Tiibiidu(TB)Soomaalidaay, maaha tiif cudure
Tallaalkeedu waa noloshaan, Taabi laanahaye
Isticmaarkan Tamashlaynayaa, tuubo loo sudhaye
Gabayaagii weynaa ee caanka ahaa aadkana u mucjisada badnaa ee C/LAAHI SULDAAN- TIMA-CADDE (Raxmatullah Calayhi) ayaa tiriyay gabaygan soo socda. Timacadde wuxu gabaygan ku xusayaa sida soomaalidu qabiilka isugu disho halkii ay cadowgooda guud dhan uga soo wada jeesan lahaayeen. Hadday Soomaalidu taageeri lahayd SAYID MAXAMAD CABDULE XASAN(AUN), maanta halka ay joogto ma joogteen, waa sida aynu ka fahmi karno gabaygan isaga ah:
Tirtirsiinyo Soomaali waan, looga taag heline
Sayidkii Taleex degay marakay, turunturraynaysay
Haddaad maalintii taabacdaan, tani ma joogteene
Anaa kaa tol roon waa waxaad, u tariqi weydeene
Tawalleeye Binu-Aadamkii, taag darraan jiraye
Tulud Geela Awr roorsadaybaad, isu tumaatidiine
Todobaatan Alif baa ku lumay, ma i taqaanaaye
Cadaawa raggii tirin lahaa, waydinkaa tiraye
kelidey intaan tebey ka badan, tiryo dheeraade
Tiibiidu(TB)Soomaalidaay, maaha tiif cudure
Tallaalkeedu waa noloshaan, Taabi laanahaye
Isticmaarkan Tamashlaynayaa, tuubo loo sudhaye
Categories: Suugaan(Somali Literature), Warka (News)
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)