Eng Cumar Shimbir Iyo Suldaan Samatar Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Marxuum Cabdilaahi Yuusuf(AUN)


About these ads

Categories: Warka (News)

17 replies »

  1. Horta Allaha u naxariisto Marxuumka, waxanse magacisa ku xusuustaa Xabashi oo Xamar gashay, waa sawir waligay igu yaalla. Maalintii an maqlay xabashibaa Xamar gashay waxan joogay xajka, waliba Buurtii carrafa, aadbaan uga naxay

    • Ilaahay ha u naxariisto marxuumka waa jid lawada marayo,Sax wlhi Anba sidaas oo kale ayaan ku xasuustaa markan maqlo magaciisa ilaahay khabriga ha unuursho aamiin.

  2. what a criminal 50kun oo xabashiya ayuu ku soo hogaamiyay
    muqdisho. dad badan oo masakiin ah ayaa ku dhintay
    sharaf kama tagin.

  3. Mahadsanid Hiildan,

    Inta aad noo soo bandhigtay in Mudaneyaal reer Samaroon ah ay u tacsiyeeynayaan Madaxweyneheeni hore Allah yaa raxma raaximiin.

    Hadaan dhan kale kaa tuso sababta Xabashi u soo gashay Muqdisho ma ahayn arin ah xumaan mutuxan dhanka dowladii markaa jirtay. Laakin waxay ahayd laba daran mid dooro!.

    Anigu waxaan ka mid ahaa dadka Xabashida ka doortay Alshabaab.

    Sababtoo ah ruuxi aad ugu dhuun daloolay xaalka wagaas. Wuxuu fahmi karay in Muqdisho noqonayso ToraBora iyo Caasimadi Afganistan. Hadaan gargaar ciidan la helin. Madaama aay dadka badankood sida adiga Xabashida nacayb u qabeen waxaa guulaystay power of the people and we full it.

    Laakin Maanta umada Somaliyeed kadib dhirbaaxadi diin ku soo gabadayaasha guracan. Indhahaa u furmay oo Xabashi is not the first enemy any more.

    Aniga sedex jeer ayaan tegay anoo andercover ah Ethiopia si aan u helo shacbiga Ethiopia waxa niyadooda ka guuxaya. Wax aan kuu gu dhaarto ma aqaan laakin daacadi moral they are cleanar than us. Cuqdada aan qabno Somali iyaga waxay rabaan in aan ka tilaabsano oo aan bilowno waji cusub.
    Cid ii dirtay maleh Ethiopia laakin kaskaay ayaan u baaray. Waxaan maray dhulal badan maalmaha dalxiiskayga waxaana la sheekeystay darawalo ilaa old millitens waxaan guryo ka kiraystay dadyow kala duwan. Waxaana u sheegay in aan walaalo nahay wayna iga aqbaleen wax baan la cunay meel baan kula hoyday. Dad kala duwan lacagaan ka sariftay afkoodaan xoogaa ka bartay!.

    Intaas waxaan u sameeyey in aan ogaado maxaa na helay?
    Laakin ogoow anagaa ka niyad xun dadkaas. Deriskeena ah. Maantana waan ku faraxsanahay in Marxuum Cabdulahi Yuusuf iyo brof: M. Geedi aay kaliya doonayeen in aay badbaadiyaan umada Somaliyeed ee dabinka hoogan ku sii socday!.

    Inkastaay ku guuldaraysteen badbaadinta umada hadana umadi ayaa kala ogaatay waqtigan xaadirka ah, walaal eed la iyo cadawgooda kala arkay, kalana aqoonsaday waana eebe mahadiis!.

  4. Alla ha u naxariisto Marxuumka,suaasha alle haw khafiifiyo,qabrigana ha u waasiciyo,janooyinkiisana ha ku soo dhaweeyo,aamin.Markaan fikiray qarandiidkii Muqdhisho iyo amhaaro wale isma dhaamaan.

  5. ilaahay ha u naxariisto cabdilaahi yusuf ,wuxu ahaa geesi somaliyed la dagaalamay kalidii tiliyiihii ina bare wuxu ahaa qofkii ugu horeyey ee arkay cadalad darada markaa somalia ka jirtay wuxu ahaa ninka kaliya ee darood baa haysta meesha darteed u dawan dhibtii jirtay ee ka doortay inu bananka u baxo oo la dagalamao siyad bare, dhinaca kale wuxu uga tagay dadkisa uu ka soo jeedo wax wayn oo ay waligood ku xasuustaan oo wuxu u sameeyey maamul goboled ay igaga danahooda kaga tashadan iyagoon cidna u daba fadhiisan mustaqbalkooda,waa ninka diiday in qabiil kale uu u taliyo madaxna u noqdo waa geesi waa in loo dhisaa taalo tii siyidka oo kale ah ,ilahaow u naxiriso

  6. gudoon,
    Alla ha naxriisto Cabdilaahi Yusuf lkn qabiilkiisa uunbuu geesi u ahaa. Somali intay dhaheen dhaheen cadaalad daro ayaan
    la dagaalamaynaa bal eeg waxa wadankii ku dhacay.
    anigu waxan rumaysanahay in uu Siyad bare dhamaay USC, Snm iyo SSDF.

  7. fariid run qabiilkiisa buu geesi u ahaa tusalana somalia oo dhan buu u ahaa usc ssdf iyo kuwa kalaba isagay ku dayden, cadaalad daro in lala dagalama aduunkoo dhan way ka dhacdaa lakiin sida wadankeena looga dagalamay waa wax aduunka ku cusub qabiila la inoo qaybiyey qabiilna qabiilka kale u naxeen somalina ninkii xooga laha meshiisi isaga ka taliya markaa cabdilahi yusuf inu geesi ahaa waxa lagu gartaa geesiga horta gurigiisa buu ka bilaaba ,han guntay ka tolantaa hagaaji meeshada markaa jaarka u gudub.

  8. marxuun Abdullaahi Yuusuf iyo ilaahiisa ha la isku dhaafo,naxariis in loo dalbana waxay u baahantahay aqoon diimeen.

    geesi in lagu tilmaamana aanu ma qabo isaga iyo qaar kalo badan wuxuuna lambarka koobaad kaaga jiraa ragi soomaali halaagay.

  9. Aniga Marxuum Cabdillaahi Yuusuf Axmed Saaxiibo dhaw ayaan ahayn Sanca ayaan wada deganayn wax badana wuu ii faaiideeyay walaahi Sidaad moodaysaan maaha Odayga waa nin Somali jecel waa ninkii u horeeyay ee soo celiya nidaam dawladeed oo Somaliyeed Siyaad Bare dabadiina fadhiista Villa Somalia,

    Cabdoo Qaasim Salaad oo HabarGidir ah ayaa fadhiisan kariwaayay madaxtooyada Somalia oo ay u awood sheegteen Qanyare iyo hogaamiye kooxeedyo,Kalmadihii uu igu dardaaray waxaa ka mid ahayd SNM ha isku dhiibina Samaroonoow hadii kalase meel fog ayaa la idinka raadin oo way idiin dhamaan hadaad tihiin Samaroon oo Xajiya midnimada Somaliyeed,

    Dharaaro aan gurgiisa ku booqanjiray waxuu igu yidhi Reer Awdaloow hasii deynina xadhiga Somalinimo ku qabsada gaws dambeedka u dgaalama oo gacantiina ayay ku jirtaa sharafta wadankeena waxaa hadaladiisii ka mid ahaa Anuu Al-shabaab ayaan la dagaalamaye idinkuna SNM u quusgooya inay wadanka kala jaraan oo la dagaalama sidaan ula dagaalamay Alshabaab dhinaciinana ka xajiya yaanay dheeliyin.

    Odaygu Allaha u naxariistee aadna wuu iila taliyay dhawaan ayuu Sanca Ka Tagay oo Dubai u guuray sababo amaan daro awgeed.Marxuum Cabdillaahi Yuusuf waxuu ahaa geesi Somali ah Ethiopia haduu soo geliyay isaga iyo Prof Geedi way ku saxsanaayeen oo AlQacida ayaa ka xun Ethiopianka waa wadan aan jaar nahay oo maanta Samaroonka kililka shanaad ayaa ka mustaqbal fiican Samaroonka Somalia Tigreeguna waa dad ka fiican dhargigii xumaa ee Manguistu allaha u naxariisto janadana ha geeyo marxuum Cabdillaahi Yuusuf.

  10. Horta wax yaalo badan oo Samatar lagu sheegi jiray baa maanta yara dareemay waxanan garan waayey aragtidiida waxa ka duway dhamaan suldaanadii soomaaliyeed. Waxan is idhi ninku ma wuxu ka mid yahay samaroonkii faanka daarood jeclaa. Gudoon, Cabdilaahi yuusuuf kalidii taliye lama dagaalamin ee nin damac xun oo kalidii noole ah buu ahaa. Hanimuufo, kas dhawidaa halkeed ku aragtay Abyssinian saaxiib somali la ah. Ma kolba wixii tuugta bilaa damiirka ahi meelahaas ku soo qortaad run mooday. Intay kaa aar goosanayeen waysameeeyeen wax badan baase kuuugu hadhay. Mayd lalama dagaalamaa la yidhi balse siduu Durkiye yidhi waxan aamin sanahay in ay cilmi u baahan tahay in loo ala baryo.

  11. Marunbaa,

    Ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis. Ciidamada Ethiopia allaha ii daayo.

    Adigana waxaad Ethiopia ugu taagantahay allaha kaa dabiibo.

    Waayo aniga iyo adigu labo bariday kala war la’ayaan nahay waxaana ii cad in dantaaydu taada ahayn taaduna tayda ahayn. Hadaad i leedahay Abasinia nac oo Alshabab iyo Alqaida tageer. Aado kugu diiday taa!

  12. HaniMuufo,

    abbaayo macaan ka joog,waxaa la yidhi nin Amxaaro koriyoow adidaa u ayeee axdi malaha reerkaasi, hadaad afar maalmood joogtay magaalada Addis oo aad tagtay adoo qurbaha ka yimid oo yara dhalaali ka dibna ay ku hor naanaabeen waxay arkayeen in u jeebkaagu dufan iyo doolaar ku jiro intaas uunbay u dan lahaayeen in ay canjeero iyo duqus lagu laab dilaaco kaaga fara maroorsadaan.

    Al shabaab iyo al qaacida waa dad muslimiin ah oo ciil iyo caloolyoow ka qaaday sidaay ay reer qalbeed iyo gaalo qalbiga ummadda islamka ah ugu ciyaaran way jirtaa in ay qalad fara badan ka galeen ummadda soomaaliyeed laakiin waa wax ka yar 2 ama 3 sano waxay jireen in arrinta la garab dhigo Amxaaro iyo Tigree dhulkeena 800 sano gumeysi iyo bahdilaad ku hayn jiray in aan maanta al shaabab ka raaco waa gef iyo ceeb.

    Haniyaay anagu hadaan nahay reer Djibouti ama reer waqooyi Amxaaro wakhti uumbaan la sugayna waxaan kula noolay nabad la yidhaahdo INDHACADAYS Addisna waxaan joogay 2010kii waa lagu noolan karaa laakiin waxaan ka doorbidi lahaa Xamar,Hargeysa,Djibouti iyo iwm in aan ku noolaado.

  13. durgiye13,

    Arintuba si kasto ha ahaatee maanta la joogo waxaa loo bahanyahay nabad!.

    Hadaad Amxaar dagaal la geleyso adiga lee waaye aniga Amxaarka iyo Carabka Alqacida Amxaarkaan doortay!

    Hadalkaad meesha keentay ee ah islam baa la bahdilay waxay u dhigantaa selfishness and self pity. Aniguna igar maqaar loo sido maahi. Alxamdu lilaah waan ka koray in laaygu sasabto islam baa dhiban!.

    Waligeey ma arag wadan Islam ah oon ahayn African oo meel disaster ka dhacay u gurmanaya.

    Suaal Islamka sida Middle east ee ugu quwada badan diintana dadka gaarsiiye maxaay waligood aanay gurmadka ugu horeeya u samayn gaalkuse ugu gurmadaa aduunka meeshi balaayo natural of man made ahi ka dhacdo?.

    Maxay u sugaan inta gaalku yiraahdo war wax soo dhiiba umad baa dhibane?

    Maxay sadaqada u geeyaan Roma aay bangiyadooda ka qadaan oo ribada ugu yeraan. Lacagta bangiga dadka u dulsaranta rent ah Africa oo dhan baa muslin baahani buxaaye?

    Filimkaan daawo kadib bal aan suaalo iska waydiino Gumaysiga aad sheegtay ee Ethiopia haduu ka xunyahay kan Islam arabs do with Black people!.

    Aniga afkayga xumbaa ka imanaysa hadaan maqlo beenta Islamku baafinayo iyagoo dhibaatooyin geeystay
    walina ku indho adag!.

  14. oh HaniMuufo! aniga waxayba iigu daraan tahay markan marwo Muufo Dubaysa isku doonto kkkkkkk sawtan ku dhawaatay in ay ii kala tiriso Haniyay waxaa laga hadli waa diin ee maaha Carab iyo wax dhintay shalayna waaxaan ka hadlaynay in hortaa la kala saaroo dhaqanka xun ee carabta iyo diinta islamka ee suubban.

    intaad u boodin adoonsigii loo geystay dadka madoow ee afrikaanka ah miyay qurux badnayn in hortaa la ogaado goormay la bilaabay adoonsiga?iyo muxuu islamku ka qabaa in la is adoonsadu?

    Miyuu ahayn islamku kii horeeyey Bilaal ibnu Rabaax oo ay carabi adoonsan jirtay?

    Marki ay jirtay dawladda islamka ee Rsuulku(SCW)hoggaamiyaha u ahaa daraja labaad waxaa joogay ninka mu,adinka ah wuxuuna ahaa Bilaal.

    in la is adoonsado waa dhaqan jiray islamka ka hor iyo ka diba markii afrikaanka la bilaabay in dhoofiyanaa waxay ahayd marki ay burbureen dawladdihii islamka sida Andaalus iyo Awdal iyo meela kalo badan.

    soomaalidu markay iyaadu beerka dhulka isku saarto ayay kala garan waydaa kii u saxiib ahaa iyo kii dhafuurka camuudda u saaray sooomaali iyaada halka is dhigtay oo hub daxal leh intay Amxaaro ka soo ijaaratay ku soo duushay guryahay ku dhasheen waana ceeb in lagu xoqdo carabta iyo diinta islamka.

  15. Ali Durgiye iyo Marunbaa…….Saxiibayaal Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala qaadaa. Maanta dhibta Somalia ka jirta ethiopia ma keenin shaqanan kuma laha. Ogaada marka wadamada aduunka ugu waa weyn ee muslimka ah la sheegayo , afrika waxa kaga jira, Ethiopia, Nigeria iyo Egypt. Ethiopia waa wadan muslim ah, dadka degani muslim baa u badan, lakiin waa umada fahamtahay, inay qaranimadooda aan diin loogu soo gaban in laga dumiyo. Waxay la dagaalamayaani waa qaran dumis, waxayna ahayd inaan la safano oo aan dagaalka dhinacoda kasoo jeesano. Somaliland, way fahantahay wadcigan, nabadgelyada ka jirta Somaliland waxa masuul ka Ethiopia. Ninamkan Shabaab iyo Alqaacida, muslimba maaha ee waa gangesters, wadamaad aan dawlaha lahayn ku tababarta dadkooda. Somalia waxa loo soo diray wadaado sucuudiga lagu tababray inay dhaqankeena iyo dinnteena suuban jahawareeriyaan oo ay waahibi ay waxaynaan shaqo ku lahayn oo ah ” political Islam” ay ku baabiyaan dhulkeena.

    Ethiopia waa cadaw ay carabtu inoo samaysay si ay Somalia ” de-stablized ” u ahaato weligeed ee maaha cadaw dabiici ah. Cadawtininmada aan uhayno ethiopia waxa sii xoojiyey, dagaalkii hoose ee ” Water Wars” la yidhaahdo ee ka dhexeeya egypt iyo Ethiopia ee biyaha Nileka. Somalina cadawada daaimiga ah ee aan kula jirno ethiopia waa mid byproduct of ” proxy wars” ka carabta ah.

    Ninka sheekha ahi, xural caynta uu tilmaamayi waa ” Centerfold of Playboy” anigaa copy usoo diri haduu rabo, maba ah inuu akhiro sugo, bloody hypocrite..

  16. Xabashidan iyo Xabashidii hore ee Dhargiga Farqi weyn ayaa u dhaxeeya maanta Ethiopia waa wadankayga 2aad ee aan ku kalsoonahay anuu waxaan ku kalsoonahay dhamaan wadamada geeska Africa waa Ethiopia halkaasna ayaan jecelahayn in aan ku noolaado mustaqbalka dheer iyo kan dhawba waana wadankayga cid iga horjoogsan kartaana ma jirto dhalinyar badan oo reer Dilaad ah ayaa jaamacado kasoo baxay 10kii sano ee u dambeeyay anagu markii wadankayagii Somalia burburay meesha noo badiil noqotay maanta waa Ethiopia cidnoo sheegtay mahayno waanalsoo dhaweeyay si fiican waxbarasho iyo shaqooyin fiicana way ka heleen dhamaan reer Dilaad oo waxa hayadaha dawlada ka shaqeeyaa ee Kililka 5aad waxay u badanyihiin Rer Dilaad waa dalkayagii markaan u qaxnay AwBare si ayay noosoo dhaweeyeen dawlada Ethiopia waynay ku mahadsanyihiin meel aan intaa ka helayba ma jirto markaan qaxnay.

    Durgiye 13

    Aado maxaad Borama uga reebtay caasimadaha geeska Africa oo ad u nacday in aad ku noolaato…..? Hadii aad Xabashi nacday Hargeiysa Borama ayaa kaaga dhaw ee usoo dalxiis tag markaad ka timaado qurbaha ilayn Djabouti araarada ayaa kusoo weerari hadaad tagto oo Balbala ayuu hanfigu kugu leefi meel ay joogaan reer Abtigaa Samaroon oo leh cimilo wanaagsan oo indhuhu ku doogsadaan waad iska ogtahay waa Borama iyo Awdal State nabadgalyadaan sugaynaa horta yar sug intaan xoreynayno hadii kale waxaan kaaga cabsi qabaa in mid SNM ahi ku dilo oo ay nagu masanidaan sidaasi ee horta yar sug ka dib ayaan iman waa sidaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: