Umulo Doox Ma Dawbaa, Ma Wax Loo Dul Qaataa…? Dedicated To The Voiceless People


By Fatxiya shankarroon

UMULDOOX MA DOW BAA?

MA WAXAAN LAGA DAMQANBAA?

 LOOMA OOYAANA IYO LOOMA AARE

MA HURDAAYEEY INOO BADILEEN?

Waxaan halkan salaanta islaamka ugu qaalisan aan hawada u soo marinayaa dhamaan walaalahayga Islaamka iyo umada Soomaliyeed ee dhibtu gaar u noqotay gaar ahaan tolkay Gadabuursi oo ku sifoobay cadaadis iyo dil aan loo aaba dayayn.

cid ka dhiidhida ama ka damqataba lahayn haddi aay jiraana hoos ka guux xaalkoodii noqday waxaan leeyahay Asalaamu  Calaykum wa raxmatulaahi wa barakat.

1. Muddo qalin keeygu wuu khadbeelay oo wax qorid aan taran lahayn ayuu ka daalay waxanse maanta igu soo celiyay  waa ciil iyo maroor dilaac marba marka ka danbeeysa isasoo taraya oo habayaraate wax qabad beelay, ood moodo umaddii Gadabuursi in damiirkiiba uu ka tagay oo tamartii heeryada meeydka ah ee saaran aay iska qaadi  kari la’yihiin. Waxa aay maanta marxaladu maraysaa meeshii ugu hooseeysay ee aadam’nimada dhaafsiisanayd waxaan ilaa hadda muuqda in aay daawanayaan waxa hortooda iyo hareer toodaba ka dhacaya ooyna ba ogayn waxa lakala macaashayo. Waxa is weeydiin mudan ma aqligii talinayay baa tagay? Ma maatida la’gumaadayo iyo waayeelka la qalanayo ayaan dad ka dhalan oo geed cidla ah ka baxay? Mise danbiyo aaynu ogayn ayaa la inaga jafayaa oo damiir xumada inoogu wacan? Haddii la dhintana dhareerka la iska duwaaye miyaad tafaraaruqa intaad ka baxdaan ood is cafisaan danta guud ka raacdaan inta wali rajadu nooshahay. Waxaan mowduucan ku soo qaadanayaa dhoowr qodob oo shucuurteeyda turjumaysa oon idiin soo bandhigay igana ah daan daasi iyo damqasho.

(1). Marka hore waxaan halkan tacsi tiiranyo leh uga soo gudinayaa Aabo Ayaanle Siciid Khalif iyo hooyo Ruqiya Mire Muumin oon leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo Inatiinii yareed ee umala dooxa ku shafeecday shalay kuna dhimatay gacanta Somaliland ku sheega ee dhiigmiiratada ah xalaalaysatay dhiigeena dhagarteenana ku naaxda. Ilaahay ha idiinka dhigo tii idiin shafeeca qaada maalinta wajiga Ilahay la hortagayo tii idin daadihisa ee janatal farduusa ku kulataan Allah ha idiinka yeelo. Ilmahaa aan ifkaba u soo bixin dabaina ku lahayn waxaa aduunka ka socda ku dilay Ilahay ha ka abaal mariyo danbi wixii aay kaa galeen, dhmaantood dhib wixii aay reerkaasi muteesteena danbi dhaaf Allah ha uga dhigo.Amiin!!!!!

2.Ina Ayaanle Siciid oon u bixiyay (Xoriyo) Ayaanle Siciid waa Ilmihii ugu horeyay ee Awdal State darteed u dhintay waana lama Ilaawaan sida arxanli’ida aay hooyadeed iyo iyada iskugu dileen iskuguna dhiman gaadheen kuna umula dooxay magaalaada Boorama oo bartii aay ku dhasheen kuna barbaareen ah hadana loogu jidh dilay Xoriya iyo hooyadeed iyadoo cid u miciinta una soo gurmata laga waayay meeshii aay u dhasheen sababtayna dhimashadii Xoriyo oo neef qabatoowday hooyadeena dhaawac aan la’garan karin ku reebay dhiigbaxna la jiifta gurigeedii maanta, iyo sadexdii ubadee kale la baday in aay guri cidla ah hawaarsadaan markii aabahoodna jeelka lagu taxaabay hooyadoodna naflacaarigii loo la cararay cusbitaalka si loo soo kala badabaadiyo labadaa nafood ee isku dhex rafanaya, ta ka sii daranina aay tahay kuwa loo soo adeegtay oo ah kuwii ugu xigay ee ehel iyo qaraababa u ahaa, ma ayaan daro taa ka liidata ayaa jirta? Miyeeyna halkii darajada nolosha ugu hooseeysay ahayn? Miyaan cid damqataa oo damiir leh ku hadhin dhulkii? Mise waa si kale oo waa umad wada bacaysan waxaan la’hadal is leeyahay. Waa sidee askartaa malaga shaaridan ah miyeena gacantu gariirin markaay kolna walaashood kolna dumaashidood kolna ilmaha aay abti iyo adeer ka aay u ahaayeen hooyadood aay umaldooxayeen aabahoodna u sibra dabrayeen dhiigmiiratada dhulkii dhagaraysay mise shaadh sirxan beey sitaanoo waa wada siloon? Mise waa waabay sumaysan oo mas dhexda kaga maran yahay? Soomalaay sidaasi ma garbaa mise waa gardaro? Xaquulqal insaanka halkeey ka soo gashaa in haweeynay uur leh gacan loo la tago? Miyeeyna dambiilayaal ahaayn kuwa Xoriyo oon ifkaba u soo bixin dilay? Waxse aay reerkaa ku maageen ma aabaoohdbaa Awdal State ah ? miyuna qofku xor u ahayn in uu xor u noqdo wuxuu doonayo? Sookuwa iyaguba aay xag u yeesheen SNM oo dhagarqabayaal ah in aay codkooda kor ugu qaadeen oo walib aay u dabaaldaga taalaana u dhisa kuwii aay dadkooda gumaadeen, maxaa xuquuqda reer Awdal aasay ee loo yidhi ma hadli kartiin? Xaalku waa isku cududda jabi. Gudanyahay imaad gooyseene qaayb iga mida ayaa kugu jirta!! Dhiigii afartii rag oo maqan oon wali xal loo helin ayaa sadexdii Seemaal lagu qashayna la’mariyay dariiqii kuwii hore maanta ilmihii uurjiifka ahaa lagu dhex dilay hooyadii, ayaa hadaba dadkaa u maqan ee xaaqoodii dooni mise waa looma ooyaan looma aaraan kii loogu soo heesay askartii Buuhoodle dhabarka laga soo toogtay, maxase intaa ka weeyn ood su geeysaan in aad iskaga dhicisaan cadaawaha idin gumaadaya raba in uu gumeeysi madow oo Soomaaliyeed idinku noqodo? Weeyse u gaadhay wasriir ku sheegu in uu maanta si digosho leh ugu tiikh-tiikhsado in uu arrintii Seemaal intii ugu badneeyd xalilay oo uu ku xalilay xaashidii uu magaacda ku soo xaadiriyay si uu idinku diro gaara bildhaan. Taasi ma xalbaa mise waa meelka dhac la inaga soo qaaday doqmo damqan waxana garan, goosan karina oo kolba sida bustaha dhulka loo jiidoo, dhabanahaystu waa maxay miyeeynaan cadkeena goosan aqoon? Mise inaga uunbaa isku muruqyaweeyn oo ku kala aargoosta wax aan micno lahayn?

(3). Wax badan ayaa laga soo hadalay cawaaqib xumada ku socota dalka gudihiisii oon la gafin wixii dhaliil iyo dheef ee halkaa laga helay in badana waa laga dooday halka aay wax ka qaldameen iyo sida waxa loo hagaajin karayo, ilama’aha cid wax ka qarsoonyihiin in aay jirto oon ka warqabin sida wax aay u socdaan iyo sabankan maanta dabeeylaha siyaasadeed ee isbadilku keenay waxase jira is maandhaaf badan oo xaqiiqada is hortaagaya dadka qaarna kani adeeyg ka qaadaya marka qof daacad ah si toosan wax u sheegaya uu mowduuc ama mabda tiisa ka duwan loo la yimaado kana door bidaya in uu dhagaha iyo indhahaba iska qabto xaqiiqada taagan ee hortaal isagoo is leh haddii aad ogolaato hebal baad u jabi ee guunimo ku dhimo isba wuu ku xumeeyee adna xumee iyo wax yaalo la mid ah oo dantii guud lumisay cadho aan dhamaana cidhib xumada aan maanta ku jirno ina baday oo xeradeenii ku noqotay waa wada uloo ul la qaato maleh, taana waxa ka faa’idaystay gacan ku dhiiglayaasha kaba dhargi la’ dhagarta ragayaga iyo dhashayada oo intay sadex shaadh u kala xidheen yidhaahdeen kolba sidaad noogu soo kala badisaan ayaan idiin kala kormarinay naa ee bal kiina badiya aan aragnee banaaka isku soo baxa markhaatina nooga yeela dagaalkiina si aan idiin aqoonsano waxase la yaab leh dad yagiiba aduunyada ugu tafaxaaytay in aay dawaro dadkaa aay rarteen ee damaanadqaadeen ku daraan na aqoonsada oo aqoonraadis ah ayaa qaar kalina miciin moodayaan oo kuwaa wax ka dayayaan si aay u aqoonsadaan iskuguna muujinaya siday isku soo wada dabri lahaayeen iskugana soo wada gacan galin lahaayeen dad aay ka ma qaam sareeyaan.

(4). Intaasi waa iga afeef, waxanse ku soo gunaanadayaa umad yahay waan kasnaaye aan karno in aan midowno gacmo wada jir beey wa ku gooyn karaane oon beelahda rag daayacay intaa suudhi noo ciyin daba qabateeyno oon danguud u soo wada noqon. Dhaqaajiya dhiiga dhalin yaradaay dhiig yacabka maradiisa dhaadhiciya oo inoo dhidba calankii midnimo.

Salaamatulaah, Wa Bilaahi Towfiiq

Fathia Omar

About these ads

Categories: Warka (News)

13 replies »

  1. Wax Aan la hubin maxaa loo sheegayaa “waxa la yiri”war looga qaateen ma noqon karto,waana sheekay werisay shabakadda waagacusub Harawana ay malaha ku jirto!saasdarteed in wax la hubsado waa lama huraan!yaan dadka dhiigga le laga xanaajin Isssaaqna Samaroon ayaa mideeyaye hadduu sidaas innoo khiyaamay warkeenu waa sir-ma-qabe Allaw sahana,calaacalka ha layska daayo iyo ceebta maadaama Aan waxeennii dhacsan waynay saddexda dalba!

  2. Xoriyo Ayaanle Saciid waa qofkii u horeeyay ee u dhinta is badaldoonka Samaroon tariikhda ayaynay gashay badal kheyr qaba ayaan leenahay Ayaanle Saciid Khaliif waa halyaygii u horeeyay ee isaga oo wadanka dhex jooga yidhaa Anaa Ibnal Awdal State waa geesi halkaa ka wad Ayaanloow garabkaaga ayaan taaganahay.

  3. Farxiya…….Dhibta ugu badan ee samaroon haysataa kama haysato isaaq ee waxay ka jirtaa iyaga dhexdooda, waxaana ka marqaati furaya qoraalkaaga. Labaatan Sano ka hor waxa bilaabmay dhaqdhaqaaq SDA oo ay hogaaminayeen rag samaroona oo uu ka mid ahaa Idiris Xasan Diriye, Dad badani dhegaha ayey ka laabteen oo waxay ka door bideen budhcadda markaa gadabursi u shukaaminaysay Somaliland. Adiga laftaadu waxad qirtay inaanad sidaa ula socon inay jireen dad sidaa ugu dhiiran samroon nimada. waxa laga yaabaa sida dadka kaleba ee qolka ku jira inaad dhalin yar ahayd oo ay taariikhdaasi kaa horaysay. Lakiin seddex sano ka hor wax magaalada, boraama dharaar cad ay askarta somaliland ku toogatay, ilma yar oo teen ager ah oo calankii somalia kor u qaaday, markuu u adkaysan waayey dhacdadii jidgoynta ee afarta nin lagu dilay. Anigu sheekadan aad meesha kusoo qortay maba maqal, hadday jirtana waa wax laga dhiidhiyo, lakiin maxaa keenay inay arrinta Yarkaas la dilay ee ay dilaan askar uu amar soo siiyey nin samaroon ah aad ugu bixin weyday inuu astaan u yahay dhaqdhaqqa Awdal iyo somaliyeed ee xoriyad doonka ah ee aad u dooray dhacdo hadday jirtaba daraad dhacday.

    • inaalilah, sxb timacade ma ka dhaba su’aasha aad weydisey fatxiya??? war ma ana waalan mise saylacba laga heesaya.
      maalinti wiilka yar lau togtey borama saxaaada awdal oo dhan wey ka hadashey, xafladi awdalstate ee toronto na waxa ka xusey saleeban dugsiye dib u firi hadii aad rabtid.
      dhibta ina haysata waa mid dhexdena ah oo adiga ayaba ka kow ah hadii aad su’alahasi oo kale la timid
      2da dhacdoba waa wax aad u xum balse marba tii la joogo ayad aad ku damqeysa.
      waleee waa dhib hadii mar samaroneku iyagu isku mashqulsan yihin oo marba kii hadla mabase wax qabta laga hor imaanayo.
      wxan xasusta berigii la dhisaayey laamiga dilla-borama in dad ku doodayen ha la dhiso borama-saylac, ha la dhiso dekada lughaya, dadkasi waxan ugu jawaabi jirey ” sxbyaal nin kula mid ah aya yidhi laamiga dilla-borama ayan dhisaya ee iga caawiya markasi hadii aad rabtid indukna lla kalaya mashruc kale dee waanu ku garab tagnaani ee iska dhaafa kaasi waa qalad iyo waxan loo joogin”

      hadaba timacade dib ugu noqo oo sxb ha noqon dadka sugaaya un inu walalki hadlo si oo u dhaliilo ambase uu ku mucarido

    • asalaamu calaykum walaal Timacade, waa runtaa wuu jiray yarkaa lagu toogtay badhtamaha boorma isagoo calankii buluugii xidgta cad lahaa sita markii afartii marxuun jidgooyada lagu qashay. Illahay naxariistii jano haka waraabiyo waa wiil gacan xaqdaran ku dishay waxaas oo miidhan markay is boorsadaan weey waxa kacdoonka keena oo ah waxyaabaha Awdal state dhaliyay in aay na dib u dhicin dhashayada iyo halyeeyadaya inaan la wiiqin. Markaan leeyahay dadkayaga ama tolkay waxaan sheegaya Gadabuursi oo dhan iman kala sokeeyaan aniga sidaan maanta Xoriyo ugu doodayna si ka badan iyaan wiilkaa yar ugu dooday uguna doodi doona oo wuxuu ku yaala wadnahayga iyo maskaxdeeyda intaan noolahayna aan marwalba xusi doono taariikdana meel adag ayuu yarkaasi kaga jira dhamaan ree awdal oo dhan taa weey wada ogyihiin Awdal State na baalka taariikhda halka ugu sareeya ayuu kaga qoronyahay inkastoo Awdal State ayan markaa jirin oo tii aay ka dhex dhalatay ah hadana waa xaqiiq in xuska koobaad isagu leeyahay, haddiise aanan kor qoralkeeyka ku xusin oon seegay kama dhigna taariikhdu weey ka booday ee anaa noqday nin habari dhashay hal ma seegi waayee ee xaal halaga qaato taa.

      Qisadan aan soo qoronayna maaha mid aan wargeeyska kala soo baxee waa mid xaqiiqa oo ka dhacday dalka gudihiisa waxayna kamid tahay dhibaatooyinka jira. Gadabuursi in dhibta u badani gudahiisa ka imanayso waa la ogyahay waana runtaa waxaana ugu wacan wixii tagay uunbay tiigsanayaan oo si looga go’ aayna garanay dadkuna haddii oo cafis iyo damac yeelan waayana mujtamaca aay la noolyin lama jaan qaadi karaan oo weey isku habsaamaan wanse kula talin lahaa daku isku wada aragti maaha iskuna wada karti ma’aha in xun iyo in wanaagsana weey iskugu wada jiraan xumaanta ku soo martaan waa cashar loo baahanyahay in wax laga barto wiixii guuka soo hooyana iyana waa mid u baahan in sideeda wax looga barto oo lagu dadaalo haddi gaar-gaar meel wax la’iskugu keeni waayo oo dhibaatadeedu badatu bal in dhan kale looga wareego oo la is barbar dhigo midka faa’iido badan oo bal miisaanka la saaro sida aniga ila tahay danta guud cidwalba waa u dan ee ku dayashada xumaanta ha laga koro oo ha la iskaga daydo inta wanaagsan.

      Tusan,

  4. qofkan dumara mxaa ciilka haya ee ay sheegayso baday? maxaa ka maqan? halkay ka keentay sheekadan umula dooxa halkayse ka dhcaday? yaa dilay goormay ahayd?
    haday jirto maxaa looga arkiwaayey warbaahinta dhexdhexaadka ah ee reer awdal been cad ayaa huuno laguu sheegay markaasaad iska qiirootay, sheekadana daahir culusaw ayaa samaayey si uu u helo dareenka dadka kula midka ah ee diiqadaysan,

    isdeji oo laba ragcadood tuko gabadh yarbaad tahay dalka iyo dadkuna barwaaquu ku jiraa xorayn kaagama baahna ee u dalxiistag. lacag u dir ehelkaa, wiilal fiicana waa laga helaa ee kasoo guurso hadaad madaxbanaantahay, wax kasoo baro u shaqo tag caano geel doono,

  5. Abdil;lahi…Nice try, lakiin dulcda hadalkaygu waa ” pattern” ayaa jira ay dadka qaarkii isku beegayaan dhacdoonyinka taariikhidga ah iyo siyaasadaha la rabo in lagu fuliyo, waana ayaan daro inaad u haysato inaan meel soke wax ka eegayo.

    Umadi marka ay halgan galayso waa inay ka duusha ” the same assumptions”. Arrintani way ka muhiimsantahay, halganka la galayo laftiisa waayo waa waxa isku haynaya ummadaasi marka ay arrintu qadhaadhaato. Lakiin haddi ay tariikhdeena tahay ” pick and choose” sideen u wadi karnaa halgan loo midaysan yahay, ileen meelba kama wada duulaynee.

    Saxiib, laba mid halsoo galo ama aan isku halgan ahaano ama aan umada calcaalka iyo laab lakaca ay ka muuqato bisayl la’aan siaasadeed aan ka joojino dadka.

    Umad nin waliba tarrikhda jilibkiisa uun mashquul ku yahay, dagaal ma wada gali karto, waana fikrad uu cadwga samroonku ka dambeeyo iyadoo la kaashanayo kuwa aan tarrikhdooda iyo siyaasadooda Samroonimadu aanay xasiloonayn.

    • sxb Timacade tariikhda adunka weli ma dhicin umad isku duuban oo halgan galeysa… adiguba dib u fiiri tariikhda
      runtii wax waliba waan ka yeeli lkn see marnaba samarone dhexdiisa ma jecli inaan isku jawaabno oo aanu is eegano.
      Mida kale fatxiya tariiqkhda iyadu ma qoreyso sida awgeed ma haboona inad u jawaabto. wax weliba oo kor loo qaado hadii aanu rabo inaanu xumaan ka dhex raadino walee waa dhib./

      sxb iska dhaaf wax kale ee waxa la yaaba dadka ku haysta magaca ninka la yidhahdo darbi samarone. bal u firsoo waxa ku qasbayan darbi makahil, mid reer nur… sheekadu miyeyna ahayn kii kor wax u qadaba in lagu qabsanayo….
      mar 2aad Timacadow waxad u eegtahay qof wax bartey ee fadlaan dhaliilsha waxtar aan lahayn in la iska dhaafo aya haboon.
      wey inagu yaryihin dadka wax qora marka hadanu 2dii qof ee wax qorayaba aan ku eedeyno jiliibkisa ayu faaninaya waa iga su’al adiga maxa ku diidan inad kuwaga aamanto?

  6. Fathia Omar K- Huuno Salaan Qaali ah Iga Hano,

    Dad Lama Caasiyee Waxaad Tahay Geesiyad”

    Waadna Ku Mahadsantahay Faalada Haad Ka Bixisay Maqaalka ( Cago L’a'aantay Ciidu Igu Aragtay )

    @ Sideedana Halganka Ninba Meel Ayuu Kaga Jiraa”

    Nin Naftiisa u Hura
    Nin Maalkiisa u Hura
    Nin Aqoontiisa u Hura
    Nin Afka ku Halgama IWM’

    @ Qosolkuba Waa Hiilo Huuno”

    Dhamaan Aqyaartana Qolka Waan Wada Salaamayaa Rag & Dumarba’

    @ Allow Xaqeena & Xaquuqdeena Na Fahansii

    Aamiiiiiin Aamiiiiiiin Aamiiiiin

  7. Fathima inaadeer aad ayaan kusalayaa dadkan aad lahadlaysaa baan lahayn dux iyo iimaan waa umad ilaahay sidan ugartay oo inay iyaguuni is eegaan mooyee aan marnaba aan laga yaabin inay arkaan cadawgooda waayo hada hadalkaagaa qiimaha badan ayay iniba siday doonto ufasilanaysaa iyagoo og xaqiiqada oo ismood sii dhibta lagu hayana waxa kalawayn kuxumee reer hebel iyo wax kaliita hada aniga ninka lala xidhay ayaanle siciid waa inaadeerkay ruma arinkana waxan kumaqlay warbaahinta waanan warsan hadii ilaahay yidhaa markaa tolkayow cid wax inayeeli kartaa majirtee malaha ilaahaybaa gadabuursi xukumay oo waxaynu nahay umad xukuman oo loo cadhooday subxaana laah

  8. Abdillahi…….Farxiya Su’aal provocative ah ayey meesha soo dhigtay, oo xitaa aan la hubin inay jirto iyo in kale, markaa anigu, iyada shakhsiyan, iyo si kale toona wax ugama sheegin ee waxan challenge gareeyey, thesiska waxa ay qortay. Dee xaqna waan u leeyahay inaan su’aal ka weydiiyo waxa ay qortay, iyaduna xaq bay u leeday inay ama ka jawaabto ama ayna ka jawaabin, adiguna xaq baad u leedahay inaad aniga i challenge garayso, waana sida kalioya ee ay dadku wax ku kala bartaan. Xitaa hadalkaaga waxan ka dareemay inaad i leedaahay, qoraalkagu negativity buu u batay, waan dhegaystay, waxna waan ka baran oo qoraalka dambe ee aan soo qoro waan u fiirsan inuu isku dheeli tirsanyahay.

    Waaba intaa, lakiin dee anigu arday joogta ah baan ahay, waxna waan ka bartaa meelaha aan galo anigu waxaan aqaano waa la wadaaga dadka.

    Markaa Faxiya waxay ku jirtaa dadka aan wax ka barto, dee waxba kuma jabna maccalinka in su’aal iyo laba la weydiyaa. Mana kaftamayo marka aan leeyahay Faxiya waxay ku jirtaa dadka aan wax ka barto, waayo fikradeheedu waa mudakar.

    Aniguna dee waxba iskama hagranayee, hadaan taraaraxay dee tol baan leeyahay sidaado kale ah oo ii sheegi.

  9. Farxiya…..Waad mahadsantahay aad iyo aad baanan ugu qancay jawaabta waafiga ah ee aad isiisay. Anigu farxiyey waxa laga yaabaa qoraalkaygu inuu iska color badanyahay oo waxan jecelahay inan dadka yar xadanteeyo sii uu intelectual juices kooda u dareero oo ay xodxodashadu iigu fududaato. Sometimes it work and some times it back fires. Lakiin marnaba igama dhaadhacsana inuu dadka ultimate motive koodda yahay sinister. Adigana aad baan runtii ugu diirsadaa fikradahaaga, marnabana suaashaydu igama ahayn inan question garaynaayo, intergrity gaaga ee waxan uun rabay clarification.

  10. Cabdillaahi 32

    Allaa yacizak sxb caaqilka webkan iyo commentiskiisa ayaan kuu aqoonsanay runtana hala isku sheego oo kolba kii kor wax u qaada yaan lagu qabsan ee nin kastaaba sidii uu karaamadii iyo sharafta tolkii usoo celin lahaa haka fekero.

    Bari waxa jirtay aanay reerka Samaroon qalin kaba dhulka ka qaadi jirin oo aanay waxba qori jirin ee jaraaidka Iidoorka ee Hargeiysa kasoo baxa ee ” AlJamhuuriya ” uun ay akhrisan jireen sxbyaal Samaroonoow afka qofka kale ha fiirinina ee kala magaalaysta oo cadawgiina ku arka isha xafajada leh ee aad ku eegaysaan reero iyo ashkhaasta ka mid ah Samaroonka ah is badaldoonka iyo ahdaaftooda u qorshaysan ee mustaqbalka dhaw iyo kan dheerba la hiigsanaayo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: