BAAFIN: Yaa Arkay Cabdilaahi Maxamuud Xirsi..?

cabdilaahi_maxamuud_xirsi

Taasi waxay keentay in cabdilaahi maxamuud uu mutaysto xadhig kadib markii lagu soo eedeeyay aflagaado iyo inuu gaystay hadalo lid ku ah gooni isutaaga iyo madaxbanaanida somaliland , kadibna waxaa loo taxaabay jeelka magaalada Boorama.

Sanca(BoonOnline)-maxamuud xirsi waxa uu ka shaqayn jiray xarun lagu gado joornaalada kasoo baxa jamhuuriyada somaliland oo ku taala magaalada boorama, isla markaana ah qoraa wax ka qora dhacdooyinka iyo bur-burkii ku yimid jamhuuriyadii la odhan jiray soomaaliya. cabdilaahi maxamuud xirsi kuma koobnayn oo kaliya hawlahaas aan kor ku soo sheegnay ee waa gabayaa wuxuuna gabayadiisa kaga hadli jiray dhaliilaha xukuumada somaliland oo ay kamid yihiin musuqmaasuqa , wax isdaba marinta iyo cadaakad darada iyo waliba gooni isu taageeda. Taasi waxay keentay in cabdilaahi maxamuud uu mutaysto xadhig kadib markii lagu soo eedeeyay aflagaado iyo inuu gaystay hadalo lid ku ah gooni isutaaga iyo madaxbanaanida somaliland , kadibna waxaa loo taxaabay jeelka magaalada borama.
 
warkan oo aanu ka helnay waraysi aanu la yeelanay wiil ay jaaryihiin dhibanahan oo lagu magacaabo cali cismaan oo soo gaadhay dhawaan dalkan yemen ayaa noo sheegay in mr.cabdilaahi maxamuud xirsi uu muddo bil ah ka hor ka baxsaday jeelka ilaa haddana aan la garanayn meel uu ku sugan yahay.
 
waxa kale oo uu noo sheegay cali cismaan in xaaskiisu ayna ilaa hadda ka warqabin meesha u ku suganyahay ninkeedu , maalin kastana ay uyimaadaan boolis raadinaya , taasi oo ku abuurtay cabsi badan.
 
axmed cumar miicaad
sanca 
 
Source: somalilandeye

About these ads

Categories: Baafin

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: