Salaadiinta reer Awdal Ma Waxan Ka Filaynaa In Ay Qoryi Inoo Qaybiyaan Oo ay Ina Dagaal Galiyaan?

Xaalkeenu yaanu noqon in aan Aabayaasheen iyo Awoowyaasheen nidhaano idinku carara Anaguna waan tukubaynaaye

By Cabdale Faarax Sigad 

Markasta oo ay dhibaato ama aqabado la soo darsaan dadka reer Awdal waxay indhaha ku jeediyaan Salaadiintooda iyo madax dhaqameedyadooda iyaga oo filaya in ay ka helaan jawaabaha ay markaa rabaan oo ah sidii wax looga qaban lahaa arimaha markaa taagan.

Waxayna dhagaha u taagaan hadalkasta oo ka soo baxa afka salaadiintooda iyaga oo dadku markaa  filaya in salaadiinta uu ka soo baxao war farxadleh oo muujinaya in ay reer Awdal ka guulaysteen cidii ay markaa is hayeen.

 Laakiin fikirkaasi wuxu la midyahay nin inuu kuuli nimo ku shaqaysto raba laakiin aan rabin  in uu boodh jidhkiisa taabto  

 Waxana iswaydiin mudan waa maxay waxa dadku ay ka filikaraan salaadiintooda iyo madaxdhaqameed yadooda markay arimuhu murgaan? Maxayse tahay waxa salaadiintu awoodi karaani iyo waxayna awoodi kariniba?

 Hadaba anoo isku dayaya in aan fikirkayga kaga jawabo arimahaa.

 Waxa haboon in aan ogaano in maanta Salaadiinteenu wakhtigan aan joogno oo ah wakhti nabadeed awoodoodu aanay ka weynanyn waxoogaa khiilaaf xalin ah iyo odayaynimo ah.

 Mana aha salaadiintu saraakiil dagaal amaba siyaasiyiin wax ka qaban kara  arimaha ay dadkeenu katabanayaan maamulka maanta jira.

Dadka reer Awdal waxay had iyo jeer cambaareeyaan salaadiinta marka ay arimo sharaftooda iyo gobolkooda wiiqayaayi la soo gudboonadaan, waxayna bulshda reer Awdal dhamaantood kaga dhawaajiyaan in ay salaadiintu howshoodii ka soo bixi waayeen.

 Tusaale ahaan xaalada hada taagan ee ku saabsan jasiiradaha dadka gaarka ah loo xidhay oo ay salaadiintu isku dayeen in ay bal wax ka qabtaan, ayaa waxay kala kulmeen aqabado kaga yimid dhanka maamulka hargaysaad, salaadiintuna markay ku soo laabteen Borama waxaba inagama qarin oo runt ayay inoo sheegeen.

 Salaadiinteenu ma ay wadan qoryo iyo dibaabado, dagaalna meesha uma ay tagin

waxayna kaga dhawaajiyeen in laga diiday waanwaantii iyo wanaagii meeshaa ay u tageen.

 Hadaba salaadiintu shaqadoodii way dhamaysteen maadaaba, ay  runta inoo sheegeen inamana oodhan karaan dagaal ayaan idin galinaynaa ama dagaal gala oo waa niman waayeelo ah kana baqaya hadii ay intaa hadalka dhaafiyaan in jeel loo taxaabo. Iyaga oo waliba arkaya tolkood sida maanta uu yahayna midkoodna iskuma keen halayn  karo, oo ilayn geesi il buu diriraaye waayeeladu bustahooga dugsoon kuma doorsanayaan jeel aanu jirin muruqii kasoo furayay.

 Hadaba salaadiintu maadaabay runta sheegeen maaha in aan ka filo in ay qoryo inoo qaybiyaan dhifays yana inoo qodaan ama aan iyaga marmarsiiyo ka dhigano ee cida looga baahanyahay in ay mucaridaan maamulka inagu dul tumanayaayi waa bulshada qaybaheeda kala duwan  oo kala ah

 siyaasiyiinta

saraakiisha

waxgaradka

dhalinyarta

haweenka

 Hadab nin kasta oo reer Awdaloow markaad salaadiinta ka hadlayso bal adu horta is xisaab salaadiintuna inagama xigaan arimaha aan ka hadlayno iyagaana sida runta ah inooga dadaal badan markaa yaynaan eeda iyaga uun u jeedin oo ynaan ka dhigan mar marsiiyo.

 Inta aan odayaasha duqaha ah canaanayno aaway 30 jirkeeni iyo afartanjirkeenii ma lixdan jir uun baan talo iyo muruqba ka sugnaa.

 Xaalkeenu yaanu noqon in aan abayaasheen iyo awoowyaasheen nidhaano idinku carara anaguna waan tikubaynaaye

 

Cabdale Farah Sigad

About these ads

Categories: Waxay Ila Tahay (Opinion)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: