Gacan ku dhiiglayaashii SNM: Dhagarqabayaashii Xasuuqa geystay, Goormaaa maxkamad la soo taagi?

Markaa maxaa dacwo loogu soo oogi waayey nimankan u talin jirey ururkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee SNM. SIDA SIILANYO, INA BIIXI, DHEGAWEYNE, INA KAAHIN , TOLWAA, INA XAASHI, CABDILLAHI DIRAWAL, CALIGUREY, IYO mujriinta kale ee degan hargeysa. Maxaa lala sugayaa miyaan xasuuqi dadkii dadkooda la laayey aaney ka dhiidhiyeyn.  Wakhtigu isaagaa iman la iskagana hadhi maayo …..

 Qore. A.Barkhadle.I(Waraabe-Cadde)


Waxaa baryahan isa soo tarayaa dacwooyin loo jeedinayo dadkii geystay xasuuqa ka baxsan  bani aademtinimada ee ay geesteen dadyaw.

 Sidoo kale waxa kaliya oo ilaa hadda dacwad lala dabo joogaa masuulkii ugu sareeyey ciidankii qaranka, kuwii dambiga galayna ilaa hadda lama hadal hayo, kuwii goboladda dhexe waqooyi aglbeed,  marka dhacdooyin fara badan baa ka dhacay dalka soomaliyeed midkastaa ba  intoy doono ha leekaatee, waxaa se nasiibdaro ah in masuul lagu shaabadeeyo dambi uusan galin iyada oo loo adeegsanayo mawqif siyaasadeysan, amase qolo yaraan .

 Waxaa la yaable qof haddii aanu garaneyn waxay kala tahay masuuliyadda qaran in dadka la weydiiyo ayaa mudan, marka la leeyahay maxammed cali samatar baa dad xasuuqey waa yaabe, ma shaqaale dambi baaris buu ahaa ma taliye dambi baadhis buu ahaa, ma taliye saldhig boolis, ma taliye nabad sugid buu ahaa? maxay ka wadaan dacwadan sarkgaalku wuxuu ahaa midka ugu sumcadda wacanle dalka , wax uu hayey oo ama uu diidi kareyna ma jirin wax uu laynayeyna ma jirin maxaa looga meereysanayaan kuwii golaha sare ku jirey ee dadka xasuuqey amarkana ku bixiyey?, marka la leeyahay madexweyne ku xigeenkii dalka ayaa dambi xasuuq ah geystey micnaheedu miyeyna ahayn reerka waan arkayaaye waa ogaan garamar?, mise dambigii ciyaalkii sakhraansanaa ee snm ay sameeyeen, eey ku soo galeen magaalooyinka hargeysa iyo burco ey dhex galeen ubadkii iyo caruurtii ey dhifeyska ka dhigteen baa lagu masaxayaa? oo la leeyahay ciidanka guryaha dhexdooda rasaasta ha kaga soo rideene iyaan ciidanku rasaas ridin caqliga lagu xisaabtami waa kee, waad aragtaan adduun meelkasta oo ay jabhadi gasho ama caruur iyo haween ha noqto, ama godad ha noqdeene laguma daayo , waad aragtaan afqaanistaan, iraq, yemen, Saudi carabiya, falastiin, algeeriya marooko, sudaan, nageriya, iwm cid kasta oo isku dayda dumis qaran in gacan bir ah lagu qabto .

Haddi la rabo in dadkii dambiyadda galey la soo taago waxaa ka xun kuwii sumeeyey barkadihii goboladda dhexe markii beesha majeerteen baxeen barkadahii la sumeeyey kuwii sumeeyey ee laayey dadkii iyo duunayadii  iyo xitaa duur joogtii baa ku dhamaatey shimbirahii baa ka darnaa ,een  aan la soo qaadin, kuwii xalaaleeyey dumarkoodii in la mehersado, caroortoodii in la cirib tiro, dalka in la tiro qawmiyadda degan, kuwaas waa ka midaa  Dhegaweyne , ina Cali abokor oo aha saraakiisha ugu sareysey ciidankii agaas, maxaa loo gara marayaa miyaa wax laga qabto inta la cambaareyn madexweyne ku xigeena.?

 Baroortu naysha ka weynee waxa lagu qarinayaa xasuuqi ay geystey ururkii SNM ee ka dhacay Gobolka awdal iyo degmada gabiley sida: magaaladda boorame 1991kii, markii ay soo galeen gacan kudhiiglayaashii SNM iyo  ciidankii axmaarkuna  ay taageerayeen dilkii , xasuuqi ay ka sameeyey dadkii wali la isma weydiin , meel kaliyaa  lagu aasey meyd gaaraya 3000 qof , waana magaladda borame, kuwii geystay dilkaa badheedhka ah baana maanta u taliya wax lagu sheegi soomaliland, kuwaas oy ka mid yahiin, gacan ku dhiigle Muuse biixi, gacan ku dhjiigle Maxamed xaashi, gacan ku dhiigle, Maxamed kaahin, gacan ku dhiigle Cabdirahmaan aw cali, gacan ku dhiigle ina Yoonis waaba dhintaan u maleynee , gacan ku dhiigle Siilanyo, Nacnac, iyo Dhamaan ururka kulmiye ku ugu sareeya ee ah hogaanka xisbiga haya talada xisbiga kuna hanjaba dadkaan cunnaa.

 Ila intaas oo kaliya kuma dhanna cadawga SNM. Dhibta uu geystay, waxaa ka mid ah

Dhulka xasuuqa lagu sameeyey sida, Gabiley oo algu diley 500 dad gaaraya laguna aasey dooxa, magaaladda arabsiyo oo lagu diley 150 dad ah laguna aasey dixda arabsiyo, kalabeydh oo lagu diley 125 dad ah , laguna aasey meel u jirta magaaladda 5kiloomitir, magaaladda dila 2500 dad caruur iyo waayeel isgu jira laguna laayey goobtaas , magaaladda tuli cagaagen oo lagu diley 25 ruux oo caruur wiilala ah u badan, magaalo cad oo algu laayey dad farabadan goor habeen saklaadii subax ay tukanayeen, magalda wajaale dadkii lagu xasuuqey , magaldda aylbadey dadkii lagu laayey oo intaba aan ka yareyn 250ruux oo oo iskugu jira dumar caruur iyo waayeel. Magalooyinka kale sida magaaladda gorayo cawl oo lagu diley 75 ruux oo isgu jira dadwaaweyne ,caruur iyo haween, iyi xasuuqii banana ee ka dhacey magaalada boorame laguna laayey caruurtii, haweenkii, dadkii ku jirey isbataaldaa, kuwii guryaha  jiifey meydkoodii haadka loo wadhey ee lakal aasi kari waayey mudadda dhan tabada todobaad.  xabaalahii wey way sii muuqdaan. Markaa maxaa dacwo loogu soo oogi waayey nimankan u talin jirey ururkii gacankudhiiglaha ahaa ee SNM. Sida,  SIILANYO, INA BIIXI, DHEGAWEYNE, INA KAAHIN , TOLWAA, INA XAASHI, CABDILLAHI DIRAWAL, CALIGUREY, IYO mujriinta kale ee degan hargeysa. Maxaa lala sugayaa miyaan xasuuqi dadkii dadkooda la laayey aaney ka dhiidhiyeyn.  Wakhtigu isaagaa iman la iskagana hadhi maayo …..

Wax la is cafinayaana ma jirto ilaa in ta la keenayo gacankudhiiglayaashii  geystay xasuuqa wax la yiraahdo soomaliland o oak shaqeyn doontaana ma jiri doonto dacwadanina waa mid aasan markeedaa la soo saari……

Intaas kuma soo koobi karo wey ka badan tahay dambiga meesha ka dhacay 21kii sanno ee dalku bilaa dawladda ahaa, dhacdooyinkii is-daba joogey ee 2009kii baa ka mid ahaa iyo kuwo badan oo kale, dib baan idiinku sheegi. wa bilaahi tawfiiq.……                                                       

 Qore. A.Barkhadle.I(Waraabe-Cadde)

28 Comments on “Gacan ku dhiiglayaashii SNM: Dhagarqabayaashii Xasuuqa geystay, Goormaaa maxkamad la soo taagi?”

  1. tryet
    March 7, 2010 at 4:59 pm #

    ilaahay kabaq
    beenaalaatehee
    cid wax idin yeesha majirto hadaanu markii idin garaaci lahay
    sidii reer xamarku ugaraaceen daaroodka
    ilaahay sidoo dookeluu imika noo imtixaami lahaa markaa
    inta yar ee aanu ku dhaqdhaqaaqaynaa waaa aargoosi laaan hadaanu idinku soo dhaqaaqi lahay n walaahi inanad maanta webkaa wax ku qorteen danbaskaanu idinka dhigi lahay

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. xaqsheeg
    March 7, 2010 at 6:15 pm #

    adeer beenta iskadaa maxkamad tan ka weyn oo tii ilaahaya ayaa lagu soo taagi doonaa waayeel baanu nahay wax dil ah oo loo geystay dadkaasi majiro anigu waxaan umalaynayaa inaanad ahayn nin udhashay goboladaa aad leeday dilbaa kadhacay anagaa degene xageed ka keentay warkaa anagaa udhalanay wuxu yahay gobolkuna garanayna ee been dadka ha ka dhaadhicin. siilaanyo iyo mujaahidiinta aad tirisayna ilaahay khayr ha siiyo wadankay noo xoreeyeen hadaanu nahay reer awdal somalilandna way waaraysaa anagaana garab taagan ee adeer ha sheegan meel aanaad war uhayn. oowax isku fal hadaad in uun tahay bini aadam….

  3. Yusuf Omar
    March 7, 2010 at 7:47 pm #

    Gadabiirsi waa wada XIN IYO XAARWEYNE, ka sidan u hadlayaa waa Ciroolohooddii. Maalmahanan websiteyadooda oo dhan UGAAS hinaase yaa ka socda, walee meel ma gaadhaan.

    Hadda beesha dhexe ayaa casuumtay UGAASKA CIISE, tolow maxay ka odhan. Waxa kale oo loo fidiyey in HARGEYSA yimaado, tolow maxay odhan.

    Saylac anagaa leh ayaa maqlayey, Ahmed Guray gadabiirsi weeyaana maqlay,xadaaraddii Awdal gadabiirsi ayey ahaydna maqlay. subxaanallah waa beenta joojiya.

    Boorama waa Baki, Saylacna waa Awdal waxbana kumaydaan lahayn xadaaradihii hore, ee beenta jojiya

    ABTIYAAL SEDKIINII HORE IYO SADAQADDII DOONTA
    AMA SEERIHII BOORAMA IYO SUBULO WAYDAARTA

  4. aamina
    March 8, 2010 at 3:04 am #

    Idoor masaakiinta ayuu dacweeyaa, in ay jilic samyihiina waxaad ku garanaysaa nikii ugu tolka yaraa ayay haytaan ee Cali Samatar bal halyeeyada kale taabta aaway ragii Jasiira ragiina ku laayay bal car ka hadla Idoor cuqdad badanaa ma yuhuudbaa inta Soomaali is xasuuqday inta daarood la laayay inta Hawiye la xasuuqay cid dac woonasa arki maysid iyaguunbaa waan nala laayay da haya ma Holiccoostii baa hargaysa ka dhacay waxaad qaran dumiseen iyo Fidnadaad kiciseen qoortay iniigu duuban tahay ilaa maalinta qiyaame (Al fidna Ashad mina Qatal)
    Gadabuursi ilaa Amxaaraad usoo kaxaysateen maalintii siyaad barre dhacay Djibouti iyo Amxaaro iyo Iddoor baa soo weeraray waxay Itoobiyo noo gaysatay mooyaane ma aanad wax qaadeen laakiin ku mahadiya migiste waataad Siyaad bare oo bil sii maqan ku soo dhici waydeen Hargaysa ilaa Ciidankii Kaarayaasha itoobiya soo Galeen Borama Talaabo waataad qaadi waydeen Ceebtooda IIdoor gurigii Habaryartood ayay Dilla ku bililiqaysteen oo Gabilay ku dhisteen waxaan waalid aqoon weeye oo caaq ah

    • ku bakhtiiye
      March 9, 2011 at 8:51 am #

      gadabuursaw waxaad ahaydeen faqashtii hiimada lahayd kuwii hiilka nagaraacay isaaqna teelo umaydaan dhigane dhankiinaad ka xasuuqayseen snmna waxba idiimay gaysan ee hadii cagta sifiican la idiin marin lahaa oo intii aad isaaq disheen la idinka dili lahaa hada maydaan nadaba yuus yuusteen hada soomalina iyadaa galabasatay waxa hada ka dhacaya oo cuqubo ohalkii lagu galay caw ku hurudaa, dulcad waxaa na dhigay xamarna waa lagu dambaysiin dib u noqo balaayooy afweynaa kusoo diraye waataanu nidhi tiibaana hada ka dhacaysa oo waa cuqubooyinkii laga galay dad aan waxba galaysan

  5. Mohamed Abdi
    March 8, 2010 at 7:28 am #

    Dadkii lagu laayay Borama January 4,1991 ma looma oyaan ayay noqdeen inka badan 500 boqol oo qof yaa la dilay maalintaa una badnaa Caruur iyo Dumar. dhibataada ay gaysteen Muse Bihi, Ina Kahin ,dhagawayne iyo daba dhilif ina aw ali ayaa ka darnaa midkii Cali Samatar u geystay Hargeisa. Markaa Samaron waa in ay dacwad bilabaan ka dhan ah nimankan criminal ah. Ilaa inta Samaron isu haysto wax SNM sameysatay sida Kulmiye iyo UCid doqmo dheh. waar la soo baxa Horyaal amd SDA. Daba dhilifnimada ha la joojiyo. Miyaad ilowdenn dadkii dhowaan lagu laayay
    Dila iyo Gabiley dhexdooda. Idoor Darood markuu arko xaar ayuu isu sii dayaa

    • ku bakhtiiye
      March 9, 2011 at 9:00 am #

      borama 500baa lagu laayeybuu ku leeyahay waar milyaanis isaaqaad qabtaan ood shanboqol la shir imanaysaan waxba la idinkana laynoo waa la idiin naxariistee ha isu kaaya kickicinina.
      takale daarood dhafoor qiiqbaad noo sheegaysaa oonu ilaa xaaw ilaa aadan aanu aabahood ku wasi jirnay oonu geelooda qaadi jirnay oonu caqta marin jirnaybaad hada leedahay isaaq daarood markuu maqluu ka xaaraa daarood waanu is naqaanaa adigu miskiin yar oo gadabiirsi ahbaad tahaye daarood wuu nayaqaana wuxuu isaq yahay waxaan u malaynayaa inaanad maqal daarood ku xaar, iyo hagoogane taariikhahooda soo baadh kadibna ka hadal issue.

  6. hiildan
    March 8, 2010 at 9:33 am #

    Aad iyo aadbaan u salaamayaa mudane CADDE, oo ad mooddo inuu qormadan iiga horreyay, anigoo runtii soo diyaarsaday mid la mid ah. Halku dhegga qormadaasina wuxu ahaa, haddii Samatar lasoo taagey Maxkamad, Siiraanyana halla soo taago. Waa daw ay inoo fureen walaalaheen reer Sh Isaxaaq, danbiga iyaga laga galay uuni ma aha, midka ugu daran ummadda Soomaaliyeed. Dunuubta ay iyagu ka galeen qaran weynihii soomaaliyeed, yaa xisaabin kara?

    Hallays cafiyo oo hallaysa saamaxo garanay dalna halla wada dhisto, oo horey halloo socdo, balse maanu garan an dib wax u eegno, oo qaran horey u dumay waliba an hogaamiyayaashiisii qurbaha ku noolaa maxkamado soo saarno. Imisa Isaaq ah ayaa ku jiray dawladdii Maxamad Siyaad Barre , maxay kuwaas maxkamad usoo taagi waayeen?.

    Haddayse moodeen inuu General Maxamad Cali Samatar yahay nin ka dhashay qabiilooyinka la hayb sooco, miyaanay in ogeyn in Samater markuu qurbaha joogo, uu yahay ninka ugu LAAN-DHEERAYSAN, maxaa yeelay qabiilooyin badan, oo Isaaq ka mid yahay, ayaa markay qurbaha tageen isu wada dhiibay inay yihiin MIDGO. Sidaa daraadeed ayuu Maxamad Cali Samatar ugu helayaa America taageerayaasha ugu badan, Maxkamaduna u sii dayn doontaa, maadaama Soomaali badan sheegteen reeraha la hayb sooco, oo kuwaasi markhaatiyaal noqon doonaan. Isla mar ahaantaana aanay maxkamadu ku qanci karin in nin ka dhashay reer la hayb sooco, saguna wax hayb sooci karo. Dee waa wax an caqliga gali karin. SNM-na Qaranka Soomaaliyeed masoo taagi karto Maxkamad, ee in iyaga lasoo taago ayay istaahilaan .

    Waxanse aad uga anfariiraa, dadka sheeganaya reer Awdal ee ku odhanaya, SNM way na xoreysaye waxba nooma dhimin. Waa ayaan darro aad iyo aad u mug weyn, waana “An Ooyee, Albaabada ii xidha”.

  7. obsiiye
    March 8, 2010 at 11:40 am #

    waxan aaminsanahay inay tahay dhagar qaran.
    SNM ma qarankii soomaaliyeed ee ayagu dumiyeenbay hadana
    raqdiisii sii daba socdaan?, miyay ku qaboobaan
    qarankay samaysteenee SNMLAND?

  8. M Raydal
    March 8, 2010 at 11:58 am #

    Hanaga hadho Isaaq gob weeyaan gobtu ma galaayuus iyo gocasho badato, waxay soo wadaan inay kuwii aakhiro tagay maxkamad iyagana soo saara yidhaahdaan.

  9. fahmi
    March 8, 2010 at 2:27 pm #

    waxaan salaamayaa saxaafada akhristayaasha websiteha hiildan.com
    anigoo halkan kala hadlaya
    dacwada calisamatar waanu maqalnee qorshaha uu wato cali samatar wuxu yahay lama hubo waxanse filyaa inay tahay mid ku lid ah kala qaybsanaanta
    soomaaliya ninkan ina samatar waa nin daacad u ah dawlada maraykan ka
    waxaana la hubaa inuu tageero ka rabo
    dacwadana waa mid la eegayo inuu noqonkaro mid damiirkiisu sax yahay
    si uu u fuliyo qorshaha dawlada maraykanku ka rabto soomaaliya
    dawlada maraykanku waxay sheegtay inay qorshe cusub soomaaliya kaga hawl gali doonto dadka wax garadka ah waxay ogyihiin in dalka soomaaliya dibada laga soo farageliyo
    dadka aan wax garanaynin waxay ka fikiraan wax aan faaiido u lahayn sida qabyaalada iyo iyo isku dirka dadka walaalaha ah ee wada degan
    hadii aan ka hadlo dawladan somaliland waxaa si fiican loogu dhisay boorama dadka booramana waxay kala kulmeed hawlshaas culays badan iyo kharash badan oo ay u hureen si ay u xurmeeyaan martida ay gogosha u fidiyeen markii uu shrkii dhamaaday waxa u mahadciliyay dhamaan ergooyinkii ka soo qaybgalay anigoo hawshaas ka qayb galay waxaan leeyahay hawshii kuma khasasaarin midhaheediina wuu bislaanayaa ee yaan la noqonin gorofkii gambiye waxaanan ku soo gababeeyay nin qawl xun wa geed golofi ka dhacday lana socda 10 lagu yaqaano raga u liita waanan soo sheegi doonaa insha alaah ilaahay baa mahadleh

  10. Runle
    March 8, 2010 at 6:09 pm #

    Sallaan dhamaan, danbiile inaad difaacdaa waa xaaraan. Xitaa haduu adeerkaa noqdo cadaaladi adeerma taqaan xaq iyo runta oo lasheego ayey taqaanaa. Markaa aanku horeeyo Samatar wuxu ahaa wasiirkii difaaca isla markaana amaroda dadkii bixinaayey ayuu ka mid ahaa. Waa gacanku dhiigle mar hadii uu dad lahaa caruur iyo dumar gumaadey ama amarkiisu gumaadey

    Snm-tuna iyaguna waxey ahaayeen gacanku dhiigleyaal. Anigaana taa ka markhaati kacaaya oo illaahey maalinta qiyaabaha iisoo qaban hadii aan beenka sheego.Borama ayaanku sugnaa maalintaa ay gumaadka geysanayeen uma jeedo qabaa’il waxa aanka hadla yaa waa koox layidhaa snm. Waxa kaloo kamid ahaa adeerkey Cabdirahman Aw-Cali faarax laakiin ilaahey cadaalada iyo cidii u ololeysaba wuu jecel yahey.

    Inkasoon ahaa inan yer markaa waxanku sugnaa Borama downtown. Waxey sameynayeen rasaas ay dhinackasta u ridayeen laynayeen cidey rabaan kuwo kalena saacadaha iyo waxey sitaan ka furana yeen. Waxan u soo joogey iney gudoomiyihii markaa Borama isaga iyo Caruurtiisee oo markaa Baabuursaarna Baasuuke kku qarxiyeen. Snm waa danbiile yaal u maahan in reer Awdal runtii iska xoreeyaan. Nin jabhadihi meelwalba wuu gali karaa laakiin waa nasiib daro in ey reer Awdal qarsadaan dhibka iyo xasuuqa intaa leeg ee dhacey.

    Samatar iyo Snm tuba waa danbiilayaal maadaama ay gumaadeen shicib aan leh caruur iyo ciroole markaa waxba macquul maaha in la yiraa kaasi waa danbiile kankale na waa halyey. Waxa danbiile la yiraa waa marka uu nin ama koox qori sidataa qumaadaan masaakiin taasna labaduba waa iskaga mide maxaad loo kala saarsaari hadaanad qabiil iyo indho la’aan la rabin.
    Markaa siiranyo laftiisa waxa u goden in aan dacweyno sida Samatar iyo dhamaantoodba.Gaar ahaan kuwii hayey xilalaka waaweyn ee ay ku cadaato danbiyadu.

  11. fahiima
    March 8, 2010 at 9:00 pm #

    ilaahoow hana fahma guurin bal nacaska la baxay fahmi daya ee ku faanaya gogolbaan fidinoo waa lanagu amaanay kharsh badana wuu naga baxay, dhiigii dadkaaga ka baxay ma waxad siisatay ammaan, doqoni halagu amaanay daamanaka u meermeerisaa, yaa kaa fahmo yarood u sheegi kartaa in cali samatar sobab kale loo saarayo maxkamada, ilaahoow kaasoo kale waxba hanoogu darin, walaalayaal hanoo soo qorina kaasi oo kale hadaladiisa.

  12. Sidci Samatar
    March 8, 2010 at 9:09 pm #

    Yaaaaaab iyo amakaag, Waxan la yaabay Gadabuursi sii cabsoonaya markii Cali Samatar rag ku soo eedeeyeen in uu galay danbigii ugu waynaa dunida.

    Waxase iga yaabiyey, qof xabad ku dhifto qof kale, isaga oo nin kale oo madax ahi amrayo, marka la eego qowniinka iyo sharciyada caalamka cida masuuliyadaa loo qabto, jawaabta dadka xilkasta ah ayaan u daynayaa?

    Runtii qoladan Reer Sheekh Isaxaaq waa nasiib badan yihiin, dhibaatooyin badan oo loo maleegay ayey ka soo badbaadeen oo aan ugu talo-galnay.

    Runtii nin la waraysanayey oo kuwa Cali Samatar dawcwaynayeyna aad ayaa ula dhacay sida uu u hadlay, Gadabuurina waxan odhan lahaa maanta abaal aya laydiin galay oo qolada SNMta sheegan jirtay idiin galeen ee abaalka gurta, waad ogaydeen in aan kaadidooda cabsiinay laakiin illaahay ayaa haddana sidan doonay.

    Runta maysku sheegnaa, wax qolada SNM sheegata idiin dhaanta heli maysaan, haddii kale Puntland ku soo biira, iga walle in aydansan maalin joogayn ta halkan taala, hadaydaan ogolaan basaasnimo iyo balan qaad beena iyo shaqaddii hore.

    xaasidnimada yareeya walaalayaa oo websiteyada ka dhiga kuwa wax macaan oo la akhrisan karo lagu qoro, habeenka wax xun qortaaanba, waxbaa idinka sii dhici xaga illaahay.

    Waxase idinku raacsanahay in ciddii godobgashayba maxkamad la soo taago, waana arrin muhiima ee halkaasi ka wada.

  13. Juxaaa
    March 9, 2010 at 1:03 am #

    Gabuursi, Reer Sheekh Isaxaaq waa QARAN cidna uma baahna ee haddii aad dulmantihiin, socda oo is XOREEYA.oo beenta joojiya. Nin caqli lihi waxa ay ka fursan wayday ayuu sameeyaa. in laydin xoreeyo waa sii soconaysaa.

    Wali cidi isma gaadhin oo DAGAAL ma galin, xabaddu wiifto ah ayaa ku dhacay inta idinka dhimatay.

    Nin kuu digay kuma diline, maantaba diyar garooba haddii wax iska celinaysaa. ISAAQ waa QARAN,Somaliland, Somalia, Djibouti, Ethiopia iyo addunyada oo dhan.

    Cuqdadna ma qabno ee ninkii LASAAMAXAY EE DHIIGA BANI’AADAMKA AY KA GALEEN LA SEEXAN LA.

    Anigu ma soo jeesano illaa last minuteka laakiin WAAD GARAN, WAAD GARAN.Xaga kale waa aqaan inta aan wax waliba liqo kii lugta i qabtay ee cadowga ahaa in aan SAAMAXO.

    Waxad doonto sameeyoo, marka dhibi kuu dhamaato, XABASHI ayaa lay soo kaxaystay dheh abaayaaaaaaal.

  14. samaale
    March 9, 2010 at 10:24 am #

    isaaqna waxan ku nacay fudaydka iyo degdega badan, mar waxay la baxeen somaliland iyadoo loo baahnaa inay aad uga fiirsadaan magaca iyo mabd’a go’itaankaba. imikana iyagooba aqoonsi helinbayba ku degdegeen inay maxkamad la doontaan madaxdii horee dalka- maxay yeeli doonaan markay aqoonsi helaan? –
    isaaq fudud mooyee
    haday faqashba noolaato-
    hadaan feedhaha ka tumin
    beelaha fayga iga dega
    faal-guray hadaan la dhicin
    faafan iyo doolo
    hadaan nabada fogeyn
    Colaadna faafin
    hadaan dhiig ku faraxalan
    Soomaalina fidmaynin
    wallee fariidii xabuushiyo
    falaasha kama dhalan

  15. Waar nimanku waranbay doonayaan
    March 9, 2010 at 11:40 am #

    Waar Samaroon hore looma laynin, ma garanayaan dilka iyo laynta ileyn warba uma hayaane. Iidoorna waa Caadufi, laablakac ayaa hoday. Maalintii Boorame duntay ee ay Mujaahidiintu faqashtii jebiyeen waatii taladii Xasan Yonis la diiday ee Haybe, Dirawal iyo Cabdiraxmaan Tuur reer Boorame la taaban maayo ku adkaysteen. Waxay ahayd in nimanka waran la geliyo si warku u galo. Maanta waa kane hadaba ka gura. Waxayse doqmahani moogan yihiin in Ragii maalintaa weerka u xidhi lahaa Ragay dhaleen noolyihiin aanay ogyihiin in Ilaahay galad iyo faroba dhamaystiray, hadii loo baahdo wallee kabo-shaagiinii baydin iskaga noqon. Waar ileyn bini aadmi ciidmooyee wax kaleba ma qanciyaan. Waar maanaan Madaxweyne idinka dhigin, oonaan u jeedin sida dalkii iyo dadkii u bililiqanaysaan?. Ma idinkaa doqmayahow hadli lahaa hadaad caqli leedihiin!!. Hayeeshee ishaad leedihiin waad na soo jeedinaysaan. Anaguna shaqadayadii baanu qabsan. Booramena waanu idinka qaadi oo xadka ayaanu idiin talaabini. Awbare ayeydin iskugu ururi oo Awdal waxa looga talini Ceelbardaale. Salalna Ugaaska la caleemasaaray baanu saldhig uga dhigi. Huda iyo Riyaalena waanu idin raacini, oo dee halkee hayn ileyn waxay barteen Hargeysa iyo dhul Hodan ahoo kabihii-shaaga ahaa waa ka raysteene. Toloow yaa dib u bari xidhashadooda.

  16. DR.A.Barkkadle.I.(waraabe-cadde) vet
    March 9, 2010 at 1:07 pm #

    in kastoonan caado u lahay rayi aan ma jeedshay in aan ku noqdo, waan arkaa aflaadooyinka sare taqriirkan wax ceeb ah oo ku jiraa ma jirto oon ahayn dambiilayalkii dadka xasuuqey cadaaladda ha la hor keeno, anigu uma kiala aabbo yeelin dhagarqabayaalka sida iidoorku markay dambi baa lanaga galey leeyahiin ee kuwoodii dambiga galeyna ay ka dhigayaan barii, waad aragteen in aanan ka tegin hal dambi galay.
    waxan leehay afxumo waa ninkeed, jawaabna kama bixinayo hadda, ciyalkan kor ku faardaacaya
    report kani waa mid xambaaran murti dheeraad ah waa buug dhan wax jooganayana ma ahin kii aabahii ku jiro iyo kii hooyadii ku jirtaw dadkii xasuuqa geystay, waxa la hor dhigi doona hay adaha xaquuqal insaankana,waana loo tabin doonaa qoraalkan oo mid cilmiyeysan ah…
    kuwa difaacayaa dhagar qabayaalkaw markay timaado ama axmaaro dabada geli ama adigu dabada giiji waa la isku yimid……..dambiile lagu dhaafi maayo……..

  17. fahmi
    March 9, 2010 at 4:36 pm #

    fahmi
    waxaan salaamayaa saxaafada
    aniguu halkan uga jawaabaya gabadha fahiima la yidhaahdo waxan leehay
    walaal siyaasada lama socotid waxad ku baraarugtay dacwada calisamatar
    nabaduna waa mid lagu noolyahay
    aduunkana dhibtu way ku badantahay
    isaaq hadii uu awood leeyahay waxaanu arki lahayn isagoo maxkamada hargeysa qofku dacwaynaaya iska daa maraykan oo qoomiyad kasta ku nooshahay waxanse kuula yaabay adigoo walaashay ah waxad igu tilmaamtay anigu waxan sheegay inuu samaroonku yahay dad wanaagsan oo jecel nabada iyo wada noolaanshaha
    iyo dawladnimada
    isaaqan ilaa wakhtigii siyaadbare qaylinaya een waxba garanaynin anagu ku deyan mayno mana aha dad damiirkoogu sax yahay umana jawaabno waxay soo qoraan haday wax laayeen si doqonimo ah bay wax u laayeen waligood dagaal naguma dhaafijirin waxay kaashan jireen xabashida iyo gaalada walaal hadii cadaalaf jirto maxaa yuhuuda israaiil loo tageerayaa uu maraykan u taageerayaa garaad yaridaada waxad ka hadlaysaa waxaysameeyeen garacda hargaysa lagu ururin jiray markii siyaadbare ee isaaqa isku sheegaya walaal gocashada iska daa oo aduunka wax kala soco samaroon bah maaha ee waa beell waana dad taariikh wanaagsan

  18. Runle
    March 9, 2010 at 6:57 pm #

    Maxaa wax aan soconeyn mashquul lagu yahey. Waxa mucjiso ah dadkani mafahansano siyaasadu waxey tahey fartey qaadaanba qabiilkama madhna. Hadii runta la sheego ma deyrkii makaa la gubey. Nin walba dantiisa ayuu raadsan taasi micnaheedu maaha waa la isneceb yahey ama waala is jecel yahey laakiin siyaasadu maaha mid joogta ah ama meel waligeed joogta. Nidaamkii sheqeeya ayaa loo guuraa kii sheqeyn waayaana waa laga guuri.

    Horey reer Xamarku ugu heesiin Guri GAAJO WAA LAGA GUURA, GACALBEENA WAA LAGA GOOSTAA.Waxan ug jeedaa lagama horeeyo nidaam adoon wali hubsen inuu sheqeyn iyo inkale. Somaliland waxan ay yiraahdaan waxad ku garaneysaa firnada qalafsan ee qaarkood qabaan. Markii geeridii murugada laheyn dhacdey 2009 dariiqa Borama iyo hergesa waxa cadaadey nidaamkani inaanu sheqeyn karin loona baahan yahey in laga guuro halkaad reerka u rari sanah iyo sahey bey u baahantahey. Fikir nadiifa oon cidna waxlagu yeeleyn bey u baahantahey. Somalilandne in xadhiga loo gooyo ayey u baahantehey. Nidaam shaqeyn waayey xaqb loo in laga maarmo. Maalintaana dhibku dhaceyna fikirkani wuu joogey imikana waakan ee horta reerah ay Somaliland rertaa habeen waliba waa ayo aqli fiqiir.

    Fikirkan odhanaaya guur wuu soo noqnoqdaa laakiin aqoonlaawow ma ogid nin reero wax isku biirsadeen xilikastana lagu kala yaaci caro. Meel walba cidii leh baa leh. Tusaale ahaan sow dowladii Somaliya Xarshin iniguma gurin markaad ka hortimaadeen maanta sow dhulkiinii umasoo noqon ku cibaaro qaado ana hadaad nidaam qabiil oo dowlad loo ekeysiiyey damco innuu dhulkeyga iga saaro aduunkana looga dhigaayo qaran Dimuq ah maalin aan is xoreeyaba koley dhulkeygu waa dhulkeygii. Waxa kuu cadeynaaya markii jidjooyada ee halkii danbiilayaal la soo qaban lahaa laga hortegey KACDOONKII AWDAL laguna dhalan habaabeyey dadkii anagaa keeneyna. Somaliland is mentally maaba ee waa qolfoof iyo raga jeega ka qaata oo wali sii giraan girinaaya lamana oga iney laba sono ba dhaafi taas Ilaaheybaa og. Umadaada dhinacka raac intaad ceyda iyo reeran rarayaa ku hadaaqi la raraaba soo laaban.

    Wana noolaashu waa halkiisa siyaasadise cidey usheqen weydo ee qasab iyo jujuub ma laha, imika waa 20010 adna wali fickirkii reer guuraaga ayaa wax uu rartaa lama arko halkaad geyso iyo dhulka aad ka raritoona.

  19. Mahammed Abdirahman
    March 9, 2010 at 7:24 pm #

    Faan iyo fatoosh looma baahna markii ay socdeen dagaaladii sokeeye ama waqtigan aan joognaba Ceelbardaale hadii aan soo qaadano waa lays horfadhiyaa oo dagaalka kolba marka uu damacu soo luggooyo Jibriil Abokor cashar lama ilaawaan ah ayaa loo dhigaa loona dhigidoonaa markii aysoo weerari jireen shacbiga bariga Awdalna waa lays difaaci jirey oo looma aaba yeeli jirin ilaa maantana waalays difaaci hadii ay kusoo dagaal galaan magaca SNM ama ka jibriil abokor laakiin wali Fari kama qodna in ay wax fahmaan tolkay waxaan la hadlayaa kuwa taageeraya Cali Samatar ayaan leehay isla xishooda dhiigyacab dhiigyacab dhalay ayuu ahaa waanu istaahilaa in la maxkamadeeyo isaga iyo waxii dambi ka galay cid kastaba hadii ay isaaqu leeyihiin ninkaasi waxa uu ahaa mas’uulkii labaad marka laga reebo Siyaad Bare oo hada dhintay isagaa loo haystaa wax kasta oo ka dhacay Waqooyi-Galbeed iyagaana isku hubeeyey dhamaan qabiiladii deganaa Waqooyiga Somalia hataageerina hala maxkamadeeyo ama ha saamaxaane mana haboona in aan dhexgalo hawl aan kuu oolin maanta ka tasho taada iyo Adal Empire sidii aad usoo celin lahayd kaliya ayaa wacan in aan ku daalo Cali Samatar iyo isaaq wax inaga galay majirto ka hadal oo ku mucaarada ta ina dhextaala inaga iyo isaaq diid hadaad doonto Somaliland waxa la yidhaa oo ka noqo shirjaraaid qabo oo dheh aniga waxaan ahay ahaana doonaa maanta laga bilaabo (Adal Empire State)qadiyada Zeiylac ku dhimo tan CeelBardaale naftaada iyo maalkaagaba u hur iskuna daaya Cali Samatar iyo Isaaq waayo maaha hawl ina khusaysa mana jirto wax la yidhaa Somaliland ama Somaliya waxaan nahay umad u dhalatay (ADAL EMPIRE STATE GOVERMENT)Dictoor Barkhadle waa wali ku qufulan Somalinimo wax la yidhaa ayuu raadinayaa oo uub ku dhacday mar hore mana helayo way fiicnaan lahayd Somalinimo laakiin ma suurta galayso in la helo wax layidhaa Somaliweyn waxaa ka sokeeya caqabado badan oo ay ka mid yihiin wax loogu magacdarey Somaliland,SSC waa sool sanaag iyo ceyn,Puntland,Galmudug State,Ehlusunah wal jamaaca,Al-shabaab iyo Xisbul Islaam balwaxaan weydiinayaa Dr Barkhadle Waraaba Cade intaas oo caqabadood ayaa kaa xigta wax la yidhaa Somaliya ma suurtoobi kartaa in aad intasi oo dhan dhaafto adiga oo hadafkaagu yahay Somalinimo?waa maya jawaabtu ee waxii dantiina ah ku daala adeer oo dhaafa qiiro jabaanta aad ku taageeraysaan gacan ku dhiigle Cali Samatar.

  20. MAXAMED
    March 10, 2010 at 1:18 am #

    SALAAM CALAYKUM ,
    SALAAN DABADEED WAXA ANA SALAAMAYA WIILKAN DADA YAR EE FIRFIRCOON EE QORAY MAQAALKAN ,
    RUNTII NIMANKAN ISXAAQ LALEEYAHAY ANIGU SHAYDAAN BAAN U AQAANAAEE WALAHAY OO BILAAHI HADAAN BILAAWE LAMARIN OO RUNTA LOOSHEEGIN WAANADU MAGALAYSO , WAA HUBAAL IN AY BIRTA WAX KU QAADAN DOONAAN, MAR HADII JOOG LOOGU TAG HELIWAAYAY SOO JIIFSO BAA LOOGU DOW HELI , XAQIIQDU SE WAXAY TAHAY NINMANKAASI WAAAYAHBUUD, YUHUUDUNA WAY KALASIILIIDATAAEE WAA FALAASH , HADAAN LOO GALIN SIDII UU UGALAY SALAAXUDIIN AL-AYUUBI NIMANKII YAHUUDDEED , HADAAN DHAGTA LOODARIN DHIIGA OO QADHAAKHA LATAABSIN HADAAN ASHAHAADA LOOX LOOGU DHIGIN OO INTA AY CURDINKA YIHIN LATOOSIN , HAKASUGIN IN AY DHABADA SAXDA AH QABSADAAN , TAASI SE WAY SOOSOCOTAA WAANA (CAADDA IYO DHULKA BARAKAYSAN) WAAYNA BARAN DOONAAN RAGI WAXA UU YAHAY MACAAN MOOYEE QADHAADH MAYSAN BARAN , WAANA LOOJOOGAA TAASI.

  21. marunbaa
    March 10, 2010 at 4:34 am #

    Gedabuursi difaac waa meel runta ka halawna waa wada kale. Waraabecade gedabuursi masuul kama aho balse waxan garan waawayey hadii uu iyaka u hadlayo maxaa dantiisa ku xidhay ta cali Samatar. Hasha geela u waynbaa la soo qabtaa markaa hadii dawladii somalia denbi gashay dee ninka ku xiga Siyaad bare Waa danbiile samatar waraabe cadoow hadaad liiska hoosta kaga jirto ood sii cabsanayso dee sug marka laguu yimaad. SNM qudhoodu inay danbi gaysteen shiki kuma jiro balse wali lama arag danbiile yidhaah waar waa ikane maxkamad isoo taaga. Taasi ninkii waxku haystay u taal balse waraabe ma reer kaa fuleh ahaa buu na leeyahay markuu tirinayo dhibanayaasha mise wax caamo ah gawracuun sugayey ahaayeen reerku waa yaabe. Gabiley buu ka soo bilaabay ilaa lawyacado. Miyayna wax dhaqaaqaya ahayn waa yaabe. Mida kale dee dhulkaad sheegayso hadii shalay isaaq haystay maantana ciise ka doobyayo runtaa isha ka riday.

  22. Runle
    March 10, 2010 at 9:34 pm #

    Maxa madow Samaroon Qabiilada kale ee Somalida ma heyto. Samaron waxa uu hestaa waa kooxo iyo niman cidey doonaan haka dhashaane, haba ugu horeeyaan snm. Iyadoo sidaa arinku yahey hadana qofkasta oo bani’aadan ahi wuxu xaq u leeyahey in aan lagu xadgudbin xukuuqdiisa markaa hadii beelka mida beelaha Somaliyeed inaad daacad uga hadashaa la rabaa. Daqaalna koley horaa loo yiri wiilbaa kuma dhashee wiil ku dhinta.

    Beesha Samaron waxa ku waajiba in nidaamkan gumaadey ee loo bixiyey S.land ayka tashadaan taasi micnihiidu maaha inaad qori la cararto ee waxa weeyi in aad waxa loo yaqaan isdifaah oo xitaa diinta islaamku baneysey isticmaasho. Ma duuleysid cid ma daandaansaneysid waxa kaliye eed sameyneysaa waa naftaada oo la dumnin sababtoo ah Ilaahey ma jecla dulmi cidii u gargaarta iyo cidii u dhaqanta iyo cidii u dulqadata toona. Aniga qudheydu waxan ka mid ahaa dhilin yarta u hanweyneyd nidaamka labaxey Somaliland kadibse markaan baadhitaan dheer oo qaatey sanado waxa ii cadaatey in xumaan mooyee aanu wanaag Awdal u wadin baadhitaankan in yarbaanka taaban.

    Somaliland waxey ahed wadan loo hanweynaa laakiin gorayoy haadbaad noqotey. Aniga shrafteyda maaha inaan Beelo soomaliyeed canbaareeyo maxaa danbigooda isaari ileyn marley waad dhiman.
    Markii ugu horeysey een ka shikiyey nidaamkani wuxu ahaa markii riig biyaha lagu qodo oo loo wadey degaanka Arabsiyo oo markaa Hergesa yaaley dowladu damacdey iney hargesa ka qaado. Inkasoo ay qaldaneyn in Riig aan hawshiisii gudan la qaado, hadana waxa la moodey in Borama loo wado. Wixii ka dhacey waa loo wada jeedey. Ina Riyaale adna Raac oo Borama riiga u raac ayey dhaliyerta hargesi ku mudaharaadayeen. Markaa su’aasha aan is weydiiyey waxey aheyd borama maaney Somaliland aheyn. Maya ileyn Waa Samaron dadka ku nooli. Taa waxa ka sii darneyd in xitaa masuul markaa dhanka dowlada u hadlaayey yiraaa maya riiga Borama looma wado ee arabsiyo ayaa loo wada. kagudub

    Hadana waxankaloon eegey balsida beeluhu wax u qeybsadeen waxa iyana ii cadaadey in Jilib yar oo Haber Jeclo la yiraa meel walba kaaga badan yahey hadey noqoto Guuri iyo iwm. Ka gudub Jidgooyadii oo iyana noqotey cashir lama ilaawaan ku ah reer Awdal sida nidaamku u jidhi maxaa iga galey. Kii xumaa ee loobaahnaa in meel looga soo wada jeesto waxey noqotey in reer loo sheego dabadeedna dowladii baryeyso qabiilo. Dowladu waa maxey waa yaabe? ka gudub.
    Markii laba beelood oo wallaalo ahi isku maandhaafeen deegaanka layiraa DAROOR, waxa iskugu yimid dowlada oo xilibaano leh, culimo u diin, ganacsado waxana laga baqaayey in uuna dhibkaasi faafo Hergeysa yimaado. Waa wanaag cidii laba muslimiina oo isdileysa diigooda kala badbaadisaa. Waxase la yaab ah jidgooyadu ma gaaley dhibaateeyeen misa muslimiin? Dagaankaasi maaha soomaali land ee waa ismaamulka Soomaalida Itoobiy u fiiro.
    Maxaa hadaba la gudboon Reer Awdal waxa la gudboon istaabah aan weerar galin. waa iney sameystaan jabhad ka hawgasha meelaha sida Harawo markaa sidii horgaal una taagen in ay ilaaliyaan nabad galyada gobolkooda iyagoon cidna ku xadgudbeyn umadaha kalena amaansiinaya. Itobiyana waad la gorgortabi akrtaa inaanad waxdhibaataha iyada usoo jiideyn oo marabto in ay dadkale ka cadeysiido oo loo soo raaco Jabhada ogadeeniya. Anoon Beelo Canbaarey, qabiilo aflagaadey ayaan kugu qancin in nidaamkani u maahan yehey in dibloo eego lagana tashado.

  23. Dr Mowliid mahamed Abdullahi
    June 15, 2011 at 10:32 am #

    Walaalayaal, bulshada isaaqu weydulmantahay maxaa yeelay waxay doonayaan iyo waxay diidanyihiinba macada.Siyaad bare dhimay ayaa xasuuqay habaryoonis amase gadhxajis dagaalkii lagala horyimid cigaal imisaa ka dhimatey gadhxajis imisaa kadhimatey arab iyo ciidagale.SNM waxaa laga faa idey in la doorto riyaale iyadoo dan la mooday in sidaasi lagu kala nabad gelayo. Imisaa SNM janada ka gashay imisaa cadaabta ka Gashey ayaa inaga soo warama halkey ku jiraan, soomaali soomaali dilay aduunka qiime kuma laha waxaan ilaahay idinka baryayaa alshabaab oo oodaheedii wadata inay idin qabsato maxaa yeelay waa abaalkii SNM iyo faqash ee masaakiinta walaalaha ah la isku diray.Mahahdsanid.Gadabuursi iyo Isaaq isma dhaamaan waa kab iyo xaarkeed mana aha kuwo soomaalinimada wax u dhimikara amase ku soo kordhinkara wanaag,ilaahay diintiisa ha usoogargaaro alshabaabna ha quweeyo,alaahu akbar

  24. samia
    July 1, 2011 at 6:06 pm #

    gadabiirsi waa rer somaliland runtiina iyaguba wax xasuuqe lakiin waxaa soo dhan waa la isa saamaxay 8sano baa taladii la idiin dhiibay waa hadad milgo leediin lakiin waa ku dhacdeeno malintii silaanyo qabsaday baa wada xin qooqdeen

  25. maxamed adbi sahal
    February 6, 2012 at 3:16 pm #

    isaaqa maxaa kamaqan ? hadi hargeyso soomali kabaxdey isaaq maxeyse helen hadii soomaliya diinen waa su al meehs kujirat akhristoow siweydii madhaaman iyago soomalidakale manta

Trackbacks/Pingbacks

  1. Xaakinka Maxkamada Lasoo Taagi Doono SNM: Hon Dr Cadde | hiildan - May 31, 2010

    [...] 7, 2010 by hiildan 22 Comments [...]

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

Gravatar
WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.