Tallankaygii Hooydayoow, Ma Ogtahay Halyeeyoow

 

Wadhaf News, oct 21 /20101: Maalinba waa maaline, October 18keedii 2000, waxay ahayd maalin modaw oo murugo noo dhamaatay , waa maalintii aan wayney Geesigeenii GENERAL YUSUF TALLAN ALI, dhacdadaana waxaan ku jirnaa sanad guuradedii 11aad , maalintaas oo gacan Ilaahay nacay ku dhagarawdey geesigii ummada.

Sanadkan waxaan jeclaysanay inaan Halyageena ku xusno warbixin aan u diraayo uugana waramayno marxalada soomali iyo tolkiiba marayaan. Waana dhacdooyinkii ina soo marey oo kooban.

Ma ogtahay Halyeyow!

 

Ma ogtahay Tallanow dhawaqii kuugu dabeeyay aduunka oo ah shaqandhii rasaastii xaqdarada ahayd eed u dhimatay inay weli ka socoto Somalia, dabadaana kumayaal ay halaagmeen? Ma ogtahay Talanow in wali Qarankiii Soomaliyeed sakaraad yahay? Ma ogtahay Talanow qabqableyaal dagaal, ciidanka Ethiobiya, Shaydaano shaadh diineed sita, macaluul horey loo arag iyo dawlad tag daran inay Somali gacanta saareen walina la tacaalayso masiibooyin ay ugu horeyso hogaan la’aan? Maantana xaalku gaadhay in ciidamo Kenya ah, kuwo Ugaadho ah iyo Burundi ah naf laga dayay markii wadanku  u afduubmay bucad-diimeed jaahiliin ah? Ma ogtahay Talanow inaan weli la quusan oo la sahadinaayo Qarankii Soomaliyeed oo dib u soo noolaada?

Ma ogtahay Halyeyow,

Ma ogtahay Tallanow, in tolkaa halkii aad ku ogayd foolxumo uuga sii dhaadhacay? Ma ogtahay Halyeeyow, wixii aad ka digtay inay dhamaatood dhaceen? Ma ogtahay Tallanow in tubtii toosnayd tolkaa weli haleelin? …Ma ogtahay Tallanow , Muqdisho way fogayde, Dilla dusheeda dhagar ka dhacdey weli inaan xal loo helin oo iskada wax kale dhaqankii soomaliyeed naga suurto gali waayay? Ma ogtahay Talanow inuu diricu nacas yahay ( oon la dhagaysan) oo lagaba doorbido hadba garaad liitiya iyo inta foolxumada doorbida? Ma ogtahay in lagu xaragoodo wixii laga xaroogoonjirey?

Tallankaygii Hoydow,

Toban iyo kow sano ayaa ka soo wareegtay maalintii gacanta cadaawe kugu dhagarawdey.

Ma ogtahay Halyeeyow! Weli kuuma sheegi karo dadaal jira oo lagu raadinaayo ciddii dhiigaaga gashay. Oohintii ayaamihii geeridaadu qoyanayd wax nooga dambeeyay ma dhicin. Baroordiiq badan waa laguu tiriyay oo ay ka mid ahaayeen qaar qalbiga hoose ka soo go’ay oo ka turjumaayay hoogga geeridaadu huwanayd. Tol iyo Somaaliba way kuu baroorateen. Qaar kaloo badan ayuu erey ka soo bixiwaayay oo naxdintu ku cuslaatay fursadna u siinweydey inaan afka kala qaadaan .

Waxaa murugo leh inaan magacaagii, sharaftaadii, karaamadaadii, halgankaagii iyo dhiigaagiiba loo hiilin ilaa maanta. Waxaan ka xumahay inaan ku khasaarinay oon  ku saaqidnay inaan waajibkaad nagu lahayd ka soo bixi weyno. Run ahaan uuma qalano in shaqsi adigoo kale ahaa inuu naga dhasho waayo markaad nolaydna dhagahaa lagaa furaystay, markaad hoyatayna kartidii magacaaga aan ugu hiilin lahayn helin waynay. Iskadaa inaan kuu hiilinee cidii hiili tidhaa waxaa loogu dowgaley garaadyo dalable oo talada toosan docwareema.

Tallankaygii Hoydow,

Ma ogtahay Halyeeyow in, magaaladaad ku dhalatay, oo ahayd halka magacaagu ka nuuri lahaa, in ilaa manta laga helin meel magacaaga lagu xuso, waana markhaatigaan cuskanaayo ee shaaca ka qaadaaya sida dadkii u maanguureen. Taa waxaa ka sii daran intii dadka ka hiilisay (1993Kii) oo dadka qaar qabaan in taalo looga dhiso halkii ay talada ku gowraceen ( Dugsigii).

Janankaan u hoognow, ma ogtahay Halyeeyow,  taariikhdeenii weynayd ee dadku lahaayeen, dhalaan baa haleeloo ceebeeyay Xeerkii ugaasnimo lahaan jirtey. Talo weyd ah wax ka dhashay ayaa keentay dhag xumo badan: kala jab, baaho magac Ugaas la huwiyo iyo shisheeye laga doorbido talo mideysan.

Wixii aad ka digaysaa 11 sano ka hor ayaa dhalay ceebahaa iyo wax kaloo ka sii daran. Waa la sii saqiiroo, danta-guud ha joogtee, doc-doc iyo danaysigu sidii uu dastuur yahay iyaa loo daneeyaa. Adaa horey u sheegee, haddaan sidaa la doorina taariikhda waa laga tirtirmi doonaa.

Tallankaygii Hoydow!

Ma ogtahay Halyeeyow! Inkastuu xaal sidaa yahay, dhulka waxa ku sii nool in damiirku noolyahay oo ereyadaadii weli ay hagaayaan. Dhulka waxa ku sii nool fikirkaagii toosnaa inta raacday ee ogol, rajaduna ma gudhinoo rajo way na hagaysaa.

Dhulka waxaa ku sii nool ehel badan ood leedahay, bal aan sheego qaarkood:

  • Inta damiirku nool yahay
  • Aqoonyahan dhamaantii
  • Inta Qaranka cisaysiyo wadaniga ideylkii
  • Inta danta-Guud hagto
  • Inta taariikhda u hiilisa
  • Inta nabada ehel u ah ee midnimada doorbida

Ehul-sharaf dhamaantii Nuurkoogii baad tahay!

Maqaam Magacaaga u Qalma oo taariikhdaada kaydisa laguna barto iyaa la shaaciyay sanad ka hor wayna hawgali doontaa sidaan filayno, Geesigii ummadow. (Tallan Foundation for Human Rights)

Intii Janada ku kulanta Ilaahay ha inaga dhigo, Jeneraal Yuusuf. Aamin

Wadhaf News

About these ads

Categories: Warka (News)

12 replies »

  1. Aaamiin Aamiin Inta Janada Ku Kulanta Ilaahay Ha Inaga Dhigo. Mahadsanid WadhafNews.
    Allaha u Naxariisto Abtigey Gen Yuusuf Tallan, dhammaanteenna Allaha inaga siiyo Samir iyo Iimaan. Kuwii dilay waa Ehulu Cadaab hadday dhinteen, haddii ay noolyihiina Ifka way ku cadiban yihiin.

    Hawiye maalintaasaan nacay, dib danbana inaan siyaasad ula wadaago waan ka dhaartay. Murtidii an ku habaaray waxay ahayd: Waar waad na ciisheenoo, na calool xumayseene, Casiisbaan Idiin baryaye, Ifka Ku Caddibnaada.

  2. Muusafiinoow Abtiyaal meesha ka kaca, Taalladii halyeey Tallan aynu Boorama ka taagno.

  3. hiildanoow waa lagu jiraa howsha walaal. wana halyaygii gadabuursi ee maahin muusafiin kali ah. waayo waa ninkii ugu aqoonta badnaa ama ugu darajada sareeyay gadabuursi . waana aqoonta ugu sareysa aqoon dawladeed. lakiin General yusuf talan geeri ayaa qaaday ilaahay ah u naxariisto wuu shahiiday oo wadani ayuu ahaa jecel somalilnimada iyo waxy tahay qaranimadu. lakiin hawiye ma xeeriyo waxba wayo wad aragtaa waxa maalinkasta ku dhacaya aanay cidna u aabo yelayn. hadan qofkasta wakhtiguu rabi u qadaro iyo goobta uunbuu ku dhiman.
    allahu ha u naxariisto amiin amiin amiin

  4. wadafnews way mahadsanyihiin, iyo hiildanba

  5. allaha u naxriisto dadka muslimka ah ee dhintay waliba gacan ka gardarani dishay…
    waligay doqmaha gadabursi,,ee doqon mawayaan ka ah,, ka kaliyee ku jira marka uu dhintay arkaan…waar maad ogaydeen Boramuu joogay muddo oo aad Inna awcali oo dhiig yacab ah aad ka jeclaydeene,, shaaha iskaga cabayey suqaa Boramee maad wax waydiisaan? maad tariikh ka reebataan? maad u gartaan sida manta oo uu akhiro jirro aad u garateen?…walee doqni ma baraugto mana fayooba mana garato wanaageed,,,doqon allaa dilay maxaan ka sugnaba waa ….?

  6. kuwa hawiye iyo daroodu ooyayaa ha ku cibaaro qaataan Mujahid yusuf talan cali, gadabuursi ilbuu lahaa ishii hawiyaa bakhtiiyey, ilaa mantana waxay taagan yihiin isaaqbaan kaa siinayn aa madax weynaan ka dhigaynaa, meel qudhana kama sheegaan gadabuursi iyo wuxuu mudan yahay. walee kuwaasaynaan waxba ku darsan. Daroona waa nimankii cadow inagaga dhex cararey ee ilaa mantana an dib inoo soo eegin….qofka muslinka ah god laba jeer lagama wada qanino.

  7. ALAYLEHE WAAD CADAYSEEN IN HAWIYE EDEBTA IDIN BARAY DAAROODNA IDINKAGA CARARAY MAGACA ISAAQNA AAD XAMAR KAGA SOO BAXDEEN ALAYLEHE ISAAQ WAA GOB WAA IDIN SOO DHAWEEYEEN IDINKOO GODOB KA GALAY DADKOODIINA MARIYAY,GURYAHOODIINA BILIILAQAYSTAY,GABDHAHOODII KUFSADAY,CARUURAHOODII LAAYAY,NAAGAHOODII UURKA LAHAA ILMAHII KA SOO TUURAY,CIROOLAYAASHII SOCON KARI WAAYAYNA BAKHTI WAREEMAY IDINKOO SIDAAS U GALAY AYAY HADANA MADAXWAYNE IDINKA DHIGEEN IDIN SOO DHAWEEYEEN WELINA WAAD YUUSAYSAAN MARKAA SOOW ABAAL KIINU MAAHA IN XUDUUD ADAG OO DHEER OO AYDAAN SOO MARI KARIN LAYDIIN SAMEEYO MAAHA ?hawiyena laydiinku yeero edebta haydin baree isagaa rabaayadiina yaqaanee kuwan aad noloshooda ku kor soconaysaan idinma hayn karayaane hawiye u taga haydin edbiyee kkkkkkkkkkkkkkkkk HAWIYE WAA GOB GOBI DHASHAY WALAAHAY WAA IDIN GARAACEEN WELINA WAAD U DUDAYSAAN IN AAD XAMAR AADAAN WALAAHAY WAA RAGII 1991 IDIN SOO KARBAASHAY EE DAAROOD IDINKAGA DHEX CARARAY ARKA SIDAAD U QIRTEEN JABKIINII,MAAD NABAD KU JOOGTAAN SOOMAALILAN? AQOON DARANAA QOOMKU WAA QOOMKII FIRCOON OO KALE MIYAA KKKKKKKKKK

  8. AS C WALAYAL AAAMIN AAMIN ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA K AWARAABIYO WLAALYAL WAXA WAX LALA YAABA AH IN UMADA somaliyed wali laga la sanyahay GEEESIYADII hore oo kale waxan ilaahay kabaryayna in ilaahy markale noo dhaladsiiyo geesiyadii hore oo kale iyo nabadii mcne oo umada somaliyed intooda badan ay ku soo mushaaxeen aaaamiiiiin

  9. yuusuf tallan cali allaha u naxariistee waxaa goor galab ah agagaarka km4 ku toogtay mooryaantii cabdi qaybdiid oo ugaarsanaysay dadka wax galka ah kana soo hor jeedday dowladdii carta ee uu hormuudka ka ahaa c/qaasim salaad, waa ninkii iigu xanuunka badnaa inta la laayay ee rabbi ha u naxariisto,

  10. yuusuf talan allaha u naxariisto geesi damiirkiisu noolyahay ayuu ahaa lakiin ka dhashay gadabuursi. ilaahay janada ha ka waraabiyo

  11. Yusuf Talan, Alahaa u naxariistoo. Nin Isaaq ah, oo damiir leh oo ninkaa eedaynayaa ma jirto nolshiisa. Sababtuna waxaa weeye wuxuu badbaadiyay dad badan oo anigu ku jiro Berbera. Laakiin been ka sheegay Cigaal ( Ilaahay haka saamaxee) i. Ilaahay baan idinku dhaarshee bal wuxuu ku sheekaynayay eeg. Waa maxay colaadaa Cigaal u qabaa Samaroon.? Cajalada oo sheegayaa Cigaal wuxuu kula hadlayay Cise Muse, meel tuulo ah. Waxaanu ku amaanay nabadaa. Laakiin Talan, shaydaan baa is tusay. Wuxuu doonayey inuu Xamar tagoo, si u wadada u furtoo, waa inuu candhuuf ku tufaa SL iyo Isaaq. Waa habka Xamar loo tago. Muxuu ka helay.? Samaroonku waxaad moodaa in siyasadii Ilaaahay ka indha tiray. Waxay siyaasadii u qaateen dacaayad iyo been qaawan la iska sheego, oo dadka la isku diro.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: