Hummaagga HiilDan: Madaxweyne Daahir, Dadka Awdal Yaa Ugu Xiga?

Qab qab dhaafaybay laba qabiil, qaran ku weydaaye, qar ha dumo, qiyaamana ha dhaco, qooysna yuuna hadhine….

Madaxweyne Daahir, Dadka Yaa Ugu Xiga?

Waa Su’aal ku socota bulsho weynta beelaha Samarroonka Awdal, oo ad mooddo inay iyagu yihiin dad is kala xijisiisanaya, oo kala jiidanaya  Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin. Su’aasha aynu is weydiinayna waxay tahay sida xagga sare ku xusan; Madaxweyne Daahir, Dadka Awdal Yaa Uga Xiga?. Walaalayaal, si aynu  jawaabo ku habboon ugu helno su’aashaas, marka hore aynu kala saarno  Samarroonimo iyo Somalilandnimo:

(1) .  Samarroonimo

Dalka Somaliland ayaa waxa lagu sheegi karaa inuu yahay,  dal ay qabiilooyinka qaarkood kaba awood sareeyaan Qaranka laftarkiisa oo aanay rabin inay u hogaansamaan shuruucda dalkaasi u taalla. Waana midda keenaysa in dib loogu noqdo qabiilaysi oo ama mar kale dib loo soo wada heshiiyo ama lagu kala tegaba, oo lagu kala guuro.  Qab qab dhaafaybay laba qabiil, Qaran ku waydaaye, qar ha dumo, qiyaamana ha dhaco, qooysna yuu hadhine…..

Tusaale gaaban waxa inoogu filan safarkii la qashay ee qabiilkii qashay ay duurka galeen, diideena in gacan dawladeed lasoo galiyo. Waxa kale  oo tusaale kooban loo soo qaadan karaa qabiilooyinka ugu tirada yar dalka somaliland qaarkood, oo xitaa damacoodu la gaadhay inay degaano dhan oo ka mid ah dhul weynaha Awdal iyagu dhaxal isu siiyaan kana dhammaystaan dawladda dalka oo iyadu ah mid dhuuni qaadato ah.

Hadaba is weydiintu waxay tahay,  qofka samaroonka Awdal ah ee dareensan xaaladahaas dalku ku jiro, isla markaana ay ku dheer tahay samarroonimadu, jilibkuu doonaba haka ahaado samarooone,  miyuu qofkaasi qabiilnimo ku taageeri karaa Madaxweynaha qaranka?, oo ma odhan karaa anigaa ugu xiga qabiil ahaan, iyadoo jiritaanka qabiilkaas oo dhamiba halis ku jiro?, oo kuwa halista kugu hayana uu isla madaxweynahaasi u yahay madaxweyne, oo waliba ay isaga kaaga faro dhuudhuuban yihiin?

(2).  Somalilandnimo

‘Somalilander’ waxa maanta sheegan kara ninka qabiil oo dhan indhaha iyo dhegaha ka xidha, ee aaminsan in sharciga dalku shaqaynayo, oo xorriyad iyo xuquuq xalaal ahi ay jirto.  Sidaa daraadeed qofka reer Awdal ah ee ku dhaadanaya Somalilandnimo, waa qof ka madax banaan qabiilaysi iyo gobolaysi oo aanay qalbigiisa ku jirin Samarroonnimmo ..iwm.  Waana qof an dan ka lahayn haddii dhul la sheegto iyo hadii dad la qalo, oo mar walba qaranimada ka horraysiiya qabiilnimada.

Hadaba haddiiba uu jiro qof noocaas oo reer Awdal ahi, ma laga yaabaa inuu xuquuq u leeyahay inuu sheegto inuu isagu ugu xigo madaxweynaha, maadaama madaxweynuhu yahay madaxweyne qaran oo Somalilandnimo loo doortay?. Laakiinse hadana miyuu ka xigaa reeraha kale ee iyaguna sidoo kale aamisan ‘somalilandnimo’.

(3). Samarroonimmo iyo Somalilandnimo

Waa labadii oo isku dhafan. Waa dadka yidhaahda Samarroonna waan nahay, Somalilandna waan ahay, oo labadaba waxbaan ku rabnaa. Waxa laga yaabaa in kooxdani yihiin kuwa ugu hantaaqda badan leh ee dhan walba wax u rida.  Waana kuwa isku haysta inay Madaxweynaha laba jeerba iyagu  dadka uga xigaan, waa midda koowaade  madaxweynuhu waa Samarroon oo waliba jilibyo kasii ah; waa midda labaade, madaxweynuhu waa madaxweyne qaran oo ‘Somalilander’ ah.

Balse su’aalaha iyadna dadkaa qabanayi waxay yihiin: 

 Horta madaxweynuhu qabiilnimo iyo qaranimo midkuu aaminsanyahay?

  • Ma qabiilnimuu aaminsanyahay?
  • Ma Qaranimuu Aaminsanyahay?
  • Mise labadaba wuu aaminsanyahay?
  • Mise Midnaba?

Goorma ayaadse idinku  madaxwenaha dadka ugu  xigtiin? ,

  • Ma markuu sharcigiisu qaban laayahay kuwa qabiilka wax ku dilaya?
  • ama qabiilka ku dal ballaadhsanaya?
  • mise markuu cod idinka rabo ama idinku ad cad (hunguri)ka rabtiin?,
  • Mise markii gunno iyo ganacsi idinka dhexeeyo
  •  mise mar walba?.

Gabagabo iyo Gunaanad

Murti hore oo soomaaliyeed ayaa tidhi ; “ummadyahay qabiilkiyo, qaranimadu waa laba, an is qaadi karinoo, waligood is qabanayn“.  Qarankii weynaa ee Soomaliweyn waxa dumiyay oo is qaban waayay,  waxay ahayd Qabiil iyo Qaran  oo meel wada yimid laguna heshiin waayay.  Somaliland oo ka dhalatay burburkaas Somaliweyna waxa wali is hor fadhiya waa isla labadaa (Qabiil iyo Qaran), oo is qaban la’. Waxana la odhan karaa Somaliland waxay qarka u saaran tahay in qabiil iyo danaysi gaar ahaaneed qabri ku aasaan dhawaan.   Sidaa daraadeed,  dadka reer Awdal inta sheeganaysa inay madaxweynaha qabiilnimo dadka uga xigaan iyo inta sheeganaysa inay madaxweynaha qaranimo iyo qabiilnimo laysku dhuftay daraadeed ay dad ugu xigaan, kuna taageerayaan. Intuba waxay u muuqdaan inay qaldan yihiin, maxaa yeelay, Madaxweynuhu ma aaminsana Qabiilnimo, wuxu aamisanyahay Qaranimo ku qaydan danaysi gaar ah. Hadana Qaranka uu hogaaminayaayi wuxu halis ugu jiraa hufo qabiil oo qaadda, madaxweynuhuna wuu og yahay. 

Hadal iyo murti; Madaxweyne Daahir,  dadka reer Awdal waxa ugu xiga, inta kala hadha dhulkooda  ee ka dhiidhida damac iyo daandaansi lagula daalo dhaco, ee  ku diida in iyaga lagu dulmo Qaran  an qawaaniintiisa qabiiladu u wada sinnayn. Kuwaasi ayuu madaxweynuhu  odhan doonaa, “ Alleylehe way i astureeen oo xaqoodii ayay dhacsadeen”. Balse kuwa qabiil dhego la’ iyo danaysi hunguriyaysan u daba socda, ee  walliba moodaya inay iyagu ugu xigaan, kuwaasi iyaga ahi, isagana Qarankay ka reebi doonaan, iyaguna qabiilooyinkay ka hadhi doonaan, oo madaxweynuhu wuxu odhan doonaa, ‘Alleylehe kuwaasi way ila hadheene waxba iimay tarin’

2 Comments on “Hummaagga HiilDan: Madaxweyne Daahir, Dadka Awdal Yaa Ugu Xiga?”

  1. casamo
    December 15, 2009 at 9:04 pm #

    waar abtiyaal jooga waxan arka caleentiinii oo cadatay waanay ini wadataa ayaan u malaynidee waydinkan ciise ciise ciise seylacduun ku waashay boramaana waan usoo soconaaye maxaad isla xiijinaysaan ma kolaad waxqaadaysaan dhulka aan wada deganaano ilaahay ayaa inagu wada beeray hadiise aad naga daynweydaan dacaayadahan aad wadaan ragbadana oo halkan waxkusoo qoraana waan wada calaamadsaanay oo si dhibyaraana ayaannuu ufarsamayn dooaadee kolaba mar ahaan jabouti way iman doonan miey ka marmikaraanee isagoo afa niga kadhka taagibaan heli hady joojin waayaan waraaqahan weerarka ah nimanyahow aduunku maanta isku mid maaha ee wuu kala tagay nin kastaana taagtiisa ha socddo ciisana waad aragtaane maanta uma jilib dhigi karaysaan dawlada jabouti qurbajoogiinu ma iska dhabi karayaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk mwaa mayadee aado.

    hadiissee ay taa ku qanacsinay maxaa talo kale jirta dee iniguunbaa xiiqaya oo karaamo segaya waxna qaadi maysaa n abtiyaal taagtiinu ma fiicna maanta oo waad isogtihiin iniguba oo waad iswada haysataa n aniga ayaa laandheera ah oo kaa fiican iyo reer ficciisbaa laa ngaab ah ayaad isku haysataan ee horta inigusoo kala baxa markaasi aniga noo yimaada

  2. MUJAAHID
    December 16, 2009 at 11:35 am #

    JAWAAB CASAMO
    kkk aad ayaan kuugu qoslay qofka isku magcaabay casmo, mida kale waa aakhir samaan marka uu qof ciise ahi isku dayo in uu hanjabo , waar miyaad ilawday shalay adiga oo caawimo jabuuti ka haysta iyo waliba itoobiya. adiga oo itoobiya dhan kaa wado, miyaanad ahayn kii(ciise) ku guuldaraysatay in aad minute u adkaysato ama aad iska difaacdo dagaal yahandii samaroon, ma geesinimo kale ayaa hada kugu soo biirtay , ilaahay sida uu iiga adag yahay ayaan ciise uga adakahay, taasina mahaa hadal aan iska leehay laakiin adiga ayaa ii qiraya, miyaydaan idinka oo ah kun qof( 1000) nin aad isku kalsooni naftiinii ka waydeen oo aad dalban jirin 10 nin oo isaaq ah si ay inii dhex joogaan, oo aad u ilaashataan hadii aad iyaga waydaana in aad rag is hortaagtaan mustaxiil ayuu idinka ahaa, waxaan xasuustaa marka uu dagaalku bilaabmo rasaasta u horysa ayaad la idin waayi jiray , oo tobanka isaaq ayaa meesha ku dhiman jiray, sxb adigu meel kale ayaad ka fikiraysaaye waxaan kuu balan qaadayaa in aan soo ceshan doono jabuuti, hadii aad isas siisay ragii lahaa aya ku soo noqon doona, waqtiga ayaan ina kal saari doona.tuuga RIYAALE bal waan dhawri doonaa in laaluushka ismaaciil wado iyo in kale.

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

Gravatar
WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.