Kaalay Waa KulanExpress, Kulankeenna Lacagtuye..!

Sidii bakhayl kaalaxay,

Ama Fule Kalyo lahayn,

Ha kaydinin lacagtoo,

kiishuun haku tuulinoo,

halla kuudadin kadinkoo, 

Way kaa lumi hays odhan,

ama xawaaladahan  soo kordhay,

kuwii hore ma dhaamaanoo,

ku kaafiyi maayaane,

Bishaaro kurbadaasi

kal horay  ku daysayoo, 

karbaa dhacay Allaylahe,

Koox hor lehbaa timid,

Ku kool-koolinaysoo,

Kalsooniyo leh aaminaad,

Kartiyo hufnaan badan,

kor u dhaafay kuwii kale,

Durba keenay hormar ,

Kasbadayna macaamiil ,

Koonka dunida joogoo,

Kashkiyo lagu hayo laabta,

Kollayse hadalku badnaaniyo,

kuma fiicna karaaroo,

kolay(haan) lagama buuxshee, 

Kulligeedba murtidii,

Kusoo koob kalmaddanoo,

kaalay Waa Kulan Express,

Kulankeenna Lacagtuye

KULAN EXPRESS  Ltd

Waa Xawaalad Casri Ah

Waxaan la socodsiinaynaa macaamiishayada sharafta leh in ay Websitekayaga shaqo ku socoto Fadlan la xiriir wakiilada Xawaalada ee boga dhiniciisa bidix ku taxan hadii aad dagantahay UK la soo xidhiidh Cinwaanka iyo telefoonada hoos ku qoran . MAHADSANIDIIN.

24-26 High Street       Southall,Middlesex       UB1 3DA       .

Email: info@kulanexpress.com

Tel:+44 (0)2079938487.

LONDON

Xassan : (+44) 7545444560

Axmed l : (+44) 7538239300

Abidiqani : (+44) 7805861041

Cabaas : (+44) 7415364459

  • WAKIILADA CAALAMKA

    • BOORAMA:25224456005 ama +44(0) 2033710186
    • SWEDEN : +46764312297 , +46700495850
    • NORWAY : +4740622928
    • SWISS :   +41763856554
    • AUSTRALIA : +61403147301
    • MOGADISHU : +252615501286
    • DUBAI : 0097142202072
    • NETHERLANDS : 0031104702296
    • 0031684272647

Copyright (c) 2011 kULAN EXPRESS LTD

About these ads

Categories: Warka (News), Xaysiis(Publicity)

8 replies »

  1. mashalah.
    gadabuursigii xawalado ayuu yeeshay, tii ina cidgal ayaa ugu horeysay uguna danbaysay.
    dhinaca horumarka weeyi balanteenu.
    guulaysta.

    • Sidii bakhayl kaalaxay,

      Ama Fule Kalyo lahayn,

      Ha kaydinin lacagtoo,

      kiishuun haku tuulinoo,

      halla kuudadin kadinkoo,

      Way kaa lumi hays odhan,

      ama xawaaladahan soo kordhay,

      kuwii hore ma dhaamaanoo,

      ku kaafiyi maayaane,

      Bishaaro kurbadaasi

      kal horay ku daysayoo,

      karbaa dhacay Allaylahe,

      Koox hor lehbaa timid,

      Ku kool-koolinaysoo,

      Kalsooniyo leh aaminaad,

      Kartiyo hufnaan badan,

      kor u dhaafay kuwii kale,

      Durba keenay hormar ,

      Kasbadayna macaamiil ,

      Koonka dunida joogoo,

      Kalshkiyo ku wada haya laabta,

      Kollayse hadal badnaaniyo,

      kuma fiicna karaaroo,

      kolay(haan) lagama buuxshee,

      Kulligeedba murtidii,

      Kusoo koob kalmaddanoo,

      kaalay Waa Kulan Express,

      Kulankeenna Lacagtuye

      Waxan u hibeeyay Xawaaladda KulanExpress
      Ateyeh

  2. No more dhiigshiil miya?? horta maxa ka run ah in magaca dahabshiil oo niin reer borama u saarey???

  3. abdilaahi .
    ha odhan sidaas business ku waa mid ka reeban kuxumee iyo cid nacayb, arzaq yaa fataax, cid kasta u furan.
    dahabshiil wuxuu hawaaldihii soomaliyeed ku dhaafay waa qalbi daacada. markaa xawaalda foofka ha ka xumayn.
    waa xawaalad soomaliyeed. cidna kuma eryayso .
    kulan magaceegu waa dad oo dhan ayay kumisay.
    guulaysta

    • Ceebla,

      koleyto waxa ku jawaabey mustafe maanta business waliba waxa u ku saleesan yahay qabyaalad. inta xawiilad ee jirta niin waliba mid reerkiisa ayu ka dirta. dahabshiil 90% waxa ka dirta waa beesha dheexe wakhtigan xaadirka ah, wana sababta ku keliftey inu quwada saaro business kale sida bank amba shirkado
      adigu wakhtigii hore ee dahabshiil u hormood u aha somaali oo dhan ee walaalo la jaanqaad waayan cusub

  4. Ceebla
    Abdilaahi daa wakhtiguuu la socdaaye adi daacadnimadii caadiga ahayd baa wadaa ee loo baahnaa lakiin soomali daacadnimo ka dheer,Ninka dhiigshiil ee leedahay qalbi wanaag buu dadka ku dhaafay Adi aan ku waydiiyee qalbi wanaag maxaa u taqaan?
    Anuu waxaan aaminsanahay dhiiiigshiil inuu ku sifoobay siaha magaciisa ka muuqda kaasoo cid gaar ahi ay dan ku qabto waxaan tusaale kuugu filan Burco ama Hargaisa Biriigyo ayuu ka dhisaa halka Asarda uu ugu deeqay wax ka yar 1km dhiskiis Ogaw lacagtan u haystaa waa taadii, taydiii iyo teeniii oo uu farsameeeyey markaa waxa uu ku qasbanyahay inuu umada dhex u noqdo hadii kale waa dhiiiigshiil, Markaa walaal samankiii daacad ay soomali ahayd lama joogee xaalada la soco oo dadkaaga dhinac ka raac
    mahadsanid.

    Kulan express waa soo dhawaynanaa, Hana guulaysato.
    No more dhiiigshiil aan waxaan dhigano faaiidadeeda wax uga soo celanayan u madiiisa,
    Is waydiiii Hargaisa 20Branch buu ku leeyahay waxa ka shaqeeya in ka badan dhowr Boqol Burco la mid halka Awdal uu ku leeyahay 2labo why? Kolay Ujeedad nin ragii waa garan Midka kalena alle ha garansiiyo “Doqon odhan mayneee!!!!
    Nin ku yidhi sinaan mayno adna diid sarayntiiiisa.

  5. Hambalyo cidkasta oo horumar ka shaqaysa, waxaanse jeclaan lahaa in la siiyo talo iyo tusaale si uu horumar u gaadho, ee maaha in dadkale meesha sheekadooda la keeno,ninkan aad sheegaysaan hadii uu shaqaystay oo uu wadankiisii dhistay waa fariid ee adiga maxaa kuu diiday in aad ku dayato wixii wanaag ah ee uu qof sameeyo, maxaad isku hoos dhigi ood u baryi nin qayrkaa ah.
    ma lasocotaan in Isaaq oo dhani isku raacsan yahay in aanu Gadabuursi kaligii dhisan karayn 15km ee Boorama iyo goroyacayl u dhaxaysa? maxaa idiin diiday in aad la ficiltabtaan qayrkiin? ood tustaan in waxa ay sheegayaan aanay run ahayn?
    waxaan rajaynayaa in Illahay na tuso dariiqa toosan ee Samaroon ku midoobo, kuna gaadho horumar.AAMIIN.

  6. Hambalyo C/qani waa heer-sare,marbaa lay soo bandhigay in Aan wax ka iraahdo lkn waqtiga ayaan ii saamixin,marna hal-abuurka way ku adkaataa mar hawl caynkaas ah laga codsado e siday kuugu dhib-yaraatay adiga,in Aad mar keliya ku qorto tixo mug iyo baaxad le,si kasta ha ahaatee Hambalyaan ku leehay mar 2 Aad.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: