Siilaanyo Iyo Sinaawi Midkee Mudan In Lagu Muddaharaado?

Shirkii  shalay (23 Feb) London uga furmay Soomaalida ayaa waxa lagu salaamay mudahaardo kala duwan oo qaar kood lagaga hor jeedo Ra’iisal Wasaraaha dalka Itoobiya Males Sinawi, qaarna laga horjeedo maamulka Siilaanyo.

Awdal State iyo Khaatumo State oo is bar bar taagan ayaad arkaysaa oo ka cabanaya Siilaanyo iyo Somaliland. Dhinaca kalana  muwaadiniinta Somali Galbeed ( Ogaadeen) ayaa iyaguna muujinayay daraanka muragada leh ee ay ka qabaan miciyo ku dhiig leh Males.  Hadaba labada kooxood keebaa xaq ku taagaan?

About these ads

Categories: Dood (Debate)

74 replies »

  1. ninkaasi ma suxufi abroonaa?hadaad tahay salaan qaaliya inaadeer./

  2. Asc Mudane Hiildan Salaan Sare Iga Gudoon
    Dee Waa Sidee Sawiradii Badnaa een Kuu Soo Diray Xageebaad Gaysay” Ma Jaanqadhaadhkii Land-ta Ku Dhacay Baad Wali Ku Mashquulsan Tahay Ina Adeer kkkkkkkk

    @ Ismoog Waan Kaa Qaaday Walaal Salaantaada Diiran

    ” Allow Xaqa Na Garansii Aamiin Aamiin ”

  3. Labaduba xaq bay ku taagan yihiin, koox walbna waxay ku mudaharaadayaan cidii dhibta u gaysatay, dabcan reer awdalna nidaamka snm waxay kala kulmeen xasuuq iyo cadaalad daro oo looga dhigay abaal gud marakay nidaam u dhiseen ay dhexdoodii heshiisiiyeen.
    sawiradaa ay sitaana maaha kuwo laga soo qaaday sariimadii borama iyo geelii maatili qalaysay ee waa rag samaroon oo wax allaale waxay galabsadeen jirin dhiigoodiina wali aan biyo laga daba daadin cidii gaysatay falkaasna ay xoriyad ku marayaan meesha ay doonaan. ee Alle samaroon dantiisa ha tuso aamiin.

  4. Dumarka xabashidaa lagu caayi jiray Andhi kooka oo tiradooda ahayd sheegaysana riqiis nimadooda. walaahi somali Anghi Dolar bay noqdeen oo maalinba ninbaa qandaraas ku qaata. |Ninba meel ka aragye, hadii kuwan Kulmiye ee Siilaanyo madaxa u yahay somaliland laga qaban waayo, goroyo heeryaysana guraday ka saari doonaan. odayadii hore tab iyo xeelad bay yaqaaaneen oo meesha doqoniimo ka soo raacayso wayba ka joogsan jireene, kuwana waxay isku darsadeen, hunguri wayni, siyaasad yari iyo aqli xumo cilmi yarina waala sheegayey marka duqa laga reebo.

  5. Udayrintii Maraykanku u deyriyay jabhada SNM. Tusayna in maraykankuba 50 gobol yahay.

    Eeboow ceebteena astur, gaalkii leesaga dacwooday wuxuu nayiri war isla jooga.

  6. waa duni xad gudubtoo xaqa baadil qariyee…

  7. Waxan maqlayey Siilanyo oo loo diiday inuu hadlo. hmmmmmmm. hadhwanaag ka dhagaysta oo hadii aan lays xaqirayn duqu afar minute oo afartan saacadood u dhigantuu hadlay. i must say as well, reer koonfureed must had been squeezing their tangues between their teeth when this dude was on the podium.

    • BEENI RAADMALEH EE MEESHA WIXII KA DHACAY TOOS AYAA LOO DAAWANAYEYE EE HADHWANAAGE SHAM ON YOU BEEN HADAY SHEEGAYEEN MID RUN U EEG IN AY SHEEGAAN BEEY AHAYD EE SOO TA KU CADAATAY PROBAGAANDADII AAY KU MEEL MAREEN. WAAAN KUXAMAHAY BEENTA LA’IDINKA IIBIYAY INADEER EE RAALI AHOW.

  8. ma runbaa waadigan diidan koonfur,landkana ku qanacsanayn xageed inagu jihaysa?

  9. ismoog, wuxuu ilaah dariiq iyo dawtoosan ku hor dhigay, laba daas baad aduunyo kala soo dhaxbaxday miyaaa. Xaqiiqdu doonis iyo dafiraad midna uma baah na waxanse kala saaraa muxubada iyo kaskayga ii gaar ka ah.

  10. ma anaa ilooway saldanadii awdal ?hada ogow tafiirtii ugaas nuur ayaan ahaye,sow maalintaa ugaaso noqon maayo.

  11. why we always complaining if we are the people from awdal?
    why we don’t make any revenge if its necessary rather than complaining in-front of mirror or TV?
    Truly speaking i shocked when i see this picture so please we must do action or become silent!!!!!!!!.
    I disagree any one who is against justice Because
    No one can give you freedom, and no one can give you justice and equality, if you are a man the right to do to achieve that for yourself! with must beg Allah and surely we will succeed.
    and please don’t hesitate Be always confident.
    Thanks.

  12. kkkkkkkkkkkkk kuwani ma reer awadal baa mise waa ma jeerteen waan kala garan layahay anigu

  13. Aad baan uga xumahay Axmed Siillaanyo oo Sanka Duuf ka keenay Albaabka raiisalwasaaraha Britain hortiisa kadib markii laga furiwaayay albaabka in badan halkan ka daawo.

  14. In order to get justice, there must be injustice because justice cannot bloomsom whitout injustice. Live with it, it;s always what you make out of it and remember eliminating is imposible.

  15. Waar Nimanka laga qaylinaya maa Nimankii dir idoorba kkk, hawiye waxay ka cabaadayan Nimanka idoor kibray intay hargeisa ka tagay muqdisho qabsaday 4 sano ka talinay madaxna ugu ah dhulkooda yaa ka caqli badan sanadka idoor lol, daroodkiiba cabaadayo khaatumo seeg iyo siilaanyo na xasuuqay la tagan, Hadii maanta hawiye iyo daroodba ka mudaaharadayn nimanka dir ee idoor waa guul .

    Calamay qatayn leeyihiin idoor ha dhaco kkkkkk

  16. kkkkkkkkkk walahay daacad ayaan u qoslay reerkan isaaq sanadka laga yaab daarood u iyo hawiyeba waa kuwaa dariiqyada landhan taagan ee leh siilaanyo ha dhaco isaaq ha dhaco lakiin qoladiinan reer awdal daarood iyo hawiye meel idiin gayn maayaane yaanay idinku awr kacsan ilaahbaa iskiin baday isaqe isaga wada noolaada oo idinka oo wada socda idinka ha laydinka cabto laakiin iska ilaaliya in saado cali aad dariiqyada yurub iskula sawirtaaaaaaaaaan

  17. Siilanyo wuu guul daraystay shirkii somalida. Anigu waxan filaayey inay somaliland fahanto meesha waxa ka socda oo ay ” performance” kooda kor u qaadaan. Lakin waan ka xumahay inay akhriyi kari waayeen, sida ay wax u socdaan. In kasta oo ay fursad qaali ahi dhaaftay, haddana wali ” it is not too late to re-organize and re-evaluate. Somaliland waxay u baahantahay, dad aragti siyaasadeed oo fog lehi inay la wareegaaan hogaanka hadii kale waa lagu marginalize garaynayaa meeshan iyo meelaha kale ee soo socda.

    Somaliland Madaxdeedu isma weydiin waa maxay sababta aduunkii oo dhami ” suddenly” ay u rabaan in Somalia la dhiso. Aduunka wax ” charity” ahi ma jirto, ee meesha wax ka weyn baa jira, ilamana ah inay siyaasiyiinta reer somaliland ay si fiican u fahmeen, waxa aan ka ahayn Faysal Cali Waraabe oo aan u haysan jiray ” loose canon” lakiin u eg inuu si fiican u fahamsanyahay siday wax u socdaan.

    Haddi la rabo siyaasad reer woqooyi oo iska celin karta duufanada siyaasiyiinta southern somalia, waa in si deg deg ah loo sameeya gudi ay ku jiraan siyaasiyinta reer woqooyiga ah ee somali weyn rumaysan si loo qaboojiyo “the southern runaway train”.

    Anigu mar horeba waa is sharxay oo waxaan ahay somaliweyn, lakiin raba somaliland inay jirto oo ay ” polity” adag noqoto. Waxa aan shalay arkay ma jeclaysan, isaaq iyo gadabursi iyo ciisana waa loo yaabaa hadday siyaasadooda ” over haul” ku samayn waayaan. Odaygan Siilanyana waa in meesha laga qaadaa, si deg deg ah ama waa in laga xoreeyaa xakamaha iyo influence ka dahabshiil iyo canaasiirta ku wareegsan.

  18. Somaliland iyo dabadhilifoow ku quuso.

    Hadalbaad tidhiye xitaa warlordadiiba la dhex fadhiisayay
    Isaaq gobaleed. waligeedbaan waan oagyn in waxani hal qabiil wal walaaqanayo. Silaanyo waxa uu sii kaxeystay odayaal 80 jira what a crazy man. waxa uu islahaa Soamliland baa meel lala fadhiisan doonaa markaasay odayaashan gaboobayna garta niqi doonaan oo ay odhan doonaan 45 cisho u qabta. walee Idoor halkuu Somali ka istaahilay waa la mariyay. Daroodbay ka ordayeen isla iyagaii iyo Garowe ku noqda ayaa la yidhi. Xabashina la isla baray. waxaan sugnaaba waa Soamlailnd oo u kala dhumaata. Hawiye iyo Darood Xamar. Samaroonku macallinimo ka waayo mayaan Jowhar iyo Xamar.
    Abu maqasna miskiin waa la soo lugooyay.
    Daba dhilif ina Awcaliba ka sii diran.Doqon.

  19. maxamad kkkkkkkkkkkkkkkkkk,macalinimo waayi maayaan dheh.waxaad i soo xasuusisay sidaan ugu badnayn wasaaradii waxbarashada.good old days.

  20. Timacade sxb shirka mala waxa ka soo baxay maad akhriyeen, doodi bbc maanta maad dhegaysan , yusuf garad ood garanayso inu yahay ninka somaliland ugu neceb ayaa maanta cadeeya guush somaliland ka gadhay shirka iyo siday diplomasiyadeed heshiishka ula saxeexatay madaxdii calamkee ka hadlaya ariima burcad badeedka taasey somaliland ogolaatay in lagu xidho wadankeeda, khudbadii madax calaamka gadsiiye gadiyada somaliland halka ka dhegayso kudbada http://ht.ly/9gqQ4 dawaashan mar dhaw filo. iyo 26 qodob ee beesha calam ku ka soo sarayn jirka qodobkiisa lixad , 6. Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku ay taageerto wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da ama ciddii beddesha ay ku heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda

    Midkale Hamigii somaliwayn maantay dhamaatay malas sanawi iyo maykibaakiba calaamkay ka codsadayn in cidamadooda la tageero dagaal iyo hubna la siiyo, halkaas wax ka cad in cadaw hore somali kala qaybsaday mar labadan u gacan gashay , 5 somaliyeedna caqli gal ahayn!!

  21. timacade.
    you really misunderstood what is going on there.
    waxa laga hadlaayay ma ahyn somaliland iyo ictiraafkeeda, waanu seegay david cameron in aan ictiraaf somaliland halkan la iskugu iman. kaliya somaliya ayay ahayd.
    tv ga waxa uu ka soo dayay ingiriis intii muhiimada gaar ka h lahayd sida kuwa ciidamdoodu joogaan somliya.
    lakiin in siilaanyo hadlay cidi iskuma hayso.
    sida ula soco.
    ta aad tidhi guuldaro siyaasdeed, waxa ugu muhiimsana e emeesh loo tagay in somaliland aanay k amid ahayn kooxaha hirdamaya markaa taana sida 6da qodib ku qeexan iyadu wax kasta way kaga duwantahay.
    markaa waxan odhanlaha financailly and politically it was succesfull.

    • ceebla,

      Hadaan maanta meel kugu ogahay mingiska ayaan kaa uumin lahaa. Sowdiga arkaya gaaladi aan isku dacwaynay in ay nagu leedahay waar isla jooga inaguba weeysla jognaaye!

      Ma dayro intaa ka wayn baa kuu dhiman. Somaliwayn uma baahna jabhada SNM. Laakin waxay samaysay arin aadan ka waaqsana. Dhaqaalena kuma garaysaan Somaliwayn oo waaba dhulki uduga iyo kii macdanta iyo manafacaadka. SNM dunidu 21 sano ayeey ini eegeysay waxaad ku dhaqaaqdan. Dushey iniga ilaalinaysay ogaatayna in aad dunida dhan ku tihiin qaxar dawarsanaya gubayana walaalihiin kale.
      Sowdinkii Qaatumo idin ceebeysay oo tiri ka gooya mucawinada laynaku xasuuqayo. Koonfurina tustay in aad la shaqaysaan argagixisada Alqacida. hehe waay inugu daadatee kaalay aan idan kuu geliyee si uu stress ka kaaga dego.

    • I’m so sorry sister ceebla in media somaliland been bulshada ku daadihiyaan oon wax jirin oo lagu qabandoono u soo gudbiyeen oo waxa dadka somaliland jecel lagu majaraha’baabiyey oo si qaldan wixii aay rajeeynayeen dhagahooduna maqalaan ugu soo gudbiyeen waxse aay seegeen in uu shirku live ahaa oo farsamo caamiya ah laga baxay mid casriya oon laga been abuuri karin jirto, hadal baad sheegiye in uuna nuuxsan cidii u taagneeyd iyo intii toos u daawaneeysaba ogeeyd ee quusta meel kalena uga wareega tani galbatee!! THIS IS A WAKE UP CALL TO EVRY ONE MISLED BY SSSSSSSSSSS

  22. shirkii shalay ceebtii u waynayd ee abid umad ku dhacda baa idoor ku dhacday,1 iyagoo aan waxba la hadhin oo dorood oo dhan ka hor qaylinayey meesha shirka lagu qabanayey oo hadalkoodi waxba laga soo qaadin 2 iyadoo silaayo sanka duuf ka keenay oo laga furi wayey halkii idoor ka hor qaylinayey for an hour 3 iyadoo maamul goboledyadii shirka ka soo qayb galay uu ka mid aha oo meesha iska fadhiyey kuba lulooday ileen waa 80 years old ,faroole kamu hadal siilanyana kama hadal waana laba maamul goboled marka idoor way ku dhacday somali oo dhan iyo aduunkoo dhana wuu arkay wixii meesha ka dhacay oo live ah waxaba ka sii daran hadalkan beenta ah ee ay duubeen haduu odhan laha wakhtigaa iga dhacay waba suura gal lakin meeshi shalay live aheed ban ka hadaley waa mid subaxanlaha takle qodobka lixaad waa wada hadla somaliyeye oo heshiiya kala go a lama odhan been sheegoo been run u eg baa l sheega good bye god bless awdalstate

  23. Siilaanyo awoowe kaalay Holland igu soo mar aan kaa dabiibo hargabka. Naado haleeygu yeero awoowahann daalan anigaa nafaqo ka dherjinayo intuusan carigi hargab Europa u qaadin.

    Hargabka Europa waa mid 7 cisho lafaha iyo madaxa ku xanuunjinayo. Hadii Africa loo qaado dadkaa nafaqada ku yartahayi kama waaqsanayaan.

  24. meesha timacadaa wax macquula haya ,waxaana ku soo xiga maxamad.

  25. SNM Somaliwayn waxay idinleeyihiin Dumarkale ma caashaqin.

  26. hani muufo.
    sxb aan war kuu sheegee, horta aduunka cid la isku qasbaa m jirto, waxa loo so ururaynaa wa dhibaatda iyo gaajada ku habsatay soomaali.
    mid baanse kuu sheegi wadankan yar ee somaliland wuu isku filanyahay dhinac walba dhaqaale ahaan waa hadii ddku isku tashado. dadku wa number yar, dhulku waa dhul macdantii, biyihii, xoolihii beerihii, petrolkii intaba leh.
    qof kastaa isaga ayaa ku qaadan pention gurigiisa.
    teeda kale dadka reer somaliland dadkeeda ayaa is ictiraafsan, 100 sano haday ku qaadato ready.
    wadano aan la ictiraafin sida taiwan eeg horumarkooda we will be like that.

  27. Somaliwayn meeday!!!, Hadii somali wayn doonaysan malas waa joogay shirka london raysal wasari eithopia iyo moykibaaki madaxwayn kiiniya maxa loo odhan wayaay ingirisoow adiiga bixiyey dhulka somalida (reserve area) kilidka shanad ee itobiya !! iyo Nfd dhulka somalida ee kiiniye. jabuti somali waynbaan heshisiinayna leedahay somaliwayn ma somaliland iyo somalia??!!!

  28. Ceebla iyo Gallaydh……..Anigu maahi qof looga sheekeeyo waxa meesha ka dhacay, waayo dee waxna waan akhriyaa, qurbahana waan joogaa, waxa intaa ii dheer aad baan ula socdaa arrimaha somalia khuseeya. Bi Macnal kalima, personally baan u aqaan, dadka xukuma somaliland, Somalia, iyo puntland intaba, informationkooduna first hand buu iigu yimaada oo xitaa umaba baahni inaan meel ka akhriyo.

    Markaa saxiibayaal anigu waan rabaa inay somaliland guulaysato oo ay go’doonka ka baxdo oo ay siyaasada somalia hormood ka noqoto, unfortunately, waxbaba iskama hagranayaane waxaan arkayaa inay qoladan hadda somaliland xukuntaa ayna international stage kan inay istaagaan ayna diyaar u ahayn.

    Arrintu halka ay hadda marayso waxay u baahantahay, visionary leader. Anigu waligay waxan u haystay inuu Siilanyo uu yahay leader balaadhan oo intelectually kasoo bixi kara xaalad kasta oo adag, lakiin waxa muuqata inuu ama dee ay da’dii hayso ama kuwa ku wareegsan ee maamulkiisaba khalkhalka ku hayaayi aanay advise fiican siinayn.

    Mise dee xanteenii reer woqooyiga ayaa run ah oo cida kaliya ee dawlad iyo amuuraheeda taqaanaa waa Habar Yonis..kkkkkkkkkkk. Dee inooba raadiya kuwa habar yoonis ah oo inaga giijiya meesha, alllaha sahlee

  29. qolyahan idoor ee aaway somaliwayn leh somaliwayn waa waqooyi somaia iyo koonfur somalia .for now inta kalana way iman doonta lakiin labadii somalia samaynayey lama kala goyn karo waqooyi somalida dagtaa maaha idoor kaliya qabiilo badan baa dagta aan rabin in somalia la qaybiyo hadi ay dhacdo in dadka halkaa dagan oon ogoleen in qabiil lagu ictiraafo inu qabiilada kale u taliyo waa danbi wayn oo laga galayo dadka halkaa dagan waxana meesha ka dhici doona dagaal aan dhamad laheen waxan aniga hubaa qolyahan samroon iyaga naf ma laha oo cidii u talisaba way ogolyihine kuwan darood waligood yeeli mayan in idoor u taliyo marka maxaa lagu diidaya som aliwayn oo somali oo dhan ka dhex muuqato oo la iska noolada sida binu aadamka aduunkoo dhan iskula nooll yahay,waqooyiga somalia ma laha idoor waa in loogu dhaarta taas wax majority iyo minority la yiraahdo somali ma laha somaliaya iyagaa wdanka leh kuma noqon karaan minority

  30. timacade.
    khabiirba ahow lakiin huuno somaliland sideedaba western coutreis ma rabaan in ay somalida ku dhex milanto. waxay raban in ay sdieedaa ku ilaliyaan xataa hadii aanay ictiraafin.
    somalina sida runta ah marka laga hadlo wakhti yar ama gaaban xalkeedu ma imanayo ilaa 20 yrs kale wareerkaa ayay ku jiraysaa. markaa western ku wareerkaa kale ayay qaadi laayihiin markaa somaliland waxy jecelyihiin in ay kobciyaan xaga horumarka iyo dhaqaalahaba.
    waxanay shegeen in ay u taal somali hadii ay kala gi’i rabto iyo hadii kale in ay africa u taal.
    kolayse sidaad sheegtay waa loo baahanyahay siyaasiyiin badan oo wax badan ka bedela qaabka somalland taas oo wax ka tari karta dhaqaale iyo siyaasadba.
    mana ahin qasab in siilaanyo saxsanyahay lakiin 3yrs ayaaba u hadhaay markaa waa democrazy cidii kale ee la doorto ayuunba qaban.
    doorkan waxa rajayanayaa in ay HABAR Cafaan sutida u qaban. waayo Habar yoonis way soo martay.

  31. Ma Soomaaliyaad ictiraaf uraadineysaan taasi waa suxufi ayaanib ah oo la yaabey, maya ee woqoojiga Soomaaliya.Boqolkiiba tobanbaad Soomaali ka tihiiin waanad ogolaan doontaan marka beelaha woqooyi dhulkooda taladiisa gacmahooda ku qabsadaan sida khaatumo already done it. Then it mean they are looking for their own tribe recognition nothing more and nothing less. SNM maanta waa sida lax la gowracey oo intii aaney naftu ka bixin nafla caari geedkii ka horyimaadaba jiidheysa beentuna waa caadadooda koleyna meelku gaadhi maayaan.
    Soomaaliweyn iyo Soomaaliya waa kala labo xabashidii aad degaha wax ugu sheegi jireena Cali Kaliif wuxu usheegey in maanta aaney kaligood aheyn kkkkkk. Soomaaliya waa woqooyi iyo koonfur dadkana cidi maanta kuma doodeyso Soomaaliweyn oo ka balaadhan.
    Iska daaya beenta iyo balada ha iska laaq-laaq daan wuxu waa free waana caadadooda labaatan jirsatey kuna quudiyaan masaakiinta hargisa iyo burco degan ee fursan uhaysan aalada Netka oo tilifishinka handicaped ee ku hadla hodka snm loogu adeegsado.

    Way dhamaatey beentiiye waxan halkan ka salaamayaa dhamaan jaaliyada reer Awdalstate ee soo bandhigey astaanta Awdal iyo sawirka marxuumiintii July 11 2009 allaha ha unaxariistee. Sawirkaasi waa sawirkii koowaad ee lagu arko mudaharaadyadii bluuga iyo casaanka ee ka socdey london.

  32. ceebla,

    Hadaan kaftanka meel iska dhigo walaalo. Hana iga xumaan laakin aniga waxa kalarka leeysaga dheganyahay oo dhan marba si ayaan u qaataan oo ma awoodo in aan si dhab ah u fahmo. Laakin hadii Somaliya laays laayay laays ficlay lana kala guuray, micneheedu maaha in faas la soo qaadan karo oo dhulki lagu kala goo gooyn karo oo wuu isku yaal yaal sida dhabta ah Somalina waa is wada dhashay. Hadii aan cararnay oon umadi dunida oo dhan isaga dacwoonay oon is wada bahdilnay cadawyo kala duwana isu soo kaxaysanay. Ma wax natiijo ah baad uga jeedaa maanta?

    Anigu wax natiijo ah ugama jeedo oo aan foolxumaan is badnay ahayn!

    Teeda kale waxaa naloo qaatay in aan marka hore dhibkeena xalino oo anagoon is ceebeyn kala doorano kooxba waxaay jecleysatay. Laakiin ilama ahan in umadaan aan ku leenahay na kala goo gooya aay awood u leeyihin in aay taas sameeyaan, iyagoo eegayo wax aanan anagu u jeedin. Aniga ahaan waxaa iga yaabiyey waxa caalamkan aan isku dacwaynay noo kala guri la’yahay oo midkeen walababa ugu saxiixi la’yahay wuxuu door biday.

    Ilama ahan in aan isu baahanahay koox walba ee naga mid ahi way taqaan sideey u noolan lahayd! oo nin tuurlihi siduu u seexdo isagaa yaqaan.

    Marki aay caalamku u ogolaanayeen in aay Ex juguslavakia kala harto oo aay todobo dowladood u kala go’do waan u wada jeednay laakin suaasha meesha taalo waa in aan iswaydiinaa Maxaa anaga la isugukeen hayaa kuwaasna loo yiri (fool mohoow u jeedaa loogu faataxeeya ee kala go go ah) Meesha waxaa taalo arimo aanan ruuxa Somaliga ahi fahmi karin. Anigu hadaan mana awaalkayga sheego Galaydh oo kale oo xitaa magaca si wanaagsan u qori karin baa i xuubsanayo oo igu leh bahalo soo yuuraro aan nahay oo waxaan idiin soo kaxaysanay waraabe yaal jecel in ay gacmaha iyo lugaha dadka ka goostaan oo cuna hilbaha dadka!

    Marka arintu si kastaba ha ahaatee marka hore haygu soo celcelin in aanan ismaqlayn adna dowlad cajiib ah tahaye, fiiri waxa ku haysta. Kaad ifkuugu nacbayd baa lagu yiri kaa goyn maayo. Dadka Koonfureed kuuma baahno hadii gaalkaa kuu ogolaado in aad wadan noqotee muxuu gaalku kuugu ogolaan waaye in aad walaalahaga aad necbeysatay kaga sameeyo xuduud?.

    Hadii laydiin diiday taa xalaal caleeg intaad gaalka tirahdaan. Wanagaad ku faanaysan sii wata anagana walbahaarkeena saan ku xalin lahayn baan ku mashquulsanahay.

  33. hani
    qof aragti dheer baad ahayd lkn caawa waa sidee maxaa ku helay walal qaali danta somaliya waa in loo wada istaagaa oo gacmaha la is qabsadaa lkn runta la isku sheegaa lkn anuu mid ka bax baan ku odhan lahaa qabiil cayga waa iga dardaaran

    • mohamed gelbeedi,

      Waaxaan maqli jiray carabi intteey ku nabteey nabiga kaaga hormartaa. Caayda mudaaharaadki SNM ta ayeey ka soo yeertay, ana waxaan aaminsanahay unbaan sheegay. Maanta waxaanba dacwad u gaaladi loo dacwooday ee tiri anaguba waan isla joognaahe isla jooga. Ma labo cali ayaa is waydiinaysa in aad dhan walba u cararteen ood gaaladi ku baroorateen ood tirahdeen naga jara wadankaan Koonfur la yiraahdo inagana Somaliland baa nala yiraa oo aw gaalow adaa iibaxshay somalilane iga fuji kuwan, kkkkkkkkk

      Anaga hadaan nahay libaaxyada Koonfureed meel seey utaal aa loola yaal aa nalaku barbaariyey.

      Ceeblana walaashey waxaytiri nakala gooya ma anagaa u diidan in nakala gooyo oo xitaa derbigi u dhexeeyey Jahuud iyo falastiin naloo dhiso?

      Hadii gaalki yiri no way anigu dhaqaale xitaa waan soo diri hadii gidaar naloo kala dhisayo Waqooyigalbeed iyo dhulka Somaliwayn. Ceebla adigu afhayeenka Gadabuursi ma tihid iyagana qolkan fikradooda waay ka wada dhiibtaan oo Mudane Timacade ba wakaa kamana hayo derbi hala dhiso. Dhalinta kalena kaba daran oo wayba bururayaan haday maqlaan Somaliland ninka aqyaarka ah ee webkan lehna malmahan juuqdiisaba lama hayo allahu waclam wuxuu la aamusay. Haduuse ogyahay wax uu baanta ku doodikaro lagama fadhiyeen ee halkaas ayuu kaftankiisa goos goos ka ah ka tuuran lahaa. heheh.

      Marka meesha doodu waa HaniMuufo from Somaliwayn Mudane Timacade oo runta noola fadhiyo iyo galayr ceebla mohamed galbeedi oo Somaliland duulinaya. Dee hala kala goo go o cida aay u darantahayna hala sugo. Aniga dacwada ii taalo waa maxaad gaaloow iga goyn la’dahay umadan i necbeysatay?

      Hadaad leedihiin marstiini ayaan soo dhawaynayna tiiniba wataan inta idiinkugu soo dhawaynay wadan uu kataliyo diktaatoor ilaa ilkaha hub ku sita haddan guryaha ku qarin jirnay marka koofiyacastu raadsanayso oon oran jirnay car oo wir xaafadaheena baara hadaanan deb caawa idin qabadsiin. Oo aay na dhinac mari jireen iyagoo og in aan SNM xaafadaha ku hayno.

      Bal gobanimo halaaysu kala sheegto caawa.

  34. hanimuufo.
    cidi isma necba. ha u qaadan in la is necebyahay. waadigii arkayay sida reer xamarka boorama loogu soo dhaweeyo ama hargeisa. lakiin ujeedadu waxa weeyi dantaya ayaanan ka dhex arkayn in aan la midoobo somaliya.
    aduunkana boqolaal dawladood ayaa kala go’a. ka soo qaad bangladesh, pakistan, maldivas, srilanka, an so on. wa wada muslim, dhamaana dawlado ayay noqdeen sidaas oo ay tahay qaar waa dalal 100 laal milyan ah qaarna waa number yar oo ah nus milyan. ha moodin in dadka la isku khasboo. lakiin time and paiteint ayay u baahantahay.
    dadkan isaaq ku celceliya waxanay ogayn hdaanu nahay gadabuursi in aanu maanta ognahay ama fahasnsanahay in aan kaga adagnahay isaaqa.
    98% gadabuursi u taaganyahay adkaynta midnimada iyo qaranimd asomaliland.

  35. hadalka walaalkeen galbeedina ha la eego, oo qabiil caygu waa inaga xaaraan. hadii aad necebtaay qabiil gaara ha moodin in somaliland qabiil gaar ahi leeyahay.
    viva somaliland

  36. ceeble

    huno bilada qaran jamhuriyada somaliland adaan kugu dhajiyay sanadkan una sheeg dee in aad aduu somaliland dhisatay noogana lexejeclo badan tahay

  37. waa yaab qaran aan xaduud lahayn sowta buuhoodle ilaa xudun ilaa awr boogays oo burco hoosteeda ah uu calankii buluugu ka taaganyay waar aan xaduudeena soo xidhano sowtan laynagu soo socda ,ceelasha burcaaba la sheeganayaa…………..

  38. mise waa kani galbay ku kale mooyee…

  39. Ceebla…..I like argumentiskaaga, waxanad u egtahay inad aad wax u taqaan lakiin aad la bakhaysho aqoontaada. Doodaadu si bay articulate u tahay, hadana ay u dhutiyaysaa. Anigu markaan u fiirsaday waxan ka tegi laahay, the fact the you are Habar Cafaan oo weliba muusafiin ah iyo Somaliland nimadaada ayaa malaha i mari la, waayo dee Habar Cafaan iyo Muusafiin nacamlaynta somaliland laguma yaqaan. Habar Cafaan waa qolada kaliya ee non-isaaq ee challenge garaysay jirintaanka somaliland. Inay somaliland madax ka noqdaana dhici mayso, sababtana waxa weeyi, sida aan reer nuurkan iyo Jibril Yoniska last minutekii wada Awdal State Noqday, loo aamini laayahay ayaan loo Aaminayn habar cafaan akhiro sabanka landhi noqotay.

  40. timacade.
    horta siyaasadu sxb joogta ah ma lihin. dawladu waaweyn ayaa mararka qaarkood isku siyaasad noqda marna kala siyaasad. hadba u arka danta ugu jirta meeshaas.
    runtii marka laga hadlo dee mucaarid waanu ahaan jirnay, hadase mucaaridnimadii waxan ku badalnay muxaafid adag, waliba intii daahir rayaale joogay ayaanu bilownay. wxaanu ahayn qabiilkii ugu horeeyey ee somaliland ahaanba si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey dawlada siilaanyo. waliba iyadoo wasiir iyo wx kae toona aanu ka arag. taasi waxay muujisay in ay gar ahan muusafiin hada aad u taageersanyahay qadaiyada.
    ta labaad danta cafar hafaan waxay ku jirtaa danta kale ee beelahah somaliland. shirkii xeegana sidaas ayaa lagu ansxiayay..
    markaa la soco siyaasad cusub kkk. wayse iska jiri dad noqon kara mucaarid. way jirtay in marar badan inta aanu calanak somaliya qaadano suuqa dhexdiisa toos loogu tooganjiray, in aanu intaanu baxno madaafiic la bixi jarnay, kaamaanu sinasyan jirin mucaaridnimada.
    hadase dib ayaanu isku saxnay. waanan ka gudubnay warkaas. beelaha kale e ereer somaliland way ka dheregsanyihiin hadaba wacdiag jira. maanta wax isku dhuuntaa ma jiraan. waa global.aduunku. waaba somalland.

  41. cawa afkii soomaliga itaa waan qori la nehee noo yara nasiya dhibicdi hakatki iyo capital letter ki ayaa is dardaray kkkk cafar cafaanaa la qor ana stress qaaday kkkkkkkkkkkk

    waaan maqli jiray

    guu guuloow hadaad gu’ga u ooyeyso
    abaar gaaf mareen ah ayaaa timi
    oo geelii ugu adkeysiga badnaa
    gaashamaa yahay!

  42. Horta sawiradii waan soo badshay oo waad daawan kartiin koow dheh. Waxna waan odhanayaa laba dheh, wixii an odhan lahaasae waa la wada yidhiye saddex dheh. Ummad xorriyad xalaal ah u heellan oo u halgamaysa anuu waxan arkaaoo kaliya ONLF, waa geesiyaal tol waayay.

  43. Has anyone really considered the realities of what has taken place yesterday.
    I want to ask awdal people; Are you people abandoning somaliland because the crime commited by few criminal people who killed men from Samroon tribe or because dhulbahante has said khaatumo state you too want awdalstate or is it because you are not represented well in this current somaliland administration?

    Why did you guys never spoke or made awdal state while former president Dahir Riyale was in office for 8 years?
    Why did when isaaq man become president through the ballot box all over sudden awdalstate was born?
    Or is Saado cali and her group has ask you to create that to say somaliland is for isaaq?
    How is this awdalstate going to be a reality on the ground as it’s virtual state right now?
    I will like answers to those questions. use logic to answer them without qabiil.

    Also watch when president sillaanyo arrived at the conference link here : http://www.youtube.com/watch?v=7SGX4lhEsHQ&feature=player_embedded

  44. onlf waa run waa geesiyaal run ah

  45. Imika waxan aad ula socdaa oo an fiirsanayaa Universal TV oo ay ka socoto xaflad ballaadhan oo loo qabtay madaxdii ka timid Soomaaliya oo jaalliyada Soomaliyeed ee UK u qabteen. Waxan aad ugu bogay hadal kooban oo madaxweynaha PUNTLAND Mudane Faroole uu halkaas ka soo jeediyay, inta kalana wali waan fiirsanayaa, oo faallo kooban ayaan hadhow kasoo dhiiban doonaa Insha Allah.

  46. Ceebladaydi aaway tima casuuslay……..by Axmadeey Abuubakar…please listen…..and if anyone knows how to cut and paste, please help out.

    Cafar Cafaana hadhow baan ka sheekaysanaynaa…….kkkkkkkkk

  47. You did it Timacadde kkkkkkkkkkkkkkk. Alla maxaan heestaas aad u raadiyay. Axmaddey Abukar… wonderful artist

  48. waaw timacade iyo ceebla halkaa ka sii wada,aniga iyo cali durgiye ayaa heesaha isku qaadi jirnayoo iniiga horeeynay,meesha jacayl xaasidkaa ku badane yaan sidayadii la idin kala dilin…………

  49. Ismoog aqalkiibay goglaysaa ismana oga kkkkkkkkkk.

    Inaadeer adiga kuma siin karo Cali Durgiye oo dee waa nin gacan adag oo bakhayl ah, geelna ma dhaqan, xoolana ma haysto. Ma jacayl bilaa lacag ah ayaad rabtaa?

  50. Hanimufo, waxala yidhi, bido intaanad bido odhan bay bido ku tidhaa ama waxlay waxeeday kugu caydaa. 21 sanee u danbeeyey cida gaal madan iyo gaal cad ba sadaqo kala dhamaan wayday waa koonfur. Bal in isyeel yeel ku dilayo, halshay oo taaba galay oo gaal somaliland u qabtay soo sheeg. Hanimuufooy ceebtaada anaka hana marmarin gaal tuugsigii ilaa maalin taad dhalataad dabada haysataa oo holand oo dhawr maahi nina muriqiisa ku dhargin baad dhax jeeftaaye. Waxaan qabsanay waa wax anaka naga yimid, anaku aani samaysanay anakuna aan u talino. Daaroodkan iyo hawiyahan aad is daba wadaana dee waakuwa ceebta somaliya sobobteeda leh. Kab iyo xaarkeedba waa laysku tuuraaye waan tuurnay koonfur. Ka macalinka ku qanacsana waxan leeyahay ilaah baa kuu gartay hami yarida.

  51. Timacade, Ceebla

    In 80′s I graduated technical institute of Hargeisa. I spent 15 years in Hargeisa, Buro and Berbera. markaa saxiib Samroonkan doqoniimo ayaa isu diraysa. idoor aqoon ayaanad lahayn. waxba kuuma ogala waxay rumaysanyihiin in Samaroon iyo ree xareed is leegyihiin. xitaa hadii aad madaxwaeyne u noqoto wax kalsooni ah ma haysatid. waa in Habaryonis masuul kaa noqoto sidii Rayaale. hadii uu Rayaale haysto kalsooni muxuu tolkii u siiyay 10 kursi halka Isaaq ka siiyay 55 kursi. imkadan Hargeisa hadaad tagto Samaroonku waa ay cabsadaan markasta oo ay wax ka dhacaan Borama iyo Hargeisa dhexdeeda Samaroonku way cabsadaan.
    Tusaale kale Cabdirahman Saylici imikadan Xirsi ayaa u taliya
    yarkan ina catteyana wuxuu rumaysanyahay in uu Adeerkii Madexwayne ku xiggen ka yahay.

    Timacade waa runtaa waligayo macaarid ayaan ku ahayn Somaliland because meel fog ayaan wax ka eegaynaa.

    isu soo wada duub dhawaana Jig Jiga ayaan tagay waxaan la yaabay sida Samroonku ayna meelba uga dhex muuqan.

  52. Thanks Hiildan, finally I got it.
    @ ismoog, really waan la dhacsanahay hablaha meesha ku jira, xitaa kuwa ay fikradahayagu kala duwanyihiin.

    Ceebla fikradahayagu way kala duwanyihiin, lakiin dood habysan bay dhiibataa and I like it.

  53. axmedaay abukar ma indho laayahay?? sidii stevie wonder buu u cayaraya

  54. Shirka London wax lagu daalo maaha, oo cid walba waa la socotay wixii ka dhacay,inta u badheedhay xumanta maahee.
    haddii ay ceebi jirto waxay ku dhacday dadkii ka socday SNM-ta.
    waxaanan leenahay waa waxaad beerateen ee ha ku marganina.

  55. Maxamed, hadii aduu aad isaaq ka cabsooto anaku kama cabsoono wixii na kala dhax galaana waa wax laba reer kala dhaxmaray markaa hadii aad aragtay dhowr naaquska Awdalstate oo kale haysto dee dhamaan bulshada ha isku darin. Waxan ku soo noolaa hargaysa, Wajaale, alaybaday, gabilay ilaa djibouti markaa meel qabiil qabiil ka cabsoodo lama kulmin waana sidii wali noloshu walaw hada ninba meel loo joogsado marka lagu ururo. markaa intiina boorama u badan fadlan infiriority gan aad nala hor boodaysaan naga daaya iyo daarood daba orodka. Isaaq meel kala tagi maysaan waxase la idiinka baahan yahay in aad madaxa kor u qaadaan ood tidhaahdaan. qaatee qaado hadii kale taada bada kula dhac waana ina rag waxa lagu yaqaan. Hadaadse wali koonfur usii uubataynaysaan, dee garibaa idiinku dhawe nasii sabootiya dhaha hargaysa inaad sii dhax martaan la idiin ogolaan maayee.

  56. mohamed
    hadaad hargaysa oo kuu dhaw ka cabsootid oo aad dhulkaaga u haysan waydid waa dulinimo anuuu borama ma cid baa iga xigtaa anooo ku faraxsan baan amoud ka qalan jabiyay maalin qudhana cidhiidhi kumaan dareemin dee muqdishana maxad u malayn saw hanimufo isbaaro kuu dhigan mayso walee waa cajiib maxaa reer abtigay wax walba laga maqli lkn runta waxa kuu sheegtay marunbaa aad baad u mahad san tahay inimada yara bacaysan bacda ka fura

  57. loooooooooooooool. kuu sheegtay.
    Galbeedi, dadku intuu kala xadaarisan yahuu soo kala dhawayn ogyahay mrkaa borama abtinimada maahee waa u dhalan in ayna waxyaalaha qaar kood hoos u eegin balse sidaan isla garanayno hargayso iyo hareeraheeda waa heelo kale. Marunbaa gabadh maahee waa aar tun wayn saaxiib. Mise hadalka raga iyo ka dumarka mala dhandhan san taqaanid. kaftan.

  58. marunbaa
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walee sidan u qoslayay beerkaa i cadaaday walee gabadh uun baan kuu haysan jiray sxb sorry any way madax sare runtii gobnimadana waad u dhalateen halkaa kaga hay.

  59. somali wayn kula waa waqooyi iyo koonfur kkkkkkk, oo meeday somali galbeed dhulka ugu wayn somali ee malas xukumo miya laga baqay isaga!!!, meeday Nfd somalida kiiniya haysato dhulkeeda ee maykibaaki sandule ku xukumo !!, meeday jabuti!!, Maanta jubooyinkii kiiniyan ayaa haysta dhinacna baydhabo itoobiyan baa haysta, somalida koonfureed maxmiyad caalamiya hoos galayn.

    Reer koonfureedkuna sacab kay u tuman malas , mooyskibaaki iyo amiisoon ba, marku qabsaday ila xamar ee hawiye iyo daroodba seexiyey. Maanta Ninka gumaysiga ku jira waa darood iyo hawiye , Ma eegan karno dumarka iyo caruurta beela koonfureed ee kiiniyaanku , itoobiyaan ku, ugandhisku iyo burundigo ku faro xumaynaya habli iyo carkii ku wada ureeyan, isha allah mujaahidinta beesha dir u badan ee alshaab baa ka xorey doona

    Mid kale islaam reer koonfureed ama hawiye iyo darood markay arkaan Nin idoor ah maxay isla qaawiyan oo gogorad blue la ruuxan?!!.. Hadan sida malas sanawi iyo moykibaaki u xanuujin laha ciidama u dir koonfurta Nin dir ah kumay mudaharaday

  60. @Marunbaa ha ka saarto labo sano ka hor baan ku idhi adeeer magac lab ama dhidig mid uun soo qaado si aan xaawalay lagu moodin waaka awrti Idoor ee qooqu indha tiray kuugu dul xumbayn gaadhay INAAAL FAJACNAAAAAA

  61. Waxad yeeshiin, waxaas oo mudaharaado iyo munaasabado ka dhacay UK iyo meelo kalaba ee Soomaalidu sameeyeen kadib shirkan isaga ah. Wuxu indhaha caalamka tusayaa in Soomaali jeceshahay in lagu soo celiyo gumaysigii oo la gumaysto. Inay gumaysi ka jeceshay inay iyagu dhexdooda isu garaabaan isuna tanaasulaan.

    Waxa midnimo Soomaaliyeed oo indhaha caalamka soo jiita ugu dhawaan lahayd inay dhammaantood yidhaahdaan dooni mayno Itoobiya iyo Kenya ee dalkayaga hannooga baxaan. Isla mar ahaantaana si wadajir ah u taageeraan ONLF oo ku mudaharaadaan SINAWI.

    Dhinaca Reer Awdal, iyguna waxay markii ugu horraysay qayb ka qaateen gumaysi jacaylka iyo gunnimmada. Xabashi ayaa dadkeena maalin walba hilbahooda googooysa, Kenya ayaa iyaguna gubaya dad nool oo dab sudha. Xasuuqa intaas le’eg ee dhacay meelna kumay xusin. Balse reer Awdal waxay soo qaateen boodhadh ay ku sawiran yihiin xubno qof oo la googooyay, waliba qofkaasi aanu reer Awdal iyo soomaliba ahayn ee Internetka ay kasoo heleen. Sidoo kale waxay soo dhigeen sawirada dadkii la gawracay iyaga oo la ogyahay cidda gawracday lagana aarsan kari lahaa.

    Shirka London wuxu u gogol xaadhayaa gumaysigii Caddaa iyo kii madoobaa oo ku soo noqda Soomaaliya, kaasi oo dhammaan intii shirkaas isugu timid iyo intii muddaharaadada dhigtayba ay wada saxeexeen raallina ku yihiin. Bal an eegno aayaha

  62. hiildan

    “Sidoo kale waxay soo dhigeen sawirada dadkii la gawracay iyaga oo la ogyahay cidda gawracday lagana aarsan kari lahaa.”

    Waa ayo kuwa aarsan lahaa ? Ma kuwan la isku tafaafulay.

  63. Salaan sare dhamaan,

    Kadib maalin cajiib ah. Waaxaan jeclaystay in aan Mudane Hiildan tuso dhanka kale ee dadka sida lagu sheegay aay Ethiopia haysato. Somaliwayn oo garbo siman ah dowlad Agrasief ahna hogaaminaayso aya durduriyay iyagoo ilaa ilkaha hub ku sita nin walaa naag intey leeyihiin Familkaan ka dhashay ku dar. Waxay abaareen oo dagaal ku qadeen abarihii 1977 Ethiopia. Wax aaysan wadan ma jirin Somaliwayntaasi Hub, Saanad, Quraan, Heeso. Iyo Waxyaabo aan la soo koobikarin.

    Jugtii ka dhacday caalamku wuu la jeesjeestay. Somaliwayna guulaysatay!. Oo muruqoodi laga anfariir. Maxaay sameeyeen dadki Somaligalbeed ahaa ee loo hiiliyey caadifadqabiil ilaa caadifad Somali na qaadaye. Bal noo dheeg wixi aan la kulanay?

    Aniga waan ogahay oo ciidamadi ka qaybgalaan close qaar ka mida la ahay lana ahaan doonahe bal halaga doodo. Aniga suaashaydu waa Somaligalbeed maka soo dhalaaleen dharaartaa Hiilka badneed mise wax kale oo naloogu keenay Koonfur ayeey ku dhaqaaqeen?

    Anigu ma aaminsani in aan wax intaa ka badan u qabankarnay ama u qaban karayno waqtiyada nagu soo fool leh!.

    Taariiqdu maaha in cidwalbaahi caadifad bulaalisee siday
    tahay ayaa lasoo gooba kadibna lala soo shirtagaa. Anigu waxaan leeyahay (Deb markaan ku joogsadaan damqada NLF.)

  64. maanta magaca somali nimadu wuxuu taagan yahay heer laga yaayaqsoodo danbigaas iyo dhibtaasna koonfurbaa ka danbaysay ee nin waqooyi ka soo jeeday danbi kuma lahayn maantana waaban ka sii durugnay. Laakiin doqoniimada ugu lafta wayni waatan wala waynta haysata. Galaydh, waxad is qarisaba Alshabaab nimadii may kaa soo baxday sawdigan gacan ku dhiiglayaashii u sacabo tumay maaha. Cudurka somali wada haystaa ah, kii la magac wadaaga weec naantiisaba ma arkaan. Bal galaydh iyo Godane jacaylka ka dhax abuurmay een waanad fahmi kartaa sobobta uu u jeclaaday.

  65. dhibta soomaali waxaa ka danbeeyay intii iska soo hubaysay xaruntii dabargoynta soomaaliyeed ee itoobiya,loona soo rartay in lagu dumiyo qarankii soomaaliyeed,waana kuwa horseeday dhiigaa shacabka soomaaliyeed ee ilaa maanta daadanaya,waligayo ka durki mayno dad aan diir diin isir iyo afba wadaagno,maalin ayaad i soo xasuusan doontaa walawayntu ayagaa dawladnimo kaaga dhow,waayo cudurkaa soomaalidiidka ma qabaan,…………

  66. Silaanyo ayaa boqolkiiba 100 mudan in lagu mudahaaraado wayo wa criminal waana racist waana dictator..

    Guul AwdalState.

  67. to st.tinker
    dhibaatadu maaha Siiraayo dadkuna waxe rabaan iney taladooda, dhaqaalahooda, fikirkooda iyo dhulkooda u madax banaanaadan. Jidh dilka dadka wariyayaashu warsidayaasha oodhan buu kuseeyaa.
    We want Somali repeoters dying in Borama jails stop because what so called Somaliland Tribal doing is worse than any other things happened in the past.
    We want our people live their land without fear and discrimantion, we want to govern ourselves since we know what our people want.
    Same like other Somalis, Awdalis want free to be themsleves without other people interest.
    Awdal people want justice and it’s not only few people we lost, We lost more than 10 people within three years and they get nothing because the crimanals were belong to those own and run Somaliland tribal administration.
    We want to have free economic and political idea and use our airports, Seaports without waiting for useless staff from Berbera were our truck-drivers getten shot in downtown Hargisa on their way to Borama.
    We want ever Somalis region or city be run freely by it’s resident and cut off the deadly Somali Tribal interest.
    given the situation, isaq clan can’t represent us Samaroon or the Harti. we also know others have the rights to be within Somalia or stand alone, seek internation recognition for themselves without dragging us in the the mess.
    We believe our interest is Somali Federal System where ever Somali province can build itself and participated in federally on it’s own. This is politics and if we participated Somaliland for 8 years, we also have the rights to re-axaming our political future and taht’s way we declared Awdalstate on March 25, 2011.
    We the people of Awdal want what people from Burco and Hargisa runing their won adminstration, so we want to run our own Awdalstate.

  68. Qalbi walawayn oo somali nimo ku jirtaa horena uma dhicin dibna u dhici mayso mana dhici doonto. Ismoog, what is the difference between 4.5 and somaliweyn and which one you prefer to be part of it? Somali unug somalinimo ku jirtaa ma jiro laakiin qaar badan oo riyoonayaa jira whose in fact I share with land. Ismoog, faankii daarood baa kaa tafay miyaa. Waar ragan Gedebirsi waa wadani heee. Ala maxaan dhuuxay, dhuuxay, dheehday oon waliba ka dhax baxay. Saado boys are always fresh sadly.

  69. maantaad u darayd,ma nin ayaad i haystaa,wajaqaahaga wax walba waa lagaa maqli,laakiin mid baad run ku sheegtayoo reer awdal waa wadaniyiin,waa sababtay laandgu ruuxa uga gali wayday,dhib waa dhacay laakiin meel la kala tagayaa ma jirto in la bogsadaa roon reer duday soomaali kala goyn kari maayo dhulkana waa la wada leeyay,daaroodna waa ragii ilaa ina cabdile xasan,ilaa ina bare somaliland dhexdeeda inoogu wada taliyay,bal adoon qabyaalad eegay maanta iyo maalintii macalinka kacaanku inala joogay keebaan qaran dhisan ahayn bad iyo beriba,bogso walaal umadaadana wax la qaybso,inta wanaagu jiro.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: