Waxa dhawaanahanba dalka UK marti inoogu ahaa Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar(Mahdi-Gees) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Awdal, kana soo baxay xusbiga KULMIYE ee haatana haya hogaanka dalka.
Xildhibaan Mahdi wuxu ka mid ahaa wafti uu hogaaminayay Guddoomiyaha KULMIYE Mudane Muuse Biixi oo ujeedada ay dalkan u yimaadeen ahayd inay ka qayb galaan shirkii ka dhacay London ee lagu lafa-gurayay xaaladda dadka iyo dalka soomaaliyeed. Waa markii ugu horraysay nolishiisa ee Xildhibaan Mahdi uu soo booqdo qurbaha, qaybta hore ee mawduucan isaga ahna waxan idiinku soo gudbinaynaa taariikh nololeed kooban oo ku saabsan xildhibaanka:
1961 Xildhibaan Mahadi Xuseen Cadar oo ku magac dheer Mahdi-Gees wuxu ku dhashay magaalada Boorama. Dugsiga quraanka wuxu ku dhammaystay isla magaalada Boorama.
1970-74 Mahdi Gees wuxu waxbarashadiisii Hoose ku dhammaystay magaalada Boorama (Borama Elementary School)
1974-78 Waxbarashadiisii Dhexe wuxu ku dhammaystay dugsiga Dhexe ee Day-ga Boorama
1978- 81 Mahdi wuxu waxbarashadiisa sare ku qaatay Iskuulka Caafimaadka Ee Hargeysa, halkaasi oo ku bartay kalkaalinta caafimaadka(Nurse)
1981-82 Tobabarkii shaqada qaran ayuu ku qaatay School Policia ee Muqdisho
1983- 84 Mudane Mahdi Tobabar dheeraad ah oo la xidhiidha kalkaalinta caafimaadka iyo caafimaadka bulshada (Post Basic) ayuu ku qaatay magaalada Muqdisho
1984 -86 Shaqadiisii ugu horraysay wuxu ka qabtay magaalada Lughaya ee degmada Lughaya-Awdal, isagoo ka shaqayn jiray Lughaya Primary Health Care,isla wakhtigaas gudihiisa waxa kale oo Mahadi uu magaalada Burco ku dhammaystay tobabar ku saabsan Primary Health Care (PHC).
1986-88 Xildhibaan Mahdi wuxu ahaa Tobabare caafimaad (Health Trainer Officer) oo ka hawl gala Borama(Awdal Regional Health). Isla horraantii 88-kii waxa kale oo Mahdi loo diray aqoon iswaydaarsi (Seminar) ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania
1991-93 Kadib dagaalkii sokeeye iyo qaran jabkii Soomaaliya, wuxu Mahdi noqday ganacsade xaasilya nolol maalmaadkiisa
1994- 2000 Mahdi wuxu ka wakiil ahaa Hayada GARGAAR oo ah hayad samfal ah (NGO) oo qalabka caafimaadka gaadhsiisa Awdal iyo dalka Somaliland intiisa kalaba. Hayadaas wuxu Saldhigeedu ahaa Denamark. Xildhibaan Mahdi wuxu haydaaas ka ahaa Guddoomiye (chairman) u fadhiya Boorama-Awdal.
1999-2001 Mahdi isaga oo ka wakiil ah Hayada GARGAAR ayaa wuxu sidoo kale ku shaqaysan jiray maamulka Isbitaalka Boorama (Hospital Administrator)
2003-04 Waxa loo dareeray doorashooyinkii golaha degaanka Somaliland, Xildhibaan mahdi wuxu ku biiray xusbiga KULMIYE, halkaasi oo uu noqday xoghaya Xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal. Doorashooyinka golaha degaanka Awdal waxa ku soo baxay Xildhibaan C/Raxmaan Saylici oo ahaa garabka midig ee Xildhibaan Mahdi-Gees; imikana ah Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
2005 Waxa loo dareeray doorashooyinkii golaha wakiilada somaliland. Xildhibaan Mahdi wuxu ka mid ahaa musharraxiintii reer Awdal ee tartanka ugu jiray jagooyinka wakiilada Somaliland.
Mudane Xildhibaan Mahdi-gees iyo Allaha u naxariistee Xildhibaan AARE NUUR CUSMAAN ayaa ka soo baxay beesha Habar Xuseen(B/Celi) waxana labadoodaba laga soo doortay degmooyinka Saylac iyo Boorama. Mahdi wuxu kusoo baxay cod ballaadhan oo ku dhaw 5 kun oo cod, sidaasi ayuunu ugu soo gudbay inuu noqdo Xildhibaan buuxa oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland. Ilaa iyo intii uu Mahdi noqday xildhibaanka ilaa iyo maanta kumuu shaqaysan xirfadiisii Caafimaad, oo waxa jiitay siyaasadda. Mahdi isagoo ku takhushay caafimaadka bulshada ayuu doortay inuu noqdo siyaasi, wuxuna ii sheegay in sobabta ku kalliftay ay tahay inay siyaasadu ka mid ahayd hiwaayadiisa ilaa iyo yaraantiisaba isla markaana uu leeyahay kartida iyo kalsoonida lagu noqon karo siyaasi. Xildhibaan Gees wuxu abaal weyn ugu hayaa inuu kusoo baxo jagadan mataankiisa madaxweyne SAYLICI, oo isgu ah ninka soo saaray Mahdi Gees iyo xildhibaano kalaba sida Abubakar Good
Xildhibaan Mahdi maanta oo ay taariikhdu tahay 05/03 ayuu ka dhoofayaa London isagoo ku guryo noqonaya dhulkiisii hooyo, waxanan u rajaynaynaa Safar salaama iyo safar khayr leh. Haddii Ilaaha awoodda lihi inagu simo qaybaha danbe waxan ku soo qaadi doonnaa shirarkii uu ka qayb galay Mahdi Gees intii uu joogay UK iyo sidii loo qaabilay
BRISTOL
Xildhibaan Gees wuxu kala qayb jaaliydaha Somaliland iyo Awdalba xaflado iyo shirar googoos ah, meelihii uu booqdayna waxa ka mid ahaa London, Birmingham iyo Bristol. Qayb ka mid ah sawirada xafladdii Bristol loogu qabtay waftiga Muuse Biixi hor kacayay mahdina ka midka ahaa ayaynu nasiib u yeelanay inaan halkan dhawr ka mid ah soo galino.
Categories: Warka (News)



Mudaharaaddo Gilgilay Djibouti
THE SPEECH OF THE VICE PRESIDENT OF SOMALILAND TO THE ALL PARTY MPS FOR SOMALILAND AND SOMALIA.
Khudbaddii Taariikhiga Ahayd ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane C/Raxmaan Saylici Ka Jeediyay Fagaaraha 18-ka May ee London
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hiildan. mudane mahdi gees run ahaantii waxa uu ku hadlay iyo sida uu u hadalay maalintii dhawayd , waxay dadka ku noqotay qaadan waa , waxana ka raacaday sumcad xumo, lama filayn in uu mahdi gees uu qiiro aad u hoosaysa oo uu ku bahdilay tolki iiyo iyo mansabkiisa siyaasadeed,. anigu waxaan aaminsanahay mahdi mahdi gees waxa uu si deg deg ah u soo gaba gabeeyey musqabalkiisa siyaasadeed.
Hortaa raggan aanu maba daawan mana rabo in lagaba hadlo haduu yahay ciise iyo kan gedabuursi labadaa ee ma waxay yimaadeen London oo ay sidaan uga hadleen?
ceeba waxaa ciise iyo gedabuursi ugu filan raga sidan u hadlay ayaa uga qayb galay shirkii somaliweyn ee London laakiin nasiib wanaag waxay ka hadleen kuna hadleen magaca calanka reer hargeysa.
Mahdi gees waxaad ilawday inuu ahaa ninkii dhacay qalabkii cisbitaalka Borama ee computeradii loo soo dhiibay uu suuqa ku iibiyay iyo waliba sariiro.. iyo in jeellka Borama loo dhaadhiciyay oo waliba ragii uu ka iibiyay oo ku furtay internet cafe ay ku cadeeyeen… jeelkana ku jiray bil…. CV ga soo dhamaystir…
laba nin oo la haystayaal ah oo Islaamo idoor ihi qol yar ku soo xidheen ayaad ka sheekaynaysiin.
Midna Jabuuti dadkiisa ha ugu khudbadeeyo.
ka kalena Saylac iyo Buuuraha ha ilska xaadiriyo.
waar nimanku nacamlaysanaa.
Hiildaan adigu Bahabar celida xayaysii. Bari markay idoor C/dheere ku badalaan saylici xaalkaagu waa Harowo.com
mahdi gees 90 yadii waxa uu ahaa macalin qaliba qaybta tarainingka, hayadii icrc ka qaybta boorama.
intaasi waa qayb ka dhiman tariikh nololeedkiisa.
Mahdi maxaa lagu haystaa hadii uu runta sheegay. dee dawlad somaliyeed haday timaad ma 1 wasiir wax ka badan ayaynu helaynaa. waa may ajawaabtu. hada wasiir buuxa waabay kuu quudhi laayihiin.
awalba dabada ayaynu kaga naalay somaliya.
xamarna wax ay faaiido ah oo ay inoo soo wadaa ma jirto.
xildhibaanku runta ayuunbuu taabtee ceeb ma lihin.
dadbaase been iska dhaadhicyi kooxda awdalstate la baxday.
inkasto oo ay qaybo badan oo ishuwan iskugu jiraan. balse badhkood.
ADIGU CEEBLA ”AWDALSTATE ”BAD KU WALATEEY…NIINKAN”XARDHIBAKAAN”WUXU KU HADLEEY WA WAX LALA YAABO..OO WUXUU ”IDOOR”UU CADEYEEY INUU GADABURSI”AMBITION’LA HAYN..
waa fariin ku socota silaanyo
adder dadkii snmtu naga laysay 21 sano xaquuqdoodii may helin, kuwan maanta kibirku ka hadlinayo ee ku doodaya maxaa na looga jaray waa yeelkadoode ka soo bilaw maanta dila ilaa lawyacado, adeer danahaagaad markhaati beenaalayaasha isku wardee, hadii sida ina samatar kolay iidoor maxkamadii ifka iyo tii aakhiro way sugaysaa….
silaanyo hadalka xaaji waraabena waa cadaynta in ay snm dagaal ku soo qaaday samroon
“hadii na laga adkaado han isku dhiibno reeraha bariga iyo galbeedka si ay noo badbaadiyaan, hadii an guleysano aynu reerka samaroon dagaal ku qaadno”
adeer ifka hadaad ku badbaadaan aakhiro ma badbaadaysan ?
Isaaq:
Samaroon qaybiyo xukun. Samaroon isagaaba iska dhamaanla
aad ayay u adagtahay in ay mar dambe Samaroon midoobo.
waa la kala shakiyay. Ina Awcali iyo Rayaale ayaa ka masuula
markay lafahooga u eexdeen. waa goorma waa kuwii isu qaatay Isaaq dhala. iska adkeyso
kkkkkkkkkkkkkk aniaga haboon wll maxad sheekadan kawadaa dadku way islaayan dabadeed heshiyaa waxan yaryar eedhacaya ilaahay baaqoray markaa hada inagada danyo xarago
cali
waxaan aad wadan in la iskaga daba iman doono ogaada ifku maalmo, hadii laga heshiiyay maxaa keenay inaad dadka ugu kala eexataan, aaway agoomihii ka hadhay dadkii la laayay ee samaroon, wax walba waa inu samaroon dib usoo faqo oo miiska dib loo soo fadhisto, hadii kale walee tii aakhiro way idin sugaysaa,
bal ii sheeg kuwan 21 sano soo dhargay ee hadana ku doodaya xaaraantii maxaa na looga jaray ?
ifkana intaan ordi karo waan ordi oo sidii ina samatar kolay iidoor wuu ku hor mudaharaadi maxkamadaha hortooda insha alaah, xaqu wuu dilaaci doona mar ay noqotaba
kursi iyo magac bilaash ah libin uma arkaayee, mugbuu hadalku leeyahe haduu laba shub kuu gali idooroow, intaan luxudka la idhigin laxaadkaan ku meel mari, la hal maalay……ama lumay oo la i waa, ama ladhay naftaydoo ku libaanay raadcadaa,
samaroon dhamaanteen guul iyo midnimo insha alaah
Fariid maya sxb sidaas ma aha: haddii Habar xuseen lagu badalo H/Cafaan waa iska caadi. Haddiise cid kale meesha qabsato waxan ahay Awdal State oo calanka ayaan ka taagi doonaa Libaaxlay, taasina waa iska caadi.
@ Xasan dee sxb CV-ga Xildhibaanka inaad been ka sheegto waa laga fiicanyahay. Qalabuu xaday oo waa la xidhay kuma jirto CV-ga Mahdi.
Waar heedhaha waa dhibtee dee, hadii riyo ciise iyo samaroon dhuusaan ma isaaqbaa kal yaha qabtay uu ka dhiisayaad la soo boodaysaan bal dhibtan eega. Labada nin ee hadlay hadii ay wax fiican iyo wax doqo niima ah ku hadlaan cid ka hadashiisay ma jirto ee waa kartidood iyo itaal kood balse maxaa dagaal sokeeye iyo hadal kooda isku xidhay. Somali qabiil qabiil jeceli ma jiro oo quluubta qabiil kasta jacayka qabiil koodaa ku dahaadhan wixii ka soo hadhaana waa qabiilka kale ku juqsii. markaa somaliweyn iyadna wayba ka sii daran tahay oo waa meesha cudurka iyo reer kaygaa lee iiga kac kasoo bilaabantay markaa xumaanta ina wada haysa inteena isku dhawi aan rogroganee koonfur oon aqli iyo iimaan midna lahayn haynala daba ordina oo dhalaan habaabista Somaliweyn la ydhaa yayna danteena inaga suulin isaaq hadii aad nacdeena waa ciise iyo samaroone kala saara somaliweyn iyo nacayb kaad u haysaan. Wanaaga jaar kaagaa laga bilaabaa maaha Baraawe iyo Gedo ee waa hargaysa hadii aad wanaag ka waydana ilayn wax walba wanaag ku eeg baa lagu yidhee. Kab iyo xaar keedba waa laysku tuuraa.
@Hiildan dee anigu goob joog baan ahaa arinkaasina wuxuu ahaa fadeexad balaadhan oo Borama qabsatay… Ninkan aad faaninayso qaybaha caafimaadka ee gobolka wuxuu ka qoran yahay hadaad ogaan lahayd maad soo qorteenba.. waxan uu hada ku hadlayaa waa runtii oo samaroon dani uguma jirto somali wayn… Laakiin shaqsiyadiisa ayaan si fiican u aqaaan Mahdi gees….
Siyaasi iyo shaqsi kastaaba dhaliil wuu leeyahay laakiin hadalka xasan dhamaan lama wada rumaysan karo oo soo cadayntii iyo beenayntii midna looma baahna. Hildan diyaar ma uyahay in waxyaale shaqsi u gaara halkan lagu soo bandhigo lagu caytamana. Jawaabtu waa mayaan u malayn. Hoos in loo dego oon waxyaalo manafac lahayn laysku daashaa sheekada fadhi ku dirirka uma qalanto. runtii nin kani cid uu yahay iyo wuxuu gudu midna ma aqaan laakiin marlay ilama qurux badnaan in sidaas hoos loogu sii dego.
@Hiildan dee ninkan aad meesha soo dhigtay ma rabtid miyaa in dhaliishiisa la sheego… ilayn kuwa kaleba waa ta wax laga sheegee… maxaad commentska u masaxday….. ma in la amaano ayaad rabtaaa oo aan ceebtiisa la sheegin…. commentska iska xidh ama dadku xor ha u ahaadaan oo runta ha ka hadlaan….
Xasan ninku madaxweyne ma aha wuxu la mid yahay xildhibaanadaa Awdal ee Hargeysa isugu wada ururay, dadkii soo doortayna an dib u soo eegin. Dhaliil guud way wada leeyihiin, laakiin dhaliil gaar ah oo Mahdi gees la saaro ma arko.
Waan kuu fasaxay commentkee bal adiguna is ballaadhi, oo ka faalloo xalka loo heli karo xildhibaanada Awdal
hadaan isaaq necebahay jacaylka darood ama hawiye maxaa iiga faa iido iigujira ileen kii aan wada daganayn waan cay lakiin isagu waa ijecel yahay
hiidan waan ku salaamay mahdi gees waxaan filayaa in uu guri ga marti kuugu yahay kkkkkkkkkkk waayo taariikhdiisa waad dhamaysay wax yar maahine,
suaal xaaji waraabe tolkii xaflad bay u samyeen iyo ina buuxi bal noosoo gale xafladaii aad u samayseen mahdi koonteenar casuumadiisa mise waabo baxay bilaa casuumad i waar hiilda madhiibtay ninka dadka qaarkii marabtid in ceebtooda la soo dhigo banaankee wax xaqiiq ah baana kuu sheegayaa in uu mahdi si aan fiicnan u hadlay markuu habraha iidoor hortooda daagnaa iyo in uu ururkii gargaar iibsaday waxaa aanu 2sanu diraynay oo uu danmarkna uu XASAN SUBAGLE gudoomiye ka ahaaoo uu garabayshan ugu dhiibay mahdi gees
nin gurmaan qaatay ilaaq dalbay adigaa soo dhigay ee waataa runtii oo qayaxan
Hiildan
Haddii ad samaysay masaxaada commentska waxa fiican inaad joojiso.hadii xildhibaanku halkan soo galana waxaa fiican inuu isagu sharaxo siyaabaha ay wax u dhaceen.
boob iyo wax la leexsado isagu uguma horaynayo, ugumana dambaynayo.
dharka lasheegay dadku wey wada qaawin yihiin. baahina wey jirtaa. inkasta oo ay fiican tahay. in loo geeyo dadkii loogu talagalay. waxaase wanaagsanayd rag tacliin lihi inuu inoo qaado hubka.
Qofka SAGAL la baxday aad baan u salaamayaa. Hayada GARGAAR waxa dhidibada u taagay Xasan Muuse Subagle(Samaroon). Dhakhtarka Boorama wixii qalab loo diray oo dhan waan la soconnaa oo loogu talo galay inuu tobanka sanadood ee soo socda waxba u baahan. Ma waxad na leedahay Xildhibaan Mahdi-gees ayaa qalabkaas la weydiiyaa?. Halkuu Mahdi joogay markii miskiin ka yimiday baadiyaha lagu yidhi sariir laguuma hayo, ee waadhka hortiisa uu ku dhintay? Ilama aha inuu Xasan Muuse (Samaroon) wax cabasho ah ka tirsanayo Mahdi-Gees, adiguna ma filayo inaad ka isaga wakiil ka tahay.
Markaa inaadeer inaga dhaaf sheekada dhannaankeeda oo xildhibaanku mudadii dheerayd ee uu mucaaradka ahaa, cidina wax uma ogalayn inuu sameeyo, oo dee mucaarad waa layska ilaalin jiray. Sidaa daraadeed wixii halkaa ka dhacay haddii qalab la dhacay, iyo hadii la dhici waayayba waxa masuuliyadeeda iska leh dawladdii UDUB ee dhacday iyo intii u adeegi jirtay wakhtigaasi.
waan ku salaamy oday hiildankkkkk odaynimada qalad ha u arkin waa masuul sare ee waxaan ku weydiiyey qoftan sagal ee ninkii mahdi kashftay maxay ahayd waxayna u eg tahay qof xog ogaal ah oo waxaadba isla garateen arimo badanqoraalkeedii danbena waad tuurtay miyaad ka kululaatay waadiga ka tuuraye sagal bal noosoonoqo hadaad awoodi misa casaan baa kusaaran oo B,CELIDII ayaad farta ku fiiqday
hiildan xaqsoor oo dadka kadaa ha tuurine waxaam ogaa shacni oo iyadana aad kasaartay meesha sidaad u fiicnayd uunbaad halmar is rogtay,
Waar nimaku caqli badanaa maanshallaah.
Ninkan meesha ka hadlay iyo hiildan, haday gadabuursi sidaa wada yihiin bari hore ayay wadankoodu horu mari lahaa.
Wali waxan idinka sugaynaa sawiradii London Iyo Birmingham…….?!!!!
Hildaanoow safar salama ku dheh xildhbaanka balse warkooda naga daa wuu baarixi garoobee. fariin uun faroo waxad ku tidhaa isaga iyo ninkii runtaan sheegayaa lahaa ee kalaba, saaxiibadaa runta u sheeg oo awr kan dhanka ka rarar ee somaliland dusha aan u saarnay goormaad naga saxaysaan intaanu la dhicin.
Ninku waa na casiley ,markuu yidhi somali hal wasiir ayaan ku lehayn ee somaliland ayaa wax kana nahay. aaad ayuu u han yar yahay. ee waxaan jeclaa asaga oo taageersan somaliland in uu yiraadh waxa naga maqan na siiyo , kuna qanacsanin intan
raaxo