Dib u Fiiri Alloow: Qarankaas Dumoo, Cidi Danaynaynin.

Maanasadii ‘DIB U FIIRI ALLOOW’: By Shamis Cali Xasan

Walaal magacaygu waa shamis cali xasan. Hada mahayo talo kale oo aan ahayn gabaygan hadii uu idin qancin waayana iga raali noqda:

dad duloobaybaan u egnahoo,

danniga gaaloobay

oodiiday dhaqankoodiyoo

diintina iloobay

Oo dumiyay daartoodiyoo

dilay agoontoodii,

doorsoomayoon hooyadood

derejo siinaynin

dabka saaray gacalkoodiyoon

diirnaxaba haynin

danyartiyo ugaarsado aqoonyaha

oo dooxa  ditoorkii

dawada noowadiyo

dilay wasiirkoodii

dayartii gacmaha goynayoo

laabtu daxaloowday

degaankoodi xaalufinayoo

dunida eedeysan

oo aduunki laga dayriyoo

duqoma loo haysto

dembi  iyo dhac  iyo boob ku nool

oo dugaagoobay daanyeer katala qaato

oon dib ushalayneynin

oo dahabka hoostooda yaal

laga dabool saaray

oon dux iyo iimaan lahayn

dira diraha qaato

dugaal koodi laga saarayoo

dibadda meeraysta

oo dowladnimo iyo aqoon

dowga loo maraba oodiidan

madaxwayne iyo oday la duub saaro

dam idhaha lasiiyaynu nahay

dayacan soomaali dib Ilaahoow noo qabo

adaan duca ku waydiistay

adaan daalin

adigaan derbiyo dabinkureebayne

adigaan u diid iyo daryeel

duluc waryeelayne

adigaan dulmiyo qaadanayn

daa hasiin kaase

dib u fiiri Aloow

Qarankaas dumoo

cidi danaynaynin

3 Comments on “Dib u Fiiri Alloow: Qarankaas Dumoo, Cidi Danaynaynin.”

  1. hiildan
    December 12, 2009 at 9:47 am #

    Very Well Done SHAMIS,

    Walaal aad iyo aad ayuu noo qanciyay gabaygaagu, wuxuna soo jiitay qalbigayaga. Waan kugu dhiirri galinaynaa kuguna taageeraynaa inaad halkaas kasii waddo.

    Nabad iyo caano

  2. A.Barkkadle.I.
    December 12, 2009 at 10:41 am #

    Maanshaa allaa, calayka nuur. waa ku yartahay dadka maanta nool dulucdan oo kale
    waa midh ku dayasho mudan kuwa indha eebbe ka ridey ma ahin, waa midh lagu diirsado murtidan ka soo baxday marwadan…. waa mid qancinkarta dhamaan dadka nool kuwa dhintay ee moodaya in ay nool yahiin waxba u tarimayso saa way duuganyahiin waxayse is moodi in ay nool yahiin….

  3. A.Barkkadle.I.
    December 12, 2009 at 12:06 pm #

    maanshaa allaa, calayka nuur, yaa shucaacul qamar.. afkaaga caano lagu qabay, waa wiil dhaan
    inta wiilashii isku hayaan daahir iyo saylaci oo midkoodna bilaale shaah ah aan caanaynayn, waxaan filayaa hadda waa kaalintii haweenka, dal dumey waa la dhisi karaa ee gabadheey dad dumey intee bay qaadan dhisidiisu…….hadeer waxaa qumandhalintu in ay u daayaan hogaanka gabdhahawaxa yeelay waad aragtaan siday u hadlayaanee……. sidii naag dhaliweyday oo dhawaan eebbe wax siiyey oo dhabta wiilyar ku haysa…… maanshaa alle xaalku sawkan naga qaloocdaymaha
    Siyaasiyiintii gadabuursi waxay ku dambeeyey kirish baydii dumar faraqaooda xadi jirtay, sultaanadii waxaa maroorsaday dira walinntii, aqoonyahanadii waxaa surin u joogsaday beenaalahii, dan yartii waxaa dul fadhiistay maxishoodahii… yaa allaa ….. rabbaw weel roon
    gaas dhegoolahii waxaa u taliyey warxume tashiilkii, ardaydii waxaa wax u dhiga sakhraankii
    khamriga malafsan jirey, ma hadaan xabaalahii faqnay… didarkii xaabaaha qodey ..miyuu tolkeen
    ku dambeeyey…. Yaa roora oo reerkii noogu wargeeya.. ramaalaw dibigigii iyo rag ma noola yiraah….. dhalinteen wataa qabiilka isku haysa, raggii magacga dalka ula baxayna suryadii bay
    dhigayaan intaan isku maqan nahay inagu… yaa allaa… inta uu manaxaan mayalka inoo hayo wallee taladeen baan xalaaloobin… miya raggii gadabuursi la mid noqday.. habartii tidhi ragayaga ragii qabay baa laga roori riiraash.anagoon waxba hayn baa isku muuqana… mise xaalkeenu waa subeyr ha la noo daliciyo tolkeenaw badhaadh… ma waxaan isku dileynaa aniga hala i xigsiimo ? mise xaalkeenbaa dhaafin.. inkastoo tashiga loola baxo taaga fulinfuulka…

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

Gravatar
WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.