Ciidanka Qaranka oo Xuduudda Somaliland iyo Djibouti Hub ku qabtay

Hargeysa (05,03,2010)Ciidanka Qaranka ayaa gacanta ku dhigay Gaadiid Hub sida dooxa Bariisle oo ku dhaw Saylac kaasoo la tuhunsanyahay in la damacsanaa in lagu kharbudo Xafladii Caleemo saarka Ugaaska Beesha Ciise ee ka dhacday Saylac.

Sida uu ku soo waramay Weriye Cali Ismaaciil Aare qabashada hubkan ayaa loo malaynayaa inay keentay in Ugaaska Degdeg loogu celiyo dalka Jabuuti, laakiin ilaa hadda Xukuumadda Somaliland wax war ah kamay soo saarin arrintan.

Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal ayaa labadii maalmood ee 28-kii bishii hore iyo 1-dii bishan la ciirciiraysay dadweyne aad u tiro badan kuwaas oo isaga kala yimid gobolada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, dalka Ethiopia iyo Jamhuuriydda Djibouti oo u yimid caleemo Saarka Ugaaska beesha ciise oo ka dhacaysay xarun weyn oo loo qorsheeyay.

magaaladan oo ka mid ah caasimadaha ugu qaadimisan somaliland ayaa buux dhaaftay waxaanay badi dadku habeenkii u hoydeen gidaarada meheradaha ku yaala magaalada, dugsiyada waxbarashada, goobo loogu talo galay iyo kuwo aan habeenkaa seexanin oo gaaf wareegayay suuqyada iyo daafaha magaalada isla markaana uu ku dheeraaday wakhtiga iyo waaga barigiisu.

ka sokow shacabka waxa iyaguna barbar socday oo magaalada soo gaadhayay madaxda iyo wufuud sare oo ka kala timid isla dalalka Somaliland, Djibouti iyo Ethiopia, halka ay sulaadiin iyo wax garad tiro badanina u yimaadeen xaflada caleemo saarka ugaaska beesha ciise.

Gobolka Salal oo ay magaalo madax u tahay Saylac ayaa xilligan roobanayd waxaana dariiqyada iyo banaanada daadsanaa xareerada iyada oo ay buuxeen qooqamada.

Saylac oo ay hoos yimaadaan degmooyin tiro badani ayaa waxa ta ugu dhaqaalaha iyo bilicda rooni ay tahay Magaalada Lawyo cado oo sida la ii sheegay dhismaheedu uu la bilaabmay Somaliland.

Magaaladan ayaa ku taala xadka ay wadaagaan wadamada Somaliland iyo Djabouti waana xarun ganacsi oo si weyn u fidaysa.

XIGASHO:  WAAHEEN

One Comment on “Ciidanka Qaranka oo Xuduudda Somaliland iyo Djibouti Hub ku qabtay”

  1. qxaqijiye
    April 7, 2010 at 6:19 pm #

    ugaska waa ugaskii ismacil cumar geele waayo ugas laguma aqoon siyaasad markaa ugasku yaanu kabad badin

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

Gravatar
WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.