Maxaad ka xasuusataa Horumarka Bulshada Soomaaliyeed iyo Somali-lanba ay gaarsiisay Hooyada Xawaaladaha ee Shirkadada Dahabshiil oo ah Shirkadaha ugu waawayn ee Geeska afrika ka jira 20-kii sano, haysatana abaalmarintii ugu balaarnayd ee la siiyo Shirkadaha labada Gobol…

DAHAB%20SHIIL
19-kii sano ee Soomaaliya ay ku jirtay fowdada iyo Jahwareerka dhinaca Siyaasada, waxaa Dalka Soomaaliya ka hanaqaaday shirkado aad u tiro badan, oo mid waliba ay adeeg gaar ah u qabato bulshada, haddana Shirkadahaasi badidoodu waxey noqdeen kuwo ka shaqeeya danahooda oo keliya, oo aan wax Xil ah iska saarin danaha shacabka, Duruufaha adag ee uu dalku ku sugan yahay iyo Xaaladaha bini’aadaninimo ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya Dagaalada Sokeeye, burburka & Barakaca.


Waxaana shirkadaha Garab istaagay shacabka Soomaaliyeed Muddada lagu jiro Dagaalada iyo burburka ka mid ah Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil oo ah shirkadaha ugu da’da weyn ee Qaabilsan adeega dhinaca Xawaaladaha, kana howlgala Soomaaliya iyo Somaliland, iyo dacalada Caalamka sida Shanta Qaaradood ee Aduunka Xataa waxaad ka Helaysaa Jasiiradaha yar yare ee badaha ku Wareegsanyihiin, waxaana shirkadan iyo Madaxdeedu ay door lama ilaawaan ah ka qaateen sidii ay taageero dhinacyo kala duwan ah u gaarsiin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed xilligii ay ay ugu baahi badnaayeen.

Dahabshiil Xarumaha ay ku leedahay Soomaaliya iyo Somali-land iyo Dacalada Caalamka waxay ka badan yihiin ilaa 500 oo Xarumood waxaana Magaalooyinka ay Xarumaha ku leeyihiin ka mid ah Xamar, Baydhabo, Xudur, Marka, Buáale, Kismaayo, Afmadow, Jowhar, B/weyne, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Boosaaso & Garoowe, Ber Bera, Burco, Gibileey, Boorame, Baligubadle, Togdheer, iyadoo dhinaca Somaliland dhammaan Magaalooyinka iyo degmooyinkaba ay Xarumo ku leeyihiin.DAHAB%20SHIIL

Marka dhinac kale loo eego, waxqabadka Dahabshiil kuma koobna oo keliya Soomaaliya iyo Aduunka oo Dhan, waxey door Muhiim ah ka qaadatay intii karaankeeda ah, taageerada Hay´Adaha Muhiimka u ah adeegyada Nolosha, sida Caafimaadka, waxbarashada, Isboortiga, Dhisida Masaajidyada, Caawinaada dadka Masaakiinta ah sida kuwa Cuuryaamiinta ah ee ku nool Soomaaliya Somali-land iyo Dalalka Saboolka ah ee Geeska Afrika.

Mar aan Booqday Xafiiskeeda ugu Wayn Soomaali-land oo aan ka fogan Jeelka ugu Wayn Hargaysa waxaan arkayay ayada oo Waraaq cadayn ah loogu dalbayo Muwaadin Soma-land ah oo loo amrayo in la gaarsiiyo lacag Deeq ah halka ay jirtay in Masjid la Dhisayo ayadana lacag loo amrayay oo aan Goog joog ka ahaa.

Bal aan u Beerno Waxqabadka Soomaaliya gaar ahaan Xarunta laga Xakumo Soomaaliya oo ku Taala Goob aan ka Fogayn Suuqa Bakaaraa:

Waxaa lagu xusuusataa Xarunta Soomaaliya ee uu Madaxda ka yahay C/llaahi Nuure Owdiini in ay ka Qeyb Qaadatay Arimo badan sida Taakuleyntii u gar Gaaridii Dadkii ay abaaburhu Galaafteen kuwii ay daadadku aafeeyeen iyo waliba kuwa ay Gaajadu Dilootay ee u baahan tabaruca iyada oo Raashin iskugu jira Bariis Sonkor Saliid u gayn jirtay Xiliyada ay u Baahan yihiin dadka tabaalaysan, waana Shirkadii ugu horeyasy ee daadadkii abaaraha dhibaatooyinka gaarka ah ka qeyb qaadatay sida ayada oo dadka Soomaaliyeed ee Dibadaha jooga u Furtay Acoun lacag la’aan ah si ay ugu soo rabarucaan intii islaam ah oo wax ku sadaqaysan karta dadka ay Abaaraha, Gaajada, fatahaada wabiyada ay aafeeyeen Waxayna ahayad Xarunta Muqdisho Halbowlaha Ganacsiga iyo u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Waxaa ka mid ah Xarunta Muqdisho oo aan ka Fogayn Isgoyska Adan Cade waxyaabaha ay ka Qeybqaadatay in ay u Qaybiso waxyaabo iskugu jira Raashin sida Bur Bariis Sonkor Saliid iyo Xoogaaa lacag Gacanqabasho ah oo ay ugu talagshay in ay Iidaan ka dhigtaan Dadkaasi Tabaalaysan Xiliyada Ramadaanka ama ay iidaha soo Galayaan oo ay sadaqo ahaan u Qaybiso ayada oo ka Jaraysa hantida Balaaran oo shirkada Illaah ku Manaystay.

Shirkada Dahabshiil oo ay isticmaalaan Dadka Soomaaliyeed iyo Somali-land Boqolkiiba ilaa 70- halka dadka u soo shaqa taga ama ku soo Dirsada ama ka dirsada lacagaha ay u dirayaaan Eheladooda ay gaarto maalintii ilaa 10.000 oo qofood Halka dadkaasi ay ka Dirsadaan Xarumaha waawayn ee Shirkadaasi ay ku leedahay Dacalada Caalamka.

DAHAB%20SHIIL1

Bangiga Dahabshiil wuxuu Wadanka iyo bulshada intaa u keenaa faa’iido iyo horumar dheeraad ah, Waxay isku xidhmi karaan BanK-yada Caalami ah oo la aqoonsan yahay, taas oo wadanka u soo jiidi karta in la barto ama la Maalgashado, Ganacsatada ayuu u sahli doonaa in LC-yada wadamada kale ay ka furanayaan ka furtaan Dahabshiil. Noqon lahayd, Shirkada Dahabshiil waxay hada xarunteeda tahay mid ka mid ah dalalka Ganacsiga Aduunka ee Dubai.

Xarumaha ugu waawayn ee Shirkadani Waxay ku yaalkaan Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somali-land waxaa ka mid ah Xarumahaas xarunta gar gaar oo aan ka Fogan Shirkada Daalo Air-lines oo ah Xarunta ama ka mid ah Xarumaha Ugu Mashquulka badan oo uu Maamule ka yahay Ahmed Mohamed Yoonis Waxaana meel aan ka Fogayn Xaruntaas gargaar oo u jirta ilaa 40- talaabo ay shirkada Dahabshiil ka Bilaawday Dhisme Bank la mid ah kii Sil Silada Weyne ama la dhihi karo waxa uu galayaa Bankiga labaad ama ka Sadexaad ee ugu wayn Geeska Afrika waxaana ku baxaya Malaayiin Doolar waxa uuna ka kooban yahay ilaa Toban dabaq.

Dhismaha Bank ay Dhisayso Dahabshiil ayaa waxa uu Dhismihiisu Socdaa ku dhawaad laba Sano Waxaana ka Shaqeeya Shaqaale gaaraya ilaa 100- iyo Mishiino casri Laba Wiish oo loogu tala galay in ay Shubka Geeyaan Meelaha Fog Fog.

Dhismaha Bankiga ayaa Dhismuhiisu Waxa uu yahay mid casri ah waxa uuna Hoos ku leeyahay ilaa 3- dabaq oo loogu tala galay Banki Qeyb Baakin ah oo loogu Tala galay Shaqaalaha in ay Baabuurtooda Dhigtaan Inta ay shaqada ku Jiraan iyo Qeybo kale oo u shaqayn Doona Sida Bankiyada Caalamka.

Inta la Ogahay Bankan ay Dhisayso Hooyada Xawaaladaha afrika waa uu ku yar yahay Dhismihiisa Balse dadka u Dhuundaloola Arimaha Ganacsiga ayaa ku Tilmaamay Dhismahan Mid wax u taraya Horumarka Geeska Afrika oo ay ku baxayso Aduun gaaraya Milaayiin Dolarka Maraykanka.

Sidoo kale Xarumaha Soomaaliya iyo Somali-land waxay ka Qeyb qaateen Agabsiinta sida Daawooyinka iyada oo Isbitaalada siisa Anplacyada, in ay Taqaadiirta ka Cawiyaan Dhinaca Guna Siinta, Xarunta Soomaaliya waxay Qeybtii ugu horeysay ama Dhaqaalahii ugu Badanaa ku Bixisay sidii loo Howlgalin lahaa Isbitaalka Hooyada iyo Dhalanka ee Banaadir mar Boorka laga Jafay 2005-kii ayada oo Noqotay Shirkadii ugu Horeysay oo lacag aad u fara badan ku Bixisa Dhisida iyo Dayantirka Isbitaalkaasi oo ku Baxday Boqolaalkun oo Doolar waxayna qaadatay kaalintii ugu Horeysay ama Biladii ugu waynayd ayay ka qaadatay waxaana aBaal Marintaasi ku Dhawaaqday Allaha u Naxariistee Madiimo Jen. Oo ahayd Hooyadii aas aaska Dhismihii Isbitaalkaasi.

Xarunta Somali-land ee Hargaysa ayaa sidoo kale waxay Isbitaalka Burco Horaantii Sanadkaan ugu Deeqday gaari Nuuca Dhaawaca lagu qaado ee Anplacka ah kaasi oo u adeegaya dadka Dhibanayaasha ah, Sidoo kale Shirkada ayaa waxay ka Qeyb qadataa isku soo Dhawaynta Shacabka kala aaminsan Fikradaha ha Joogaan Muqdisho ama ha Joogaan Hargaysa ayada oo isku soo dhawayntaasi u adeegsata in ay Cayaaro u Qabato ayada oo samnaynaysa Kooxo ayada magacooda ku Cayaaraya oo wata Magaca Hooyada Xawaaladaha Hooyada gar gaarka ee Dahabshiil.

Isku soo Duuboo waxaa la gaari Doonaa labada kun iyo tobanka in la soo afjaro in Lacago laqaato oo ay dadka labada Gobol ka soo jeeda ay lacago sii qaataan ama ay Yiraahdaan Meeshaas ayaan joogaa ee lacagtaas hala sii soo dhigo oo waxaa la gaari Doonaa in Jeegaga Caalamka ay ka mid Noqoto Jeeda Shirkada Dahabshiil si ay kuugu Fududeyso in aad kala baxdo Acounka aad ku leedahay Shirkadaasi iyo in aad Bankiyada Caalamka oo aad ku leedahay Acounada aad Maraka aad Timaado Hargysa Ama Muqdisho aad kala bixi karto.

la soco Qeyb kale oo ka hadlaysa waxqabadkii shirkadani labadii sano ee Tagtay.

waxaa isku soo Duway oo soo Diyaariyay :
Cabdixakiin Cilmi Xasan: Hargaysa:
Cabdixakiin44@hotmail.com
Tell-0025-22-4157101

 

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
 
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com

 

 

XIGASHO: DAYNIILE

About these ads

Categories: Warka (News)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: