Image

Habar Xuseen Kursi Ugama Kici karto Dhul Bahante, Habar Jeclo Ha Uga Kacdo: VETO..!!

Kursiga dalka Somaliland ugu sarreeya waxa ku fadhiya Madaxweyne Siilaanyo oo reer Bari ah, kursiga madaxtooyadana waxa ku fadhiya Xirsi oo isna reer Bari ah, labaduna waa Habar Jeclo-Isaaq. Haddii reer bari iyagu dhexooda is qancinayaan,  Habar Jeclo labadaas kursi  ha uga  kacaan Dhulbahante oo iyaguna reer Bari ah.

 
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane SAYLICI,  waa nin reer Galbeed/Awdal ah  gaar ahaana kasoo jeeda  Habar Xuseen-Maxadcase-Samaroon,  dee kuraastaaba ku yar reer Awdal, kursi looga kaco dhulbahantana meesha maba yaalo. Sidaa daraadeed waxanu leenahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland  waxba ugama gidhiish ah hadduu dalku dhinaca bari kasoo gubanayo, iyagaa iska kaaya xigee ha isku banneeyaan kuraasta.
 
Farriinta an u dirayno madaxweyne ku xigeenka muxtarimka ah ee Somaliland, mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxay tahay; tolbaa kula halgamay oo ku saaray kursigan walibana tolkaasi waxay tirsanayaan tabashooyin badan oo meesha kuma haystaan xitaa hal wasiir oo  buuxa.  Habar Xuseen meesha way ku dulmanyihiine maxaa inaga galay habar dhulbahante.?!.  Ka joog  hana ku fikirin badbaadada bariga Somaliland, iyagaa is xiga isna badbaadin karee, aduu miisaanka saar sidii Awdal xaq buuxa ugu yeelan lahayd Somaliland. Isla mar ahaantaana adiga laftarkaaguna ad isaga dhicin lahayd kuwa toorida kuula hor fadhiya ardaaga madaxtooyada sida Xirsi,  oo an kugu taageerayno inaad madaxtooyada  ka tuurto si aanu  dib danbe  idiinku dhaxayn adiga iyo madaxweynaha muxtarimka ah ee Mudane Al-Xaaj Axmad Maxamad Maxamuud (Silaanyo).
 
Hadal iyo dhammaantii; ‘Habar Xuseen Kursi ugama kici karto Dhulbahante, ee Habar Jeclo ha uga kacdo’.  Hadalkii madaxweyne  SAYLICI dhawaan ka dhawaajiyay  ee gundhigiisu ahaa inuu kursigiisa uga kici doono haddiiba ay Dhulbahante ku bogsanayaan,  waxay Habar Xuseen hadalkaasi saartay  awoodda diidmada qayaxan ee VETO.!!!
 
Nabad iyo Caano
 
HiilDan

42 Comments on “Habar Xuseen Kursi Ugama Kici karto Dhul Bahante, Habar Jeclo Ha Uga Kacdo: VETO..!!”

  1. dhuldhacaga hubso
    January 26, 2012 at 11:29 am #

    well done wan kugu raacsanahay waana sax lakin maanta gadabuursi waxbadanbaa ka maqan oy tabanayaan xaga saami qaybsiga waxaana leenahay mudene eng.saylici kursiga ku fadhi ha ka kicin wixii inaga maqan na inoo soo dhici . waayo kursiga waa lagu la leeyahay oo tolkaa ayaad meesha ku fadhidaa hadalkaad ka dhawaajisayna waa hadal taarikhiyaa mid hore iyo mid danbeba oo madaxnoqday somaliland lagama hayo murtidaa waxayna na tusaysaa in aad kursi jeclayn oo u tafa xaydantahay danta samaroon gud haanba iyo ta somaliland .wixii dudaya ee naf lacaarid walawayn u cararaya waa yeelkadood ilahay awdal iyo salal iyo gabiley ayuu inadajay madaqadaasna waan ku noolanaynaa insha-aalh ninki buuraha jinka loo burburinayoo waa waxaad ka heshid
    shalay somaliland ayan nu ahayn markaan madax ka hayn maantana waanunahayn
    ninkii wax diidayow shalay maxaa lagaaga waayay faqfaqdaas maanta aan la fadhiisan laadahay waxa maanta jira shalayba sidaas uunbay ahayd ee inakoo somalilander ah yaan xaqeena soo dhicsanayna hadii ( haday walalahay diidaana oy ku adkaystaan isaaqaan ka wadaye dee anoo walawayn u tagin ayaan ana sidooda gooni isku taagi oo adal republic is bixin kkkkkkkk
    viva saylici nolow nin jira

  2. Jicimbir c/ c/laahi
    January 26, 2012 at 11:55 am #

    Aniga oo ah tagerayasha awadal state bariga afrika waan ka xunahay inuu c/raxaman saylici dhaho waxan kursiga uga kacaya dhulma hante waa hadal aan lahayn nuxur ama wax faida ah u leh ummada ku abtirsata awadal state waxan lenahay waad iska tiri waxan jeclahay in aad ka baxi donta arimaha gumaystaha snm ku hayo ummada wana ka xoromi dontan mamulka snm

  3. asma
    January 26, 2012 at 1:12 pm #

    jicimbir waan kugu soo dhawynayaa inaad ku soo laabatid .ma soo roraal cilisay in badan ayaad meeshan ka maqanaydee walaal waxa aan rabaa inaad telkaaga aad ii soo qortid waa gabadh inadertaaye ,midna waan kugu hambalaynayaa inaad afkrika ka wadid tageerid awdalstate walib waa inaad halkaa ka hawlgashid waxa aan umalynaaa inay kinya oo joogaan tageerayaal aad ubadan oo reer awdalstate
    guul awdalstate

    • Jicimbir c/ c/laahi
      January 26, 2012 at 4:04 pm #

      Wankaga mahad celinaya wanan tagerayna dadka iyo dalka in badan ayay dadku ku hoos jiren mugdi ina adeer waad mahadsantay waa kan telkaygu ina adeer tel 0024711300141 wanad mahadsantahay hanoladan tagerayasha awdalstate

  4. Jicimbir c/ c/laahi
    January 26, 2012 at 4:34 pm #

    Waan salamaya inta tagersan awdalstate inta qalbiga ku haysa wanan kaga mahad celinaya ina adeer wakan telofonkaygu 254711300141 facebook jicimbir cabdi email jicibir@hotmail.com wakas inaa adeer waxan jeclahay inan salamo tagerayasha awdalstate melkasta ay jogan

  5. Isaq Boy
    January 26, 2012 at 5:11 pm #

    kkkkkkkkkk waa sidaa Hiildanoow.
    Xirsi caga-baruur ha uga ruqaansado meesha reer Taleex.

  6. Jicimbir c/ c/laahi
    January 26, 2012 at 5:21 pm #

    Waxan u shegayaa dhaman akhyarta bahdan hildan awadalstate qof lagala tashanayo malaha ama ku nolow ismamulka somaliland ama meel kale ku nolow cidana logama haybaysanayo cidna loma daba fadhisanayo awdalstate way dhaqaqday iyanu baburku kaa tagin dadka dhinac ka raaco hanoolato awdalstate

    • shukri maxamed warsame
      January 30, 2012 at 9:30 am #

      viva awdalstate

  7. Isaq Boy
    January 26, 2012 at 5:23 pm #

    Jicimbir.
    Halkee bay u “dhaqaaqday”? lol

  8. Jicimbir c/ c/laahi
    January 26, 2012 at 6:52 pm #

    Waxa jira dad maskaxda kaga jirto wali somaliland miyanad ka qusan somaliland wax la mid tahay nin qol mugdiya gacanta geliyay qabilna qaran ma noqdo tasna niyada ku haya kuwa aya madax martay qadiyada malinkasta waxan maqalna mujahid hebel ayase lagu jihaday ma muslinka la dilay aya lagu noqda mujahid waxad arkaysa nin awr cunay aya la dhahaya waa mujahid mujahid wa qofka ku dhinta jidka ilahay aniguse waxan aminsanahay inan maleshiyada snm lama oran karo wa mujahidin waxa la oran kara waa dambilayaal ilahayna waxay la hor tagayan waka abal marin waxayna ahayen shayadin

  9. mire
    January 26, 2012 at 7:17 pm #

    waryaa gudabiirsi horta wax kale oo aad ka sheekayso miyaad wayday adeer snm xagayaga mujaahid ayay ka tahay weliba waanu ka sii dalacsiinynaa markaa haysku mashquulin ee dantaa ka hada;.
    ta kale ma jiro mana jiridoono website reer isaaq oo wax ka sheeka beelo gaara sida gudabiirsi oo caaya ama wax ka sheega laakiin idinka kuwiin cayda ayaa ku badan bal iminka kan u fiirso dadkan halkan wax ku qoray .markaa saaxiibayaal waa maxay cuqdadan idinku jirtaa,
    xor baad tahay hadaad awdal state iyo wax kale toon noqonayso laakiin xagxagashada joojiya ceebtana iska ilaaliya waana la doogiye yaan la dacaroon,

  10. cali dable
    January 26, 2012 at 7:36 pm #

    SALAAN MARKA HORE SULDAAN CABDIQANI HADAL WAAD DHAMEYSEY BAHABER CELI KURSI UGAMA KICI KARTO DHULBAHANTE EE HABAR JECLO KA UGU KACDO WAA HADAL CULUS BAHABER CELI MARKA HORE MADAX WAYNE KUXIGEEN KALIYA KUMA QANACSANO

    TEEDA KALE ISAAQ ISAGA AYAA QAXII DHULBAHANTE SOMALILAND KULAHA HAYSTA . MADAXWAYNE ZAYLICINA WAXAN LEE NAHAY BAHABER CELI HADALKA AAD TIRI KUGUMA RAACSANO .//

  11. Marunbaa
    January 26, 2012 at 8:39 pm #

    looool.
    Aqliga xeebeedku isma badalo saylicina dariiqii Cumar agoon iyo Xaaji Diide uun buu wali ku taagan yahay. Hadalka hadii danta wadanka ula jeeday waa siduu u iyidhi inkastoonan dhagaysanba balse hadii uu ula jeeday in Dhulbahante lagu sasabo waxan ku soo koobi uun Like a father like a son sidaan hore u idhi. Xaaji diide intayna faransiiska isku xumaan waxa abood loo siiyey in shaqsi kasta oo djibouti ku noolaanaya lagala tashado cadayntiisa iyo warqado rasmiya qaadashadiisa. Waxan ogayn in uu ku odhan jiray idinku reer xeebeed baa tihiin ama reer harawo oo waad noqon kartaan dadkiisa reer barigana uu odhan jiray waa dad safar dheer ka yimidee iska siiya waana meeshii ay ka soo bilaabantay Les otre ilayn odaygu wax Habar awal dhaafsan isaaq muu aqoone. Cumar agoona waan ogayn oo markii dawladii jabuuti ciise iyo canfar loo qayb shay gadabuursina wixiisii dhinac loo dhigay dee Isaaq iyo Daarood siday ku heleen kuraastooda Dr Barkhadlaa idiin faah faahin kara markaa saylici wali waxa ku jira masgax dii adeeradii ee ahayd haday xalkeenayso waxayga qaatadii iyo marka la faansho oo ay rarka dhigtaan sida Sida Saado Cali Boys ka Awdalstate oo faanka la faansho ee la yidhaa waar ragan Gedebiirsi waa somali run ah is kala garan waaya. Siduu Hildaan yidhi Xirsi tooriile abtiyaashii kursiga hasiiyo sidaas bay danta dalku ku jirtaaye. kkkkkkkk Weldone hildaan.

  12. Haamud
    January 26, 2012 at 8:45 pm #

    Ree xasan cade vs Habar jeclo,
    Anuu wxaan wataa ree xasan cade.

  13. aar
    January 26, 2012 at 9:02 pm #

    Waxa aan aad au qoslaa marka aan maqlo awdalstate kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waan yaayaqsoodaa walaahi waa ku wee kuwa ku dhawaaqi kara awdalstate adeer ma dibad wareegaagaa oo kale ayaa ku dhawaaqa wax magaca ha ka dilin sheekh saroon adeer camii. caqli ayaad u baahan tiihin iyocid iskuul idiin furta lagu barto sida wax loo dhisto dalkan waa dhaqaayay boorma ilaa ceerigaabo waa barwaaqo waan wadan jira jiridoonana. dibadwareeg kama rasaynayno camii waiters ah oo maqaaxiyaha suxuunta u gura dadeed yidhaa waxbaan mu caaaridaynaa. horta baro qaabka wax loo macaarido..dhamaan tiiin awdal sate.dhamaan waa dhulkayaga anagaa dagna.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk? duli+duli=awadalstate?

  14. hiildan
    January 26, 2012 at 11:08 pm #

    Waliba waxan ku dari lahaa haddii dhulbahante ku bogsanayaan kursiga madaxweyne ku xigeenka in looga kaco, dee yaanay waligoodba bogsan loogama kacayee..!!

    • abdallahi32
      January 26, 2012 at 11:17 pm #

      kkkkkk Hiildan

      Dee sxb ha lagu dhawaaqo “Pressure Group” walee wax badan ayey soo kordhin. hadaba intiinan aaminsan issaqland bal isku yimada oo wax la yimada .
      Duqa saylici aamusnatii wax u dhaama ma jiro ee dib ugu noqo shaqo joojistii

      • hiildan
        January 26, 2012 at 11:40 pm #

        Awdal Pressure Group On Somaliland Government? – waa sax cabdilaahi, dhawaan ayaan ku dhawaaqaynaa aniga iyo marunbaa iyo timacadde adna waad nagu soo biiri doontaa Insha Allah. Laakiin dalka guidhiisa ayaan kaga dhawaaqaynaaye adna soo diyaar garoow.

        Docda kale, la soco maadaxweyne SAYLICI waxba muu xumaynin oo waliba hadalkii uu madaxweyne SIILAANYO odhan kari waayay ayuu isagu u yidhi, wuxuna muujiyay jacayl qaranimo. Balse anaguna waxan is nidhi dhinicii qabiilka ka eega, oo yaan hadalkaas laydiin soo hor roorin.kkkkkkkkkkkkk

    • shukri maxamed warsame
      January 30, 2012 at 9:34 am #

      HIILDANOW!!KURSIGAA ”SAYLICI”KU FADHIYOO MA TA ”MAQASKA;AYAD KU FAANI……TOLAAY……..ISMAMUUL GOBOLEDDKA AWDALSTATE KURSI SHARAAF LEEY OO TII TOLNIMOO IYO WALALNIMO IYO DAD WADA DHASHEEY AYAY ”SAYLICI”UU DIYAAR SHEYN ..EE KURSIGAAN SNM TAA EE DULMAAN ISAGA SO KAC DHEE ADHEERKA…..WALAHI SAWIRADA ”SAYLCII”OO DHAN MARKAN DAWADO QOF WALIBO SAMAROON AAH UU ARGAYA INU SAYLICII”’HAPPY”AHAYN

  15. satawe44hotmail.com
    January 26, 2012 at 11:42 pm #

    waan idiin salamayaa dhamaantiin waliba waxaan sigaara u salamayaa
    SULDAAN CABDIQANI SULDAAN YUUSUF SULDAAN CAATEEYE
    saylici yaa ugu dhaarta in kursigu aanu ahayn kursi saylici balse uu
    yahay kursi habar xuseen ka dhexeeye waliba cabdiqani si gaara isha
    ugu hayo.

    laba kala barida kala warla adaa sayliciyaw iska yidhi inaad kursiga uga
    kacayso XIRSI TOORIILE REER ABTIGII, BALSE HABAR XUSEEN KAA
    diiday[diidney oo mayaan nidhi ilaa macaankiisu dhamaado].
    libaaxleyna aan saaro kursgaas si bahaber celi dhamaanteed u wada
    aragto kursigan iyo wuxuu yahayba.

    sidaa iyo kursiganaw sooma noqotoo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  16. hiildan
    January 26, 2012 at 11:46 pm #

    Mahasanid SATAWE, markuu kursigu Libaaxlay kasoo noqdana waxan kusoo celinaynaa Satawa iyo Seerihii..kkkkkkkkk. Waan kula soo xidhiidhi doonaa dhawaan by email insha Allah.

  17. Sugule
    January 27, 2012 at 12:02 am #

    saaxiibayaal waan idin salaamay nabadu ha noolato nabadgalyo
    biniaadamku waa u baahanyahay dulmigu ha dhaco waxaan ahay beesha dhexe is ma qarinayo waxaan ogahay samaroon inay yihiin dublamaasiyiin hadii ay u dhaqaaqan maamul iyagu ay leeyihiin waa la garanayaa cida ka muuqnayasa, waxaa ka muuqanay inta ehlu caqliga ah waxaan laakiin la yaabay ninkan saado cali tidhi maamul samee waxaan ogaa halkii taladaasu ka timid , somaliland way kala daadanaysaa hadii samaroon maamul samaysto waa la ogyahay ta kale anigu ilaa rayaale waan taageersanaa wax aduunah oo iga soo galayey may jirin imikana waxaan taageeraa saylici walaahi waanu yaabanahy ninkan xirsi toorile iyo siraanyo waxa ka dhexeeya laakin saylici baa kala daadinaya saylici baa ka dhex toosay kkkkkkk

  18. cali dable
    January 27, 2012 at 12:15 pm #

    KURSIGA MADAXTOOYADA MARKA REER XASSAN CADE BAHABER CELI MACAANKIISA GAADHO REER CALI DABLE BAHABER CELI AYAA BOOGA U FADHIYA AFTER 10 YAERS XASSAN CADE NOK
    CALI DABLE 5 SANO+2 KORODHSIIMO INTAAS KADIB REER MAXAMUUD BAHABER CELI 5 YAERS INTAAS KADIB CABDILE CELI KADIB REER ODEY / KADIB WAXAN KU WAREJINAYNA WALAALAHAYAGA KALE EE MAXAMED CASE

    VIVA SOMALILAND VIVA SAYLICI VIVA MUWADINIINTA DALKA

    NABAD IYO CAANO

  19. Jicimbir c/ c/laahi
    January 27, 2012 at 12:41 pm #

    Ha dhacdo somaliland iyo daba dhilifka inta u ah waxan lenahay ninki dhoof ku yimid bay geridu dhibaysa kan dhahay saylici sxb yaal saylic waxa u ka mid yahay shaqalaha guriga loga taliyo jabhada snm ma aha inaad iska dhadhiciso waxa aan jirin saylici waxa hoos taga xirsi xaji cali torile intina badan waxad ku qanacsantihin kursigan mac malka teeda kale saylici waxa dhexda u galay koo jabhadii snm ka tirsan waxna ma qaban karo waxna ma didi karo waxanan aminsanahay inaan kursigan laga gaday marka ama dheh somaliland ama dheh saylici wax mesha ku yalan ma jiro marwo ama mudane ka qusoo ha qutarayn quudba jira aan la cunin by

  20. Jicimbir c/ c/laahi
    January 27, 2012 at 12:49 pm #

    Wararka ka soo baxaya buhoodle aya shegaya in maleshiyad snm iyo xogaga xaq u dirirka ku dagalamen duleedka buhoodle dagalada aya waxa ku gacan sareyay koxa xaqu dirirka ee reer buhoodle halkas oo lagala waregay gadidka dagalka iyo agab fara badan tasina waa jabkii ugu cuslaa ee loo gaystay malashiyada snm ee madaxda ka yahay dhagar qabe silaanyo

  21. Darbi Samaroon
    January 27, 2012 at 3:42 pm #

    Gada Buursi Galbeedoow Wada Gawsa Xumayde,Alla Caqli xumidinaa waar kursigan MWKXigeenka sxb hadii aan wax ku ognahay Reer Nuur ayaa qaadan lahaa mar hore oo indhoba maydaan saarteen hadaad tihiin Gadabuursi Galbeed iyo cidkastaba anagaa xagaa iyo NaasaHablood idinka Xigna lkn anagu waa halkii Axmed Siillaanyo’e UUUUUFUUUUUUUUF ayaan nidhi mar hore ee Habar Xuseen oo Galbeed joogtaa umaba aysoo talaabsateen hadii Maqasku nafleeyahay waa bilaa awood Zeiylici wax uu hayaana ma jirto,Reer Khatumo Statetna ma doonayaan Maqaska ayaga waxaa ka go’an sida Awdal State inaysoo celiyaan midnimadii Somalia ee burburtay,

    Qaar baa ku odhan waar maxaad koonfur ka doonaysaan oo aad Hargeysa uga yaacaysaan ama aad uga dudaysaan Isaaq iyo SNM,Jawaabta oo gaaban waxa weeyi Koonfur waa Caasimadii Somalia oo la ictiraafsan Somali qabiilkastaana joogo cidina aynay ka maqnayn beeshii caalamkuna la shaqaynayso loona ictiraafsanyahay dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliyeed halka woqooyi loo yaqaano jabhad isku magacawday Somaliland oo ex SNM Markaa halka beesha caalamku ictiraafsantahay ayaan raacaynaa dhulkan aad ku wareerteen labaantanka sano iyo dheeraadka hadii si kasta la idiin galo cidina inii garaabi mayso waayo jabhad ayaad isku dhiibteen oo aad hubkiinii yaalay Borama madaarka aad ku wareejiseen Gadabuursi Galbeedoow wada Gawsa Xumade.

  22. HaniMuufo
    January 27, 2012 at 8:50 pm #

    Salaan sare dhamaan,
    Ina Aateeye ma sida aad u duulineysay dowlada SNM iminka markay godkaadi biyuhu guugu soo galen ayaad bilowday in aad sheeko baraleey jeebada ka soo saarato. Walaalo Dhulbahante jabhada SNM bunduq bay ku baacsadeen aroornimo. Adna af baad meesha la fadhidaa. Jabhada SNM waa kufaar kufaarna korkiisuuu ka naxaa. Markii ay karayaashi ka soo carareen iyeey miskiinkan kula taliyeen heedhe maqasta iska dhigi isaga caraaw xaafadii lagaa lahaa. Rag baa meeshan na soo galay darwiish ahoo deb holcaya nagu eryadaye. Orodoo iska caraaw. hehe. Iminka Saylici wixi la adeegsadaba in uusan nafac lahayn bay arkeen oo waxay kursiguu ku fadhiyo ku maslaxay Dhulbahante. Idinkuna Af waakane maay laki aamee?.

  23. Mustafe
    January 27, 2012 at 9:02 pm #

    Cabdirahaman Abdilahi Saylici ha ikarido dibjirka Dahabshiilkeensadey. Intaas ayaa Saylici looga baahan yahey.
    Darbi Samaroon maanta umabaahna qayb-qayb ee waxey ubaahan yihiin midnimo, wallaalnimo iyo wadatashi. Gadabursi haduu Galbeed degan yahey, haduu Djibuuti dego, haduu Buuraha Libaaxley iyo Cariirad dego, haduu Gabliey woqoojigeeda joogo, haduu Harawo, Heemaal, Awbare, Rugi Baki, Dila, Gorayo Cad, Lughaya, Saylac, Dharwanaage, Xerogeel, Sheed-dheer, Boon, Quljeed, Dharwanaage, L.Ciise, Cawaarweyne, Araabi Baxsan, Geerisa dhamaan waa Awdalstate dadntoodu.

    Waydhamaatey xiligii golo qolo iyo degaan degaan loo kala qaadaayey si loo wiiqo awoodooda iyo kartidooda umideeyaan. Allah mooyee uma baahno cidkale. laakiin Awdalstate uma baahna afarta dadtood raaca ah. Sigad oo afar xaraf xarxariiqa noqotayaa, Saylici oo tiisii utaaga noqotayaaba dadkii Awdal weytashadeen balantuna waa Awdalstate.

    Muqdisheey sheegeene meelkasta iyo cidkasta oo danta Awdalstate ku jirto Malez Zanewina hanoqotee waa in lala xidhiidhaa weydhamaatey xiligii SNM Samaroon qoor ugu xidhaan lahaa. Bani’aadana waxa ugu sharaf badan ninka sharaftiisa, ta dadkiisa iyo dalkiisa ilaaliya. Saylicina waxa wuxu inoola midyahey nin Samaroon oo dhaqategey wax awooda oon ka fileynaana majirto Soomaalidaa ku maahmaahda ninka tiisa daryeelaa tawalaalkiina kudara. Inta Tooriilo Tuurta Tagoogaha dadka kaga joogo Saylici ha iska dhiciyo.

  24. Haboon
    January 27, 2012 at 9:52 pm #

    Waar heedhaha nimankan Saylici ku waashoow shalay baad lahadeeyn ina xaamud jibril waa dabadhilif, bal reer dilaad ka warama, maxaa ilaa suldaankiini idin soo dareershay, bal gabadhan buraanburaysa ee calanka hagoogan maxaa cadibay ma noo sheegi kartan odeygan gadhka cad leh ma awdalstate buu ka socdaa waa yaabe ? walee wada shuqul xumaydeene shaqadiina waa la fahmay……
    snm miyaanu isaaq ahayn, isaaq iyaanu mid ahayn ? mise garxajisku isaaq maaha ?
    Awdalstate iyo garxajis halkay iska soo galaan ?

    • hiildan
      January 27, 2012 at 10:10 pm #

      Habooneey halla yaabin kuwani Saylicibuu hoonku kaga dhagaye, kkkkkkkkkkkkkkkk

  25. diiriye
    January 27, 2012 at 10:00 pm #

    war heedhe dagaalkii buhodle laba askari oo samaroona ayaa lagu qabtay qaar kalena way ku dhinteen sida warku sheegayo markaa askarta galbeedka laga keenay xitaa marka lagu daro sacad muusaha fahmimaayaan dagaalada barigee ha laysu daayoo h/jeclo iyo dhulbahante iyagaa ilaa weligoodba is af yaqaanee hadii kale ceeb ayaa ka soo socota

  26. hiildan
    January 28, 2012 at 2:01 am #

    Wali waxan ku guda jirnaa dib u habaynta HiilDan, wax yar noo samra, wixii talo iyo tusaale ad nagu biirsan kartaana noo soo gudbiya

  27. Aar Harawa
    January 28, 2012 at 4:55 am #

    Salaan ka dib,Cabdiqaniyaw, saylici wax ma hayo, wax lagu daalana maaha hadalkaasi oo waanu kawada dharagsanahay shaqadiisa, hadiise uu ahaan lahaa madaxweyne oo uu odhan lahaa Khaatumaan uga dagayaa, ayay ku fiicnayd doodani, markaa ayay haber xuseen ku haboonayd haldalkeedu.maantase waxa u banaan habar xuseen in ay Saylici ku yidhaahdaan Awdalstate ayaanu nahay ee meesha ka dhaqaaq, intaan daadku kuugu soo galin.

  28. Darbi Samaroon
    January 28, 2012 at 7:50 am #

    Halkan ka dhagayso cod sira oo laga duubay gabadh ay Axmed Siillaanyo ilma adeer yihiin oo ka waramaysa jabka ku dhacay SNM-tii ku duushay Shacabka Buuhoodle oo dhagaha laga tumay SNM oo weerar gardaro ah ku qaaday dhul aynay lahayn halkan ka dhagayso baroorta Sillaanyo Ina Adeertii

    http://sunatimes.com/playaudio.php?id=529

    Waaragoow Kibirka Waa Lagu jabaaye Taa Hala Ogaado gardaradana halaga daayo shacabka dhulbahante ee dhulkooda la weeraray ee sida gardarada ah dhulkooda loo weeraray ayaguna si fiican isku difaacay walee waa rag dhulbahante Viva darwiidh,Viva Awdal State,Viva Somaliweyn.

  29. Darbi Samaroon
    January 28, 2012 at 8:04 am #

    Maxaabiista laga qabtay SNM halkan ka daawo

    Dhimashada ayaa mid ay aad ugu hoobteen SNM oo kibir ku weerary shacabka aan waxba galabsan ee reer Buuhoodle

    http://waagacusub.com/news/28.01.12.1meydad.htm

  30. Marunbaa
    January 28, 2012 at 9:17 am #

    Waar heedheh darbi samaroon, ma kaftan bay kaa tahay waxaad ku hadaaqayso mise waaba kaa run. Carabka muruq kaa galye koonfur hana gayn.

  31. diiriye
    January 28, 2012 at 9:21 am #

    walee gudabiirsaan dagaal baran abtiyaal meesha waa nagu ceebayseen meesha waxa lagu laayayna waa gadabursi ayay u badan yihiin kuwan la qabtayna waa iyaga waxaba hadalka jilicsan ayay kaga dareen haba la qabtee
    wuxuu kuleeyahay waan is dhiibay oo hadaad is dhiibayso maad gurigiinii iska joogtid,adoo ridaya xabada ha lagu dilo laakiin in inan yar oo khayrkaa ahi kusoo qabto waa nasiib daro .

  32. Ali-Durgiye
    January 28, 2012 at 10:05 am #

    Illaahoow haaa iyo meeey meel qudha ha nagaga wada dhawaajin ninka darbi samarron wataa sowkii maa aan ka jiifsan weyna aamaanti iyo taageerati uu u hayn jiray snm iyo maamulka Hargeysa ,ma maantu soo anfariiray mise tolloow ninka carab juluqada leh ee gar yaqan ina Rashiid la leeyahay ayay isku abtirsin yihiin haddaay sidaa tahay arrintu dee ma saylici baa isaguu ridi caday geesa xun ah?

  33. Darbi Samaroon
    January 28, 2012 at 10:59 am #

    Ali-Durgiye Ciise Saalin Madaw baad tahaye anigu waan kala noqday taageeradii aad igu ogayd waxaan ahay Awdal State iyo isbadal doonka Samaroon ayaad igu ogtahay Aaaaaaaado.

    Awal waa runtaa oo waan taageeri maamulka NaasaHablood lkn markii ay tolkay seefta galka kala baxeen ee ay qaateen calanka Awdal State eeSamaroona 90% isku wada raacay Awdal State ayaan ana tolkay dhinac ka raacay mana taageero hada mana taageeri doono SNM ee waxaan ahay Awdal State ibal Awdal State dhiigayga iyo dheecaankayagana waxaan u hurayaa Awdal State,Sharafta tolkay oo aan dhulka ka qaado iyo midnimada Somalia igu ogow Wiil Ciisoow,

    Faruuroow Maxaa Bebera ku keenay…? Aasuu yidhi Faduul, Waa sidoo kale’e Isaaqoow maxaa Buuhoodle ku keenay dee waa faduul iyo kibir waliba Ciise Madoobe iyo Samaroon weeyaan ragan la qabqabtay lama diline waa la hayaa waana lasii dayn doonaa sida ay sheegeen shacabka xaq u dirirka ah reer Buuhoodle dhalinyarta lasoo lugooyay ee Ciise iyo Samaroon leh inkasta oo dhegta dhiiga loo daray waxii ay ka qabteen Isaaq oo saraakiil iyo dablayaal ahaaba waynay istaahilaan sababtoo ah Burco iyo Hargeiysa lagumasoo doonan ee dhul nabdoon ayay leyihiin ayagoon ahayn dawlad la aqoonsanyahay xaduud baan soo xidhaynaa xaduudkaa dhac adeer dadka kibirka kala fadhiista dheh.

  34. Aar Harawa
    January 28, 2012 at 12:28 pm #

    Ragan la qabtay waa Habar jeclo, ku raadinaysa in aan la dilin oo sheegtay Samaroon, waa shaqadii daaroodka xamar markay ka soo baxayeen sheegan jiray Isaaq iyo Samaroon.

  35. Jicimbir c/ c/laahi
    January 28, 2012 at 3:32 pm #

    Alaa maxa ku dhacay jabhadi maxa ku dhacay kkk dad waynaha reer buuhoodle ayaa iska cabiyay dulanka ay ku soo qaden jabhada snm taas oo ay u geysten jab cagti jogsan waysaa mar bay ceeb la kulantaa manta lama jogo xiligi qabiil qabil qabsanlahaa tasna waa tan beenisay riyada hogamiya beleedka hargaysa ma quusto silaanyo axamad abaar axmad gudi axamad laan gadhe waa magacyada loo yaqano silanyo

  36. cali
    January 28, 2012 at 7:18 pm #

    aar harowo habar jeclada iyo dhulbahantuhu dad is garan waaya maaha buhoodle oo qudhana ma wada yaalaane ilaa sanaag ilaa sool way wada degaan waana dad is lahjad yaqaana lkn nimankani waa la yaqaan ciday yihiin ninka habar jeclo ma isgaa is dhiibi lahaa sida kuwan .

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s