Madaxda Habar Xuseen(Reer Xasan Cadde) Ee Lughaya/Saylac, Oo Taageeray Madaxweyne Saylici..!

abdirahman-saylici-480x360.jpg

Saylac (Lug)- Beesha reer Xasan Cadde ee deegaannada Saylac iyo lughaya ayaa baaq ay soo saareen ugu hanbalyeeyay madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somali Land Mud. C/Raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay sheegeen inuu si geesinnimo, wadaninimo, iyo daacadnimo ku jirto u soo gabagabeeyay khilaafkii arrimaha dhaqanka ee beelaha Samaroon kadib markii uu gacmaha isku saaray dhinacyadii isku diidanaa arrimaha dhaqanka Gadabuursi, la iskuna raacay in murankii geed dhaqan lagu xalliyo wixii ka soo baxana lagu dhaqmo.


Baaq ay ku saxeexanyihiin xubno ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka beesha reer Xasan Cadde oo ka tirsan ardaayada beelaha Bahabar Celi, ayaa waxa sidoo kale loogu hanbalyeeyay wafdigii madaxwayne Kuxigeenka kala qaybqaatay xallinta khilaafkan, iyo guudahaanba beelaha Samaroon ee sida tanaasulka iyo walaalnimadu ku jirto u wada hadlay.

Waxa ku saxeexnaa baaqa :
1.      Caaqil Cumar Cilmi Geele
2.      Caaqil Nuur Cismaan Dhinbiil
3.      Oday Maxamed C/laahi Cilmi
4.      Oday Cali SHide Geele
5.      Oday Jaamac Buuni Good
6.      Oday Ahmed Ismaciil Boqore
7.      Oday Maxamed Cilmi Caynaan
8.      Oday Siciid Maydhane
9.      Oday Rooble Cilmi Wabar
10.  Oday Camash Xuseen Dunkiyaal
11.  Maxamuud Ibraahim Ismail
12.  Yasin Cali Xasan
13.  Oday Muuse Maxamuud Odowaa

Lughaya news

About these ads

Categories: Baaq

9 replies »

  1. Odayaashu way mahadsanyihiin waxaase fiicnayd intii uu khilaafku ugubka ahaa inay ayagu ka hadlaan oo ay dhameeyaan Cabdiraxmaan Zeiylicina waa siyaasi ee arimaha dhaqanka looma diran,Dhaqanka waxaa ka masuul ah oo lagu ogyahay hogaamiye dhaqameedyada sida odayaashan halkan ku shaxan oo kale,Anigu Cabdiraxmaan Zeiylici nin aan ka jeclaa ma jirin oo cidii wax ka sheegta gacan ayaan ula tagi jiray waanan dhirbaaxi jiray cidii aan ka maqlo Zeiylici ayaa xun,Hadase waan arkay waxa uu yahay waxa uu galo iyo waxa uu gudo dhamaan dhagax uu dhigo oo waxba ka socon waayaan sida dariiqii 4 Km Dila ee ay balan qaadeen iyo maqaska uu kolba Hargeysa la dhex socdo ayaan ka yaabay cajiib

  2. kkkkkkkkkkkkkkkkk. McShariif, saaxiib adiga biillad sharfatii geesinimo ee an ku siinay ee ad ku kasbatay taageerista Saylici, dee waadigii is dhaafshay ee siiyay Muuse Carab. Sidaasi daraadeed amba waan kula yaabsanahay adiga..cajiib…!!!!!

  3. Muuse Carab waa geesi mutaystay bilada sanadka ee midnimada Samaroon isaga iyo dhalinyaro badan oo ah Maxad-Case iyo Habar Cafaan taariikhduna way qoridoontaa,Lkn inta Ugaaskii Ciise oo aan lagusoo casuumin Zeiylac hanfigu ku leefay oo xafladii Ugaaska Ciise sare joog ku daawanaayay xataa loo diiday in kursi loo dhigo maxay ku diideen maanta Ugaaska Samaroon ee ilaahay inoo keenay Ugaas Cabdirashiid cidii diidaa dhulka way ka guuri doonaan haday diidaana sidiinii hore ayaan intoon xoolaha idinka dhacno mood iyo noolba waxaan idiinku gabyidoonaa “Caleemayso Geedaha Adaa Caydh Igaga Roone” Waa gabay loo tiriyay nin Habar Cafaan ahaa oo laga dhacay Lo’diisii duhur cad sidaasoo kale Ugaasku wuu idin ilaalin doonaa oo xoolihiina iyo xaqiina ayuu idiinka ilaalin doonaa quwada Makaahiil iyo khatarta kasoo fool leh dhawaan,Hadaad diidaan Ugaaska waa la idin dhici doonaa oo Makaahiilna wuxuu idiinku gabyidoonaa Caleemayso Geedaha Adaa Caydh igaga Roone sidii hore usoo dhacday.

    • WHAT?..’ Caleemayso Geedaha Adaa Caydh Igaga Roone’, Taasi waa cagajuglayn weyn McShariif, Habar Cafaan iyo Habar Xuuseen toona kaa yeeli maayaan. Haddii Makaahiil ku hanjabayo Ugaaska qasab hallagu raaco, haddii kale waxbaan caydhinaynaa, waxan idin leenahay : TOUGH….KKKKKKKKKKKKKKKKK Bring it on..!.

      Saaxiib arrinta Ugaasku waxay ka dhabaqday Gadabuursiga Itoobiya, ma waxa gadabuursiga dhan ee Itoobiya laga waayay inay yidhaahdaa, ‘Waar aynu horta martiqaadno Samaroonkii kale ee awdal, oo halkan Itoobiya hallagu wada hadlo, oo hallagu dhammaysto arrimaha dhaqanka ee laysku hayo, ka hor inta aynu Ugaaska u dirin walaalaheen oo is ahaya?. Iga daa Itoobiya Gadabuursi kuma hadhin, oday dhaqana kuma hadhin, waa laga soo guuray i dheh.!!!

  4. salalau calaykum walalayaal wxaanu taageeraynaa go,aanada ka soo baxay shirkaa
    waxaanu leenahay kuwa qabiilka wata ee wada kala jabka samaroon. ee labaxay awadalstate.waa in ay ka waan toomaan waxa yaalaha foosha xun,oo ay raacaan sukdaanadooda

  5. Adeer shariifoow haddaad Libaax ismoodday kelidaa ma tihid libaax oo arliga libaaxyaa ka buuxa,habar cafaanna nabad gelyada iyo tol jacaylkaa hodaye hadddeed waa istaagtay ,ugaas wax la yiraahdana ma jiro sidaasna laguu sheeg Ee awooddan Aad is bidayso hadday kugu jirto Raggaagii kala-baydh haadda loo wadhay orod ugu soo Aar,makaa iilka Aad ii sheegi waa kaas.saylicina taageero ugama baahno nin ku silcaya yemen mana oga in Aaad jirto..waana la kala baxayaa haddaad bigta joojin waydaan

  6. Waa kaas Ugaaskii sida hilaaca u dhex maray dhamaan Ugaas-diidkii oo dhan “Ma ishaad wax kaga guri aragtaye maxaad odhan”Niic bay kala daysan wayday ciyaari ma dhawa, Nicknameka Saylac qofka sita waxaan leehay adiga oo Habar Cafaan ah maanta hadaan ku siiyo kur ka samaysan dahab xageed la tagi kkkk ilayn sidaad u wado J/yoonis ayuun baad la dhex tagi adiga hadalba kuuma yaalo yaa miskiin.

  7. Shariifow ma waxaad Moodey inuu Makaahiil kaligii UGAASKA intii kaxeeyey Xeeb geeyey. Walee inaydaan Boon dhaafteen laakiin horaa loo yidhi gudiney ima goyseen haduuna badhkey kugu jirin. Bahabarmuuse ayuu ilaahay idiin soo diray oo ay M case iyo H/cafaanba idinku dhaafeene ee aayar iska fadhiya ha faanina oo awood ha sheeganinee……

    Omar

  8. Arday uudhashay magalada boorama hodaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: