Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal(Qormada Loogu Akhris Badanyahay HiilDan)

By Faarax Geydh

Guurkii iyo is af-garadkii dhiigu ku qubtay

Qabqab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu, qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco, qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo!

Qisadani akhristoow waxey ku saabsantahay rag caan ah oo soomalida ku magac bixiyay, Abwaano iyo Talis xukumona isugu jira. Qisadani waxey ka bilaabatay Raage Ugaas iyo Nin uu gabadh ka doonay oo reer jigjiga ah, kadibse dad badan aafeysay. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka sasabane ee ogaadeeniya, kana tirsan gobolka jarareed ee xarunta utahay Dhagax-Buur. Raage Ugaas wuxuu kasoo jeedaa qoys talin jiray oo ugaasyo ahaa badankood, aabihii Waa Ugaas Warfaa Faarax Samatar, Raage waxaa kor uga weynaa Walaalkii Xuseen oo isna Ugaas noqday.

 Raage isagoo quwad qabiil, talis, iyo abwaanimo magac-dheer isugu darmatay ayuu qoodhsaday oo uu guur doontay. Wuxuu ilaalada kolba meel mariyaba, waxaa lasoo sheegay gabadh qurux badani inay jirta oo faadumo nuur la yidhaahdo oo reer jigjiga ah, oo iyada laftigeedu qoys garaado iyo quwadba leh ah. Raage reerkii buu dhowr jeer tagay, si caadi ah isagoon danihiisa sheegan, ileen reerku ab iyo oodna midna makala foga, oo wax shaki ma beerin booqashada raage ugaas.

 Raage dhowrkii jeer ee uu tagay soona hubsaday quruxda gabadha iyo asluubta ilaahay u dhameystiray, Jacayl ayaa qaaday hami guur.Gabayadii uu gabadha kula hadlay waagaas, hadaan mid kasoo qaadno waxaa ka mid ahaa,Gabaygani wuxuu cajiib ku yahay isagoon gabadha haa iyo maya midna ka heysan, ayuu raage isu badiyay dhankii mayada oo uu ka dhigayaa in gabadhu diiday, si uu ugu beer laxowsado, oo kolkaa intey naxdo ay haa u tidhaahdo durbaba.

 Alayl dhexe illayskii imaray ababa’daan mooday.
Ma Ugaaso nuur baa qalbiga waanka oogsadaye.
Ina abtaay nin aragaaaga jecel kuuna iman waayay.
Oo eed sokeeyiyo kabaqay uubatiyo qaylo
Oo oodi kaga meersantahay Aqalka aad joogto.
Arin sidaad ukala laasataan adi uun baa og.
Geeluba ugaasooy hadduu ayda miranaayo
Abeertiisa naaxdiiyo hadduu aaranku is waayo
Isaguba makala aamuusa waa isu olo-laaye
Hadaan ina adeereey ku idhi soo ma urugootid
Waan kugu adkeeyaye haddaad iga ajiibeyso
Ogoobay aduunyada ma jiro edeb wax dhaamaaye

 Raage jacaylkii qaaday iyo gabaygan oo dadkii ka dhawaa aga-gaarkaas deegaanku ahaa oo faafayba, waxey ku kaliftay inuu gabadha doonto. Xulufada raacday ee gabadha la doontay waxaa ka mid ahaa, Aw Muxumed Salal, Ugaas Xuseen, Aw Cumar, iyo Xirsi-Jabane Faarax-Cade. Qaabkii guurka loo soo mari jiray iyo arimihii la is dhaafsan jiray oo dhan baa la isku af-gartay, Hadalna idinkuma deeqsiin karee, maaban idiin soo bandhigo Gabay muujinaya oo sawir wanaagsan ka bixinaya Guurka qurxoon, Waxaana tirshay geerarshihii weynaa ee la odhan jiray Weerar Bulxan Yuusuf, muddo isla beryahaas ku dhow. Wuxuu Yidhi Weerar Bulxan:

Adoo dooba reer wacan hadaad doonto gabadhooda
Dalaaqaha hadii lagu xidhiyo meherka diinteena
Sida dowga dhaqankeenu yahay yarad hadaad deeqdo
Ood dalawa geel iyo fardiyo duunyo badan dhiibto
Todobaadka horre waa duciyo dadabgal kaagi dheh

Sawirkaas korre ee Weerar Bulxan ina siin hayo, Ayuunbeynu ku tilmaami karaa qisada dhex martay Raage Ugaas iyo Qoladii uu Gabadha ka doontay. Waxaasa lagu xukumay Sadex xujood, oo Gabadha aabaheed ku xujeystay Raage Ugaas. Sadexdaas xujo waxaa ka mid ahaa, Faras Gallaalan, Ugxan Goroyo, iyo Ilig Maroodi.

 Raage arintaas sahashayoo, howraarsan buu yidhi, dib buuna isu soo majiiray,Tashiga uu ku soo tegeyn yahay, hadii sadexdaas xujo soo furo, Inuu gabadha la wareegi dooni,wakhtiga uusoo sheegto isagu. Ugxan goroyo leh, oo geyigaas Ogaadeeniya aad ugu badnaa,Ilig maroodina lehel oo Wakhtigu wuxuu ku aadanyahay 1850-60′kii, oo Ingiriis iyo Xabashi midna ma xaalufinin, oo Ugaadhi waa tubantahay. Faraskii Galaalnaa ayaa la waayay, Faras Gallaalan hadaan idiin macneeyno, waa Faras Madow, Midab dhiin ahna ku jiro,Kobta sanqaroorka ahna Bar-cad ku leh.

Raage Ugaas wakhti dheer bay ku qaadatay iyo socoto dheer, iyo Kolba reer marti iyo meejii lagu sheegaba geyiga soomaaliyeed. Markii dambe ayaa lasoo sheegay in Faras Gallaalan uu heysto nin majeerteen ah oo ka talin jiray dhul xeebeedka korre, lana odhan jiray Boqor Maxamuud Yuusuf (Xaawade), Oo Boqor Cismaan Aabihii ah.

Raage Ugaas isagoon cidna la tashan ayuu dhaqaaqay, Safar dheerna usoo galay inuu ninkaas is arkaan. Sida loo badanyahay oo dadka suugaanta iyo taariikhda uruursha, Iyo qoyskii qisadani ku saabsaneyda, waxaa la isku raacay in Raage kolkuu reerka uyimid, uu iska dhigay nin dhaan-dhaaman oo maskax-dhiman ah.

Soomaalidu isuma gudbi jirin, oo Raage Ugaas inkastuu magac-dheeraa oo gabayadiisa la wada hayay, laguna halqabsan jiray oo hadalka maalinta madasha la joogo,lagu toosan jiray halku-dhagyadiisii. Hadana fursad buu u helay in qoyskii uu booqday ayna muuqaalkiisa garan.

 Raage in maalmo ah ayuu reerka joogay, isagoo la leeyahay, Nin waalan oo dheer oo qurux badan baa inagaga yimid dhankaas galbeedka,Wuxuu udhukubaaba, maalintii dambe ayuu arkay Boqor Xaawade oo beeshiisa majerten shir u qabanaya meel geed hoostii ah. Faraskiina wuxuu ku xidhanyahay meel geedka inyar u jirta oo gabadh uu boqorku dhalay baa la joogta oo yar, raage intuu talaabo haldhaa qaaday buu faraska geedkii ka furay, kuna booday oo la fakaday.

Boqor Maxamuud Xaawade yaa intuu sheeda ka eegay faraskii oo sii boodhinaya yidhi, Walee Ninkaasi ma waala oo siduu fardo fuul uyahay baan arkaaye, War jiraase cakaara. Waa maalinta ay maah-maahdu baxeyso, Cakaarana waxey aheyd tuulo aad xadaaro badan oo boqorka hoos iman jirtay.

Raage Ugaas isagoo wada faraskii galaalnaa, yuu soo istaajiyay sabada Sasabane,gabayna wuu ka tirshay ay niman uruursan uu kala hadlayay, iyo faraskuu kasoo dhacay Maxamuud Saleebaan iyo Iyo In jidwaaq loo wada xoolahan, Wuxuu kale sheegayaa inuusan Raage aheyn nin gacan adag oo bixin haya, wixii la weydiisataba, siduu dooni haku keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas:

Faraskan shisheeyaha iyo u galay shuunka maxamuuda
Faraskaan markii laga shakiyay laba shanaad siistay
Faraskan sharabihiisii ku daray sidigtii dhool shaaxin
Waa shay mug le bagaan Jidwaaq ku shakamadeeyay
Nimankaad shaxayseen bagaan sharad ku beeneeyay
Shukrina waxan u naqayaa inaan shiqib ku weynaanin 

Raage Ugaas waxaa ukaamil noqday sadexdii xujo, oo maalinkaas gacantiisa ilaahay wada gashay, wakhti dheerse ku lumay, Ugxan Goroyo, Faras Gallaan, Ilig Maroodi. Raage intuu soo maqnaa ee uu arimahan lagu xujeeyay raadintooda jirayba, waxaa reerkii gabadhu joogtay ku dul wareegahayay Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiil-Waal). Garaad Faarax Wuxuu ahaa Boqor ka talin jiray Galbeedka Ogaadeeniya, Aadna caan u ah oo lagu bartay Xujooyin Maldahan iyo fiiro-dheer, Qabiil Quwad lehna dhex taagnaa. Garaad Faarax oo gabadha isna arkooday, aanse ogeyn in gabadhu doonantahay, ayaa dhowr jeer gabadha aabaheed weydiistay, wadaadkii baa ku jawaabay gabadhu waa doonatahay.

 Garaad Faarax baa yidhi oo qolomey udoonantahay, Ninkeyse udoonantahay, Wadaadkii baa ku jawaabay, Gabadha waxaa ka xoola baxshay Nin Reer Ugaas Samatar,Oo Reer Ugaas Xirsi ah, oo Raage Ugaas ah. Garaad Faarax markuu maqlay in ninka gabadha doontay yahay Raage, horayna uga dhaxeysa halgaad-maanso iyo is af dhaaf,ayuu damac labaad oo waalan sii galay. Raage Ugaasna aad buu ugu raagay xujooyinkii loo diray, inkastoo oo uu ku guuleystay keenistoodii, hadana wakhti bay ku qaadatay, Garaad Faarax si uu yeelayba alla inaga oge, Wadaadkii intuu tiigsaday raage, Ayuu Gabadhii siiyay Garaadka.

Gabadhu inkastooyna ku qanacsaneyn guurka qasabka ah ee la siiyay garaad faarax, oo ay wali hamigeedu jiray Raage Ugaas iyo wada sheekeysigoodii horre, hadana hadalkii wadaadka unbay noqotoyoo, gabadha la guuri. Raage ayaa reerkii yimid, isagoo arimihii loo diray wada,gabadhii uu socdayna degantahay reerka oo dhowr biloodba la qabo, garaad faaraxna ku yahay inan layaal.Raage buulkii u horeeyay ee uu fooda soo gashay baa noqday kii gabadha, Biyo isiiya buu yidhi, Gabadhiina garatay ninkuu yahay oo way aqoonsatay, Raagena aqoonsay, Laakiin la isma wareysan, oo raage wali waa war-moog, Gabadhase wadnahaa loo dhaafay naxdin iyo argagax.

 Raage oo geed fadhiya oo biyihii cabaya, Ayeey gabadhii intey orod balaw tidhi aabaheed keentay, Wadaadkii baa ugu tagay raage geedkii. Kobtii baa la isku wareystay oo lagu kala war qaatay, Raage intuu cabaar aamusnaa, Marna istaagay, Marna fadhiistay, amakaag iyo fajac awgii, ayuu gabaygan marshay oo soomaali oo dhan ku caan baxay. Gabaygan wuxuu ina tusayaa, Umuurtan weyn ee lasoo gudboonaatay iyo dhibkuu soo maray, iyo sida uu rajeynayo inay wax isu badaleen, aama dhiig ha udaato ama si kale halagu keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Uraxmee.

 Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye

  Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye 

 Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Usha ma uu qaadan karo sheybihii arag darreeyaaye
Aroos Uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye

  Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e

  Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye
Ninka illo biyaleh soo maree ooman baan ahaye
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye

  Amba Qaadka geediga kobtaan awrka marinaayo
orod kulama boodiyo anoo soo argaagaxaye
Ilaalada halkaan ka arda dhigi waan odorosaaye

  Nin walaalkii Ugaas yahoo eedday baan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
Alle Gooyey oo nabi inkiray oo islaam ma ihi
Ninkaa oorideydii qabaa ubad haduu yeesho

Hadii Tixdaas uu tiriyay Raage Ugaas, Wadaadkii intuu is garan waayay wuxuu ku hadlo, Ayuu Yidhi, Gabadha ka yar baan ku siine, Gabayga kobtaa ku jooji raagow. Raagena yeel oo gabadhii ka yareed baa la siiyay, Walise qalbigiisu min weyntii buu la jiraa uu dhibaatada usoo maray, ee uu xeebta salkeeda uga soo qaaday faraska. Raage isla qoyskii ayuu isna ku noqday inan layaal, Garaad Faaraxna waa inan layaal, oo labadii gabdhood baa lakala qabaa. Garaad Faarax oo tixda Raage ugaas ee Hub uruursiga ah maqlay ayaa si kibir ah ugu yidhi gabadhuu qaabay, Naa ani iyo raage geedkaas baanu kusoo shixiye, intaad si fiican usoo labisato, Ta kaa yar ee raage la siiyayna soo kaxee, oo qolqolka nagu soo dul mara Shaxdii iyadoo la jeexday,oo caadi loo ciyaarahayo, Raagase shafkiisu guuxayo cadho owgeed, ayeey labadii gabdhood soo dul mareen oo mida weyni aad ulabi santahay. Raage Ugaas baa aad il-qoodhka ula raacay, Garaad Faaraxna waa intuu rabaye, Raage Ugaas intuu ciil isla garan waayay ayuu tixdan bilaabay, labada dhinacna la is daba marsaday tixdo sababi doona dhiig daadashadii.

 Raage Ugaas Warfaa:
Geenyada inaan toociyaa ila gudboonayde
sidii guluf wax weeraray cidlaan gelelafaayaaye
Kannaan dagay ………………..
 

Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Qiyaasli’i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiye
Kannaan dagay………………..
 

 Raage Ugaas Warfaa:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Manala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabato
Kannaan dagay………………
 

 Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunaynin
Kanaan dagay……………….
 

Raage Ugaas Warfaa:
Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
Ma nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato
Kanaan dagay………………..

 Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiican
Ma lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaaday
Kanaan dagay……………….

 Raage Ugaas Warfaa:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
Mala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado
 

 Raage oo kusoo gunaanaday “Mala Qoonsanayaa haduu rubada ka qaado” iyo tooridii oo uu dhuunta ka gashay Garaad Faarax ayaa is raacay, Sidaas ayuuna Garaadkii ku dhintay. Raage Gabadhii weyned ee uu horey u caashaqay ayuu faraskiisii weehad ahaa soo saartay, lana soo dhaqaajiyay. Gabayadii uu dib udiray iyo farimihii waxaa ka mid ahaa, hadan wax kasoo qaadano

Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo
!
 

 

Raage Ugaas isagoo gabadhii la aqal galay, Colaadna jirto labadii qoys udhaxeysa, Ayaa amar ilaahay , Libaax qaaday gabadhii, kobtiina ku geeryootay Allaha Unaxariistee. Raage Ugaasna wuxuu ka marshay Gabaygan Muruguda miidhan ah ee isna caanka ah, ee uu sheegan hayo in gabadh midaa udhiganta uusan waligiiba heli doonin:

Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama koox ardo ahoo quraan kaadibka u toostay
Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
Kunbulkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?
Wixii laygu kuuniyay miyaa, igu karaamoobay?
Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?
Maantana kataankii miyaa, layga kala qaaday?
Kob abaar ah meel dhexe miyaa, koore ila meeray?
Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?
Kun iyo kow kurtood dumar hadii laysu wada keeno
kolna waxaana heli karayn haween faadumoo kale’e
 

 Muddo aan xiligaas ka fogayn ayaa Raage Ugaas lagu dilay Dagaal ay Jidwaaq soo qaaday, Khaasatan Abasguul oo aarsi ah, Wuxuuna ku aasanyahay Meel Magaalada Fiiq inyar ka xigta Galbeed, Allaha Unaxariistee.
——————————————– 

Uruuriyaha Qisadan Faarax Geeydh
Faaraxgeeydh@hotmail.com
 

About these ads

Categories: Warka (News)

54 replies »

  1. Waa qiso aad iyo aad u qaro weyn kuna habboon in Filim laga sameeyo. Aadbaan u salaamayaa qoraaga sheekadan, oo ay si gooniya isaga u saamayso maadaam ay tahay mushkilad qabsatay qooyskiisa.

    • asc qoraaga wan kusalamaya marka sxb marka xigta waxaan umalaynaya shekadan waad maqashay uune inaad waxbadan aadan ka ogayan taasi khladkaaga maaha sxb sheekadan horta waa sheeko jirta lkn jilasha ayaa kaa khaldan mid ayaa sax kuu ah midna sax kuuma aha dad taariikhda kufsada ayaa baryahan danbe soo baxay taariikhda iska daaye waxay kufsadaan duunyada nool waana layaqanaa dadkaaas intaas hadaan kaga baxo oon usoo noqdo dulacdayda sheekadani waa raage iyo ina wiil waal axmed xirsi faarax xirsi weeyaan iyo raage oo ahaa ina ugaas isna waa laba nin oo boqoro kala dhaleen ee maaha ee maaha wiil waal iyo raage ugaas somaliyeey inta aad magac raadinaysaan taariikhda ha kufsanina ilma adarayaalow wiilkagan qoraaga ah sifiican ayaad u qortay lkn halkaaas iska sax annaga ayaa naqaana
      oo uu ahaa awogay ninka aad leedahay wiil waal isagoo nool ayaad jeedaaye isoo mayda kuma soo dhaceen rage waad ciyaaraysaa mida kale markay qisadani dhacday waxay ay leeyihiin wuu dilay ma diline waxa la isku khilaafsanyahay inuu dilo ayuu damacay axmed xirsi markaa bowdada ayuu kaga saray isagoo raba inuu caloosha kamariyo inuu rabo ayaa waxay kaga dhacday bowdada dadna waxay leeyihiin ma isagaba ku dhici kara nin dadkiisa ina garaaad oo kibirsanaa ayuu ahaa tolkiina dhax jooga jidwaaqe markaas kabacdi ayaa waxaa gabay soo diray ina ugaas oo ahaa raage oo uu leeyahay gabdhii aan kala baxsaday waxay ii dhashay wiil waxaana ugu waqalay 100 neef oo geeela iyo baarqab markaa ninkii gabayga siday intuu axmed xirsi lahadlay ayuu waxa uu yidhi geel ayuu sheegayaaye bal dhowr waxaan sameeyo anniguna wiilkayga waxaan ugu wanqalo inadhahaaga ku arag markaas ayuu nin gabooye ah oo 100 wiil ah inyuu isku soo wada xidh xidhay ayuu qoorta kawada jaray dad nool nool ma maragataa ayaa layidhi usheeg kan iska qaylya ayuu gabay ugu mariyay markaaas ilama adeerayaalow taariikhda kufsiga kadaaya waan noolnahay waan usoo jeednaa ninkastaba tariikhdisa gaadh ayuu kahayaa waxaan mahad ucelunaya qoraaga sxb waxaan kuleeyahay magaca iska sax maaha wiil waal waa ina wiil waal magaciisan waan kuugu celinaya axmed xirsi faarax xirsi xadun naanaystuna waa ina wiil wal wabilaahi tow fiiq

      • mar labad qoraga si buugaaga iyo waxad qorayso eed la,aan uu unoqdo isku day deegaankii waxani kadhacay inaad tagto oo xog badan aad soo ururiso dadka wa wayn ayaa lala sheekaysta markaa ayaa waxa kuusoo baxaya miida sheekada iyo meesha ay udhimatay sheekadu waligana ha isku dayin inaad sheko macaanayso oo milixda aad kabuuxiso wiil waal waa nin qaaliya oo taariikhda geeska africa baal dahaba kaga yaala ninkan aad leedahay nin shacab ah ayaa dilay 35 milyan oo oromo ah oo xilgaas wadankan la isku yidhaa risarfi eeriya la isku yidhaa maamuli jiray ayuu ahaa ilaa magaalada harar waxa kasoo hooseeya ilaa gobalaka faafaneed ayuu dagaalku kasocday iyo ceelkii jigjiga markaaas sxb wiil waal wad alla ayaa dilay waxa uu kudhinta allaha unaxariistee meesha layidhaa wabarka oo ahayd mesha uu fadhiigusu ahaa jigjiga waxay ka xigtaa koonfur 15 km ayay ujirta marka garaadka magaca niman raba ayaa waxay kuladhayaan nin diciifa oo hadhkiisaba soo fadhiisan karin wiil waal iska daaye ninka ay gabdha isku hayeen ee ahaa axmed xirsi ayuu koob biyo ah kadarin karin markaa somalidan maanta nool dhul iska daaye taariikhda ayaa loobabayaa wagar wiil waal ayuu dilayeeey wiil waal jecelaaa reer bililiqo masayda waxaan usheegaya cabara waynta cabaro wayn dhashaad tihiine taarikhda saxa wiil kuma dhacdaane waa wax iyagu isku camira sheekadu waxay ku fiicantahay marka la isku jiibinayo ee waa dad marka ay wax maqlaan waa sidaa uun lasoo boodaya ninkaagan gadabuursiyow adna hal aan ku idhahdo sxb taarikhdan markaad qoraysay hadan ku agjoogo waan kusixilahaaye lkn waxaan filaya qoraalkan markuu kusoo gaadho inaad isasaxdo ayaan filayaa annaga hadaad nagu qanci waydo tag meeshii qisadani kadhacday waa jigjiga marka aad police aad tahay oo laguu keeno laba qof oo isdishay waa inad labada ka hadlisa kabacdina kii kardaran aad xukunta ood xidha lkn maha inad mid uun dhirbaxi kula soo boodo adoon waraysan waa sidaa sheekadani aad wado dad qudha ayaa dhagta wax kuugu sheegay markaas ayaad iska daabacday markaa wa wax laga xumaado sxb ka fiirso waxaad qorayso markasta magaca iska sax marlabaad iyo sadaxaadba waan kugu cel celinaya waa axmed xirsi faarax xirsi ninka ay wax kadhxeeyeen raage ugaas mana dilin mana dili karo ayay diina kuma dhici karto isaga iska daaye waan kabaxay

  2. Very rich article. Marunbaa wuu u riyaaqay qormada sidii caadiga ahayd.

  3. Farax Geydh waan ku salaamayaa,Waa qiso dhab ah oo dhacday mana ah wax mina awaal ah horena waan u maqlay sheekadan badhkeed laakiin waxaan aad uga xumahay gabadhii uu ninkaasi Raage Ugaas kaadida usoo cabay ayaa si dhib yar libaax ku cunay isagaa dacay sow maaha?waxay ahayd ahayd in uu ilaaliyo oo uu daranyada ka dhabo iska daa waxkale’e aanu diqsi usoo dhawaan

  4. waa mahadsan yahay qoraagu sida xirfadaysan iyo xamaasda leh e uu sheekada u soo koobay maadaama ay aad u dheertahay. MCSHARIF adna waxaan ku odhan lahaa ninku iskamadayicin bureeqadiisee qadar baa dhacay.

    SIDAY WAX U DHCEEN
    Waxaa dhacday in gabadhii faadumo inay dalbatay inayreerahoodii soo siyaarato dabadaad soo laabashadi ayaa lagu soo daray kolonyo dhibaad ah iyo kamaandoos ciidan ah.
    markii la soo gaadhay duleedka reerkii oo ay habeen gudcura tahay ayaa waxaa ragii isla garten in la hojiyo oo aan xiligaasi munaasib ahayn in reeraha hurda loo galo.
    makii sidaa la go’an saday ayaa gabdhii faadumo tidhi (….ANIGU RAAGE OO INTAA II JIRA HALKAN SEEXAN MAAYO EE WAA INAAN SOCODKA SII BIIRSHAA…)

    Waa sheeko dheere sidaa ayaa gabadhii oo sii laafyonaysa dheda loo galay oo libaax sinta ku dhagay sidaana ku sahayday

  5. kkkkkkk adduunyada ninkaan dhimanini tuwalba waa arki waxaan lahadlayaa carruurtan yar yar ee qisadan been abuurka iyo buun buunita lagu qurrxiayay u riyaaqsan iyo canugan yaree qoray hadii aadan qisada sideeda usaxay isla markaana aadan aqoon amaba aad qaybuun kamaqasho kadibna aad jeebkaga inta kale kaga darsato waa mush kilad inteeda leeg ama aad isu jan jeedhiso midka kolkaas kuyara habeen xiga adigoo isle bal sad bursiimo sii laakiin taarriikhdani waa mid qoran in kastood meelaha inta badan aad hayso qisada hadana milix baad nooga buuxisay bahasha ee bal haasawaha sax ugaas kolay waan ku gare ha is gaabi la iima gabado waxaad tahay hadalkaagaan ka dhadhansan karaa ….

    • sxbow ninkaadan hujuun la baxay dadka waxa ay qoraan in aad aflagaadayso ma ahan meeshan ninka waxaa uu u qoray siday wax u jireen meesha aad kala imaatay cida aad tahy iyo waxad sheegayso marka taariikfda soo baro meesha ma aha world war iyo in laga hadlaayo kuwaasad taqaana tan waa t.somaliya

  6. ader adiga maxa kaa galay daka la aflagaadaynayo ma waxkaloo aad qortaad wayday adeeer indhaha borame uqaybi oo kor uga jeedi dadkanikaagani waa dag dag santahee dib unoqo ilaa gobolka

  7. waryaa qoraa waxan ku way diiyey garaad farax wiwil waal ala ana xariistee madhahaysid miyaaaaaaaaaa

  8. Waa sheeko qiimo leh oo ka tarjumeysa suugaanta soomaalida iyo inay qani tahay.

  9. waad dhamays tirtay lkn waxaad modaa in aad badh ka tagtay lkn sheegtay badankeed iyo muhimkiiba

  10. Waxaan salamay Qura’aga kulumiyay waqtigiisa qisadan. Run ahanti waa qiso dhab ah oo murti iyo maansaba leh oo caqli iyo maskaxba kuabureyso dhalanyarada somaaliyeed ee kudhaqan dunida dhacaladeeda.

  11. asc maka hore waxan aad ugu mahad naqaya, qoraga sida qurxda badan uga so shekeyay una so kobay qisadi jacaylka ahayid ee qabsatay ugaas raage ugaas, wana mid somali oodhan tariikhdeda hayso marka la sheego jacayil cariga somali dagto oo dhan waxa ku so dhacaya cilmi boodhari, cilmi bodhari ninki uga horeyay jacaylka wa raage ugaas iyo weerar bulxan oo aha laba nin oo jacayil googooyay dhib na u maray runti, wana sugaan ad u qaliya,,, midna waxan leyahay umada nacabku ka buuxo ee qisadan iyo tarikhdan somaliyed ka xun, wad u riyaqdan markad buugagta ajanabiga ah ee qisoyinka akhrisanaysan balse mid somaliyed cuqdaad iyo xanuun ba idinku diraya ,,

  12. runtii aad iyo aad ayaa sheekada raage ugaas looga soo sheekeeyey laakiin waxaan isku daya hayaa inaan wax yar ka saxo qoraalka kaasoo ah markii ay shaxda wada fadhiyeen faarax wiil waal iyo raageugaas warfaa iyadoo bilowga koobaad uunan ahayn sida lasoo sheegey balse uu ku bilaabanayey ( khaylidaa jilbaha loo dhigey iyo jaaha wilicdiisa ha jaleecin rag baa uga soo dhacay tobanka jiiroode) erayadaasina waxay ahaaayeen markii ugu horeysay ee iyagoo shaxda dul fadhiya ay gabadhii soo kor martey uu raage jaleecay ayuu faarax ku yidhi ereygaaaas…………..

  13. kkkkkkkkk adeer cabiqani nagaaa gabayaan darodku schoolka noogu dhigay,
    ee soo qaad gabayadii,, dhex maray NUUr Cismaan iyo Ciye dharaa,
    soo qaad Maxamud gudaal. iyo dhalinyaraii dhagax joog,
    soo qaad jacalkii Daahir iyo gabdhii cadaray,,,
    adeer suugaan sax ayaa buuxa wxani waa sheeko laino ameeyay, ee nagdaa,,

    • Shekhawi horta wan ku salamay acw kadib walal dadkan aad magacyadooda aad xustay waxa dhacda inay ahayen dad somaliyed oo xusidna mudan tarikhdooduna aynoqon lahayd mid aad uxiso leh lakiin tarikhda awawyahaa ayaa hagraday oo soo bandhigi wayay haday xadaarad la aanta reer konfurka xiliga ahayd iyo haday ahayd midnimo la aan jirtay. mida kale walal haduu daarodka Illahay ugu talagalay inay noqdan madaxda somaliyed meel kasto lajogo oo wax kala hagmayaa uunan jirin la aantod waxan qaba inayna wax dhib ahi kujirin hadii ay kuway taarikhdoda garanayeen idiin dhigaan midaana waxa ku cadaynaya hadda wax daarod ah oo konfur hada saameeya majiree hal qof oo tarikh leh sogudbiya. Qoragu wu mahad sanyahay tarikhduna waa oral history oo waxa laga yaaba meela badan oo akhristayal badan ay wax kaga dari lahayeen inay dhacdo ee ninki wax kudaraya way ufurantahay ayaan jeclahay isaga oon dhalilayn isku dayga xiisaha leh ee qoraaga. Mida kale ani ahaan aad ayan ujeclahay inan akhristo sheekoyinka iyo tarikhaha adveture ka ah ee bulshooyinka somaliyed. Waxana xaqiqo ah inay jiraan shekoyin xiso leh oo kadhax dhacay bulsha waynta somalida. Wad Mahadsantahay.

    • adeer shekhawi makii Geel loo heeso Goroyo ha,uheesin taasaan kugula talinlahaa midakale maxaa kuudiiday adiga sida Daarooka inaad schoolada ku dhigto suugaanta aad sheeganaso

  14. saxid waaan leehay walalkay wax kastoo konfur ka yimaadaa waa samays,,
    makaan yaryarayn ayaa la nogu dhigi jiray scoolada,, ma ahayn wax sax ah waa hawraar samaysa, oo tarikh lagu samaysanayey,,,,,umana malynayo in ay run shegayaeen,,
    ee tarikhda waqoyiaa lagaga hortagayey,,,,,haddi aad soo qoro gabadaa.
    io kuwii uu tiriyay YOOLac,, kuwa yoolac baa ka murti badan,, makaa cabdiqanow naga dhaaf,,shekhada diin iyo dacawaa borotamay,,,,,,,,,,,,,kkkk eee wax run ah oo qor,,

  15. Kkkkkkkkk sxbayaal waxad moda dodina inad fadhidan shirki dib u heshisinta e somalia. sas ma aha shekadu tan waxay ka dhacday jijiga wana sheko caruf ah.lakin ma aha inad galisan suganta somaliyed qabyalad. oo intad rag magacyadod tirisan ad dhahdan hebelba dhama.kuwa ad shegaysan wa lo bahanyahay e so qora, lakin xaga gabayada waxba in yar erayada la,isticmalaya yara qaldan. waad mahadsantahay qoraga

  16. Aad iyo aad buu umahadsanyahy Qoraagu Waana Qisa Taarikha ah oo caano Marlbaad iyo mir seddexadba waad mahadsinathin

  17. Waan idiinsalaamay akhyaarta qoraaga sheekadan aad ayuu umahadsanyahay laakiin sheekada qaybo ayaadan kasheekaynin markaa daraasaadka dib ogu noqo … teeda kale Ma aha niman taariikhdooda lagu murmo garad faarax wwal iyo raage ugaas ee waa ragga oogu cad-cad suugaanta somalida. somaliya murtida labadan nin way boobtay waayo labadooduba waxay kasoo jeedaan reer ethiopia marka waamaxay waxaad kumurmaysaan?

  18. qoraaga aad ayaad umahadsantahay lkn taariikhda labadan nin inta kaadhiman waxaad usoo doonataa jigjiga university deprtmnt of sociology.

  19. Aadbaanku salaamayaa qoraaga qiimaha badan ee wax ka qorey qisada dhabta ah hadi aan inyar meelka hadlo geeraarka shaxda waxaa bilaabay faarax wil waal oo ula kac gabadha ugu yiri so labiso oo so xiro kuul xiliga la xiran jiray oo shanqareysay ani yo farax geedka nagu so mara oo iska dhiga wax awrta raadinaya markaasey iyagoo geedka fadhiya so mareen 2 gabdhood oo midi aad u labisantahay waydiiyeena awrti ismajiirki danbe ayuu raage dhaayaha la raacay …………

  20. qoraaga horta waxaad isku dayday inaad wax nooga sheegto qisooyin dhacay qarniyo hore laakiin taariikhda sideedaba lagama beensheego taariikhduna intaydoontaba hajirtee waa lahayaa siday u dhacday oo dhab ah, markaa waxaan rabaa qoraaga hadii uu run sheegayo oo ay arintani dhexmartay labadan nin hal su’ aala un baan waydiinayaa oo waliba aad u sahlan waa hadii uu raadiyey dhabta ilayan markaad rabtid inaad umada u waranto ama aad qiso dhacday wax kaqorta xaqiiqdaa laraadiyaa oo waraysi badan baa lasameeyaa si aad u ogaato taariikhdaa inaad sal iyo baarba u hesho marka hadaad baadhitaan badan ku samaysay taariikhdan, magaca garaad wiilwaal alle hawnaxariisee muxuu ahaa faarax lama odhanjirine? imisa caruura ayey lahaayeen labadan nin markay qisadaasi dhacaysay hadey lahaayeena magacyadooda manoo kala sheegi kartaa ?hadaadan intaa midna haynin waxad qortay wax badan baa isku dhex jira oo khaladaad ah markaa dib ulaabo oo soo raadi halkay dhabtu taalo waad taqaanaayoo waad helikartaaye hadii kale iyadoo dhamaystiran anagaa kuu hayna ee nalasoo xiriir iyadoo aan wax cadiifad iyo cay midna lahayn sababtoo ah waxaa fiican in taariikha run laga sheego midna aan kuu sheego labadan nin aniga midna waa reer adeerkay midna waa reer abtigey anigoo aan taa midna u eegaynin waxaan doonahayaa inaan taariikhdu waa maguuraane siday wax udheceen iyo labadii nin ee ay arintani soo dhexmartay aan uu saxo mana ahayn wiilwaal iyo raage ugaas laakiin waxay ahayd raage ugaas iyo garaad axmed oo ahaa wiil uu garaad wiilwaal dhalay ee garaad wiilwaal iyo raage ugaas isku da’na ma aha markaa walaal dib ugu laabo odayaasha taariikhda xafidsan koley wax dhiba majiro oo waa thaariikh hore dadka ay labadaa oday kasoo jeedaana waa labadayda gacmood sidaan horayba kuugu sheegay hadana dad meel kala jira maaha oo waa reer absame waana gob wada dhalatay aduunkuna aduunkan hada ah maahayne ee wuxuu ahaa aduunyo ilaahay aanu karajeyneyno inaanu xor noqono markale oo uu ilaahay naga korqaado gumaysigan wayaanaha ah ee lahadhay absame dhamaantii iyo soomaalida kale ee ladagtaba amiiiiiiiiiiiin

  21. Asalaamu alaykum runtii waa dhacdo aad u fiican kana tarjumaysay taariiqda wayn ee SOMALIDA leedahay waxaana abaal wayn mudan qoraaga soo qoray iyo faah faahinta uu ka baxshay waxaan kusoo qaatay dugsiga sare ee magaalada MARKA gobolka SHABELLAHA HOOSE sanadadii sideedameyadii ma aqaan sida aan kuugu mahad celiyo laakiin waxaan ku leeyahay JAZAKALLAAHU QAYRAN waxaan kaa sugeynaa sheeko kale oo aad u xiiso iyo xikmad badan mahad sanid, sidoo kale illaahay ha u naxriisto RAAGE IYO WIILWAAL IYO LABADII GABDHOOD

  22. Fardo la iso hayo,maxaa la isugu faani,hadii qiso qabiil leeyahay tahay iyo hadii mid soomaaliyeed ay tahay,qoraagu wuxuu isku dayey in uu taariikhda umada somaliyeed wax inaga xasuusiyo.haduu sheeka wax ka khadeyna,ninkii garanayaa ha saxo,laakiin DULINIDA IYO DUCUFKA QABIILKA HA LA ISKA DHAAFO,NINKII SUUGAAN IYO SHEEKO SOOMALIYEED HAYAA HASOO QORO,BAAHI BAAN U QABNAA INNAN DHAMAANTEEN URURINO HIDAHEENA IYO DHAQANKEENA,GOBOLKEY RABAAN HA YIMAADEENE,DADKA JIRADA QABIILKU DASHATEYNA,ILLAHEY HA U LAABTEEN,QABIILKU JANO BA BIXIYO,

  23. AAbi runtii aad ayaan u waafaq sanahay, walaalow qabyaalada inaga daaya, aynu si wanagsan isugu soo gudbino ninba tarikhda somalida iyo suganta intuu ka haye….
    YAYNAAN AFLAGADAY QOFKA IS HOWLAY EE SHEEKADA IYO GABAYGA QIMAHA LEH INOO SOO URUURIYAY, Mahad naq Qoraga ayuu mudan

  24. waaaaaaw

  25. Aad ayuu umahadsan yahay walaalkeena soo qoray taariikhda Raage ugaas iyo wiil waal gabayada raage ugaasna aad ayaan ula yaabaa mar walba oo aan aqriyo waana aabihii suugaanta soomaaliyeed aniga aragtidayda.

  26. Dhacdo walba oo somaliyat aruri melkasta ot jogto Allena kacabso

  27. Waxaa mahad leh Alle(s.w)boogadin mudan Qoraaga sheekadan kulmiyey,runtii aniga waxan dhihi lahaa,uririyaha Qisadan Raage Ugaas hawl weyn buu qabtey, waana kumahad sanyahey.
    Waxaan jeclahey mustaqbalka inan iyadoo Filin ahaan ah aan sameyo.
    >dadkiina is afxumeynayow, hawadana miyaad kudhex qabyaa- ladeyneysaan?
    Dadkase aan u ogoleyn soomaali/ qowmixad kale-suugaan iyo taariikh iney yeeshaan weynu garaneyna.
    Allaha u naxriisto halyeyada kala ah 1-sayid M.C.Xasan 2-Raage Ugaas warfaa.
    3-Qamaan bulxan 4-M.Cumar dage
    5-iyo macalinka weyn caankana ah,{Dhoodaan}iyo kuwa badan oo aan halkan kusoo koobi karin.

  28. Waxan u mahad celinaya qoraga shekada wa qisa layableh waxana iga yabiyay gabayada laysugu jawabayo iyadon ladiyarin

  29. Magacaygu wa c/risaq cali sacid waxaana ku suganahay cairo Egypt Ugu horeyn alle aya mahad leh marka xigta waxan u mahad celinaya qoraaga sheekada wlhi waa dhacdo aad u cajiib ah mudunah in la diktoonaado gaarhaan ragga loolanka ka dhexeeyo in loolankooda aysan u leexin dhanka dumarka oo sidan oo kale caaqibo xun ka dhanlan karto mhdsndn

  30. KOLAY WAA SHEEKO ISOO JIIDATAY.WAXAY XANBAARSAN TAHAY TAARIIKH,

  31. asc marka hore waaan kulsamayaa sxb dhamaan dakii isku taxalujiyay inay qoraaan taariikhdan lkn waxa jira in aaad mooda in magac dadka qaarkii raadinyaaan iyo inay waalayihiin iyo kufsigii lasheegay ee dhoodaan sheegay uu alaha markii umada lakufsaday ee uu kacaankii kufsaday ayaan anna kufsaday suganta ayuu yidhi marka waxa anna tani iila eegtahay sidaaas walalayaal taariikhdu waa dhaxal in sida ay tahay wax looga sheego weeyaan in magac laraadsado oo magac ninkale saaaro ,maaha meesha laba qarni oo islahayn ayaad isku kenteen wiil waal cid dishay malaha waxa uu udhintay sida cadiga ah dadbaa meesha timid xanuun waa geeriyooday allaha unaxariistee garad xirsi farax xirsi xadun ninka ay gabadha kuloolamayeeni waa axmed xirsi faarax xirsi wiil waal waa wiilkii uu dhalay wiil waaal weeyaan maaha wiil waal iyo raage ugaaas isku qarniba maahayn ee walalayaal halaga daayo kufsiga taariikhda dadka qaarba madamaa uu magac dheera kudoonaya magac mida kale hadayba dhacdo boqor dhan oo ilaaladiisu gees socoto nin kaligiiya oo socda oo lasheegayo inuu gabadh soo doontay intuu dilo garaaad dhan oo xiligaa awood kulhaa ilaa harar miyigeeda oo maamulkisu gaadhsiisanaa intuu dilo manabad noqonlahaa ma aqligaa milixoobay somaliyeey idinkaa ayaan idiin dhiibaye alla maxa la riyoonayaa somali waxa ay meel ugaadhi wayday waxa weeyan waxkasta waxa ay kasheegayaan been wiil waal rage mana dilin isku qarnina mahayn waxa uu ahaa axmed xirsi walalayaal taaas ha la ogaado axmedna qolxadkii kuma dhiman ee wuu dhawacmay dadkaasi maahayn dad libintooda lalaseexdo xaaranbay katahay waa sidaa qorow aadna waad umadsantahay lkn somali ayaan wax u sheegaynaa in lakufsanyo taariikhda

  32. RUNTII WAA MUC JISO IYO AMA KAAG WAXAN WIILKAN YAR MEESHA SOO DHOODHOOBAY EE UU TAARIIKH KU SHEEGAYO DEEGAANKA SOOMAALIDU SIDAY UDHANTAHAY TAARIIKHDAN WAA LAHAYAA MANA AHA WAXAAD MAREEGTAN MAANTA KU BADALI KARTO INAAD BADASHANA WAXAY KUGU QAADANAYSAA 100 SANO KOLKA AY DADKAN MAANTA NOOLI DHAMAADAAN EED WAYDO WAX SHEEKADAAS HAYA LAAKIIN MAANTA TAASI SOCON MAYSO HADAAD IS TIDHAAHDO OGAADEEN TAARIIKH U RAADI AANAY LAHAYN MA SIIN KARTID MID AY LEEYIHIINA KAMA QAADI KARTID KOLKAAS ADEER INTAADU HA KU DEEQDO SABAAN AAKHIRKAAD SOO BAXDEE , NINKA AAD KA HADLAYSAANA WAA INA WIIL WAAL KAN AAD GARAB ERYAYSAANA WAA RAAGE UGAAS OO AABAHII DHAGAX MADOW RIYO KU MAALAAYAY INTAASNA INAAN DHAAFIYO MA RABO HADII AAD HAWLAHAN AAD KU JIRTO KA BAXI WAYDO ADEER EE TAARIIKH ROGA AH XATAA WAXAAN ARKAY WAXAAD KA QORAYSO WIIL WAAL ADIGOO ARIMAHANI KAAYIHIIN CUQDAD , WAAN KU FARAXSANAHAY HADAAD KU CAAFIMAADAYSAAN OGAADEENOOW ISKA ILOWDAAN 100 KII IYO 100 KII ISHA LA,AA EE XUJADA AHAA WAX BADAN BAANU HAYNAA OO TAARIIKHEE ADEER HA KA BEEN SHEEGIN

  33. K.k.k.k sxb inta bdan shekada wad qorty lakin in ben aha bd ku dartay in kalana wad katagtay lakin wad mahadsantahay hadadba inta qortay

  34. Maxaa laga odhan allaha unaxariirso Allahabad cadaabo wiil yaroo tug ah oo ehelu Nar ah ayuu ahaaye ma Ogaden ayaad mooday anu waxaan kayaabay ……….!! Idinkoon Ogaden Ahayn saad unooshihiiin

  35. asc walalayaal marka hore waaad salamantihiin salaan kabacdi waxa meesha kamuuqda dad magac raadis ah in meesha aan ku arkay wxaad moodaa marki kacaanku umadii kufsaday inay dad kalana ay suugaantii kufsadeen oon magacooga sheegayn intaas kabacdi waxaaan somalida ushegaya in been iyo mala awaaal umada laga dhaadhiciyay waxaasina waa waxa somali iskugu haysato ilaa iyo eega ahmed guray cidii kayahay somali tana waxay lamid tahay taas oo kale wiil waal iyo raage isku qarni mahayeen mise mahayn ayaa meesha taala marka hore raage ugaas qarnigee ayuu ahaa ma is waydiiseen horta walaalayaal intaydaaan wax qorin ee milixda meesha aydaaan kabuuxin iswaydiiya horta waa sandkee markay waxani dhaceeen taariikhdu waa sax sida aaad wax u qorteen lkn shaqsiyaadka ayaad ka been abuurteen maaha wiil wal waa ahmed xirsi farax xirsi oo wiil waal dhalay walaalayal kadaya tariikhda sida xun ee aaad udhaleeceynaysaan fadlan raage ahmed madalin lkn waa dhaawacay ahmed xirsi waxa uu dhalay kabacdi markii hujuunkii uu dhamaday garaad maxmuud oo talin jiray qarnigii uu ingiriisku haysatay jigjiga markaa walaalayaal ahmedna madalin awoodbadanaa ninka boqortooyo rerkiisa dhinac walba ka xigto intuu isagoo gabdh doona yimid hadana dilo garaadka besha nabad kunoqdo waa kee iswaydiiya somaliyeey markaa lkn gabaygan waxa uu mooday inuu dilay qab qab dhaafay waa waxay laba qbiil qaran kuwaydaaye walee ahmed qooqaaan kudilay qomamayn mahayo sidaa ayay ahayd wiil waal xilaga da,a ayaa soo weerar tay oo ninkan ay gabadha isku ahyaan ayaa xiligaas wadanka gacata kuhayay wiil walna waxa uu dhintay 1843 raagana halasoo ogaado halkaaas ayaaan kagaran karna inay isku wakhti ahaayen markaa waxaan diiday taariikhda la kufsanayo somaliduna khlas malaha dad magac raadisa ayaa suuqa ku sooo shaydha taariikh khaldan markaaa waxaan ka cudur daaranaya haday wax khalada ah oo lafahmi wayo qoraalkayga waan ka cudur daaranayaa waaadna salaamanatihiin dhamaantiin somaliyeey

  36. Asc sln kadib watariq mudan inla aruri yo waxanleyahay sidas iyo sikawanagsan in loxuso all asc

  37. mahadsanid sxb farax geeyd

  38. Asc wr wb ::::– maasha allaah waa arin aad u cajib ah misana leh xigmad raage wuu gabyay wuna kaso baxay xujadii lkn gartisi bey galen kkk waxa jira beyna la socan odayga iyo wil waal waxisa inkasto ey iska ahayen mar un mel cidlaa ku kala gan raage iyo asxabti la socatayba lkn qiyamadisa ku quntay kkk ragana asya afadisa meysan kala dmben cajib mowlow u raxmo

  39. Qisadani waxay noqotay, qormada loogu akhriska badanyahay HiilDan. Kontomeeye kun oo jeer ayaa la akhristay labadii sanadood ee lasoo dhaafay. Mar labaad hambalyo ayaan leenahay qoraaga sheekadan dhabta ah.

  40. Magaceygu waa cumar muxyadiin islaw ku nool xamar aadbaan uga hely qormadan iyo wixii lamida lkn marka garaadku leeyahay waan kaa qolo fiicnahay raagena uu leeyahy kaama qolo liito waxa muuqata in labada reer ay berigaa isla ekaayeen iyo waxan is weydiiyey sidey maanta u kala badanyihiin amarka ilahey ugu dambeyntii in kastoo raage uu hiilo ka dhanyahay hadana qalin somaliyed qabyaalad kama fogaado… Aadbaad u mahadsantihiin

  41. Waxaan maqalay erayo kale o la igu shegay inay is dhaafsaden markay socoto shaxdu:WILWAL=faska kaa tumed baan ihiyo fidhimaan licayn*furaashyada carbed baan i hiyo wil fanan ahe Raage: faska kaatu meed waa waxay fariba qaadaaye*furaashyada carbed waa waxay dumarku fulaane*fidhi maan lican bir baa lagu fallidhaaye ok waxa kale on maqlay wil waal o ku jwby=jawadaa jilbaha dher leh iyo jalaqsan baar waynta* ha jalecin wil bowga dhacay toban ka jirode haday ka mid tahay qisada ama aysan ka mid ahayn kala sixi deedu waa xagina Mhadsanidin

  42. Marka hore ad iyo ad ayu umahad san yahay qaraga sodiyariyay tarikhdan qaliga ah adbanan uga helay waxan jeclan laha iyada oo bugdhan ah

  43. walal waad mahadsantahay waxana ku leeyahay wixii kale ee qisooyin ah eed haysana sidaa noogu soo qor

  44. Kkk xaqiiq schoolada gabayadii daarood iyo isaaq iyo jacayladoodii uun baa suugaanta ku jireen bello

  45. Allaha ha u naxariisto raage ugaas iyo garaad wiilwaal iyo dhamaan soomaalida iyo muslimiinta

  46. Masha Allah wax bdn ka faa’iday mahad balaaran Allah aya is kaleh kadib qoraaga faarax geedhi mhdsnd adiga owner ka web iyo dhaman shaqalaha

  47. Masha alah ad ayan uga mahad celinayaa dhaman inti wax ka geysa tay qormadan cajibka ah wad mahadsantihin sida quruxda badan o ad u kenten qisadan ad ka u macan dhacdana ka hor 1 qarni iyo 70 sano masha alah waxan idin rajeyneyna inad iyan ino so gudbi dontan qisada iyana dhex martay ugas xirsi wil wal iyo wilki u aderka u aha mahadsanidin dhaman

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: