Rayaale Iyo Taageero Ka Raadinta Reer Gabiley

By Abdillahi maxmed cismaan (XAQ U DIRIR)

Waxa is waydiin leh xukuumada somaaliland ee daahir madaxaka yahay taageero intee leeg ayay  ka raadinaysaa  reer gabilay  ?

 

Kaw waxa la wada ogyahay inaa gabilay gobol aan waxba ka jirin loo magacaabay. Iyadooy sidaa tahay ayaa la ogyahay inay dil waxashanima leh oo diinta islaamka ka baxsan  ahana fulaynimo loo gaystay dad safar ahaa oon waxba galabsan oo dad qalatada reer gabilay ay jidka u dhaxeeya kalabaydh iyo dila u galeen . Taasi oo   ayna xukuumada iyo dahir midana ayna wax tacsiya  udirin eheladoodii  iska dhaaf waxa ka qabade. Waxay  taasaa ku darsadeen reer gabilay inay dirayska somaliliand u soo gashadaan iyadoo askarta somaliliand dagaalada ceelbardaale kala qayb galaan si ay kaargo uugu galaan dadka dhulkooga difaacanaya. Taasoo  xumuumada dahir riyalena  idhaha ka qabsatay kana cabsi qabto reer gabilay.

Siday wararku nagu soo gaadhayaan ka dib markii ay gacan ku dhiiglihii reer gabilay ay sheegtay inay xukuumadu qabatay iyadoo la hubin ayaa waxa dhacday dhimasho nin iyo naag oo waxa ay ku socodeen aan la hubin ka dibna waxa lagu eedeeyay askari  waajibaadkiisii gudanaaya oona wali la hubin inuu isagu rasaastaa ku furay ayaa jeelka loo taxaabay.

 Hadaba eexashada iyo taageerida ay xukuumada ku sheego u hayso reer gabilay cidna kama qarsoon xukuumada shacabkii reer somaliliand ka daleen riyaalena uu dadkiisa cadaadinaayo way tagi wakhtigii loogu talagalay wayna soo bixi wixii dulman ama dila ama reer gabilay waa imana

Qore

Abdillahi maxmed cismaan

U S A

About these ads

Categories: Waxay Ila Tahay (Opinion)

1 reply »

  1. Haddan nahay ururuka SAMOTALIS dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxan ugu horreyn salaamaynaa ummadda samaroon meelksatoo ay joogaan. gaar ahaan waxan salaan qaaliya u diraynaa salaadiinta, cuqaasha, indheergaradka iyo siyaasiyiinta daneeya wanaagga umaddooda. intaa kadib, waxa maanta ummadda samaroon haysata dhibaatooyin farobadan oo kaga imanaya ugu horreyn Rayaale iyo taliskiisa iyo ta labaad oo ah dawladda jabuuti ee an dariska nahay, waxad wada ogsoontihiin inugaaskii ciise la doonayo in lagu caleemo saaro Saylac sannadkan an ku jirno bishiisa labaad amma tiisa seddexaad, waxa kaloo an ka wada dheregsannahay in ugaasyada ciise lagu caleemo-saari jiray waligoodba Itoobiya oo aynaan shaqo ku lahaan jirin caleemosaarkooga, maanta waxa la idinku beerlaxawsanayaa in guddi ka kooban 13 oday oo ciise ah iyo 13 oday oo samaroon ahi ay qabanqaabada ka wada qaybgali doonaan, arrintaas oo ah arrin ugub oo waligeed an hore u dhicin, waana arrin la isku dagayo, mana aha wax la qaadan karo markaan run kuwada hadalno. sida sooyaalku dhigayana weligeed lama araga lamana maqal caleemosaar caynkan ah. Saylacna marnaba laguma caleemosaarin ugaas ciise, waxana Ciise caalamka u sheegay war been ah taaso ay leeyihiin ugaasyadayada waxa lagu caleemosaara lana soo wada mariyaa dhulka ciise. waxanan ognahay saylac inaanay ahayn dhul ciise oo samaroon laga sheegan karo maanta, waxana waftiga intaa le’eg ee ka kooban wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka waxbarashada, gudoomiyaha baarlamaanka, wasiirka dalxiiska saylac ay u yimaadeen waa arrin ka weyn caleemosaar ugaas, dalkeenaana duullaan lagu yahay waxan ka danbeeysa siyaasad jiritaanka ummdeenna khatar weyn ku ah, dalkana la inanaga saarayo loona baahanyahay in laga hortago.

    Waxa dawladda Jabuuti ay rabtaa inay inna kala jajabiso oo la inna kala xado, waxa wufuud loo kala dirayaa degmooyinkeenna oo dhan, waxa la leeyahay reer hebel way oggolaadeen oo reer hebel wey oggolaadeen arrintaas oo ah been iyo beerlaxawsi, ee reer hebelow idinkaa naga soo horjeeda oo na diiddan ee abtiyaal dhasho iyo dhasheed baan nahee waa sidee, waxa la rabaa in dadkeenna ka bilaa damiirka ah la innoo adeegsado oo la inagu karbaashaa anay ku danaystaan, xumaan iyo khilaafna dhexdeenna laga abuuro aan caabaqiisu weligii anu inaga hadhin taariikh madowna inna dhaxalsiiya abidkeen ummad ahaan. waa in dacaayadda rakhiiska ah ad iska garataan. waxana wanaagsan wufuuddan dalkeena dhex mushaaxaysa oo la iska qabtaa waayo waa fidno waxay wadaan iyo isku dirkeenna.

    Ummadii waa tii karamadeeda iyo sharateeda ilaalisa xumaanta lagu hayana ka damqata isna qabata dhexdeeda, haddii taa la waayana waxad ogaataan in habeen idiin dumay.

    sidoo kale waxa ku jirtay warsaxaafadeedkii salaadiintu ay bixiyeen weliba suldaan baade inay Saylac ku soo arkeen dhallinyaro samaroon ah oo jeelasha ka buuxda jidh-dilna qaar ka mida lagu sameeyey, waxa kaloo ay caddeeyeen inay cabasho ay ka heleen dadka halkaa deggan awgeed ay u tageen, waxana dhibaatadani ay bilaabantay intii loo xilsaaray badhasaabka iyo maayarka ka dib markii maamulka caganta u geliyey Rayaale. halkaa, ayaanad ka arki kartaan arrinta madaxeega, waxa intaa ka badanna ilaahy baan ka magangalnay waana waxan innagu isgaadhsiinay haddaynaan hadda wax ka qaban intay goori goor tahay. Jabuutina la idiinka warrami maayo siday wax u jiraan.

    sidaa darteed, waxan salaadiinta, cuqaasha, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo ummadda samaroon meelkastoo ay joogaan an ka codsanaynaa anan uga digaynaa in arrintaa ay diidaan anay horjoogsadaan inu meeshaa caleemo saar wax la yidhaa u ka dhaco iyo inay ka qaybqaataan labadaba.

    waxanan uga digaynaa qofka arrintaa ku kacaa inu yahay nin dalkiisa iyo dadkiisaba khaayimaya axankii dhulkiisana cunaya ubadkiisana dhaxalkoodii seejinaya kana hiilinaya. reerkuu doono samaroon ha ka ahaado, mansabkuu doono ha sheegto ninka sidaa yeelaana, ha dheeraato amma ha dhawaato e waa in abaalkiisa la mariyaa, gacan birana la isaga qabtaa lana – sidaasaa kheyrku ku jiraa ilaahyna raalli inagaga noqonayaa maadaama aynaan cidna dulmayn ee innaga Jabuutina la inagu dulmey Saylacna la rabo in la inagu dulmo.

    afhayeenka Samotalis

    sahra maxamad

    Borama – Awdal

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: