Image

Badheedhaha Wargeyska HiilDan: Ismaamul Goboleedka Awdal Ee Somaliland (Awdal State Of Somaliland)

Sida qaalibka ah waxa jirta in  marka ugu horraysa ee dunidu maqasho magaca guud ee Soomaaliya, ay runtii  dad badani innoo tacsiyeeyaan. Dadkaasi dunida badankoodu waxay  markaaba is  tusaan  inaynu nahay dal iyo dad ku hoogay dunidan korkeeda.   Balse, marka  hoos loo daadago ee lays weydiiyo bal inay ummaddani meeli uuni u  fayoowdahay, waxa la soo jalleecaa Somaliland iyo Puntland, isla mar ahaantaana waxa la arkaa ilays iyo burcad ka dhex muuqda aqal dumay oo madaw.  

Si kale haddaynu u dhigno (in other words),  Somaliland/Puntland waa iftiinka (light) iyo burcadka (Cream)Soomaaliya, la aantoodna jidhkaa duugoobay iyo aqalkaa dumay ee Soomaliyeed ma yeesheen dheeh iyo dhalaal  iyo dheef toona. Hadaba qofkii Ilaahay ka dhaliyay Somaliland, waa inuu ogaadaa inuu burcad(cream) iyo iftin(light) u yahay dalka soomaaliyeed oo dhan, waana inuusan qofkaasi iska duminin magaca iyo maamuuska Somaliland. Qofkii ama reerkii ka tirsan Somaliland ee wax dhibsanayoow, adiga oo an ka goosan dalkaaga oo an ka gu’in ayaad hadanna daanhaaga gaarka gooni u maamulan kartaa.  Hayksa duminina Somaliland ee idinkoo ku jira hadana ka tashada aayihiina, una dooda xuquuqdiina.

Gaar ahaana dadkayga Reer Awdal waxan odhan lahaa, xaaladuhu way kala duwanyihiin, oo tusaale marna waxay taagan tahay caaddifad, marna waxay taagantahay cadho, mar waa ciil-kaambi,  marna waa caadi (iwm). Hadaba tashada  marka ad caadiga tihiin ee caqligiinu ka xoryahay cadho iyo caadifad iyo wixii la mid ah, oo runta taabta.  Haddi ay ka maarsan weydo, waxan reer Awdal ugu baaqi lahaa walibana ku dhiirri galin lahaa kuna taageeri lahaa,  inay yeelan karaan Ismaamul Goboleed iyaga u gaar ah oo  ka tarisan Somaliland (Awdal State of Somaliland), kaasi oo maamulkiisa goonida ah u madax bannaan, dakhligiisa iyo dhaqalihiisa iyio hurmarkiisana isagu keensan kara.

Balse  marnaba kulama taliyeen kumana taageereen (Anoo caaddifdaysan mooyiye..!) inay u boodaan xamar oo ka boodaan Hargeysa. Talada noocasi ahi  waxay iila muuqataa  sida qof  daadiyay midho gunti ugu jira, oo kuwo geed dul saaran doonanaya, isaga oo waliba  og in  midhaha geedkaasi uu ku socdo ay sun iyo boog ka qarxayso, inuu gaadhi  ama calfan doonana an hubin…

Hadal iyo dhammaantii; hadday dani kuu run sheegto, haddii dulmi ku hadheeyay, hadday nabadu sii durkayso,  xal kale haddi la waayo, aynu ku heshiinno Ismaamul goboleedka Awdal ee ka tirsan Somaliland (Awdal State of Somaliland).  Xuquuqda aynu Hargeysa ka dhacsan kari weyno, waligeen kama heli doonno Xamar, dal dhisana uma dumin karno dal dumay, midho gunti ku jirana, uma daadin karno midho geed saaran, kala go’na waxa ka roon kala lulasho.

Nabad iyo Caano

HiilDan

84 Comments on “Badheedhaha Wargeyska HiilDan: Ismaamul Goboleedka Awdal Ee Somaliland (Awdal State Of Somaliland)”

  1. Cali siciid (AwdalState)
    January 18, 2012 at 12:52 pm #

    website kan waan nacay dad munaafiqiin ah ayaa ka buuxa kolba dhinac ayay isku rog rogayaan sidii yaxaaska.. shalay awdal state maanta somaliland bari awdal kadibna somaliland… dadka rago waakuwaa taleex ku shiray, Buuhoodlena ku guulaystay idinkuna (hiildan.com) SNM ayaad u mashxaradaynaysiin ! Beelaha Hawiya iyo Dhulbahante iyo Soomaali oo dhan ayaa tageeray awdal state idinkuna wali naxdin iyo halac iyo baqdin ayaad ku jirtaan ! waxa tihiin SLAVES ka casriga cusub.

    Guul AwdalState.

  2. hiildan
    January 18, 2012 at 1:04 pm #

    Daarood iyo Hawiye waa kuwii naga yaacay markay SNM soo gashay Awdal, ee waliba iyagii hubka siiyay. ma kuwaasaa maanta hadh kuu jiidaya, walaahi waxay kaa jecel yihiin Isaaq

    • cali siciid (Awdal State)
      January 19, 2012 at 4:30 am #

      Darood tii ku dhacday 1991ki ayaa 1000 times ka xun oo ka daran tii adiga kugu dhacday ee waxba eeda ha saarin Darood… teeda kale adigu ma waxaad sugaysay in Darood iyo Hawiye kaa celiyo Isaaq oo hu ku daafaco? Darood naftiisa ayuu badbaadin kari waayay ee adigu waxay hayd inaad isdifaacdid .. eeda anaga ayay na saarantahay Gadabuursi waxay ahayd inu tashadu barigii dagaalku qarxay.. inaan isdaafacnu ayay ahayd maaha in aan sugno Darood si aw noo badbaadiyo… maantana waxay iila eegtahay in aanad casharkii baran ood wali reer kale hoos joogto..

      Gadabuursi waxay ahayd in 1990ki aayahiisa ka tashado oo is hubeeyo. maantana 2012 waxa weeyaan inu ismaamulo sida misaan aw ugu yeesho siyaasada somalia.

      Guul awdalstate.

    • abdallahi32
      January 20, 2012 at 4:09 am #

      Hiildanow sxb silaanyo waxa lagu qasbaya inu shirka London yimaado. waana ogtahay in caalamku sland diidan yahay ee maxad adigu wax aan iib galeyn iskugu daalin.
      KUna darso dhulbahante hadu diido sland adigu hiildan ahaan maxad kula haboon?? ma sland ayanu sii hoos jogna inta ay nagu dul dumeyso mise arin kale ayanu la imana??

  3. Aar Harawa
    January 18, 2012 at 1:09 pm #

    Salaan ka dib, hiildan waa talo fiican in la tashado, hase ahaatee waa la tashaday oo waxaa go,aan lagu gaaray Awdalstate, ee adiga iyo inta kale ee sixun wax loogu sheegay, waxaan leenahay fadlan kaalaya oo ku soo biira halka umadu u badan tahay, inta aanan boosaku idinka buuxsamin, ma ogtihiin, rag ka mid ah beelaha dhexe oo sheegtay in ay ugu tun weyn yihiin,in ay ka fikirayaan maamulgobaleed u gaar ah, markaa walaal wax dagaal ah oo dadka loogu baaqayaa ma jirto, hase ahaatee haddii lagu soo weeraro dee nahtaada iyo maalkaagaba in aad difaacdo waa waajib.

    ILLAAHAYAW SAMAROON OO MIDAYSAN OO MEEL QUDHA LOOGA TALIYO SI DEG DEG AH NOO TUS.
    aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaammmmmmmmmmmmmmmmmmmiiiiiiiiiiiiiiiiiin.

  4. dhul dhacaga hubso
    January 18, 2012 at 1:44 pm #

    horta mid waa run oo isaaq hadii la tago xamar waa kaa sarayn uun kaana kuraasi badnaan sidii markii horeba ay haanaysay ree koonfurna isaaq ayay kaa jecelyihiin 1000 jeer markaa farba farta ku xigtaa lagu kabaa hadaa cida aad dhul wadaagtaan amba dariskaaga wax la wadaagi kariwaydao dee aqliga salimkaa waxaa uu qiraya in mid kaa fogna hadalkiisaba daa markaa nimanyahaw runta fiicana maanta cid samaroon ah oo awdalstate ogowl majirto oo an ahayn koox yar bal wakaase saramroon wuxuu aad u dagan yaha awdal maxay dadkaaso idil mar qudhaa u dhaqaai waayeen anaka cid dhaqaaqdayna lama joojinkaro ee fadhi ku dirirkan yar ha iska dibad wareegan yaguunbaa daal waa shimbirayahow hees wax ka soconaya ma jirto ee anigu fikirkaa hiildan ayaan taabacsanahay halkan ayaa mar madaxweyne ka nahay marna madaxweyneh ku xigeen balse xamar hal wasir imikadaa kumalihin waxaan ku lee nahay waa wasiru dawla kkkkkkk taasun ka masal qaado ee aqli ha shaqeeyo ……….

    • cali siciid (Awdal State)
      January 19, 2012 at 4:55 am #

      waa runtaa Isaaq Xanmar hadii latago hu kaa sarayn.. laakiin sababta uu kaaga sarayn mataqaana? wuxuu kaaga sarayn becoz Isaaq 20 ki sano ee naso dhaafay wuxu haystay maamuul layidhaa Somaliland oo dhaqaalo fiican leh oo ciidan fiican leh oo telecommunication service fiican leh oo diimoqraadiyad leh oo airport leh oo dakad leh nabad leh oo aduunka xidhiidh laleh.. markaa Somaalia haday raacan wax wayn ayay kusoo kurdhin karaan, hadaba adigu Gadabuursi ado ah oo Awdal ka so jeeda maanta hadii aad tagtid Xamar bal inta Isaaq so kordhiyo in leeg ma so kordhin kartaa ? jawaabtu waa mayaa, hadaba haan ku sheego sababta.. adiga o Gadabuursi ah 20 sano ayaad hoos joogtay Isaaq ood ahayd sida wax jeebka lagu sito, maanta dhaqaalo xoogan malihid, ciidan malihid, xidhiidh aduunka lama lihid, xawaalado malihid, telecommunication companies malihid, warshado malihid, airport malihid, dakad malihid,, markaa sidee baad rabta in Xamar ku barbar dhigto Isaaq? hadaba car ma ii sheegi kartaa waxay reer Awdal u liitaan maanta oyna u haysan waxay reer Hargaisa-Burco-Berbera haystaan? jawaabtu waxa weeyi Isaaq ayaa sidaa kaa dhigay adna waad yeeshay, Isaaq qorshihiisu waxay ahayd in lagaa dhigo qof tabar yar oo awood yar oo ismaamuli karin oon iskii isku taagi karin si aanad hadhow misaan ugu lahaan Xamar marka Somaliland soo laabato (wayna dhici doonta taasi ogow) .. marka hadaad rabtid inaad Xamar marka loo laabto heeshid qayb libaax waa inaad misaan culus lahaataa sida Isaaq ay u leeyihiin Somaliland Majeerteena ay u leeyihiin Puntland oo PETROL laga helay… sababta aynu ugu doodayna AwdalState waa taas weeyi.. inaan noqono maamul isku fiilan oo misaan culus leh oon laga maarmi karin si qayb libaax aan uga helno Xamar.

      suaal ayaan idin waydiin dadkiinan Somaliland taageersan ee raba in aad hoos joogtiin.. Maanta Isaaq hadu tashado oo go’aansado inu ku laabto Xamar adiga mowqif kaagu muxuu noqon doona? miyaad diidi doonta? ma lagaa yeeli inaad diidid? balse hadaad diidid ma isku filnaan kartaa sida Isaaqu iskugufilanyahay maanta? mise qasab ayaad ku raacay Isaaq oo xamar baad tagi sida adhiga ayaa lagu rary doona kolba meesha latago?

      Suaasha si fiican uga fikira …

      Guul Awdal State.

    • abdallahi32
      January 20, 2012 at 4:15 am #

      …. sxb somaliweyn issaq hadu kaaga bato waa arin xaqa waayo 2gobol ayey leeyihin halka aad adigu awdal un ka sheeganeysid.
      balse saami qeybsigan sland waa mid xaqq dara waayo issaq habar habar ayu wasiro ku hela adigana samarone ahaan. hadi gobol waliba 3 wasiir la siiyo waan ogal yahay inu issaq iga wasir bato balse maanta 95% wixi dhaqaaqa waa issaq

  5. Timacade
    January 18, 2012 at 2:51 pm #

    Qoraalkan aan saxiibaday hanimuufo ugu jawabayey, halkanuu malaha ku hoboonyahay.

    HaniMuufo……waanku fahmay, dabcan dadku waa inay strategic u fikraan, aniguna sidaan marar badan sheegay waxan ahay somali weyn run ah, lakiin ” realistic” ah oo waliba aad u fahamsan siyaasadaha geeska. Horta isaaq iyo Gadabursi waa isku dad, Dir baan isku nahay, waan is dhexgalaa, isku dhaqan baan nahay, isku lahjad baan nahay, iskuna region baanahay. Intaa waxa noo dheer waxa nagu wareegsan, darood, oo Awoodo badan sheegta, oo maalinta ay isaaq ka adkaadaan, anagana lugta na marinaya. Dhaqadhaqaaq dhulbanhante ee aad maanta arkaysaa waxuu lug ku leeyahay, hesshiska ONLF iyo ethiopia, iyo puntland oo dhaqaaleheedu kordhayo. Waa hubaal inaanu gadabursi lagu cadaadiyey somaliland oo xaqoodii la dulmisiiyey, wayna ku saxsanyihiin inay ka dhiidhiyaan. Lakiin Strategically, dumsita Somaliland iyo Marginalizationka isaaqa dani uguma jirto gadabursiga. Isaaq sidaa adiguba u fahamsantahay, waa cadifiyiin aan siyaasadoodu gun dheer lahayn, oo aan garasho badan u lahayn sida loo dhisto ” strategic alliance”, lakiin, at the end of the day anigoo gadabursi ah oo somaliweyn ah iyo ninka somalilanderka ah ee isaaq ahi waxa naga dhaxaysa dhul, dhaqan iyo siyaasad.

    Haddi la defeat gareeyo Somaliland, waxa dominant laga dhigayaa darood oo aan anagana wax noo ogolayn, hawiyana aan wax u ogolayn oo raba inay somalia oo dhan xuurto ku hayaan. Hadaanad la socon dagaalka darood, u fiirso sida loola dhaqmo, gadabursiga ethiopia degan ee aan dhulkoodii waxba ka ahayn.

    Somalia waa bad, haddii aanad strategic alliances lahayn, Sharks ayaa ku cunaaya. Anagana natural Allies kayagu waa isaaq. Iyaga ayaa noogu Ood dhaw.

  6. ninjira
    January 18, 2012 at 5:23 pm #

    waligay arin aan kugu raacay hiildanyarow arintan baa jirta

  7. cali
    January 18, 2012 at 5:48 pm #

    waan idin salaamy damaan balhda hiildan iyo akhyarta kaleba ka bacdi.
    aniga waxay ila tahy danta gadabursi waa ay cadahay waxayna ku jirtaa somaliland oo ay kasii mid ahaataan hadii ay xamar qbtaan waxay ka helaya asxaabta ku doodaysa awdal state iyo xamar hayno sheegan waxaynu hargays ka waynay ee ay helayn.
    HIILDan waan kug rcsanahay awdal state of somaliland waayo intay maanta ku haysato hargaysa awdal satate of somalia kuma haysato. xamar.

    TIMACADE. darood waa run oo cidna uma ogala wax isaaqna aniga ilama aha inay welgood adrood defeat garayn mayaan oo waayo hore ayay isaaq oo inta maanta uu yahay ka aqood yar iyo darood oo dawlad ah weliba dad kale wata ayay defeat garayn waayeen maanta taas darood waa ogyahay oo uma socdan dhul isaaq ee iyagiibaa amaan laa maanta.

    • cali siciid (Awdal State)
      January 19, 2012 at 5:04 am #

      suaal ayaan idin waydiin dadkiinan Somaliland taageersan ee raba in aad hoos joogtiin.. Maanta Isaaq hadu tashado oo go’aansado inu ku laabto Xamar adiga mowqif kaagu muxuu noqon doona? miyaad diidi doonta? ma lagaa yeeli inaad diidid? balse hadaad diidid ma isku filnaan kartaa sida Isaaqu iskugufilanyahay maanta? mise qasab ayaad ku raacay Isaaq oo xamar baad tagi sida adhiga ayaa lagu rary doona kolba meesha latago?

      Suaasha si fiican uga fikira …

      Guul Awdal State.

  8. shukri maxamed warsame
    January 18, 2012 at 6:28 pm #

    HIILDANOOW!!!ANIGU KUMA FAHMOO INADHEER!!!MA ”CAMELEON”BA TAHAY????KI SHALEEY ”VIVA AWDALSTATE”SO QOREEY EE ”AWDALSTATE LAMA AASI KAROO SO DHIGAAY MEESHA ”MANAD AHAYN???NIINKA RAAGA WA INU GOAAN YESHOO..KOLBA MEEL UN BAD UU BODEYSAA…WAR ”SOMALILAND”ADIGU MA LIHIID CAWA IYO BEERIBA???REERKAN ”ISAQ”WAXA UU SARA KACEYN YARE IYO WEYN INAY”QARAN ISAQ”SAMEYSTAAN…MARKA INU GADABURSI ”QARAN SAMAROON”SAMEYSTOO MAXAD KU DIDEY???INADHEER……..WAR WAX ”AQONSI”LA YIDHADOO MAJIROO???NEVER???NEVER…20 SANO ”ISAQ”WUXU DHISAYEEY OO KALIYAA GOBOLADIISA…LABA BILOOD KA HORE 31 MILYOEN OO MUCAWIMO AAH OOY MIDOWGA YURUB SISEEY WAXA LAGU MAL GALIYEEY ”BURCO CEERIGABO HARGEISA IYO WAJAALE”’GOBOLAADA DARIFIYADA WAX LO GABTOO MA JIRTOO..MARKA ”ISAQ”MAANTA WUXUU UU DAGALAMAYAA INAY QABIILADA KALEEY EE DANTUU UGU JIRTO INAY KA HOOS BAXAAN ILEYN SHILLINGOODII AYU ”ISAQ”BEESHISAA KU HANANIINAYAA..EVERY WEEK WAXA KU SO XIIDHA ”DEKEDA BERBERA”MARAAKIIB MUCAWIMO SIDAA..2 MALIIN KA HORE WA TI LAGA WADEEY TV HORN CABLE”WFP”OO RASHIIN KA SO DEJISEEY BERBERA…DADKEENA KU TABALEYSAAN ”XEEBAHA”’WAX MA LA SIYEEY????WA MAYAA…DHISMIHII ”DEKEDA LUGHAYA”HALKAY KU DAMBEYSEEY MIYAD OOGTAHAY???HILDANOW WA MAYAA????SHALEEY DADKII LA QASHEEY EE SO BARAKACAAY EE DUURKA FADHIYEEY EE CARUURTENU KU JIRTEEY WAX MA LA SIYEEY????WA MAYAA???KUWI WAX QASHEEY WA TII INSIDE 48 HOURS RASHIIN LA SIYEEY INDHAHAGOO SHAAN AAH?????KUWI LA CUNEEYNA TABARUUCAAD AFARTA GEES EE QURBAHA AYA LO DIREEY ILEYN ”DAWLAAD”MALEHEY????MARKA WAXABA KA SI DARAAN NABAAD LAHAAN>>>>CAWAA ADIGO GURIGAGA ”UK”ISKA JIIFA WITH WIFE AND KIDS OOY BOLISKAA BRITISH KA KU SO DHACAAN OO ILA WILASHADA JARJARAAN MIYAAD SII JOOGI LAHAYD UK WA MAYAA????”CIDAAN QARAN”LAGU SHEEGOO MARKAY 16 JIIRKAGA XARAGAA KA SIIBAAN MAXA TAALA AAH??HIILDANOOW….????”SOMALILAND”WAXA LO SAMEYEEY ”GUUMADKA IYO CUNA GABATEYNKA”’QABIILADA KALEEY””WA ”REVANCHE”WAXAY WADAN ”REERKAN ISAQLAND”’LAKIIN ANIGU ONE QUESTION BAN KU WEYDIYEEY INA CAATEYOOW???ISO JAWAAB….MAXAD UGA SEXAN WEYDEEY AWDALSTATE?????MA ”SAYLICI BA SHAAQO BEELI MIYAA”????WAR ”SAYLICI”WA NIIN SAMAROONA MEESHI TOLKII JOOGSADOO UN BU JOOGSAAN…MA GARATEEY..KUWA ”HARGEISA”JOOGA AYAN UU WEL WELA WALAHI..MARKA INAD TAGEERTOO AWDALSTATE OOD WAX FICAAN KA SHEEKTOO ADIGA AYEY DAAN KUGU JIRTAA WAAYO ”AWDALSTATE’WA MIDNIMADII GADABURSI OO SO NOQOTEEY”’MARKA VIVA AWDALSTATE ..CONFUSE KA KUGU JIRA ISKA DHAAF INADHEER OO NAFTA KHAYR UU SHEEK..GUUL GUUL AWDALSTATE……………SANADKAAN 2012 ILAHAY SANADKII AY KU MIDOBAAN REER SHEIK SAMAROON HA KA DHIGOO.AAMIIN AMIIN AAMIIN .IS RACDEEY AWDALSTATE IS RACDEEY………MALIIN DHAWEYD NIIN HABAR CAFAAN OO ADHEERKAY AAH AYA LAGU DILEY ”HARGEISA”WAXANA DILEEY ”NIIN ASKARII AAH”BAL EEG??HILDANOW…..SULDAN KA GUUD EE HABAR CAFAN EE SULDAN DHAWAAL OO MEYDKA RABEEY INU BORAMA KU AASO AYA LAGA YIDHII ”MA JIRTOO WAXASII”EE HARGEISA KU AAS..SULDANKI MARKU IS YARA WALEEY ..2 SACADOOD OO JEEL AAH AYA LA MARIYEEY WALAHI BILAHI ..SHEEGOYINGA MAD OOGTAHAY???WA MAYAA???

  9. jama
    January 18, 2012 at 7:38 pm #

    Anuu waxaan qabaa intaan Hargaisa caasimad inoo noqon lahayd, Muqdisho aan wada tagno,
    Hargaisa iyo Boorama labaduba iyakoo siman ha hoos tagaan Federaalka somaliya.
    Labo maamul goboleed oo siman ha noqdaan,
    Woqooyiga soomaliya seddex maaml goboleed baa ka jira
    Awdalstate
    Khatumostate
    Somaliland,
    Hiildanow sxb haka noqon fikirkaagii hore ee ahaa awdalstate of somalia.

  10. Mustafe
    January 18, 2012 at 8:35 pm #

    Gadabuursi waxa kaliya ee laayey waala ogyahey oo snm. Daarood iyo Hawiye dhulkaaga kuu difaaci maayaan maantana Isaaqbaa halkoodii galey characterada iyo xiliga ayaa usbadaley. Siiranyo maanta waa siyaad bare, Awdal iyo Soola waa dhibanaaysha xaq udirika. Mase ogtahey ciid aanad udhalan dadka degana waxba inga dhaxey haddii aad sheegato inaaney soconey. Anigoo banaanka arkaaya maxaa buurta isaari. Anigoo danta dalkeyga iyo dadkeyga hagaajinkara maxaan midkale uhoos fadhiisan. Meeshu maaha cidbaa cid jecel ama neceb ee cidii dantaada aadka aragtaa lala tashaadaa. Mida kale Hawiye, Daarood iyo Soomaalida kale degaano nagama dhexeeyaan aan ka aheyn qaranimada Soomaaliya oonu wada daadaheyno. Beelwalba iney degaanadeeda ka taliso Soomaalida iska daaye caalamkiibaa ogaadey.

    Daarood hadii ay Soomaaliya gobolo badanka degan yihiin dee ilaaheybaa siiyey oo la xaasidi maayo mar hadii aan anagu intayada ubadax banaanahey. Isaaqoo laba gobol dega oo 8 isku kala qeybshey inaad beelaha Samaroon hoosgeysaa waa aqli xumo ileym meesha dowladi kama jirtee. Caalamkuna wuu ugyehey maanta in Koonfurtu dhaanto Woqoojiga dhinac nabada waayo iyaga arimo diimeed iyo kuraas mooyee qabiil iyo dhul la iskumu hayso. Sidaa daraadeen haba yaraatee wax Somaliland la yiraahdaa majiro afarta kaba qaadka ahina ha noolaadaan oo ha shaqeystaa sida kuwa kaleba maamulada Soomaaliya ugu jiraan loose dabrimaayo dhulka iyo Siyaasada Awdal.
    Hanoolaato Awdalstate.

  11. HaniMuufo
    January 18, 2012 at 9:53 pm #

    Timacadi mahadsanid sidaad wax iigu tibaaxday. Hadaan nahay shacbiga Samaale oo aan hoos u soo dhaadhoco Hawiye iyo Dir waa isku Samaale. Hawiyena waa ogyahay waxa Darood yahay oo naloo sheegi maayo. Laakin waxaa muhiim ah in Samaaluhu isla shaqeeyo sida Daroodba isula shaqaaynayo. Hadiise nala kala qoqobo oo midba koox yari meel ku aamburato ma Darood baan la xisaabtami karnaa bro? arintu waa maya!. Bal iniku kuwiina gacankaa waqooyi dega isku soo dara walalahiin yaala ilaa Kenya to Ethopia ma ahan kaliya in Samaroon joogto Ethopia xitaa Hawiyihii mee isagaba dhakadaa looga taganyahay ma waxbaan iska celin karnaa hadaan inagii Ri ‘isnuugtay noqonay iyo Garaaro ubadkeedi cunaysa? jawaabtu waa maya. Isma afnaqaan laakin walalayaal dhiigu waa wax dadka ka dhexeeyo walalaha ah aanba isku qosolno oo aan is foorjeynee bal bahasha halaysla duuliyo!. Hadii Gobolada Samaale federal mid walbo yahay oo hantida iyo ciidamada, waxbarashada iyo dhaqanka is waydaarsano Darood indhuhuu kuluc kuluc siin lahaa laakin af waakane maay liki aamee ayeey yiraahdaan Raxanwayntu. Maantadan waxaan aqriyay in Faroole ceel shidaal kii ugu horeeyay ka furay dhulka Puntland. Bal ii sheeg waxa Samaale gaaray oo horumar ah anan ka ahayn in ay is gumadaan oo isu soo kaxaystaan. (Qawaariij) Ale ka megene raga hogaaminaya alshabaab labada ugu tunka wayn waa rag Isaaq ah. Hawiye iyo Samaalihi dhan ee koonfureedna kabahay u sidaan oo ubadkoodi dooxayaan!. Daroodna dabka baxayuu dogobyo uun ku tuurayaa marwalbo haduu arko ducuuf nimadeena. Marka anoon ka xumayn Somaliland waxaa rooneyd in Somaliland si Federal ah wax ula qaybsato Somaliwayn dhulkooduna hubku wuu ku yaryahay waana dad is yaqaanee in ay is gowracaan mahayn habeen madoowga ardaaga isugu dhacaan!. Aniga waxaan rabi lahaa hadaay noqoneyso in Reerkan Isaaqa ah fikradiisa Somalidiidka ah ka soo laabto oo uu Walalihiis Samaale kala daadsani horleh u soo hoyn. Anoon been kuu shegeyn Dagaalki Waqooyi Galbeed ee Cidamada Siyaad Bare ku burburiyeen dhulkaa waan ka dhiidhiinay lakin abaalkeenu wuxuu noqday hadaan Hawiye nahay in uu Isaaq na inkiro!. Dib haleesugu noqdo saan meel kuma garayno. Waxaana noqonaynaa dhamaanteen kuwo hayin u ah Darood hadaanan is daba qaban. Caano daatay waa la daba qabtaa. Hibo Nuurana waxay tiri Tagla aani waa cudur tows iyo xanuunlehe War yaynaan u kala tegin Tamar yeelan maynee. Saxiibkeen Daroodna waa welcome hadaan inaguna gacmaha is qabsano maxaa ku jaban?.

    Timacade wakaa codsigaadi Warm regards,

  12. HaniMuufo
    January 18, 2012 at 10:07 pm #

    Salaan sare,

    Hiildan horta saan wax kuugu fasiro garanba maayo. Hadaad tiri Hawiye iyo Darood baa naga kala yaacay oo Isaaq naga jecel. Waqtigaad sheegeyso ee laydinka kala yaacay inagoo dhan baa kala yaacaynay oo colaad ba’ani na haysatay. Adigu waligaa ma istiri dadku horta xaalkaga mala socdaan?. Abidkaay ma maqal Isaaq baa Samaroon gumaaday kahor ragi lagu dilay Kalabayrka. Taasina micnaheedu waxay tahay wax isgaarsiin ah ama media ah ee noo soo sheegtay warka ma jiro. Teeda kale Magacyada Beelaha waan iska dhahaynaa moogiye. Ma beel loo naxariistaa jirta beelwalbo tu kalaa tunka kaga fadhiday dagaal ba’ana ku haysay. Ma heeryadi umada Somaliyeed arkeen baa mid lagu eedeyn karaa?. Aniga waxaan xusuustaa in 4 bilood oo isku xigta subixi madfaca laynagu bilaabo maqribki uu naga joogsan jiray. Weligaa Hiildanoow mays tiri waa la wada hoogay ee anaga kaliya ma hagaasin?. Waxaay ilatahay maya. Nin yohow waxaan taganahay iminka wax tegey tiigsimaad malehe sideen haatan wax ku xalinaa. Colaada Somali oo idili way gashay mid loo isxaanayna ma jirto halooba kala daradee. Hadaad moodayso in qof 600 km kuu jira oo isba Janano waalani isku dul qabsadeen oo tiisuba cidlaysay nooma isxaamin waa arin meesheda leh. Tankalena Sow ma ogid in hayaanki Darood uu galay uu mid noqosha shacbigaa wiiqay tahay. Hadana weli Calanka Somaliyeed beey ku caasiyeen lama oran karo. Federal walba eey dhisaan labada calani ways garab taal. Af macaan way wataan maxaan ku ximinaa marka? Maanta raga ku caasiyey Calanka iyo Ciida Somaliyeed waa kuwa isku qufulay meeshaa Waqooyi ee la baxday Somaliland. Aduunkoo dhanina wuu arkaa. Waxaan maqli jiray labo kala bariday kala war’la.

    Iminkadan Somaliya cid nacayb badan tan kale u qabto ma jirto lakin waa uun leeys tijaabinayaa weli midba kan kaluu xusulka u dhiibi. Laakin mirihi nacaybka aan abuuranay guranay oo ogaanay waxay yihiin iyo qararkoodee walaalo iminka gacmaha mays qabsanaa waa haa ama maya. Hadaad maya tiraahdo yeelkadeed. Hadaad haa tirahdana welcome brother.
    Intaa ayaaba umada kala saari karto. Laakin ku seexo in aysan dowlad la yiraa Somaliland aysan weligeed ka amba qaadi doonin gobolkaas waqooyi. Arimo badan awgood. Warkuna wuuba iska cadyahay Sadar muuqdaahi Su’aal ka dhan.

    Salaama,

  13. gudoon
    January 18, 2012 at 10:22 pm #

    awdalstate of somalia waa maamul madax banan oo somaliyed cid taa badli kartaana ma jirto guul ban leeyahay hadii maanta ay siilaanyo kursi ag dhiganayan oo shirka london ka qayb galayan ninkii diidiyo ninkii doonaba awdalstgate way dhaqaaqday cidii aan ilahay tusin wiixii dadkiisa u dan ah waan u ducaynaynaa inu ilahay xaqa kusoo rido.maanta ninka somaliland iyo idoor u doodaya ha u fiirsado hana soo baadho bal waxa idoor u qabtay. dadkeeni gaajo baa buuraha dushooda ku dilaysa marki la doonana la qalayaa, dee dhiiga kuwaa ku jira aniga ma fahmin waa qoladan idoorta u doodaysa ,,waxa la yidhi doofaarka ficilka oo anu u diirin baa dayinkeen u cadaba kuwan samaroona dhiig la,aanba looo cadabi doona ilaahaw idin soo hadeee,god bless awdalstate

  14. HaniMuufo
    January 18, 2012 at 10:36 pm #

    Inantan walaasheen ah baa noo sheegi xaalka Somaliwayn martay Hiildanoow bal nala dhegeyso.

  15. caasha
    January 18, 2012 at 10:45 pm #

    maasha allaaaaaah

  16. hiildan
    January 18, 2012 at 10:46 pm #

    Aad baa looga soo dhaweeyay Boorama iyo Hargeysa aragtida ah Ismaamul Goboleedka Awdal ee Somaliland. Lix bilood gudaheeda ayaa golayaasha qaranka ee Somaliland, Xukumadda iyo Madax dhaqmeedka Awdal ay soo ansaxinayaan qorshahaas. Dawladaas iyada ahna waxa laga dhisi doona Awdal gudaheeda..Insha Allah.

  17. HaniMuufo
    January 19, 2012 at 12:33 am #

    Waad ku mahadsantahay information kaada ee bal noo soo gudbi aqbaarka dhabta ah isagoo maqal iyo muuqaal ah bal aan is barbardhignee. Wafdigi Muqdisho lagu soo dhaweeyey iyo soo dhawayntan aad ka hadashay?.

    Mahadsanid

  18. gudoon
    January 19, 2012 at 1:31 am #

    hanimuufo wax la soo dhaweeyey ma laha reer boorama 80%waa dhalinyaro ka xanaaqaysa waxa somaliland loogu yedho oo shaqo la’aan dishay ,, hada waxan dawanayey war boramanews ku jir oo raiyada dadwayna laga waydiinayey bal siday u arkaan shirka taleex dhalinta halkaa ka hadashay 100%waxay soo dhaweeyen in shirka talex sax ahaa in ay maamul samaystana way ku racsan yihiin bal qiyaas hadii la waydiin lahaa awdalstate iyo waxy ka qabaan marka somaliland sanka laga haystaa reer awdal uuuuuuf bay yiraahdeen dadkan u ololaynaya wa qaar sacabka ugu tumaaya hal nin oo u shaqeeya reerka idoor oo aan tixgalin ku haysan,ina rayaale oo madxwayne ka aha bay odhan jireen anaga u dhiibanay ,Ul ninkad ka qadan karaysaa loo dhiba,iyo ulban kaga soo sarayna madaxtooyada hadu ka soo bixi wayo iwm markaa madaxwayne ku xigeen maxad u malaynaysaa ay maqas u dhiibeen aan shaqo kale loo ogalayn inu jidyar oo dib loo hagaajiey inu furo iwm markaa ninka hal nin oo isaga reerkisa u shaqaysta raba inu danta umada balaadhan ee reer awdal u baabiyo iyo kumankumka caruurta ah ee shaqo la’aantu hayso isagay u taala wana damir la,aan. waanan ka baxay and god bless awdalstate.

  19. cali siciid (Awdal State)
    January 19, 2012 at 5:15 am #

    suaal ayaan idin waydiin dadkiinan Somaliland taageersan ee raba in aad hoos joogtaann.. Maanta Isaaq hadu tashado oo go’aansado inu ku laabto Xamar adiga mowqif kaagu muxuu noqon doona? miyaad diidi doonta? ma lagaa yeeli inaad diidid? balse hadaad diidid ma isku filnaan kartaa sida Isaaqu iskugufilanyahay maanta? mise qasab ayaad ku raaci Isaaq oo xamar baad tagi sida adhiga ayaa lagu rari doona kolba meesha latago?

    Suaasha si fiican uga fikira …

    Guul Awdal State.

  20. hiildan
    January 19, 2012 at 7:55 am #

    Cali Siciid, haku daalin Isaaq, reerkaasi waa dad tashaday hadday Somaliland ahaadaan iyo haddii ay Somaliweyn ku laabtaanba. Adigu isu filaansho gaadh oo ka biloow maanta oo ad dal iyo nabad haysato. Adoo Somaliland ku jira dikadahaaga dhiso, adoo Somaliland ku jira gegi diyaaradeed samayso, adoo Somaliland ku jira hadana iskaa u madax bannaanoow.

    Lana soco Soomaali makala gu’in wayse kala lulataa, Isaaq wuu ka lushaa Soomaaliya oo qaarbaa u jooga xamar kana ah xildhibaano, iwm, adna qaarbaa kuu jooga halkaas. Hargeysa iyo Boorama dad badanbaa inala jooga oo ka yimid koonfur Soomaaliya, waxbarasho iyo shaqo iyo deganaanshaba way u joogaan. Markaa saaxiib haku daalin haddii Soomaaliweyn isu soo noqoto iyo hadday isu soo noqonba weydee, horta maanta halka ad joogto ku adkayso, waxna ka noqo.

  21. warsame
    January 19, 2012 at 1:15 pm #

    war somaliland iyo isaaq wax u dhaama ma laha samaroon yaryarkan awdal stt aager sani waxay ku beerlaxawsada shabaka saami kuma lihin somaliland oo isaaq ayaa qaatay wixiiba balorda oo hadaa xamar kahela wx dhaama .
    haday ugu batan wasiir yar ayay ka helayaan .
    markaa qorshahaa hiild ee awdal stae taageera.

  22. Timacade
    January 19, 2012 at 2:06 pm #

    Waar Hiildan iska ilaawa oo waxuuba idin leeyahay somaliland soo raaca ee bal, Reer Awdal Stateow anigaa rumaysan Somaliweyn e bal i qanciya oo igu qanciya wax aan ahayn:

    1. Guul Awdal State
    2. Awdal State Ha noolaato
    3. isaaq wuu tashaday ee inaguna aan tashano
    4. Xilalka Somaliland ayaa nagu yar

    jawabo afartan erey ee kor ku qoran:

    1. Aniguba waan rabaa guul Awdal State
    2. Aniguba waan rabaa Awdal State inay noolaato
    3. Isaaq waxuu ku tashaday inuu somalia ka go’s waayo siyaasadiisii iyo danihiisa ayuu ka dhex arki waayey somalia, sida ay hadda u dhisantahy. Adiguna, adoon xitaa dhaqdhaaq samaysan ayaad Bilaash ku Deliver garaynaysaa masayrkii ummaddaada. Markii hore Somaliland baad gacmaha kaga rideen, haddana, somalia oo aan waxba oolin ayaad rabtaan inaad gacanta kaga ridaan. barritona waad calaaali doontaan oo waxaad odhan doontaani waxba lanagama siin Somalia.

    4. Somaliland xilalka u sareeya ayey gadabursi ka hayeen iyagaana isgabay, cid ay eersadaani ma jirto.

    Bal intaa wax dhaafsan oo fikrad ah ha la ii sheego, waxanan idiin bal qaadi inaan ku biiro Awdal State haddii aan ku qanco firkraddiina……

    • abdallahi32
      January 20, 2012 at 4:39 am #

      sxb horta qof ku qancin kara majiro bale dadku waxbey ku sheegi karaan.
      Anigu waxan qabaa oo marag madoon ah in sland la iib geyni kari waayey
      in caalamku u rabo mideynta somaliweyn
      in maalin un somali midoobi insha allah…… hadaba maalintasi ma waxad rabta in somaliland ahaan ku tegno xamar mise in 18kii gobol mid weliba dad matalaaya soo dirtaan????
      prof Xuseen( degan Calgary ) waxa u yidhi waxan raba in sland oo isku duuban aado xamar
      Hadaba fikirka ugu weyn ee aan ku tageerey awdalstate waa taan oo anigu waxan raba in dad ii matalaaya joogan meesha wax lagu kala qeybsnaayo

      Fikirka 2aad waxa weeyi maalinti lagu dhawaaqey awdalstate runti waxtar mooyee waxba uma dhibin dadka iyo siyaasinta samarone ee hargesa joogta. maanta si tix galin mudane aya loo dhegeysta, waxana huba in silaanyo wax badan bedeli doono oo u beelaha darifka uu saami qeybsi u cuntaba la iman doono. U firso malinti dhulbahante shirey ee ku dhawaaqey maamul gooniya issaq waxa u yidhi wixi ay tabanayaan ha sheegtan ooo wada hadal aya lagu dhameyni. markasi waa inad meeha gilgilsha si aad cadkaaga u goosatid.
      waa fursad dahabiya in siyaasinta iyo salaadinta awdal ka faayideystan si saami u qalma gobolka loo helo.
      Madexweyn iyo ku xigeen kama hadlaayo ee system ka dhan ee sland aya u bahan in dib loo eego( gurtida, madaxda hay’adaha, agaasimayaha, safiirada….)

  23. HaniMuufo
    January 19, 2012 at 3:59 pm #

    Mahadsanid Gudooneey Salaan sare dhamaan Haatan baan shaqo ka soo laabtay. Waxaan aad u qoslay kolkaan aqriye fikrada Mudane Cali Siciid. Runtuu ka dhawaajiyey runtana waan jeclahay jawaabtana walaalkeen Hiildan baan ka sugeynaa. Bal ka waran hadii Jabhada SNM u hayaanto dhankaa iyo Somaliwayn maxaad samayn lahayd Hiildanoow?. Cali Siciidoow ari lama rartee Awrkaa la rartaa arigu wuuba la kufi wuxii lagu raro oo tabarba ma hayo uu rar ku qaado. Intaasina waa iga kaftan.

    Waxaan maqli jiray:
    Hobeey Afrikay hurudooy
    Cadaw ku heeryee hurudooy
    Hayiin sidiisii hurodooy
    Hamaan la saree hurudooy

    Doqon baa halawsanee
    Waliigeed habawsane
    Sidii xoolihii baa
    Xero naloogu oodaa.

    War Afrikaan yahayi sideen wax yeelaa baan taganahay haatan!.

  24. adan
    January 19, 2012 at 10:26 pm #

    shinbirayahaw heesa
    hees wanaagsan qaada
    kaalay hortayda

    waa hees aad u wanag san xikmad ayaany ku fadhidaa

  25. Marunbaa
    January 19, 2012 at 11:15 pm #

    Ruug cadaagii soo rogaal celi

  26. hiildan
    January 19, 2012 at 11:22 pm #

    Ruug caddaagii MA RUNBAA..kkkkkkkkkkkkkkk Welcome back.

    Horta reer Awdal Sate of Somalia bal ha u jawaabaan TIMACADE. Jawaabta ad timacade siisaan ayaan idinku qiimayn doonaa.

    • cali siciid (Awdal State)
      January 20, 2012 at 4:33 am #

      Timacade anagaa u jawaabi ee intaanad jawaab aad nagu qiimayaso naga sugin adigu maxaad isku waydaarisay suaashii aan ku weydiiyay ? ma jawaab ayaanad u helin ?

  27. Isaq Boy
    January 19, 2012 at 11:38 pm #

    Dadka halkan wax ku qora waxa si xikmadaysan oo caqli-gal ah oo qoto dheer oo waadix ah oo la fahmi karo oo cilmiyaysan oo caadifad caantayn ah iyo qiiro Japan ka madhan u hadla ninka la yidhaa Timacade.
    Inta kale waxoogu waa “way dhaqaaqday” “way tagtay” “way siibatay” iyo manaa manaa. hadaad toban sano ka maqnaato ood ku soo noqoto wali afartii kalmadood uun bay ku soo celcelinayaan sidii rikoodh xumaaday lol. markaasaad ka caajisaysaa inaad la doodo. hadaad su’aal waydiisana jawaabta u diyaarka ahi waa cay kaliya uun.

    HaniMuufo.
    sida aad ula talinaysid reer Awdal waxa lagu moodaa gabadh halkay ka soo jeedo ay ka hir gashay nabad, horumar, is maqal, isu tanaasul, xadaarad, shaqo abuuris, tacliin sare iyo mid hose oo hana qaaday iyo dawlad dhisani loool
    Talooyinkaad Hiildan.com uga gudbiso reer Awdal waxa kaaga baahan Hawiye iyo Xamar.
    mise waxaagu waa dadkan reer Soomaaliland ee Borama iyo Hargaysa nimcada, nabada, barwaaqada iyo horumarka kaga soo toosa aroor walba burburi oo hakula mid noqdeen???? lool

  28. Isaq Boy
    January 19, 2012 at 11:47 pm #

    Hiildan shuftadii Taleex ee magaca ugu funny-san soomaalida la baxay ee Khaatumo. waxay ku dhawaaqeen dawlad ka kooban saddex madaxayne iyo lix wasiir ee ma maqashay… kkkkkkkkkkk raga meesha ku shirayay ma gaastay cabaan? kkkkkkkkkkk waa maxay saddex madaxwayne loool
    Waa la yaabay..
    Caadi maaha..

  29. Darbi Samaroon
    January 20, 2012 at 9:03 am #

    Isaq Boy

    Jinka kugu jira ee Somali diidka ah quraan kaa saari maayo dabiib iyo daawo loo waa kaliya waxaa fahmay tolkaa Awdal State iyo Khaatumo State sidii lagaaga saari lahaa waan helay anagoo in badan u qayilaynay Jinkaasi Somalidiid ka ah ee galay walaalahay Isaaq kaasi oo ku jiray ilaa mudo 21 sano ah loona taag waayay ayadoo culimo faro badan ku akhriyeen quraan,dabiibka noocyadiisa kala duwan ba waa lagu eegay alxamdullilaah waan ku guulaysanay sanadkii ina dhaafay waxaanay noqotay kaliya in uu jinkaasi kaga baxaayo oo faryaro bidix kaga baxaayo wallaalahay Isaaq dhamaantood markay calanka buluuga ah qaataan uu jinkii Somalidiid ahaana faryaro bidix ka baxaayo ayaan helnay.

    HaaniMuufo dhalad Somali ah ayaad tahay in shaa allah shahaado sharaf ayaad leedahay waxaanan ku gudoonsiin doonaa markaan xoreyno Awdal State oo magaalo madaxda Awdal State ee Baki ayaan kugu gudoonsiin doonaa dhawaan sanadkan gudahiisa emailkayga ka qaado HiilDaYare ma doonaayo in aan halkan ku qoro sababo aan garanaayo aawadood ee ilasoo xidhiidh si aan kuugu diyaariyo Shahaado sharafka lagu gudoonsiin doono waanad mahadsantahay goobaabada Somalinimo ee aad hadh iyo habeen nala duljoogto waxaanan kaa raali galinayaa cayda iyo aflagaadada kaaga timaada Samaroon aan hubaysnayn ee la dhiig baxa Isaaqa.

    HiildanYare

    Akhriso sxb saaka warbaahinta Zeiylici waxaa faro kulu ku haya Xirsi Tooriile iyo Maxamed Bajaaj Iyo Maxamuud Xaashi Osama oo qol ku dhex xidhay ayagoo u diiday inuu far dhaqaajiyo una ogolaan waayay talada dalka in uu wax ka yidhaa siiba dagaalada bariga ka socda iyo Awdal State saaka adeerkaa Zeiylici wuu cadhaysan yahay waxaanu doonayaa in uu Awdal State kusoo biiro waanu is casilayaa dhawaane Axmed Siillaanyona waxaa lagu qasbay in uu shirka ingriiska ka dhacaaya 23ka bishan uu soo hor fadhiisto Awdal State iyo Khaatumo State si jinka looga saaro.

  30. Darbi Samaroon
    January 20, 2012 at 9:07 am #

    Is casilaada Zeiylici iyo horumarka Awdal State,Khaatumo State halkan ka akhrista arintaasi oo faah faahsan.

    http://waagacusub.com/news/20.01.12.1xog.htm

    Canfareey figigix weeyaan xaalkuye soo raaca tolkiin inta aan tareenku idinka tagin

  31. caraabiye warsame
    January 20, 2012 at 9:11 am #

    waxaan la yaabanay kuwaan aan garadaysan. waxaan xasuustaa markii AHUN, cawale bustaale fahmay waxii dhacayey eee uu ragii samaroonee ciidamada ka soo goosan jirey uu nin waliba halkuu reerkoodu joogay ciidanka ku dhawaa ku qarameeyey. waxaa bilaabmay dagaaaladii sokeeye. SNM hargeysa iyo burco ayey soo galeen .nin ka midahaa sarakiishii daaroon ayaa waxuu iiga waramaey waxii dhacay
    1- morgan waxuu la shiray ragii qaybta joogay waxuu ku yidhi ma arki karo nin daarood ah oo dagaalkan ku dhinta waa inad 34 TM u dirtaan awdal oo aad xooga direed ee kaydka ah soo qaadaan waayo bari ayey heshiin karan waana cadowgeena dhamaantood ee isaaq iyo gadabuursi horta haysu dhamaadaan sidaas ayaana lagu dabar jaray cududii samaroon ninkii joogay hargeysa iyo burco ayuunbaa og markii gaaskoowaad hargaysa xoreeyaan subaxii galabtiina soo laabta ayaa lagu odhan jirey si waxii hadhaa bari u dhinto .dee daaroodka aad isaaq ka raacaysaa waa kuwaa maalintii ay jabeena xataa waar hubka nasiiya ayaa loogu taag waayey galabtiina warqaha ayey kala dhaceen oo ethiopia ayey u geeyeen markaa waayo arka ama aynu is dilo ama aynu is dayno iyga ayuunban is huranahay waanay inoo baahan yihiin oo markuu rayaale ka tagay waad arkaysaane aynu badbaadino waxoogaa way fudud yihiine

  32. caraabiye warsame
    January 20, 2012 at 9:23 am #

    ninkan waaga cusub qora waxaan maqlay yarka ina camash ee guuleed dayax ayaa ay gacal yihiine maxa ka jira wayo waan garan waayey meeshii gadabuursi kasoo galo
    waxaan la yaabanahay tiisaba daryeelaa ta kale ku dara waar tolkeen hawiye irir ayaaba dhibaataysane bal caqliga fiican iyaga ugu gurmoo xaga yagu waa nabade isdaji labadan maraan ee protokolkii madaxi lahaydba aan garanaynee markay xamar kadageen calamada gacmaha ku sida fadlan tikidhada ka soo bixiya oo canada ku soo celiya gadabursi maalintuu xamar ku noqonayaa sidaas way ka karaama waynaandoontaaye ilaahayow hawiye waynana bogooda burcad isu mari somaliland quwee oo awooda gadabursigii caqliga badnaa xkunka ugu dhiib

    • shukri maxamed warsame
      January 23, 2012 at 4:36 pm #

      ADIGU CARAABIYE WARSAMOOW!!!!LUUGTA KU GADHSISEY ”NIINKA SHARAFTA IYO KARAMADA LEEY”EE QORA WAAGA CUSUUB MAXAY TAHAY……FANAANKA WEYNEE EE REER AWDALSTATE EE GULED DAYAX NA MAXAY TAHAY??RAAGASI !!!100 RAAGA AYE UU DHIGMAAN EE AFGAGA HALKA UGA LEXII NIINYAHOWW……….

  33. Ali-Durgiye
    January 20, 2012 at 9:35 am #

    salaan ka bacdi,
    meeshaan waxaa igu dambaysay markii la yidhi,han ooyine ilbabka noo xidha hada waxaad mooda in aad baroor dhamaysateen reer booramoow!!

    Jimce wanaagsan

  34. hiildan
    January 20, 2012 at 12:15 pm #

    @ Carraabiye Warsame nin wargaleen ah dheh, soo dhawoow.

    @ CALI DURKIYE waar saaxiib halkeed ka dhacday, ma waxad tahay ninka furtay shabakada Xariiradnews, soo dhawoow, anagu ma ooyaynee waanu isa sii yar kululaynaynaaye, aduu dagaalka halkeed kaga jirtaa?

  35. mohamed ismil
    January 20, 2012 at 12:37 pm #

    sc abtiyaal samaroon iyo isaaq meelna kala tagi mayaan kalana guuri maayaan
    waligood waa ay isla joogayan maanta isaaq xamar tagaya oo ku tashanaya ayaan jirin
    maanta yaan laga faa idaysan somaliland adaa leh waxad ku haysaana xamar laga heli maayo isaaq ka heli maayo samaroon ka heli maayo ee danteena waa somaliland wxii tabasho ah wada hadal baa lagu dhamayn oo waa la is turxan bixin lkn darood isaga oo dawlad ah buu isaq wax ka qaadi waayay maanta oo 20 sano jirnay oo aan ciidan iyo hub iyo dhaqaale haysano inuu wax naga qaadi maad filaysaan ha shaqeeyo aqligu waxad tihiin dad aqoon leh oo lagu faano oo ugaas iyo boqortooyadii adal lahaa aad baan idiin jecelnahya abtiyaal noo taliya nala tashada hadan wax xumayna na saxa aad baan idiin salaamya rer borama viva somalilnd mida kale xasuusta nin isaaq adaa wax bara oo uu wax kugu yahya
    adna isagad wax ku tahay.

  36. Darbi Samaroon
    January 20, 2012 at 12:56 pm #

    Ali Durgiye
    Salaan iyo Jumca Wanaagsan

    Soo dhawoow sxb markale doodaadii fiicnayd waa loo xiisay oo in badan ayaa raga iyo akhyaartuba iskaa weydiiyeen,Sxbkaa Isaq Boy ayaa cisha dhawayd oo dhagaha la qarxiyay ku tabay oo kugu qaldayay isna lahaa magac kale ayuu kusoo galaa.

    Wiil Ciisoow oohin wax la yidhaa majirto waad ogtahay waagii 1989-kii Ciise,SNM,Dawlada Djibouti,Taliskii Siyaad Bare iyo Taliskii Dhargiga ee Manguistu Xayle Mariam ay na go’doomiyeenba maanaan ooyi jirin oo rag calool adayg u dhashay in aan nahay taasi ayaad ku garan,taasi oo xaaladu jiq nagu ahayd markaa idinkuna waatii aad noo bixiseen Reer Allaale,Hada oo aan aftigreega ku hadlo cidkastana aan uga faro dhuudhuubanahay dawlada Malez sideen u ooyi ayadoo waliba aan haysto taageerayaal badan oo Somaliyeed aniga wata calankii buluuga ahaa oohina iga dheer maanta,Ciidanka Samaroonka kaga jira Liyuu Poliska Dawlada Federalka Ethiopia ayaa had cad dhex mariyay Laascaanood iyo Buuhoodle oo geeyay Cali Khaliif Galaydh oo maanta meelkasta Samaroon baa ugu sandheer sidaana u ogoow sxb rag waligood ooya manihin mana ooyidoono.

    Imika waxaa kaa dambeeyay kolay fule xantiisa ma mooga waa Awdal State of Somalia oo daruuraha gaadhay,Waa Samaroonkii oo iska dul qaaday heeryadii SNM iyo tii nacabkooda oo dhan, kolay Reer Awdal baad tahay Cali Durgiye waxaanan kuu rajaynayaa inaad ka mid noqoto xubnaha ugu firfircoon ee Awdal State ilayn maanta wax banii Axmed la yidhaa ma jirto oo Ciise ruwaayadaasi ay SNM idiin dhigtay waad soo daawateene bal kusoo dhawoow Awdal State of Somalia iyo is badal doonka Samaroon waabaa baryay bilicsan arooryo baxsan maalin bokhran.

    Waa Sxbkaa Ex McSharif oo isma dhaafno.

  37. Isaq Boy
    January 20, 2012 at 1:51 pm #

    looooool Darbi. Barkimada sii dheerayso sxb. oo riyo wacan.. Melez Zenawi iyo Itoobiyaan awood ku leeyahay kuye. sowtii shalay uun ay odayadiinu ooyayeen ay lahaayeen Ethiopia waxba kama nihin. lol halka uu yarka Ugaaska Ciise isagoo Daartiisa Diridhaba dhexdeeda si fiican u jiqlaystay uu farta ugu yeedhayay Melez Zenawi.

    Ali Durgiye. nin culus. salaan sare sxb. aadna u soo dhawoow. qudhaydu in ay makhsinka hoosta ka soo xidheen baan u haystee lol
    Maamulkan manaamka lagu dhisay ee Makaahiil. Ali Durgiyoow wax mansab ah ma ka siiyeen Ciise Wayne toloow? lol

  38. Timacade
    January 20, 2012 at 2:05 pm #

    Abdillahi32……Waan jeclaystay doodaada. Seddex shay oo aad u muhiim ah ayaad kaga dhawaajisay. Waliba ka ugu muhiimsani waxa weeyi inay lama huraan tahay inay somalia midoobayso. Cida aanay taasi u muuqanina waa qof runta iska dhega tiraaya. Qodoka labaa ee muhiimka ah ee aad kaga dhawaajisay waa issue ga, representationka. Qodobka seddexaadna waa sida ay Awdal State already pressureka u saartay isaaq iyo dawlada Somaliland.

    Waxan isku dayi doona inaan inan kugu darsado sida aan anigu fikrad ahaan u arko seddexda qodob. La soco……..

  39. Isaq Boy
    January 20, 2012 at 2:09 pm #

    Reer-Nuur.. Mcshariifoow Jibriil Yoonisku buudhi madhan bay ka kireeyeen oo la yidhaa Awdal State ee iskaga soo dag yaanad cidla ku gu’ine loool

    Sadexdii ninee reer Taleex ee qurbaha ka tagay ee shirka beesha Dhulbahante ee nabada ahaa af duubay ee adigana nabada kaa kala tuuri gaadhay ee dabada kuu lulay ee ku yidhi Hargaysa ku kac.. markay waxba isku aamini waayeen saddexdoodiba madaxwaynay isku magacaabeen mar qudha loooool hore caalamka loogama arag ilaa barigii nabi Adam ilaa maanta lol

    Garabkoodii hubaysnaana way ku gacan saydheen oo Xagla-toosiye Somaliland baan ahay buu yidhi lol.

  40. Wiil_Hargeysa
    January 20, 2012 at 3:17 pm #

    Hiildan, sxb mahadsanid sida aad fikirkaaga u cabirtay, arinkan Awdal State of Somaliland waa arin aan in dhawadba niyada ku hayay, shakhisiyan anigoo u hadlaya iyo anigoo ku hadlaya afka reer Hargeysa waanu soo dhawaynaynaa arrinkan. Waa win win situation reer awdalna Finally waxay ka raysanayaan cuqdadan ah wax walba hargeisa ayaa laydinka yeedhiyaa oo maamulkooda hoose sida doorashada madaxweynaha Awdal State, cashuur ururinta, soo saarka khayraadka ku duugan Awdal iyo dhisida dakada Lughayaba iyo maamulkeeda ayay yeelanayaan Reer Awdal State of Somaliland. Reer hargeisa iyo burco iyo ceerigaabo iyo inta aad u taqaanaan beesha Dhexena, kkkkk, deegaankooda iyo horumarintiisa ayay ku ekaanayaan, dhaka faarkan faraha badanna sida qancinta reer awdal reer Sool IWM uu ka yaraanayaa. Dawlada dhexe ee Federal ka ahna si siman oo cadaalad ah baa awoodeenda loo qaybsanayaa. VIVA somaliland viva awdal state of somaliland, Midho gunti ku jira kuwo geed saaran looma daadiyo.

  41. kuluc
    January 20, 2012 at 4:08 pm #

    wax walba wadaniyada ayaa aad uga muhiimsan qadiyad xumadu iyo caadifadu ma fiicna,

    waa in aynu arimo dhaqaale meesha kaga hadalnaa ee wasiir hala magacaabo anigu waxan u arkaa jaahilnimo, siilaanyo waxba kuma aha inuu 30 wasiir oo gadbuursiya magacaabo ee haduuba magacaabo adigaaga shacabka ahi maxaad helyaa aan ahayn in lacagtii ilmahaaga schoolka lagaga bixin lahaa uu mid aad ilmaadeer tihiin wada qaato oo wasiir ku sheegi adna uu kugu guuro isna ilmiisa nolol fiican u sameeyo maxaad faa,iiday.

    bal isbarbar dhig dawladii riyaale iyo ta siilaanyo teebaa awdal intii itaalkeeda ah wax u qabatay dabcan hadii aynu indhaha kala furno siilaanyo oo togdheer ka yimi reerawdlna aanay badidoodu dooran ayaa hadana reer awdal u dhaama riyaalehii 8 sano hastay dalka.

    ninii gadabuursi ah ee wax dhisaya ama maalgashanayaa maantaba way u banaantahay haduu borama dubai ka dhigayo ma isaaqbaa u diiday ? waa maya ninkii gadabiirsi ee madaxtinimo rabaa maantaba way u banaantahay isagoo shacabka codkiisa waydiinaya gobolkastana luguhiisa ku tegi kara isagoon mahiga iyo banki moon toona daba fadhiisanayn ama mushaharkkisa EUdu bixinayn xilkana aan cid aan shacnkiisa ahayn ka qaadi karin.

    isaaq beel maaha ee waa beelo aan waxba isugu jirin oo dalku uun ka dhexeeyo laakiin dalkay jecelyihiin wayna maalgashadeen una dhinteen aamisanyihiin ee adiga maxaa sidaa kuu diiday gadabuursi economicaly iyo politicalyba waa xor maanta heerka uu maanta taaganyahyna weligii ma gaadhin taariikhda qoran.

    maanta dhaqaalaha gobolda isaaqa kasoo baxa ayaa borama lagu kabaa halka somlia aany dhici doonin gobol wixiisa gobol kale loo qadaayaa oo ay tahay sysytem federal ah. maantana inagoo keena u xora oo wax lasoo bixi karna ayeynu hadana dawlada dhexe miisaaniyad ka helnaa halka aanay cashhurka borama meelna aany magaalada uga bixin. borama cashuur ma bixiso oo ceeri gaabo ma bixiso oo burco ma bixiso laascaanood hadalkeedba daa hargeisa iyo berbera ayaa dhamaanteen laynaga masruufaa cashhurta bixiya dadyaw wax ha laydiin qabtee ama dawlada gujada ka daaya illeen waxba umaydaan dhiibane.

  42. Wiil_Hargeysa
    January 20, 2012 at 4:28 pm #

    maxaa ku jira madaxxa ninka Gadabuursi??????
    waa su’aal d’a weyn, jawaabteeda waan u soo noqon doonaa laakiin marka hore waxaan doonaayaa in aan mid u qiro nimankaaa gadabuursi een tolka nahay, taasi waxa weeyi in Isaaq khaladaad dhowr ah galay oo ay kow ka tahay in aanu ku guul daraysanahay in aanu qancino gadabuursi oo aanu dib u xidhno oo aanu adkayno dabarka_daneed iyo ka strategy yeed ee dabiiciga ah ee u dhexeeya Isaaq iyo Gadabuursi. Dabarkaas waxa si xirfadaysan u jaray maamulkii Siyaad Bare ee ujeedajiisu ahayd Daarood supremecy over somali nation. Maalintii 1991 guurtida isaaq ku tashatay inaan wax aargoosi lagula kicin Gadabuursi ( inkasta oo aan qirayo in Dilla ay ka dhacday fal aan haboonayni) hadana go’aankaas isaaq qaatay maalintaas waxa uu ahaa mid strategy yeed oo ujeedadiisu ahayn in la gunto dabarkii walaaleed iyo kii is_aamin ee u dhexeeyay isaaq iyo gadabuursi. Maalintii aniga oo teenager ah aan 2003 isku guubabinaynay hargeisa in loo codeeyo Daahir Rayaale ujeedadayada ugu muhiimsani waxay ahayd in la reverse gareeyo wixii ay samaysay dawladii daarood ee siyaad bare. intaasi waa wixii tagay, bal aanu milicsano mustaqbalka iyo waxa dan u noqon karra labada beelood ee isaaq iyo samaroon !!!!! Isaaq muu ka faa’di doonaa cadaawad gadabuusi? jawaabta gaabani waa maya, sababo muuhiim ah oo aanan qoraalkan ku soo koobi karin awgeed. isaaq waa ogyahay taas laakiin waxa aanu ku guul daraysanay, nin rag ahi waa qiraa ceebtiisee, in aanu abuurno incentive dhab ah oo waari kara abid oo mideeya danaha isaaq iyo gadabuursi hadii somaliland ay noqoto iyo hadii somalieyn la tagaba.
    sidaa loo abuuri karaa dantaa dabarka dib u xidhaysa? maxaa gadabuursi dan u ah? maxaa isaaq dan u ah? maxaa ku jira madaxa ninka gadabuursi? dhamaan su’aalahaas waa qoraalo danbe ayaan kaga jawaabi doonaa.

  43. Wayrax
    January 20, 2012 at 6:47 pm #

    You are all wrong how you try to explain each others. First Somali-land is not a country and will never recognized so you can’t build a regional entities. Second the regional state it’s independent entities which the peoples of that specific state will elected and it will be accountable to those peoples not to central government. if you have a basic understanding on Canadian constitution it will be similar to that.
    I believe Awdal State will bring a lot of new opportunity the his peoples in therm of economies, health, education and prosperity. I don’t believe peoples who talk about Darood, Hawiye, etc… will dominate the Dir peoples it’s to create a confusion not a clear answer if you need more information please read Cumar Cusman Rabee book you will have better understanding of the Somali or somaliland.

  44. Haboon
    January 20, 2012 at 7:03 pm #

    jimco wanaagsan dhamaantiin
    marunbaa, ali durgiye iyo isaqboy welcom back
    isaqboy miyaad qaylo dirsatay waakan ali durgiye soo noqdee

  45. Ali-Durgiye
    January 20, 2012 at 7:51 pm #

    @Hiildan saxiib waad mahadsan tahay hortaa ma ogi cidda iska leh webka xarirradnews runtii adigaa hortaana mabaa arkin webkan waxaanse ogahay in ay magaalada ka socoto hawl lagu dhisaayo dhakhatar labo dabaq ah oo imika agabkii iyo dhaqaalihibaa ay diyaar yihiin wixii la sugaana ay tahay uun goortu si rasmi ah ah u bilaami lahaa.

    intaa ka dib hilldanoow hortaa garan maayo siday wax u jiraan iyo sababtaa aan mar walba iskaaga soo hor jeednoo aanu maanta waxaan ahay dadka sidaa xoogale u taageeraa maamulka awdalstate waayo dee haddi beel walba oo soomaaliyeed dawladnimo u gaar ah u xayraantaay maxaa beesha gedabuursi looga eexan? waxaan leenahay viva somaliland,viva awdalstate, viva Hawiyestate, intaay soomali suuxdinta ka soo toosi waa in lagu beel walba loo daaya cidla jiboodka.

    Durgiyana maxaa lagu diidi Distrika 6 aad ee dalka Djibouti in u badhasaabka ka noqdo sow gardaro iyo dulmi gaamuray noqon mayso?

    Akhyaartaa kale sidaa saxiibkay wiil idoor, iyo darbi samaroon,marunbaa iyo dhamaan bahda golahaan ku kaftanta waan wada salaamayaa.

  46. Mustafe
    January 20, 2012 at 8:19 pm #

    Marxuum Cawaale Xaniid baa laga hayaa ma kiishka afkiisu yaalo meel aan garan dabadisuna taalo meel aan garan baa buuxsama. Ninkan Kuluc ee leh cidbaa cid masruufta aduunyaba ma oga. Sxb dhaqaale iyo dhismuhu wuxu yimaadaa marka dadku siyaasada xorka yihiin. Tusaale waxa kuugu filan in 1990s dekedaha Awdal la isticmaali jirey. Markaad umadii dhulkoodii dhuunta ku qabateen eed tiraahdeen Itoobiya Wajaale meel aah aheyn laga galimaayo, badana meel aan Berbera aheyn, garoonkii diyaaradahana aad tiraahdeen Hargisaa leh anigu dadkan aad biilisaan malaha daruuraha kuwo kunool weeyaan.
    Sawta lawad ogyahey in Sumarka Soomaaliyeed ee Boorama dariiqyada khudrada ku iimsha cashuurta laga qaado Hargisa siyaadiyiintiinu ku qayila. Intaas kuma joogsane hadana Sawtan aad badii Saylac-Lughaya maraakiib aan waxdhaafey oo xaalufiya aad tiraahdeen rugsadaan siiney halka dadkii kaluumeysan jirey qoxooti Djibuuti ugaleen. Kaaga darane wastan aad habeen iyo dharaar xadkii ingriiskaan sugeynaa aad masaakiin ta Sool ee Xoolohooda la jooga ku xasuuqdeen. Horta Isaaq oo dham eeda mawadalaha laakiin Kuwan SNM taabacsan iyo siyaasiyiintaa habeen gudaaya.

    Nimankan Samaroona dhinacoodu wuxu noqdey ijeed-aanku jiidee mar hadii aan wali lahalin siman qoriga qaata oo dhifaaca dhulkooda Itoobiya ka imayaa, Djibuuti iyo Awdalstate. Dadkani Samaroon Runtii aqoonbaa iigu laabeyn oo ma muudeyn iney sidan udamiir kun yihiin waayo dadkoodii oo Dariiq, Hurdo iyo Hargasi lagu gumaadey mey lasoo taagan yihiin nidaamku hasoo qabto iyagoo Borama Caanaha Lo’da ku dhamaaya. Kor iyo hoos waxloogu sheegoo wali lama hayo dad bilaa iney sameystaan Jabhad hadey tahey Awdalstate, Kilinka Shanaad iy Djibuuti intaba. Kaaga darane shibanayaasha Samaroon dhibtooda weyla wadaagaanoo kuwa Harowo dega iyo Djibuuti baa ku xigi doona inta ay dhinacyada naga daawanayaa. Waxey aheyd iney Kilinka shanaad iyo Djabuutiba kadoo duulaan ooy katiinadahan dadkoodii snm ku xidhey ka siibaan. Hadii ay isku xidhaan Djibuuti, Saylac, Lughaya, Boorama ilaa Jig-jiga xitaa Soomaalida kalaa usoo shaqatagi laheyn halka dadkan cunsuriyeysan ee markey dhulkooda dhaceen ley hadan caruurbaan Boorama siidanaa.

  47. Ali-Durgiye
    January 20, 2012 at 8:23 pm #

    @Issaq-Boy noow,iyo jaw aado adigaa lexjeclo gaar ah ayaan ku hayaa waxaa la yidhi haddii dawladi Siyad Barre(aun) ay beesha reer Hargeysa u dayn lahayd tashdi(baafo)jaad ah iyo kaban iyo cuud lagagaa dananiyo waxaay beerta xoorriyada ee Hargeysa uga dhisi lahaayeen taalo la mid ah kuwii lagu xusi jiray ina Abdulle Hassan iyo Ahmed Gurey(aun) laakiin waxay noqotay arrin laga ilduufay rafaadka maanta haystaa soomaalina wuxuu cidhibta ku hayaa ilduufka iyo is qaadqaadkii ina Siyad Barre ee 21 aad jirsaday.

    21 sanoo kale ka dib reer Hargeysa waxay u eegyihiin kuwaa raadka saaray jidkii odxahaa badnaa ee somalia halaagay waxayna ka ilduufeen in ay reer Boorama ku seexiyaan waxaa tihiin hooyaddi nabada,hoygii aqoontaa,aabihii samirka,iyo bla bla bla bla waxayna ku talaabsadeen wax Indiana xayaawanka ahna ka xishoodaan oo ah in qof nool sidii aan ka wada dheregsanahay u dilaan taasnay waxay soo dedejisay in ay reer Boorama sida dameer dibadeedka u fingilaabaan oo waad aragtaa dirba waxaa Idoor af dulaaxan ee haraatidu haleeshay hana nigu taagnaato walee Bnu axmad dambaan kaa yeelayn.

    Reer Booramana waxaan odhan lahaa waxaa la yidhi;ninku haddu iska seexdoo marku 20 jir yahay oo shaqo iyo wax barasho intaaba diido wuxuu daaladhaca marku 60 jir gaadho,

    laakiin haddu intuu 20 jir yahay shaqaysto ama wax barto wuxuu nastaa marku 60 jir gaadho oo hawl gabeen noqdaa ,

    taas waxaan uga soctaa 21 sano ka hor buu ciise iska gartay sal fudadka reer Hargeysa maantana welwel iyo walbahaar nama hayoo gedabuursina maanta waa 60 jiro jilib ku bidaare ah ceelna uma qodna cidna uma maqna ciisana ni tawaabi maayo ee ha nigu taagnaato.

  48. bookh
    January 20, 2012 at 8:42 pm #

    waar reer awdaloow ha ka xumaanina maanta waa maalintii sayliciye marku dahir joogayba laydima arki jirin ma ku xumeeya ayaad is leedihiin walee idinka hoostay saylici tolkiina sidaad kiina ugu farsanaydeen ayay ugu farsan yihiine ha ka qasina oo ha ka xumanina libinta walalkiin saylici

  49. HaniMuufo
    January 20, 2012 at 10:16 pm #

    Salaan sare dhamaan,

    Derbi Samaroon walaal jira mahadsanid ruux waxgarad ah ima caayo. Alaaba dadka aan fahmin arinka meeshu u socdo baa caayo ruux kale. Gobanimada iyo horumarka Somaliyeed waxwalbo waan ugu dulqaadan in aan Somaali isu soo dhaweeyo oo aan tuso in aay dhaanto sida aay u kala daadsantahay waa muhiimad wayn. Caloolyoowga ayaa naga bi’i lahaa aan marwalbo ku jirno. Qiimaheena dunidan wuu ku dhacay aanagoo dal barwaaqo ah leh baan dunida dacaladeeda dawarsana. Taas sidi looga bixi lahaay waa in dhalinta waxgaradka ah aay dodaan oo aay fikradahooda is waydaarsadaan. Taas ayaan bilaabay fikrad is waydaarsi, badanaa dad wanaagsan baan la kulma websidkan oo niyad sanleh. Inta kalena waan waaninaynaa. Tartiib iyo naxariis hadii dadka wax loogu sheego iyagaa arinta meeshey u socota fahmayo.

    Tusaale:
    Isaaq boy magacayga markuu arkay waxan qoray iyo wanagaan ula jeedo uma fiirsan aflagaado iyo Xamar iyo afaare aan loo dirsan buu galay. Haduu yahay ruux tacliin leh ama wax garad ah oo ay maskaxdiisu ku filantahay qoraalkayga in aan wanaagiisa uga shaqaynayoo ka dhadhansan lahaa. Laakin waa ruux kala dhantaalan sababtaas ayuu wax aan loo joogin uga hadlay.
    Aniga markaan fikrad ruux ka jawaabayo dhowr jeer ayaan aqriyaa, si aan u dareemo micnaha ruuxani u la jeedo iyo hadaan ka jawaabo waxa ixiri karo oo aan ku ceeboobi karo inkastoon lay jeedin layna garanayn hadana. Ma awoodo in aan iska matalaaloco. Xitaa ruuxa aan u jawaabayo qoralkiisa ama hadalkiisa waxaan ka doortaa qodobada aan u arko in ay muhiimad leeyihiin oo aan waxkasoo saari karo ama qiil u heli karo ka hadalkooda.

    Mahadsanid Derbi Samaroon

  50. laasgeel
    January 20, 2012 at 10:17 pm #

    BUUHOODLE IYO LAASCAANOOD OO SADDEX MADAXWEYNE YEESHAY. IYO XAGLA TOOSIYOO DIIDAY. QAAR PUNTLAND TEGEY. MA LAGA YAABAA IN REER AWDALNA SADDEX MADAXWEYNE YEESHAAN? BINA AADAMU FIKIRKA WELIGII WUU KU KALA DUWANAAN DOONAA ILAA QIYAAMAHA EE AWDAL MID AH OO SOMALILAND AH BAA DHAANTA AWDAL SADDEX NOQOTA OO XAMARA.

  51. dagan
    January 21, 2012 at 7:38 am #

    website kan waan nacay walaahi waxa ka xun AWDAL state ha dhacaaaan looma bahana daba dhilifka idoor http://youtu.be/HjhRexl3N-k

  52. Saylac
    January 21, 2012 at 3:21 pm #

    Hadal cad kuuma gooyo,Issaaq waxba kama haysto Samaroon,arrintuna waxa weeyi,Ammaano kugu raagtay in Aad leedahaad mooddaa”markii Issaaq isku jeeday
    waa tii la diiday in laysku daawado,markii Dawladda loo dhisayayna waxay ahayd in
    runta la sheego,maxaa yeelay iyagaa baahnaa waqtigaas Oo tooda u yaabnaa,lkn hadday fursaddaasi luntay Eeggay tagan tehee Saylici ha la raaco Oo runta ha la hor-dhigo ama gees ha looga jermaado,Ninkii wax tabanayoow nin baa Alle kaa dhigaye waxaagii doono
    Tan la leeyahay jid baa rag lagu qashay,way jirtay,lkn maxaa sababay qaddar Alle ka sokooew?20 sanno kuwii moodayay in Issaaq wax lagu yahay Ee odhan jiray annagaa ka laan-dheeraysan tolkayaga kale e na doorta ayaa la bartay dabeecadohooga maadaama dhegtoodii hore loo dhandhamiyay,ninkii lahaa tolkay aniga mooyee inta kale waa gun ayuu nabsigu hayaa Awdalstatena iyagaa wata iyo Ugaaskii dhicisoobay,sidaas waxay u yeelayen Masayr uun bay ka ahayd Ee qaddiyad beeleed meesha ma taallo iyagaana daali Uun,ta Reer Maxamuud Nuurna waa inay caawaba duulaan Oo Uyna Wax Aan ahayn Reer Xareed dhegta dhiigga u darin ,maadaama iyaga dagaal ka dhexeeyo!Soomaalilaan-na ninkii dhistaa le waana ninka diiday inuu wax qaso waxna dilo ninkaasna waa #Reer Awdal,maxaa iga galay Khaatumo ma hartaan ahay,ma xad baan wadaagnaa,miyaan kalana guursannaa?waa maya,Cali durgiyena wali ma ratigii Abtiyaashii bacadka kaga gudbiyeen buu fuushan yahay?Yaa dhaha talo kuma lihid Soomaalilaand EE Aayar diri-dhabadaada Oromo ka xorayso yo bahabar cabdalladan jeeniga ku haysa,Salal kii lahaa baa haystee

  53. Timacade
    January 21, 2012 at 5:55 pm #

    Horta cabdillahi aad baad u mahadsantahay fikraddada wacan. Horta Professorka aad magacawday waan aqaan lakiin anigu runtii ma aqaani fikradihiisa ” specific ‘ ah ee ku saabsan Somaliweyn. Lakiin waxan ogahay oo iska cad in mutacalimiinta gadabursi ay weligood rumaysanyeen, welina rumaysnyihiin inay somalia aanay kala go’ayn. Lakiin way ku kala duwanyihiin habka ay somalia u midoobayso. Dad badan baa ila yaabi jiray, markuu daahir rayaale madaxweynaha ahaa ee aan somaliland kasoo horjeeday. Kuwii laftoodii ayaa raba maanta inay igu hanuuniyaan inaan Awdal State noqodo. Sababta aan uga soo horjeeday ma ahayn Nacayb Dahir rayaale,iyo nacayb isaaq ee waxan arki la’aa ” Fundementals” kii loo baahnaa inay Somaliland Dawlad Noqoto oo aan meesha oolin. Waxa kale oo noo muuqatay inaanay Somaliland dadka degan dani ugu jirin inay Somalia ka go’aan. Markaa waan isla garanay inay Somalia mid noqonayso mar uun.

    Waayahay, markaa midnimadda aan rabnaa maxay tahay. Haddaba waa halka meesha aan isku khilaafsanahay qolyaha rumaysan Awdal State.

    Qolyahan Awdal STate rumaysan, somaliweynta ay raadinayaani maaha ta aan anigu raadinayo. iyagu waxay raadinayaa somaliweyntii siyaad barre ee guulwadaynta iyo caadifadda midnmo ee beenta ahi ay hadhaysay. Waxay raadinayaan, qiiro somalinimo oo waqtigeedii lasoo dhaafay, waxay raadinayaan somalidii calnka la hor qaadayey ee somaliyey toosoo loo qaadayey ee wax kasta laga saxeexayey.

    Waxay reer Awdal State ilawsanyihiin, inuu soomalia dagaal sokeeya ka socday labaatan sano oo la is xasuuqay. Inay dadku arkeen qabqablayaal nooc kasta leh oo calanka intay isku hagoogaan dadka xasuuqa. waxay soo arkeen kuwa diinta ku daba dhuunta oo iyaguna dhinacooda dadka ka xasuuqa. waxay soo arkeen kuwa dawladaha somalia cadawga ku ah ku daba dhuunta oo iyaguna dadka ku xasuuqa.

    Waxaas oo tariikh ah oo somalia soo martay isbedel daa’imi ah ayey kusamaysay ” socio-politics” somalia. Waxaa intaa dheer waqtiga la joogo ee information age ka oo aad ugu duwan siduu dhulku ahaa labaatan sano ka hor. Isbedeladaa dhacay saamaynta ay yeesheen inaad ku xisaabtanto weeyi marka aada wax dhisayso. Reer Awdal State waxass oo dhan wey iska dhega tireen, qadiyaddoodan waxay ku dhisayaan, issaq baa na gumaysta iyo Jidkaa dad qalato la dhigay. Labadaa arrimoodna, midi waa mid ay iyagu iyo kala qaybsanaatoodu ka masuul tahay, midinna waa mid tayo xumada dawlada somaliland ka jirtaa ay ka masuul tahay.

    Qadiyadda Awdal State dadka wadaa waxa ka muuqata, daacadnimo la’aan, deg deg, iyo aqoon la’aan iyo caadifad qabyaalad hoose oo aad u faro badan. Sida aan ula wada socon, inteena gadabursiga ahi, dadka Awdal State dabada ka wadaayi maaha kuwa aan magaacdooda maqalo, ee waxay ku jiraan, ‘ underground” mana rabaan in magacooda la maqlo waayo waxay rabaan inay weli somaliland ” card” ka ay ku haystaani aanu ka guban. Arrinta Awdal State waa arrin Gadabursi mhimad weyn u leh, Waxase ayaan daro ah in la bililiqaystay oo ujeedooyin kale oo aan meel fog gaadayn la rabo in lagu fushado.

    Dadka hor boodaya Awdal State waxa ka muuqata aqoon la’aan saayid ah. U fiirso dhaqdhaqaaqooda siyaasadeed, iyo sida xilkas darada ah ee ay ugu takri faalayaan masayrkii umaada reer Awdal. Dawlada iskaashiga darood iyo hawiye ee mogadisho ka dhisani, waxay gadabursi ka hakratay, kursigii ay ku lahaeen golaha wasiirada ilaa malintii ay xornimada la qaadatay, Mana Istaahilaan in Masyrka reer Awdal Bilaash lagu gudoonsiiyo.

    Waxa aad qodobkaaga labaad ahaa Awdal State waxba ma yeelin reer Awdal intii ay jirtay waxay usoo kordhiso mooyee. Anigu waxaan qabaa inay dhibaato weyn keentay arrinta Awdal State yeeshay, waayo, waxay sii kordhisay is aamin la’aanta dadka, kala shikiga, qabyaalda hoose, iyo kala fogaanshaha dadkeena. Arrinta Ugaasdonnka iyo Arrinta Awdal State dhabar jabinta ay samroon ku sameeyeen weligeed kama soo kabanaayo. Labadaa arrimoodba waxa masuul ka ahaa qurba jooga samroon, waliba kuwa ugu aqoon liita ee caadifada qabyaaladu ku badantahay.

    Gabagabadii, Samroon waxuu u baahanyahay inuu toobad keeno, oo uu isagu dib iskugu noqdo. Way fududahay inaan dadka aan ina aqoon ugu sheekayno ” guul Awdal State”, lakiin hoosteena waan ognahay inaan ku jiro xasuuq, hantideeni aqooneed, dhaqan iyo dhaqaalaba.

    Awdal State waxay Suuro gal noqonaysaa, markaa aan horta inagu isku tanaasulo oo aan is indhabuuxino oo aan aqbalo, waxa dhiba gadabursi haysta inaan inagu masuul ka nahay ee aanay isaaq, iyo cid kale toona shaqa ku lahayn.

    Siyaasad ahaan Gadabursi dantiisu waxay ku jirta inaan somaliland xaqeena ka hello oo aan alliance siyaasadeed la samysano, oo aan kula gorgortano, quwadaha siyaasadeed ee iskaashatada darood iyo hawiye ee somalia. Dariiqa Awdal State ay somaliweyn u marysaayi waa inuu dhexmaraa Hargeisa, ee mahaa inuu ka bilowdo LAASCANOOD iyo MOGADISHU…….

    Al-miskiin

    Timacade.

    • abdallahi32
      January 22, 2012 at 8:19 pm #

      Waad mahadan atahay sxb timacade qoraal kaagan dheere oo runtii dhowr qodob ka hadlaaya balse aanad ka jawaabin su’asheydi aheyd maalinta la isku yimaado ma waxad rabta iney 5issaq ah ku matalaan mise in gobol weliba dadka mataalaya soo dortan?

      Arinka Prof xussen iyo samatar weliba prof buuba waa isku mid oo waxey raban in somaliland iyo somalida kale meel la iskugu keeno… 3daa odey maamul gobolada wey diidan yihin.

      Mida kale sxb awdalstate waxey rabto wey soo bandhigtey ee timacadestate iyo hiildanstate( oo iaguna raba somaliweyn) idinku waxad rabtan soo bandhiga oo ika dhaafa shaley ayey dadka aad ku haysatan shaley ayey rabeen somaliland maantana wey diidan yihin… waxasi waa sheeko caruur oo qof aadamahu mar waliba fikirka oo iska bedeli kara, shalayto ciidamada egypt wey tageerayen Mubarak maanta wey xakumayan, shaleyto sido kale Col qadaafi waa la hoos boodayey maanta akhiro ayey u direen…. awdalstate diidow bal fikir dhaasan hebel aya shaley sidaa aha maanta sidan ah la kaalaya

      dhanka wasiirada aad ka hadashey sxb wax awdalstate dhimtey ma jiro mar wasir ku xigeenka W. Arr. gudaha ee somaliya socdaal noogu yimidey waxa uno sheegey iney maalinti wasaarada la magacabayey ay dadka samarone soo xadirin oo ayna marna u imaanin raysal wasaaraha… maalinti la magacaabey wasiirada ayey u yimaden raysal wasaaraha wuxuna ku yidhi its too late now….. hadalka waxa uadeyni kara dadka muqdisho jooga ee iyaga wac
      Kursiga aad rabtid hadii berito 2 wasiir la siiyo awdalstate miyad soo raaceysa??
      Abti dadka muqdisho inaga joogey sida u arkan awdalstate? xildhibaanadu sidey u arken awdalstate? waa taasi su’aasha haboon ee la is weydiyaa

      dhanka kale sxb wax awdalstate oo qabyalaad ku dhaqmaaya ma jirto, ee dadka kaso hore jeeda aya arinkaasi abuurey. Mida kale anigu waxan aaminsanahay in arrinka marka u bilow yahay aan la isku wada raaci karin

      dhanka sland, sxb timacade dee malaha warba uma haysidee waxad la hadasha xildhibanada hargeisa ino fadhiya oo ma fayido ayad ku qabtan mise dhib ku dhe???? iyaga aya ku jawaabi
      waxa markhati ma doon ah in maanta oo ugu dambesey faysal waraabe yidhi dadka darifyada saami fiicann ha laga siiyo….. hadaba duqiii issaq hadu sida gartey maxad u diidan tahay iney sheegto halka pressure ku ka yimid? khatumostate iyo awdalstate waxa hubaal ah iney wax weyn ka bedeli donto saami qeybsiga sland….. adiga maalinta i gaa ah ayan ku weydini doona ee ha noqon ka qariya in is bedelka ku yimid awdalstate

      Sxb laas canood iyo hargeisa ilayo intii gaalku dhulka joogey waxanu xidhidh la laheyn las canood ee bal is weydi sababta??
      Nin sareyntada diidan samaan kuma ogola.
      Hadal waxan kuo koobaya ma wanagsano in mar waliba oo dad wax ku dhaqaaqan in la daba nicleeyo… ee sxb timacadow hadi aad somaliweyn u jeedid kolay awdalstate xamar unbaad isku imaaneysa amba hargeisa so mar ambase sool
      “All Roads Lead to Muqdisho” arinku halkasi ayu maraya oo waad aragta in silaanyo iyo wasirka arrimaha dibadu iimanayaan shirka London Waa nasiib daro in 3wasiir o issaqu matalaan dadka reer awdal

  54. cali
    January 21, 2012 at 7:50 pm #

    TIMACADE aad baan kaaga mahadnaqayaa sxb fikirkaaga xikmadaysan ee aad halkan kusoo bandhigtay ,
    run ahaantii waaan kugu raacsanahay in samaroon ay isaaq is xulayfaysi siyaasadeed la yeelato si ay wax ula qaybsadaan quwadaha kale ee somalia lkn gadabuursi hargaysa ka dulbooday oo laasno ilaa xamar tegay waxba ma so kordhinayaan.

    laakiin suaasho waxay tahay isaaq oo aaminsan mabda a gooni siu taaga iyo gadabuursi siday isula jaanqaadayaan.

    • timacade
      January 24, 2012 at 1:51 am #

      Cali…..Dee Lascanood waynu tijaabinay oo ninka garanya taariikhda USP, ma odhan karo waa wax lagu faano. USP markay dhalisay, unionka somalia, nimankii reer khatumo, darrod bay noqdeen inagiina cidla ayey inagaga tegeen. Waxay ku tusaysaa, inaanu marka horeba alliance ka, USP aanu natural ahayn ee uu ahaa wax la khasbayey. Waan arkayaa in isaaq laftigiisa markii aan somaliland la dhisnay inay ” greedy” noqdeen oo ay iyagiiba wixii resource ah uu soo dhaafi laayahay. Lakiin waa inaan eegnaa ” the bigger picture”. Nimankan, hadda xukunka haysta ee habar jeclo waa socod barad, gadabursi baad sheegaysaaye, siyaasad ba waxba kama fahamsane. Masuuliyadda siyaasada woqooyigu way ina wada saarantahay ee maaha inaan Isaaq ka sugno solution, inagana aaway leadershipkeenii.

      Isaaqa Qadiyada gooni isu taago ay ka dhaadhacsanthay waa shacbiga lakiin elites ka ay taladu ka go’daayi ” deep down” way fahamsanyihiin inay impossible tahay. Haddi ay eliteska gadabursiga iyo kuwa isaaqu meel wada fadhiistaan, somalia siyaasadeedu wax weyn baa iska bedeli.

  55. timacade
    January 22, 2012 at 9:21 pm #

    Abdillahi……… aad baad u mahadsantahay. Anigu marnaba kuma doodo inaan xalka kama dambaysta ah ogahay, waxan uun “solicit’ Gareeya fikradaha fiican ee dood wanaagsani ka muuqato. Waxaanan kuu sheegayaa, waxaad soo gudbisay dood fiican oo aan tolaayey u baahnayn oo kaligeed istaagi karta, waanan kugu hambalyeynayaa. Su’aasha representation waa runtaa oo si faahfaahsan ugama jawaabin, waayo intii kale ayaa ila fogaatay, waxanse rajaynayaa inaan mar kale aan fursad u helo aan si faahfaasan u tibaaxo aragtidayda.

    Already aniga iyo adigu mid ban isku raacsanhay, oo ah inaan labadeenuba Somaliweyn rumaysanahay. Inta aan isku weydaarsanahayna si xalaala ayaan u wadaynaa doodeeda waanan isku waafiqi doonaa insha allah!

  56. Isaq Boy
    January 23, 2012 at 2:55 pm #

    looool Timacade.
    Soomaaliwayn maxaad u taqaanaa?
    Ma koonfur iyo Somaliland?

  57. cumar
    January 23, 2012 at 5:31 pm #

    abdilahi adiga waxaagu waa saami doon waayo waadiga soo qaatay hadalka faysal laakiin waxaan ku waydiinayaa bal inaad noo sheegto saamiga aad ka helayso xamar tolow muxuu noqon doona maka yaraan doonaa ka hargaysa mise ka xamar ayaa ka badan doono suaashaa jawaabteeda bal aynu abdilaahi aynu u dayno?

    • abdallahi32
      January 24, 2012 at 12:14 am #

      Cumar

      Saami-qeybsiga markan ka hadlaayey si ban hadalka ku dhigey ee dib ugu noqo oo u firso malaha sheekada unbad dhex kaso gashee
      Sxb hadan hada ku jawaabo anigu raali waxan ka ahay wax qeybsi xaq ah. balse tan sland ka jirta sxb wax xaq lagu tilmaamo mahine waayo 15wasiiir aya reer keliya ah taasina wax ka soconaya mahine.
      Adigu bal waxad noo sheegta inad ku qanacsan tahay saamigan iyo in kale? hadii aad diidan tahay saami qeybsigan balse aad tahay qof aaminsan sland fadlan la kaley ariin cusub oo anu ku helno wax fiican. ee yaan lagu mashqulin awdalstate aya sidan ah iyo hebel aya sidaa ahaa….

  58. timacade
    January 23, 2012 at 6:50 pm #

    Isaq Boy…..Very tricky question ..kkkkk. Waan fahmayaa dhinac aad u socota. Anigu Somalia ayaan ku dhashay, lakiin kuwa reer jabouti ee meesha inagula jira ee somaliweyn aanay jabouti ku jirin dadka ku hanuuniya, su’aashaa u gudbi ha ka jawaabaane.

    • abdallahi32
      January 25, 2012 at 5:23 am #

      Timacade
      shaley unban ku laha prof xussen, samatar iyo buuba intuba somaliland iyo somali kale oo is hor yimaada ayey rabaan balse ma rabaan in 18gobol meel la iskugu keeno. Waad maqashey wareysiga ayan filaya.

      • Timacade
        January 25, 2012 at 2:11 pm #

        Abdillahi……Waan maqlay, waana very interesting. Anigu ” principly” waxaan rumayasanahay inuu natural alliance keenu yahay isaaq, lakiin paragmatic baan ka ahay, details ka. Waayo Somaliland oo sida ay hadda u dhisantahay lagu deliver gareeyo, maaha inuu gadabursi ogolaado, lakiin haddii dib u heshiin lala samaynayo isaaq oo si xaq ah aan wax u wada qaybsanayno, dabadeedna somaliland iyo somalia is hor fadhiistaan, anigu waxaan qabaa inay dan weyni inoogu jirto.

  59. Ali-Durgiye
    January 25, 2012 at 10:12 am #

    @wiilka timacade watoow war lagu sii adeeer reer Djibouti waligood ma diidin somaliweyn ee waa loo diiday ninkasta oo reer Djibouti ah oo isku daya arrintanaa wuxuu mari doonaa jidka Mahamoud Harbi,mida kale xisaabta ku darsoo reer Djibouti soomaali ma wada ahaa balse waxay soomaalidu Djibouti ka degtaa wax ka yar 20% dhulka Djibouti.

    marka saxiib ha ku sirmin hinaase walaha iyo siyaasad waraabayntaa reer Hargeysa ee ay markastaa Djibouti ugu xuqdaan raggu haddaay wax miyir qaba yihiin intaay soomaali majarahaa u qabtaan ayay Hargeysa ku sandulayn lahaayeen in ay noqoto caasimaddi somaliweyn looga harimin lahaa kii Daarood ah ee arrintaa ka caga jiidanaa way ka aargoosan lahaayeen.

    Laakiin macal asaf waxay dhaafi waayeen 21 sano maxaa nanoo dharbaaxay!! caku xaal Hargeysawi

  60. hiildan
    January 25, 2012 at 10:33 am #

    Cali Durgiye oo noqday ninkii ugu horreeyay Ciise ee Isaaq naca., Reer Binu Axmad maafush?..kkkkkkkkkkkk…..

    Ingiriisku wuxu rabaa in Hargeysa noqoto Caasimada Soomaaliyeed, Isaaqna noqdo madaxweynaha Soomaaliyeed. Arrintaasi sideebaad u aragtiin Cali Durgiye iyo Inta kale ee aaminsan Awdal State of Somalia?.

  61. Timacade
    January 25, 2012 at 2:30 pm #

    Ali Durgiye…..waan ku fahmay, lakiin CIA dii ina xarbi dilkiisa ka dambaysay, ee Patice Lamuumba dishay, ilkihii waxay kaga dhamadeen cold war kii iyo dagaaladan argagixisada ay kula jiraan addunka. maanta isku biirista Somali cid awood uleh inay horjoogsataa ma jirto aduunka. The Story of the 20% narrative is an affront to the history of the somali natives ” the legal owner” and it is a story propogated by the djiboutian secessionist Junta. Dhulka Somali baa leh cafartu waa immigrants, isticmaarku ku beeray meesha.

    Dee caliyow nimankan isaaq ee tolkeen ahna, way inaga gar helayaan haddan ku nidhaa somaliweyna waan rabnaa, Jaboutina ka maqantahay. We need the northern dir renaissance in Somalia.

  62. abdallahi32
    January 25, 2012 at 11:12 pm #

    @timacade,
    sxb adiga unba raba inad alliance la sameysatee horta iyagu maku rabaan??
    waanu ognahay in samarone isku dayey in dawlad la wadaagab issaq maanta dawladii oo dhan reer keliya ayey noqotey. sxb markasi ma mar 2aad ayad rabta inaanu alliance la yeelano?? inigu fikirka aan rabo waa in 18kii gobol mid waliba dad metala soo dirto sadaasina wax lagu qeybsado wana sida hala la rabo ayan filaya maadama xildhibanadi la yidhi mid waliba dadkaagu ha kuso dortaan.

  63. cali siciid (Awdal State)
    January 26, 2012 at 1:30 am #

    danta Samaroon boqolkiiba 100 waxay kujirta maamul goboleed AwdalState oo hoos imaada SOMALIA. Hargaisa in lahoos joogaa dan nooguma jirto.. Somaliland beel kaliya ayaa leh 4ta beelood ee kale waxa weeyaan “Extra weight”. riyada ka kaca ragyahow. mida kale sidii ayuu damiirkaagu kuugu ogolaaday inaad taageertid wax lagugu qasbay ? somaliland maaha wax iskaa ad udooratay waa wax lagugu qasbay iyada daraadeedna laguu laayay.

  64. cali siciid (Awdal State)
    January 26, 2012 at 1:32 am #

    danta Samaroon boqolkiiba 100 waxay kujirta maamul goboleed AwdalState oo hoos imaada SOMALIA. Hargaisa in lahoos joogaa dan nooguma jirto.. Somaliland beel kaliya ayaa leh 4ta beelood ee kale waxa weeyaan “Extra weight”. riyada ka kaca ragyahow. mida kale sidee ayuu damiirkaagu kuugu ogolaaday inaad taageertid wax lagugu qasbay ? somaliland maaha wax iskaa ad udooratay waa wax lagugu qasbay iyada daraadeedna laguu laayay.

  65. Ali-Durgiye
    January 26, 2012 at 3:32 pm #

    @Timacadoow warka nuxurkiisu waxaa weyee Djibouti soomaali waa loo diiday kuwii shalay u diiday waxay ahaayeen Ethiopia oo ay reer galbeed diin ahaan u garab siinaayeen intaa ay wali sii jirto awooda reer galbeedna wax badan iska badali maayeen geeska afrika.

    Nimankan reer Hargeysa waxay heleen fursad dahabi ahayd oo waxay hormood u noqdeen qaran curdin ah oo soomaaliyeed waxayna ahayd in ay noo jeexaan hilin ay soomaali odhan ku wada socod barato oo xeer iyo sharci dhidibada si miisaaman loogu aasayna ku taagaan laakiin arrintaa way ka ilduufeen waxay soo baraaruugeen uun iyagoo la mid ah waraabihi dayaxa loo diray.

    Maanta waxay ku sugan yihiin khalad-khalad laguuma saxoo kii horaaba ka qara weyn, ragu hadday ka dhex muuqan waayeen Daarood iyo Hawiye oo ay isku arkan minorite bilaa kaara ah imikana wixii ay ka yuuseen ee ay dulmiga u arkaayeen kula kaceen reer Laascaanood iyo reer Boorama Saylacna ay ahayd meeshi ay ku bilaabeen barakicintaa,marka saxiib timacadoow maxay tahay afka aad ii malmalluuqi iyo baadul gargaarku?

  66. Ali-Durgiye
    January 26, 2012 at 3:55 pm #

    @Hiildan raga Idoor isma nicin ee waxaan gudanaynaa waajib diini ah oo daalimka iyo madluumka waa in labadbaa loo gargaaraa shalay madluumbay ahaayeen oo waan u gargaarnay maantana waa daalimiin oo waa in aan gacanta soo qabanaa, warku waa intaa bes adnaa ha noqon HIIL DAALIM

  67. Isaq Boy
    January 26, 2012 at 5:16 pm #

    Ali-Durgiye.
    waxaas tolka ha ula imanin.
    yaanu ku qabanin xeer-Ilma-Binu-Axmed kkkkkkkk

  68. Timacade
    January 26, 2012 at 5:17 pm #

    Ali—–Waan kugu raacsanahay, inay reerkani ilduufeen oo ay fursda dahabi ahi dhaaftay, lakiin dee inagana way ina dhaaftay, ileen dhulka iyo masuuliyadaba waan la qaybsanaaye. Gadabursigan wada cabaadayaa haddaa, xaq darrada somaliland ka jirta iyagaa wax kasoo dhisay, ilduufka siyaasadeed ee isaaq iyagaa hogaankiisa hayey 8 sanadood, iyagaa calanka ay maanta ka ooyayaan halkaa soo gaadhsiyyey oo aduunka meel walba gaadhsiiyey. Waxii aan taalooyinka u dhisaynay laba bilood ka hor ayaa maanta xaaraan noqoday maaha wax macquul ah. Anigu nimankan SSC, siyaasad darood oo balaadhan bay dugsanyaan oo ay dabada ku hayaan, lakiin qoladan gadabursi, ma arkayo, meesha ay wax u yaalaan iyo calaacalkooda cidda rabta. Aniga oo gadabursi ahi dan kama lihi, isaaq warkiisa daa, ciise isagana warkiisa daa , itoobiya ogaadeen baa haysta oo xitaa intii deganyd cunaha haysa oo u diiday gobol. Somalia iyo Mogadishu, reer woqooyigu waxay ka yihiini ma jirto iska daa Gadabursi baad sheegaysaa e. Markaa anigu markaan xisaabtii isu geeyey, waxan is idhi, in lays dugsado kuwa kuugu ooda dhaw wax dhaamaayi ma jirto.

    Abdillahi…….gadabursigu 18 gobol waxay ka helayaan 1/18 =0.05 seats. Koonfur iyo woqooyi haddii wax loo qaybsadan waxay ka helayaan 15% of 50% of the 18 = 1.35 seats.

    Haddii qaybteena aan somaliand ku leenahay kor loo qaado, say 30%, dee markaa waxan helynaa .3 X .5 X 18 = 2.7 seats.

    Markaa, the numbers speak for themself. Xikmadda koofur iyo woqooyi in wax loo qaybsado dan weyn ayaa inoogu jirta.

  69. Isaq Boy
    January 26, 2012 at 5:20 pm #

    Very well said Timacade..
    you deserve a huge round of applause..

  70. Ali-Durgiye
    January 26, 2012 at 6:01 pm #

    Timacade saxiib hiqda iyo hooyda ka soo yeedhi reerka gadabuursi runtay rabinee waa midhihii ka soo baxay jawaabtii ay ka baxsheen dagaalkii lagu soo qaaday 1991kii haddii ay cidiyaha iyo qanjaafulaha aasan lahaayeen oo ay Booraama sidii Hargeysa ugu mitidi lahaayeen sidaa raga aakhirka loo wada hadli lahaa waxna waa lagu heshiin lahaa, reer boorama aduunka halgee lagu arkay nin hubka ka dhigis lagu sameeyey waxna aan laga saxeexaan maantana rabaa in ay jiif ku naaxo waana meeshay reer boorama fahmi la,yihiin haddaay fahmeena runtaa dhibaysa in ay isku sheegaan.

    aanu ragga Idoor waxaan ku diidanahay waxay tahay hortaa halkee lagu gaadhay in la goosto?ha la soo boodina shirki Burco iyo kii Boorama iyo odeyaal aan magacooga qorayn oo meel lagu xereeyey

    Wiilka Idoor issaq boy ha ii sheego ama ha ii macneeyo magaca SNM iyo somaliland halkay iskala ambaqaadeen,bal meel iska waafaji snm iyo somaliland hadaanad been uunka ka iibin?

    Issaq-boyoow soo jawaab waxna boy ma tihide waxaad tahay da,dii u naas daysay odey waraaba- cadeeeeeeeeeee

  71. mire
    January 26, 2012 at 7:35 pm #

    somali national movement= somaliland
    somaliland=isaaq&gadabuursi&harti&ciise

    ali yare hadii aad u diiday somaliland shirkii burco iyo boorama odayadiina aad maagtay jawaabtu miyaanay hayn wax ay iska soo galaan snm ayaa somaliland samysay ?

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s