Ku Nasta Heestii ‘Dhooleey’ Iyo Cabdoo Xamar Qoodh(AUN)

About these ads

Categories: Suugaan(Somali Literature)

109 replies »

  1. AMAZING..!!!!, Cabdoo(Allaha u naxaristo), aniga fikradayda waa fannaan qarni ka horreeyay fannaaniinta qarniga.. SIMPLY THE BEST

  2. Warka Iiga Jagac Sii.(Mar kale iyo Cabdoo)..kkk

  3. Hiildan…..I see a bit of afro-caribean Calypso dance, A bit of Irish foot work, a bit of ethiopian shoulder work out, and melodic somali vocals. A feast for all cultures, I trust, and I enjoyed it. Thanks

  4. Marxuun Cabdo Ismaciil Buux(Xamarqoodh)(Gofane) AUN

    annuu waagi horaa maba xiisayn jirin qoobka ciyaarkiisa laakiin hada waxaad mooda in u ku tayaan jiray afro-amerinkan dhagada moolaysta ee is wadhaamiya.

    marbaan aad u xasuusta uu show kula dhigay Hotel sharaton nin faanan caan ahaa oo u dhashay dalka camaroon oo la odhan jiray Mani Dibango runti waa la kala garan waayay Mani Dibango iyo Gofane siday u tuwiisaayeen

  5. Nacas fiiro daranoo, wakhti fiican haystaa, raganimo ku faanee, faraweey adduunyadaa, nin fariida lumisoo,raganimo fasaqantee

    Wali fari kama qodna Cabdoo iyo imikana heestii Filsan

  6. Hiildaan…….Hadaad hayso, heestii nimco jamac ee Hiddidyoy Hiddii ( orginal Lyrics not the sanitized version……please soo daa)

  7. Timacadde heesta diiyooy hidii hiddiidiiyooy hidii ma taasaad u jeedaa. Haddii ad sidaas u jeedo waxan filayaa inuu Siciid Xamar qoodh leeyahay

  8. yes. iyadaan u jeedaa

  9. Ok inta an heestaas kuu baadhayo, waxa kale oo an idiin soo xulay hees yaab badan sida reer Jabuuti u tarjumeen… HIT THE ROAD JACK…Way Xamarqoodheeyeen…kkk

    .. kana waa Siciid(aun)

  10. Siciid Xamar qoodh heesihiisa oo youtube muuqaal ah ma jiranbaan u malayn oo lama duubin laakiin maqal waa la heli karaa

  11. Cali wayjiraanheeso Siciid leeyahay oo Youtube ku jira isaga oo muuqaal ah..

    Dawada DIKHIL

  12. It is really funny…..aad baan u dhegaysan jiray radio jabouti makaan yaraa, lakiin magacdii uunbaan dirqi ku xasuusta….waxa jirta hees kale oo midhaheedu ku jireen……..anigoo ku sugayoo kuu taagan surin baad ( kuu taagan sees baad) suki suki igu dhaaftoo…..oo aan aad u jeclaa, mase xasuusto cida qaadi jirtay.

  13. timacade hibo maxamad ayaa qaada heesta malaha djibouti

  14. waan idin salaamay dhamaantiin rag iyo dumarba , salaan ka dib in dhawyto meeshan maan soo galine markaan maanta soo galay waxaan arkayaa ruwaayadii hiildan ceebla iyo inyta kalee meeshan soo gasha iyo daawada yaasha oo fara badan, waxana idiin soo gudbinaya siday u kala jilaan iyo magacday matalaan ee akhris wanaag san,

    hiildan — waxuu inoogu jilaaa ——– araa araaaaaaa

    ceebla waxay noogu matashaa ——— labo magac waa — wiilo kir iyo gurayo

    darbi samaroon waxuu ku matalaa——— doobiye

    timo cade waxuu ku matalaa ——- cismaan naagood

    gudoon waxay ku matashaa — xaawo dheer , ka gabada intan ahayn…….

    faradiid waxuu ku matalaa ——– gadh male

    salal waxu ku matalaa = caasha luuuuuuul

    mustafe waxuu ku matalaa ——- cismaan bood bood

    waxaas oo dhan waxa garan kara nin boorama asali ah

    kuwa kale ee hadhayna waxay ku jilaan waan soo sheegi doonaa
    ana i soo sheega cidaan ku jilo kkkkkk

    waa ex rooble afdeeb

  15. kkkkkkkk

    Guuleed adna waxad ku matashaa ‘Bashiir’ kiii Waallaa’ ee reer Quljeed miyaad garan. ee markuu dumar arko ku odhan jiray ”’hoo qoor cadaha”’….Hadii dhanka Boorama loo kacana waxad ku jilaysaa ‘Cali-maro’…

    Laakiin ArraaArraa wuxu ahaa B/Celi ma aha R/Maxamad sida ad mar hore moodi jirtay

    Waa Riyaawad dunidu..kkkkkkkkkkkkkkkk

  16. kkkkkkkkkkkkkkkkk hiildan waad la weyday sxb sabaatoo ah quljeedna waan maraye umaan dhixin waligay cali marana dee xeeb jire weeyaane A barkhadluu ku soo baxayaa ee magac kale ii raadi aan ku jilo ruwaayadan kkkkkkkkkkk

    mahad sanid

  17. aad baana ku usalaamay sxb magacii horaad sas ka qaadayoo kaa soo badelaye ,

    araa araa inuu yahay B- CELI WAAN AQAANAY , markuu waliba tumayo birtii xaasan xadi maqaayadiisa ku ag taalay baan xasuustaa kkkkkkkkkkk

    mar labaad waan ku salaamayaaaaaaa

  18. Maxaad Salal ugu bixisay inuu ku jilo magaca dumarka.?..taasi waan ka cadhooday sidaa daraadeed anigoo abwaanka ruwaayada ah, waxan kuu gartay inaad ku jisho ‘Wiilo-coon’…kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  19. @ Haboon…….Thanks. Walee waxan u haystay inay reer hess reer jabouti ah tahay.

  20. kkkkkkkkkkkkkkkk araa araa sxb salaal waxaan ugu bixiyey caasha luul waa ina adeerkii adiga malaha magaalada wakhti horaa kuugu danbaysaye kkkkkkkkk wiilo coona ahlaka sare ayaan ku sheegay cida ku matasha ee bal ku noqo kkkkkkkkkkkkkkkk oo mid igu soo baxay iigu sheeg kkkkkkkkkk

    kkkkkkkkkkk

  21. Timacade wuxuu ku matala cismaan naagood kkkkkkkkkk waan ka xumay in saas lagu yeelo maxay ka wadaana.

  22. kkkkkkkkkkkkkk wallee waadigaa Ismoog ka xanaajiyay markaad Timacade ku sheegtay cismaan naagood…. Dee hadaba waxaagu waaba waalli iska case ku jil magaca ‘Safiya Dhanmadoobe’….kkkkkkkkkk

    • hiildan waxay ku matashaa jiga biga ee sharabaadada badan iska dul xidhan jirey guntinta dharka ahna xagasha ku sidan jiray, ee jy ugu magacdareen ina awcali ay odhan jireen ‘ jiga bigaa hadaanu jirin waanu jabi lahayn , jiga biga hadaanu jirin jiingadaa la furan lahaa ” kkkkkkkkkk.

  23. Hiildan……dadka uu ninkani sheegay way wada waalaayen, cismaan nagood se ilama aha inuu waalaa ee waxa ku jiray uun confusion yar oo dhinaca sexuality ah baan u malaynayaa…Guleed anigu sexualitygaga waa established, markaa cismaan Nagood, waxba kama qaba inaan ku jilo ruwaayada ee roleka isoo sheeg..kkkkkk

  24. Ismoog…..Walee afkiiba juuqda gabay balantii aan Aar harowo lagalay khatarbay ku jirtaa…….kkkkk seriously.

  25. Timacadde allaylehe waad ka badisay Dhanmadoobe…kkkkkkk

    Ninkaasu wuxu isla doonanayaa dadkii wax u dinnaayeen iyo qabiilooyinkii ay kasoo jeedeen ayuu deeto qabiilooyinka akhristayaasha halkan soo gala ku dabbaqayaa.. Waa riwaayad an horey u arkay oo anigaaba bilaabay….!

    Intii dhimatay dadkaasi Allaha u naxariisto… Cismaan naagood oo an filayo problemkiisu inuu ahaa ‘gender identity disorder’ waxan isaga aad uga xusuustaa anaga oo carruur ah ayuu gurigayaga Boorama xaafada xalane nagu soo mari jiray markaasaan ka toocsan jirnay. Wuxu nagu odhan jiray ‘Ilma Yuusuf Danbi Bush’…Kalmadaa aadbaan u xasuutaa..kkkkk

  26. Aniguba qudhaydu wan ku xiisay………..

  27. ala midooy halkee baan so mara midooy a midooy
    ala musoow bankaa soo soo durduri musoow a musoow
    ala midooy bankii ooda la dhigay midooy a midooy
    ala musoow ma …. ………… ………. .musoow a musoow

  28. Hiildanow…..reer borama iyagaba dadka waalayey ee dadkan badankood, waxa haysay, mild depression, mild retirdation iyo gender identity in the case of cismaan nagood, waana laga yaabi lahaa haddii ay joogi lahayeen wadan hore u maray inay ahaan lahayeen average Joe or Joan. Vividly baan u xasuustaa qaarkood, waliba Safiya sidaan uga cabsoon jiray ma malyn karaysid. Hadda markaan wenaaday ee aan Borama ku noqday, Cawaale uunbaan arkay in the mid ninties, I am sure intii kale way wada geeriyoodeen.

  29. Hildaan, cabdoo wuu ka horeeyey fanaaniinta somalida waxana sobobteeda lahaa wuxuu aad u jeclaa oday la odhan jiray Bulaale boorama sidaan umaleeyo oo ahaa african kii ugu horeeyey ee ruwaayado ka dhiga bandhig faneedada faransiis ka 1950s sidaan maqlay. Sidoo kale wuxuu aad u jeclaa fanaantii blues ka ee madawga amarica gaar ahaan Ray Charles. Sidaad arki karto dhamaan heesahii hore ee Djibouti waxay ku salaysan yahiin Blues Rythm iyo rockNroll. waa kuwan qaar kale oo heeso maraykana ka soo jeedaa. Xalay masiibaan midigta siiyo, Saciid xamar qoodh. Maalintaan ku arki waanaya magaaladu way madowdee, Bilic sanoow, Xaawa geel Qaad. iyo qaar kaloo badan. Cabdoo ilaahow kuu naxariiso. Fanankaan ugu jeclaa fanaan heesa. Pure talent when it comes singing.

  30. Alaha u naxirsto cabdoo xamar qoodh qofku marku dhinta wax uun buu ka tagaa isagana waxa u ka tagay fan

  31. @ Guuleed waad la heshay dhaman… waxaan ka helay Gurayo iyo darbi oo ku matalaya doobiye… Nin laa u doobiyaydaas buu haynayaa… kkkkkk… Waraabe cade na wuxuu ku matalayaa… Cawaale Xaaxle…. garanayaa garanaya…. waaba filim khatara kani…

  32. Guuleed

    KKKKK Doobiye xigmad badan ayuu lahaa oo waa ninka ay ka hadhay maah-maahda ilaa maanta Samaroon isticmaalo ee ah ninlaa u doobiyay,Marka la yidhaa doobiyoow doobi ayuu odhan jiray waayahee adna gooji.Lambar ninkii la odhan jiray ayaa kasii xigmad badnaa waxaa kale oo kasii cajiibsanaa Sheekh Al-Casri anuu lkn ragaasi oo dhan waxaan ugu jeclaa Gurayo oo markay dhagax tuurto aan la waayi jirin qofka ay la rabto xataa isagoo kun qof dhex socda waxa kale oo aad u dhagaysan jiray Cawaale Xaaxaa.

    @Guuleed,Lkn Aduu waxaad ku matalaysaa ruwaayada (Jigaa Bigaa) waxaan waliba in aan kuugu magacdaro aan doonaayay aan magaciisa ilaaway hada oo ahaa nin saldhig ay u ahayd Sakadii Xaaji Abu-Bakar iyo Hotel Harowo dhexdooda seexan jiray oo isagoo wax ceeb ah samaynaaya ay dadku odhan jireen ish!!!! waa dhaaf waxaad suuqa ku dhex samaynayso, markaasuu odhan jiray (Garsho la’aan dheh) Hadaad samayn garanaysid igu maad caydeen ee garasho la’aan ayaa kaa haysa.Ninkaa waan ilaaway magaciisii oo Jigaa Bigaa kaasi ayaad uha yara dhawdahay Lkn waalida Reer Nuurka ayaa ugu Fantasticsan Lambar iyo Sheeka-AL casri ayaa ugu waali quruxbadnaa dhamaantood.

  33. @ Darbi kkkkkkkk Waalidii Reer nuurka baad soo taxday odaygii sheekhul casri ee inta uu ku salaamo hadana hoosta kaa caayi jiray… ma fiican tahay intu ku yidhaa hadana aabahaa iyo fiicnidaadabee ku lahaa adigoo maqlaya… Walee abtigay sheekhu casri nin style ah buu ahaa oo caalam kale ku jira….
    @ Hiildan isagu yuu ku matalayaaa maydun sheegine… ma wuxuu ku matalayaa (Iga qariya laba qolo tii odhan jirtay) kkkkkkkk laakiin labadaas ay iga qariya odhan jirtay yay ahaayeen bal daribiyow adigaa garanaya taase….

  34. aderayaal waan idin salaamay haduunbay arintu isku toostay
    oo shaw dadku waa wada asal,iyo niman dada qarsanayey
    laga bilaabo maanta waxaan idin leeyahay ILMAADEERAYAAL
    ANUUNBA shaw dada sheegan jiray.

    safiya dhanmadoobe,xasan farxaan,ama gabadhii ama lacagtii
    cali tuush,maxamad sanjiid,qaboobaa,doobiye,ximiro,
    naa na siidaa nuujuusiyad yahay,cawaale xaax,araaaraa
    watabiir,wiilo,xaawa quljeed,xamari(dudub),axmad dhacdhacoo
    mara dhiigley(daaco),andhii,ina tukaale(adhicun) iyo qaarkaloo
    badan.

    waa taariikhdii asalkiii, dhuuxii, miidii, macaankii, iyo sharaftii
    boorama

    ilmaadeerayaal waxbaad i xasuusiseena mahadsanidiin
    ninka bilaabay sheekada iyo oday shariif,suldaan
    cabdiqani.

  35. Waxaad ilwdeen AQBALIMAAYO oo ahaa ninkii odhan jiray gabadhii ama lacagtii

  36. waalida samroonka cida ug waali reer magaalsan waa la yaqan waa Reer-nuur cid ku gadhaysa la helimaayo lakin tolda laguma tilmaamyo waalni waa waalni casriyay san
    odagya ga dobiya waxaa dhacday bari hore oo laga layay dorashado xaaji ibraahin nuur iyo quruub waxa uu ka dalbaday inay xaaji ibraahin nuur u biibsho dhar iyo bakoorad qorxoon marka ayaa u iibshay xaajigii waxan uu tagay
    sheed-dheere markaas ayuu yidhi war isku soo urura wax ban idin hayaye markaysay isku wada yimaadeen
    markas ayuu bilaabay inuu hadlo markas ayuu yidhi ,,,, waxan idin sheegayaa inuu Reer-nuur kiisa waalani isku kiin keeni karo markaa ayay laboobeen budad oo laga so qaday meshii
    markaa cid Reern-nuurku gadhaysa waali xargadeed ma jirto

  37. Walaal tima cadaw, waad mahdsan tahay ee sidii aad u aqbashay talada ku adkaw, waxaan filayaa, waxaagu waxa uu u badan yahay kaftan, hase ahaatee, halkan ayuun baanu ku qurux badnayn.

  38. marunba heesaha blues ka ah ama guuxa sida loo yaqaan waxa iska lahaa abdi bow bow oo kaliya

  39. haboon,ragan kala ah;Marunba iyo timacadde marmarbay sida awrta u carbaadhiyaan oo ay maalin iyo habeen mideeyaan ee bal adaa dumar ahe seedada la ogow.

    Saw ma arkayn markii Timacaddee lahaa heesti Hibo Nuura uu meel kale la aadaay.

  40. Laakiin ma moodayn inuu Marunba ku jiro raga sida awrta carbaadhiya ee habeen iyo maalin mideeya ee bal ana ka kalaan la ogaan seetada.

  41. Walee inaanan weligay maqal ” Awr Carbaadhiya” what in the world is it?

  42. Timacade.. Waa iska kaftane ma run ayaad moodaysa nin dagan ayaad tahaye iska dhaaf ninkaas warkiisa.

  43. Ismoog……..hadda ayaan fahmay…….maanta coffee gaa igu yar baan filayaaye bal aan web ka siiyo koob kale……kkkkk

  44. Duqa caqligan kugu jeclaykkkkk,dadkani yaab ayay leeyihiin wax walba way la socdaan,laakiin kan Aar Harawa muxuu naga raba hadaan rabo inaan heeso ku soo diro maxa ku jaban.

  45. Ali Durgiye iyo Haboon anigu Afsomali iyo Gabay iyo Hees meel baan u dhigay…….Aar harowo fatwo ayuu xidhiidhkeena kasoo saaray, somehow, waxu i xasuusiyaa, macilnkaygii diinta ee boys elementry schoolka, sheikh reer ugaas ama Makaydheere ( magaciisii mahayo), lakiin, haddi lagugu ashtakeeyo, ul yar oo xanuun kukul buu haysan jiray, oo waxan odhan jiray sheekh dararamle, waayo markuu usha gacanta kor u qaado, shan jeer bay kugu dhacaysaa..kkkkk.

  46. Waaba ninkaa aad sheegaysid waan gartay inaan isku dhow nahay waan dhowri doonaa insha allah,waayo usha ma jecli.

  47. Makayldheere iyo reer ugaas maxaad u kala qaaday waa isku wada makayldheere dadkuye.Cali Durkiye waa aftahan xaga soomaaliga runtaa kkkkkkkk.

  48. Hallooooo,

    Derbi iyo Hiildan,

    Labadiina dacwaan inii qabaa maxaa Jufo micidheer atack ugu sameeyseen. Saakay magacaas aa igu soo dhacay kaligeey aa qoslay sidi qof waalan. Aduunka naneesyada cajiibka ah aan ugu jeclahay waayo qofka isku bixiye mahine qof kale ayeey raad ku yeelan kartaa.

    Nimanyoho hadii ruux form kan ku soo biiro yaan la eryane halaga koobiyo kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Maanta halxiraaluhu waa

    Ushi dugsi qoranka ubadka lagu garaci jiray magaceed?

    • Hi Hani, adigu waxad tahay suxufiyad ka tagtay suxufiyad iyo fannaanad ka tagtay fanaaniin,aadbaan kaaga helaa….Waan kaa helaa wallee waa iga wacadee, ila wadee Wuxu HiilDan kaa rabee…kkkkk

      Jufo isagu lama bixin naanaysta ee waa magac loo yaqaano buur ka mid ah buurahayaga. Aad baan usoo dhaweynaynaa mana fogaynayno

      Hal xidhaalaha haddii an ka jawaabo, anaga xaggayaga Usha macalin quraanku isticmaalo waxan u naqaanay QAYSARAAN. Idinkuna maxaad u taqaanneen?

  49. @ Isoomg…..Waa runtaa waa wada makayl dheere, markaa jilib ka mid ah weeyi reer ugaas. Maanta off baan ahay, lakiin the weather is beatiful and it is hard to stay inside.

    @HanniMuufo…….Weligaa miyaad maqashay professor Togane?. Abgaal. ma garanayo cid uu ka yahay, lakiin waxuu gabayo fun ah ka sameeya qabiilooyinka somalida?

  50. Hiildan

    hadaan xasuustay waxay ku odhan jirtay qofkii dhiba adaa dhadhi waxayna ahayd ciise,

  51. sorry malaha hadal hayska kale waxaan ku qalday islaanti ku jirtay hablayahoow hadmaad gursanaysaan

  52. Ok haboon kkkkkkkkkk, hadaba adiga ayaa ruwaayada ku jili doona iyada magaceeda, waxanad odhan doontaa ‘adaa dhadhi, ruuxii ku dhiba’

  53. Qaysaraan aaaa? waa waray waar Hiildan muu is yeel yeeli

    Qaysaraan waaa gambol ama bud u eeg kan ay reer Hargeysan ku xaragoodaan ee hangolka ah laakiin ushi macalinku naga garaaci jiray waxay u kala bixin jireen dhawr nuuc,mid tunbo ka samaysan oo afka hora fadhaq loogu yeelay,iyo mid laan geed laga soo jaray waxaana la odhan jiray SHAWDH iyo mid kale oo laga sameeyey saan xoolad waxana la odhan jiray JEEDAL.
    marka aanu waxaan u aqaan JEEDAL,SHAWDH,ama TUNBO afka hora jeedal oo kale looga dhigay waana ta ugu kulul marka sacabada lagagaa dhifto ee waliba ciyaalku dhan ay WADUXAA kugu dul akhriyaan

  54. ismoog, hani iyo ali durkiye maxaa loo bixiyay ?

  55. ali waad la wayday qaysaraan tukaanada carabta ayaa lugu iibin jiray jabuuti walaahi anaaba garanaya

  56. Cali adigaaba is yeelyeelaya, anagu waxan akhriyi jirnay ‘Washamsu Wadduxaahaa’ …!!!

    Qaysaraan haddaad garan weyday maba tihid reer Jabuuti, ul yar oo qurux badan oo maraaryo leh ayay ahayd… Waligay kuma maqal bud reer Hargeysa qaataan oo la yidhaahdo Qaysaraan.

  57. Haboon, Cali durgiye waxa loo bixiyay ‘Ina Dayuuro’……

    Hani iyadna waxa loo bixiyay ‘Miiggan’ kkkkkkkkkkkk

  58. Hiildan…..Miyaad Borama kusoo gaadhay raran…….

  59. waar qaysaraan waan aqaan laakiin waa ul bud ah ee maaha wax ciyaal yar yar oo qoran baran lagu garaaco

  60. ina dayuuro aaa ma islaantii reer borame sow maaha si fiican baan aqaan baribaa guri agteeda ahayd ku soo xagaa baxnay,

    laakin hiildan qofka qaysaraan ku garanayn jabuuti walee reer jabuuti maaha waa dakii dhawaan soo galay, tukaanada carabta laguu iibin jiray,

    bal waydii ali marka shidhimidhida maalmaha ciida waxay ku heesi jireen shiidhimiidhi yaa ciyaala wal qaysaraana ano yar baan xasuustaa

  61. Hiildaan….Please intaanu topicganai dhamaan, ha la xasuusto, dadkii mutadawiccinta ahaa ee dadka u naxariisan jiray ee cuntada siin jiray, dharka siin jiray ee ilaahay raalida ka ahaa. Waa in iyagana role ay ku yeeshaan ruwayada.

    Anigu waxan xasuustaa wiilo oo intoy dhagaax soo uririso, dabshid u geeyso oo ku tidhaada ” dabshidow hoo lacagta”. He never look down on her, wuu ka qaadan jiray, cuntuu siin jiray and he never threw the stone away, at least not while is around. May Allah reward him for his good deeds.

  62. Timacadde, sxb ma nin yarbaad i moodaysaa?, anuu waxan garanayaa xitaa maalintaan dhashay..!!!.

    Alloow Raran waan garanayaa. Reer Boorama oo riwaayado ay leeyihiin dhigana waan garanayaa. Cabdi dhangago oo fannaan laga daba dhacay todobaataneeyadii ahaana waan garanayaa.

    Iyaga oo ku heesi jiray ‘Mr General Jaallahay Siyaadoow Magacaa Ha jiro, Waa lagu jantoo lagu jecelyahoo laguu jeel qabaaye, magacaa ha jiro’ waan garanayaa. Boorama oo marka Riwaayad la galayo ay dadku kuraasta ay ku fadhiisanayaan kasii qaataan guryahoodana waan garanayaa. Boorama oo ninka diinta iyo waalidka caaya lagu rido jeelna waan garanayaa.

    Boorama oo guryaheedu u badan yihiin sandaqad iyo Girgidna waan garanayaa. Boorama oo ay ku dhex yaallaan Dasooyin badana waan garanayaa oo Bile Rafle buurta Sh Cali dabadeeda u raray. Boorama oo Islaan ‘Qalin la odhan jiray u buraanburi jirtayna waan garaynayaa. Boorama Islaanta ugu gaaban oo la odhan jiray ‘Gaabay Jiiro’ iyadna waan garanayaa

    Isu soo wada xoori, Todobaatan jir reer Boorama ahi inta aanu garanayn ayaan garanayaa. ….kkkkkkkkkk.

  63. @Haboon bal hortaa waxaan soo qoray si fiican u akhriso qaysaraan marna ma odhan ma aqaan cajiib djibouti qaysaraan gidaar walba way taal oo suqa lagu iibsha oo Ethiopia ama somalia ayaa laga keena

  64. Hiildan…..Wallahi Wali sidaan maanta u qoslay uma qoslin…..Malintaan dhashay baan garanyaa, waa ii kow..kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Lakiin, hadaad borama oo girgido leh garanyso xaalkaagu ma yaro, Hadda cabdi duufle oo fanaana garanyso, xaalkaagu ma yara……….

  65. ali

    waxaad tidhi qaysaraan reer hargaysa bud ka dhigta oo ku xaragooda, markaa maaha wax bud noqon kara qaysaraan waxay ahayd ul aad u dheer oo afka hore sida budka u soo qalooca laakin aad u jilicsan oo ma adka bud ma noqon karto laguma xaragoon karo ee waayadii danbe dadku tunbo iyo wax kale way isticmaali jireen, qaysaraantu iyada waxa loo isticmaali jiray caruurta oo lagu edbin jiray walaahi cidaa doonto soo warayso sida canfarta iyo carabtii hore ee rer jabuuti in tukaamada lagu iibin jiray,

    muunad ahaan hadaan ku tilmaamo waxay u eekayd saladihii islaamuhu sariibada ku tagi jireen ma kastay hadaba

  66. Timacadde, adigu masoo gaadhay dumarkii timaha kor u feedhi jiray ee la odhan jiray ‘Calaa Tuumbo’…. Waxa loogu heesi jiray ‘Calaa Tuumbo way urtaaye Yaa Caruusaya’?kkkkkkkkkkk

    Habeen wanaagsan dhammaantiin saacaddii way iga dhammaataye…kkkkkkkkkkkkkkk

  67. ali

    hangoolka sow baadiyaha lagama isticmaalo iyo gudinta ma reer magaalka qaata

  68. Gurayo maxaad dadka waalan ugu darteen ma waalayne bal xasuusta,yaana soo gaadhay Xasan Farxaan iyo dhogortii xawaashkkkkkkkk.

  69. Hiildan adna ayayday Qalin samaroon ayay ahayd islaanta buraanburi jirtay.

  70. Walee Ismoogay inaanad sheeko borama ku baranina, is cadee saxiib…..

  71. Aabahay SAmaroon,Hooyaday sido kale,ayayday sido kale…..

  72. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  73. Ismoog far baa ku godan? Walee inaad reer borama tahay, oo weliba a touch of reer saylac ah?

  74. Laga yaabee Boorama baladkeena maahoo.

  75. waar max aad ka sheekaysiin baad waydeen.
    wale mar dhow tukaankii qabuul iyo ilma ali qaadac
    meesh soo dhiga.

    Ismoog. Suuqa bakaraaha iyo magacyada aad tirinayso
    isma laha.

  76. Fariib fasaxyada aan baladkeena soo aadi jiray no.

  77. Fariid…Thank you inadeer……bakaarahaan ku dhashay iyo bormaaan abtirsiinteeda garanyaa kala fog….waan aqaan gadbursi xamar ku dhashay, walee xasan farxaan baad sheegaysaaye inaanay magaca borama si fiican u sheegi karin badankoodu…..Ismoog has been cornered?

  78. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  79. fariid reer cali qaadac carabtii reer borame cid waliba way garan wali ma raacday babuurkii ina doodi ilaa wajaale u bixi jiray

  80. Walee Wikipedia ha borama iyaan kaa baadhi hadda kadib. Awal xamar kaliya yaan ku mashquulsanaa.

  81. Haboon ana raacay oo adeerkay ahaa.

  82. Ismoog ………..odayga ciida gale ee islaanta ciidogale qabay siduu adeer kuugu noqday

  83. Ma Cumar xaawa ?sow meel iskama soo galo Cumar xaawa.

  84. Cumar hawa islaantii ina raydal buu qabaa oo waa laga yaabaa inaad meel iska soo gashaan. Lakiin Maxad Doodi isna waa ciida gale, islaanta in Cawl ee uu qabayna waa ciido gale dee halkeed iska soo gashaan.

  85. Haa hadaan fahmay waxaan ku qaldayay Doodigayagii anaa qalad fahmay.

  86. dee ” Gag order” baan ku jiraayo waxba ma odhan karo e Bye.

  87. Afkaan ka xidhanahayoo waxan rabay ma odhan karo ee bye for today.

  88. Arin cajiib ah ayaa isoo xusuusiseen hadaan nahay ciyaal Muqdisho ulaha macalinka dugsi quraanku nagu garaacayo inagaa soo guri jirnay weekend ushi isniinta nala dhici laha macalinku jimcaha ayaan soo guri jirnay. Waxaan u socon jirnay dhul aad u madan oo waxaan ka xusuustaa in aay u dhawayd meeshu Hospital Madina, Sarta say biano, Villa Baydhabo, Isgooyski danwadagaha, guryo cajiib ah oo u ekaa kuwa Hollywood iyo taajiriinta Barazilianka ee documentiyada tv ga laga soo daayo ayaan sii dhaafi jirnay. Waxaan sii mari jirnay dhul cabsi cabsi ah oo powerfull ah oo gidaaradu ku qoranyihiin afaf qalaad. Sida Atantie a Cane iyo caushan danger hazard kkkkkkkkkk iyo madax qalfoof ah. Inagoo nala moodo digaagad biyo ku dhacday oo cabsi la dibaaxanayno ayaan tegi jirnay dhul ciid casaan ah oo nadiif ah leh oo miruhu iska buuxaan. Hohobta, iyo miro badan oo aanan hada magacyadooda xasuusan. Waxaan si toos ah u raadin jirnay Geed la yiraahdo (ONTOR) oo miro macaan leh ulo cajiib ah oo laamo ah leh laamahaas ayaan soo guri jirnay waxaan biyo ka cabi jirnay ubax burbel ah oo biyo ka buuxan bacaan. Waxaan u naqaanay ubaxaas biyuhu ku dhex jiraan sidi glas ka wijn ka lagu cabo u ekaa. Shimbirta shaaheeda. Waana ku faani jirnay kolkaan u soo laabano xaafada. Waxaan dhihi jirnay maanta shimbirta shaaheeda ayaan soo cabnay.

    Ulihi aan sidnay ayaan si daacad ah macalinka ugu gayn jirnay saa wuu noo ducayn jiray. Isniintana isla ulihii nala dhici jiray. Alamacalinoo ii qaleey. Hadii cunugu madax adagyahay waxaa lagu dalban jiray ciyaalka dhan!

    Washamsi waluxaahaa
    Walqamari idaa……..
    Walayli wamaa sawaa haa….

    Allah maxaan aduun soo marnay.
    Kolka anagii oo jirka dhan na bararay kolkaan meel cuskanana na dimqanaya ayaan aqrisan jirnay.

    Rabi yasir
    Walaa tu casir
    Cownaka
    Yaarabi yaa illahi
    Yaa allahu
    Yaa ladiifu

    Intaan calaacasha ku tufno ayaan iska mar marinjirnay meelaha na bar bararay !

    That was one of the must dramatic experiance I remember about Malcaamad kkkkkkkkkkkkkk.

    Teeda kale Hiildan wad ku mahadsantahay Miiggan woow that is wonderfull name I gust. Laakin wax loola jeedo ma aqaan fasir hee.

    Waxaanse ku waydiiye malmahaan HaniMuufo tacsi baa u taalay oo Madaxwayneheedi hore Mudane Cabdulahi Yuusuf ayaa naga geeriyooday oo aas qaran baan ku mashquul sanaaye waamaxaay reerki Samaroon wuxuu isku koobay jufooyin isku muusonoobaya kkkkkkkkkkk you guys if you stay little you will be always stay a little. Maxaa aaska qaran inika reebay?

    Hees ayaan inii soo xulay aan aad u jecelahay dhegeysi wacan.

  89. HaniMuufo

    Allaha u naxariisto Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf Axmed hore ayaan u tacsiyadaynay oo meelo badan ayaan kaga qayb qaadanay sida Facebook oo kale Garoonkii Gaalkacayona waxaa loogu magac Daray Cabdillaahi Yusuf Aun marxuumka lkn waxaa kasoo horjeestay Reer Galmudug oo diiday arintaasi una sheegay Faroole inuu ugu magac daro Garoonka Garoowe lkn ay tahay garoonka Gaalkacayo meel ay leeyihii Reer Galmudug.

    Halkana ka daawo Shariif Sheekh Axmed oo ay Reer Galmudug siiyeen Gabadh isaguna ka gudoomay

    Ila Qosol waa kulan qosol badan.

  90. Mahadsanid DerbiSamaroon,

    Sua’aal baan waydiinayaa DerbiSamaroon iyo dhamaan Samaroon. Qowmiyad aad jiritaankeeda ka soo horjeedo wiil kodaa gabadhiina caasha ma u gelin leheedeen?.

    Inkastoon reerkan aanan qori iyo qiiqiis ka dhigayn oo aan ka baxsanahay arintaa. Oo aan ogahay in aay dad wanaagsan leeyihiin sida Kaynaan. Hadana waxaan ku eedeynayaa in aay jiritaanka umada Somaliyeed ableey mariyeen. Hadana tatic ayaan weli la lugaynaynaa oon leenahay halees cafiyo yar iyo waynkeen.

    Inkastoo reerkani dad noo xigo hadana waa uuryaalka aan ku eedi karo dhibaatada guracan ee dhamaan la’. Inkastoo aay hamaan nimo lafaha ka gashay kuwa metelaah. Si naxariis daro ahna u isticmaala kuwooda aqoonta yar ee uga baahan horumarka!. Anoon iska eedeyn reerkan hadana saacadwalba qaladki ayeey mid kale ku saxayaan. Oo Caalinkan leh Airport ga Gaalkacyo laguma magacaabi karo Jeneral Cabdulaahi Yuusuf. Maxaan iraahdaa ma oyaa mase madaxaan budh kala dhacaa?.

    Waa ceebta nooga taal wajiga reerkani hadaan Hawiye nahay siiba Hiraab. Waxaan toltolno ee wanaag Somaliyeed ahna dunta isku haysay ku dhegaan oo fur fur ugu dhaqaqaan. Marka anaga iyo ayaga amar aan la garanayn meel uu ka yimi ayaa Juud iyo Kamaa Juud naga dhigay. Arintaasina waxay si cad u bilaabatay dagaalki 4 biloodlaha ahaa!.

    Inti ka horaysayna waay naga daba shaqayn jireen laakin garaad aan ku fahano oo aan uga shakinaahiba iskuma urursan oo kamaba filan jiran dhib iyaga nooga yimaada. Laakin xanta hoose meel fog ayeey garaysaa oo ka dabashaqaynta aay nagu hayaan waa mid qoto dheer. Gacan ka hadalki uun baan ku soo baraarugnay.

    Laakin dhaqankeena dabiiciga ah ee wanaag abuur. Ayaa cisho walba naga badbaadiyo waayo Sir ma qabe saab baa biyo u celsho. Mowqifka aan leenahay ee waridiinteen fac ka fac nagu abaabiye waa

    Abuur wanaag xumaan ka siko!.
    Isu keen ha kala gayn!
    How dhaaran dhulkaan eebeheey waa kaa dhalin badanyehee!
    Uga istaag xeedhada hadii qof kaa liitahi ku soo galo
    Waxaaga dhaqaalayso
    Habaar ha doonan
    Yaan lagaa hergeli wayn
    Kii ku waxyeeleyo iska cafi hortiisuu ka heliye
    Sii ruuxi sadaqo ku kacdaa waxaad u awoodo wuxuu doonaba ha ahaade, sidaqadaada way ku furataahe
    Naxariista badi si eebahay kuugu naxariisto
    Dadka isku dhagarooba kala qabo oo haku daawan
    Nin cudud wayn yuusan nin kale kugu hor dhibatayn
    Xoogagu haduu badan yahay mid kaa sii daran baa la heli
    Dulmi ha daawan bilaa adigu ku soo gaaraa beri!

    Iyo wax yaabo kale oo badan oo aan iska dhaxalno ayaa jira, dadka dunidana schoolo u galaan barashadooda.

    Madaxwaynaha Galmudug hadalkiisa diidmada ah ee uu ka jeediye Airportiga Gaalkacyo in Janaraal Cabdulahi Yusuf lagu magacaabo heestan ayaan shitay si aan isu celceliyo oo aanan u bururin. Waxaana is waydiiye Ma General Caydiid baan u bixinaa hade?.

  91. Murtidii Ugaas Rooble dad baa moodaya inu Xasan Sheekh Muumin alifay heestan.

  92. Ismoog iyo Timacade maxaa lookala aamusiiyay?

  93. HanuMuufo

    Maya allahay ka alla iskaa daa in aan u galiyee haduu garabkeeda taabsado shan xabo oo tarays ah ayaan ka dhex saari lahaa sideen Inatayada Caasha aan aqal ugu gelin nin aan rabin jiritaankayga.

    Aad baan kuu salaamayaa Huuno Tolka kasta waxaa ku jira qaar doqmo ah oo iska anaani ah oo Hunguriweyn ceeb iyo cayna kala jeclayn oo toodu u cadahay anaguba waan ka leenahay qaar habeen iyo dharaar u taagan bahdilaada Samaroonka oo hadaad ku qabsatona indhaha kaalasoo baxaaya oo adiga baaqi kugu yeelanaaya saw cajiib maaha Huuno….?

    Hala yaabin ee intaad is odhan karto wax baad u sheegi kartaa u sheeg lkn ha is odhan hadaad hugatusaalayso way ku xagxaganayaan oo taa haka biqin mar hadaad ka dulman diyaar u tahay in aad u gar gargaarto ka gaajaysana aad xeedhadaada uga dul kacdo Waliba aniga waxaan raadiyaa qof Dil u xidhan oo aan badbaadiyo wali ma helin jaaniskaasi ilaahoow isoo mari ayaan ku ducaystaa in aan la kulmo qof Dil u xidhan oo kawaanka dulyaala ama badhka taagan oo indhaha laga xidhay qoryahiina loo cabaystay oo amar kaliya ay ka sugayaan in la amro si xabad looga jaro qudha oo aan dhinacaa kasoo baxo oo aan ka furfuro xadhkihii kadibna aan idhaa ninkan lama dili karo oo uu sababtayda qofkaasi ku ceeshu ilaa inta ta ilaahay u imanayso alla maxaan farxi lahaa hadaan helilahaa qof sidaasi aan u furto.

    Lkn heestan ayaan usoo xulay dadka laalaabka badan ee aan moodaynin in aan la fahmaynin filimkooda waxaana la yidhaa heestan QAAHIRA.

    http://www.youtube.com/watch?v=FW9gJ0cXGrI&feature=related

  94. Jacaylkaagu Qaahira Ma qudbibuu ku leeyahay

  95. Gorayado Ilmaheeda arooribay dhigtaayoo, aaboodigu ku laayaa.. Waa hadaladii Ugaasyda Samaroon oo Xasan Sh Muumin hees ka dhigay. Ismoog waa runteeda.

    Caqligii wanaagsani Itaal inuu ka roonyahay, bal eegoo u fiirsada….

    Thanks Hani

  96. Mahadsanidina DerbiSamaroon iyo Hiildan

    Heesta Gorayadu ilmaheeda arooribay dhigtaayoo, aboodigu ku laayaa. Waa legende of Somalia. Waana in taariiqda schoolada ubadka lagu baraa marka caqli xumo iyo caqli wanaag loo kala cadaynayo. Waana ku mahadsanyihiin inta isku dubariday iyo inanta laxanka lehba ilaa dadka youtobe soo dhigay oo aan ka daalin in Tariikhda wali nolaato.

  97. Masha allah heesta reer Djabouti. Khiyaanada waa laga wada cabaaday dunida dacaladeeda.

  98. HanniMuufo………maanta murtiduna way kaa daadanaysaa…….Aragtidaada, aad kor ku xustay waa mid xambaarsan, waayo aragnimo, geesinimo, iyo aragti fog oo ay somaliya oo dhami ku caano maali karto. Cabdillahi yuusuf iyo Xabashida ayaa ii dhaama shabaabka waxa odhan kara uun qof aragtidiisu bislaatay oo fahmay dheesha meesha ka socota iyo wacyiga somali ku jirto. Anigu sidaado kale uma arko xabashi inay tahay cadaw somaliyeedba. Xabashidu waa waxay ay gaaladu yidhaadaan ” buggyman Construct” oo waxa lagu basbaaseeyaa, somalida emotionkooda si dan siyaasadeed oo kooban loo gaadho. Cadaga soamliya ee ugu weyni waa cadawga diinlaawayaasha, shabaab iyo qabiilaystayaashii ka horeeyey ee warlords ahaa, iyagaana soamli baabi’iyey iyagaana ka masuual dhibta ilaa maanta ina haysata.

    Sheikh Sharif oo salaada Jinaasada ku tukanaya Cabdillahi Yusu maydkiisa, waxay i tustay inay rajo dib u heshiisineed iyo iscafis run ahi uu ka jiro Somalia. Cabdillahi Yusuf haday Somalia soo noqoto, waxa lagu xasuusan doonaa ninkii soo celiyey qaranimada somalia. Isagaa TFG bilaabay, waayo, cabdi Qaasin dee waakii Villa Somalia ina caydiid u daayey.

    Gabaygan dirir warsame sayidka u tiriyay ayaa iclaaminayay, midka ii roon shabaab iyo xabashi:

    Marwo Camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta
    Xididkaan murwaad lagu ogeyn malihi baa dhaanta
    muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaas ah
    Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta

  99. Mahadsanid Timacade,

    Waa mushaakil in dad badani nacayb aan sal iyo raad lahayn ku noolyihiin.

    Europa dagaal waynihi labaad si foolxun ayeey isku xasuqeen hadana kursi ayeey ka fariisteen mantana waa loo soo dawarsi tagaa. Waxaan iswaydiiye nacaybka fantasy ga ah ee ku gaamuray Somali badan maay radshaan siday isaga dabiibi lahayeen. Oo walalohooda jaarka la ah maay gacmaha is qabsadaan iyagana haloo soo dawrsi tagee?

    Aniga waxaan aminsanahay (hate have no future).

  100. Waa mar kale iyo Cabdoo iyo Dhallinyahay Dheela….KKKK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: