Hummaagga HiilDan: Ma Suldaano Qaran, Mise Suldaano Qabiil?

  • Salaadiintu ma waxay ahaayeen salaadiin qabiil, oo dhul qabiil isku haysto u socday?
  • Ma waxay ahaayeen salaadiin qabiil, oo dhul qaran iyo qabiil isu haysto u socday?
  • Mise  waxay ahaayeen salaadiin qaran, oo dhul qaran isku haysto u socday?

Aad iyo aadbaynu uga dheragsannahay dhawaqyadii iyo dhaq-dhaqaaqyadii badnaa ee dhawaanahan is daba socday kuna saabsanaa ku takri falka dhul qaran oo ku yaalla Xeebta Awdal. Dhacdooyinka soo jiitamayay waxay ku soo af-jarmeen ama wali kusii af-jiidmayaanba aynu nidhaahnee, in salaadiintii Awdal  awood qawlaysato-qaran  lagu muquunshay.  Hadaba waxaynu hummaagsanaynaa halka ay wax  ka qaldameen, oo waxaynu is weydiinaynaa su’aalahan aynu kor ku xusnay , inagoo  kadibna  ka jawaabi doonna:

(1). Salaadiin Qabiil iyo Dhul Qabiil

Dabcan salaadiinta Awdal waa salaadiin matalaya qabiilooyinka Awdal, gaar ahaana Samarroonka Awdal. Dhulka ay booqdeena waa dhul ka mid ah dhul weynaha ay degaan ahaan iyo dad ahaanba ugu badan yihiin qabiilooyinkaasi ay matalaani. Balse suldaanadu ma waxa la odhan karaa waxay  dhexdhexaadinayeen xaalad murugsan oo u dhaxaysay qabiilooyinka dhulka wada dega, ama xaalad taasi la mid ah oo u dhaxaysay dawlada qaranka matasha iyo qabiilooyinka dhulkaasi ku nool?.

Haddii xaaladaha noocaasi ahi ay iyagu ahaan lahaayeen kuwo jiray ama wali jira, waxa la odhan karaa salaadiinta si fiican ayaa loo soo dhawayn lahaa  dad iyo dawladba, sida imika qabsatayna ma dhacdeen. 

Balse taasi ma dhicin, oo dhibka jiray wuxu ahaa walina yahay, tuhun la tuhunsanyahay in dawlada tabaruca ah (the NGO Government) ee ka talisa dalka Sommaliland ay mashruuc ahaan ku bixisay dhul ka mid ah jaziiradaha bilcdsa san ee Sacadu-diin iyo Ceebaad, iyadoo ujeedadeedu tahay inay kaga urursato qaadhaan iyo yabooh dawlada dheeli tiran ee dalka Djibouti. 

Koox qawlaysato  ah (Mafia), oo  shaadh dawladeed sita oo hungiriga uun wax ka arka waxna ka maqla isla markaana an aaminsanayn qabiil iyo sharci toona, ayaa dhacaya dhulkeena iyo dhul weynaha Somalilandba. Sida kooxdaas qawlaha ah loo qaban karina waxay u baahantahay tab iyo xeelad ka badan midan suldaanada  qabiilku ku kaceen.  Tabahaas iyo xeeladahaas waxa ka mid noqon kara in loo baahnaa inay suuldanaada samarroonka Awdal  noqdaan suldaano Qaran oo dhul qaran soo dhicinaya. Sideeyse ku noqona karaan ama ku noqon kari lahaayeen?

(2). Suldaano Qaran iyo Dhul Qaran.

Suldaanada qabiilooyinka qaran weynaha Soomaaliyeed ee Somaliland marka ay is bahaystaan, waxay isku noqdaan ‘suldaano qaran’. Waxana  dhici karta in isbahaysigoodu ka awood roonaan karo dawladda NGO ah ee Somaliland  oo ay hogaamiynayaan  kooxda aynu soo sheegnay ee qawlaysata ahi.  Jaziiradaha xeebta Awdal ku yaalli waxay sidoo kale yihiin jaziirado ku yaalla Qaran leh magac iyo xuduud kuna degsan qawaaniinta heer caalami iyo heer qaranba.

Hadaba haddii salaadiinta Awdal ay shaxda dhinac kale  ka ciyaari lahaayeen, oo ay soo mari lahaayeen dhammaanba salaadiinta kale ee Somaliland, una bandhigi lahaayeen shakiga ay ka qabaan in la boobay dhul qaranku leeyahay. Kadibna salaadiintaa qaranka oo gacmaha is wada haysta ay arrintaasi si heer qaran ah uga hadli lahaayeen, waxa dhici kari lahayd in wakhtigan aynu joogno cabsida dawladu badan lahayd, salaadiintana la caleemo saari lahaa. Imikase waxay u muuqataa in salaadiinteenii sharaftii laga xayuubiyay, isla mar ahaanta ay dawlada ku meel gaadhka ahi is  iyadu is huwisay shaal xariir ah.

Gabagabo iyo Gunaanad

Igu wallee reer Awdaloow,  jaziiradaynu ka hadlaynaaye, waxa dhici karta inaanay waxba ku ahayn xukummaddan moral iyo mici iyo murq ku dhiiglaha ah, ee qawlasataduna hogaamiyaani. Inay Awdal iyo gobolo kalaba ay  hunguri dhaafsato, walibana hoobiye ku garaacdo, iyadoo kuu adeegsanaysa isla qaar inaga mid ah.  Balse waxaynu kaga guulaysan karnaa in kolba xaalada ay iyadu abuurto aynu uga dhigno mid iyuda leedahay, iyaduna ku hooban karto, ee aynaan ka dhigin mid aynu innagu leenahay.  Waa waranka Xukummaddu ay  inagu soo riddo,  oo aynu iyada dib ugu ridno, wadnahana kaga hagaajinno. Sida taasi ku dhici kartana waa midnimada reer Awdal oo noqota muqaddas, meeshana an laga saarin xaq iyo xasilooni ku wada noolaanshaha beelaha kale ee xigaalka  iyo dariska ah.

Hadal iyo murti, salaadiinta samarroonka Awdal iyagaa is dhigay meel xil leh oo aad iyo aad isu xumeeyay markii ay shaxda la dheeli kari waayeen  qawlayasato dhuuni qaadato ah.  Ciyaarise waa galin danbe, oo waxa la yidhi: ‘Bahal caydhinkii ma daayo, caadadiina ma baajo, oo caarre waa dhalankii.  Waantoobi mayso qawlaysatadaan ogaa;    walleese laguma gam’o,  gulufku waa halkiisii, geyiga salaadiintaa leh. 

About these ads

Categories: Badheedhe (Editorial)

1 reply »

  1. Salaan qaali ah dhamaan 2 da shabkadood ee hiildan iyo allboon. Run ahaan tii warbaahinta 2 daas shabakad ama kahadal ka bulshawaynta reer awdal & Salal aad iyo aad ayay utahay midqaali ah. Waxaan rabaa inan waydiiyo bulshada reer awdal iyo salal ee dagan qurbaha ee badankoodu kawar haya xalada awdal iyo salal maxay wax ugaqaban laayihiin baahiyaha 2 gobol ee muuqda? Teedakale mayihiin dad iskuxidhan oo raba ama kuhamiya inay kakaaftoonto awdal iyo salal ganacsiga hoostaga ah ee goboladakale ama jabouti ama kufikara inay shaqo u abuu raan dhalinyarada shaqala aantu hayso ee reer awdal iyo salal mise waa fadhi ka hadal iyo maqaal qor kaliya? Thnks

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: