Ha Noqonina ‘BalaayoPress’: Balse Noqda ‘BarkhadPress’..

Ha noqonina ‘BalaayoPress’ dadka u horseeda balaayo iyo barakac, balse   noqda ‘BarkhadPress’ dadka ugu baaqa  khayr iyo barwaaqo.

Hadii  qaarkiin yidhaahdaan ”reeraha Awdal qaarbaa cidlo laga soo helay” iyo haddii qaar kalana yidhaahdaan “reeraha Awdal qaarbaa faqri ah oo dawarsada”. Intuba waa dacaayado riqiis ah iyo waran kugu soo rogmada oo ad isku ridaysiin. Awdal haka siibina dahaadhka iyo dubka iyo diirka sharafta leh ee saaran. Haddii an laysku duubnaan karin, halla kala daysto dacaayadaha, oo koox waliba intii ay is fahmi karaan, si wadajir iyo wadaag ah  wax ha ugu qabtaan dadkooda.

Baahida  Awdal way ballaadhan tahay oo ficil iyo farsamo iyo faallo wax loogu qabto intaba way u baahantahay. Balse marnaba danta Awdal kuma jirto dacaayado riqiis ah oo laysla daba wareego  ilaa iyo daayiman.  Hadaba hallaga digtoonaado wixii qayrkiina idinka reebaya, Awdalna an meelna gaadhsiin karin.

Mar labaad iyo mar kastaba, ha noqonina BalaayoPress, noqda BarkhadPress.  Shabakado badan oo reer Awdal ah ayaa jira  oo kalmadda ‘Press’  ugu danbayso. Ugu yaraan saddex ka mid ah kuwaas oo xag jir ah ayaa jira, iyaga  ayuuna dardaarankani ku socdaa. Waxaynu idin leenahay  khayrbaan idiin baryaynaaye noqda ‘Barkhadpress’.  

Wa-Billaahi Tawfiiq

HiilDanYare

About these ads

Categories: Warka (News)

2 replies »

  1. walaal waad sheegtay waana run waxaan aad ka hadlaysaa kolay umad meelkuwada nool ama wada dhashay lagama waayayo dad ku noqda jaxfi oo wax xun uun sheega laakiin walaal waa runtaa in kooxkastiba oo is fahmi kartaaba aay is fahantaa oo dhinacu wada shaqaysaa.
    salaamu calaykum

  2. waad slaamantahay walaal dadkiina waxaad moodaa inay siyaasadii berteen, laakiin xagii cayda aay u baydheen iyo dacaayadaha raqiiska. waxaa inta laga isdaayo dadka halala tartamo qabiiladii kale ayaan ka hadhynay. salaamu calaykum

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: