Qaybta 3aad: Dhagar Qabayaashii SNM

Qore Dr.A.Barkhadle.I (Waraabe-cadde).

Qabtii Saddexaad, ee gumaadkii ka dhacay waqooyiga/Galbeed  gobolka awdal, ee sida arxan daradda ee u geystey ururka dhagarqabaha ee SNM. Dhacdooyinkii ugu waaweynaa waxa ka mid, 1991kii bilawgiisii markii dawladii dhexe burburtay, galistii magaaldda iyo tuulooyinka  tacadiyaddii ay u geysteen :sida  Ceel-Gaal, Bashiirqarni, Aasho-caddo, Dixda waraabood,  , Tokhoshi iyoLawyacdo iyo magaaladda Saylac, dadkii mataada ahaa ey ugu tageen way gumaadeen


Taariihkdu markay ahaydbishii jan1991kii waxaa gacan ku dhiigalyaashu bilaabeen in xasuuqaan dadkii degannaa  dhulkaa aan soo sheegay waxayna ku laayeen tuuladda ceelgaal Cirroole carruur iyo haween  tiro 15qof bay dileen oo dooxa ku aaseen,xoolahiina waxay ka xaysteen sidda geelii, iyo arigii tiro dhan 250neef oo geel ah iyo 236 Ari ah , Degaanka bashiirqarni oo u jira 35km, dhinaca  waqooyi waxay ku dileen dad gaadhaya 10ruux oo isgu jira haween iyo caruur jamaacina wey u aaseen.

 Tuuladda Aasho-caddo waxay ku laayeen dadkii deganna sida cabdillahi oo ku lahaa makhaayad , caruurtiisii, xoolahiisiina way dhaceen geel iyo ariba . Degmada saylac markay soo galeeen waxay masuul uga dhigeen gacan ku dhiigle cawar xareed wuxuuna ku laayey dad fara badan oo rag iyo dumar isugu jira iyo waliba masaafur socday jiodka oo uu baabuurtii kala degey waxaana lagu qiyaasey ilaa 36 qof maalintii ugu horeysay. Intii kalena waa haldhabaaleysanayey cawar, dadka qaar uu soodhka ka geliyey caloosha ayaa dhiig bax u dhintey qadar saacado ka dib, qaar wuxuu ka kaliyey soodhka gacanta sida wiilal yar ,  oo da’ diisu  dhaneyd markaa 18sanno, qayladiii wiilkii yaraa waxaa iigu maqal ah inuu ku waashay.

 Tuuladda tokhoshi dadkii degannaa waxii barakay ee maqlay dilka ka socda saylac ma ahinee kuwii kale ee hadhay waxay ugu yimaadeen goor fiid ah, tiro dad gaaraya 60ruuxna dhegta ayay dhiiga u dareen dabadeed waxay u gudbeen lawyacado halkaasay ka sii wadeen xasuuq, masuulka ugu sareeyeyna wuxuu ahaa cawar xareed……dhamaan dhulkaa aan sheegay waxii adduun yaalay way la wareegeen ilaa maantana cid isweydiisey ma jirto kuwii xasuuqaa geystayna waxa lagu magacaabaa mujaahidiin.xoreeyey dalka una soo halgamay , dadkan degan dhul hadda ee lagu jihaadey ee dadkoodii la laayey miyaanay xaq u lahayn in ay furtaan maxkamad cadaalad ah, waxa laga yaabaa in lala sugayo goortay haboonaato.lakiin maanta way furan tahay , danbiilayaasha dagaalka ayna ku jiraan dhamaan hogaanka ururkas aan soo sheegay (SNM).

Markaad aragto cali samater oo saraakiishii kacaanka ugu dambi yaraa in ay sida ayda ka dabo ciyayaan, kuwoogii maatida xasuuqey ee uu ka mid ahaa xasan cali abokor, dhegaweyne, ina laxwas, axmed maxamuud farax, ismaaciil cali abokorna ay yahiin sayido ama mujaahidiin, dee ninkii ugu tol yaraa hadey kulakufeen dacwadda , aan geedna loogu nsoo gaban waa ayaan daro, iaga oo ahaa geesigii dagaalkii cadawga 1977kii, ahaana wasiiro difaacii ugu wanaagsanaa ee soo mar dalka soomaliyeed , ugu hawl karsanaa, ugu macquulsannaa in taariikhdu sheegtay waa ayaan daro,isaga ayaa maanyta ugu tol badan iidoorna ka tol badan. Waayo tolkii wa soomali oo dhan..waa muuslim oo dhan….

                                                                                          Qore Dr.A.Barkhadle.I (Waraabe-cadde).

One Comment on “Qaybta 3aad: Dhagar Qabayaashii SNM”

  1. marunbaa
    March 10, 2010 at 1:09 am #

    Gedabuursi difaac waa meel runta ka halawna waa wada kale. Waraabecade gedabuursi masuul kama aho balse waxan garan waawayey hadii uu iyaka u hadlayo maxaa dantiisa ku xidhay ta cali Samatar. Hasha geela u waynbaa la soo qabtaa markaa hadii dawladii somalia denbi gashay dee ninka ku xiga Siyaad bare Waa danbiile samatar waraabe cadoow hadaad liiska hoosta kaga jirto ood sii cabsanayso dee sug marka laguu yimaad. SNM qudhoodu inay danbi gaysteen shiki kuma jiro balse wali lama arag danbiile yidhaah waar waa ikane maxkamad isoo taaga. Taasi ninkii waxku haystay u taal balse waraabe ma reer kaa fuleh ahaa buu na leeyahay markuu tirinayo dhibanayaasha mise wax caamo ah gawracuun sugayey ahaayeen reerku waa yaabe. Gabiley buu ka soo bilaabay ilaa lawyacado. Miyayna wax dhaqaaqaya ahayn waa yaabe. Mida kale dee dhulkaad sheegayso hadii shalay isaaq haystay maantana ciise ka doobyayo runtaa isha ka riday.

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

Gravatar
WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.