By McShariifWaad salaamntihiin dhamaan akhyaarta warbaahinta iyo akhristayaashooduba,dhacdooyinku waa silsilad maalinba maalin waxaad arkaysaa waayo leh midabyo kala duwan oo ay noloshu keenayso waana in laga faaiidaysto dhacdo kasta oo kusoo hor marta.
Faragalintii uusoo faragaliyey 2001dii Ismail Omer Guelleh Ugaaskii Samaroon ee ka qayb galay shirkii Carta kana mid ahaa hogaamiye dhaqameedyadii lagu casuumay inay nabad kusoo dabaalaan Somalia. waxa uu aflagaadeeyey oo uu isku dayey inuu khalkhal galiyo Ugaaskii Samaroon ee ka qayb galay shirkii Carta ee taandhadan Zeiylac la keenay loo dhisay ee dib u heshiisiinta Somaliyeed oo ka mid ahaa mashruucyadii uu ninkaasi Djabouti xuurtada ku hasytaa uu hormoodka ka ahaa,.Mar uu Ugaaskii Samaroonka ee ku sugnaa madasha shirka oo ay u cuntami wayday sidii waxloo waday uuna Ugaasku diiday diidmo cad qaabkii loo maamulayey markaasi ayuu ku yidhi Madaxweynaha Djabouti wadanka 24 saacadood kaga bax adigu Samaroon ma matashid oo reer Ethiopia ayaad tahee hadii aanad yeelaynin sida wax loo wado. kadib Ugaaskii Samaroon wuu u diyaar garoobay in uu wadanka iyo madasha shirkaba kasoo baxo. Laakiin si deg deg ah ayuu uga raali galiyey ilayn wuu garanayaa taariikhdii Ugaasyada Samaroonka’oo markiiba baryootan iyo xaalsiin degdeg ah ayuu keenay Ugaaskiina wuu ka aqbalay ergadii dhexgashay waanu iska degay sidii uu rabayna waa loo maamulay shirkii mantase Samaroonku gobanimo ayey ku dhinteen mar hadii aanay wax faragalin ah ku yeelan caleema saarkii Ugaaska Ciise ee ka dhacay Zeiylac waanay ku mahadsanyihiin tolkay arinkaasi amaankoodana waa la sugay wax carqalad ahna looma gaysan ha ahaato af ama adinkaba’e waana gobanimo aan u dhalanay.Yeeli mayno in aan waxkasta qaadano maanta, noqona mayso in laga riixdo maamulka dadkii u dhashay Zeiylac dibada ka ahaadaan maamulkii dhulkooda waana arin aan caalamka soo marin in gobol dadkii u dhahsya laga xaaraantinimeeyo oo dadkale maqaawil lagusoo qaato wax la arkay oo la maqlay maaha.Waxaa haboon in uu Dahir Rayale ka noqdo arinkan uu ku qaybiyey gobolka Awdal ee uu dhamaan masuuliyiintii ugu magacaabay reer Djabouti waana in lawada badalo maayerka iyo duqa magaalada Zeylac oo laga dhigo ragii dhulka lahaa ee Abreyn, uuna ka dhashay halgamaagii weynaa ee Axmed Gurey inta aanay dadkaasi samirku ka dhamaani.Hadiise aan sidaa la yeelin oo Zeiylac ay sidaa ku haystaan dad aan u dhalan Dahir Rayalana wuu dhacayaa sanadka’e arintaasi waa halis iyo tahdiid kusoo fool leh reer Awdal,Siyaasada laga wado galbeedka Awdalna maaha wax aan yeelayno hadii aan nahay dhalinyarta Samaroon waana in war cad la hor dhigo Dahir Rayale inta aanu dhicin oo loo sheegaa waxan uu sameeye in aanun ahayn wax sax ah oo loo dulqaadan karo.waayo bari ayaa la odhan doonaa calaa geel laayey iyo maxay ku dhacday hadiise lays mood siiyo oo sidaa wax layskugu laaqo walee waa loo dhimandoonaa nabadgalyadanina noqon mayso mid dan u ah kaliya reer Awdal waxayse u dhici doontaa hadii aan hada wax laga qaban in lays dhexyaaci doono waxbadanina ay isbadali doonaan oo laysku xoog sheegan waayo waxa aan sheegaa waa been.Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay
Nin i daaqsanaaya na maxaan daafiduu kariyay
Naftu nimaanay doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay
Ma degdego ee xaajada maxaan ugu dulqaadyeeshayWeji dabacsan daymo aan dareen gelin dubaaqiisa
Debno furan dabuub uuna ka didin deexashiyo muuso
Qosol debadda yaalloon ka iman dhuunta dacalkeedaWaxaan dood kaftana sheeko aan ugu daleeyaaba
Dabinkaan u dhigay maalintuu degelka soo saaro
Intiiyoon dawaarkii ugu rogrogay xeelad na u daadshay
Isagoon digniin qabin maxaan kaga dayaan siiyay.Gabaygasi waxa uu ka mid ahaa tix gabaya oo dheerayd tiriyena Ugaas Nuur waana dhaxalkii aan ka helay abaal weyna waan u haynaa waana in loo sameeyo xaflad xasuus ah oo aan ku xasuusanayno Ugaas nuur oo ka mid ahaa Ugaasyadii Samaroonka ee ugu hogaanka fiicnaa dhulkiisana ka dhabi jirey cidkasta oo isku dayda in ay waxyeelayso waana sababta aan maanta u jirno una jiri doono waana suugaan hada lagu barto dhamaan Jaamacadaha dalka oo dhan.Waxaanse halkan ugu mahadnaqayaa dhamaan bulshada Samaroon ee gobka ah sidii ay ka yeeleen nin aan adiga kaa yeelayn xafladii ka dhacday Zeiylac waanad mahadsantihiin.Guul iyo gobanimo.Nooli kulanteeMahammed Abdirahman Sharif.
















Falanqayn: Comments