HiilDan.Com

Codka DanWadaagta Awdal Iyo DanYarta Soomaaliyeed – "Gunnimmo Dhereg Leh,Gobanimo Gaajo Leh Ayaa Ka Roone, Hallaysla Garto, Inaan Guddoonsannaa, Gar Innoo Ahe".

Archive for February 4th, 2010

YAA INA HABAARAY –DHAMMAAD

Posted by hiildan on February 4, 2010

Ahmed Arwo

Waxaad moodaa in habaarki kacayba, kolka aad dhugato ood dhegaysato soo-dhoweyntii Hargeysi ku qaabishay Musharaxa Madaxweynaha Gud. Axmed Siilaanyo. Waxa muuqatay kalsoonida, qadarinta iyo rajada shacabi weynahu ku qabo hoggaanka Kulmiye. Waxa wadhi raacday UDUB iyo madaxdii dhowrka jeer ku celcelinaysay hadalo deelqaaf ah iyo ceeb qaran oon geedna loogu soo gaban, ilaa gaadhsanaa…Silaanyo waa inuu cafis weydiistaa…Dadweynahu wey marag fureen, waxayna muujiyeen inay garasho iyo dareen ka sareeya kuwa dacaayadda fidinaayey ay leeyihiin. Waxay tuseen in markhaati beenaale isna is ogyahay, kan uu u furayna ogyahay, iyana ay ahaayeen goobjoogyaal taariikhda si dhab ah ula socda, dadkuna u kala suntan yahay. Taasi waa guul qaranku gaadhay oo muujinaysa biseelka shacbiga.

Read the rest of this entry »

Posted in Warka (News) | Leave a Comment »

Nimco Muxumad Ibraahim oo Loo Doortay Madaxa Barnaamijyada Arrimaha Bulshada ee TNN

Posted by hiildan on February 4, 2010

Maamulka shabakadda caalamiga ah ee Timacade News Network TNN , waxay ku war gelinayaan dhamaan asxaabta sharafta  iyo qadarinta naga mudan  iyo dhammaan shacbiga Somalilandba,in aanu u magacawnay Qoraa yadda  weyn ee Nimco Muxumed Ibrahim , inay  noqoto Madaxa  Barn aamijyada Arrimaha Bulshada ee Timacade News Network TNN. Read the rest of this entry »

Posted in Warka (News) | Leave a Comment »

Isaaqoow: Ha Dooranina Daahir Rayaale, Dee Waanu Shiraynaaye..!

Posted by hiildan on February 4, 2010

Waa falsafad aad iyo aad u liidata,  aad iyo aadna  u fajaciso badan, inaynu ka maqalno qaar ka mid ah waxgaradka reer Awdal oo ku odhanaya: “haddii aynu isu nimaadno oo aynu shirno, oo aynu  aayaha gobolkeena iyo dadkeena  ka wada tashano, waxay taasi wiiqi doontaa taageerada beelaha dhexe iyo kuwa kale ee dariskuba, ay  siin lahaayeen  madaxweynaha dalka oo ah reer Awdal”.   Waxa kale oo falsafaddasi ay tidhaahdaa, haddii aynu reer Awdal nahay, waxaynu haysanaa mansabkii dalka ugu sarreeyaye, maxaa inaga maqan?” Bal hadaba inta aynaan u daadegin dulucda qormadani, aynu marka hore  waxyar ka faalloonno falsafadan iyada ah ee aynu soo sheegnay,   oo aynu  magaceeda u bixin karno inay tahay  “Falsafadda Danaysi Guulwade” (FALDANAG)

Read the rest of this entry »

Posted in Badheedhe (Editorial) | Leave a Comment »

Ogeysiis: Xuska Sannad Guurada 37aad ee ka soo wareegtay Geerida Marxuum Cabdillahi Suldaan Timacadde

Posted by hiildan on February 4, 2010

Maamulka Shabakadda Wararka ee Timacadde News Network TNN, www.Timacadenews.com  , Wuxuu kugu martiqaadayaa ka soo qayb galka Munaasibad lagu xusayo Sanadguuradii 37aad ee ka soo wareegtay geeridii  Halyeygii,Waddanigii, Gabayaaagii weynaa ee Marxuum, Cabdillahi Suldaan Timacadde.
Read the rest of this entry »

Posted in Ogaysiis | Leave a Comment »