By Mujaahid Farxaan

ismaciil cumar geele waxuu ubalan qaaday ina rayaale inuu hantidiisa gaarka ah dhigto bangiyada djibouti aanu magangalyo siiyo hadii beesha dhexe iyo beesha samaroon aay maxkamad la tiig sadaan ismaciil cumar waxaa kale uu ina rayaale ku caawiyay sharciga djibouti bidaqada amase kaarca wadaninimada ee djibouti kaas oo hada xaaska ina rayaale iyo ciyaalkiisuba aay dibadaha kujoogaan sharci jabutiyanka ah taas badalkeeda waxuu ina rayaale ismaciil cumar ku cawiyay inuu ku wareejiyo dhul xeebeedka samaroon ee dagaan ahaan aay dagaan beesha maxad case
waxaa muuqata in daahir rayaale uu dantiisa gaarka ah siistay karamadii iyo sharaftii beesha samaroon ee uu kasoo jeedo isaga oo dhul xeebeedka beesha samaroon balan ku qaaday inuu hanti siiyoo amase gudoonsiiyo beesha ciise eetirada yar ee daaqsinta utimaada xili roobaadka dhulka banka giriyaad ee oomanaha ah waxaa hubaal ah in aanu daahir rayaale makahiil iyo maxad case iyo habar cafaantoona ixtiraam iyo qadarin midna uhayn maanta talo waxay tagan tahay beel waynta samaroon oo meel ugasoo wada jeesata difaaca dhulkooda iyo sharaftooda hadii uu xaalku sii ahaado is riixriixa dhadharada samaroon ee soojireenka ahaa sharafta iyo karamada beeshu waxay ku hooban doonta god gutiisu dheertahay oo aan laheli doonin cid kasoo saarta
manta dadka loobahan yahay inay kahoowl galaan difaaca karamada iyo jiritaanka beesha samaroon waxaa kamid ah kornal sheekh cusmaan (sheekh male )iyo c/raxman awcali (laba tole )waainay hor dhaqaqan oo aay hogamiyaan dhalin yarta ciilan ee cuqdada kaqaaday waxyaalaha aay ku kacayaan saladiinta dhuuni qaata yaasha ah iyo siyaasiyiinta jeebla duulka ah waxaa hubaal ah saladiinta samaroon inay raali kayihiin inla bixiyo dhulka samaroon laguna wareejiyo ciise lama hayo suldaanka hadlay dhulkaa labixiyay suldaan baade, suldaan saleeban, suldaan dhawal, suldaan ibraahin, dhamantood afkaa ubuuxa somaliduna waxay tiraahdaa afwaxcunay xishoo
gabagabadii maqaalka dhalinyarta samaroon gudaha iyo dibadaba waxay diyaar uyihiin inay muruq iyo maalba galiyaan sidii looga takhalusi lahaa mamulka dhuldoonka ahee saylac martida ku ah ee rayaale iyo saladiinta samaroon aay dabada kariixayaan markaa almuhiim mujaahid sheekh male iyo c/raxman hahor dhaqaqan dhalin yartooda si aay usugaan xuduudahooda unadifaacan sharaf tooda iyo karamadooda (dhulka aaynu leenahay waa indhiiga loo furo dhiilada shisheeyaha waa inan ka dhicinaa )daahir rayaalena ha ogaado inuu dhulkiisa iyo dadkiisaba godob ka galay barina lagala xisaabtami doono hana ogaado inaanu awood ulahay dhulka samaroon inuu danihiisa gaarka ah u isticmaalo oo uu kaar djiboutiyana ku badasho
by farhan adan warsame
|
Like this:
Be the first to like this post.
December 13, 2009
Short URL Waxay Ila Tahay (Opinion)
Leave a Comment
Falanqayn: Comments