Image

YAA KA SHAKISAN QARANNIMADA IYO JIRITAANKA SOOMALILAND?..

<

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
 
Waxa Soomaliland jirtay 22 sano oo nabad ah iyo 10 sano oo halgan ah iyo 76 Sano oo isticmaar ah. Waxa midnimo niyad sano oo lagu doonaayo mideynta shanta Soomaaliyeed ay ku jirtay 21 Sano ( !960-1981). Taasi waxay marag u tahay in muddada ay Soomaaliya wax wadaageen ahayd muddo aad u yar kolka aad u eegto inta ay goonida u jirtay.

 
Muddadaas dheer ee ay goonida ka ahayd Soomaliya, waxa unkumay beelaha Soomaliland oo is-dhexgalay oo abuuray degaano beelahu isku dhafan yihiin, waxayna yeesheen dabci, dhaqan, iyo hiddo ay wadaagaan ooy Soomalida inta kale kaga duwan yihiin. Waxa abuurmay hab iyo dhawaaq hadalka iyo ereyo u gooni ah, hab-guurka iyo dhismaha qoyska oo mideysan, iyo nidaamka maamulka oo ah mid ku salaysan habka dawladda UK. Intaasi waxay u yeeshay astaan iyo aragti u gooni ah oo reer Soomaliland mideysa.  Waxaana ka markhaati ah hadalka laf-jabka ah ee mataaneentii Soomaliya lagala kulmay iyadoo dadka reer Soomaliland min Ceelaayo iyo Lowyacaddu reer Soomaliya ay ugu yeedhaan “Soomali Qaldaan”..yacnii dadka iyaga ka duwan uun dhe.
 
Soomaliland oo beelaha dega dhammaantood ay si xor ah ugu shireen magaalada Burco, islana qaateen inay midnimadii ay Soomaliya sida xorta ah ula galeen oo dhib, hadardaamo ay weheliso cadaalad darro iyo horumar laáan ay ka baxeen ayna yihiin dal madaxbanaan oo qaran gooni u taagan ah, ikhtiyaarkoodna ay ku gaadheen dhismaha qaran dimuquraadi ah oo dunida ka tirsan. Waxa dhidibka loo aasay Jamhuuriyadda Soomaliland 18 May 1991 iyo kheyriyadda Burco.Waxa xigay dastuur loo codeeyey haa 97%, doorashooyinka degaanka, kan wakiilada iyo ka madaxtooyada. Waxa soo maray laba Madaxweyne oo beelahu doorteen si dadban iyo laba si dimuquraadi ah codka muwaadiniintu ku doorteen.
 
Waxa ayaamahan la hadal hayaa shirka dawladda UK ay u qabanayso Soomaalida. Waxa xog-waranka dawladda UK ay baahisay ka mid ah dadka lagu casuumay Dawlad KMG, Ahlu sunna, Puntland, Gal Mudug iyo Soomaliland. Haddaba iyadoo xukuumadda Soomaliland cadaysay inay ka-qaybgalka ay kala tashan doonto axsaabta qaranka, wakiilada  iyo waxgaradka Soomaliland, ayaa halkii rayi dhiibasho iyo taageero loo fidin lahaa xukuumadda xiligan loo baahan yahay midnimada iyo wadajirka ayaa waxa muuqata in dad danta gaarka ah ka hormariya tan guud oo indhehoodu arkaan waxa ay doonaan dhegahooduna maqlaan waxa ay doonaan, ayaa ula kala baxay fidinta dacaayado aan meesha oolin oo kas gaabka iyo maatada lagu beeraayo shaki iyo cabsi aan meesheed oolin.
 
Waa ayo cidda qarannimada dalka hooyo burburinaysaa, ma cidda soo halgantay ee labataneeyo sano u samirtay ee manta hoggaanka ku guulaysatay, ee sharaf, magac iyo maamuus maqaamkii ugu sareeyey ku gaadhay ayaa laga dardaar warinayaa..Waa fikir lunsan oo u baahan in qashinka lagu rido. Inta been abuurka lagu jiro miyeyna ka fiicnayn inaynu eegno oon ku taageerno la-tashiga xukuumaddu ku dhawaaqday. Weli ma jirto go’aan shirka laga gaadhay. Waxaana habboon inaynu isla eegno sifaha iyo shuruudaha aynu ku tegi karno, amba ku diidi karno..labaduba wey inoo furan yihiin. Haddaan diidno, iyo haddaan tegno midna ma keeni kato burburka Soomaliland oo waa dal hano qaaday oo dadkiisu yihiin ilaalayaaha jiritaankeeda, ayna diyaar u yihiin badbaadintiisaa cid kasta oo gar darro ula timaada. Taas ninka ka cabsi qaba iyo kan ka shakisani waa nin cidla ka didey, ayna ka tahay fulaynimo amba nin isagu muraad kale leh.
 
Waxa manta aan helay su’aal lagu weydiiyey guriga guurtida ee UK ( House of Lords) mudane ah Wasiiro Dawlaha arrimaha Debedda ee UK Lord Howell oo ka jawaabaaya su’aal ay weydiisay Lord Luce..waa kan iyagoo aan sideeda idiinku soo naqiley oo af Ingiriis ah deedna aan turjumaada idiinku xigsiiyey:

Lord Luce (Crossbench)

To ask Her Majesty’s Government, further to the Written Answer byLord Howell of Guildford on 21 December 2011 (WA 391-2), who has been invited to the London conference on Somalia on 23 February; and whether they have invited the president of Somaliland.

Lord Howell of Guildford (Minister of State, Foreign and Commonwealth Office; Conservative)

As we noted previously, we have invited Governments and multilateral organisations that are active and influential on Somalia, as well as representatives from Somalia.

We are pleased to say that we have secured very senior attendance from representatives from the region (for example Ethiopia, Kenya, Uganda) and the international community (for example Turkey, Qatar, Nigeria, Sweden, and the European Union) alongside a host of Somali representatives; as well as theAfrican Union and United Nations Secretary-General.

We have invited Somaliland to attend the London conference on Somalia. We are following up the invitation with discussions with the Somaliland authorities, working to find a basis for their attendance that is acceptable to them and to us. We very much hope that President Silanyo will attend: Somaliland has much useful experience to share of creating relative stability in the region.

 
 
Lord Luce waxay weydiisay Wasiirka cidda lagu casuumay shirka iyo in Madaxweynaha Soomaliland lagu casuumay…
Waxuu ku jawaabay Lord Howell: “Sidaan hore u sheegnay waxaanu casuumnay xukuumadaha iyo ururada caalamiga ah ee ay khusayso arrimaha Soomalidu iyo wakiilo ka socda Somaliya. Waxaanu ku faraxnay inaanu helno inay ka soo qayb galayaan dad muhiim ah ee mandaqadda( Matalan  Ethiopia, Kenya, Uganda) iyo mujtamaca adduunweynaha (sida Turkey, Qatar, Nigeria, Sweden, and the European Union) iyo cid ka socota. oo matasha Soomaalida iyo African Union and United Nations Secretary-General
Waanu casuumnay Somalialnd inay shirka timaado Shirweynaha London ee Somaliya. Waanu dabasoconaa oo waxaa noo socda wadohadal sidii loo heli lahaa hab iyo wax keeni kara inay ka soo qayb galaan oo u cuntama iyaga iyo anaga. Waxaan  rajeynayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo yimaado: Soomaliland waxay leedahay khibrad faaíido badan oo ay u soo tebin karto lana qaybsan karto deganaansha gobalka.”
 
Haddaba waxa manta loo baahan yahay ma aha in qof waliba sida uu doono uu u arko oo siyaasad madhalays ah iyo aragti gaaban wax lagu eego. Waa  in la darsaa oo la helaa wadatashi loo dhan yahay oo qaraar cad laga gaadho deedna bulshada si wada jir ah loo wacyi galiyaa, lagana daayaa shaki abuurka iyo fidnada laga abuuraayo meel ayna ku juirin.
 
Waxaad ogaataan marxaladda dalku marayo dhinaca gobalada bari iyo ololaha kala qaybinta ee ay wadaan dawlad xafadeedka Xamar. Waxa inala gudboon inaynu is barbar taagno xukuumadda aynu sida dimuquraadiga ah ku dooranay, taas mecnaheedu ma aha indho-la’aan in lagu raaco. Waa in nidaamka la ilaashaa oo la-xisaabtanka dhaleeceyntu ahaadeen qaar xadkooda haysta iyo inaan loo faaídeyn cadowga.
Wakiiladu ha gutaan waajibkooda oo ha ka baxaan xilkas la’anta ka muuqata iyagoo laba maalmood fadhigu u buuxsami waayey.
Warbaahintuna ha noqdaan kuwa muujiya dareenka dhabta ah ee dadweynha ee aan noqon qaar si dadban ugu adeega cadowga. 
Tvga qaranka waxa saran xil weyn oo ah inuu kor u qaado midnimada iyo wadajirka ummadda, iyo inuu yeesho birtilmaameed wacyigelin iyo faaqidaad amuuraha khuseeya qaranka iyagoo makarafoonka si xor ah looga soo qaybgeliyo xusbiyada mucaaridka ah, aqoonyahannada iyo qurbajooga dalka. Waa kaalin gaabis ah ee marxaladdan ha laga faa’ideysto.
 
Qadyadda qarannimdu ma laha mucaarid iyo muxaafid waa mid muwaadin kasta waajib ay ku tahay difaaceeda iyo ilaalinteeda. Qaranka cidina marti kuma aha, cidna marti loogama aha. Soomaliland waxa leh reer Soomaliland oo dhan oo si siman u leh xuquuq iyo waajibaad saran.Min Ceelaayo ilaa Lowyacaddu min Buuhoodle ilaa Berbrera waa dal iyo dad mideysan, una baahan inay helaan qorshe iyo siyaasad lagu hawl galo oo khilaafkooda si nabad ah u suuliya. Waa waajib ina wada saran si gaar ahna u saran mas’uuliinta siyaasadeed mid hoggaanka haya iyo mid sugaayaba.  
Waxa iyana habboon in inta xukuumadda ka tirsan ee xilka haysaa ahadaan duul ilaaliya midnimadooda oo doodaha ay ka yeeshaan hawl-qabadka xukuumadda ayna noqon mid ay ku muujiyaan warbaahinta, Ma jirto xukuumad aan dhexdeeda afkarta ku kala qaybsanayni, waxa se sharcigu yahay in afkaarta lagu qaybsamo ee lagu doodo ay gun yeelato, taas oo ah go’aanka leysla gaadho in dhammaan la wado daafaco, oo ninkii fikirkiisa Golaha lagaga xoog bataa ilaaliyo ga’aanka Golaha oo ay waajib ku tahay inuu daafaco. Waa sida keliya ee xukuumad dimuquraadi ahi ku shaqayn karto.Waa in wadajir xukuumaddu u daafacdaa go’aamada ka soo baxa. Waa in sirta Golaha la ilaaliyaa oon suuqyada la gelin.Cidda nidaamkan aasaasiga ah aan dhowreyni waa in wax laga qabtaa oo la joojiya nabarka boogtiisu fideyso.
 
Aqoonyahanka waxa habboon inay fikir wax ool ah u gudbiyaan xukuumadda ooy noqdaan dar ku soo biiriya afkaar horumar siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo ganacsigba dhali kara. Waxaan halkan idinku balan qaadayaa inaan gacanta ka geliyo Madaxweynaha waxii talo ah ee waxtar u leh dalkeena, iyo waxii tabasho iyo dhaliil ah ee si asluub ah oo dhammays ah loo soo bandhigo. Mid run iyo marag leh . Dalkeena waxa yaal dhibaatooyin badan ooy barbar socoto faa’idooyin iyo kheyraad aan la taaban, fursado dhaqaale iyo baahi is huwan. Waxa aynu kaga bixi karnaa inagoo waqtiga ku qaadana inaynu ku fakirno danta guud iyo horumarinta dalka, inaynu ilaalino dakhliga yar ee inoo soo hoyda, si gaar ah waa waajib saran xukuumadda iyo shaqaalaheedu inay noqdaan qaar ilaaliya khrashka, oo kol walba ka fakira baahida dalka taal iyo itaal yarida cidda lacagta laga soo xareeyey.
 
Maanta waa maalintii Midnimda, waa maalintii Wadajirka, waa ayaantii Gacmaha leys-qabsan jiray, waa dharaartii cududa Mucaaridka iyo Muxaafidku mataanoobi jireen, waa ayaantii waxgarad, waayeel, dhalin iyo dumar danta guud la dhowri jiray. Waa dharaar qarannimada la qadarinaayo ee muwaadin gudo waajibkaaga.
 
Tan iyo maqaal kale, ammaano Alla.
 
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
 
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmial .com
 

21 Comments on “YAA KA SHAKISAN QARANNIMADA IYO JIRITAANKA SOOMALILAND?..”

  1. Darbi Samaroon
    January 28, 2012 at 11:51 am #

    Anigaa ka shakisan wax Somaliland la yidhaa majirto waa Maamul GOBOLEED la yidhaa NaasaHablood oo ay samaysteen qabiilka Isaaqa cid kalena aan u ogolayn,Burco lagu shirayna ma jirto ee dadka waala afduubay intood xasuuqdeen reer Awdal 1991 ayaad idinkoo ismagaacaabaaya ku dhawaaqdeen Samaroona shaqo kuma lahayn waxaasi aad ku dhawaaqdeen oo anagu dhulka waaban ka maqnayn Reer Dilaad ayay wax ka go’aan Samaroon cid kale adeer wax kama go’aan Samaroona intii Reer Dilaad waxay joogeen oo ay qaxooti ku ahaayeen Aw Bare markaa yaa ku dhawaaqay maadaaba aan joognay Aw Bare oo Dilana aad usoo kaxaysteen Ciidankii Xabashida iyo Dhrgiigii taangiyadiisa aad ku dumiseen ee aad nacas xaadheen ee ay maanta ka buuxaan xabaal wadareed Axmed Siillaanyo maxkamad ayaan saaraynaa iyo SNM oo dhan xasuuqii Dila iyo Boarama 1991 ee aad xabashida Manguistu aad noosoo kaxaysteen ilayn idinka waan iska celin karnaaye oo waan is naqaanaaye.

    Wax burco lagu heshiiyayna ma jirin ee afduub ayuu ahaa la af duubay dhawr oday oo Reer Borama ahaa Reer Dilaad kuma jirin oo waa ban ka qaxnay dhulka ee xageed iigu xoqanaysaa yaa kugula dhawaaqay inta aad afduubteena ma matalaan Samaroon sababtoo ah dadkii difaaca u ahaa Samaroon 1991 waxay ahayeen Reer Dilaad ee SNM la dagaalamayay ayagayna wax ka go’ayeen talada wadanka Awdal State ilaa maanta Reer Dilaad Mooyaane cid kale oo ay wax ka go’ayaan ma jirto waayo ka dagaalamayaa waa Reer Dilaad ka dhimanayaa waa Reer Dilaad ka dhaqaale dirayaa waa Reer Dilaad sidaa ula soco wax aan SNM kula heshiinay Burco majirto hadaan nahay Reer Dilaad ee iga weeco adeer oo ciyaalka waxaasi ugu sheekee.

  2. jama Awdali
    January 28, 2012 at 12:19 pm #

    Horta samaroonkan maxay isku nasakhaan oo iyagoo arkaya inaanay wax somaliland la yidhaa maxay indhaha isku qabtaan oo sida iidoorta ugu sheekeeyaan. Hadaladii beesha dhexe ayay ku wada hadlayaan. Waxan la yaabay qolo samaron oo malin dhawayd leh.. somaliland dhiig baa loo soo daadshay oo waa loo soo halgamay.. mujahidin baa u dhimatay.. Bal kaasi caqligii beesha dhexe ku jiro ee laga dhex hadlayo sideen u qanciyaaa. Maalin dhaw waxaad arki qaar reer borama ah oo leh mujahid lixle iyo kuwii ay beesha dhexe sheeg sheegi jirtay… Walee intay samaron isku eekaysiida ku jiraan inaanay meel gaadhayn oo sidaa uun ilkaha waawayn la iskugu daawan…

  3. HaniMuufo
    January 28, 2012 at 1:12 pm #

    Salaan sare dhamaan,

    Somali oo dhan baa ka shakisan. Si toos ah iyo si aan toos ahayna farta ugu fiiqday dowlada is magacaawday ee SNM.

    • timacade
      January 28, 2012 at 5:44 pm #

      Hanni Muufo…aniguna waxan arkaa professor Siilaayo at his best oo si fiican oo daacadnimo iyo aqqonyahanimo ku jirta u sharxaya the ambiguities of the clan and the political districts “degaan”. Adiguna waxad aragatay siilaanyo oo qabiilaysi qirtay…..waw

  4. A.Barkhadle.I.
    January 28, 2012 at 1:20 pm #

    Anigu ma garan somaliland tan uu ka hadlayo wadaadku, meyeyna ceel dheer ku dhacin mise wuu riyoonayaa, mis wuu is yeelyeelaya, dee beesha dhexe haday la baxayso somalilnad iyadda u xor ah, laakiin beelaha aan ka soo jeedda uma jeedaan somliland inta yar ee la xasilan somali koonfureed baa la sugayaa, ku duceyso in ay ayna xasilin somali-koonfureed oo dagalku socdo waligii.. saa heshiiskii 1993kii baa aha in inta somali-koonfureed heshiinayso aan gooni ahaano dagaalka ka dhex socda kooxa is haya, ee ma jirin wax dawladnimo somaliland la yiraahdaa… taasina marka beesha dhexe la soo baxdey munaafaq ey is diidsiisey heshii waa lagu kala dareerey, darood darood buu noqon, gadabuusi iyio ciisena dir bay noqdoonnaan, dee halkii aad ku soofi is weydii iidooraw….anigu ma hayo somaliland dawlad gaar ah… riyadda heenimo dhaaf iidooraw..

  5. hiildan
    January 28, 2012 at 1:26 pm #

    Mudane Carwo waxad dhex timidday meeshii ku haboonayd in laysku weydiiyo Su’aashaas. Balse horta inta shakigu ku jiro farta ha taagaan hana sheegtaan waxa shakiga ugu wacan, kadibna waan ka shaafiyaynaaye

  6. HaniMuufo
    January 28, 2012 at 1:29 pm #

    Dowlada is magacaawday ee xagjirka jabhada SNM. Inti UN magacuu u diray in ay la baxaan ay ku mashquulsanayeen ayeey shacbigii Somaliyeed ee deganaa gobolada waqooyi qaarna midiyo iyo xabado u adeegsadeen qaarna taangiyadi ay ku shegeen in uu leeyahay qarankii ismagacaabay. Wagareey ka waasacan.

  7. HaniMuufo
    January 28, 2012 at 1:38 pm #

    Qeybta ingiriska ku qoran hadaan ka jawaabo. Malasocdaan jabhada SNM in lord iyo waxan la sheegay oo dhami u nacamleeyaan Somaliwayn?. Hadii walalkaa jarkaaga ah uu dhibanyahay kuna leeyahay walaalo bal xaalka deji arintu sidaan mahee ma kula tahay in nin shisheeye awoodo in uu kaa dhigo waxaadan ahayn?. Marka hore SNM tu waa in ay xiriir wanaagsan la yeelataa walalohooda la jaarka ah oo ay la arinsataa hadii kale shekadu waxay tegeysaa. SNM miro guntigooda ku jireey kuwa geed saaran u dadsheen. Ma kula tahay in dadkan la soo aqriyey har iyo habeen xuduudka kuu jiifayaan oo adiga iyo walalkaa ini kala wardiyeey nayaan. Jabhada SNM si toos ah iyo si dadbanba waa ugu sheegay aduunku in ay sugaan xaalkoo sidan dhaama laakin gab gabtooda faraha badnayd nabadii yarayd bayba ku seegeen oo weeraro ku qadeen shacbi Somaliyeed oo leh walaalo haku daayo caashaqu. Meesha af maa ku fileede in ay doqon yihiin maxay hubka ugu qaateen umadi ka biyo diiday?.

  8. hiildan
    January 28, 2012 at 1:59 pm #

    HaniMuufo kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Allaylehe warbaad keentay, waa runtaa oo Somaliland waa dalka Soomaaliyeed, laakiinse waxa nagu soo biiraysa Koonfur ee anagu kuma biirayno. Maxaad ka qabtaa in Hargeysa innoo wada noqoto caasimadda Soomaaliya oo dhan?

  9. HaniMuufo
    January 28, 2012 at 2:35 pm #

    Hiildan u are welcome ma ogid miyaa in aay hargeysa caasimadi labaad ee Somalia tahay weligeedna ahayd?
    Waan ogahay in ay jiraan dad haday Muqdisho maqlaan sasaya. Laakin Muqdisho waxba ma galabsane shacbigii kala jaad jaadka ahaa ee isugu yimi ayaa isku dhacay. Markeey wayeen nidaam kala haga iyo cadaalad. Dadka koofureedna weligoodba waxay haysteen stratigie ga caalamka horay u maray wataan oo ah ruuxwalbow soo dhowaaw wanaagana ilaali. Laakin mindhaa lama socotid in kuwo dhulka koonfureed soo galay ay u badnayeen kuwa rabshadahan dhamaan la’ nagu bilaabay.

    Halees dejiyo Muqdisho waa magacyo badantahay and she have enoug love for both of us.

  10. Haboon
    January 28, 2012 at 2:45 pm #

    Hiildan hoonku waa cilad farsamo oo ku dhacday tolkeen alaah ha sahlo,

    Darbi hadii ay dhacdo maalin in adi iyo nasaa hablood la idin kala gar qaado 2 shay iska ilaali inaad tidhaahdo : iyara suga wali maanta waagacusub ma soo akhrine iyo heesti saado ma soo dhagaysane oo shirkiiba lagu kala dareero

  11. timacade
    January 28, 2012 at 6:45 pm #

    Hiildan…..Haddii uu ninkani dhegaysanyo waxan aan meeshan kui qoro oo uu u gudbinayo Siilanyo oo ay daacad ka tahay here is my two cents worth of idea.

    Siyaasadda Somaliland Weji cusub ayey gashay oo aad uga duwan wejiyadii hore ee ay ku jirtay. Wejigan cusub waxuu dibada usoo saaray” weakness” kii state ka somalialnd oo muddo aan wax laga qaban oo la iska dhayalsaday. Dadkii cadaalad daradaa tirsanaayey ee labatan sandood geed dheer iyo geed gaaban ba u fuulay inay waxa ka bedelaan ee qolo ahaan logu awood sheegatay, sideed uga filaysaa maanta marka ay ‘ Somaliland” wounded noqotay inay gacmaha ku qabsadaan oo ay kula difaacaan. Taariikh xumada, iyo arrigtada gaaban ee caadifada qabyaaldu hadhaysay ee somaliland lagu hogaamiyo, waxa ugu dambeeyey in qof ” constitutional officer ah oo aqlabiyad lagu doortay waa Saylici, inuu gar ula fadhiisto a ” subordinate” ministers ” appointed” oo sharci ahaan ku sheeqeeye ” pleasure” ka qofka doorashada ku yimid. Waxaa markhaati ma doonta ah in resources kii wadanka uu gacanta u galay, oo ay biliqaysteen ” oligorky” islticmaala state ka awoodiisa. Oo aanu maant ajirin qof aan isaaq ahayn oo wax ku haysta Somaliland ” dhaqaale ahaan”. Waliba maadama aad tahay la taliyaha dhaqaalaha ee madaxweynaha, bal magacaw, qof aan isaaq ahayn oo ” business ” yada waaweyn ee wadanka wax ku leh. Intaa waxa dheer dadkii gobolada darifyadda lagu hayo dagaal iyo xasuuqo binuaadamnimada ka baxasan” terrorism”. Waxa kaloo jirta in dadkii dilalka ka dambeeyey oo magaacdoodii la hayo ay dawladu ka gaabsatay inay soo qabato oo ay sharciga horkeento. Xaqdarada siyaasada ee ugu weyni waxa weeyi in Somaliland oo aan ognahay siday loo kala deganyahay ay qolo kaliyihii waxii portfolio uu dalku laha ay jeebka ku shubatay oo ay diideen inay kuwii la deganaa dhulka la qaybsadaan.

    Markaa Mr. Arwo, maanta, siyaasadii gobolku way is bedelshay, nimankii ogaadeen ee shallay ay somaliland u deliver garaysay ethiopia ayaa kilinkii shanaad loo dhiibay. Arrintani fundementally bay u bedeshay siyaasadii gobolka. Aniga oo reer Awdal ahi waxan kuugu soo gurmado ma arkayo, waayo waxa cusub oo aad miiska soo saartay oo aad ku xaliyayso dhibatooyinka aan tirsanyo majirto. Markaa mr. Carwo anigu waan kula soo fadhiisan miiska waanan kula difaaci somaliland, haddii aad ogoshay inaan si xaq ah wax u qaybasano.

    Haddii kale dee xamar baan isku arkaynaa adigoo calankaaga wata iyo anigoo calankayga wata.

    Ugu dambayn waxan kula talin lahaa, Siilanyo iyo leadershipka Somaliland inay siyaasad cusub oo go’doonka ka saarta dadka ay miiska u soo dhigaan. Siyaasada kaliya ee badbaadinaysa somalialand waa in gogol loo dhigo dadka somaliland dega oo dhan oo lagu qanciyo inay dhistaan system lagula xaajoon karo somalida koofurta oo xaq ah.

    Timacade

  12. A.Barkhadle.I.
    January 29, 2012 at 6:19 am #

    Subax wacan.. raali ha la iga ahaado.. shalay waan akhriyi kariwaayey oo malah hiildan ba ku sameynayey dhib habayn.. laakiin nasiib wanaag maanta ayaan u jeedda nuxurka maqaal Mr. Carwo…..kolkaan akhriyey maqaalka carwo wuxuu sheegay in uu hor dhigayo siilanyo wax runtu tahay ee dadweynuhu soo gudbiyaan…
    mr. carwo waxaa kauu sheegay in qabiil iyo qaran aanu meel wadda fadhiisan..
    mr. carwo wuxuu sheeegay in ay xaraanta iyo xalaashu isku mid tahay. saa wuxuu yiri bakhtiga ma cunnee fuudkiisan cabaa…
    Mr. wuxuu yiri qabiil baanun nahay doonaya in ay dawlad noqdaan.. dhinac kale wuxuu yiri waanu wadda leenahay somaliland oo ah mid uu ka been sheegayo markaad eegtio habka saami qaybsiga ay beesha dhexe kaligeed isku taxdey maamulkii meesha laag sugayey..waxaa cadaatay in beesha dhexe kii hadlaaba uu munafaqd hadlayo.. wadaadkoodii diintii wuu leexshay oo wuu ka been sheegay, odeygoodii islaanimaddii wuu ka beensheegay, inantoodii islaanimaddi bani’aadanimaddii way ka been sheegtay, siyaasigoodii wuu labo canleynayaa, oo kolba salaadda dhankii loo bato ayuu u tukanayaa..
    carwo wuu u jeeddaa in siyaasaddi somaliya isbedeshay aanay hagayaan quwado shisheeye, mr. carwo wuu is diidsiinayaa in uu yahay hormoodka beesha dhexe ee ku soo hogaamisey quwadaha shisheeye dalka doonayana in ay burburiyaan islaamka, loona soo xidhey shaadh munaafaqadeysan sidda ka muuqata muuqiisa , hadalkii, qoraalkiisa iyo waxii la mid..
    gunaanad.. carwooy .. haddii aad duqii lula noqon iyo haddii aad hoos ka siibiba.. ma jiro dawlad qabiil ahi, somalina waa mid min lawyacado ilaa raas kaanbooni, meelna fiise loo qaadan maayo, meelna laga xakumi maayo addis midna laga xakumi maayo Roome… qiyaamuhu sidaa buu ugu dhamaan ama dawlad midnimo qaran baa la heli, jiri meysay beesha dhexe ee waqooyi oo ka amar ku taagleysa waqooyiga soomaliya..
    ku darsoo shalay galbeedku ma kacin maanta wuu kacsan yahay una joogin maayo beel dantiisa , kii diidana sidii baanu ku xakumi murtid diidey gadabuursi.. ku darsoo gabadha gadabuursi ninka qabba ee isaaq waxaanu sameyn sidiini, markay ishortaagto ninkeedda eey tidhaah ha iga dilina ,intaan xiniinyaha ka jaro baanu odhan ninka intan baad ku lahayd qaado.. markaa inta beesha dhexe ka degan goboladda galbeed degan in ka haajiraan, inta ayna foolxumo ka iman, ninkii loogu yimaado wax dambe la iska weydiin maayo….
    Mr. sida isaaq u rabo in uu dawlad uu leeyahay u helo baa beel kastaa u rabtaa dawlad ay iyaddu leedahay….
    somali miis bay wadda fadhiisan shuruud la’aan , iyaddoon cidna u dabbo fadhiisanayd qadiyadda soomaliyeed, xor ah, wax gooni siku taagi karaanna aanu jirin…. waxii tabbo soomali kala taban miis ka wadda hadalka waa in uu yimaado qofkii wax taban…..

  13. HaniMuufo
    January 29, 2012 at 1:59 pm #

    Salaan sare Timacade,
    Arintu si kastaba ha ahatee Siilaanyona siduu doono ha u hadlee. In Dowlada is magacawday ee Somaliland gabalkeedu dhacay waan isku raacsanahay. Somalidu waxay ku mahmaahdaa Alif hadeey ka halawdo albaqrana kama hagaagto.

  14. Isaq Boy
    January 29, 2012 at 2:58 pm #

    HaniMuufo.
    Xasadka iyo xiqdiga kaa dhex buuxa ee kugu dhex daxalaystay eed u hayso Somaliland waynaa!!!!!
    Markaasay waliba ku muusanawdaa Soomaali baan jecelahay…
    Hadii maanta lagu yidhaa dhul gariir baa ka dhacay Hargaysa ay dad badani ku dhinteen waad mashxaradi lahayd sow maaha.
    Acuudu minak.
    horaan kuu idhi Somaliland waxba haka dul yuusini orodoo taada is wada dooxanaysa ee darxumada iyo diiftu ku ururtay ee caalamka ka danbaysa 1000ka sano iyo xamar u tali.

  15. HaniMuufo
    January 29, 2012 at 3:10 pm #

    Isaq boy meesha maxaa kaa yaal. Hargaysa waa dhul Somaliyeed dhimasho umad masakiin ahna kuma farxo. Adiga meesha maxaa ku soo yuucay ileen meesha waxba kuuma yalaane. Adoo ilko jaban qaadkana ridqado ayaad meshaa isaaq isaaq ka leedahay maxaad isaaq u tarikartaa adaaba raabuqay sidi sariir duug ah. Isaqana waa umad Somaliyeed oo ay dhowr dhagar qabe afduubteen uguna sheekeyeen anaga idin cadaynayno idin na madoobeyneyno. Adugu taada ka bax Somaliyi waxba isma dhaanto oo hargaysaba dhexdeeda waa lagu baahanyahay oo daraad baan holyday u joogay. Bal se waa suaal da wayno madaxa daalineyse ma waxaan ahaad garanaysa?

  16. Darbi Samaroon
    January 29, 2012 at 3:51 pm #

    Isaq Boy

    HaaniMuufo waa muwaadinad Somali ah jecelna Somali oo dhan Ha ahaato Awdal State,Hargeiysa,SSC,Puntland ilaa Koonfur waxayna doonaysaa in aan helno dawlad adag oo Somaaliyeed,Adiguse adigaa neceb Somalinimada oo ku ducaysta ilaahoow koonfur ugu wad nabadgalyo xumo si loo ictiraafo NaasaHablood,Aigaa cishada qarax ka dhaco koonfurta nmirqaanku kuu baxaa oo yidhaa ma waxaa saan ku biirnaa waligaaba Isaq Boy ducayso oo dheh ilaahoow koonfur nabad galyo ka dheeree,

    Waa dhamaatay oo ALshabaab waa cariyay wadankana waa nabad waanad ku qasbantahay Somalinimo waxaanad ku faylaysaa nidaamka roadMap-ka sanka ayaa kuu mudaynaa anaga iyo dhulbahante ayaa kugu qasbi inad Somali ku noqoto baryo ma jirto hadii kale injirtii Harta Sheekh iyo Buurihii ayaan idin ku celinaynaa oo idinka qoryaha ilkaha ku sida ayaad na baryi doontaan hadaad diidaan Somalinimo Yaa diidi kara Somalinimo? qalbigayga hadii lakala jeexo calanka buluuga iyo xidigta shan geeska ayaa lagasoo saari.

  17. Isaq Boy
    January 29, 2012 at 3:56 pm #

    kkkkkkkkkkkkkkkkkk Darbi Samaroon.
    adiga waanu ku sugaynaa soo noqoshadaada marka meesha laga qaado naftaa reer-nuur ee looga dhigay madaxda maamulka lagu dhisay manaamka.

  18. Darbi Samaroon
    January 29, 2012 at 4:45 pm #

    Heey!!! Isaq Boy xageen kusoo noqdaa …? 20 sano ayaan samada eegaayay oo aad na khaayinteen oo aad nagu maaweelinayseen ictiraafkii ayaa soo dhaw oo samada iyo daruuraha kasoo dhacaaya sidaan Samaroon oo dhan samada u eegaynay ayaad idinkuna dhulka hoos u fiirinaysen oo boobteen hantidii aan lahayn,Dhulkayagii,Beerahayagii,Lacagtayadii,Mansabyadanadii iyo xaquuyadii aas aasiga ahayd oo dhan.Walaahi haduu Reer Hayo iyo hadii Cali Ganuuni qabsatoba waynaga go’antahay in aanaan cir dambe eegin iyo beer laxawsi ictiraafbaa soo dhacaaya Haduu Majaraha u qabto Awdal State ka noogu liitaa waan ku dabo faylayaa ilaa an soo celinayno Somaliweyn oo federal ah reerna reer ka sarayn doonin oo ah nidaam democratie ah ayaa imaraaya no more Somaliland or NaaSahablood Awdal State ayaan arkayaa oo Samaroon oo dhan kusoo hiranaayo oo aad idinkuna ooyaysaan oo ad naga daba barooranaysaan oo aad leedihiin madaxweyne waligiinba ka ahaada oo Samaroona uu idin leeyahay Uffffffuuuuuuuuuuuuuuuufffffffffffffuuuuuuuuuuuuufffffff Sidii Axmed Siillaanyo UFUFFFFFFFFFUFUFUFUFUFU.

  19. wadani
    January 30, 2012 at 8:59 am #

    hal mushkilad aya haysta beesha isaaq waligoodna ma fahmi donan wayo wa dhalan iyo dhaqan ay leeyihin
    ana wa duufan oo ka dhigan aniga oo kaliya inta kalena ha halagsanto hada ka hor waxa dhacday in aan ka qayb galay xaflad lagu lagu xusayay 1 july xafladii oo dhex maraysa ayan bananka u soo baxay ka dib waxa aan arkay muuqal runtii aad u fool xun qof kaste oo garadlehna anay ka suuroobin waxa aan arkay koox dhalinyaro isaaq ah oo calanka somaliya inta ay soo qadeen caadhuf iyo xaaqo ka buuxiyay oo dhulka ku jiidaya nin sudani ah oo xaflada ka soo qayb galay aya arkay oo isna mesha tagna waxa uu i waydiiyay dadkan maxa ku dhacay miyanay somali ahayn runtii jawab wan u wayay ilmo aya igu soo istagtay intan madaxa hoos u raariciyay ayan dib ugu labtay xafladii , ok ma xuma in aad wax nacdo ood ka soo hor jeedsato aduunka oo dhan ayay ka jirta in bulsho meel ku dhaqani ay garowsato in ay gooni isu tagto oo ay ka go,do wadanka intiisa kale lkn waxyahaba lagu arko isaaq ma jirto cid kale oo samaysa mida kale isaqow hadii ad idintu jeclaysateen in aad somaliya ka go,day dadka kale miyanay rabitan lahayn samaroon iyo dhulbahate dhulka miyanay qeyb ku lahayn waxa aan aaaminsanahay hadii dad wax garad ah ay hoganka u hayn laheen somaliland mar hore aya calamku aqoonsanlaha lkn dunida waxa ay aragtay in somaliland sarantahay gaadhi bilaa taayiro ah wana mida keentay in 20 sano meeshii ay ka bilabatay ay ku soo noqoto wan ka xumahay daladada ka socda cayn dadka ku dagalamayana wa in ay xal kale radiyan oo dagalka joojiya

  20. kuluc
    January 30, 2012 at 11:52 pm #

    wadani

    horta hadaad wadani soomaalieed oo somalia u daacada mabaad ka oydeen calanka hortaada lagu gubay ee waxbaad ka qaban lahayd intaad hada isaaq wax k a sheegayso maad laad iyo feedh ku miistid ciyaalka hortaada ku gubay calankaaga kkkkkkk meeshuba waxay ahayd 1da july sidaad sheegtay intaad adiga iyo suudaanigu daawanayseen maad xitaa cid wax ka qabata ugu yeedhid.

    anagu somalia xornimada kamaanu baryin hadyadna noomay siin lamanaanuna garnaqsan ee xoogbaanu uga soo qaadnay waanu idiin yeedhnay idinka iyo dhulbahanteba waanad nagu raacden maalintaa ma caqligaad la,aydeen miyaad baqayseen siday wax u jiraan maxaa maanta idin waalay.

    dawlada somailand in laga soo horjeestaa maanta ugumay horayn beelaha isaaqa laftooda ayaa somaliland isku qabsadey oo gebi ahaanba dhulka lasimay magaalooyinka waaweyn ee somailand sida burco ceerigaabo iyo hargeisa
    ma umalaynaysaa in somailand ku burburayso collada ka taagan tuulada ciida cas ee buuhoolde? mase u malaynaysaa qurba meerka awdal state inay somailand burburin karaan ? carkee, marka dal la buburinayo waa in dawladaa xoog meesha looga saaraa dawlada somailand baalaha ay ka duushaa waa hargeisa iyo berbera de anigu garanba maayo quruunta labadaa magaalo gaadhi karta ee xitaa dhagax ku tuuri karta somalibaad sheegte ruushka xooga le ayaan hargeisa geli karin,

    hadii aan usoo noqdo awdal iyo samaroon ilaahna waa ogyahay idina waad ogtihiin in aanaan meelna idiin diidin madaxa meel kasarysa oo la taabtaa ma jito hadaanu wax idiin diidadanahay riyaale oo jaadwale ahaa madax kamaanu dhiganeen,

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s