Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka xilkii ka qaaday Wasiirro, Wasiir ku xigeeno iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Ha’yadaha Dawliga ah.waxaanu magacaabay Wasiirro cusub iyo masuuliyiin kale “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida. Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan, Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo, Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-
Magacaabidda Wasaaradda loo magacaabay
1- Cabdicasiis Maxamed Samaale ,Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
2-Axmed Cabdi Xaabsade (Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta), Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3- Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Warfaafinta
4- Cali Siciid Raygal (Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5- Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
6- Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil Cusub) Waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha.
7-Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), Waxa loo magacaabay Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
8-Mawliid Maxamuud Ibraahim Waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
9- Nuux Sheekh Muuse Ducaale, Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
10- Maxamed Cumar Cabdilaahi Waxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha 11-Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-
Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday
(1) -Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii W/ Maaliyadda
(2) -Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
(3) -Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
(4)-Dr. Axmed Xaashi Oday, Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta
(5)- Cabdi Siciid Faahiye Wasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka
(6)-Warsame Siciid Cabdi Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda
(7)-Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda
(8)-Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)
(9)-Axmed Cali Xirsi (Sulub) ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha”
Categories: Warka (News)
Nuxurka Kulankii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Iyo Xubno ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska
Khudbaddii Taariikhiga Ahayd ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane C/Raxmaan Saylici Ka Jeediyay Fagaaraha 18-ka May ee London
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Waxay u muuqataa in madaxweyne Siilaanyo bartay xirafad cusub oo xildhibaanada lagu qarameeyo. Horey wuxu u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha oo ahaan jiray xildhibaan. Imikana wuxu magacaabay lab xildhibaan oo kale xilal wasiiro ku taxay sida Xil Garaad iyo Xil C/Casiis Samaale.
Mashruucaasi waxan ugu magac dari lahaa ‘Qaramaynta xildhibaanada Qaranka’. Qolada ugu qaylada badan uguna wax qabadka yar oo ah xildhibaanada dalka, waxa u furmay suuq cusub. Docda kale waxay badbaadiynaysaa dakhliga dalka, oo dee xildhibaanadu horayba lacagbay u qaadan jireen. Sidaa daraadeed halkii qof cusub lacag la siin lahaa, qofkii horayba u sii qaadan jiray imikana hayska qaato…. WIN WIN Situation..?……kkkkkkkkkk
hiildanoow siyaasadu sidaas maah lkn ninkan wasiir samaale ee maaliyada loo dhiibay waa madaxwaynaha mustaqbalka dhow ee somaliland oo lacag buu urursanayaa si uu olole ula kalo qayrkii sxb siyaasadu waa caynkaas ninkaasina abaalbuu ku leeyahay wakhtigii ololaha
Golaha wasiirada ee maamulka Garadag State wax macno ah samayn maayo.. Adeerkey ayaa xil ka haya iyo Edaday ayaa u niikada Silaanyo,, Waar Adigu inaad wax noqotid maxaa ku diiday inta Nin kaleeto u Niikineysid..
Ninka Hiildan la baxay ee Gadabuursiga Khalkhalka ku furay internet trolls, Anigu Waxaan rabaa inaan Xuduudaha Awdal state oo Xidho.. oo Ninka Samaroon Fadhi ku didirka ku Jaalabutaleeyo, I mean si fiican u kaftamo…Waxaan la yabaa Qolyaha Banaanka Jooga ee xataa Caffe shop, Mafreshyada, iidoor Kabaha u qaada, Fikir qaldan Muxaafid Somaliland ah ayaad tahee isaaq hoos u fiiri arinku maaha…
Awdal State ha Noolaato
Al-Haj Awdal State, Aadbaan kuu salaamayaa. Alla macaanaan lahaydaa noloshu haddii khalkhal iyo khilaafba ku jirin oo qof waliba wadada uu marayo u caddahay cidna aanay ka hor iman karin…
Anuu sxb Gadabuursi khalkhal kuma furin waa mid ay dadka kala siman yihiin, oo nolosha iyo waayaha qayb ka ah. saddex kooxood ayaa Gadabuursi khalkhalkooda horseed ka ah:
(1). Kooxda koowaad waxay ku doodaysaa labaatan sanno ka hor ayaan xoroownay oo SNM na xorraysay, waanan rabnaa inaan xorriyadaas ku hoos jirno, oo koox kale naga qaadan..!
(2)Kooxda labaad waxay ku doodayaan dee anagana labadii sanadood ee ugu danbaysay ayay SNM na xoraysay’ oo haddii idinku ad labaatan Sanno raalli ku ahaydeen anagana imika ayaan raalli ku nahay ee 18 sanadood oo danbe na suga, oo walaalayaal ha nagala bixina SNM..! .
(3). Kooxda Saddexaad oo ku doodaysa ‘waligeen xor ma noqonine aynu maanta is xorayno, kana xoroowno maamul qabiilo sokeeye inoola yimaadaan, sida SNM/Isaaq’.
Hadaba saddexdaas kooxood ayuunbuu HiilDan kolba koox shaadhkooda gashadaa, waxna ma khalkhaliyo ee khalkhalka jira ayuunbuu ka tarjumaa…
Mahadsanid
Siilaanyo AMA ha. Keeno AMA ha is dhaafiyo wax cusub Kuwani ma soo kordhinayaan Mida kale adder key saylici Ayaa meesha ku cidloobaya kol hadii aar meesha ka baxey,,,,,saylici iyo garaad iskuma fiicna,,,,,geedoolena bari hore ayuu saylici ka goostey oo xirsi xulafo ka dhigtey allow u sahal adeerkey saylici wey ku soo oodantee aamiin dheh inaadeer hiildanow.
suaasheydu waa imisaa samaroon oo magac ku yaal ah ayaan ku leenahay qoladan cusubna ? kolay iidoor yaxaas waxba soo dhaafimaayaane,
Alliyo Nabiyo Rasuul maantay dib u gashay Zeiylici mididiisii waar ilayn waa run dadku markay leeyihiin Zeiylici geeridii nabigaba ma oga oo awr halaabay lama waydiiyo kkkkkkk waxay dadku sheegayaan waxbaa ka jira mar hadii adeerkay Prof Ismail Aar la badalay oo adeerkay Garaad lagu badalay dee maantay u dhamaatay oo uu cidli cad sii joogsadat Zeiylici oo Dila in lasoo Tahriibiyo mooyee Garaad is baaro ayuu u dhigi doonaa Zeiylici hadii aan lagasoo tahriibin xagaa iyo xeebta oo aan Bonne lagasoo wareejin markuu imanaayo Awdal State.
Sababtoo ah Garaad waxuu ahaa nin Dahir Rayale ay makhadada uuni u dhaxaysay oo ay sxbo dhaw ahaayeen kolay maanta waxaa ka dhacay is badal weyn siyaasadii gobolada galbeedka Somalia khaasatan Samaroon bal aan eegno xaalada bilaha soo socda oo la buquujin doono Zeiylici loona xoog sheegan doono dad badan oo maanta is mahadiyay allo Sahal Libaax Seexday Bay Niman Salaaxeene.
Salaan ka dib, Hiildan kuguma raacsani seddexda qodob eed sheegtay ee khalkhaliyay Samaroon iyo erega ah SNM ayaa na xoraysay, fadlan ka istaafurulayso kalmadaas, waayoSMM dad ay laysay maahee ama ay muquunisay , wax ay xoraysay ma jirto.
Tan maanta uu Siiraanyo sameeyay waxa u cadaatay in maqaaxidani aanay u sii soconayn inta ragan dhalinta u badan ee qurbaha ka timid meesha joogaan oo waxa uu raadinayaa ragii Daahir Rayaale sideeda sano ku hayay, markaa dheeshu waa halkaa.
Horta Reer awdal ma waxbaa u kordhay…. 2.5 wasiir ayuun baa la iskugu bad badalayaaa…. aare ka qaad oo garaad u dhiib…. waa isla halkii uun???? dee markaaa ninkii saylici ayuun baa xulufadiisii lagu yareeyay… Garaad laftigiisu waxba soo kordhin maayo bal waakaase wasaarada shaqada ayaa loo dhiibaye. Dadkan bilaa camalka ah ee Borama is dul tuulmay iyo ardaydan jaamacadaha markay ka soo baxaan maqaaxiyihii odayaasha ku cidhiidhyay… ha shaqo geeyo….ilayn waad arkaysaa oo Beesha dhexe kii meel hayaaba cidiisa ayuu meesha keenay oo qaran ma jireee… Wax is badalay ma arko anigu…. samaroonow iska suga goorta ay habar cafaan xilka idiin qabato iyadaa dhulka barwaaqo idiinka dhigaysee.. Daahir rayaale iyo sayliciba Hindi jeebkooga u shaqaysanaysa bay noqdeen oo aan dadkooga dan ka lahayne… Habarcafaan bay ku hadhay damiirka samaroon…..
subax wanagsan dhamantiin.
marka xigta xilku waa meerto nina wa laga qaad amidna waa loo dhiibaa, waana wax aduunka oo dhan ka dhaca. hadii aan xukuumad alagu samayn reform, dee waa la isla seexan/./
siyaasadu saaxiib jogto ah malaha hadii garaad shalay saxib la aha rayaale maantana saylici uunbuu l noqon. waayo danta qaranka uunbaa loo adegayaa nina dan kale kama shaqaynayo.
saylicina waa madaxwaynaha samaroon dhamaantii iyo somalilandba.
Ceebla laga bartaba laga badi saad u lahayd Somaliland way duushay iyo way dhaqaaqday ayaan u duuliyay una dhaqaajiyay Awdalstate garabka madaxweyne Nageeye oo dhawaan laga filayo inay calanka ka taagan dalka gudihiisa,waxan kaloon jeclay markaad magaca Haboon qaadato hadana suaalahaaga isaga jawaabto aad ayan uga helaa halkaa ka wad meeshana waad shidaa runtii.
Ismoog,
ceebla waa geesiyad marna haboon soo qaadata marna ceebla, ismoogeey sidaad wax u fahantay inaadeer ayaan ana kaba sii helay
Haboona
adiguna imisa magac ayaad leedahay alla maxaan adiga kaa yaabay adiguna waxaad la yaabatahay ismoog iyo ceebla
darbi
adna ma la yaabtay haboon hehehe, dee anu ceebla la ma yaabin ee la soco, ii noolaada tolkoow
Ceebla halkaa wad.
Haboon
Anigu qofkaad tahay waan ku garanayaa lkn ma doonaayo in aan dadka kugu hor qashifo ee lasoco.
Hadaad deyn waydo Ismoog iyo Ceebla ana cidaad tahay ayaan sheegi ee la soco.
darbi
ceebla iyo ismoog maxaan u dhimay, mise gabdhaha aan is kala kaftamayo ayaad iga xigtaa,
takale waxaad igu khashifaysid maxay tahay iyo siraha aad iga haysid, ma cid baan caayay mise cidbaan wax u dhimay, bal soo daa oo cirkana igu soo dami,
Go Siilaanyo Go. Nin reer Burco ah ayaan saaxiibo nahay waana nin firfircoon oo dhalinta wadanka wax u qabta u badnaa. Maalintii danbe ayaan ku idhi waar waalugu waayeee halkeed ka dhaxday. Jawaabtu waxay ahayd, saaxiib burco oo dhami Hargaysay iskugu shubatay markaa waalay badalay oo hargaysaan tagay. Kaftan baan moodayey laakiin xaqiiqay u eegtahay markaan xirsi iyo xoolaha uu hogaamiyo arko. somaliland odaygaa halaga qabto hadii kale Somaliland Puntiland bay noqon.
@Darbi, waxan kuu hubaa in Habboon tahay qofka qudha ee an 100% hubo inay tahay dumar waxa meesha soo gala, maxaa yeelay codkeeda ayaan maqlay oo telefoonbaan ku wada hadalnay. Magaceeda oo buuxa iyo waddanka ay degantahayna waan aqaanaa…horeybaan u sheegay halka ay deggan tahay. Markaa haddii ad garanayso magaceeda oo buuxa iyo waddanka ay degantahay, taasi wax laysku khuukhiyo ma aha, oo qofku haddaanu rabin inaad magaciisa shegto oo waliba ruux dumar ah ay tahay, looma baahna inaad sheegto.
Salaan sare dhamaan,
Cidee waaba iga qosliseene see camal, idinka maba leesaga kiin dhex tegi karo maxaa waaye. Tom iyo Jerry aaba isoo xasuusiseene.
Siyaasad in la duuliyaan isku ogayne waa maxaay xafadii dhexdedaad isku eryateen oo filmki Tom and Jerry ayaan soo xusuustaye.
Hani salaan wax wayn maaha ee xoogaa dad badan oo xafiiska ka shaqeeya ayan fahmay kkkkk.Aniga shaqadayda maahin wax badan kaama danbayn xoogaa meesha dansantay labadan bari ma fahmi kari mala ada naga maqnaa soo dhawow.
Ismoog salaan kal iyo laab ah abaayo,
Meesha hadii ciyaalka xaafada laga waayo. Jufooyinki ayaa loo laabanayaa geeljire haraadsani yuusan beesha naga gubin, marka umada kala qabo intaan maqnahay. Ana laabtan inigu hayaa. Somalia hanoolaato cadawgeedana ha jabo.
Hiildan… Aniguba qof dumaran ahay boqol boqol mise waxad wali xasuusataa sheekadii Salalkkkkkk.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk