Waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan warbaahinta dhexdhexaadka ka ah arimaha Murugsan ee ka mid noqday nolasha dad-badan oo ku kala-nool daafaha dunidan maanta.
Intaa kadib waxaanu halkaan ku soo gudbinaynaa qoraalo noqon doona kuwa taxana ah Haduu alla idmo kana hadlaya ( Saboolnimada iyo Hodontinimada ) inagoo ku horeynayno Dhanka saboolnimada cuskanayana inaan laba jir caano waayin, lix jirna waxbarasho Waayin, labaatan jirna la’aasin, lixdan jirna caydhoobin. waxaan akhristow ku Bilaabayaa Gabaygii dardaaranka ahaa ee sayid maxamed cabdula xasan waana sidan
Doodna waxaan u leeyahay dumarkiyo caruurta
Dadkii idiinka weynaa hadday idin dulleeyeen
Dembi kama ay yaabine. cuntey idinka doorteen
Duunyaa la dhaafsaday dugsigaad galayseen
Dameerkuna ma yeeleen halkay talo ku daysteene
Dab intay shideen bay dalaq idinku siiyeen
Doox intay qodeenbay ciid idiinku daadsheen
Nin idiin damqanayaa idin kama dambeeyee
Haddaydaan digtoonaan daad baydin qaadiye
Duleeddada kufaartaa dacas idinku laynoo
Naf dalkaaga doonaysa firaash looma daadshee
Dabkaan aan shidayaa dawadiinna weeyee
Dariiqii rasuulkiyo dawga haka baydhina,
Aqristow maanta oo uu aadmiga sameeyay horumar aad u balaadhan. misna aad loo Hadal hayo jiritaanka duni noqotay tuula kaliya ( global village ), hadana waxaa la’ Odhankarayaa dadka ku nool adduunku wali fursad uma wada helin xubin ka noqoshada Tuuladaas, midhihii iyo hantidii laga helay caalamiyaynta dhaqaaluhuna dad kooban ayay Gacmaha u gashay. saboolnimada aadka u baahday ee gaadhay gun iyo baadhkuna waa Dhibaatooyinka ugu weyn ee aadmiga intiisa badan soo foodsaartay qarnigan,
Xaqiiqdiina maanta waxaanu ku nool nahay duni hodanku hodonnimo sii siyaadsanayo Saboolkuna saboolnimo, guud ahaana waxaan ku nool nahay duni hodan ku ah Mashaqooyinka laakiin sabool ka ah xal u helida.
Xaalada saboolnimada aduunka ayaa ah su’aal la’isweydiin karayo maxaa laga qabtay saboolnimada, maxaa laga qabtay shaqo la’aanta, maxaa laga qabtay sinnaan la’aanta.
Hadii markaa saddexdaa arimood ay hoos uga dhacaan heerkii sare ee aay joogeen shaki la’aan waxaa la’odhan karayaa horumar ayaa la hiigsaday, balse hadii mid iyo labo gaar ahaan hadii ay saddexduba kasii daraan aqristow waad qiyaasi karaysaa halka geediga uu u hayaamay waa gaajadii iyo macaluushii labaxday ( Cago Barar ) oo kale ee ka dhacday deegaanada koonfur-galbeed ee soomaaliya horaantii 90 dii. tusaale ahaan maggaaladii ku caan baxday Beydhabo Janaay ayaa noqotay Maggaaladii Geeridda waxayna ahayd halka ugu badan ee uu ka soo go’o Hadhuudhka ama Masagada. waxaana ay dadka degan gobalka Bay ee xaruntiisuna tahay Baydhabo ku faanaan ( Madhayta iyo Mooro- Gaabay Lang Maale ya Seede ) micnuhuna waa Madhayta iyo Mooro-Gaabay nin Maal-Qabeena ayun baa Tagi karaya ama Dagi karaya,
ma garanayo qaab haan ku cabiri karayo muuqaaladaasi naxdinta lahaa eek u habsay dadkeyga soomaaliyeed hadaba waxaanu idiin soo gudbinayaa meerisyada soo socda oo uu tiriyay abwaan Mustafa sheeq cilmi waana sidatan.
Daaduunka gaajada wixii haan la daban deebnay
Lafo aan dub iyo harag lahayn daqaqamnee luudnay
Wixii ina daymoodaa saseen dayga arageena
Sidii duul qiyaamaha ka yimid dunida ay yaabtay
Annagoo dibjira oo lix qada oo diirmeen lugaheena
Dube noogu dhacay lacagtii sheega meesha lagu Duugay?..!!!
Aqristow waxaan qaybtan koowaad ku soo gabo-gabeynayaa xadiiskii nabiga( S.C.W ) ee ahaa( Ima Rumeyn Ruuxii Dhereg ku Barya Dariskiisa oo Baahan )
isha tixraac saboolnimada side looga baxaa W.Q. c/saciid cabdi ismaaciil
kolkaa lasoco qaybaha kale haduu alle idmo by abroone
Categories: Warka (News)
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Mr Abrdoone, aad iyo aadbaan ula dhacay qormadan, waa DanYare vs DanBuurane, oo waligood is hor taagan. Kan buurani ma buurnaan karo haddaanu mid caato ahi jirin. Waxan ka wadaa xagga jeebka.kkkkkkkk
Khibrad aad u ballaadhan ayaad u leedahay dalkaaga hooyo, waxana kaa muuqata dal iyo dad jacayl aad u qoto dheer.
Many thanks
waan ku salaamay saaxiib hiildan. salaan kadib waxaan ku leeyahay waad ku mahadsantahay bogaatintaada wacan.
(geegii mariidi heer bakoolaa haaye hadunse heer dilla wu
doogaas dheegtee arow. ) midna ku darsoo dadkaygii alla waxuu ka dhigay dameer malabsida odhaahdii cali tadhase alla yaa raxma kolkaa saboolnimada iyo hodontinimada way jidhaysaa siday u jidhi doonto cunsuriyada ka taagan somaliland gudaheeda mahadsanid
asl alykm mr abroone inaar marka hore aad baad ugu mahadsan tahay qoraaladan qiimaha leh ee aad soo qorto runtii waxaana odhan karaa waxaa ka faaiidaysta dadbadan oo siyaabo badan uga kala faaiidaysta haday noqoto taariikh iyo baraarujin wacyi badan oo dadka u hoosmara. waxaana kugu baraarujin lahaa inaad buugaag ku qorto qormooyinkaaga iyo taariikhda aad hayso. oo aad ka dhigto wax u hadha inta soo socota. iskuna day inaad u istaagto inaad buugaag qorto wixii kharash ahna dadkaaga ka aruuri markaan leeyahay dadkaaga waa inta kula fahmaysa micnaha ay u yeelan doonaan buugaagtani umadeena. oo aniguu aan kow ka ahay. wcwslm. thnx brother.
galayr from usa
beesha samaroon waxaaleeyahay
geedka xornimada la yiraahdo waxaa lagu waraabiyaa [dhiig]
aan gardaro lahayn iyo dulmi toona aayahana waa lagu xisaabtamaa ka fekara mustaqbalka ubadkiina iyo taariikhdooda taageera maamulka awdal state
qaata fikirka faysal abroone iyo madaxda awdal state
ku noolaada mustaqbal ifaya iyo nolol aaya tiinleh
somalia somali baa leh