Jaaliyada Galmudug State ee degan magaalada Kuala Lumpur ee dalka malaysia oo xalay si weyn u cambaareeyay dadkii ka dambeeyay qaraxii Hotel Shamow ee lagu xasuuqay dadka badan ,
Posted by hiildan on December 9, 2009

Baroordiiq loo sameeyay Masuuliyiintii, Barayaashii, Taqaatiirtii, Ardaydii qalanjabinaysay, waalidiintii iyo dadkii xaflada lagu martiqaaday ee Soomaaliyeed ayaa lagu qabtey xaafada Sentul East oo ku taal Koonfurta magaalada kuala Lumpur, Waxaana soo qabanqaabiyeen Gudoomyaha Jaaliyada Galmudug Ambassador Zakaria Abdi Siyad iyo aqyaar kale ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u tiro badnaa oo ka kale yimid qaybaha ay ka kooban tahay magaalada Kuala Lumpur oo dhan, iyadoo Hallkii lagu qabanayay baroordiiq u qaadi waayay dadkii Soomaaliyeed ee sida weyn uga gilgishay qaraxadii foosha xumaa ee lala beegtay dadkii ka soo qayb galay xafladii qalin jabinta ahayd ee lagu qabtey magaalada Muqdisho Qamiistii la soo dhaafay ayna ku nafwaayeen dad ka badan Dhowr iyo labaatan qof ayna ku dhaawacmeen dad ka badan 60 qofood, kuwaasoo ahaa dhaqaatiir, macalimiin jaamacadeed arday dhamaysatay waxbarashada caafimaadka ee shahaadada Degree, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku meelgaarka ah iyo qaar ka mid ah dadkii ka soo qaybgalay xafladii qaraxa lala eegtay.
Dadka ka soo qayb galay ayaa wajiyadooda ka muuqatey dhamaantood tiiraanyada iyo carada ay ka qaadeen dhibaatada ka dhacday Hotel Shaamoow islamarkaana si weyn uga gilgishay dhibaatada ay ka wadaan dalka Soomaaliya kooxaha wax dila, qarxiya, umadda qalqalgaliya ee arxanka daran ee hadana diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliya ka been sheegaya sida ALSHABAAB & XISLBUL ISLAAM, kuwasoo dadka ku dila gardaro iyo naxariis daro iyagoo ka been sheegaya Diinta Islaamka islamarkaana shaar qabiil oo diinta la huwiyay si loogu gaaro mansab siyaasadeed.
Waxaa xaflada ka hadlay aqyaar farabadan oo aan halkaan magacyadooda ku soo wada koobi karin oo isugu jirey rag iyo dumar, ugu horeyntiina waxaa meesha ka hadlay Gudoomiayaha Jaaliyada Galmudug ee dalka Malaysia Ambassador Zakaria Abdi Siyad oo ka warbixiyay ujeedada maanta dhamaanteen aan iskugu wada nimid islamarkaana baroordiiqda xiriirinaayay,
Masuuliyiintii meesha ka hadashay waxaa ka mid ahaa Xoghayaha ururka ardeyda soomaaliyeed Cabdullahi Qayliye oo ka mid ahaa dadkii soo agaasimay baroordiiqdatan qiimaha badan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dalka Soomaaliya laga daafaco kuwa laynaya dadka qiimaha badan islamarkaana qalbiga xun ee garan waayay inaysan falin waxyaabahan oo kale, aniga waxay ila tahay inaan Dowlad iyo shaqsiyaad lagu soo duulin ee lagu soo duulay dadka iyo dalka Soomaaliya, islamarkaana ay waajib tahay in aynu samayno Foundation lagu garab istaagayo Jaamacada magaalada Muqdisho iyo dadkii dhibaatada ka soo gaartey qaraxaas foosha xun, waxaan la yaabanahay ninkii qaraxa inuu fuliyo loo soo direy ee raadinayay inuu masuuliyiinta Qaranka ee goobta joogay inuu dilo, markuu arkay quruxda ardayda qalin jabinaysay iyo farxada goobta ka muuqato inuusan isbadalin qalbigiisana u dhagax ahaa ayaa soo baxday Ilaahayna waxaa u soo saarey foolxumadiisa calooshiisa ayuu banaanka keenay islamarkaana wajigiisa ayaa la facshiriyay ayuu yiri Cabdullahi Qayliye oo ay ka muuqatey carada iyo murugadii dhacday.
Waxaa kaloo meesha ka hadlay Gudoomiyaha ardeyda jaamacada KLMU Cabdulaahi Ali Suldaan oo halkaasi ka hadlay ayaa tacsi u direy eheladii dadkii ku waxyeeloobay qaraxa hotel Shamow kana waramay in qaraxyadaan oo kale ay ka dhaceen magaalooyin kale duwan oo dalka Soomaaliya ka tirsan sida Hargaysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Hiiraan, Baydhabo iyo magaalada Muqdisho oo u sheegay inuu marar kale duwan ka dhacay laakinse Qaraxa Hotel Shamow uu ahaa kii ugu foosha xumaa, marka waxay ila tahay in maanta aynu ku jirno 20 sanadood oo dowlad la’aan ah ay noogu buuxsamayso December , waxay ila tahay in Soomaali tashataa oo miiska aynu soo saarnaa Soomaaliya kana hadalnaa sidii loo samatabixin lahaa, aqoonyahanka iyo indheergaradku waa inay isku yimadaan dadka iyo dalkana badbaadiyaan, waxa dhacay dadka way dareensan yihiin wayna na wada taabatey ee gobalada dalka dhan hala hadlo dadka hala gaarsiiyo in waxaan oo kale lla fiirsan lagana hor yimaadaa lana daafaco dalka iyo dadka ayuu yiri Gudoomiye Cabdulahi ali Suldaan.




















