‘Wadaadoow Alif wax maleh iyo waxbuu leeyahay, adaa lagaa wada hayaaye, anagu abiidaba maanu dafirn soomaalinimo, Ilaahaybaa nagu og, Ingiriisbaa nagu og, Faransiisbaa nagu og, Talyaanibaa nagu og, Amxaaraa nagu og, Isticmaar oo idilbaa nagu og, Adduunyadaa nagu og. Alla Yaa Raboow, Reer Saylacbaan nahay, Alla Yaa Raboow, Reer Axmad-Guraybaanu nahay, Alla Yaa Raboow, Reer Awdalbaanu nahay’.!
Sida aynu ku qaadaa-dhigi doonno faaladeenan maanta; KULMIYE iyo UDUB waxa kulmiya SNM (Isaaq National Party), waxayna heshiis ku yihiin wixii kasta ee SNM ku faanto iyo ciddii kasta ee abaal SNM ay u hayso, xitaa marka lagu daro madaxweynaha dalka (oo ka socda UDUB/Awdal), iyo musharraxa madaxweyne ku xigeenka KULMIYE (Awdal), oo iyaga laftarkooda ay isku waafaqsan yihiin inay ku joogaan ama ku yimaadeen cafiska iyo saamaxa SNM. Waxaynu faaladan tusaale ugu soo qaadanayna, faro galinta joogtada ah ee dawladda Djibouti ku hayso degmada SAYLAC. Taasi oo muxaafid iyo mucaaridba ku wada yihiin mabsuud, waloow ay noqon doonto musiibo mug weyn, oo mijo xaabin doonta midnimada, magaca, iyo mansabka Somaliland.
Madaxda sare ee KULMIYE, gaar ahaan Muuse Biixi waxa lagoo soo weriyay inu yidhi, ‘Djibouti iyo Ciise waxan u haynaa abaal oo halgankii SNM ayay nagala qayb qaateen’. Taasi oo loo qaadan karo in KULMIYE, abaal marin Jabuuti u siiyeen inay iyadu si dadban iyo si toos ahba u maamusho Saylac iyo degaanada hoos yimaadaba. Isla mar ahaantaana aanu gobolkaasi cusub ee Saylac hoos yimaadi aanu gabi ahaantiisaba ka tirsanayn Jamhuuriyada Somaliland. Sobabta sidaas loogu qaadan karina waxay tahay, maadaama an maalin qudha afkooda laga maqal inay xaqiraad iyo xad gudub ku tahay xorriyadda iyo xuquuqda jiritaanka Somaliland in madaxda Djibouti kasoo degaan Saylac, balse aanay kasoo degin madaarka Hargeysa. Kadibna ay halkaasi ku qaabilaan madax ka socota xukumada Somaliland, iyagoo himiladoodu tahay inay hantiyaan gobolka Saylac. Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ogaan iyo badheedh ayuu iskaga indho tiray cawaaqiib xumada kasoo ifbaxaysa xaaladaha cakiran ee degaanka SAYLAC, waxayna xusbiga talada haya kula yihiin shuraako Faranka Djibouti iyo Dollarka maraykanka ee lagu duminayo gooni isu taaga Somaliland.
Waxa sidoo kale laga wada dheregsanyahay, in isla madaxda sare ee isla xusbigaasi KUMIYE, ay halgan iyo olole adag u galeen walina ugu jiraan, gobol weyne la yidhaahdo GABILEY oo bad iyo berri iyo beeraba yeesha, xitaa haddii ay noqoto in lasoo boobo dhul badeed iyo beereedka ka tirsan gobolka qadiimiga ah ee AWDAL. Waxana taasi kuu caddaynaysa sida aanay marnaba uga hadal in dad qalatadii safarka reer Awdal jidka u joogsaday, lasoo taago sharci, oo deg-deg loo soo qabto. Waxay ku eedaayaan xusbiga muxaafidka, isla markaana muxaafidkuna iyagay ku eedayaan, waanay isla ogyihiin, oo waa wax ay heshiish ku wada yihiin.
Docda kale; xusbul xaakimka Somaliland ee UDUB, waxay hogaankiisa sare raalli ka yihiin faranka iyo fara galinta Djibouti ee ku faafay Saylac iyo fayadeeda. Waxaanay u arkaan inay tahay abaal SNM u celinayso bulsho-weynta Ciise iyo beledkaasi Jabuuti. Sidoo kale waxay KULMIYE kula yihiin heshiis inaan marnaba lasoo qaban oo sharciga an la hor keenin dad ku abtirsada SNM, oo fal argagaxiso ah ka gala dadyoow kale oo loo arko inay ku joogaan cafiska SNM, dalkana an usoo haligamin, sida Samarroon. Waxa la odhan karaa waddaninimada xisbgia talada haya ee UDUB kama danbaynin aabihii aasaasay xisbigaasi, ee marxuum Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal. Waxaynu leenahay; waar waad na ciisheenood, na calool xumayseene, ama Cigaal labaad, soo ceshada, ama carriga inagu kala kaxeeya, an kala carroownee.
Hadal iyo dhammaantii; marka si maskaxiyan ah layskugu miisaamo, xisbiga hogaamiya talada dalka Somaliland ee UDUB oo ah xisbi ku momay dhiig miirasho, musuq-maasuq iyo xaq maroorsi lagu hayo maatada, masaakiinta, danyarta iyo guud ahaan muwaadiniinta Somaliland. Iyo xisbiga mucaaradka ugu weyn ee KULMIYE, oo ah xisbi ku faana mujaahidnimo, muwaadinimo, mala-wadaagnimo, iyo mabaa’dii diimuqraadiyeed, hadana ah meel madhan. Ayaa waxa kuu muuqanaysa in labada xisbiba quus ka joogaan, wax la yidhaahdo qaranimo iyo qaddiyad Somaliland oo adduun weynuhu quweeyo. Waxayna u muuqataa inay isku diyaarinayaan sidii ay gobolo federali ah oo qabiiliyaysan uga noqon lahaayeen Soomaaliweyn. Waxaynu leenahay; ‘Wadaadoow Alif wax maleh iyo waxbuu leeyahay, adaa lagaa wada hayaaye, anagu abiidaba maanu dafirn soomaalinimo, Ilaahaybaa nagu og, Ingiriisbaa nagu og, Faransiisbaa nagu og, Talyaanibaa nagu og, Amxaaraa nagu og, Isticmaar oo idilbaa nagu og, Aduunyadaa nagu og. Alla Yaa Raboow, Reer Saylacbaan nahay, Alla Yaa Raboow Reer Axmad-Guray baanu nahay, Alla Yaa Raboow, Reer Awdal baan nahay’.!
Waxay sidaasi daraadeed labada xisbi isku qaabileen, oo si qarsoodi ah iyo si qayxanba ugu yihiin heshiis inay qabiilkooda iyo qabiilooyinkii kale ee ku taageeray halgankii SNM mooyiye, ay dhammaanba tirtiraan qabiilooyinka kale ee dal wadaaga, daris wadaaga, iyo dan wadaagtaba ay yihiin, kuwaasi oo qabiil weynaha Samaroon ugu horreeyo, kuna xigaan Warsangali iyo Dhul-bahante. Balse, Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa, BOORAAN HADIMO HA QODIN, HADDAAD QODANA HA DHEERAYN, ADUUN KU DHICI DOONTAANA MOOYIYE. SNM baa dumisay Soomaaliweyn, SNM baana dumin doonta Somaliland. SNMna waa walaalaheen reer Sh Isaxaaq, halkeebayse ku socdaan, iyagu ha is weydiiyaan?.
Categories: Faalada Warka (News Analysis)
Daawo Madaxweynihii Ugu Horreeyay Somaliland: Marxuum Cabdiraxamaan Axmad Cali(AUN) Iyo Shirkii Awdal Ee Xilka Uu Iskaga Wareejiyay 1993
LUGHAYA Yay Ka Ooydaa, Ayayse Ku Ooydaa?: Abaar iyo Amni Darro
Hadday Dhalashadu Dhab Tahay, Ninkii Dhiigloow Dhaqaaq.
Maxay Sideen Doonyaha Reer Saylac Ee Budhacd Badeeda Djibouti Qafaasheen?
Badhasaabka Salal Ayaa Ka Danbeeya Dagaalka Socda, Dawladda Dhexena Way La Ogtahay
Saraakiishii Ugu Sarraysay Samaroon Wakhtigii Taliskii Siyaad Barre Iyo Siday U Arkayeen SNM Iyo Salka Khilaafka Samaroon Iyo Isaaq Iyo Sidoo Kale Saadaasha Mustaqbalka Soomaaliyeed