Damaashaadkii Ugaaska Ciise, Oo ku Danbeeyay Bililiqo.

SORRY UGAAS: IT IS NOT YOUR FAULT.

Marka horaba waxay dad badani sii saadilinayeen in damaashaadka Ugaaska Ciise ku danbayn doono bililiqo, iyo fashilaad,  marka loo eego duruufaha dhaqaale ee ku gedaanaa degaanka lala soo doontay munaasibadaasi,  oo muddooyin badanba abaaro iyo aafooyin dabiici ahi isugu biireen.  Iyo marka loo eego amuuraha siyaasadeed ee ku xeernaa caleemo saarkaas isaga  ah, oo dawladaha Djibouti iyo Itoobiya iyo xitaa Somaliland, intuba ka wateen dano siyaasadeed oo gaar ah,  kana baxsan arrimaha dhaqan wadaag ee bulshada wada dhalatay u dhaxeeya. Mana aha war lagu farxo, inay saadaashaasi rumoowday, oo  uu jabo qalbigii dadka ka daacada ahaa Caleemo saarka Ugaaska, ee xeerinayay xeer dhaqan-dhaqmeedka  iyo wada dhalashada, beelaha ay khusayso.  Waana mid sidoo kale, xumaynaysa maskaxda iyo moralka Ugaaska da’da yar ee wax danbi ah galabsan.  YAASE DANBIGA QABA?

Wararka haatan nasoo gaadhaya, ayaa waxay  xaqiijinayaan inay rumoobeen,  saadaalintii iyo wewerkii ay dadka caadiga ahi ka muujinayeen sida xafladaasi ku danbay doonto.  Magaalada Saylac oo ahayd xaruntii loo doortay in lagu qabto xafladda Caleemo  saarka ugaaska CIISE ayaa waxay wararku sheegayaan inay biliqo hor lihi ka bilaabantay, taasi oo la bililiqaysanayo agabkii loogu talo Ugaaska ee ishin iyo alaababa lahaa.   Ugaaska oo la filayay inuu muddo 7 cisho ah sii joogo Saylac, oo lagu soo wareejiyo dhul badan oo ka tirsan gobolada Awdal, ayaa si deg-deg ah kaga baxay Saylac. Sobabta bixitaankiisuna waxay ku salaysnayd kadib markii ay fashilantay danta dawladda Djibouti ka lahayd Caleemo saarkani.  

Sidaa daraadeed bixitaanka Ugaaska ee deg-dega ahaa, ayaa wuxu keenay in agab badan oo loogu talo galay caleemo saarkiisa lagaga tego SAYLAC, isla markaana lagaga daba geyn kari waayo Djibouti.  Taasina waa midda keentay inay dadyoow badan oo duruufo dhaqaaleed qabaayi ay kusoo xoomaan xarumaha alaabtaasi yaalleen oo ay bililiqaystaan. Dadyoowgani kaliya lagama yaabo inay yihiin dad duruufo dhaqaale oo kaliya qaba, balse waxa suurto gal ah inay sidoo kale siyaasad ahaan ka biyo diideen, qaabka loo maamulay qaban-qaabada Caleemo saarka Ugaaska Ciise.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan bilow ilaa iyo dhammaad, waxay ku dhammaatay fashilaad iyo dhabano hays, waana mid  marka hore dhaawacaysa maskaxda iyo moralka Ugaaska da’a da yar, ee isagu wax danbi ah an galabsan. sidoo kalana waa mid dhaawacaysa dhammaanba bulshada walaalaha ah ee dhaqanka iyo wada dhalashadu  ka dhaxeeyso, gaar ahaan intii sida daacadnimada iyo niyadsamida leh usoo dhweysay Ugaaska.  Dhibteeda iyo ceebteeduna waa mid dusha ka saaran Xukummada Djibouti, iyo waliba Somaliland, oo garaadkooodu sii garan sii wayay , guul darrada iyo foolxumada halkaasi kasoo bixi doonta.  Danbiga waxa iska leh Dawladaha,  dadweynuhuse ma leh.

Warka bililiqada oo dhammays tiran khadkana ka akhrista: http://boramanews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=3756:magaaladda-saylac-oo-ay-ka-socoto-bililiqo-lagu-qaaday-agabkii-caleemo-saarka-ugaaska&catid=34:wararka-intooda-kale

About these ads

Categories: Faalada Warka (News Analysis)

6 replies »

  1. Sanaadkii 1987kii iyaa aanoo u xagaa baxay Ethiopan waxaan baadiyee u raacay labaa odey oo ay aabahay ilmadeerkii ah waxaan la soo joogay ku dhawaad labaa bilood waxay ahyd barisamaad iyo dhul wada barwaaqa ah geel lo, iyo adhibaa ay wada dhaleen runtii waxay anigaa ii ahayd xusuus aan marnabaa iloobi doonin.

    Hadaabaa markii la gaadhay wakhtigii aan socon lahaa ayaay labadii odey goosteen in ay ii soo raacan ilaa magaalada Dire-dhaba waxaynaa soo kaxaysteen 3 awr oo ay subag fara badan ku soo rareen si ay magaalada ugaa iibshan kolkaan joognoo meel qiyaastii u jirtaa Dire-dawa 10km waxaa jidka nagaa soo raacay nin kale oo ciise reer Geedi ah oo isnaa wada hal awr oo u dhuxul ku rartaay ninkan isagaa ah awrkiisa iyo dhuxushubaa way isku eegayeen madoow dartii muuqalkookunaa ma ahayn mid ku soo jiidan karaa waxaa loo arki karaayaay nin ilaahay ifka ku caadaabay aanu wiil dhalin yar oo Djibouti ka yimid wax badan kama fahmin xaalada ninkan laakiin adeeraday intaay hoos isku dayeen bay waxay bilaabeen in ay ducaytaan in u illahay iyaagana nemcadan u siyaadsho isaganaa sidaan si dhaantaa ugu badiloo.

    Hiildanyaroow Rag is guraayee ninkii loo haystaay in u Ilaahay ifka ku cadaabay oo islaa qabweynbaa adeeraday waydiiyay waxaa awrtaa ku raraan?
    Mid ka ah labadii odey iyaa isagoo ka muruugaysaan ninkan dhuxushaa la moodaa wuxuu si naxaasi ku jirtoo ugu jawaabay walaal waatii sanaadkan karan iyo dayr wanaagsan ilaahay noo lisay sidaa darteed waxaan wadnaa subagan yar si aan raashin ugaa soo iibsanoo magaalada.

    ABU dhuxule wuxuu qoslay afka mugii oo wuxuu yidhi waar labayaahoow nacas iska daadsha xareeda oo dumarka iyo caruurta u guraa qoryaaha si aad ugaaaga reebtaa jilaalka soo soctaa kkkkkkkk

    Hadaabaa ciise maanta wuxuu saylac ku loogtaay boqoolaal geel iyo lo,iyo adhi ah ka dibnaa wuxuu sidii aar libaax oo hal geeri ugaadhay meeshi ugaa tagay uus,lafo,iyo saamo dhiig leh ragi gedabuursi ee 3 sanoo ka hor ku dhaartaay in hadii ugaas ciise saylac la keenoo ay bom atomic ku ridi doonan waxay ku qabweyn yihiin in ay hadhaagi ciise ka dheergay isku fara saaran waana sidii ninkii dhuxusha rag kale ku jabasaday kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. kkkkkkkk

    waa sheeko xiisa badan cali, oo dhex martay Ciisa Cadde vs Ciise Madoobe. !!. Taasi oo ka tarjumaysa sida loo kala fiiro dheeryahay. ‘Caqligii wanaagsani itaal inuu ka roon yahay, bal eegoo u fiirsada’.

    Ciise, dabaqadii dharagtey (ciisa cadde), ee guryaha quraarada ah ku jirtay, oo had iyo jeer ka fikira meel gaaban iyo kolba maalinta ay joogaan, ayaa waxay yihiin kuwan Saylac fantasiyaha u yimid, kadibna intay maalin joogeen, wax kastooy siteenba ka cararay. Ciise cadduhu waa kolba inta dheregsan, jilibkay doonaanba ha la haadeene.

    Balse dabaqadii gaajoonaysay ee Ciise, (Ciisa Madoobe) ee fogaal araga ahayd ayaa ka daba bililiqaystay, wixii ay kuwa dhergay ka carareen, si ay abaaraha ugaga baxaan. Ama haddii imika roob da’ay, ay ula sii sugaan abaaraha danbe. Ciise madoobe, waa kolba inta tabaalaysan, jilibkay doonaanba ha la haadeene.

    Labadaa dabaqadood ee ciise ayaa waligood is hor taagan, ama hays boqradaan ama hays bililiqaystaane. Waa sida jabuuti u tahay Guud iyo Gun ama Dul iyo dacal, ee ad ugu aragto ciise daar ku jira, iyo ciise dawarsanaya.

    Markaa Caliyoow, sxb ha moodin in cid kale hambadii ugaaska feen-feenatay, oo an ahayn Ciise. Iyagaa Saylac lagu kala horayaa, Gadabuursina ammaanka ayuu ilaalinayaa. kkkkkkkkkkkkkkk

  3. Waan ini sallaamey marka hore gaar ahaan labadiina nin ee aan u maleynaayo iney yihiin labadii nin ee intaan soonoolaa noqdey kuwii ugu kaftanka dheeraa hiildan iyo calidurgiye. Hadaba marmarbaan ana meesha soo booqdaa inyarna ku darsadaa. Waxan labadiinaba inii sheegayaa marka hore inaan midna u hadeley labada beelood iyo labadiina.

    Dhammaantiin inaad ogaataan inaad dadbadan iska xigtaan ood isdhasheen, seedi, abti iyo xidid iyo gacal aad isku tihiin holey xafiiltantaa iyo isxanaaneysaaba waa inigii. Hiilad waxan ku odhan lahaa marka hore inigu reer Awdal ahaan ama Samaron/Gadobursi ahaan dhibka ini heystaaye waa Soomali jacey aad dantiina ku seegteen maahana waxani wax cusube taariikhdaa qoreysa. Hadaan inyer kataabtoo markii xornimo doonkii Jabuuti waxey taariikhdu dhigeysaa in dadkii halgamaayey aad hormuudka aheydeen haba iniigu badnaato jilibka Maxamed case iyo kuwiina kaleba. Tusaale waxa u ah Mr. Rabi oo kamid ahaa ragaa. Himiladiinu waxey aheyd in soomaaliweyn la helo, ma xuma laakiinse mar hadii taasi lagula qabin Fransiisku dadbadan ayuu ka laayey Somalida kale laftoodu kala midbey ahaayeen waxase kala duwanaa jihada loo kala socdey. Maanta maxaad ka heysaan?

    Ali midbaan odhan lahaa iyo xaga uu ka hadlaayo. Jabuuti Somalibadan ayaa usoo halgentey xitaa Somaliya dowladeeda oo markaa rabtey iney ini garab galaan si aad dulmigey iyagabu ka xoroobeen iska xoreysaan. Reer Jabuuti weyku guuleysteen iyadoo hadh iyo habeen Somali jimciyada qurrumaha horfadhiisan jirtey faransiiskuna dabadeenta qajiraad iyo beeney Fransiisku kala hoyen jiren. Maantana Jabuuti xormawada ahan oo waad u jeedaa in dhulkeedii Elatariya dhanqabsatey Somalidii kale ee lagag baqaayeyna meeshaadii kabaxdey. Markaa maanan laga yaabin in ay soamronku yihiin gurmadka u horeeya ee umad somaliyeed ciise u sameyso ileyn iyagaa darisa. Gurigaadku nooshey haduu dabqabsado horta albaabka kuugu xiga ayaa waxbadan tarikara kaasi waa ayo? Canfarna inkuma haleykartid. Itoobiyana nimankan Elatariyiinta waa wallaalo oo tigreeba labada dan isku xidha lasoco.Siyaasad uunbaa la isku diidey marka laga reebo kuwa xaga diinta kaga duwan jinsiyadana la mida. Markaa miyaaney wanaagsaneyn awooda iyo lacagaha aad dhul Somaliyi degentahey oon meeldheerkaa jiren inaad ku ilowdaan hororka ilaa Jabuuti kugu baaxsandoona. Ismaaciilna malaha dhulkii lagag awood roonaadey iyo siyaasado uu isleeyahey dadku Jabuuti yaaney kugu kicin ayaa badahan galiyey.

    Nin maskax furani ninka baahan kuma digto hadey xitaa jirto wuuse u gargaaraa hadiikale waxa inta badan khasaara ninka dheregsan markey dhibaato dhimaato ee la socda hadaad reer Keygaa dhargeyku doodaan. Waxankusoo gabo gabeynayaa Somaron iyo ciisow wallaalaatihiin darisa ilaahna iskiinbedye dhulka ilaaheybaa lehe iska kaftama oo taas ha ilaawina. Ladadiina beelood iyo somalida dhamaanba waxan u rajeyna yaa wada noolaasho iyo wanaag dhexdooda ah.

  4. Runle bal hortaa soo dhawoow sxb aanigaa iyo odeygan xun ee Hiildan yar hiil iyo hoo toona midna maleh kkkkkkkkkkkkk waan kaftanaa wax cuqdad ahna ma kala qabnoo warkayaaguna waa qoodhi qardabo iskama daysoo laakiin waxaa jiraa niman sitaa magac Gedabuursi oo maraky arkan ciise uun jidhku wada cuncunoo waana wixii la odhan jiray doqoni nimay taqaaniyo tolkeed kama ak dheeraato indhahoogu ciisa mooye wax kale ma arkaan haduu ciisa jooginaa ragu iyaaga aduunka iskugu xun oo taa qurbahaan ku bartay runtii ama waa in ay ciisaha sirbahaa ka cunaan sidaa awrtaa ama waa in ay Gedabuursigaa dhexdiisa hiifaan.

    Arrintaa Djibouti sxb maanta Djibouti kama hadlayn laakiin waxbaa kuma jabnaa hadaan wax isla goorfaynoo sidaad ogtahaybaa Djibouti waa dal yar wax ka yar 80& iyaa ah degaan soomaaliyeed(ciise)wixii soo hadhay waa degaan canfareed xornimadii waxaa u soo halgamay wuxuu ahaa soomaali odhan laakiin wixii dhiigaa laga daadshay waxay ahaayeen 99& ciise wixii la masaafurin jiray wixii la xidhxiidhi jiray wixii la jidh dilay dhammaan waxay wada ahaayeen ciise ciisaha wixii lagu haystaay ma ahayn oo qudha in ay gobanimo rabeen laakiin waxaa loo diidanaa waxaa ugu weynaa wuxuu ahaa in ay ku bireen soomaali weyn waana sababtaa u ku maqan yahay halgamaagii weyna(AUN) Mahamoud Harbi arrintaa ina Harbina waxaa 100% ka baysay Ethiopia ilaa maantana ma dhalan raga soo faqa halkii lagu xabaalay haday jiraana ma madaxbanaa oo wali Ethiopia siyaasada Djibouti lug ku leh si toos ah ama dadban.

    GOBANIMO WAXAAN HEYSANBAA WAA LASOO HELAYEE HAYEESHEE SIDII LOO HANTOO HADAL KA JOOGA!!!!!!!!!!!!!!!

    Waxaa laga biyo diidan yahay waa sidii loo hanaan lahaa Djiboutina ku gali maaha bal soo boodbooda reer Gedabuursoow kkkkk

  5. Ma jecli in aan hadalka ku noqdo oo nin baa iga xidhey mar hore yidhina wiilka abtiga loo yahay iyaan lala wada hadlin ama odayadu ha ka joogeen.
    waxaase meesha taal hasha geela cunta ee cabaada. hadalkana haddii aan run laga sheegin wuu jinaaaboobaa, dadka jabuuti lagu laayeey ee xornimo doonka ahaa hal nin oo ciise ah baa ku jirey, anigu waan joogey dadkii 1967kii bishii amrs lagu laayey ninkii i garafadhiyey ee ordey kana dhacay buduri-yeelka waa halka hadda xaafadda kartoon la yiraahdo ee uu ku yaal isku gashaamaale meesha la baxdey, ee batroolaha ina yaabe ku yaalbarigiisa , ninkii ordey ee silsiladda lagaga xirey labada mijood ee baabuurku jiidayey baan agjoogey maalintaa, dadkii al kala saarey ee waxna la geeyey caliweeci waxna lawyacado baan ku jirey, marka in taariikhda been laga sheego waa xaaraan, ciise jibuuti intii joogtay oo xasan guuleed aabo u yahay gameysigey doorteen, wee bayna yiraahdeen, dadka ilaa 1948kii jabuuti laga masaafurinaayey ewaxay ahaayeen 99%gadabuursi, intii la laayey ,intii la xidhey, intii lagaha la jarey, intii xiniinyaha laga siibey dhamaan waxay ahaayeen gadabuursi, waxaa soo raacey waxoogaa isaaq ah, dadka siliga loo xidheyna gadabuursi bay ahaayeen 1967kii, kuwii ku dhamaadeyna waxay ahaayeen gadabuursi marka wiil yar oo maqley ciisaa dawlad ah dal buu leeytahay aanse maqal dhankuu ka yimid in uu yiraahdo ciisaa le waa garaadkii, kuwam ku raaxeysanaya dhiigi tolkay waa runtii oo waa ciise, wa kuma ninka ciise ee ka qayb qaatey halkankii lagu xoreynayey jibuuti ma jiro. waadmaqasheen xitaa xasan guuleed gabaygii loiogu tiriyey ee ahaa, goblankii gadhka iyo gafuurka cadaa ilaah ma gargaare guuleed 9160kii ma ku gaadhey gaalnimo….. waad maqasheen in ceelaabe lagu lahaa ceelabe ma anaa ka dhigey naagta cali caaruf, guhaadna ma anaa ka dhigeyu gaajada ordeysa,…..marka iyaan been la sheegin, wiilkan yar eeyimid markii calankla jibuuti qaadatey ee ciisaa le la yir i ee ku yimid aabahay goblan ee ka yimid huursa, iyo hadhogaalo, waasemeesha ku jira hore gobanimo dadkii u dhitay waligoodba way ka qatanaayeen, gumeysiguna kuwii la socdey uun uu ku wareejey jabuuti oo kaliya ma ahinee waa adduunka oo dhan
    oo kuwii u soo dhintay way ka qadeen, sida yemen., sooamliya, nageria, ghana, senegal. iyo dhamaan africa oo dhanba,laakiin waa lakala garaad badan yahay oo kuwii gumeysigu u dhiibay dadkii u soo dhintay wax bay ka siiyeen jabuutise way sii raadcaysay ba.ilaa maalintii jabuuti xorbay noqotey la leweyahay dadkii dalka lahaa waa laga gumaadey ilaa maanta looma ogola dadkii dalka lahaa maalinnta doorasho aya la dhaaha dalkaad leedahiin ee soo baxa oo u codeeyey nin aan waxba ka bedeleyn nidaamkii gumeysigu dhigey , ee dadkii dalka lahaa lagaga saareyey…. djibuuti taariikhdeedu waa mid qoran….. wax been laga sheegi karo ma ahin……
    dadkan gadabuursi ee waalan een tashan gareyn kolba meel hadaadku ha ku cunee daaya ila intay wadcigooda waxka bedelayaan
    kolba mid meyd ah baa loo soo kaxaysanayaa oo la leeyahay isagaa idinka masuul ah, ama qasab ku doorta….. wallee guushu waxaan leehay way dhawdahay ciise iyo isaaqba, laakiin dhankay ku horeyn baanan garaneyn…..

  6. Salaan ka dib,taariikhdu waa mid qoran,waraabe-cadena runtuuu abbaaray waa nasiday tahay,geda-buursina isagaa is dilaya oo gacanttiisa isu gawracay,wayna ka qassan tahay waxanse rajaynayaa inay gebogebo marayso dadkuna bararugay!aniga aqalkaygii waxa iga saaray caddaalad darro geda-buursi Oo geda-buursi kale oon ka xaq lahaa iiga qaaday,geda-buursi isagaa dulmi is-baday gunnimo is baday,inta subax la kallahay anoo qolkaygii hurdada iska jiifa ayaa jaandaaran lay wacday bal Eega idinkuba,subixii uun baa layla baxay waa wada ciise,handadaaad uun ba alaygu bilaabay kolkii layla gaar noqday waan ku kala jabinaynaa bay yidhaadheen meesha laygu so xidhayna xunbuli ayay ahayd Ilaah baa xumo ka nasahane beentay ha moodina geda-buursiga xoolahayga haysta waa Muusa-fiin iyo reer nuur,xeeb-jire oon ahayna way ii dulmeen,2 walaalahay ihina way i daawanayeen,imika yurub baan iska imid Ilaahna dulmigii waa iga koriyay,iyagiyo kuwii baa isu hadhay Ilaah haysku kadeedo Waxan ahay agoon,laakiin tolkay igaaxayn maayaan Afar calool waawayni,ugaaskayagii wuu yimid kuwaa daanka wayn shaqaanu u diraynaa ciise qaawane iyo issaaqna keenada ayaanu gelinaynaa cadhada siiba ciise ii haysa cid kale oon hayaa ma jirto oon ahayn yuhuuud iyo nasaaro,laakiin iyaguba waa cawaaan mudan in la laayo afar iyo shan mooyee

    Cismaan Faarax

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: