DAALLACAN
Dir Soomaaliyaan ahay
Dadkii geeska baan ahay
Diillilmaha midabkana
Maariin dabiiciya
Dugul Iyo casaan xiga,
Diintana furqaaniyo
Xaqa Eebbe daafaca
Marka taa in lagu daro
Daacadiyo hir baan ahay
Marka dawlad dhalataba
Daruuraha hadheeyee
Dul hoganaya baan ahay.
Nabad dooje baan ahay
Dugsi lagu ledaan ahay
Dibindaabyo Iyo been
Damiirkaygu ma oggola
Deriskayga kuma shido
Dogob dhamacyo waawayn
Fadhi kii ku diririyo
Doodaha qotoda-dheer
Luqun-diinleyaashii
isu dira sokeeyaha
Debanahayga uma furo
Dayimkeen siduu yiri
Hadduu duul nifaaq ihi
War duul-duula soo gano
Idinkoon daraasayn
Degdeguna idiin Hodin
Hubi diiradlayeey
Daf haddaad tiraahdaan
Hadmaad dacar ka leeftiin
Dib u qoomamaysiin
Dorraatiyo ayaamii
Taxanaha dunidiyo
Dura tii la soo maray
Diihaalka mahadhada
Baallaha ku daabacan
Wiil daymo dheeroo
Dayniile joogoo
Gaarriye loogu magac-daray
Soomaali ul-iyo-diir
Ku dardaarmayaa jiray.
Daah-furkii wuxuu yiri
Dugsi male qabyaaladi
Waa dararta baahida
Waa astaanta dib-u-dhaca
Dabuubtaas xaqiiqda ah
Nin ay damaqday baa jiray.
Dar kastoo samaa jecel
Dullin baa ku hoos Jira
Midhahaba dirxaa Gala
isha dabani waa cadaw
Ilaa doorkan maanta ah
Halka xaajo doogtiyo
Daqarrada ku leedahay
Hoosba yaa u dayay weli
Sawtani lays Wada dilay
Nin kastaba Nin Kale dagay.
Danni Iyo ladh baa Jira
Danan Hoose baa Jira
Hoos-ka-tuurka duriddiyo
Damac sheellan baa Jira
Danaysiyo han baa Jira
Degaamayn horlaa Jira
Docna weeerar halisiyo
Shax baa layga dagayaa
Anna Waan digtoon ahay.
Ha yeeshee danbeeyiyo
Doollar qaateyaal Iyo
Waaxo iga dibboodoo
Laygu daw-galaa Jira
Doolli i qaniinoo
Miciyaha halkuu daray
Dib u neefiyaa jira
Daanooyin Igu Wada
Bohol soo dumaysoo
Hoos loo dalooshoo
Dabna laygu shiday baa
Sida laba daryaalaha
Duman lagu yagleeloo
Dusha laga qurxiyayoo
Soo deg laygu leeyahay
Nin dardaaran hore qabay
Duco waalid soo dhamay
Digdig Iyo is-dhiib Iyo
Debcin mayso qayladu
Inta derejo sheegtiyo
Duud-caddaaleyaashii
Waxay daabulaan iyo
Deeqduna wax siin Iyo
Diif-jabkayga maahee
Dabar-go’ayga weeyaan.
Barihii daliilkaa
Ii dhigay duruustee
Deelleey Iiga horreeyoow
Da’ waliba markeed lehe
Aniguna Dig baan iri.
Dad waxaan u neceb ahay
Marka xaajo dalab hihi
La soo deristo beelaha
Kuwa laba-gar-daaqee
Durba Talo ka boodee
Maahmaahyo daadshee
Yiraa maxaan ku daalaa
Dooryaanleba timirtii
Dab iyada Oon loo helin.
Ma dabayl xagaa baa
Un-tuna Dillaal iyo
Dusdus iyo xin badanaa
Dub malaha riyuhu e
Missna waa damaaciyoo
Idahay ku digataa
I arkaay i daawadaay
Ma is dayax-bixin baa?
Duni Aakhir saman Oo
Dalli dheer ka lulatoo
Demmen yahay raggeedii
Dhaka-faar daraaddii
Cuskanaysa daamaha
Halyaygiina laga dilay
Nin-doorkii ka haajiray
Daranyootayoo nacab
Dugayadu u wehel tahay
Daa’imo ku keli tahay
Daryeelkooda jeceshahay
Waqalkuna u di’in Wali
Daashadeen abaaruhu
Maryeheedda duuggiyo
Dildillaaca waaxyaha
Dusha Sare ka muuqdaa
Tolloow Yay damqaysaa
Yayse daawo u tahayoo
La sii jecel duruufaha
Ka macaasha dib-u-dhaca?
Dal-jirkii xaqlaha ahaa
Aga mici-dugaagliyo
Dibad-yaallo baa helay
Nixinoon digiigixin
Timo dabanta beledkiyo
Duxi halkii ay taallaba
Ku dummaala shilimaad
Xarrumaha dakayntiyo
Duffankiyo wax-saarka le
Yaallo malabkii doocaan
Iyagaa faraha dara
Dubaaxdoo ku neefsada.
Waa Degel la Iibsaday
Daltabyada ninkii qabay
Dudayoo ka suudalay
Daydaydii la dhaqan-celi
Ha yeeshee dirayskii
Markii Dooddi loo xidhay
Dablii xoogga qarankiyo
Ciidankeenna lagu daray
Dooraneeyaashii
Nin kastoo dun lagu taxay
qoys buu u dool yahay.
Dawankii qabiilkiyo
Sidii buu durbaankii
Dig leeyohoo u dhacayaa
Ilamaa darwiishkii
Wax is doorshay Lama arag!
Daa’imay Islaamkii
Calankii dul Iyo baar
Isagaa ku daabacan
Distoorkaana sheegoo
Wuu og yahay dad-waynuhu
Ha yeeshee danbiilaha
In xadkiisa lagu Duwo
Runtii waa la dala’saday
Dooxatada wax laysiyo
Jar abeeso duubnayd
Imisaa ku dalaq Tiri
Lagu daray xabaalaha
Lays odhanin yaa dilay?
Waa cuqubo da’wayn Oo
Laga doogsan waayoo
Deribtii sokeeyaha
dubatoo ku naaxdee
Dhaqtarrada dalkaygoow
Culimada dalkaygoow
Digtoorkiyo xidigiskoow
Cudurada dahsooniyo
Naflihii dardaran iyo
Jinka Waad dawaysaan
Saadaasha dooxdaan
Dacwaddiinan yaabka le
Miyaydaan ku dari-hayn
Dacuunkiyo waxyeelada
Joogee na daashaday
Mise waa diyaafado
Diib Iyo Iidaan loo
MArka wiil la duugaad
Dheefteed u dareertaan
Dabiib miyaad u waydeen?
Xoolaa dareemiyo
Doog loo abuuroo
Durdurkiyo la geeyaa
Duurkii caleenlee
Dadkuse waa ka gooniye
Jaadkuna ma daawiyo
Ma daruuri dheeflaa?
Daayeerkaa Laamaha
Dheemaalka dookhee
Soowtani laga daray
Taajir duunyo beeliyo
Intuu reero dumiyiyo
Inta diricyo waashee
Nacas Iyo hal-doorba le
IMuxuu wiilal duufsaday
Dib-jiroo habaaboo
Dugsiyada ka saaqiday?
Hableheenna dahabkuna
Mid soo dadab xereeyiyo
Diiriye ma helinoo
Dalal Kalay u foofeen
Doollaalka waayaha
Waqtigaa dibleeyoo
Guumaysnimo dar-jiidhshoo
In la doono Lama filo
Danbeedada xanuunka le
WAa shaacoo ma daahnoo
Diiwaanka biiraa
Dar Alle ka maragoo
Dafiraadi kama taal.
Doonida kharaabka ah
Dakhaliyo lahayn Hage
Ninka fuulayee duuul
Dawaaf yiree u heesoow
Gal-daloooladeediyo
Iimeheeda dararta ah
Dawladeennu leedahay
Anigaa duraayee
Horta intayna kula Degin
Ma ka daadagaysaa,
Dabadeed awaalaha
Baaraan-deg xoogliyo
Dardar maw badheedhnaa,
Duqaydiyo waayeelkii
Daahyaale soo jiray
U darsaday nasiiniyo
Daryeel Iyo xannaanayn
Maw dammaanad qaadnaa
Bara-kaca dan-yartiyo
Reero dire-diraalayn
Soo dumaayda qaylada
Innagaysku diiree
Guluf mayska daynaa?
Duuray Iyo dhiggeedii
Daryankii bir-jeex Iyo
Dumintii man-dheeriyo
Haddii dacar la soo dhamay
Ragna soo dagaal galay
Dib-u-noqoshadeennii
Dar kaloo waxaa Jiray
Dejin Iyo u hawl-galay
Dekenii colaadaha
Iyo damaq-dhaygoodii
Dayibkii SULEEXIYO
SAYAX Iyo dirkiisii
Daraygeennii GOODAAD
Doorkii XAAJI KHAYRIYO
DA’SANTII is kaashaday
Kuman duugan Oo Kale
Taariikhdeenna duuugga ah
Baal dahab ah kaga qoran
In kaloo u diyaaroo
Daafaha adduunkiyo
Wali daahan baa Jira
Dawse maaha Eexee
Maan-deeq hasheeniyo
Duunyo qaranku leeyahay
Yaa danbarsadoo Dhama
Dadka kalena ka xigsada?
Diqriyoo tixdaydii
Durkiyoo ballaadhsoo
Daloonbiyay itaalkay
Deeddankiina Kula dhacay
Dubbuur xeelligeediyo
Daalo Saylac laallays
Dermaan baan ku joogee
Afartiisa daafiyo
Tamashlaha dal-waynaha
Durdurrada ku baashaal
Degelkoo abaariyo
La il-daran Bus mooyee
Kalla daadsanaan Iyo
Kuma arag is-diiddaba
Duraygii heblayntiyo
Dayayn maaha uguboo
Soomaalay la dihatee
Kanse duur-xul weeyoo
Daad dhiig ma soo rogo
Siyaasaa-na daynsada.
Saddex Dibi warkoodiyo
Aarkii duullanka ahaa
Duufaanku waabshee
Siigadu daldalatee
Calooshiisa daallinkiyo
Dalqadaaba wadatee
Inay wada-jir dayr tahay
Daallacee garwaaqsaday
Deexdiyo tabtiisii
Dawaar Kale intuu rogay
Diga-gedishadiisii
Daallaa-dhac soo kacay,
Dacawada geddeediyo
Muujay debecsanaantii
Ee yiri duq baan ahay
Iyo socoto dool ehe
Deris nabad ku nooloo
Ka dhaxaysa daawiyo
Dan-wadaag ma noqonaa
Dabadeedna sirayee
isu diray dhammaantood
Danbaysadeennu Yay noqon..
Gabay daaqsin gayntii
Iyo soo dabrayntii
Dixaa aynu naalliyo
Daanteenna mooyee
Kama dayo hareeraha
Mana dayn karaayee
Door-roone soo kacay
Hadduu jaanta Igu daro
Malahayga soo duro
Galbeed bari damaashaad
Gudaha Iyo dibaddaba
Gurxankiyo babteeduna
Hoboladu ku biiraan
Bi’i Waan u goohee
Boobe Ina ducaaloow
Dan-jirkiii samaayoow
Adaa qalinka daabkiyo
Deebaanka haystoo
Taariikhda duubee
Anigoo DUBLIN Jira
Dal shisheeye kaa xiga
Salaamaha Aan soo diray
DAALLACANna iga hano
Da’da maansayahankiyo
Dalladaha barbaartee
Ka hawl-gala dalkeenniyo
Dumar-wayneheennii
Maamulkana dareensii
Adigaa Dalmar ahoo
Duunida la haystee.
Qalinkii.Siciid Cali Sharmaarke
Categories: Suugaan(Somali Literature), Warka (News)

Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)
Dalagga iyo beeraha
Dirindiirta leeftaay
Degelkana sal-iyo-baar
Daaniyaha rogayoow
Anna may dan-leedahay?
Maansadani waa xalay-dhalad 22-kii bishan ayay curatay saas darteed waa mid kaydsan lagana yaabo inay dib-u-habayni ku timaad,wax badan Oon ka tegayna waa suuro-gal in gedaal looga daro,bahdan hiiildanna way mahadsan yihiin,wixii faallo ah hogo-tus ah iyo dhalliil ahna waan soo dhawaynayaa.
Waad mahadsan tihiin
Saciid Cali
Yaa Salaam, Yaa salaam, Afkaaga Caano lagu qabay Siciid-yare, aadbaan kuu salaamayaa, waa maanso aad iyo aad u qurux badan murti qaro weyna xambaarsan
Doolli i qaniinoo
Miciyaha halkuu daray
Dib u neefiyaa jira
Daanooyin Igu Wada
Bohol soo dumaysoo
Hoos loo dalooshoo
Dabna laygu shiday baa
Sida laba daryaalaha
Duman lagu yagleeloo
Dusha laga qurxiyayoo
Soo deg laygu leeyahay
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Alleylehe waan kugu ogaa inaad Abu-Xikma tahay, mahadsanid Inaabti, halkaa kasii wad, haddii ad wax kusoo darto iyo hadii ad kusoo dari weydaba waa maanso an saxay oo qaayo ku leh agtayda.
looooooooooooooooooooooooooooooooooool..Maanshaa allaah… waaryaadeen oo miyeynu lahayn gabayaa waxaan u malaynay in ay ugu dambeeyeen, Nuur Bawne, Jamaac kulmiye, Daahir Cige Bidaaree waxaan u haystay in laga hadhay oo sheekheenni yiri yaan la gabyinee…….. waxaan ku idhi miyaad noo khuurineysay, maxaad hore ugu soo dayn wadey, ileyn haddii dagaal lagayo waa la gabyi jireyee…kkkkk cabdi qani waan ogahay in uu reer caateeyee uu yahayee..kkkkk…
subax wacan C/qani adiga iyo ana abtigaabaa…. waxaan ahay odeyga reerka, in uu yahay nin xeebjire ah, oo reer cumar, oo muuse ruug ah, oo cirooley ah waan ogahay, in uu dhalay cali sharmaarke,oo ahaa askartii DJIBOUTI, EE jaynaagii, in uu aabahii lagu naaneysi jirey cali-hooyo na waan ogahay, in ay ina caateeyeena dhashayna waan ogahay, reer abtigey ha caayin kaliya baan idhi, saa in uu reer abtigey caayo, reer abtigiina amaano dee ima qabto. mida kale waxaan kula talin in aanu ku darin gabayga qabiil cay, ee uu kor u qaado kaliya…
taladda wuu qaataa oo dhawr jeer oo ku idhi jooji waxaad waddo si wacan buu iigu raacay igamana hor iman ee halkii buu ku jarey, waxaase daran dhankii ay is hayeen oo joojin waayey hadalkii markaa…
c/qani shaandhee fikirka hana siideyn dadka ceytamaya , amase qabiil cayaya, amase shakhsi weerarayaa… laakiin mabda’ weerarku wuu banaan yahay, sideedaba ninka madexda ahi wuu u badheedhey in la caayo ama la amaano labadda, laakiin waa xaaraan in qabiil lagu nisbeeyo ama lagu hal qabsaddo……
Dr.ku lafahayga Oo cadcad ayuu guntooda soo taabtay,runtii waan yaabbay Aabahay sida loo yaqaan waxa laygu baran waayay,Abtiyaa gacanta igu hayay Oo xaggaa Boon ayaan ku barbaaray sababtu waxay ahayd anoo Aad u jeclaa wax-barashada Afka soomaaliga ku bixi jirtay anigo yarna waxan noqday kacaan Saylac beri Aan soo marayna Oy dadi wadeenna Buug layga kari waayay Oo suugaan ahaa waa lay soo siiyay,wuxu Ii ahaa haddiyad qaaliga ah,Reer Abti mooyee daanta kale uma bixi jirin lkn waan raaci jiray marmar Baroon ay lahayd Jbahaddii dab iyo olol Ee ay beeshu lahayd iyo fuqay-bararay Aanse u badnaado kuwa reer abtiyo e lkn hadda waa lay bartaa waa xilligii Aan toka dhex qaadi lahaa Een go’ shaal ah iyo Bistooladba qaadan lahaa,waxan ahay nin fikir le isu kalsoon wax curin kara se dabeecad adag Oo ka nixiya beenaalaha iyo tuugga mana ihi nin qabiileed lkn tolkay jibriil wuu ka badbadiyay dagaalkiina muu joogin haddana Boorama waa lagu laayay waa ciil iyo Uur-ku-taallo runtaase hadda loo sheegay gaadh baana laga hayaa waa waax ka mida waaxyahayga lkn bukootay oy daawo u socoto,berigaa la soo galay Sabi ayaan ahaa haddana jiidda saw Ey xabaddu ka bilaabantay waan joogay yaase iga rumaysanaya in Aan ahay wiilkii ugu horreeyay Ee markii Saw la soo dhaafayba xabadda lagu riday waliba ZUUGA ahayd Alluun baa ka marqaatiya Oo yarku wuu is faanshaa la odhan rag meel sii yaacayana waan waydiistay Qori maxaa yeelay? waa laygu ababshay waase lay diiday xabadda ayaa igu socotay ilaa Aan Boorama soo galay anoo keliya uguna tegay raxan Booliis ah Oo i waraystay waxii Aan ogaana siiyay deedna u sii dhaafay xaggaa iyo suuqii Oon masjid harawa duqay dhawr ah ku xereeeyay EEn soo hadaraabta iri kolkay maxaa dhacay yiraahdeen a Aan warkii u dhiibay sidiina kaga tallaabay Buurtii Sheekh cali jawhar Oon kula kulmay cutubyo Ciidan ah Oo hubku u dhan yahay,intaasi waa hor-dhac xaaskayguna waa bahabar Aadan bishaariyo dawlad ah kana baxday jaamacad ka mid ah jaamacadaha dunida ugu wanaagsan..Dr.waxan leehay waanq addariyaa aqoon-yahanka iyo odayada beesha waxana la yiri Ergo geesi ma diido,haybtayda waan daafacayaa waayo?nasab caygu waa danbi nin tashaday haddii la yiraahdo maxaw tashatay caqli maaha Oo Xeeb-jire waa odaygii habarteenna.Cabdiqani mahadsanid ina Abti Rooblena colaadi nagama dhaxayso Ee isagay siyaasadii dhnkaa la martay Oo sidaas miciin mooday jawaab uun buuna iga helay.warku waa kaas.
Waad mahadsan tihiin dhammaan
Saciid
Sidaan horeba u sheegay Maansadani waxay ku timid hab degdeg ah iyadoo dhalatay 22 kii bishan mareegta hiildanna ku soo abxday 23/24 kii bishan Oon Aan u soo gudbiyay,markaa waan sxbadayda qaaliga ogaysiinayaa in Aan dib u habbeeyay Aadna u dayac-tiray mar labaadna Aan u diri doono shabakadda Hiildan haddii ebbe idmo.
WAad salaaman tihiin.
Saciid
Sixid..
Hadduu Eebbe idmo
updated