Odhaahda iyo Aragtida Haweenka Samaroon: THE LION KING..!

  By Fathiya Omar Kahin (SHAN KA ROON)

Ina ragoow dabkaa be!! Ma halkaan islahaa maanta ayay shalay dhaantaa ayuu dib u dhac ku yimid caqligii aqoonta la bidayay oo boqnaha is wada gooynayaa ayaa caalamka markhaati looga dhigay ciilkii ilma Samaroon? Ma waxaan idhaahdaa bravo oo isku dilkoodaan ku mashxaradaa mise buurta buuraha u dheer baan baroor la joogsadaa bal in ii naxda damiir leh la maqlo, sowtan midi’diinii uus ku jabtay markaad hiddihiinii xumayseen magaciiniina disheen markaad ceebtiinii soo ifbixiseen mada’daalada manta aad u noqoteen dariskiinii idiin haystay dad anshax iyo hiddo wanaagsan leh ooy idiin daawadeen sidii Cartoonska oo la’idinku maadeeysatay mala xumadiina, sowta seeftii mudada badan la’idiin soofaynaya aad galkii ka siibteen sowdinkan u quus gooyay ubaxiinii soo baxaay ka tiray sharaftii iyo magacii awow yaashood ee aay ku faanayeen, sowdinkan idinkii is duleeyay dumarkiiniina ciilka baday waar meeydaan xishoonay oo xumaanta aad xaglaha ku sidataan tol baad wada tihiina is dhowrtaan

 

Asalaamu Calaykum dhamaantiin meel kastoo aad joogtaanba walaalahayga aan mar Islaamnimo ku walaalnoobnay, marna Soomaalinimo marna Tolnimo guud waxaan hawada idiin soo maraniyaa salaanta salaamah ugu qaalisan ee islaamka. waxaana ilaahay idinka rajeeynayaa nabadqab iyo wadajir in aad ku waartaan aduunka korkiisa aakhirana intii nabigii udgoonaa la’jaarnoqota ee Illahay doorta  inaga dhigo.

Waxaan maanta qalinkan u soo qaatay markan adkaaysan kari waayay dabka tolkay lakala dhex dhigay ee warmahoodi isku soo jeysteen in haddi aan wax kale u qaban kari waayo bal baroor diiq u diro inta wali nool ee danta guud dhowraysa bal in aay iiga hiiliyaan foolxumada dusheena ku dhacday oo inta fidmada wada la iska qabto magac iyo maamuusba ila dhowraan. Intaan hadalka nuxurkiisa aan wada galin waxaan tusaale ugu soo  qabsanayaa sheekadan kooban ee Cartoonka ah oon u soo qaatay tusaale waxa aay matalaysaa ama aay ka taagan tahay hadimada Gadabuursi ku soocota haddii aayna is daba qabateen karaama doodana dhowrsan intaan la isku wiiqmin.       

Scar wuxuu Mufaasa u dilay ee innakii uu addeerka u ahaana shirqoolka dilka ah ugu dhigay si uu isagu dhaxaltooyada boqortooyada u helo oo uu dhurwaagii oo dhan ugula shiraakoobay isagoon meel fog wax ka eegin, markuu ku guulaystay dilkii walaalkii iyo innankii uu addeerka u ahaa isagoo dhurwaagii been u sheegeen markii uu Simba ka baxsaday uga dhigay Scar in aay dileen wiilkii Mufaansa oo isagu manta boqor yahay, nasiib darana ku howsatay oo nimcadii boqortooya uu ka dhaxlayay aay boqorkii hore ee Mufasa aayna ka dabeen oo habar dugaag in uu is cuno noqotay aakhirkii uu si dii walaalkii u dhintay si ka daran u dhintay waayo waa booraan hadimo ha qodin hadaad qodana ha dheereen ku dhici doontaana mooye! Boqortooyadiina dib ugu noqotay wiilkii Mufaasa ka hadhay foolxumana geeridii Scar noqotay waayo walaalkii dile ayuu ahaa ninkii walaalkii dilaana isna si xun buu u dhintaa ee Samaroonow habiil & Qaabil ha noqonina.

Ina ragoow dabkaa be!! Ma halkaan islahaa maanta ayay shalay dhaantaa ayuu dib u dhac ku yimid caqligii aqoonta la bidayay oo boqnaha is wada gooynayaa ayaa caalamka markhaati looga dhigay ciilkii ilma Samaroon? Ma waxaan idhaahdaa bravo oo isku dilkoodaan ku mashxaradaa mise buurta buuraha u dheer baan baroor la joogsadaa bal in ii naxda damiir leh la maqlo, sowtan midi’diinii uus ku jabtay markaad hiddihiinii xumayseen magaciiniina disheen markaad ceebtiinii soo ifbixiseen mada’daalada manta aad u noqoteen dariskiinii idiin haystay dad anshax iyo hiddo wanaagsan leh ooy idiin daawadeen sidii Cartoonska oo la’idinku maadeeysatay mala xumadiina, sowta seeftii mudada badan la’idiin soofaynaya aad galkii ka siibteen sowdinkan u quus gooyay ubaxiinii soo baxaay ka tiray sharaftii iyo magacii awow yaashood ee aay ku faanayeen, sowdinkan idinkii is duleeyay dumarkiiniina ciilka baday waar meeydaan xishoonay oo xumaanta aad xaglaha ku sidataan tol baad wada tihiina is dhowrtaan?

Waar maad wax iskula hadhaan intiina ceebta iyo canbaarada tolka la’wareegaysa aad xajiinta naga deeysaan, miyaad is weeydiisaan cida aad ka hiilinaysaan iyo cida aad u hiilinaysaan, miyaan nin taliyaa hadhin miyaan mid xididka tolnimada doowraa hadhin , miyaa maandhaafkan socda mid samah ku jaraa hadhin ma waxaad wada noqoteen dayo calaay dabkaa ba! Afkaa juluqda gabay  tolkaay oo fadeexadii ugu xumayd abid marayaa hadal iima banaana hadana waxaan ku aamusaa ii ma yaal ee dumarow hawl baa inoo taal gurmad waa ka Illaahay eh u gurmada tolkeen boodhkana ka hurgufa ka tiiriya cadaawahi dee sedan ku daawan kari meeynee waa kuwan iyagu isku wada xoogeeystaye.

 Caadilow adaa casiise isku soo sikhir samaroon! Sumadii soomaali iska dhex arkayse weey Alloow tiiri oo talada toosan tus! Nin samra sadkii helee saatirow samaha ugu sifee sadkii aay sugaayeen samadana kaga laa’l xumaanta dhextaal iyaga iyo umada islaamka meel aay joogaanba. Aamiin Allahatow!!!!

 

Fatxiya Cumar Kahin

 SHANKAROON.

 

About these ads

Categories: Warka (News)

3 replies »

  1. Salaan damadeed huuno waad ku mahad santahay,sida aad waano iyo tusaalaba ugu dhamaysay raga Samaroon.Fadxiyaay rageenu wuxu jabay maalinta ay jaad u fadhiisteen.
    Waxase wax laga naxa ah raga qurbajooga ee maanta dadkaa intay waano iyo waxtar ula tagi lahaayeen isku dir ka dhex wada masaakiinta Salaadiinta magacoodu ku baxayna waxay isleeyihiin inta yar ee dibada idiinka imanaysa ayaa laydinka goyn,waxayse ahayd in ay ilaahay isku xidhaan.Hadaba dumar maxaa udana? madhankay u liicaan unbaan ula liicnaa? EEBBE hasku sakhiro samaroon kuwa qurbaha joogana diinta haku soo hadeeyo wixii hagaagsan ayaa wax fiican kataliyee.

  2. Haddii la i weydiiyo waxa ugu xun ee an ka qoomameeyo sannadkii lasoo dhaafay, waxan ku jawaabi lahaa inaan aad uga xumahay sida loogu wada ceeboobay Ugaaskii da’da yaraa ee Ugaas C/Rashiid oo aniguna an uga qayb qaatay. Aad baan uga qoomameeyaa, ugaaska waa la afduubay, isna wuu il duufay oo marnaba afkiisa kumuu hadal, wuxu iska noqday sidii nin kaliya oo dooni buuxda oo heehaabaysa dul saaran. Ugaaska halla soo celiyo ayaan ku baaqi lahaa, Ugaaskuna caf iyo saamax haka noqdo wixii dhankayga uga yimi. Kuwii af-duubay iyo kuwii ka dudayna dib ha isugu noqdaan ayaan ku dari lahaa. Shabakadaydana waan ka saaray dhammaan wixii ku saabsanaa xumaynta Ugaaska

  3. A short poem for Harriet Tubman the famous american abolitionist and founder of the ” Railroad underground”

    Harriet Tubman didn’t take no stuff
    Wasn’t scared of nothing neither
    Didn’t come in this world to be no slave
    And wasn’t going to stay one either

    “Farewell!” she sang to her friends one night
    She was mighty sad to leave ‘em
    But she ran away that dark, hot night
    Ran looking for her freedom
    She ran to the woods and she ran through the woods
    With the slave catchers right behind her
    And she kept on going till she got to the North
    Where those mean men couldn’t find her

    Nineteen times she went back South
    To get three hundred others
    She ran for her freedom nineteen times
    To save Black sisters and brothers
    Harriet Tubman didn’t take no stuff
    Wasn’t scared of nothing neither
    Didn’t come in this world to be no slave
    And didn’t stay one either

    And didn’t stay one either

    Here is to comrade Farxiya and all other beautiful and wise Samaroon women……..

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: