Agaasime waaxeed haweena oo madaxtooyadu eriday iyo sidii erigeedu ku yimi
Written by Qaran news
Hargysa,(Qaran news)-Ismahan Yuusuf Cali oo ahayd Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta Wasarada Ciyaaraha ee dhawaan la eryay ayaa sheegtay in erigeeda uu ka soo baxay Madaxtooyada kana danbeeyay madaxweyne Siilaanyo markii uu xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac soo gaadhsiiyey fariinta erigayga wasiirka ciyaaraha Cabdi Saciid Faahiye.
Marwo Ismahan Yusuf Cali oo ah hooyo haysata 11 caruur oo agoona oo aabahood ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ayaa dhawaan laga cadhiyey xilkii Agaasinimo iyadoo ahayd Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland.Marwo Ismahan ayaa saxaafada u sheegtay in maalin maalmaha ka mid ah ay xafiiskeeda yimaadeen haween badan oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo ay horboodayeen wasiir ku xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan,xaaska wasiirka isgaadhsiinta oo ay Siilaanyo ilma-abti yihiin Layla Cismaan iyo Aamina Timodheer oo ah dhexmare dumar.waxay Ismahaan sheegtay in dumarkaasi xafiiskeeda ka hor botoriyeen oo aflagadeeyeen kuna soo tuurtureen erayo dhiif leh oo ay ka mid ahaayeen ka soo saara xafiiska faqashta.
Marwo Ismahaan waxay sheegtay muddo markay meesha ka botorinatyeen inay u kaceen xafiiska madaxtoyada halkaas oo madaxweeyne Siilaanyo amar soo faray Xildhibaan Nacnac sida wasiirka ciyaaruhu sheegay. Marwo Ismahan ayaa sheegtay in wasiirka ciyaaruhu u sheegay in fariin culusi madaxtooyada uga timi oo Xildhibaan Nacnac loo soo dhiibay sidaad daradeed Wasiirku wuxu fuliyey amarkii SIILAANYO sidaas ayaa xilka jujuub laygaga qaaday! ayey tidhi marwo Ismahaan.
Marwo Ismahan waxay sheegtay in khilaafka soo kala dhexgalay Saylici iyo Siilaanyo ay ka mid tahay xaqdarada erigeeda lagula kacay oo Saylici ka damqadey, waxay kaloo intaas ku dartay inaan awel horeba Saylici xilka u magacaabin ee ay ka mid ahayd aqoonyahankii dhidibada u taagey maamulka xisaabadka wasaarada ciyaaraha sidaas daradeed xilka loogu gartay.
Gebgebadii Ismahan waxay qirtay inay go’aanada ka soo baxa madaxtooyada Somaliland ay gacan weyn ku leeyihiin dumar iyo caruuriba.
Source: QaranNews
















Waxaynu ogayn berigii marwo Aamina Waris (Xaaska Madaxweyne Siilaanyio)laga hor joogsaday shaqo ay heshay, in sxaafadda Somaliland mucaarad iyo muxaafiba ay ka gilgisheen arrintaas, oo muddo dheer qayladu socotay. Marwo Aamina waris waxay tusaale u ahayd hooyooyinka Soomaaliyeed oo qadarin mudan in shaqooyin xalaal ah laga siiyo qaranka, xisbigay doonaanba haku jiraane. Imikana iyadaa laga sugayay inay tusalaahaas u gudbiso haweenka kale ee tacadi noocaas ah loola yimaado.
Marwadan imika shaqada laga eryay ma qabiil ahaan ayaa ka reebaya marwooyinka muwaadiniinta ah ee Reer Somaliland.Waa marwo reer Hargeysa ah, qabiil ahaana kasoo jeedda Samaroon. Waxa muuqata in laba cunsiraydood layskugu daray kuwaasi oo kala ah inay tahay Gaabuursi iyo inay u xaglin jirtay xisbigii hore ee UDUB.
Waa xaq darro badheedh ah waana arrin mudan in wax laga qabto, madaxweyne ku xigeenkuna waa ku mahadsanyahay inuu ka gilgisho. Dhammaan saxaafada Somalilandna waxan mucaarad iyo muxaafidba ka sugaynaa inaanay ka hadhin hadal haynta xaqaradaas iyada ah.
kkkkkk hiildan sxb 2 sland aya jirta ee bal horta kala saar. Mid waa somaliland dhanka xuduuda midna waa system kan siyaasadeed ee sland. Marka ta xuduuda reer awdal dee sland ayey ku jiran balse dhanka siyaasada runtii sland ta laga hadlo waa issaq un. waxa kaga marag ah arinkan ku dhaxdey marwada iyo arrimo kale .
HIILDANOOW!!!KU CASHAAR GAADO….GADABURSI MEELNA LAGA MA RABOO ILA DUMARKII REER SHEIK SAMAROON EE CARUURA UU DHALEEY ”SNM”SIDAY ULA DHAQMAYAAN ARAAG……….
C/qani.. wali ma wax baa kaa daahan sawtaan moodayey in aad indhaha ka hayso…kkk
Somaliland waa shaati nin toshay , shaadh nin toshayna iiga kac mooyee iiga durug ma le…. wali madexweyne kuxigeenka sheegayaan oo tallo qaran ka qayb galay ma aragtay isagoo maqas sita mooyee oo la leeyahay ka markhaati noqo waxaan dhisanay….
c/qani.. ismahaan waa saleelee, iga wallee haddii la ictioraafo in gurigii cateeye faahiye lagugu sheegin oo la dhahi ma lihi oo gadabuursi baad tahay, wali waxbaa kuu dhiman ee la isma gaadhin….. saxafadan iidoor eed sheegi ma sheegaan wax iyagu ay sameeyaan ee waxa lagu sameeyo qof iidoor ah uun bay sheegaan waa sidii reer bani-israa’iilkii ka dabo qaylayey jarmalka…..waad ogey in marwo Hudda ay ka warami jireen xitaa cawradeedda , kabaheedda, dharkeedda , duruucdeedda, cuntadeedda hadalkeedda oo waxay itidhida uun hayjireen sida markii daahir u magacaabay gobolka hawd erayaddii war baahintoodu qoreen ma haysaa……
meeshu meel loogu tallo galay reer weeyee..anigu in gadabuursiga hargeysa joogaa ka soo dareero baan rabbaa.. dawlad aanu leenahay in aan dhisano weeyee…..idinkuna waxad hadal haysaan shaqaa laga eryey ashkhaas, waar dhulkaa loo soo socda haddii aynaan is xoreyn.
Mahadsanid DR CADDE, anuu marka seeraha Boorama laygu yimaado ayuunbaan sara kici doonaa sida reer Axamad oo kale, oo intoon garamo soo tosho deetana odhani doonaa, ‘soo dhawaada jaallayaaloow, waan idin sugaynaye’….!.
inader.cabdiqani waxa aan kuu haystay nin caqli badan oo fahmaaya waxa kaste lakin siday iila muuqato ilaa hada waad iska garanaysaa wax walba waanad fahmaysaa maanta halka la inaga taaganyahay ee waxa aadtahay nin saylici dartii ku taageeraya snmta se waxa aan sugayaa maalinta aad u soo jeedsatid dantaa ila waxan aad ka sheekaynaysid maaha wax qiima leh midka kale gabadhne waxa maanta lagu sameeyayma waxa maanta bilaama maaha ee waa waxa bilbaamay wakhti horez<§qq lakin inta yar ee wax dhaw uun eegaysa ayay latahay wax maanta bilaabay se waa wax soo socday ilaa intii ay jirta somaliand ku sheegu
se maanta wax la joogaa maalintii aan anigu isku tashan lahayn een anan cdkale u daba fadhisan dantee. saxaafada aad leedahay maxay uga hadli wayda gabadh xuquuqdeedana ee aad soo ag dhigaysid aamina waris saaxib aamina waris rageegii ayaa u tashaday rageegii ayaana u dhiidhiyaaya ee adigii u hadali lahaa haweenka samaroon sawdigna lagba fahmi lahayay dhan aad u jeedid iyo dhanka aad ka socotba inader anigu waxa aan ku odhanlahaa iskaba xidh meeshan hadii aandan wax dantaada ah aanad kaga hadlayn wali adigu samaroonki asalkii ayaad tahay oo waadigan raadinaya wax inantan u hadla oo aan adiga ahayn ee
wax kale oo aan aad u hambalayaynaa DR.barkhadle oo walahi aad aan uga helo qoraaladiisa waxna aan ku leeyahay DR. cadde halkaasi ka wad dhiiri galinta iyo guubabada tolkaa hana ka daalin. inta halawsan ee uu ugu horeeyo caateeyana ilaahay hanoo soo hadeeyo DR.cadde waxa aan kaa codsan lahaa hadi wiilkaa hiildan uu waxa kaamaqalaayo inaad wax usheegtid aniga dhawr jeer ayaan su.aal waydiiyay oo wuu iga jawaabi wayay markaasi waxa aan umalynyaa inuu dadka qaar uun u lahadlo ee please inader wiilka waydii bal waxa uu rabo ee uu uga jeedsaday arimaha tolkiiii ama inuu raadiyo isku xidhka tolkii ama uba iska daayo ilaayna waakii ydhi waan daynayaa bari hore
Salaan sare dhamaan,
Hiildanoow ma iminkaad noo shegeysa in aad ka dameqanaysa tacadiyada dowlada is magacawday ee Somaliland. Waadigi duulin jiray imisaan kugu celcelinay in aadan faraha isaga wasaqay taageerida dowlad qabiileedka Somaliland. Iminkeey wacdaro horleh idinku dhigi donaan tani waaba iska sahlantahay. Iminka shaqo unbay tagantahay yeeysan xaafadaha idinkala bixine iska ilaalsha.
Waallo Nimco Ruunaay… waan ku salaamay…. waa si wacan hadalkaagu.. ee aan kuu sheegee c/qani ninka wadanisani ma jiro, nin ka dhiirigelin wacanina ma jiro, nin ka hadal yaqaansanina ma jiro… ha u qaadan xumaan iyogarasho la’aan ee dadka wuu xoodaminayaa,nin ka dal iyo dad jecel ma jiro, nin gadabuursinamada uga lexejeclo badanina ma jiro… intaa waxuu rabaa kaliya in tolku meel ka soo wadda jeesto oon la isku banayn hayska….. la soco ninku wuu hiddo socdaa suldanaddii Habar xusseen buu ka soo farcamay marka abeeso waxay leedahay buu ilmaheedduna leeyahay ee yuu kuu dhuuman, niman buu ka hadlinayaa oo ay is xifaalaynayaan ee waa wax laga gudbayo marka ay runtu timaado…..
waligaa ma adan maqlin c/qani oo dhabar jebin ku sameynaya tolkii.. waa jirtaa in taageero adeerkii saylici laakiin kuma dheeraado xaalka , intii yareyd een lahayn uun weeye taasina, waase laga gudbi karaa, waxase daran kan kula socda ee kaa socda ee kula mijliska, ee kula walaalka ah ee marka caarra dhuubtu baxdo gashanay shaadhka qawmiyadda kale./….
c/qani waa wiil suldaan dhalay oo wuxuu raba wax kastaa in xeer yeeshaan aan la iskugu soo gaban mar dambe..
c/qani wuxuu diidan yahay kulmistan iyo kacaankan iyo kooxdan wadda taal..kkkkk
waad garatay baan u malay.. arkimeysid c/qani oo tolkii wadar ahaan uga soo jeestay.. mucaarad iyo muxaafidnimo intaba….
Salaan guud, waxaan leehay walaashay Ismahaan, wax lagu yeelay ma jirto ee waxa ay wax yeeleen ubadkoodii aad u korinaysay,ninka maanta ubad iidoor ah oo agoon ah gaajo ha ku dhintaan yidhi,gadabuursibaa dhalay darteed maxaad u malaynaysaa isaga oo awood intaa ka roon yeeshay, ma nin reer Sheekh Samaroon ayuu hadh u jiidi lahaa, waa orgobo ku naaxda dhiiga dadka ee geesiyadii Awdal state ayaa soo socdee inyar nasuga. ViVa Awdal state.
DR.barkhdale.walal waad mahadsantahay lakin huno cabdiqani si fiican ayaan u garanayaa awoow ka awoow . inuuna ahayn nin xun ama uuna isirba ulahayn lakin waxa aan rabay uun inuu meeshan ka daayo waxa xun ee la isku dhaafasanaayo waan aqaana inuu codkar yahay iyo inuu hadal yaqaanyahay ku darso wiilka ayeeyo ayaan u ahay anigu se wax aan raba dad bilaa caqliya oo waxa jira meeshan moodaya in kaftankaa lagu wada kaftamaayo in lagu kala tagaayo ee se isag mid uun baan ka rabaa inuu shaadheeyo Comment uu soo daynaayo adiga iyo isag waxa aadtihiin laba wiil oo hadal yaqaana waanad ku mahadsantahay DR.cadde hadii aad hadalkaygii hore aad dhaliishen rali noqoday.caateeyana ayeeyo waxay iga ahayd dhiiri galin lakin ma gaydid wax aanad lahayn ama aanad isir u lahayn waana ini salaamayaa adiga iyo DR.cadde
huunno.. c/qani wuxuu dabo socdaa geelle ina cabdillaahi goodiroo la yiri waa geellii waa la qaaday, ee uu laha miyuu soo mariyo ninka qaaday seeraha … markii dambe duqi habarfacaan lahaa uu lahaa … fuurdada dameerjoog, markii faraw la weydaarshay, falfaloos la soo caashaqaan fileyey nuuraw ee saw faranjigaan aadi iyo faalli kuma waalan…. marka ha u diidin kaftanka wuxuu ka dhexeeyaa isaga iyo ilmo abtiyaalkayee…
nimco.. miyaanu kuu muuqan callankii awdalstate markaad netkiisa gasho, sawtan aniga uu horteyda ka biligbilig leeyahay,balinta net gadabuursi leeyahay gel oo ka hel mid callanka ka dul babanayo oon isagga ahayn waa ku sidee qiimee, arinta, taas waxa kuu cadeyn in uusan midnimo qaran gadabuursi marna ka hor imaneyn, dibna uga dhaceyn in uu u horeeyo mooyanne ,.. waxba yuu hadalka ka dhameyne… warkiisu waa kaa….
DR.aniga hadalkayga si kale ayaad malah u fahantay midkale si baad ugu xaglinaysaa c/qani kaftanka kama hor joogsan ee walaal khalad ayaad ii fahnatay ee rali noqo wax uu yahayba waan aqaana cidna igam sheekaynaso kaw dheh adiga iyo isaguba agtada waxa aad ka mudantihiin sharaf lakin bal hadlkayg dib ugu noqo c/qani miyaan cayay mise aniga ayaab war isku hayn oo si xun u hadal bal dib ayaan hadlkayga ugu fiirsan wanad ku mahadsantahay sida aad wiilka inaderkaaya aad ugu xaglinaysid
calankan quruxda badan waan u jeedaa walal wanan arkayaa
Ismahaa waa hooyo ee ilaahay ha u gargaaro, Insha allah cadaaladuna waa soo bixi dooontaa,
waxaanse leeyahay kuwo cunsuriyada iyo xumaantu hayso ee xataa maamooyinkii shaqooyinikii ugu tagay tolow maanay ogayn in wadanka lawda leeyahay oo cid waliba xaq u leedahay inay xil ka qabato,
Hoooyo Ismahaan ilaahay ha u garaaro ayan ku soo kooobayaa Qoraalkayga.
Huuno khalad baad fahantay wax xun kuma odhan kuna odhan maayo…. waxaad tahay gobtii aan wadda dhalanay, waxaan tahay mudnaantii , waxaad tahay marwo walaashay, si wanaagsan baad u hadashay hadalkaaguna wax turxaan ah oo uu leeyahay ma jiro haba yaraatee, waxaad u hadashay sidii gabdhahii gobta gobtu dhashay ee xishoonayey, ee ixtiraamka badana, ee ka dambeynayey wiilashoodda wiilashuna ay ixtiraamayeen……
Walaalo sida wacan eed u hadashay ama aad rabto in uu tolkeen noqdo dad isku fikir nodo , isku aragti ah, isku mabda’ a ah.. walaallo waad ku wacan baraarujinta tolka kii hadal xun yiraaddo waad arki doontaa sida uu ugu jawaabo c/qani…. meesha uu kaa joogo nin baa kaa joogga walaallo.. hana joojin guubaabadda tolka mar uun bay wax dhali oo la odhan aar waatii gabadhii sheegaysay…. dadkaan la hadleyno ayaanu malaha dhagahoodu daloolin, mise dhagax dixeed baynu la hadleynaa ilaa goormaan hadal waddnaa aniga wuuba iga soo dhamaanayaa hadalkiii.. in kastoon hidde u leehay hadalka ….
c/qani.. u xaglin maayo laakiin waan toosin aad baanan u garanayaa ujjeedadiissa mid kaa fog ma ahin, munaafaq ma ahin, mujrim ama ahin ..
adna sidaas oo kale baan kuu garan hadalkaagga haddii la yiraahdo inanta walaasha ah u abtiri been kuu sheegi maayo ee aad baan u garab dhig haddii aana wadda sheegin ba….. halkaa ka … waad gaadhi nolo wacan iyo guul lagu soo gardaashee gob sannaa hablahayaguuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuu…..
DR.waran cadde aad baan kuu salaamayaa adiga iyo gabadh sida qiima leh hadalka u dhigtay waxayn iila eegtahay gabdha jecel isku duubnida samaroon aad baanan u soo dhawynayaa in halkaasi ka sii wada awalkii hore adiga uun baan kuu aqoonsayan inaatahay hadal yaqaan lakin gabadh waxa soo baxday aad wanaagsan oo gob .se adig dr barkhalde waxa aan kaa rabaa waadiga si aad garanaysid gabadh u hadlayee bal magaceega ka aabaheed uun ku dar hadii anad garayna aniga ayaa kuu soo sheegaya aftirsiinreeda iyo halka ay ka wadato hidah fiican please bal isku day inaad soo saxdid
dadkaad la hadlaysaa way dhaga qabaan ninkow ee adaa calaal.com waxaagu yihiin kumana hadlaysid hadal xikmadaysan ee waxaagu waa caadifad caadifadina meel ma gaadho tolkaana halka dantiisy ku jirto waa ogyahaw .
war yarkii awdal state madaxda ka ahaa yaan xalay arkayoo islaamo soo urarsaday iyo odayaal madaafiicdii amisom dhego tirtay oo ku leh ii barya shiikh shariif inuu ii aqoonsado maamul goboleed…………….
waxaanse ku qoslay sheekadii uu odayaasha ugu sheekaynay ee uu lahaa laba gobol iyo badh ayaan xukumaa awdal. salal.gabiley oo shuruuda waan buuxinayaa markaas ayay sacabka tumayeen…….
ilaahaw nin aan wax ogay ha cadaabin war yarka yaa yidhaahda lacagta aad habraha hawiye u qaybinaysid dadkan abaartu ku hayso saameel iyo baki u keen kuwaas ayaa kaaga baahne……
Ismahaan waa reer Awdal laakiin ha ilaawin sayigeedu wuxu ka mid ahaa snm ee Mr.Saylici muxuu udifaaceyaa Ismahaan halka uuka difaaci kari waayey wallaalkii Xisaabiyaha, dadkan 10 dhiig ka maqan yihiin sida July 11, 2009 iyo afartii marxuum ee kalabaydh, 2010 nin iyo inankii, Dec 5 2011 sadex markuum ee SEEMAAL, tiigu danbeyseyna marxuumkii Boorama raashinka Berbera ukasoo qaadey usoo sidey. Wararka ugu danbeeyey ee khilaafkii Saylici iyo Siiraanyo oo gartoodu aheyd Saylici oo ku doodey Tooriile Ma arki karo halka Siiraayo ku soo gaba gabeeyey Tooriile waa tolkeyee adigaa Sayliciyoow fudude is casil. Qaran news:
Hargysa,(Qaran news)-Ismahan Yuusuf Cali oo ahayd Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta Wasarada Ciyaaraha ee dhawaan la eryay ayaa sheegtay in erigeeda uu ka soo baxay Madaxtooyada kana danbeeyay madaxweyne Siilaanyo markii uu xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac soo gaadhsiiyey fariinta erigayga wasiirka ciyaaraha Cabdi Saciid Faahiye.
Marwo Ismahan Yusuf Cali oo ah hooyo haysata 11 caruur oo agoona oo aabahood ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ayaa dhawaan laga cadhiyey xilkii Agaasinimo iyadoo ahayd Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland.Marwo Ismahan ayaa saxaafada u sheegtay in maalin maalmaha ka mid ah ay xafiiskeeda yimaadeen haween badan oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo ay horboodayeen wasiir ku xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan,xaaska wasiirka isgaadhsiinta oo ay Siilaanyo ilma-abti yihiin Layla Cismaan iyo Aamina Timodheer oo ah dhexmare dumar.waxay Ismahaan sheegtay in dumarkaasi xafiiskeeda ka hor botoriyeen oo aflagadeeyeen kuna soo tuurtureen erayo dhiif leh oo ay ka mid ahaayeen ka soo saara xafiiska faqashta.
Marwo Ismahaan waxay sheegtay muddo markay meesha ka botorinatyeen inay u kaceen xafiiska madaxtoyada halkaas oo madaxweeyne Siilaanyo amar soo faray Xildhibaan Nacnac sida wasiirka ciyaaruhu sheegay. Marwo Ismahan ayaa sheegtay in wasiirka ciyaaruhu u sheegay in fariin culusi madaxtooyada uga timi oo Xildhibaan Nacnac loo soo dhiibay sidaad daradeed Wasiirku wuxu fuliyey amarkii SIILAANYO sidaas ayaa xilka jujuub laygaga qaaday! ayey tidhi marwo Ismahaan.
Marwo Ismahan waxay sheegtay in khilaafka soo kala dhexgalay Saylici iyo Siilaanyo ay ka mid tahay xaqdarada erigeeda lagula kacay oo Saylici ka damqadey, waxay kaloo intaas ku dartay inaan awel horeba Saylici xilka u magacaabin ee ay ka mid ahayd aqoonyahankii dhidibada u taagey maamulka xisaabadka wasaarada ciyaaraha sidaas daradeed xilka loogu gartay.
Gebgebadii Ismahan waxay qirtay inay go’aanada ka soo baxa madaxtooyada Somaliland ay gacan weyn ku leeyihiin dumar iyo caruuriba.
WAAR heedhaha ila sabankan waa sabankii la is qoonsanayay maxaad ku gashay inanta DR.WABAN CADE.inantu wax xuna kuma hadal midkale adiga kulama hadal ee maxaad ku gashay caateeye ayay la hadashay adigan wayba ku amaantay waana gabadh xaqiiqdii ay ku jirto wadaninimo mise adiga iyo iyada ayay wax hore inii dhaxeeyeen oo sidaa ayaad afka u goosatay gabadh walahi waa gabadh xishood lagu soo koriyay wax aad ka garataa sida wanaagsan ee ay kula qaadaa dhigtay hadal lakin se aniga ayaa gabadhaa xaal siinaya kan rali galinaya hadalka dr waraabe cade .inader rali noqo nimco waxa aadtahay hablihii sharafta lahaa ee raga ka danbayn jiray hambalyo ayaan ku leeyahay mr.waraabe adiguna xaal bixi sida uugu dhakhsaha badan .walib mid ayaan kaa ilaaway gabadhu waa curadkii samaroon ee iska jir
Hadal nin wayn kasoo baxay wuxuu ahaa 4-afar reer oo meel wada dagan-
oo 3nin aqala dhisteen kii kalana waxba dhisan,markaa adeer reer ama-
aqal wayn oo reer Hebel dhisteen baan nadaafadiisa ka shaqaynaa-
guriga iyo dariskiisaba wanaag kuuma yaalo maxaa kula gudboon-
hurdaad ka toostay,waad kala daadsantahay,jeebkaagu ma fiicna
nabad galyadaada lama hubo,wakhti badana ma haysatid
laba kala daran mid dooro(Midnimo waad ku badbaadi kartaa)
dhamaantiin waan idiin salamayaa waa adeerkiin oday satawe oo idin leh
UURKUTAALADAN MAANTA, UURXUMADA DHEXDEENA AWAW YAA KA MASUULA
inantan ooyday waa ismahaan, inamadii horee la dareershay waa abkeen
oo waliba aqoontooda maalayaey,odayada la gawracay waa anfariir(seemaal)
inamadii reer nuur (AWDAL STATE)ee muqdisho aaday kasban waa tolkood
sharxi kari waa qadiyadooda,kolba casuumad iyo casho sharaf dhaafi waaye
calaacal iyo isaaq baan ka soo cadhoonay hadalkood dhaafi waa.
ciisihii iyo isaaqii muqdisho joogay cadhay buufta hayaan,bulshadii samaroon
badhkeed(maxaad case)diide inay la kulmaan abkayaw awdal state waa taas
muqdisha, hargayswa,jabuuti, itoobiya dhamaan umada samaroon meelkastoo
ay joogtaba waxay si dagdaga ugu baahantahay talo guud,turxaan bixin,
taws ninlaa u galgasha tola wuu irkiyaa tolkayaw tala guud, tolkayaw tala guud.
Illaahay ballankii barqaan ka….. subax wanaagsan dhalinyaro.. waxaad ii garran la’adahiin waxaa weeye anigoo yar baan qurbaha soo gallay, dadkii aan ugu imidna anaa u yaraa, waxaanan joogaa hadda ilaa 30sanno ku dhawaad inta c/qani jiro hadda weeye da’diisu…kkkk Markaa waxaan moodayaa uun in aan wali yarahay ee raali ahaa..
Muuse iidoor dadka aan la hadli waa adiga oo kale ood moodo in dhegaha cukay kaa buuxshay,saa qofkasta hadalka uu ku hadlo ayaan ogahay ciddu yahay.. dadka aan la hadlina waa tolkey qurbe-joog iyo dal-joog, dacar joogoiyo ooga-joog , qorax joog iyo dhagax-joog , tuula-joog iyo magaallo joog, dugsi-joog iyo suuq joog, malcaamad joog iyo xoole-jire..kkk
Tabtii layla iyo qays isu tabiney sheekaddaa..kkkk waan qaatay isma lahayn meel baad ka dhacdee waxuun baa lahaa ka odeyee, arinta… c/qani iyo nimco labaduba waa bidix iyo midig.. c/qani waxaan idhi hadaan gaari kula jirin ileyn noloshu guul male…Nimcona waxaan idhi hadaan geesi kula jirin ileyn hadalku guul male….
cabdiyaaw waallaw dhaqanka yaanan laga tegin , ma ihi qof wax galla,wadaddana kama cuudiyo dadka, ee waxaan ahay nin wax iska celiya, gabadhana waxba isma aanan odhan waxooga hogotusaaleyn ah kaliya aan tallo ka bixiyey , kuma xumeyn, kuma gefin, hadalkaase afsoomaliga ayaase margi ah oo kolba dhankii loo leexsho u jeesta saa waa taa aniga iyo ian abtideyba aad isku kaano dhifateen hadda,waanse qaatay gartii, waan bixiyey xaal halkaan ugu soo hagaajiyo sheek.. gabadha waa walaashay waxun uma quudho hablaha walaahay ah, saa waan dhalay, way ila dhalatay, way i dhashay, waan dhaadhyey, waan u dhaxay, waliba aan kuu turqao hadalkee nimco waa ina abtidey laxmi wa damo…hadaad moodi meel kale…
Nimcaaaaaaaaaaaaaaaaaw.. ku soo laabo hadalka walaalay, ha gaagixin, ha gabban, ha gees marin, ha gunaanadin, ma geydid guulaftan,ama sidaad tahay gamaan faras senge geesi daaqsadey, soddon bil iyo gawdeey, uu goobey..kkkkwaa geydiiyee …walaal waani tolkeen, dadkaan la hadleyno dhegahu uma daloolaanee…
C/qani.. hadalka gabadhu ku tidhi waa gar , su’aalaha ay ku weydiisay uga jawaab sida ugu degdegga badan, allaaw yaa mar daawadda …
Asc.dr cadde inader aad baad u mahadsantahay anigba wiilasha tolkay sharaf ayay iga mudanyihiin iyo walib tixgalin gaara ah markaa anigu ma ka gaagixin hadalka si kale walaal uma arkin waa runtaa waa hoga tusaalayn waana la isku leeyahay inay dadka walaalhi ay waxa isku sheegaan.lakin se waxa jira in badan oo hadalka si kale u badasha imika wiilkaa cabdi sitoo kale aniga miyaa la ciyaay mise waxa xun baa la iga sheegay waa dadka walal raba dadka inay isku ridaan oo ay ka dhex bilaabaan lakin se ku darso anigu ma ihi naaga laga dhextooso ama wiilashooda lagu diri karo adig bardhadlena aad baan kuu salaamayaa 100% sideedaba adiga iyo abdiqani hadaladiina waanka helaa
abdiqani se mid ayaan u sheegaya inader aniga hadii aad ii jawaabi waydid iyo hadi aad ii jawaabtidba adiga ayaa ikhtiyaarka leh qasabna kuguma lihi walaal waadse mahadsantihiin dhamaan inta halka hadalka isku waydaarsat lakin mid iska jira waxa jira dad aan iniga ahayn oo soo booqda meesha markaa fiiro gaara u lahaada waad salaamantihiin
Nimco Deggan maxaa lagu haystaa?, waa ayaydaye ii daaya, kkkkkkkkkkkkkk. Nimco soo dhawoow, badanka ma helo firaaqo badan oo an jawaabaha kusoo gudbiyo, marmar ayaan hadal soo tuuraa dabadeedna waan ka baxaa, hadana waxan kusoo noqdaa meeshii oo jilbaha lays daray, markaasaan ku wareeraa oo meel an kasoo qabtaba garan waayaa. Adiga iyo Satawe aad iyo aad baan idiin salaamayaa, xikmad xiisa badan ayaad labadiinuba leedihiin. Dr Cadde waxan leeyahay inantu marna waa inaabtiday, marna waa edadaday, marna waa ayayday, waa Gobe ha noolaato,
Waliba Nimco hadday igu tidhaahdo meeshaba iska xidh, waan iska xidhayaa, inay mar walba soo tabiso tusaalooyinkeeda ayaan jeclahay oo aanay iga aamusin.
Dawlada Bud iyo Tooriile weeyi waxa danbiga gashay ee somaliland maaha. Hala kala saaro dhaqanka ninka hada sida dharka loo xidhay kala bartay iyo Somaliland. Xaalku maanta wuxuu ku jiraa ma waxa lagu mooday mise waxaan loo noqon doonin. Sanadkan laga bilaabo kulmiye maga coodu waa (kulmiye Kol) Kulmiye one term. Markaa bulshooy kala saara Silanyo iyo somaliland. Marlay gabadha gabdho ay siigada indhaha kaga shubi jirtay markii UDUD ooda jiidasaybaa fursad doqoniimo ah la siiyey dee dhinaca kalana kooxdaad hormood kooda aragtay haweenkooda ma cadaalad iyo xishood baad ka sugaysaan. Tuugtan bilaa xishoodka ah tuugtii wax xaab sanayey baaba dhaantay. Somaliland neey Rayaale aragnay oo siiraayo aragnee bal Faysal Waraabana halagu eego raqda.
MISS nimco.. good after noun or what is good in today….sounds looks good , are you okey, or still ?????????…yaan la is ku keen dirin, oon la ina kala dilin dadka iidoor wagaashkuna waa diradiraale……hadalkay taxliishaan, kolba daan u tuuraan…..
c/qani.. maxaa helay medexweyne ku xigeenki sawkan dabcay ee ka tanaasuley tabashadiisii.. Umul baa ilawda eedaaka soo maree sawkan durbaddiiba is dhiibay wuxuu todobaadka ku maqnaa, iskana soo noqday isagoon cidba u yeedhin.. oo waa la ina tuhmaayeey markaan cadhoonee sawkan hoos inoo dhigey… alleyle shil dhacay dhe…
c/qani maxaa inoo tallo ah, xaalku wuu xun yahee……halkii aan ka sugeynay in xaal la siiyo oo la kala eryo qawlaystadda ku aruurtay madextooyadda oon lahaa waa kaa ku dhex dhacay uun baa hadda la i leeyahay weger….ceynaanshe .. cajeb sacca ma calooshuun baad iibisey..kkkkk ma laha adaa iiga dhuun daloolee bal war iga sii.. saxiib..
Satawe, hadal kaagu wuu idhaafee waa maxay calaacalka intaa le egi. Waxaad sheegayso dhamaan qabiilada somalidu way kula qabaan markaa dhib gaarihi kuma haysee siyaasada uun dhinac ka raac maalinta runi timaad na buurbaad ku tiirsan tahee banaan ha u qaadan in aad ka qayl yayso. Cudurka somali ku jiruunbaa reerka ku jiree wax gaarihi ma hayo bari iyo galbeedna waa lagula qabaa. Balse reerka intii u aqli xumayd ilaah waduu nooga furoo wax Awdalstate la yidhaa buu cudur kii la galay waana kuwii aynaan bisaas u dirneen iska daa duunyo qiima lehe. Haku mashquulaane inaga daa wax ma garatadu.
Walaallo nin hadal u dhuunto ma ahi.. waan u jeeddaa hadalka soo baxa markiiba waxaan gartaa waatan la inagu salidey qabiilkee meeshuu sunta ka tuurayo qofka soo tebiyey jawaabtu…kkkkkkkk…..Marka guudka loo dabo timaha gedefta loo xidho,geyaankoodna soo baxo,ee geedka loo dego, wada hadasho guuridu gacan qaadku waa….waad gaadhi nolol wacan iyo guur lagu.. gubsannaa hablayaggu…
Nimcoooooooy.. saw uma jeedid c/qani… warkii… in aanu ku jiribn muran.. kuwan xun ee iidoor ee inagu dhex jira waa in sida loo arkaa dalkii iyo debeddaba… wa in la eryaa….
c/qani inader waad mahadsantahay100% waa runtaa inta aad sheegtayba waan kuu ahay se.bal waxa aad ku darataa qoraalada aad soo galisid webka inaad dardar galisid awdalstate halka aad waxa nsmta isku wareerinayaa bal nin walba fikirka uu ka qabo ha soo diree taasi ayaa inoo dhaanta wax kale oona inga danteena ahayn caateye aad baan kugu hambalayaynyaa shaqada aad noo haysid anigna halkaasi ayaan kaga jirayaa mana daynaayo inta tolkay ay midoobayaa walaal byeeeeeeeeee
DR,cadde.inader adigna aad baan kugu hambalyaynayaa waanan ku salamayaa sida fiican ee aad hadalka u dhigtid ama aad dadka u hoga tusaalaysid ma la isku keen diri karo walaal
waxa aadtihiin geesiyaashii geeska afrika ee reer sheekh samaroon wanan ku salaamayaa walaal
waaryaadaheen waa raga samaroon waxa aan si gaara ula hadalayaa dr.waraabe & c/qani
hablaha waala soo dhaweeyaa oo waliba waa laga dhawraa hadalka kiisa gafka leh ee waa sidee gabadha sawdinka fogeeye ee walib adiga iyo wiilka hiildan aad dhinac isku raacdee waar gabadhu waa gabadh samaroon oo walib sharaf gaara inaga mudan midkale gabadhaasi anigu aqoon gaara uma leh lakin waxa aan hadalkeega ka fasirta inay akhlaaq iyo edab ay ku soo kortay waxana taasi aad ku garatin sida ay hadalka iniigu dhigtay waa hadal aan xumaan lahayn aan lahaynturxaan oo ku rabto inay tolkeed isku soo dhawso markaasi aniga waxay ilatahay inaad gabadhaasi aad hadalka aad kula dul dhacdeen aad xaal ka bixisaan sida ugu dhakhsaha badan iyadan mid ayaan ku odhan lahaa walaal waxa aan kugu dhiirigalinayaa inaad halkaasi aad ka wadid sida fiican ee aad dadkiina ugu gudbinayso hoga tusaalaynta waxnan aan kugu hambalayanayaa qofka marka ay labo qof isku raacan oo iskaga baxaa waana ka baqaa inuu labada jawaab u helo lakin adigu labdii ninba meel ayaad iska xidhay walib si ay sharafi ku jrto lakin se dr.cade iyo hiildanaw gabadh xaal siiya waa gabadh iniga mudan sharaf
Faysalaaaaaaaaaaaaaw.. caano daatay dabad la qabay… marka hore wax inanta la yiridhi ma jirto faysalaw, gabadhu waa walaahayo,w alaaltinimo wax aan ahayn lama odhan, hadalkaase margi ah, meel ka dhacna lama dhahin… lakiin nin dilaalka ka dhex wadaa waa adiga iyo kan la baxay cabdi taasna herli maysiin oo c/qani iyo walaashi iyo aniga iyo inan adeertay waxba naga faaiidimeysiin..
Faysalaw gabadhu waa maro… dumar haddii ay qiimo leeyahiin tii ugu sareysay, markaad eegto hadalkeedda,xishmadeed, xigmadeed, dhawristeed, sidey hadalka u dhigeyso, markiiba waxaan gartay in tahay gobtii gobtu dhashy shalayna warkaa waan idhi, waanay noqotay, waxay ka dhalashay haddii asal, nasab, edeb, akhlaaq, dhawrasanaan, ixtiraam bani’aadam leeyahay in ay leedahay illaahay been u sheegi maayee, waxay ka dhalay reer asal wafarac wa nasha reer Boorame, waxay huwan tahay sharaftii reerka ay ka soo jeeddo, dhamaan hablaha ay la dhalayna eey walaalaha yihiin waa dadka ugu sharaf cisi, edeb, akhlaaq badan reer Boorame… haddii aan idiin sheego reer kay ka dhalay madexeydin qabsan…….
Faysalaw qabadha waanu wadda hadalay., maanta tiro ba saddex jeer iyadu meesha ay joogto sheegi maayo, laakiin anigu waxaan joogey markaaanu wadda hadalaynay Riyadh saacadu waxay ahayd 13.40 pm. waqtiga bariga dhexe…. ku darsoo habadhu waxay niqotay beesha aan ahayn iyaanan waxba kaa kaa qarinee.. ku jar hadal; halkaaaaaaaaaaaaaaaaaas……. ka baxy nabadeey……
asc dhamaantiiin waan idin salaalay ila samaroon dhamaantiin waligeedo ayey dhacaysay in qof xisbinimo loo eryo oo ilkan in badan ayaad hayseen madaxtooyada ma cusna ee adkaysta ayaa is gaadhayba. waxa aad ogaatiin xag xagasho walba kursigaa iska leh dowlada somalilandna uma joojinayso afar qof oo shaadh qabiil toshay taasina laabata u siidaaya. wad mahsan tihiin dhamaantiin.
waar yaa ilaahay yaqaana aniguba gabdha ma caayin waxban kama sheegi ee waxa aan ini idhi xaal bixiya ee hadii aan moodayo inay noqonayso beesha aad ka soo jeedo maba idhaahedee xaal siiya oo hadlkeegaba maan soo qaadeen ee waxa aan moodayay inaytahay hablihii sharafta lahaa ee jibriiryoonis lakin hada aniga ayaa xaal isasiiyay dr.warabe.byeeeeeee
Faysal raga aya la xagagta gabdhahena sharaf ayay lee yahin wana la yaqana sharftoda wana la yaqana gabdhahayaga afkaga dheer ka lexi dabal yahow mar dambe hadad aflagadayso jawab ayad iga helaysa hadad tahay nin raga anaga nala xafiltam gabdhaha lama xag xagto xor ayay u tahay fikirkeg waxan modayay gabdhahi jibrir yonis sxb afaga hagaji doli foqa duli
SUBAX wacan .. maanta lama akhriyi karo haasawihii c/qani dhalin uu maaweelin jiree maxaa ka si.. saa anigu ma aqaan computerkee…sawtan aanu arkiba weynee.. dhul aad u qurxoon uun ka soo baxay, mise waa PC geyga kaliya dhalinyaro….
jawaabta faysal ma arkaayo, waxaanse u malayn in uu leeyahay nin xaalka go’o ma tahin, mise warkaa iskaga kay jiraa, meeshan xeer baa yaal xeer iyo xaalna meel ma wadda fadhiistaan faysalw, gabadhu waa bahdey, kuma gefin, waxna ma dhahin aan ammaan ahayn, midhaa amaantaad u taqaan in xaal laga bixiyo, wali af somaligaas nama soo gaadhin.. comment dhalin waxii ka dambeeyey arbacaddii uma jeedo oo ma akhiriyi karaayo….
Asc dhamaantii waxan aad u salaamayaa inabtigay c/qani,waxaan rabaa in aan su’all weydiiyo wilkan faysal? Faysalow gabdhaha samaroon may ku kala xigan?Adoo kale waa kuwa dada kala fogaynaya gabadha lamana cayin lakiin hadey noqotay besha Dr.Warabe ma dhibaa ku jirta walaashaa uun sowmaaha adna,sharaf ay kala leeyihiin ayaaba Iska yar gabdhaha samaroon isku sharaf Iyo akhlaaq uun baan wada huwanahay adoo nin ihi hana kala qaad qaadin walaal.