Maxaynu Ku Xusuusan Karnaa Macallin GALBEEDI(AUN)?

Halyeey GALBEEDI (AUN)

Munaasabad loo sameeyay dugsi hoose dhexe Boorama oo loogu magacdaray marxuum Maxamed Cabdi Dhimbiil (Galbeedi)

xafalad balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay laguna xusayo magic bixinta dugsiga hoose dhexe ee maxamed cabdi dhimbiil (galbeedi) ayaa lagu qabtay xarunta dugsigaasi ee magaaada boorama ,waxa munaasabadaas qiimaha aad ka u balaadhan xambaarsanayd ka soo qayb galay dad wayne aad u faro badan oo iskugu jira aqoonyahano , culimaa’u diin , xildhibaano , masuuliyiinta gobalka iyo degmada salaadiin, cuqaal , ururada haweenka iyo dhalinyarada hayadaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba, ardayda dugsiyada , macalimiinta iyo qaarkaloo ka tiran dadwaynaha ku dhaqan boorama.

Waxa ugu horayn hadal koban ka jeediyay isuduwadaha wasaarada waxbarashada ee Gobalka Awdal mudane maxamed axmed yabaal , waxa aanu sheegay galbeedi allaha u naxariiste inuu ahaa nin magic wayn ku leh bulshada reer boorama iyo guud ahaan Somaliland iyo caalamka . waxa kaloo sheegay inuu galbeedi ahaa macalinkiisii Dad badan oo dalka iyo dibada kala joogaa ay run ahaantii og yihiin dadnimadii Iyo aqoontii lama ilaawaanka ahayd ee uu maskaxdooda ku reebay . Hadaba aniga oo wasaarada waxbarashada ku hadlaaya waxaan soo jeedinayaa oo aan Hortiina ka cadaynayaa ina laga bilaabo maanta dugsigan hoose dhexe ee horay loo odhan jiray xaawo taako lagu badalay maxamed cabdi dhimbiil (galbeedi) sidaas daraadeed waa in magaca uu maanta wixii kadanbeeya lagu txigaliyaa inuu dugsigani yahay dugsiga hoose /dhexe ee (GALBEEDI). Aniga oo qadarinaaya sumcadiisii, kartidiisii, dadnimadiisii, uu ka kasbaday bulshada Dhexdeeda inuu magacaasi yahay mid hirgalay oo uu marxuumkaasi kasbaday. Itaas marka uu sheegay guddoomiyuhu waxa u dhacay sacab aad iyo aad u dheer oo socday ilaa mudo labo daqiiqo ah ardayda dugsiyada wax ka baratana oo galas galas u safana waxa ay si wada jir ah ay ugu dhawaaqeen iyaga oo ay aad shucuurtoodu u sarayso kuna dhawaaqaya (GALBEEDI,) waa iskuulkayaga si kastaba ha ahaatee waxa aad munaasabadaas moodaysay in qofkasta oo munaasabadasi lagu marti qaadayba uu la mid ahaa ardayda dugsiga dhigataa sida ay ugu farax san yihiin magaca dugsigooda loo bixiyay , suldaan sh. Muuse jaamaca goodaad oo ah xildhibaan ka tirsan guurtida Somaliland ahaana odayaashi mudada dheer kawada shaqeeyeen hawlo badan oo bulshada dhexdeeda ah waxa uu sudaanku ku nuux nuuxsaday mahadhoooyin taariikhi ah oo uu bulshada dhexdeeda guulo waa wayn oo lasoo koobi Karin ka galay .

Waxa uuna carabaabay oo uu yiri waxa aan aad ugu farax sanahay inaan goob joog ka ahaado xaflada loogu magic bixinayo dugsiga H/dhexe ee M.C.D.GALBEEDI .

Waxaanu yidhi marxuumku allaha u naxariistee shakhsiyad qiimo wayn iyo magacba ku leh bulshada oo dhan , run ahaantii waxa lo xusayaa inuu ahaa nin dadaal badan , oo aqoonyahan dhab ah oo isku kalsoon ahaa .nin muhani ah oo dad jecel ayuu ahaa waxa kale oo uu ku darsaday oo aanu marna qalbigayga iyo dadkii yaqaanayba xusuus gaara ku reebaysa marka la xasuusto magaciisa waxa markaaba kuu sawir maaya inuu marxuum GALBEEDI ahaa shakhsiyad aanu illaahay kuba abuurin waxa la yiraahdo cadhada waxa intaas dheer inuunu lahayn xaasidnimada oo aanu aqoon beenta isku dirka iyo lacag jacaylka iyo ku dhaqanka qabyaalada arrimahaas waxa ay marag ka yihiin inuu maanta ku leeyahay adduuyada oo dhan gaal iyo muslimba saaxiibo noqday walaalihii ruma.

Suldaan sh.muuse waxa uu yidhi galbeedi waxa uu ahaa nin kaalin lama ilaawaan ah ka qaatay dib u heshiisiintii beelaha Somaliland iyo nabadayntoodii marna kama seexan kamana nasan ilaa Somaliland noqonaysay jamhuuriyad markaa waxa halkaa inooga sawirmay inuu galbeedi ahaa nin illaahay yaqaan oo xor ka ah musuqa iyo dhibaatadaba , wuu istaahilaa waanu u qalmaa iskuulkan magacisa loo bixiyay . waxaanu ku booriyay ardayda dugsigan GALBEEDI ay dadaalkooda sii kordhiyaan waxaanu ka codsaday inay hal faataxo u maraan marxuumka .

Marwo kalluunle oo hadal kooban munaasabadaas ka jeedisayna waxa ay tidhi anigu waxa aan ka mid ahaa ardaydii ugu horaysay ee dugsigan wax ka barata o uu waliba ahada uu macalin iigu noqday run ahaan tii aniga iyo dad badaniba waxa aan qiraynaa inuu ahaa GALBEEDI macalin aanu aad u jecelnahay waxa intaas dheer inuu noo ahaa walaalkayo oo wax nabaraaya hadaba waxa aan ka codsanayaa wasaarada waxbarasha iyo masuuliyiinta kale ee joogta munaasabada inay balaadhiyaan dhismaha dugsiga oo ay waxbarashadoodana ay daba gal ku sameeyaan si macalimiin tayo leh ay uhelaan kadibna arday tayo leh. Waxaanay ku boorisay dhamaan kazoo qayb galayaashii in uu u qalmo marxuum M.C.D. Galbeedi.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in munaasabadan maantu tahay magic bixinta Dugsiga H/Dhexe ee M.C.Dhimbiil Galbeedilaga bilaabo maantana uu hadhay magacii hore ee uu dugsigu lahaa. Wuxuu sheegay suldaanku inuu isaga laftiisa macalin u ahaa. Sidaas daraadeed wuxuu suldaanku balan qaaday in uu ku kordhin doono dhismayaal Iskuulka mustaqbalka.

Wuxuu hadalkiisii kusoo gabagabeeyay in uu ahaa marxuumku nin bulshada ka dhex muuqday,sida arimaha dhalinyarada, odybeeleed ahaa, dhexdhexaadiye ahaa, nabadoon ahaa.waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay dad fara badan oo ay ka mid yihiin X. Axmed Miisaan Aare, Maxamed Daheeye iyo dad kale oo fara badan waxaanay dhamaan tood isku raaceen inuu marxuumku ahaa nin kaalinta uu bulshada kaga jiro ay ayahay kaalin mihiim ah oo baal dahaba kaga taal taariikhda Gobalka iyo S/land ba.

Ugu danbayntii waxa hadal kooban oo nuxur leh fariin mihiima xanbaarsana ka soo jeedisay Gabadhii uu ku curtay marxuum M. C. D Galbeedi, Ifraax Maxamed Cabdi Dhimbiil (Ifraax Galbeedi)oo ka midahyd dufcadii u horaysay ee ka qalin jabisa Jamacada Camuud, oo ahayd gabadh kali ah ee ugu horaysay kuliyada Waxbarashada ,

Ifraax waxay hanbalyo u soo jeedisay dhamaan dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadan maanta ee qiimaha leh ee lagu xusayo magic bixinta Dugsigan loogu magic daray Aabaheed, (magaranayo sharaf ka wayn in bulsho dhan magaca aabahay kor uqaado ee ilaa heerkaa gaadhsiisay waxaan ugu abaal gudo) ayay tiri Ifraax, hase yeeshee waxa ii cadaatay sharaftii uu Aabahay hore bulshada uu ugu lahaa waanad ku mahadsantihiin sida qiimaha leh eed Magaciisa u xusteen, waxay ku boorisay ardayda dhigata Dugsiga H/Dhexe ee Galbeedi dadaalkooda waxbarashana kor u qaadaan oo aany is dhigan si ay u higsdaan waxbarasho ilaa heer Jaamacadeed ah waxaanay ku soo gaba gabaysay wanaaga aadnoo haysaan Hooyo iyo Aabo inaanan gudi karayn abaalkiina, laakiin waxaan Ilaahay baryayaa inuu ii fududeeyo sidii aan u gudi lahaa abaalkaa.

Source: SOMALITALK:  2005

About these ads

Categories: Warka (News)

2 replies »

  1. Ilaahoow kuu naxariisooo, Galbeedi

  2. allahayaw unaxariiso umada islaamka ah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: