Guddoomiyaha cusub ee Awdal Axmad Xaddi Sidci oo ku abtirsada Ugaasyada, ka sokow hambalyo iyo salaan an u dirayno, waxaynu weydiin lahayn su’aasha ah; Ugaas Xaddiyoow, Ma Oromaa Awdal laga masaafuriyay, mise dadku waxay ahaayeen dadkii Awdal u dhashay oo sita dhalashadii iyo sharcigii dalka?!!!
Sobabaha aynu su’aashas u weydiinayno Badhasaabka ayaa waxay yihiin, kadib markii an telefishanada dalka ka fiirsanay dad sita dhalashadii iyo waraaqihii dalka, oo hadana lagu yidhi gobolka ka baxa. Haddii dadkan marka horaba la siiyay waraaqaha aqoonsiga sideebay ku dhici kartaa in la masaafuriyo iyaga oo haba yaraatee an galin wax danbi ah?.
Sida qaalibka ah, qofka ajaanibka ah ee dal kale ku jooga sifo sharci ah oo waraaqo haysta, dee dalkaasi lagama saari karo isaga oo qofkaasi gala danbi aad u culus mooyiye, oo deeto xabsi iyo ganaax iyo musaafuris intaba layskugu daro mooyiye.
Hadal iyo dhammaan, Ugaas Badhasaab Xaddiyoow ma Oromaa la masaafuriyay?!
Categories: Faalada Warka (News Analysis)

Daawo Madaxweynihii Ugu Horreeyay Somaliland: Marxuum Cabdiraxamaan Axmad Cali(AUN) Iyo Shirkii Awdal Ee Xilka Uu Iskaga Wareejiyay 1993
LUGHAYA Yay Ka Ooydaa, Ayayse Ku Ooydaa?: Abaar iyo Amni Darro
Hadday Dhalashadu Dhab Tahay, Ninkii Dhiigloow Dhaqaaq.
Maxay Sideen Doonyaha Reer Saylac Ee Budhacd Badeeda Djibouti Qafaasheen?
Badhasaabka Salal Ayaa Ka Danbeeya Dagaalka Socda, Dawladda Dhexena Way La Ogtahay
Saraakiishii Ugu Sarraysay Samaroon Wakhtigii Taliskii Siyaad Barre Iyo Siday U Arkayeen SNM Iyo Salka Khilaafka Samaroon Iyo Isaaq Iyo Sidoo Kale Saadaasha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Waa nimanka Makaahiil, waxad yeeshiin dee qalad weynbaad samayseen markaad ka ogolaateen xukummadda in Oromadii Boorama joogtay la masaafuriyo. Ragaas waxa ku jiray kuwo badan oo ad siiseen sharciga dalka markii Rayaale ahaa madaxweynaha, oo waliba ad ku qorteen inay yihiin makaahiil. Markaa car yaa idiin codayn doona doorashada soo socta…? kkkkkkkkkkkk
Waa qalad weyn (HUGE MISTAKE) ayaan u arkaa, mana ahayn inaad xukumada sidaasi ka yeeshiin, mise waxay ahayd arrin idinka awood badan oo marka horaba loogu talo galay Awdal, oo xukumada xaaji Siiraanyo imika waddo? Bal ammuurtaasi Awdal State qaylo dheer haka soo saarto, maxaa yeelay dee Oromadu waa reer Awdal dub iyo diirba waxay ka mid yihiin Adal Empire..!!!!
makaahiil markii horeba iska qoti ayay ahaaayeen kkkkkkkkkkkk