Haddii Talada Meeshaan Ku Wado, Cidi….

 Qore. A.Barkhadle.i.(waraabe-cadde)
 
Aqoonyahanada ku shiri doona waqooyiga america  ee reer awdal iyo salal waxaan leehay xaal qaata, waa xumaheenii, waa xaasidiinteenii, waa xaajadii talada reer boorame een fulunfuulka dhaafeyn,  waxaan leenahay haddii aanu  nahay qurba joogta  bahda reer awdal iyo salal ee ku dhaqan gacanka carabta hiil iyo hooba waanu idinla barbarjoognaa.

Waxaan akhriyey warbaahinta reer waqooyiga , waxaan ku arkay wax lala yaabo, ka dib markaan arkay maqaal uu qorey maxammed xasan mataan, uu ku canbaareynayey aqoon yahanada tolkii meelkasta ooy joogaan. Maqaalkaas oo reer hargeysa aad u qaadaa dhigeen saa gadabuursibaa is dhaleecaynee iyaga oon waxba ku haysan dawlad ku sheegtan fadhiidka, ee loo adeegsanayo maskaxdooriska ummadda xaqoodana la rabo in lagu duudsiiyo lana dhaho idinka ayaa ka madexweyne ah, kan horeba looga caalwaayey.
Bal fiirsha ayaan daradda haysata dalka iyo dadka gadabuursi, waa dhulka kaliya een waxba loo qaban tan iyo intii lagu dhawaaqey waxan lagu sheegi goono isku taaga, waa kuwa kaliya ee loogu hanjabo waa la idin xoreeyey, la idinkama aar goosan, faqash baad ahaydeen, meel aan hore la idiin gaarsiin baanu idin gaarsiiney, saajin ma aydaan dhaafi jirinee, ma idinkaa tashan kara, iyaad ismoodeysaan., dalkan rag baa u soo cabay kaadidooda , hebel miyaad afka ku taageysaan mujaahid buu ahaayee,  maxammedna cidda lagu jihaadey midhaa way dhaafsan tahay isaga in ay tahay.
 
Maxammed wuxuu yiri gadabuursi somaliland bay ahaayeen. gadabuursi ma tashan jirin, gtadabuursi qurbe loogama taliyo ee geesiyaalkii ka badbaadiyey SNM, intii dhimatay ma ahee kuwii kale way nool yahiin,
gadabuursi qurbe joog uma taliyo, shir ay yeelan karaani ma jirto, waxba ma qabsan karaan , soomali land boorame ayaa lagu dhisay, ayagaa maanta ka madexweyne ah, kuwan maleegaya in gadabuursi tashado ma matalaan dadkoodii.
Waxaa isweydiinle  maxammed ma gadabuursibaa mise  waa cadawga dabuursiga?maxammed ma dadka u damqadey dadkoodii iyo dalkoodii buu ka xun yahay ? maxammed maseyrkii lagu yaqaan tolkeen buu moodey in uu maanta shaqeynayo?   maxammed ma maxaa laguugu soo dari waayey oo laguula tashan waayey adiga buu leeyahay?
maxammed miyuu is yeelyeelayaa mise waa ka dhab, mise kaan moodeyno buusan ahayn?oo waa qofkale.
Maxammed ma kuwa iidoorku dhegta wax ugu qabtaan ee tolkiin soo gumaadaa la dhahaa? maxammed ma kuwa kaliya ee tolkoodka iaygu ku dil noolbaa, saa kama cadhoodeen tolkaa baa wax taran sanayaee….
 
Maxammedaw soomalilandtan aad dadka mar marin midhaa waxaa ku kor maray fadhigan aad joogto uk ee waa surgin lagula maagan yahay adiga iyo intii kula qoom ah, ictiraafkan la rabo waa jeelkii lagugu xasuuqi lahaa, marka la helo, dawladan labo ee soomaliland waa mid adiga uun ku xakumi doonta, saa waad aragtaa dhagarqabayaashii baa l leeyahay waa mujaahidiin oo sharcigu ma qabanayo, amase nin faqash ahaa looma qaban karo oo dhulkooda ayay difaacayeen, iyada oo aan dawlad lagugu noqon wali baa heerkaa la marayaa, waa aragtaa in marka hadal biawdo la leeyahay hebel dhulka wuu u dhashay adiguna waa ku dhalatay , maxamadaw adigaa tafsiiri.
    
Waxaa leehay maxammed tolkaa xaal sii, kana noqo hadalada deylqaafka ah, haddii aad adigu wax matare noqotay ma ahin in aad afxumadda aad kula kacdey aqoonyahanadaa,iyada oo mudoba aan saluugsanayn waxqabadka aqoonyahanadeena, maantase haddii ay ambabareen waxaan leehay waa illaah mahadii, waana intii inaga maqnayd , reer walba wuu is hor wadaa aqoonyahanadooda, sultaanadooda, cuqaashooda, haddii aad ka maseyrtay maxaa laguugu dari waayey gudiga sare ee soo ifbaxaysaa dee gadabuursi ma wada noqon karo wada taliye, iyo gudoomiye dadkaaga dhinac ka raac hadaladan iidoorku ku raaxaysanayo eed warbaahintooda ku suntanna si  degdeg uga bixi raali galin, maalina ma arin maqaalka aad tolkaa ku difaaci adiga iyo kuwan harow sheegan toona , waxaan naxli ahayn kuma soo kordhiyaan dalka iyo dadkatoona midhaa ka mid baad tahayee…..                                                                                                                                                         
 Aqoonyahanada ku shiri doona waqooyiga america  ee reer awdal iyo salal waxaan leehay xaal qaata, waa xumaheenii, waa xaasidiinteenii, waa xaajadii talada reer boorame een fulunfuulka dhaafeyn,  waxaan leenahay haddii aanu  nahay qurba joogta  bahda reer awdal iyo salal ee ku dhaqan gacanka carabta hiil iyo hooba waanu idinla barbarjoognaa.   Haddii ay tahay maamul sameyn , tusaaleyn, tolfiiq, taakuleyn, af iyo adinba waxaan idin leenahay  eebbe ha idin la qabto shaqada samofalka ah  eed wadaan,noqda kuwii lagu reeyo ee lagu nasto, tolkiin geed buu hoos jiifaa dadaalkiinu ma yaro, docka yeer xun ha u joojinina hawsha baaxadadda le eed wadaan, kuwan  aan garanayn xalku meeshuu ku jiro allaa ha garansiiyo nin aan warankaagu galin warkaagu ma gallo reer geedigiisa hogaanka qabta wuu majaro habawsan yahay oo buurya ciddi baa hayswalba u taagan xoreyn dhexdiisa ah buu rabaa gadabuursi, waad aragtaan raggii u soo halgamay reer walba wuu is hor wadaa inaguna kuwii la inoo adeegsaday baynu is hor wadnaa marka waa in laga waan toobaa ,  wanaaga eebbe wayne ha ina waafajiyo ,eebbe  xumahana ha inaga  tiro ama fasaqo walaalayaal inta aynu xaasideyno geesigeena, aqoonyahankeena nabadoonkeena, waxgaradkeena, indheergaradkeena aanan is hor wadano bilaale ma caaneeye maalintay taladuu jiifto diric xidhan waxba inoo suuro maayaan waa in nin walba cadkiisa la siiyaa, taariikh waa in la qoraa, dadku waa in uu kala saarmaa, cayno iyo biyo isku milmay baynu hadda nahay, nacas walba meel buu ka diboodhinayaa waa in lakala saaraa ragga ninba codkuu goosto laga raariciyaa., haddii kale tan iyo tu ka xun baa inoo dambeyn marka geesiga iyo doqonka aan cad isku mid ah siino…. … wa billahii tawfiiq.
  
                                                 Qore. A.Barkhadle.i.(waraabe-cadde) ksa.adbarkhadle@gmail.com.
   

2 Comments on “Haddii Talada Meeshaan Ku Wado, Cidi….”

  1. Abdallah farah
    February 4, 2010 at 4:39 am #

    Marka hore waxan salaamayaa dha maan aqoon yahanka Awdal/Salal gaar, ahaan ragii dhawaan kadha waajiyay arin in mudo ah ba, aad loogu baahnaa inlagahadlo ama laga gilgisho, taas oo umuuqatay,humaag korkeena kamuuqda ahna mid aan marnaba loodul dulqaadankarin.

    Aniga oo anan kaquusnayn marnaba aqoonyahan kayga waysoo yeedhay taanfilaayay.
    waanan hambalyanayaa go,aanka ayqaateen waanan taageer sanahay dhamaan qodobada qaraarkoodu kakoobanyahay, waxanan ka,ahay xubin lagabilaabo maalintii aan arkay qaraarkan isaga,ah.

    waayo xaqbaa ifaraya inaan tolkay waxlayeesho,difaacona karaamadayda iyo tan dadkaygaba.

    Waxanse halkan ka,iftiiminayaa intamadaxa dhegoolaha ah sidataa ma oga waxalala maagan yahay xaiiqduna waxaytahay sida warka waraaba cade tibaaxay islamarkaana ah sida an aaminsanahay, waxbase yaan lalayaabin, ninkan lagu xeeranyahay balse isagu uxiiqsan gacan iyo garsiinta ninka kuseexday kunasoo toosay xumaanta tolkii ee ii doorka dayladraadiska ah iskadhaadhiciyay inaydaacad uyihiin balse anxisaabtaba kudarsan haday dawlad helaan maxay kaayeelayaan? adoo maanta habayaraa tee aanan xisaabtaba lagugudarsan balse dhiigaaga laxalaa shaday[jidad gooyuhuna Mujaahiyahay] markaa waxa ilahaboonayd maxamed inuu iswaydiiyo ama hoos u eego halka xisaabta tulkii looqoondaynayo iyo waxa lalamaagan yahay maalinta nfursad loo helo, maxamed waxan filayaa inuu isaaqcabbay cidda waraabisayna cidkale oo aniga ahayn ayaasheegidoonta.

    Waxakale oo an xasuusinayaa dawladda uu sheegayo ee uu leeyahay Samaroon ayaa kamadaxa ah.
    waxan usheegayaa inaan kaa umadaxa ahi aniga imetelin aayaha dadkaygana kamataliyo, xisaab ayaana utaala, dhabaato an taariikhda dadka samaroon soomain waligeedna wuuhorseeday,balse Smaroon wuuyaqaan sida loola tacaalo ciddaa iyada ahna.

    Waana qoom guun gaboobay ah oo cidina kama liibaanto beesha Samaraan .

    Taageero buuxda ayaan siinayaa baaqa aqoonyahanka Adul/Saylac .Ogasiis waxan dha maan aqoon yahan ka Adal/Saylac ogaysiinayaa iaanay jirin magac salal layidhaa magaca gobolku waa inuu ahaadaa saylac waayo waxa latirtirayaa taariikh qadiim ah oo lagubadalayaa magac maanta ciise bixiyay oo meella ka soogalin taariikhda Zaila kaas oo ah doox ku yaalla Buurta maarmaar
    hoosteeda. markaa sideebaad u aqbashaan magac daylqaaf ku ah jiritaan kaaga taariikheed, halkaa tolkay waxan xasuusinayaa hadaan lagahortagin magacaa inuu cawaaqib xun ukeenidoono taariikh sooyaal ahayd tan iyo qabla islaam.

  2. A.Barkkadle.I.
    February 6, 2010 at 8:44 am #

    AWFARAX SEGADAW waan ku salaamay si heer qaran ah, walaal anigu salal uma aqaano meel ciise dego, salal waxaan u aqaanay markaan dalka joogay dixda ka soo bilaabantahay afdoor ee reer boon u aroori joreen markaan dal joogey, wuxuu noqdaa oo kale marka uu qulolo dixgudban , xariirad buu bari ka maraa, geri goan buu noqdaa, habaas markaad joogto bari waxaa kaa qabta qabrigii dubub ay reer dubub ku wareeji jireen sida kacbada ay u aaminsanaayeen kana barakaysan jireen, wajiga bartankiisana dhooqada calaamada ah ay iska marin jireen iyo hargaha xoolaha la qallay ooy saacado dhudhunka ku xidhan jireen ayna u aqoonsanayeen qofkii aan xidhan ama aan is marin aan loo dambi dhaafin wali ilaa sannadka dambe, iyo calamadda (maryaha) siyaaradda ooy midba in yar jeexan jirey qoortana sudhi jireen si loo arko in loo dambi dhaafay ooy diiqeen qabrigii awawgood , tuuladda cabdulqaadir buu baalka ka galbeed ka maraa, markaa waa tuuladii ina sheekh faraxan harowo qoraa ka soo baxay dugsigii hoose, madexdadleybuu hoos u maraa jidhi buu baalka galbeed ka maraa , badhtankuu ku dhuftay tuuladda ceelgaal halkaasuna kula baxay salal ilaa inta u dhaxaysa ceelgaal iyo jidhi.. ciisena ma le ee waa dhul gadabuursi, goobtii ciise lagu siiyaya laba kursi ee ana fawska ah (sooryada ah)bay ahayd ceelgaal oo geedka ku yaal dixda salal sannadkii 1958kii markay soo ifbaxday gobanimo doonkii xoriyaduu ileyn waa dad soomaaliyeed oon dalka deginee. intaa aan ku dhaafo salal iyo warkiisa.
    Ina xasan mataan. maanta ma yiraahdeen beelaha soomaaliland een walaalaha nahay siiba iidoor maxaa yeelay xita wuxuu garan la yahay dhibta ka haysata tuuladii uu ku dhax=shay ee wajaale oon maanta waxbna looga ogoleyn, dadkalena sheeganayo, ma yiraahdeen magaloofigan inaa ka madexweyne ah, ma yiraahdeen soomaliland baa ah wax jira dawladinimo lagu sameeye boorame ma jirto ee waa shirbeeleed ina soomaali isku imanayso intii dani ka dhaxaysay sideen u wadad noolaanaa bay ahayd , is xukun ku meel gaar aha loo sameeyaa beelan dariska ah, tiina iidoor baa ka baxay , maxammed miyuu ka caqli xun yahay gabadhii ku buraan-burtay(Gabadh bahdeed guursatoo lagu baxaad ahaydee iidoor kuursatee waa waxaad cuntaa)…miyuu ilaawey maxammede seedigii tolwaa ee la soo dhintay iidoor, ee tolkii gumaaday ee kula baxay tol yare halkay dhigeen, kii oran lahaa beesha aan walaalaha nahay miyuu yahay, miyuu ilaawaey falkii ka dhacay dila iyo gabiley dhexdeeda dadkii aan waxba galabsan ee la jarjaray hilibkoodii loona quudhi waayey xiotaa rasaas, lana yiri waxay istaahilaan qorob qorob gooyn, dawladnimadan iidoor doon waa tu waaxyo laguu jarjaro maxamadaw, tani waxay ahayd bilawgii ictiraafka soomaliland,
    iidoor wuxuu ku dhaantaynayaa ragan ha la xiray ee ay rabaan in ay jeelka kala baxaan , ayna ku micnaynayaan in ay ahaayeen mujaahidiintii ururkii snm.(gacan ku dhiiglaha ahaa sida aan u haysano inagu). waxay ku qoraan war baahinta rag dalkooda u soo dhintay hadana cadawga ka difaacayey in la xidho waa xaaraan waa sidey hadalka u dhigaan, faqash loo xidhi maayo mujaahid qarxiye iyo intii la halmaashay, taalo ay leeyahiin iidoor gudahii… la soco saxaafadda oo ha ka gaabin , dib u socodna ha noqon tolkii meel kaga dhaca inta aad is leedahay iidoor sidii quraab, ama tol waa, ama ina miicaad ama dhawr qof oo kale shilimo ka raadi oo tolkaa meel kaga dhac, adigey kugu dambeyn …
    Iga raali ahaada fikir kaygu ioy taladeydu waa uun mid isma bedbedesho halkii uun baan taaganay.
    Markale waxaan xaal ma guurta ah siiyey aqoon yahaniinta is xilqaamay ee reer awdal iyo salal waxaan leehay ha u joojinina mid meel xun wax u wada ama tolkii dhaafsada xaal adduun horuu inagu badnaaye.. maantase wixiisu waa hal bacaad lagu lisey.. dadkuna waa soo jeedaa….. waxaan leehay guul iyo gobanimo geediga wadaa…. waa loo guuraa ee looma godeeyo, waa loo wareemaayee looma wiiqo, waa loo samraayee laguma degdego, xaalku waa arliya toostay …

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

Gravatar
WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.