, taasina inuu xaq u leeyahay ayay ila tahay.
Mayor Shide Bileh odayaashii koofiyad baclayaashii ee dheemaalka baada ah ka doonaayay waxaa u quusgooyay Wasiir Duur oo sharci dari ku tilmaamay xilka ka qaadista ay ku sameeyeen waanatan ee akhriso
http://waaheen.com/?p=33557
Xafiiskiisa haloo baneeyo ninkan dhalinyarta ah Koofiyad baclayaashu ha dhacaan waa in Awdal la gawraco afartan oday oo Samaroon ah maalintaasi ayaa guul inoo kow ah hadii kale xaalkeenu waxuu noqon sida Madhibaanka oo waa la is nicidoonaa dhulkeenana waa la qaadan indhaheenoo shan ah,
Ma ogtahay beesha Waa la nacaa oo Somali oo dhan ayaa hayb soocda Gabooye/Madhibaan sida ay Somali u nacdo waxaa kasii daran ta dhexdooda oo labo nin oo walaalo ah oo madhibaan/Midgaan isma sheegtaan taasina waxaa ku keenay dhibta kaga timid deegaanka ay la noolyihiin tokooda Somaliyeed dadkooda oo ku sameeyay (Moral violence) wax aan ku tilmaami karo.
Samaroonoow maanta waxaad ku socotaan sidaasi Gabooyaha oo kale hadii aynaan is badbaadin oo aynaan la iman dadaal dheeraad ah,Isaaq waxay doonayaan inay inagu sameeyaan Moral violence si aan isku nacno dhexdeena oo kadibna la qaato deegaankeena iyo dhulkeena hodanka ah ee ay ka buuxdo khayraadka dabeeciga sida Shidaalka noocyadiisa kala duwan iyo dhulbeereedka dihin iyo macdanta ay ka midka yihiin dhagaxaanta qaaliga ah ee ku jira buuraheena taasi ayaa la doonayaa in la inakala dilo si loo qaato dhagaxaanta nooca loo yaqaan (Precious stones) oo ka buuxa buuraha woqooyiga Awdal State hadaad doonaysaan in aan sidaa Madhibaanka noqono waa wada cayda iyo aflagaada sokeeye oo is caaya ilaa inta aad gaadhaysaan meesha ka idinla rabo oo ah meel ay daan kasoo noqon karin hadhow oo ay daan is daba qaban kari doonin ee maanta iska fahma farta la qoraayo ee SNM ay inagu wadaan.
waar kani nidaamka Somaliland wuu ka soo horjeeday Mayorka iyo sheekadiisana waxa soo galiyay qabyaalad uu kaga soo horjeedo Cabdi Bile. imisa musuq maasuq ayaa ka dhacay Borama muxuu ugu hadli waayay hada waxa wada xanuun ku raagay. qabiilayste ina Yabarag.
tuulo yar oo dila le,eg kutaala maraykan oon daganahay. ayaa mayorkii waxa lagu qabtay computerkiisa isagoo daawnaya, caruur lafaraxumaynayo.kabacdi waa looyeedhay. waxaana loo sheegay in shaqadii laga eryayo.dadka magaalada dagan waxba kama ayna ogayn waxaasi oo dhan.ninkii waxa lasiiyay lacag halsano kufilaata. shaqadiina sidii ayaa looga qaaday. wax shaqada looga qaaday. in laga qaaday iyo inuu isagu iskaga tagay cidina may ogayn.skeekadii waxay soo baxday markii uu isagu istoogtay.ayaa jaraaidka lagu soo qoray.markaasi ayaa lawada ogaaday. dhibaatooyinka ugu waaweyn waxa weeyi ee Awdal kasocdaa.
in qofwalba ogaado maaha waxa ka socda dawlada dhexdeeda.qofkii shaqadiisu kamidtahay kaliya in loo ogolaado. mayorku haduu dhuuso in la ogaado maaha.inaga inta aan xilka laga qaadin ayaaba lasii ogaanyaa. ninkiina markaa dagaal buu samaynayaa waayo bulshadii tuko cambaarle ayuu kanoqonayaa.
dadka qaar baa ku doodi maraykan iyo boorama laysma ag dhigi karo.waar waa afkaaga haysoo kaliya waxkale maaha. wax aan shaqo kuugu jirina haraadin.
Hiildan noogu tuur heesta u qaado Groovy Winston ee Nigthshift plz aan kaga nasano siyaasada samaroone murugsane……….
Hambalyo hambalyo ninyow waan maqlay inaad tidhi Guul Awdalstatekkkkkkkkkkkkk.Gudoon waan kuu fiicnay huuno ha iga werwerin waan kuu joogaa xoogaa nasashaan u baahday…..
Hanni adna salaan sare kuu soo dirayaa aad uga xumay teatarka la qarxiyay aad uga warwarsanay Dalxa iyo Macaane xaalkooda iyo intii kalaba khayr rajaynayaa waan kuu fiicnay.
waar awal nin kani goormuu aaminay sland ileen waa kii meelahaa ka qalin jiraye mise adeer kii baa wasiir la g dhigay asxbaata suaal gadoonn darbi hanimoofo xamar aada boos idiin ma banaana
bal ninkan ka xanuunsanaya horumarka iyo wanaga eega.
waa ku ognahay ama awdalstae la bax am ama cirka soo guji.
mayor shide ilaahay uunbaa wax ka qaadi kara, waaba adiga oo aan waxba ahayn.
boorama oo dhan ayaa soo dhaweysay ee ma u dhimo cuqdada kugu jirta.
odaygan sidci waxaad ku caayi waa sharciga ha lagu dhqmo, intaas ayaad ku haysataa..
waa nin kaa aqoonbadan isaga ayaana lagu aaminay awdal lakiin adigu maxaa lagagu aamini. marba dhinac sidi xaaxeeyada nagaga imo.
cabdi shide dhulkiisuu ayuu joogaa, cashuurtana cida laga qaadaa waa dadkiisa ama ha cuno ama ha ku badhiye adi dhulkaaga ka tali.
ogaadeen iyo xabashi ayaa dhulkaagii kugu gumaysta, ee dhulkaaga u tasho xayawaan bad tahee.
ninkan aad haysataa dhulkiisii ayuu joogaaye.
qaar waxaa jira afku cadaaday oo adeerkey ama inaadeerkey ayaa meel haysta subax walba dadka ku aflagaadeeya.mayorka anigu aqoon uma lihi waxbana ka sheegi maayo. xumaan iyo wanaag labadaba waan ka maqlay.qolo aw gadabuursi kayahayna ma aqaano.
laakiin waxan leeyahay war ninku haduu xumaan leeyahay tolkeyoow ha difaacina. hadii uu yahay nin lagu xadgudbayo uun difaaca.
Idoor ayaa isku kiin diraya ee ogaadaa …
waxan la yaaba kuwan caqliga yar ee naqan leh ee moodaya inay meesha jufooyin ama beelo siyaasad isku haystaan… !!
AwdalState cadaalad iyo dimuqraadiyad ayaa kajirta ee taageera…
waar waraabe aan dadkeena wax u qabaneyn yaan qolo lagu difaacin.ilaahay halaga baqo. xumaan yeynaan isu raacin. hadii kale waan dabar goaynaa.tolkayoow qofka wax qabadkiisa iyo wax garadkiisa ha lagu taageero.
cabdi shide .
guulayso wadaniga dhabtaha allow dhowr.
waa ninkak afka ka qabtay tuugtii wadanka ku haystay xaqdarada ee cashuurtii umada laga qaadayay si muuqata uga haqabtiray.
kuwii ayaa maanta raba hadana in ay ku soo noqdaan oo ay umada wax loo qabtay ku bukuunaya.
ninkii shalay xilka laga qaaday ee wax lagu xasuustu u samayn maanta in uu yidhaah waxbaan qaban ma dhici karto.
biloow nooloow.
islamihii cashuurta laga qaaday ee hiliblaydii waxay yidhaahdeen sharaf ayuu nagu noolaysiiyay oo waxaan lanoo qaban abid ayuu noo qabtay.
ilaahiow toban saas ah u soo saar reer awdal.
waraabeyaal dadka cunay way jiraan. oo hadan wali u muuqdo wixii, lakiin mayor shide umada ayuu wax u qabtay ilahay iyo umadu way k marakacday.
balse ugu yaraan labadii mayor ee ka horeeyay ina magan iyo c/raxman cumar. bal waxay qabteen sheega, ma ka wax qabtay ayaa waraabe kuwii cashuurta badhan gayn jiray madaxtooyada badhna cuni jairayaa ayaa wanagsanaa.
waa umad maqluub ah.
qabiil ayaa idin madax maray ee daysta ka wax idiin qabtay. ee wixiinii idin tusay in wax la idiinku qaban karo.
mayor cabdi shide bile wxuu dadka tusay in kuwii ka horeeyay maxkamad la soo taago lana waydiiyo lacagtii umada halka ay mariyeen.
Ismoog……Seriously, aad baan ugu faraxsanahy inaan qoraalkaaga aan arko. welcome back.
HILDAANNOW TANI HA DANBAYSEE MAXAAD KA LEEDAHAY SIDA LOO QAYB SANAYO KHARIIRADII DUNIDU U DHIGTAY DHULKA SALIIDA LAGU TUHUN SANYAHAY DHINACA SOMALILAND AWDAL HA BADNAA IYO MAGAC YADA CUSUB EE SOMALILAND U BIXISAY.
Halkan ka daawo Mayor Shide Bileh oo iska fogeeyay dambigan lagusoo oogay,Ninkan Adeer halaga hadho horumar ayuu gobolka Awdal gaadhsiiyay kuwii hore ee cuni jirayba yaa laxisaabtamay heer ayuu gaadhsiiyay imikana daawo Mayorka oo kahadlaya shirqoolka loo dhigay iyo cida dhigtayba war jiraana cakaaruu iman
yabarag waxa lagu yaqaan xeelada mala awaalka oo uu aad macalin ugu yahay. Golaha deegaanku haduu qaldamo waa in ay jirtaa abood sixi kartaa waxayna u eegtahay in taasi meesha timid. Ma jirto cid Shideh waa bilaa danbi leh balse sheekadu siday u samxmayso haloo dhaba galuunbaa meesha taalay balse imika, heeladiiba way dhabaqday sacab dhalaan baa soo galay. Waxase aniga i cajabisay, tuug tuug in la soo qabta raba. Kuwan golaha deegaanka isku sheegayaa xitaa miyayna lahayn aqli ay ku fahmaan intii sheekada hada shiday ay raad baranaysay? Darbi, si kalood u diday mooyee, waxba tani samaroon baabiin mayso hadii quwado kale isku yimaadaana marlay ala aamin ma iisho. Ani cabsiyi qabiil kle igama hayso xitaa hadii aan waxoogaa ku soo hadh nana waxaad wadaase jacalyn samaroon maahee waa waa qaylo riyo state uun.
Bal daawada Samaroonoow Video-gan oo garqaada Samaroonoow Maanta ayuu soo shaqo tagay Mayor Shide Bile xafiiskiisiina wuu fadhiyaa, ninkale oo xagaa iyo Xeebta kasoo qaxay sababo la xidhiidha is badalka cimilada ayaa ku haysta Mayernimada Shide Bileh oo wax qabad lataaban karo gaadhsiiyay Gobolka Awdal mudadii 7 sanadood ahayd ee uu hayay intii isaga ka horaysayna ee Mayoro ahaa waxba may qaban jirin lamana xisaabtami jirin hantida shacabka ee ay lunsan jireen kuwii hore ee waxay iska ahayd qaatee qaado.
Mayoradii kahoreeyay waxba maqaban ee Ninkan Ilkaha Madhan waa inuu Zeiylac ka raadsado Mayornimo,Dadka reer Borama ee asalka ah waa laga gardaran yahay Reer Harowo iyo Reer Zeiylac waa damaaciyiin gardaran oo aan geedna kusoo gabanaynin waliba waxaa igaga daran qadara xabashiga iyo wanjalaada ay wadaan ilaahooga ha u meherad doontaan Reer Zeiylac iyo Reer Harowo hadii ay joojin waayaan munaafaqada waxaan keenaynaa Borama Ciidanka sida gaar ka ah u tamabaran ee degan CeelBardaale,Ciidankaasi oo la yidhaa (Kadleeye Army) waa ciidanka horjooga Sacad Muuse ee kaga siiyay reero dhan CeelBardaale ayaa lanaga haystaa ee dawladu hanoosaxeexdo waana ciidan Comandos ah ee Samaroonoow hadii Shide Bileh sidhaqso ah faraha looga qaadi waayo waxaan keenaynaa ciidankaasi oo shaqo idinka qaban doona ee isjira dhamaantiin hadaad tihiin Reer Harowo iyo Reer Zeiylac waana digniin kamadambays ah ee ogaada hadhow ayaad odhan doontaan calaa geel laayay.
Samaroon munaafaqada dhexdiisa waa looga fiicanyahay oo ha daayaan Mayor Shide Bileh oo dhisay sariimado casri ah,Kawaan casri ah iyo dariiqyo laami ah oo aanay ku riyoon Reer Borama waligood markaa ninka sidaa u dadaalay mahaboontahay in sidani loo dhaqmo…?
Bal u garqaada Samaroonoow inta aanu mashaakil dhicin ee aan faraha la iskulatagin waa in aad runta sheegtaan oo aad qaladkiisa saartaan ninkan ilkaha madhan ee fadhiistay xafiiskii Mayor Cabdi Shde Bileh bal ka faalooda idinka oo aan eegayn qabyaalad iyo nin jeclaysi.
Qaar baa leh lacag buu ku tuntay adeerayaal dadka kadaaya sharaftooda aad ku ciyaaraysaan ee aad saaraysaan dambi ay daan shaahid u ahayn,oo aydaan u joogin meeshii uu wax ku lunsaday iyo halkuu ku tumanaayay waa xaasidnimo iyo isku quudhi waa nolosha kaliya ninkan oo Samaroon ka raganimo badan oo kakarti badan walaahi waageesi ku dayasho mudan lkn waa idiin sheegay hadii faraha lagalabixi waayo Ciidankaasi Kadleeye Army ayaan u dalban doonaa.
Halkan ka daawo Damaca Reer Zeiylac iyo Reer Harowo.
Ma runbaa
Aaryaahee Marunbaa xageed ka dhacday baryahan ma dhoof ayaad gashay….? hiildan ayaan ka sugaynaa meesha aad nagasoo wacayso Awdal State Samaroonka dhiiga leh ayaa wata maaha adigoo kale oo SNM u haysta shacbulaahi mukhtaar kaba qaad ilaa kaba leef cadho ku dhimo ama iska dhiib Hargeysa yaa laan gaab ehlu naar.
darbi.
wax sixid uma socotid, ee isku dir ayaad u jeedaa. rag ayaad rabtaa in aad mdaxa isku galiso, taasi dhici mayso. gadiidna waa daacad oo damac uunbaa hayee rag ayaa ujeedo fog ka leh meesha.
waase in ay fahmaan beelha 2da nin, oo ay ka digtoonaadaan. waxa socda rag bdan oo afka kala waaxay oo qaarba dhinac u hadlayaan, nasiib wanaag ragaas maahin beelaha ay ka soo jeedaan 2dan nin balse waa dad kale, ujeedaduna waa munaafaqad.
ta labad labadan ninba wa rag reer awdal ah, labaduba xaq ayay u leeyihiin positionka, lakiin waxa kala saari kara sharciyad dawlad ayaana meesha ka talisa, taas uunbaa u xilsaaran. cidina ma dhaafi karto sharciga.
waxa intas dher in beelaha labadan nina ka dheregsanyihiin cid munaafaqad la dhex timaad, hadii ay ka digtoonaan waayaana dhibteda ayaa iman.
mana muuqato in waxaas hada u joojinysa. dawlada uu saylici madaxweynaha ka yaay uunbaa boooram ka talisa taas uunbaana kala saari.
marunbaa.
waad la heshay waa qaylo riyostate waxani cid ay u danaynayaan ma jirto balse jaanis ayay intan ka dhexraadinayaan.
Samaroonoow halkan ka akhrista cida kaliya ee qabankarta xilka Mayorka Borama waa sidan ninkii iska waaya Liiskan hatago meessha uu u dhashay oo ilaahiisa ha u meherad doonto waxaan lahadlayaa Reer Harowo iyo Reer Zeiylac Liiskan hadaad iska weydo meesha kuugu dhaw waa inaad tagto oo aad ka raadsato shaqo sida Mayornimo iyo waxii kale.
Mayorka Awdal waxaa qaban kara reerahan hoosku quran.
1-Reer Maxamed
2-Muuse Fiin
3-Reer Nuur
4-Xasan-Sacad
5-Haber Yasef
6-Xeeb Jire
7-Reer Xaamud
8-Cali Ganuun
9-Basanayo
10-Bahabar Xasan
Reerahaasi ayaa qaban kara xilka Mayornimo ee Reer Harowo oo Xabashi kasoo qaxay ha ogaadeen in maanta Males Zenawi xoriyad taam ah siiyay Kililka 5aad oo ay dawladi u dhalatay.
Reer Zeiylacna waxaan u sheegayaa idinkuna waxaad kasoo qaxdeen is badalka Cimilada oo maanta casri ayaa la gaadhay dhista Zeiylac oo guryaha gashada mukayifyada qabow oo idinka ilaalin doona hanfiga kulul kaneecadana iska buufiya dhib kale oo Borama aad dadka u dhashay ku buquujisaan idinma haysato Ciisena heshiis baad tihiine ka bul dhaha hadii kale anigaa labadiinaba shaqo idinka qaban doona.
kkk.
darbi.
bal reeraha qaarkood garanaye,
Bahabar xasan
iyo Basanayo halkeey ka soo galaan galaan awdal awdl reerba kama degana..
bahabercelina xageed ugu diiday.
malaha dhul aqoon baanad ahayne, ragu miyanaay libaaxley degeneyn, miyaanay boon ilaa abase taxnayn.
lughaya xaaxigeeda miyaanay daadsanayn.
adi reer nuur xageed ka soo gashaa awdal degmada dila mooyaane.
darbi ka joog ha silban salaanada qaar lagu kufaa jiree.
bahabar xasan waayo……sawnigii isku haystay inaan gadabursi wada aqaan.?
timacade.
bahabar hasan waa qabiil ka mida qabilada gadabuursi.
waxay degenyihiin gobolka shiniile ethopia waxa ay isla degaan qabiilo la ydihaa b/cabdalo iyo celi. waa beelahas waana makaahiil gababuursi.
darbi ma aha nin dhul yaqaan ayaan u malayn.
darbi Samaroon… waa runtaa Awdal state Samaroonka dhiiga leh ayunbaa taageera… dabadhilifyada looma ogolo… kabaha laqaado ayay la barteen ee haku daalin..
mida kale inadeer naga jooji beelahan ad kala qaad qaadaysid.. looma baahna waxaas o kale.
guul awdal state.
cali qurbomeer state.
awdal ninkii lahaa ayaa u doobinayee orodoo dhulkaaga oromada iyo ogadeenku kugu garaacayaan wax ka qabo.
awdal 10% in ka yar ayad degentahay.
dhulkii aad 90% degenayd waxa la qaybso, sadexmadaxweyne ku xigeen ayaa loo sameeyay kililka shanaad maxaad xataa uga hadli wayday xaqaaqa, maad dhulkaaga ka talisid, waar wuxu caqli xumaa.
awdalstate ma cirkaad gayn mise harawo.
Timacade, ana kula mid baan ahay oo runtii maantaa ii maqala qoladan jidiidka ah.kkkkk. Mise sidii reer barigaan kolba qolo kusoo darsanaynaa hadeed. Laga barayba laga badi. Bahabar xasan ayaa vocabulary gayga qabiilada kusoo biirtay. Dumis Samaroon, car mar uun sidii nin u hadal intaad cay iyo hadal nacas raadinayso. Fulaha waxa lagu gartaa meeshii raqi jirtaba wuu isku daraa. Wakaas reer nuurbaa borama leh la soo shir tagay, maxaa u diiday inuu nabadiid iyo mashruuca iyo dhulkuu gabaatiga u bixiyey inuu sheegto. Ceel bardaale oo xuduntii samaroon ka ahayb buu moodayaa inuu qayr kii ka qaatay. Dumis samaroonoow car wakaase taariikhda reerka Dila bari u dhaafi ilayn waan ku ogo hoo cabsi baad la saxane.Dumis daba ka wareen, inakala ilaali geeso goodir baan leeyahoo hadaan mar ku sudho laayga kaa goyn kari maayee.
Hiildan wuu ogyahay halkaan ka soo bildhaanto, waxan kuu maqnaa dee wax fikirkayga khuseeyaa meesha ma oolin waayadan sheekada jaakir kana kolba intii isla jaanqaadaa la dhagaystaaye meel kasta laguma dhax boodo.